Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden oo caasimada Muqdisho u soo gaartay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ay la soo saaray qaabka ay u ciyaarayaan.
Shalay ay tababarkii ugu horeeyay ku qaateyn garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan waxayna ku rajadooda tahay in bulshada caasimada ay u soo bandhigaan kubad ku dheehan farsamo.
“Runtii aad ugu faraxsanahay in aan dalka ay ku diyaarsan yihiin garoomada casriga ee aan anaga ku ciyaarno waxayna taas naga saacidaysaa in aan soo bandhigo farsamooyinka”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdiqaadir oo ah layliyaha kooxda Som United.
Halkan Ka Eeg Kulamada Ay Ciyaarayso Kooxda Som United
21-12-2018-Muqdisho United VS Som United
24-12-2018-Som United VS Madbacada
26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United
28-12-2018-Som United VS Muqdisho City
Maalmaha kale ee aysan ciyaaraynin kulamada saaxiibtinimo waxa ay booqandoonaan goobaha tariikhiga waxaana macquul ah in ay la kulmaan madaxda qaranka waana kooxda Saddexaad sanadka 2018 booqashao iyo ciyaaro saaxiibtinimo dalka u imaada.
Muqdisho (Caasimada Online)-Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa la sheegay inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed.
Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda.
Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed.
Sebaht Nega oo ah sarkaalka howlgabka ah ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku yimid rabitaanka Mareykanka, islamarkaana uu ka shaqeynayo danahooda, sida uu hadalka u dhigay.
Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa ka jawaabtay hadalkaasi waxaa Afhayeen u hadlay uu beeniyay sheegashada sarkaalka Tigreega ah, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ethiopia, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”.
Taliska Uganda ayaa u magacaabay Brig Michael Kabango inuu badalo taliyahooda ciidamada ee Soomaaliya Brig Paul Lokech, kaas oo jagadaasi hayey tan December sanadkii tagay.
Michael Kabango hadda waxaa uu ahaa taliyaha qeybta 5aad ee waqooyiga Uganda balse shaqadaasi ka hor waxaa uu ka shaqeeyey Soomaaliya, si fiicanna waa u yaqaan.
“Waa Asakri aad u shaqo fiican, adag isla markaana ay Afrikaannimada ku weyn tahay” sidaasi waxaa yiri afhayeenka ciidanka Uganda Brig Richard Karemire .
Ciidamada Uganda waxaa ay qeyb ka yihiin AMISOM, waxaa ayna Soomaaliya joogeen tan iyo 2007-dii.
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey Golaha Guurtida, waxaanu ugu baaqay in aanay xiisad iyo xaalad kale oo khilaaf keenta aanay buurin ee muddo kordhin mucayin ah oo la isla ogol yahay raalina laga wada yahay inay u kordhiso Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “In ilaa hadda Xisbiyadu hawshooda si fiican bay socotaa, oo waa la isku soo dhawaanaya waana arin fiican, oo loo baahna, in Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga taladda hayaana inay wada hadlaan, oo ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee jirana waa loo baahnaa, laakiin Doorashada wakhtiga ay ku dhacayso sida aan qabo waa la isla eegi doonaa, ee Guurtidu waa in aanay ka dheerayan heshiiska Somaliland, ee dhinaca Doorashada, waana inay noo kordhisaa muddo kordhin raali laga wada hayey mucaarad iyo muxaafidba, wakhti xaasaasiya ayeynu ku jirnaa ee Guurtidu waa in aanay abuurin xiisaad iyo xaalado kale oo muran siyaasadeed ka dhasho,awoodeeda dastuuriga ahna waa in aanay uga faa’idaaysan si aan umadda qancinayan, ee dhinaca wanaagsan ha uga faa’iidaysto, umana taag hayno mar walba doorashooyin dib inooga dhaca, iyo muddo kordhin joogto ah, ”.
Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey Farmaajo ayaa yidhi “Somaliland waxay xaqiijinaysaa rabitaankeedii ay ku dhawaaqday 1991, weyna ka midho dhalinaysaa rabiteenkeeda, taladduna dadkeeda ayey ka go’aysaa, laakiin Farmaajo iyo Barlamaankiisi maanta wey kala fadhiyaan, isaga iyo Goboladii wey kala fadhiyaan, Safaaradihii reer Galbeedka ee Muqdisho fadhiyey, dhammaantood arinta Baydhaba wey canbaareeyeen, cadaadisaka uu dadkiisa ku hayaana u keeni mayso guul la taaban karo, Somaliland ahaana ma necbin Shacabka Somaliya, maxaa yeelay waa dad islaam ah, oo aanu jaar nahay, ee inuu ALLE ka dulqaado dhibaatada ayaanu rajaynaynaa, Farmaajana intuu Somaliland waxyeeladeeda isku mashquulinayo, waxaa u roon inuu dhibaatada dadkiisa ka saaro, waxaa kale oo wax aad loola yaabo ah in isaga oo Madaxtooyadiisi aamini waayey, oo kolba Xerada Milatariga seexanaya inuu haddana Somaliland isku mashquuliyo, taasina waxba u tari mayso, waxna Somaliland kuma yeeli karo”
(SLT-Ceel-afweyn)-Odayaasha deegaanka Ceel afweyn ayaa gacanta dawladda ku soo wareejiyey laba qof oo ku eedeysan gacan ku dhiigle deegaanka Dararweyne qof socota ah ku dilay, taas oo muddo laga sugayey inay odayaashu soo qabtaan dambiileyaashaasi.
Labadan qof ee ku eedeysan gacan ku dhiiglaha ayaa magacyadooda la kala yidhaahdaa Cabdirisaaq Cawild Ducaale iyo Axmed cabdi Cawad cabdulle, waxaana lagu wareejiyey dawladda, iyagoo ay goob joog ka ahaayeen odayaashii marxuumkii ay hore u dileen ka soo jeeday.
Odayaal u hadlayey marxuumkii hore loo dilay ayaa sheegay labadaasi gacan ku dhiigle lagu soo wareejiyey dawladda, isla markaana ay uga mahad celinayaan odayaashii ka hawlgalay soo qabashada dambiileyaashaasi dilka gaystay.
Sidoo kale, odayaasha soo qabtay labadan gacan ku dhiigle ayaa cadeeyey inay gacanta dawladda ku soo wareejiyaan oo sharciga la hor geyn doonno.
Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Dararweyne, waxaana marxuumka la dilay la odhan jirey Saleebaan Xuseen Maxamed, waxaana dilkaasi dhacay bishiii 5/11/2018, taas oo muddo lagu daba jiray soo qabashada ka dib markii lagu heshiiyey in qofkii qof dilla ay soo qabtaan odayaashiisu, halka beeshan hadda loo soo qabtay ay iyaguna nin xaaskiisii dilay soo qabteen ka dibna lagu wareejiyey gacanta dawladda.
Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbiro ayaa u mahadnaqay odayaashii mudadda ku jiray soo qabashada dambiileyaasha,isla markaana sheegay in qof kasta oo qof dila sidaas loo soo qaban doono si aanu dambiilihii dambiga gaystay aanu reer u noqon ee uu shakhsi u noqdo.
“Waxaan cadaynaya sida odayaashu sheegeen dhacdaddii u dambaysay ee ka dhacday Dararweyne bishii 11aad shanteedii,2018 ee lagu dilay marxuum Saleebaan Xuseen Maxamuud inay nagu soo wareejiyeen labadaasi gacan ku dhiigle ku eedeysan oo ay hada ku jiraan gacanta dawlada”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag.
Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa waxa ka dhici jirey dagaalo beeleed soo noqnoqday, taas oo ka dhalan jirey dad kala aargoosanayey oo marka qof la dilaba,isla markiiba beeshii qofka la dilay intay soo duulaan kuwo wax dilay beeshooda dad ka soo layn jirey, haseyeeshee waxa hadda lagu heshiiyey in wixii hore lskaga dilay magta la bixiyo, qofkii dambe oo qof dilla ay odayaashiisu soo qaban doonaan si sharciga loo horgeeyo, taasina waxay keentay in deegaankii nabadi ka hirgasho.
Shacabka ayaa muujiyay sida ay u faarujinayaan magaalada Baydhabo mar haddii la doortay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, waxaana ay aheyd fal celin maad ah “Kaftan”.
Qaarkood ayaa isku soo sawiray iyagoo wata alaabadooda iskana dhigaya ineey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka qaxayaan Mar hadii la doortay shaqsi Aan ku imaan rabitaankooda, sida ay matalayeen.
Shacabka ayaa taageero buuxdo u hayay musharixiinta kale oo uu kamid ahaa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran magaalada Muqdisho.
(SLT-Uganda)-Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub u magacawday Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, iyadoo la bedelay Taliyihii ciidankaas Paul Lokech.
Brig. Michael Kabango oo ahaa Taliyaha qeybta shanaad ee Ciidamada Waqooyiga Uganda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda ayaa sheegay in Brig. Michael Kabango uu yahay nin qibrad leh oo aad u wanaagsan, ayna rajeynayaan inuu ka qeyb qaato howlaha nabadeynta Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha la bedelay Paul Lokech oo horay u hoggaaminayay howlgalada Al-Shabaab looga saaray Muqdisho iyo deegaanada kale uu ahaa nin geesi ah oo ka qeyb qaatay xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya.
Waxaa horay u jiray cabasho saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Midowga Afrika, kaasoo ka dhan ahaa Taliye Paul Lokech, kaddib markii la isku qabtay awaamiir dowladda dooneysay inuu fuliyo, gaar ahaan qalalaasihii ka dhashay Mooshinkii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari.
Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidanka ugu badan ee howlgalka AMISOM, in ka badan 6,000 oo askari ayaa ka jooga Muqdisho.
(SLT-Dubai)-Dowlada Maraykanka ayaa ku taageertay shirkada xarunteedu tahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ee DP World khilaafka kaladhexeeya dowlada Jabuuti ee dhismaha dekeda Dooraale.
La taliyaha Arrimaha Ammaanka Qaranka ee dowladaMaraykanka John Bolton ayaa ku taageertay DP World khudbad uu ka jeediyay shirka dhacay dalka Jabuti kaasoo ku saabsanaa hay’adda Heritage Foundation.
Bolton ayaa ku taageeray DP World isagoo ka hadlayay qorshaha cusub ee siyaasadda dowlada Maraykanka ee arrimaha Afrika.
John Bolton ayaa ku eedeeyay dowlada Jabuti talaabadii ay horaantii sanadkan kula wareegtay dekeda Dorale oo ay ku baab’iisay heshiiskii ay la gashay shirkada DP World.
Shirkadda DP World ayaa soo dhoweysay mowqifka dowlada Maraykanka waxana afhayeen u hadlay shirkadda sheegay in ay u mahad celinayaan dowlada Maraykanka,ayna shirkadda DP World ay weli raadinayso sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafka dekeda Doorale.
Mowqifka uu Maraykanku ka qaatay khilaafka dekeda Dooraale ayaa waxaa uu bilow u yahay siyaasada cusub ee dowlada Maraykanka ee ah in ay ugaga soo horjeestaan wadanka Shiinaha oo saameyn ku yeelanaya wadamada ku yaal qaarada Afrika gaar ahaan Geeska Afrika.
(SLT-Congo)-Booliiska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa sunta dadka kaga ilmaysiisa waxa uu ku kala kaxeeyay taageerayaasha mucaaradka ee dhagxaanta tuurayay, xilli lagu wado in dalkaasi ay doorasho ka dhacdo maalinta Axadda ah ee soo socota.
Madaxweyne Joseph Kabila ayaa lagu wadaa inuu xilka banneeyo, doorashadanna waxa ay noqonaysaa middii ugu horraysay in hoggaanka Koongo lagu badelo codbixin.
Qulqulatooyin ayaa dalkaasi ka dhacay xilliyadii awoodda la isku wareejinayay.
Booliiska oo isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa islamarkana xiraya musharaxa mucaaradka si ay uga hortagaan in uu qabto isu soo baxa ololaha doorashada ayaa ah walaac soo kordhay ka hor doorashada Axadda lagu wado in ay Congo ka dhacdo.
Caasimadda Kinshasa waxaa ku xooggan taageerayaasha mucaaradka islamarkana tallaabada uu qaaday barasaabka oo ah nin si aad ah ugu dhaw madaxwaynaha taasi oo uu kaga mamnuucayo in ay mucaaradka qabtaan isu soo bax ayaa ah mid ay caro ka dhalan karto.
Iyada oo ay xiisadda sii kordhayso ayaa walaaca jira waxa uu yahay ciidamada ammaanka Congo oo taariikh u leh in ay toogtaan dibadbaxayaasha mucaaradka.
Sanaddii aanu soo dhaafnay toboneeyo qof ayaa dibadbaxyo noocan oo kala ah lagu dilay.
Dhanka kale afhayeen u hadlay guddiga doorashada Congo ayaa BBC u sheegay in doorashada dib loo dhigi karo haddii qalabka doorashada uu diyaar noqon waayo waqtigi loogu talagalay.
Kumannan ah qalabka casriga ee dooarsahada aya toddobaadkii aanu soo dhaafnay burburay ka dib markii uu dab qabsaday xaruntii uu qalabka yaalay.
(SLT-Midimishiq)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadii ka joogay Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonto.
Ma jirto waqti caayiman oo arrintan loo qabtay,balse mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in muddo 100 maalmood gudahood ah ay dalkooda ku soo laaban doonaan.
Madaxwayne Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS looga adkaaday dalka Suuriya islamarkana taasi ay ahayd sababtii ciidamada halkaasi loo geeyay.
Balse qaar ka mid ah xubnaha Kongreska ee xisbiga Jamhuuriga ayaa cambaareeyay go’aankan.
Dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowladda Islamka ee gudaha Suuriya ayaa imika soo yaraaday.
Waxa ay ku sugan yihiin oo kali ah qaybo yar oo ka tirsan Koonfur bari dalkaasi Suuriya.
Madaxwayne Trump ayaa sheegay in kooxda IS looga adkaaday gudaha Suuriya islamarkana ciidamada halkaasi laga soo saari doono.
Saraakiisha Mareykanka kalama aysan cadayn tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo halkaasi iyo waqtiga rasmiga ah.
Mareykan ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2000 oo askari.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sida ugu dhaqsiha badan ciidamada haalkaasi looga soo saari doono.
Shaacinta warkan lama filaanka ah ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah madaxda Mareykanka.
Marco Rubio oo ah Sanatar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in tallaabadani ay minjaxaabinayso dadaalada nabadda.
Mr Rubio ayaa intaa ku daray in haddii ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya ay taasi hoos u dhigayso galaangaalka Mareykanka uu ku leeyahay arrimaha Suuriya.
Balse xubno ka mid ah saraakiisha amniga qaranka ee madaxwayne Trump ayaa su’aal galiyay go’aanka in Mareykanka uu ciidamada kala soo baxo Suuriya.
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo dalkiisa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa soo jeediyay in taageerada la siiyo ciidamada AMISOM laga wareejiyo.
Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayuu soo jeediyay in taageerada AMISOM loo wareejiyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay AMISOM amaanka dalka kala wareegaan.
Madaxda Caalamka ee taageera Ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ayuu sheegay in looga baahan yahay inay doorweyn ka ciyaaraan tayeynta ciidamada Soomaaliya, maadaama ladoonayo inay amaanka guud ahaan AMISOM kala wareegaan.
Tayeynta hay’adaha ciidamada ayuu sheegay inay tahay halka ugu haboon ee dhaqaalo lagu bixiyo, isaga oo ku taliyay in taageerada AMISOM ee badan loo weeciyo dhismaha ciidamada xooga dalka.
Musaveni ayaa hadalkaan shaaciyay kadib kulan uu la qaatay Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika, Ambassador Makila James.
Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo si toos ah kaga mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo muddo 11 sano ah.
Is jiijiid dheer kadib tanaasulkii Shariif, xiritaanki Roobow, banaabaxyadii Baydhaba, waxaa gebi ahaanbi lagu kale baxay doorashadi madaxtinimada ee Koonfur-galbeed taasoo muddo dhowr jeer baaqatay, si kastaba ha ahaatee, Cabdicaziz Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ku guuleystay madaxweynaha Koonfur-galbeed.
Haddaba aan halkan idinku soo gudbiyo seddex waxyaabood oo aan ka baran karno doorashada Koonfur-Galbeed.
1) – Ninkii xoogaa heysta bay xaajo u toostaa
Marka aad u kuurgasho qaababka ay u dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, waxaa kuu soo baxaya in kaliya ninkii xoogaa heysta ay xaajadu u toosto, lacagtuna tahay mid wax doorata, si kale hadaan u dhaho, Xildhibaanka wax dooranaya ma ahan mid qadiyad ama hadaf guud ka leh cidda la dooranayo. Taas sababteeda miyaad aqriste I weydiin?! Xaq baad u leedahay, aan jawaabta kuu dedejiyee, Xildhibaanka wax dooranaya laftigiisa ma ahan mid si caddaalad ah lagu soo doortay si uu u kasbado kursigaasna kaash badan baa kaga baxay. Codkiisu wuxuu ugu deeqaa shaqsiga dantiisa gaarka ah fulinaya, isagoon danna ka gelin danta guud ee bulshada uu metelo, wallow ay jiraan qaar wanaagsan laakin sida ay u badanyihiin baan ka hadlay.
2) – Saameynta taageerada Dowladda
Sida muuqatay madaxweynaha la doortay ee Cabdicaziz laftagareen waxa uu taageero dhinac kasta leh ka helayay dowladda federaalka Soomaaliya. Kana garo taas dadaalkii ay dowladda ku bixisay doorashada KG. Dhabcan sida la fahmi karo dowladda ayaa u jeedkeedu ahaa inay madaxtimada Koonfur-galbeed kusoo baxo shaqsi ay isku aragti yihiin amaba ay wada shaqeyn karaan. Maadaama maamulkii hore ee Shariif ay kala aragti duwanaayeen. Waxaana muuqanaysa in taageerada dowladda ay saameyn weyn ku yeelan doonta doorashooyinka xiga cidda noqoneysa madaxda maamul goboleedyada.
3) – Dowladda waxa ka go’an inay madaxda maamulada kale meesha ka saarto
Kadib khilaaf daba-dheeraaday oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo dib u dhigay hannaanki horay u socodka dowlada, ayaa waxaa hadda muuqanaya in xal lagu kala quustay, dowladdana xusul duub xooggan ugu jirto sir iyo saaq kastaba ha u martee sidii ay gebi ahaanba meesha uga saari laheyd madaxda maamul goboleedyada kale, iyadoo ku dadaaleysa inay keento shaqsiyaad iyada ay isku aragti yihiin.
Waxa ay hadda soo afjartay maamuladi Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed iyadoo hadda u muuqata inay u tafaxeydeynaso sidii ay meesha looga saari lahaa madaxda maamulada Puntland, Jubaland iyo Galmudag oo ay kala hoggaamiyaan Gaas, Madoobe iyo Xaaf, waxeyna howsha u muuqataa faanoole weli fara kama qodna.
Dhanka kale, madaxda dowladda federaal ayaa dagaal ba’an ugu jira sidii ay markale ugu soo noqon lahaayeen hoggaanka madaxtinimo ee doorashada 2021, taasoo ku xiran inay taageero xooggan ku yeeshaan maamul gobaleedyada kale.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Marka si dhab ah loogu kuur galo waa Maya, waayo intii uu madaxweyne Muuse joogay waxaad moodaa in wadankii jar ka laalaadsamay oo uu dalaw inuu ka shalwado qarka u saaranyey, Haday tahay dhaqaale, cadaalad iyo maamul ba.
Dhaqaalaha ilaa intii uu muuse xilka qabtay Shillinkii Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wuu sii qiimo dhacayaa, maciishadiina cirka ayey isku shareertay intii ay Somaliland jirtay meel aanu sixirbararku gaadhin ayuu gaadhay mudadaa. Halkii qorshe lagu maareeyo ay Xukuumada Mudane Muuse keeni lahayd waxay keentay Handaraab, kooto iyo xayiraad Taas oo sii cakirtay xaladii dhaqaale ee dalka sababtayna in muwaadiniin badan oo qaadaa-madherge ah ay galaafatay oo ay meheradihii isbixin kariwaayaan oo ay ka xidhmeen, halka kuwa ku xoogsada gaadiidka iyana Xayiraad iyo Xanimaad loogu gaystay iyaga oo lagu am’ray in aanay ka shaqaysan karin goobo kooban oo cayiman mooyee, sidoo kale in Shiidaalkii qaali noqday oo cidi goyn weydey iyaga oo ladaalaadhacaaya duruufaha suuqyada ka jira xayiraadna u dheer tahay in hadana qasab lagaga dhigay in taarikada gaadiidka badalaan oo iibsadaan tacusub ee Xukuumada Muuse Biixi si Lacag looga sameeyo muwaadiniintaa silicsan, shaqo abuur warkeed daa, iyana Danyartii waxay goyn kariwaayeen quutal-daruurigii oo way macaluuleen.
Dhanka kale Dalkii oo faraha ka baxaaya Taas oo ay sabab u tahay in shacabkii la dhex dhigay kala Qaybsanaan baahsan oo wax wada lahaanshihii meesha kabaxay markii muwaadiniintii loo kala Xagliyey loona kala Sad-buriyey kala fogaanshahaa ay caddaalad darada xukuumadu sababta utahay awgeed ay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in maamul goboleed Soomaaliya ahi gudaha Jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadaan oo uu madaxweynaha puntiland dhex taxtaxaasho Somaliland siddoo kale in Somaliland gudaheeda Jabhado hubaysani ka samaysmaan kuna dhawaaqeen in ay Cadaalad darada dalka ku habsatay qoriga u Qaateen.
Waxa iyana la gabay Ictiraaf raadintii iyo iib-geyntii qadiyada Somaliland iyada oo uu Maqaamkii Somaliland dunida ku higsanaysay uu hoos u dhacay, Xirfad Diblamaasi la’aan, kala qoqobnaan iyo talo wadaag la’aan awgeed.
Isku soo xooriyoo mudadaa Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin, Una dheertahay Xin iyo Ku Xumayn ay Xukuumadu Muuse Biixi gudaheeda is XagXaganayso.
Roma (Caasimada Online)-Ciidamada booliska ee dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo 20 sano jir ah, kaasi oo la sheegay inuu damacsanaa inuu qarxiyo kaniisado ku yaala bariga dalka Talyaaniga.
Taliska ciidamada booliska ayaa sheegay in ruuxaasi uu damacsanaa in qaraxyo waaweyn uu ku weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro oo u taala magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isaga oo la sheegay in xiliga ciida Karismaska (Christmas) uu doonayay inuu fuliyo weerarka.
Muxsin Ibrahim Omar oo loo yaqaan Anas Khalil ayaa la xiray kadib markii la helay cadeymo muujinayo inuu qorsheynayay weeraro ka dhan ah goobaha ay ku kulmayaan dadka maalintaasi ciidaya.
Mr Khaliil, ayaa la sheegay in lagu helay cadeymo muujinayo inuu aamisan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah.
Waxaa Laamaha amaanka ee baaritaanka waday ay sheegeen in muwaadinka Soomaaliyeed uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal Soomaaliya ay ku jirto.
“Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay 11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari.
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Galmudug ee Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ku doorteen Magaalada Cadaado Axmed Baasto ayaa Hambalyo u jeediyay Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen.
Mudane Axmed Baasto ayaa hoosta ka xariiqay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay shaqsi samata bixin kara shacabka maamulkaasi Koofur Galbeed.
Sidaas daraadeed ayuu ka dalbaday shacabka deegaanadaasi in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub.
Baydhabo ( Sh.M.Network):-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo lagu qabto shir looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Kulankaan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Masuuliyiin kala duwan oo Madaxweynaha Cusub uu ka mid yahay.
Waxgaradka ayaana lagu wadaa in Madaxweynaha ay faah faahin ka siiyaan xaaladda deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona qeybaha magaaladaasi lagu arkayo Ciidamo la soo dhoobay.
Shalay doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa:
1. Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho (Dugsiga Sare ee Booliiska Xamar “Scuola di Polizia“), waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo (Cali Salaamey), Dugsiga Tababarka Carmo, Gobolka Bari.
2. Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah.
Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka.
Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax kasta inyesan dhicin ee fashiliya iyo kala dambeynta.
Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha wuxuuna ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee SYL.
Wixii ka dambeeyey burburkii dowladnimo ee Soomaaliya 1991-dii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka.
Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Jeneraal Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin.
20kii bishii Diseembar, 2005 waxaa iyana markii ugu horeysey dib loo furey dugsigii tabobarka booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo, ee gobolka Bari, tanina waxa ay ahayd talaabo kale oo loo qaadey dhanka dib usoo celinta ciidamada booliska Soomaaliyeed. Carmo waxa ay magaalada Boosaaso dhanka Koonfureed ka xigtaa 100km.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ah ciidan aad loo jecelyahay, iyada oo sanad guurada 71-aad laga xusey qeybo kala duwan oo dalka ka mid ah sida magaalooyinka Gaalkacayo iyo Baydhabo.
Inkasta oo wali ay jiraan caqabado ay ciidamada kala wadaagaan dalka intiisa kale, hadane waxaa jira talaabooyin horukac leh oo uu qaadey ciidanka, tusaale ahaan waxaa hadda shaqeeya oo dib loo furey saldhigyada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo saldhigyada magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyada oo ciidamo boolis ah la geynayo tuulooyinka iyo deegaanada dhawaan soo galay gacanta dowladda.
Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa durba bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo shacabka ku dhaqan magaalada, odayaasha iyo saraakiisha ciidamada.
Lafta Gareen, ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada booliska Koofur Galbeed isaga oo kala hadlay xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo doorashada ka hor ay rabshado ka dhaceen.
Saraakiisha ciidamada booliska ayaa laga dalbaday inay xaqiijiyeen amaanka magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed uu u balanqaaday inuu ka shaqeyn doono tayeynta ciidamada booliska.
Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed ayaa ku amray ciidamada booliska inay maanta magaalada Baydhabo ku qabtaan sanad guurada ciidamada booliska oo inta badan laga xuso gobolada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo, isaga oo u balanqaaday inuu joogteyn doono kulamada uu kala tashanayo horumarinta Koofur Galbeed.
Lafta Gareen ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay inkasta oo aan wali la caleemasaarin.
Maanta waxaa loo dabaaldagayaa 75-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo beegneyd December 20, 1943-dii.
Ciidanka Booliiska waxaa uu jiray Taariikhdaas ka hor sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay General Jamac Maxamed Qalib oo horay u soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed.
Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.
Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie.
Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari.
1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira.
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada.
October 21, 1969-kii Markii Jaalle Maxamed Siyaad uu dalka Inqilaab ku qabsaday waxaa uu sameeyay maalin u gaar ah Booliiska isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu maalinta booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii, lama oga sababta uu go’aankaas u qaatay iyadoo Booliiska uu xiligaas ka hore jiray ama dhisnaa sida aan soo sheegnay.
Sanadkii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya.
Dalkeenna waxaa uu lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhamaan qeybaha kala duwan ee Booliiska.
Burburkii Qarannimo 1991-kii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka.
Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000 ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Muumin kadibna General Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin.
Dowladdii Carte wixii ka dambeeyay Booliiska waxaa ay ka mid ahaayeen ciidamada ay sheegato dowlad walbo oo timaada, Lakin waxaa su’aalo badan ka jiraan waxqabadkooda iyo sababta keentay tayo la’aanta ciidanka Booliiska.
Maanta Booliiska malaha wada shaqeyn dhexdooda ah, waxaa dalka hesta gawaari Taargo la’aanta ah oo aan la aqoon meel loogu hagaago, amni darro, Tabarbarada Booliiska waxaa bixiyo dalal daris ah iyo kuwoo shisheeye oo intooda badan aan rabin nabadda, xitaa Dicepiline Booliiska iyo la dhaqankooda shacabka dhib badan ayaa ka jira.
Dhanka kale maanta waa maalinta Booliiska, waxaa ay dhigi doonaan xaflado waaweyn, isagoo ubaxyo sita, qoslaya,u heesaya madaxda hortooda fadhida, una garaacaya Bambeyda, Lakin waxaa jira xaqiiq madaxda iska indho tiraan, Booliiska waxaa heysta daryeel la’aan, mushaarka oo yar iyo xuquuqdooda oo aanany dowladda Mas’uuliyad iska saarin, lamana oga goorta Soomaaliya yeelan doonto Ciidamo Booliiska oo dhinac walbo ka dhameystiran, waxaa kale oo aan la ogeyn goorta la hirgelin-doono dhismaha ciidamada 32 kun oo booliiska ee sanadkii hore lagu heshiisyey.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo kubeegan Maalinta Berri ah oo Taariikhdu tahay 20 December
S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.
Xiriirka Kubbadda Cagta Oo Soo Saaray Jadwalka Ciyaareedka Kooxda Som United
in News - Wararka
Posted
Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden oo caasimada Muqdisho u soo gaartay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ay la soo saaray qaabka ay u ciyaarayaan.
Shalay ay tababarkii ugu horeeyay ku qaateyn garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan waxayna ku rajadooda tahay in bulshada caasimada ay u soo bandhigaan kubad ku dheehan farsamo.
“Runtii aad ugu faraxsanahay in aan dalka ay ku diyaarsan yihiin garoomada casriga ee aan anaga ku ciyaarno waxayna taas naga saacidaysaa in aan soo bandhigo farsamooyinka”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdiqaadir oo ah layliyaha kooxda Som United.
Halkan Ka Eeg Kulamada Ay Ciyaarayso Kooxda Som United
21-12-2018-Muqdisho United VS Som United
24-12-2018-Som United VS Madbacada
26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United
28-12-2018-Som United VS Muqdisho City
Maalmaha kale ee aysan ciyaaraynin kulamada saaxiibtinimo waxa ay booqandoonaan goobaha tariikhiga waxaana macquul ah in ay la kulmaan madaxda qaranka waana kooxda Saddexaad sanadka 2018 booqashao iyo ciyaaro saaxiibtinimo dalka u imaada.
Source: goobjoog.com