Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga difaaca Golaha Shacabka ee BFS, Wasiirka Gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa looga hadlay sharciga Xaqsiinta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sharcigan ayaa waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, si ay dhammaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin dalka, marka ay noqdaan howlgab.
Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dhismaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.
Dhankiisa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in muhiimad gaar ahkoowaad la siiyo CiidankaXoogga Dalka, si loogu garab istaago howlaha ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dhaqaale weliba oo ku baxayo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn xoghayaha guddiga difaaca Golaha Shacabka Sadiiq Warfaa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada Aqal ee BFS ay meel mariyan Sharcigan, si loo helo Ciidamo tayo leh oo ay yeelato Soomaaliya.
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha shirkadda isgaadhsiinta Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa waxaa maanta madaarka diyaaradaha ee Hargeysa loogu sameeyey soo dhaweyn ballaadhan.
Guddoomiyaha Telesom ayaa dib ugu soo laabtey safar uu dhawaan ku tagay dalka South Africa halkaas oo lagu soo guddoonsiiyey abaal marin caalami ah oo uu ku guulleystay.
Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golleyaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hoggaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan.
(SLT-Ceerigaabo)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen dufcaddii 4-aad (Afraad) ee ka qalin-jabisa jaamacadda Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, Halkan hoose ka DAAWO
3. Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur: Sheekh Roobow Abuu Mansuur, waxaa uu reer Baydhabo u sheegay in ajendihiisa ugu weyn uu yahay amniga iyo inuu gobolkaas ka saari-doono Al-shabaab.
Sheekh Mukhtaar, waxaa uu ka baxay xarakada Al-shabaab, dowladda federaalkana isku dhiibay August 2018-kii, xilligaas waxaa uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada.
Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag, iyaga oo madaxiisa dul dhigay $5 Milyan.
Tillaabada Mareykanka kadib, Abuu Mansuur Roobow oo ka hadlayey masjid uu salaadda jincaha ku tukaday oo ku yaalo Buur-hakaba waxaa uu sheegay in aanu iska qari doonin Mareyaknaka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aw Mareykanka aniga waxaa jooga Buurhakaba, Masaajidka ayaa salaadii jimcaha ku dukaday, jimcihii hore waxaa ku dukaday Tiyeeglow”.
Bilowgii Xarakada, Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan.
Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool.
3dii sano ee ugu dambeysay, inta aanu isku soo dhiibin dowladda, waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, tilaabadan looga laabtay lacagta la dul dhigay waxaa ay soo dedeji kartaa in uu dowladda federaalka ah isku dhiibo.
4. Ibraahim Macalin Nuur: Ma aha shakhsi siyaasadda lagu yaqaan, waa Sama fale, waxaa uu wax uu dhisay Isbitaalka Bay-how ee magaalada Baydhabo, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed.
5.Ambassador Sayid Axmed: Muddo dheer ayuu safiir ahaa, waxaa uu soo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiyey dalalka Tanzania iyo Uganda, iyo xildhibaan golaha shacabka ah, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed.
6. Aadan Saran Soor: Waxaa uu ka mud ahaa hoggaamiye kooxeedyadii hore, khibraddiisa shaqo waxaa ka mid ahaa: Xildhibaan(2010), wasiirka ganacsiga iyo warshadaha (2015), kooxdii ARS( 2007-2009), wuxuu aad u diidanaa dowladdii Cabdullahi Yusuf, oo marar badan isku dhaceen Aaden Madoobe, dhismaha dowladda Cabdullahi Yusuf ka hor wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee jbahaddii RRA.
(SLT-Addis Ababa)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta ka furmay shir ay leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana looga hadlaya arrimaha ku saabsan doorashada 2020-ka ee dalkaasi ka dhici doonto.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in kulanka ay uga hadlayaan sidii doorashada caddaalad ah, xor iyo nabad ah u dhici lahayd.
Shirka oo hadda socda waxaa la filayaa inay kasoo saaraan qodobada doorashada oo wax ku ool ah oo ay isku afgartaan mucaaradka iyo dowladda Itoobiya.
Kulanka waxaa ka qeyb galaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo hoggaamiyeyaal mucaaradka ka socda.
Abiy Axmed ayaa madaxda mucaaradka kala hadlaya sidii loo sii xoojin lahaa isbadallada horumarineed ee dalkaasi ka socda.
Baladweyne ( Sh. M. Network )-Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha HirShabelle ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada magaalada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan.
Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa Shabelle u sheegay in Madaxweyne Waare Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubuuti uu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha HirShabelle uu booqan doono deegaano iyo degmooyin kale oo ku yaalla gobolkaasi.
Shalay ayey aheyd markii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
(SLT-Muqdisho)-Guddida Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa Ku dhawaaqay ay soo dhameeyeen dadaaladii lagu soo Afjaraayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa.
Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda.
Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.
Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:
Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.
Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga.
Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.
Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.
Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.
Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.
Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran
Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe
Qodobadda u gaarka ah Maamul Goboleedyada
Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Puntland, dhinacyada mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka.
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga gaarka ah ee Aqalka sare uu u saaray xal u helidda Khalifaaka Dowladda Feferaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta soo saaray warbixin iyo go’aanno la xiriira Arrimahaas.
Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta kooxo hubeysan dil ay ka geysteen xaafadda Nakaruuma degmada Afgooye ee gobolkaasi.
Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Marxuum Cumar Mahad Cabdulle oo maamule ka ahaa Iskuulka Daarul Amal oo ku yaalla degmadaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka lagala soo baxay Iskuulka, kadib lagu dilay meel banaankiis ah.
Sidoo kale wararkaasi ayaa intaasi in Raggii ka dambeeyay dilkaasi oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobta isaga baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo howlgallo ka sameeyey halkaasi.
Illaa iyo hadana ma jiro wax hadan oo uu maamulka degmada Afgooye ka bixiyay dilkaasi.
Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood loo geysto Maamuleyaal Iskuul, iyadoona xalay degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir lagu dilay Marxuum Xuseen Maxamed Xuseen oo maamule ka ahaa Iskuul ku yaalla gudaha degmadaasi.
Maxaas ( Sh. M. Network )-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka waday deegaanka Oronto ay weerar kala kulmeen Al Shabaab.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay gaareen deegaano la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin Al Shabaab.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.
Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa howlgallo waddo furis ah ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa Ku dhawaaqay ay soo dhameeyeen dadaaladii lagu soo Afjaraayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa.
Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda.
Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.
Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:
Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.
Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga.
Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.
Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.
Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka labad ee xisbiga KULMIYE Md Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom uu ku ammaanay horumar ballaadhan oo uu sheegay in ay ku tallaabsatey, Halkan hoose ka DAAWO
Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .
Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero ay ula baxeen Cuteybah.
Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow.
Waxa uu raaciyay in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir 20-may 2018.
Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.
Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.
Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.
Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku kala xukuntay
1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay
Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaarida ah ee UICD Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ku aammanay horumar ballaadhan oo uu sheegay inay ku tallaabsatey, isla markaana ku baaqay in lagu deydo.
Faysal ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay joojiso kootada ay ganacsigii isgaadhsiinta shirkado gaar ah ugu xidhay isla markaana ay haboon tahay in tartan loo galo, Halkan hoose ka DAAWO
Poor people, goes the saying, pass down poverty the way rich people pass down an inheritance.
The greatest legacy governments can pass down to one another is the legacy of inclusion — a system that reflects the image of every citizen and the echo of the present and the mirror of the future.
We are not born knowing how to lead, even how to live together. Leading and living together in peace side by side come with learning. To make the art of leading process a source of gaity and joy, leaders must learn that “to lead is to let people live.”
Without learning how to let people live, one cannot be a leader that can lead a nation aright. The secret to the leading process is that people are not led as they are, but they are led as they could be.
Realisticslly speaking to lead is to train and discipline people, to go over to where they are standing, take them by the hands, and then guide them to do things, tell them how they do things and why they do things, in order to create a society with a state of mind that craves for knowledge, a mind that is full of interest and energy to create new things.
The possibility of meeting the real art of leading is to build a system of government that has the capability and capacity to pave a clear path for the people, set out goals, devise plans, fulfill what is promised and check progress continually, to ensure that things are working well and if the things are not working well, figure out why and make change.
Leading is born of disorganization, of fear of going astray, of going wrong, of doing less, of not being secure, of being alone, of making a mistake, of doing the same thing over and over again.
Doing the same thing over and over again and expecting different results is impossible. Of course doing things in the same way is what always wears human creativity out. The spirit to do things in more ways than one is among the key opportunities that create continuous progress and development.
Excellent leading behavior is the cumulative corollary of several attributes like vision, op determination, focus, diligence, integrity, moral values, self-confidence, patience and passion. But the most important factor conducive to attaining excellent leading skills is sincerity, coupled with courage and conscience. No amount of external goading, however persistent, can veer us towards excellent leadership. When we are constantly driven by an insatiable yearning to live life at its highest dimension by delivering our best, this kind of passion helps us realise our highest potential, which if not tapped remains dormant.
The leading behavior of an ill-educated man is as useless as the tail of a goat which neither covers its rear ends nor protects it from the bites of insects.
In Somaliland, the dress code has its uses, hiding a culture that one has accustomed to it in the heat of running a country is quite unusual. It conveys much of all that hangs on the figure that wears the crown, and let it be said that there is no hierarchy of illusion: catch any cop and you will notice that there is a telling command in his tone with which he tries to conquer the allegiance of every creature. A soldier is always a tyrant, if he can get the chance to be one.
It is by offering faith and trust and by serving all people on equal footing that leaders earn the right reputition to lead a nation. Naturally people’s hearts are like flowers that remain open to the softly falling dew, but start to close up in the violent downpour of rain.
That is where the excellent art of leadiership begins from. Who knows where Somaliland leading process began from? The people want to know.
The system that Kulmiye party has built will not change unless we change our thinking.
F.C.Waraabe oo karbaashey Jabuuti & Shirkada Somcable+Sirro badan uu kashifey
in News - Wararka
Posted
Qaran News