Somalia introduced a new shipping directive aimed at regulating the movement of vessels within its territorial waters. The new regulation was reported over the weekend by the state-owned media Somalia National News Agency (SONNA).
A man accused of killing his girlfriend in Boston and fleeing to Kenya has been extradited back to the United States — the latest twist in an international case that saw his arrest at a Nairobi nightclub and his escape from jail.
Ciidanka Masar iyo Soomaaliya ayaa dhoolatus militari oo wadajir ah oo ay ka qeybqaadanayaan ciidanka dhulka, badda iyo cirka waxay ku sameyn doonaan gudaha Soomaaliya.
Tan ayaa ka dhigaysa taariikhda markii koowaad iyo dhoolatus heerkaasi uu ka dhacayo gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil Masaari ah.
Lama sheegin taariikhda dhoolatuska uu ka billaabanayo Soomaaliya iyo tirada ciidamada ka qeybgalaya, iyadoo ay ku soo aadayso xilli labada dal ay sare u qaadeen iskaashigooda militari.
Masar ayaa kumannaan askari usoo diri doonta Soomaaliya , kuwaaso saldhigyo ku yaalanaya gudaha dalka tiro qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kumannaan kale oo la sheegay inay gacan ka geysanayaan dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.
Dhoolatuska militari , wuxuu sidoo kale ku soo aadayaa xilli xiisadda Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah iyo Itoobiya ay sare martay.
Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Venezuela ayaa Isniintii shalay sheegay in maxkamad ku taalla Venezuela ay ay soo saartay amar lagu soo xirayo hoggaamiyaha mucaaradka Edmundo Gonzalez.
Edmundo Gonzalez ayaa lagu eedeeyay in uu shirqool iyo dambiyo kale geystay xili wali uu muran ka taagan yahay natiijadi kasoo baxday doorashadi madaxtinimo ee bishii July.
Doorashadaasi ayay Guddiga Sare ee maamula doorashooyinka sheegeen in uu ku guuleystay madaxweyne Nicolas Maduro, hase yeeshee waxaa isna guul weyn ka sheegtay hoggaamiyaha mucaaridka.
Qaar ka mid ah dowladaha galbeedka iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in doorashada aysan u dhicin si daah furan isla markaana dalbaday in lasoo bandhigo dhammaan codadki la tiriyay.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Venezuela Tarik Saab ayaa qoraal uu soo dhigay barta telegaraam oo ay araktay wakaaladda wararka ee Reuters ku xaqiijiyay waaranka loo jaray hogaamiyaha mucaaridka.
Arrin ayaa laga cabsi qabaa in ay sare u sii qaado howlgallada iyo ugaarsiga ka dhanka ah xubnaha mucaaridka dowladda Maduro, iyadoo todobaadyadi dhawaa ay booliska xirayeen dhalinyarada iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa mucaaridka.
Afhayeen u hadlay Edmundo Gonzalez, ayaa Isniinti sheegay in ay sugayaan wargelinta waaranka, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah.
Xuutiyiinta Yemen ayaan illaa hadda sheegin warka la xiriira in ay weerarreen markab uu Sacuudiga leeyahay , iyadoo waxyar ka hor ciidanka Mareykanka ee ku sugan badda cas ay sheegeen Xuutiyiinta inay shalay weerar la beegsadeen markabka shidaalka qaada ee Sacuudiga oo lagu magaaco Amjad oo uu ka babanayay calanka boqortootadda Sacuudiga , kaasi oo siday ilaa laba milyan oo fuusto oo saliid cayrin ah.
Warsaxaafadeed uu baahiyay taliska dhexe ee Mareykanka , ayaa lagu sheegay markabka Sacuudiga iyo markab kale oo oo sitay calanka Panama ee Blue Lagoon I in ay la kulmeen weerarrada Xuutiyiinta oo loo adeegsaday gantaallo ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxay sii wateen safarkooda lamana sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarran ay gaarsiiyeen labada markab.
Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa shir jaraa’id oo xalay uu qabtay aan marna sheegin inay weerarreen markabka Sacuudiga , sidoo kale wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inay la xiriirtay milkiilaha markabka shidaalka ee Sacuudiga ee Amjad iyo sidoo kale kooxda maraakiibta qaranka Sucuudiga ee Bahri, kama aysan jawaabin wararka la xiriira in markabka Amjad uu weerar kala kulmay Xuutiyiinta oo taa beddelkeeda sheegtay inay weerarreen markabka Blue Lagoon I oo isagana siday labo milyan oo fuusto oo saliid cayriin ah.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu kulamo gooni-gooni ah la qaato madaxda sare ee dowladda Shiinaha iyo xubnaha kale ee qeybta ka ah shirkaan.
Xildhibaanka laga soo doorto Gobolka Awdal ayaa horey u wajahayay dacwad Xeer-ilaalintu ay ku dooneyso in laga qaado xasaanada si ay ugu soo oogaan eedeymo la xiriira faafinta sirta ciidanka,
Kalfadhiga bilowga ah ee dhowr jeer laga dhex baafiyay Xildhibaan Abiib ayaa la filayay in uu ka go’aan gaaro codsiga xeer-ilaalinta ee xasaanad ka xayuubinta mid ka mid ah xildhibaanada ku cusub Golaha Wakiilada Somaliland, ee muddo koobaan caan uga dhex noqday golahaas.
Sida loo qabtay xildhibaan Abiib
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ah mid ka mid kuwa ugu magaca weyn xildhibaanada laga soo doorto gobolka Awdal, oo ay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta heshiiskii Addis Ababa iyo Hargeysa ka taagneyd, ayaa saacado dheer ku xiran meel aanan si rasmi ah loo shaacin oo ka mid ah gudaha Somaliland.
Xildhibaan ayaa horey u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshiyaha danaha qaranka.
Waxa la xiray xilli uu kasoo dagay diyaarad FlyDubai oo ka timid Dubai, halkaas oo uu ku maqnaa muddo.
Waxa uu ka maqnaa kulamadii Golaha kadib markii dib loo furay, iyada oo dhowr jeer laga dhex baafiyay fadhiga isaga iyo xubno kale oo fasax la’aan ka maqnaa kulada.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii xildhibaan ku sugayay garoonka diyaaradaha Cigaal, waxaa Xildhibaanka oo akhbaar moog ah laga dhex qabtay goobta ay ku nastaan dadka madaxda ah ee garoonka ka dhoofaya ama kasoo degaya wax yar uun markii uu soo galay.
Koox rag dharcad ah oo ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa garbaha ka galay xildhibaanka iyaga oo weydiistay in uu soo raaco.
Si aan rabshad iyo is-jiid-jiid laheyn ayuu Xildhibaan Abiib u galay gaari ay wateen ciidamada dharcadka ah. Ciidankaas ayaa watay saddex gaari oo muddo dheer ba ku sugayay xildhibaanka banaanka garoonka, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka xildhibaanka ku sugayay goobta.
Wixii markaas ka dambeeyay dib looma arag, ciidamada amniga iyo sirdoonka Somaliland kama aysan hadlin.
Xildhibaanka hadalka badan ee su’aalaha badan waxa uu noqonayaa xildhibaankii labaad oo la xiray inta ay jirto xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.
Xildhibaan kasoo jeeday Sool ee lagu magacaabo Maxamed Axmed Dhakool ayaa sanadkii 2019kii noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee gudaha Somaliland lagu xiro.
Maxkamada gobolka ayaa diiday xarig xildhibaankaas, go’aanka oo ay xukuumada iyo hay’adaha amniga ay iska indho-tireen, sida uu sheegay sharciyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil, oo sheegay in Xildhibaan Dhakool sideed iyo afartan maalin kadib lagu sii daayay dedaalo ay sameeyeen odeyaasha dhaqanka.
Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Cirro” ayaa xarigga xildhibaanka ku tilmaamay mid dastuurka lagu jabinayo, iyada oo hadal kaas la mid ah uu jeediyay guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka ee xubinta ka ahaa xildhibaanka la xiray ee Kaah, Maxamuud Xaashi.
“Waxaan u aragnaa gef midnimada iyo wada-jirka umadda laga galayo, waxaan u aragnaa tallaabo lagaga gal-galanayo doorashada afaafkeedii la joogo,” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Xaashi.
Maxamuud Xaashi ayaa ka mid ahaa tiro xildhibaano Somaliland ah oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee ee xukuumadii madaxweynihii geeriyooday ee Cigaal ay eedeysay sanadkii 2000dii.
Halka lagu xiray xildhibaan Abiib
Baadigoob ay hoggaanka xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah inay ku ogaadaan halka lagu hayo Xildhibaan Maxamed Abiib iyo inay booqdaan si ay xaalkiisa usoo ogaadaan ayaa guuldarro kusoo dhamaaday kadib markii ay booqdeen xarunta dembi-baarista Somaliland oo markii hore la tuhmayay.
“Madax fara badan baa tagtay xaruunta CID-da meelo badnna haddaan ku soconaa inaanu ka war-doonno ilaa iyo hadda ma sugna lamana yaqaanno meel la geeyay,” ayuu yiri Maxamuud Xaashi.
Waxaa kale oo markii dambe beenoobay tuhun ah in xildhibaanku ku xiran yahay xarunta sirdoonka Somaliland.
Xubno kala duwan oo ka tirsan Xisbiyada iyo ururada mucaaradka ayaa sheegay in ay ogaadeen in Xildhibaan Maxamed Abiib ku xiran yahay xabsiga Mandheera, oo u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Waa xabsi fac weyn oo ilaa berrigii kacaanka dadka lagu xiri jiray. Warqad kasoo baxday Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu canbaareeyay xariga xildhibaanka waxaa lagu xaqiijiyay in xildhibaanka hadda lagu hayo xabsiga Mandheera, oo horey siyaasiiyiin badan oo reer Somaliland ah loogu xiray.
Waa xabsi badanaa la la doonto dadka la doonayo in aanan la booqan ama laga yaabo in xarigoodu horseedo booqashada iyo isu-imaatinka dad badan.
Dastuurka iyo xeerarka Somaliland ma ogola in la xiro mudane ka tirsan Golaha Wakiilada ilaa inta marka ugu horreyso laga qaadayo xasaanada. Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay horey u yeesheen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku guuldareystay in xasaanada looga xayuubiyo xildhibaanka, sida uu codsaday xafiiska Xeer-ilaalinta Somaliland.
Ciidanka RRU-da ee lagu eedeeyey xariga Abiib
Sannadkii 2012 ayaa la aasaasay RRU (unugta hawlgalka degdegga), waxayna ka mid yihiin Ciidanka Birmadka ee Booliska Somaliland oo markii hore la oran jiray SPU (Unugta ilaalada gaarka ah). Ciidanka Birmadka ee Somaliland wuxuu ka kooban yahay labadaas qaybood ee kala ah RRU iyo SPU.
SPU hawshooda ugu weyn waxay ahayd inay ilaaliyaan amniga hay’adaha iyo diplomaasiyiinta, laakiinse unugta RRU oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ayaa lagu soo kordhiyey 2012.
Dhaqaalaha iyo tababarka
Dawladda Ingiriiska ayey wararku sheegayaan inay ciidankaas ka taageeri jirtay dhaqaalaha. Sidoo kale wuxuu ingiriisku ka taageeri jiray dhanka tababarka, laakinse dawladda Ingiriisku marnaba si toos ah ugama aysan hadlin taageerada ay siiso ciidanka RRU ee Somaliland.
Tababarka ciidankaas ay qabaan ayaa la mid ah kan milateriga, waxaana durba billowday cabasho in laga keeno, taaso la xiriirta in isbeddel lagu sameeyo RRU.
Mid ka mid ah dadka aadka uga hadli jiray qaabka hawlgal ee ciidankaas oo aynaan magaciisa sheegayn sababo amni dartood ayaa ka warramay sababta ay u saluugsanaayeen qaabka ay ciidankaas u dhaqmaan “ciidankan waxay qabaan tababar la mid ah kan milateriga, waxaana loogu tala galay inay argagixisada la dagaallamaan, sidaa darteedna ma ahayn in shacab loo adeegsado, waayo waxay isticmaalayaan awood aad u xad dhaaf ah.”
Cabashada ka imaanaysay ciidankaas markii ay badatay ka dib ayey dawladda ingiriisku joojisay taageeradii dhaqaale iyo tababar ee ay ciidankaas siin jirtay.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa joojinta dhaqaalihii ingiriisku ku bixin jiray ciidankaas u xaqiijiyey diblomaasiyiin uu la hadlaayey 2020.
“Waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo in dhaqdhaqaaqyada argagixisada UK oo kaliya ay taageeraysay qaybaha la dagaallanka argagixisada ee RRU iyo SPU waxaana taageerada UK ay dhamaanaysaa 31 Maarso, waxayna arrintan sugaysaa dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub oo uu ku jiro danjiraha midowga Yurub inay galaan beddelka gargaarkii xukuumadda UK ay ku bixin jirtay unugyada la dagaallanka argagixisada ee Somaliland.”
4 qof oo tareen saarnaa ayaa lagu toogtay magaalada Chicago ee dalka mareykanka, waxayna laamaha nabad-gelyadu sheegeen inay xabsiga u taxaabeen qof lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay weerarkaas.
Dadka la toogtay ayaa dhamaantood waxay ahaayeen rakaab saarnaa tareen sida uu sheegay ku xigeenka madaxa booliska magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee dalka mareykanka.
Baarayaasha ayaa sheegay inay la shaqeynayaan Maamulka Gaadiidka Chicago si ay dib u eegaan muuqaallada kaamirooyinka ilaaladu ay duubeen ee ku saabsan toogashada, waxayna booliisku sheegeen in weerarka loo geystay laba tareen oo dad rakaab ahi ay saarnaayeen.
saddex ayaa ku socday hal baabuur iyo kan afraad mid kale.
Eedaysanaha falkan loo haysto ayaa xabsiga la dhigay wax yar ka dib markii ay toogashadu dhacday, kaasoo baarayaashu ay rumeysan yihiin inuu weerarka ahaa md aan toos ahayn, balse ay arrimo kale salka ku haya.
Hogaamiyaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dib isaga riixay cadaadis gudaha iyo dibadda uga yimid Isniinti, kaas oo looga dalbanayo in uu aqbalo heshiis xabbad-joojin ah oo uu la gaaro Xamaas, si loo dhameeyo coladda Gaza iyo in dib Isra’il loogu celiyo la heystayaasha reer Isra’il ee ku sugan Gaza.
Cadaadiskan ayaa yimid, kaddib marki lix ka mid ah la heystayaasha meydadkooda laga helay god dhulka hoostiisa ah oo ay ku hayeen Xamaas. La heystayaasha ayaa la sheegay in la dilay wax yar ka hor inta aysan ciidamada Isra’il gaarin halka lagu hayay.
Natanyahu ayaa sheegay in aysan jirin cid uga dadaal badan sii deynta la heystayaasha, isla markaana uusan aqbaleyn in arrintaasi loogaga khudbeeyo. Wuxuu kaloo ku celiyay in Isra’il ay dib ula wareegeyso Marinka Gaza, gaar ahaan dariiqa loo yaqaanno Philadelphi ee isku xira Rafax iyo Masar, halkaas oo uu sheegay in ay tahay marinka Xamaas loo soo mariyo hubka.
Xamaas iyo Masar labaduba waa ay beeniyeen eedda Natanyahu.
Boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa habeenki Axadda ku mudaaharaaday magaalooyinka waaweyn, iyaga oo dalbaday in xukuumadda Natanyahu ay aqbasho heshiiska xabbad-joojinta Gaza si loo soo daayo la heystayaasha.
Mudaaharaadyo kale ayaa xalay ka dhacay bannaanka guriga Natanyahu ee bartamaha Qudus, iyo sidoo kale bannaanka hore ee xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Natanyahu.
Tel Aviv (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dib isaga riixay cadaadis gudaha iyo dibadda uga yimid Isniinti, kaas oo looga dalbanayo in uu aqbalo heshiis xabbad-joojin ah oo uu la gaaro Xamaas, si loo dhameeyo coladda Gaza iyo in dib Isra’il loogu celiyo la heystayaasha reer Isra’il ee ku sugan Gaza.
Cadaadiskan ayaa yimid, kaddib marki lix ka mid ah la heystayaasha meydadkooda laga helay god dhulka hoostiisa ah oo ay ku hayeen Xamaas. La heystayaasha ayaa la sheegay in la dilay wax yar ka hor inta aysan ciidamada Isra’il gaarin halka lagu hayay.
Natanyahu ayaa sheegay in aysan jirin cid uga dadaal badan sii deynta la heystayaasha, isla markaana uusan aqbaleyn in arrintaasi loogaga khudbeeyo.
Wuxuu kaloo ku celiyay in Isra’il ay dib ula wareegeyso Marinka Gaza, gaar ahaan dariiqa loo yaqaanno Philadelphi ee isku xira Rafax iyo Masar, halkaas oo uu sheegay in ay tahay marinka Xamaas loo soo mariyo hubka.
Xamaas iyo Masar labaduba waa ay beeniyeen eedda Natanyahu.
Boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa habeenki Axadda ku mudaaharaaday magaalooyinka waaweyn, iyaga oo dalbaday in xukuumadda Natanyahu ay aqbasho heshiiska xabbad-joojinta Gaza si loo soo daayo la heystayaasha.
Mudaaharaadyo kale ayaa xalay ka dhacay bannaanka guriga Natanyahu ee bartamaha Qudus, iyo sidoo kale bannaanka hore ee xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Natanyahu.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii sheegay in Natanyahu uusan shaqo wax ku ool ah ka qaban wadahadallada heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha. Isaga oo sheegay.
Dhanka kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Isniinti ku dhawaaqday in ay joojineyso qaar ka mid ah hubka ay u dirto Isra’il, sababo la xiriira iyada oo ka baqeysa in ay ku jabiso xeerarka caalamiga ah.
Ciidanka Booliska Soomaaliya gaar ahaan Saldhigga Degmada Dharkenley ayaa xiray saddex nin oo hubeysan iyo Mooto Bajaaj ay wateen, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhac u geysteen muwaadin ku nool degamda Dharkenley.
Raggan oo ku hubaysnaa qoryaha boobeyaasha ee loo yaqaanno Ak47 ayaa loo haystaa falal isugu jira dhac dadweyne iyo qalqal-gelin, waxaana la filayaa in sharciga la horgeyn doono, islamarkaana la maxkamadayn doono.
Ciidanka Booliska ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jiray howlgal ka dhan dablay iyo burcadka mindiyaha ku hubaysan ee dhaca u geysta shacabka, waxaana xabsiyada ku yaalla muqdisho ku xiran rag ku eedeysan falal caynkaas ah.
Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has enacted stringent new maritime regulations to manage vessel movement within its territorial waters better.
Announced by the state-owned Somalia National News Agency (SONNA) over the weekend, the directive marks a significant step in the country’s efforts to reassert control over its vast, historically under-regulated coastline.
Under the new rules, any vessel entering or operating within Somali national waters must fly the Somali flag. Additionally, ships passing through Somali waters must notify the country’s maritime authorities and adhere to the Ministry of Ports and Marine Transport regulations.
This move is part of a broader strategy to strengthen Somalia’s sovereignty over its maritime domain, which spans one of the longest coastlines in Africa.
Reviving the maritime sector
Introducing these regulations is a crucial component of Somalia’s broader initiative to revive its maritime sector, which has suffered from years of neglect due to prolonged civil unrest.
Since the collapse of the central government in 1991, Somalia’s naval laws, last updated in 1989, have become outdated and ineffective, leaving the nation vulnerable to illegal, unreported, and unregulated (IUU) fishing.
Estimates suggest that Somalia loses up to $300 million annually due to such illicit activities, making it imperative to modernize its maritime governance.
By mandating the flying of the Somali flag and requiring vessels to report their presence, Somalia aims to establish greater oversight and control over its waters.
This move is expected to curtail IUU fishing and other illegal activities, such as piracy and toxic waste dumping, which have plagued the region for decades.
Geopolitical Implications in the HofA
Somalia’s new maritime directive also comes against increasing geopolitical tensions in the Horn of Africa. One significant development is the recent agreement between Ethiopia and Somaliland, a self-declared independent region of Somalia, regarding using the Berbera port in the Gulf of Aden.
This agreement grants Ethiopia access to the port without the requirement to fly the Somali flag, as Somaliland does not recognize Mogadishu’s authority.
The situation presents a complex challenge for Somalia’s new regulations, as the country’s central government in Mogadishu needs to recognize Somaliland’s independence.
The lack of a unified approach to maritime governance could lead to conflicts or inconsistencies in how these regulations are enforced, particularly in the waters off Somaliland.
Adding to the complexity, Djibouti has recently offered Ethiopia alternative access to the Port of Tadjourah, potentially reducing Ethiopia’s reliance on the Berbera port.
These regional developments highlight the strategic importance of Somalia’s coastline and the need for a coherent and enforceable maritime policy.
Strengthening naval capabilities
To bolster its maritime security, Somalia signed an earlier this year defense and economic pact with Turkey. The agreement includes provisions for Turkey to train and equip the Somali navy, enhancing its capabilities to combat terrorism, piracy, IUU fishing, and other maritime threats.
This partnership is a critical element of Somalia’s strategy to regain control over its coastal waters and protect its maritime resources.
The Somali coastline has gained a notorious reputation as a hub for piracy, particularly during the peak of pirate activity in the early 2000s. Although international naval patrols, such as the European Union’s EUNAVFOR Atalanta mission, have reduced the incidence of piracy in the region, recent events suggest a resurgence.
Last December, Somali pirates captured the Maltese-flagged bulker Ruen, marking the first successful hijacking of a commercial vessel off the Somali coast since 2017. This incident, along with others involving both small fishing boats and large merchant ships, underscores the ongoing security challenges in the region.
Emerging threats
In addition to piracy, Somalia is facing new security threats, including the potential use of suicide drones by insurgent groups. Just last week, authorities in Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia, seized a cache of drones believed to be linked to Al-Shabaab or ISIS-Somalia.
These drones, which were allegedly smuggled through Bosaso port, represent a significant escalation in the tactics employed by terrorist groups operating in the region.
The discovery of these drones comes at a time of heightened concern over a possible alliance between Al-Shabaab and Houthi rebels in Yemen, who have been targeting merchant shipping in the Gulf of Aden.
U.S. intelligence has warned that such an alliance could further destabilize the region, posing a direct threat to international shipping routes.
International efforts and future outlook
In response to these emerging threats, the European Union’s EUNAVFOR Atalanta mission, initially launched in 2008 to combat piracy off the coast of Somalia, has seen renewed focus.
Although there were discussions in recent years about scaling back international naval patrols to encourage Somalia to take greater responsibility for its maritime security, the resurgence of piracy and the rise of new threats have underscored the need for continued international cooperation.
As Somalia moves forward with its new maritime regulations, the success of these efforts will largely depend on the country’s ability to enforce the rules and address the broader security challenges in the region.
With the support of international partners like Turkey and the continued vigilance of global naval forces, Somalia has an opportunity to reclaim control over its waters and secure its maritime future.
However, the complexities of regional geopolitics and the ongoing threats from piracy and terrorism will require sustained attention and a coordinated approach.
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah diblomaasiyiinta caalamiga ah ee Muqdisho ku sugan, isagoo warbixin ka siiyey xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee gilgileysa gobolka.
Kulamada oo gaar ahaa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta la yeeshay xubno ay ka kid yihiin Ergeyga joogtada ah ee Denmark u fadhiya Qaramada Midoobay Ms. Christina Markus Lassen, safiirka Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen iyo Agaasimaha siyaasadda horumarinta iyo maaliyadda ee Afrika Mr. Ketil Iversen Karlsen.
Villa Somalia waxay qoraal Twitter-ka lagu baahiyey ku sheegtay in kulamadaas looga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Denmark ee dhinacyada amniga, isbeddelka cimilada, dowlad-dhisidda, iyo horumarka.
Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno xog ogaal ah, Madaxweynaha iyo diblomaasiyiinta uu maanta qaabilay ayaa kulamadooda diiradda ku saaray xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna madaxweynaha la wadaageen walaaca ay qabaan iyo in wadahadalku uu xal u yahay xiisadaan.
Waxaa jiray kulan kale oo isla maanta uu Xasan Sheekh xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha.
“Madaxweynaha iyo danjiraha intii uu socday kulankooda waxay sahmiyeen siyaabaha loo sii wanaajin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Sweden ee dhinacyada muhiimka ah ee danaha iyo faa’iidada u leh labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.
Xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda weli joogta dagaal adag oo diblomaasiyadeed, waxaana muuqata in Soomaaliya ay ku adkaatay dagaalka diblomaasiyada, isla markaana ay dunida tustay inay Itoobiyaanku qaldan yihiin.
Markaan waxaa laga cabsi qabaa inuu bilowdo gacan ka hadal, maadaama dalal kale oo Masar iyo Turkiga ay ugu horeeyaan ay soo farogiyeen xiisadda, isla markaana soo garab istaageen Soomaaliya, iyagoo dalka keensaday ciidan, diyaarado iyo dabaabaad ciidan.
Akoonada la marsiiyey lacagtaan ayaa ku dhow 10, waxaana la keenay cadeymo muujinaya in lacagtaas ay gacanta u gashay Al-Shabaab, sida uu cadeeyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Aabaha reerka waxaa la weydiiyey lacagta ay Shabaab sii jireen markii uu u sameeyo hal akoon, iyadoo la adeegsanayo magaciisa, wuxuuna sheegay in lasii jiray 25 doolar oo kaliya.
“Dalaal ayaan ahaa, waxay Shabaab igu dhaheen noo soo sheeg guryaha beeca ah iyo kuwa la iibsado, waxaa jira rag sideyda oo kale ula shaqey jiray,” ayuu yiri eedeysane Xasan oo ah Aabaha reerkaan lii heysto maalgelinta Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in akoonada lagu sameeyey magacyada gabdhahaan uu isagu ka dalbaday, isagoo sheegay in wax baqdin ah uusan ka qabin dowladda, isla markaana uusan ogeyn in la ogaan karo.
Howlaha wadashaqeynta qoyskaan iyo Al-Shabaab ayaa socday muddo lix bilood ah, waxaana akoonadooda lagu gudbiyey lacag ka badan 13 milyan oo gashay gacanta Al-Shabaab, sida uu sheegay dembi oogaha kiiskaan.
Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay hoos u dhigayso saanadda ciidan ee ay siiso ama ka iibiso maamulka Israa’iil, ayadoo sheegtay inay joojinayso 30 ka mid ah 350-ka shatiyada hubka ah ee ay u dhoofiyo Israa’iil, sababa la xariira halis ka dhalan karta iyo waxyaabaha shuruucda caalamiga ah iyo bini’aadantinimada ka baxsan ee loo adeegsado qalabkaas militari.
Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska David Lammy ayaa isniintii usheegay baarlamaanka dalkaas in mamnuucida qeyb ka mid ah dhoofinta hubku ay tahay tillaabo looga hortagayo in loo isticmaali karo dagaalka hadda ka socda marinka Qasa. Markii uu Xisbiga Shaqaalaha UK ku guuleystay doorashadii guud ee bishii Luulyo ka dhacday dalkaas David Lammy ayaa sheegay in ay dib u u eegis ku samayn doonaan shatiyada iibka hubka ee Britain ay ka iibiso xulafada Israa’iil si loo hubiyo inay u hoggaansameen sharciga caalamiga.
David Lammy ayaa intaa ku daray in aysan tillaabadani ka dhignayn xayiraad ama cunaqabatayn dhanka hubka ah ee ay Israa’iil saarayaan, islamarkaana UK ay sii wadi doonto taageeridda Israa’iil ay xaqa u leedahay ee is-difaaca ah si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, sidoo aysan hubkan ku jirin diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia u soo bandhigtay hindise cusub oo xalin kara baahida ay Ethiopia u qabto helista marin biyood, laguna xalin karo khilaafka ka taagan gobolka oo hadii uu gacan ka hadal isu bedello saameyn kara guud ahaan dalalka gobolka.
Hindisaha Jabuuti ayaa ah in Ethiopia ay ka hesho deked dalka Jabuuti, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf, balse wuxuu cadeeyey in dekedda ay u yaboohayaan Ethiopia ay tahay mid ganacsi oo aysan ku jirin mid milatari, rajana ay ka qabaan in Ethiopia ay ka soo jawaabto.
“Hadii dagaal dhaco gobolkeena oo dhan ayuu saameynayaa, Soomaaliya iyo Itoobiya waxaan ku dadaali doonaa inay xal u helaan khilaafkooda, waxaan nahay wadan yar oo hoggaamiya IGAD, laakiin talooyinkeena aad ayaa loo dhageystaa, labada dhinacba waa na ixtiraamaan, waxaan Alle ka rajeynaa inaan ku guuleysano xalinta khilaafkaan,” ayuu yiri wasiirka u hadlay Jabuuti.
Wasiirka Maxamuud ayaa rajo badan ka muujiyey in khilaafka labada dalka wadahadal lagu dhameyn karo, “madaxda labada dal hadii ay wada fariistaan oo wax badan falanqeeyaan waxaan aaminsanahay in wax kasta diblomaasiyad lagu dhameyn karo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.
Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa cadeeyey ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay u baahan yihiin deked ay wax kala soo degaan, in kastoo baahida dekedaha ay u bahaan yihiin ay badan tahay, hadana wuxuu sheegay in deked ganacsi ay siinayaan, hadii xal loogu helayo khilaafkaan.
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay la wadaageen in dekedaan ay uga qeyb qaadanayaan xal u helidda khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya ee salka ku haya dekedaha, wuxuuna sheegay inay ka war sugayaan jawaabta Itoobiya.
“Waxa aan Itoobiya u ogolnahay saldhig military kuma jiro, ganacsiga bulshada inuu ka faa’iideyso ayaan ugu talagalnay, intaas wax dheer malaha, waana la wadaagnay masuuliyiinta ugu waaweyn dalkaas, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha, waana ka sugeynaa jawaabtooda,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.
Garowe (HOL) - Puntland's regional government has announced plans to repatriate illegal Ethiopian refugees living in Garowe, citing concerns over security, hygiene, and cultural integration.
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay shaaciyay inay kala furteen madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ahaayeen saaxiib dhow oo siyaasadeed.
Kadib shaacinta Fahad ee ay kala tageen saaxiibka, waxaan baaris ku ogaanay in kala-gurashada madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo isaga ay salka ku hayso laba arrimood oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah;
1. Xiriirkii dowladda Qatar
Sida aan xogta ku helnay, waxaa si toos ah isugu xirmay Farmaajo iyo sirdoonka Qatar oo markii hore uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin. Dood iyo khilaaf tallaabadan ka dhashay ayaa muddo soo jiitamayay, illaa uu soo dedejiyay kala-furashada xulafadii Nabad iyo Nolol.
Xiriirka tooska ah ee Farmaajo iyo Qatar waxaa caawiyay saluug ay labada dhinacba ka qabeen hannaankii uu Fahad u maareeyay qarashaadkii ay dawladda Qatar ku bixin jirtay taageeridda nidaamkii Farmaajo iyo ololihii dib-u-doorashada ee guuldarreystay 15-kii May 2022.
Wararku waxa ay sheegayaan in Farmaajo uu in muddo ah la kulmayay cadaadis uga imaanaya jilba-culusta beeshiisa oo ay ku jiraan ganacsato uu taakulo siyaasadeed ka helo, kuwaas oo ku qancinayay in uu heysto fursad uu isaga nadiifin karo eedihii loo heystay maamulkiisa, taas oo ay shardi uga dhigeen in uu iska fogeeyo raggii xulufada la ahaa sida Fahad Yaasiin.
Farmaajo, oo u muuqda mid aragtidaas la dhacay, ayaa la soo werinayaa inuu hadda quud-darreynayo in gefafkii iyo garaafooyinkii siyaasadeed ee ka soo gaaray muddo xileedkiisi hore uu ku geddiyo raggii talada la lahaa, kaddibna uu xulufo cusub kasbado isaga oo isku ekeysiinaya nin dib u saxaya wixii uu qalday.
Waxaa muuqata in dhaxalkii shanta sano ee Nabad iyo Nolol uu ku soo dhammaaday dhaliilo laga kala dhuumanayo.
Hase ahaatee, si kasta oo ay raggii wada joogay u kala jeestaan, waxaa calaamad su’aal saaran tahay sida ay ugu suurtogeli doonto in uu mid kasta goonidiisa u soo xiro xisaabaadkii hore ee ay dartood u kala xarig-furteen.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed ayaa meel adag iska taagay in baarlamaanka Soomaaliya laga taageero Itoobiya oo ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna.
Xildhibaan Ilyaas ayaa dalbaday in liiska madow la galiyo sawirada xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya taageerada u muujiyay Itoobiya oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.
“Xildhibaanada Itoobiya taageeray hadii ay cudur daaran waayaan sawiradooda liis madow hala galiyo, waxaan ka xumahay in aan kamid noqdo baarlamaanka 11-aad oo taariikhda u gashay taageerada Itoobiya,” ayuu yiri xildhibaan Ilyaas oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadda waa isku riix-riixi karnaa ee waa idinka qaldantay ee soo laabta, haddii aad ku dhiiran weydaan maalinta adag ee ku jirno, waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed sawiradooda waa haysataan ee liis madow galiya oo wax dambe ha ka aqbalina.”
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiyaanka aysan u tureyn gobol ama qabiil gaar ah ee ujeedkoodu yahay boobka dhulka Soomaaliyeed, “si isku siman ayey u rabaan in ay noo boobaan oo noo dhacaan.”
“Mustaqbalka caruurtayda iyo caruurta Soomaaliyeed ayaa u daneynaya, taariikhda umadda Soomaaliyeed ayaa rabaa in aan u daneeyo ee qof walba dalkaaga adiga leh ee dhulkiisa iyo baddiisa loo socdaa oo wax aan siyaasadeyn karno maaha.”
Dad badan ayey fajaciso ku noqotay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay taageero u muujiyaan Itoobiya oo haatan ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna, maadaama aysan aheyn waxa la isku hayo wax mucaaradad gala.
Somalia issues new maritime regulations to manage vessels in its waters
in News - Wararka
Posted
Somalia introduced a new shipping directive aimed at regulating the movement of vessels within its territorial waters. The new regulation was reported over the weekend by the state-owned media Somalia National News Agency (SONNA).
Source: Hiiraan Online