Hargeysa (Somalilandtoday) Bishan hadda sii dhammaanaysa iyo bishii hore ee Maaraj, waxa Madaxweyne Biixi uu qarsiga Madaxtooyadda ku qaabilay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka Somaliland ka taageera dhanka dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka , waxaanay inta badan ujeeda socdaalkoodu uu ahaa mid la xidhiidha qadiyada doorashada golaha Wakiilada iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd wakhtigeedii iyo inta badan.
Madaxweyne Biixi ayaa bishii Maraj 4-dii xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee ra’iisal wasaaraha jarmalka u qaabilsan dalalka afrika, ambassador gunter noote ,waxaanay ka wada haddleen arrimo badan oo ay ugu mihiimsantahay arrinta doorashada Golaha Wakiilada inay ku qabsoonto wakhtigeedii, taasi oo uu Madaxweyne Biixi balan qaaday inay ku dhacayso wakhtigeedaas loo mudeeyey.
Dhanka kale Apr 2, 2019 ayey ahayd markii ay dalka soo gaadheen wefti culus oo ka socoday Midowga Yurub, kuwaas oo ka koobnaa 18 Xubnood, waxaanay weftigan isla maalintaasi kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi iyagoo kala hadlay ujeedii ay u socdeen oo ahayd in aan doorashada Golaha Wakiilada dib uga dhicin wakhtigii loo asteeyey ee sanadka dabayaaqadiisa iyo sidii caqabadaha ka horeeyey ay Xukuumada u xalin lahayd, haddii ay tahay xeer iyo muranka axsaabta Qaranka eeu dhaxeeya ee dhanka Komishanka
Ambassador matte Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo kamid ahayd weftigaasi oo war-baahita la haddashay ayaa sheegtay inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda.
Geesta kalene Madaxweyne Biixi ayaa bishan April 12, 2019 xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, kaasii isna ay Madaxtooyaddu sheegtay inay ugu waa weynayaan arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ambassador Donald Yamamoto dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Shirkii khamistii todobaadii hore ayey golaha Wasiiradda Somaliland kaga hadleen caqabadaha hortaagan inay doorashadaasi ku qabsoonto wakhtigeeda, “Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.
Gunaanadkii Madaxweyne Biixi walow uu u balan-qaaday Beesha Caalamka inay Xukuumaddiisu ka go’antahay inay doorashadaasi ku qabtaan wakhtigeeda haddana waxa muuqata qayb-yo badan, iyadoo aan weli laga heshiin saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, isla markaana ay muuqato qayb-yo badan, taasi oo aan suurtagal noqon karayn inay marnaba ku dhammaato madaamo mudadii doorshada ay ka hadhay lix bilood oo keliya.
Beledxaawo (Caasimadda Online) – Dadwayne careysan oo kusugan degmada Beled xaawo ee gobolka gedo ayaa waxa ay burburiyeen qaybo kamid ah darbiga ay Kenya ka dhistay xadka kala qaybiyo Soomaaliya iyo Kenya Sida ay qorayaan warbaahinta qaar ee dalka Kenya.
Dadka degan Beled xaawo ayaa lasheegay in ay jarjareen qaar kmaid ah siligyadii xeendaabka looga dhigay darbiga iyadoona booliska Kenya ee qaabilsan ilaalinta xuduuda ay rasaas kor u rideen si ay ukala cayriyaan dadka iskugu soo xoomay darbiga.
Dhisda darbiga kala qeybiyo xadka soomaaliya iyo Kenya ayaa muran badan dhaliyay iyadoona dadka ku sugan deegaanada u dhaw xadka labada dal ayaa dhawr jeer halkaasi ka dhigay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka kala qeebiya labada dal.
Bishii la so odhaafay, Barlamaanka dalkaasi waxay ka codsadeen Baarayaasha inay dib u eegis ku sameeyaan qaabka kharaj dhan 3.4Billion oo Shillinka Kenya loo adeegsaday dhismaha 10-KM oo ka mid ah Dhismaha Derbiga Xuduudka.
Dowladda Kenya waxay bishii April ee sannadkii 2015-kii ansixiyeen in Derbigaasi laga dhiso masaafo dhan 400 oo KM oo ku teedsan dhulka xuduudka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.
Muqdisho (SMN) – Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray M/ Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira.
Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dhinaca amniga.
Sidoo kale Shariif iyo Madeira ayaa ka wada arrinsaday qodobo la xariira tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa ku amaanay Midowga Africa, sida ay uga go’an tahay in la wiiqo awooda Al Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya.
Ciidanka AMISOM oo ka socda dhowr dal oo Africa ku yaalla ayaa Soomaaliya yimid 2007-dii, xilligaas oo uu bilowday howlgalkooda nabad ilaalinta ah.
Sida wararku sheegayaan ciidamada lala eegtay qaraxa ayaa saarnaa gaadiid kuwa dagaalka ah, kaasoo ka yimid dhanka degmada Afgooye, waxaana lagu qarxiyay agagaarka deegaanka Weydow.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu khasaare ka soo gaadhay ciidamada Millateriga, waxaana la xaqiijiyay in afar askari ku dhaawacantay, kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho.
Wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana maalmo ka hor laga soo saaray miinooyin dhulka hoostiisa la geliyay.
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa warbaahinta u sheegay in uu iska casilay xilkaasi laakiin Guddoomiyaah Maxkamadda sare ayaa qoraal uu soo sheegay lagu sheegay in xilka laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex iyo Kan degmada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO
Duqa degmada Garowe, Axmed Muuse Siciid (Axmed Barre), ayaa bartiisa facebook ku shaaciyay in Garowe ay soo gaareen saddex gaari oo dab damis ah, kuwaas [...]
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland.
Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya
ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin. Waxa uu
sheegay in hirgelinta xafiiskan iyo magacaabista masuulkani ku timid kulamo
wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma la yeelatay wakiilka Somaliland ee
Nairobi Baashe Cawil Cumar iyo wasiir Sacad Cali Shire. Waxa uu sheegay in ay
hadda bixisay amarka lagu dhisayo xafiiska Kenya ee Hargeysa.
Wakiilka Somaliland ee Nairobi Amb Baashe ayaa wargeyska u sheegay in
Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh ilaa xilligii Gumaystaha “Xidhiidh
dheer oo taariikhi ah ayaanu lahayn Kenya ilaa xilligii gumaystaha. Tallaabada
Kenya u qaaday in ay Hargeysa Safaarad kaga furato waa mid si weyn kor ugu
qaadaysa dhaqaalahayaga, horumarkayaga iyo Macaamilaadka bulshada,” Sidaas ayuu
yidhi Amb Baashe Cawil.
“Dadka tirada badan ee reer Kenya ee ku nool Somaliland waxay caddayn u
tahay soo dhawayntayada wanaagsan,” ayuu yidhi Danjiraha oo intaasi raaciyay in
xidhiidh ganacsi oo dhexmara Kenya iyo Somaliland kor u qaadayo heerka nolosha
iyo dhaqalaha.
Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu dawladda Kenya ku
boorriyay in ay shirkadda Kenya Airways duullimaadyo toos ah ka bilawdo
Hargeysa iyo Nairobi taas oo sahlaysa isu socodka labada dal korna u qaadaysa
in fursadaha labada dhinac laga wada faa’iidaysto.
Somaliland ayaa hore Nairobi ugu qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsi
ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ganacsatada Kenya ka faa’iidaysato waxaana
hore u jirtay danayn badan oo ka imanaysay gobolka qaadka Mirooga qaniga ku ah
oo si weyn u danaynayay in uu suuq ka helo Somaliland.
Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has commended African Union Mission In Somalia (AMISOM) for commitment to restore peace in Somalia.
In 2007, AU deployed troops in Somalia to support the Transitional Federal Government at the time. The forces defeated and ousted al-Shabaab from Mogadishu city.
Sheikh Sharif held talks with Francisco Madeira, head of AMISOM over the improvement achieved by the forces so far.
The two leaders discussed means to enhance Somali forces’ capacity.
Speaking to the media, Sheikh said AMISOM helped Somalia to defeat al-Shabaab in many areas.
“AU and AMISOM troops have supported Somalia to liberate many towns and even trained Somali forces,” he said.
The president said he discussed with the head of AMISOM on ways and means to intensify operations to annihilate al-Shabaab.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka Soomaaliya ayaa xayiraad kusoo rogay dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online.
Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka ayaa waraaq amar ah u kala diray Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo Bankiga dhexe, waxaana si rasmi ah loo xayiray dhammaan akoonadii Maamulkaas.
Sida aan xogta ku helnay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diiday in lagala xisaabtamo xisaab xirkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxayna taas keentay in la xayiro dhammaan dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Sababta uu Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in lala xisaabtamo ayaa lagu sheegay kadib markii lixdii bilood ee ka horeysaan lixdaan bil lagu helay Musuq maasuq xooggan iyo lacago badan oo la lunsaday isla markaasna ay haddana ka cabsanayaan in lasoo bandhigo musuq maasuqa ka jiro Maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa maamulkA Gobolka Banaadir lagu eedeeyay iney ku maqantahay $16milion oo dollar, oo la waayay cida qaadatay iyo meesha lagu bixiyay sida ay isku raaceen guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka iyo Hanti-dhowrka guud.
dhawaan la soco warbixintaan oo faahfaahsan inshaa Allah
The commander-in-chief of Somali military Dahir Aden Elmi held a meeting with a visiting delegation from Egypt in Mogadishu on Saturday.
The two sides discussed a range of issues, mainly on how Egypt would help Somalia train and equip rebuild its national army in efforts to stabilize the country and restore peace and order.
Elmi has expressed his gratitude to Egypt’s unwavering and continued support to Somalia in the fields of security and development.
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has paid a visit to Cairo last week and bilateral talks with Egypt’s counterpart Abdul Fatah Al Sis
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhaawacantay qarax Miino oo maanta ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sida ay goob joogayaal inoo sheegeen, gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga DFS ayaa qaraxa lagula eegtay halkaasi, wuxuuna qaraxan ahaa miino nooca dhulka lagu aaso.
Ciidamadan ayaa ka yimid dhanka gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.
7 qof oo Afar ka mid ah ay yihiin dad shacab ah ayaa naloo xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday isbitaallada Muqdisho qaarkood.
Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay iyo nawaaxigeeda waxa ay ka sameeyeen howlgallo
Several people were detained in connection with the Somalia-based Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab during a massive security operation by the government forces in Mogadishu.
The sweep was carried out in the capital’s Dharkenley district on Saturday night, targeting suspected houses, where a number of youths were arrested on suspicion of having links with Al-Shabaab.
The suspects have been taken into police for further investigation, according to the local residents who spoke to Radio Shabelle over the phone.
The security officials are yet to statement in relation to the latest operation in the city, which has witnessed a series of attacks by Al-Shabaab.
The government troops continue routine operations in Mogadishu to curb the insecurity and ensure law and order are maintained.
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa anadkii lasoo dhaafay 2018 markii ugu horeesay gaaray Fiinaalka tartanka da’yarta 17-jirada ee ka dhacay wadanka Burundi ciyaatooyda Soomaaliya ayaa bishii April 2018 kulankii ugu dambeeyay koobkii da’yarta ee qaarada Africa la ciyaaray dhigeeda Tanzania.
Xiriirka kubbadda cagta dalka oo waqti iyo juhdi ku bixinaya horomarka heerarka kala duwan ee xulka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayo tiro badan oo macalimiin ah oo doonaysa laylinta xulka,iyagoo iminka ku nool qurbaha waxaana ka mid aha Tababare Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdom oo iminka hogaamiya kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden.
“Xiriirka Kubbadda Cagta diyaar ayuu u yahay in soo dhaweeyo Macalin Maxamed Cabdiqaadir iyo kuwa kale oo badan oo qurbajoog ah waxaana lee nahay kusoo dhawaada gacmo furan xulka qaranka Soomaaliya malahan shaqsi ee dhamaantooda ayuu waajiba naga saran yahay in aan horomarino dalkeena iyo dhalinyardeena”waxaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Jamaal Xaashi Tuure oo ah madaxa suuqa gaynta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.
Tababare Maxamed Cabdiqaadiroo mudo dheer ku noolaa qurbaha ayaa waqti ku bixiyay aas aasida kooxda Som United,isagoo kasoo bilaaway meel hoosaysa,balse iminka ay Som United ka mid tahay kooxaha ka dheela horyaalka afaraad ee Sweden,balse Macalin intii oo ku noolaa qurbaha waxa uu waqtii ku bixiyay in uu horomariyo xirfada macalimino,isagoo iminka haysta shahaadooyinka kala gedisan taas oo ka saacidi karta in loogu yeero shaqada hogaaminta xulka Soomaaliya.
Daawo Warbixin Ay Goobjoog Ka Diyaarisay Macalinka Doonaya Xulka Soomaaliya
“Qurbaha waxaa nool macalimiin iyo ciyaartooy badan oo xirfadooda aad u saraysa una baahan in ay ka ka faa,ideestaan kooxaha iyo macalimiinta xulka qaranka xiriirka kubbadda cagta tusaale waxa u ah laacib Feysal Axmed heerka uu la gaaray xulka mudadii yared waa in ay wakiilo u dirsadaan qurbaha ka dibna ay halkaa ka soo qaataan tiro badan oo tayadooda saraysa” Waxaa sidaas barnaamijka Xeyndaabka ugu waramay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar oo ah la taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir.
Macalin Maxamed Cabdiqaadir oo la ahdlay Goobjoog Sportswaxa uu sheegay in ciyaaraha Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ay ku tilaabsadeen horomaro aad u saraya hadii si wanaagsan la isku kaashado mustaqbalka ay Soomaaliya kaalamaha hore ka galayso wadamada qaarada Africa.
Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Macalin Maxamed & Hogaaminta Xulka Qaranka
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa siyaabooyin kala duwan u weeraray madaxda talada dalka haya, waxaana uu ka hadlay maqaamka Muqdisho.
Ugu horeyn Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalaha ugu badan ka hesho shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan jirin magaalo kale oo dowladda ay dhaqaalo ka hesho.
Sidaasi daraadeed ayuu sheegay in shacabka Muqdisho xaq u leeyihiin inay helaan xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin oo ay ugu horeyso inay matalaad ku yeeshaan golayaasha dowladda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Canshuurta ay bixiyaan shacabka magaalada Muqdisho badalkeeda u baahan yihiin inay helaan adeegyada kala duwan ee dowladda, islamarkaana aan shacabka lagu qasbin inay iska diidaan bixinta dhaqaalahaasi.
“Magaalada Muqdisho waa Midka maanta haya oo ay ku jirto dowladda Federaalka daraadiis, waa gobolkee gobolka kale ee wax la taaban karo dowladdan kusoo kordhiya”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.
(SLT-Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa sheegay in eedaha xisbigu u jeediyay Guddida Doorashooyinka Qaranka ay yihiin kuwo loo hayo dalliillo cad-cad, islamarkaana ay waajib tahay in la kala diro Komishanka.
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa horraantii sanadkii hore madaxweyne Biixi u gudbiyay qoraal 14 bog ka kooban oo xambaarsan in la kala diro Komishanka doorashada. Qoraalka ayaa lagu xusay in guddidu khaladaad ka samaysay doorashadii madaxtooyada ee 2017.
Xoghayaha WADDANI oo waraysi ku siiyay dalka Ingiriiska telefishanka Universal ayaa sheegay in xisbigu caddaymo u hayo khaladaadka ay guddida Doorashooyinku sameeyeen “Guul iyo guul darro cidi imika kama hadlayso oo doorashada waanu aqbalay waanu hanaynay oo way socotay, Madaxweyne Muuse Biixi-na waa madaxweynahayga iyo madaxweynaha dhammaan umadda Jamhuuriyadda Somaliland laakiin, waxa la isku haya waxa weeye Khaladaadkii iyo gefefkii Komishankani sameeyeen. Gefefka Komishankani sameeyeena gefef cadcad ayaa ka mid ahaa. Waxa la hayaa oo ‘live’ ah(Toos ah) oo duuban Guddoomiyihii Komishanka oo Ilmo Yar oo da’diisu ka hoosayso xilligii Codaynta isagu u fududaynaya sidii uu u codayn lahaa. Marka anagu taanu ka hadlayna taa weeye, waxaanu ka hadlayna waar doorashadeenii wax baa inaga khaldamay ee darsi maxay ah baynu ka baran karna? Sidee baynu doorashooyinkeena u hagaajin karna? Sidee baynu u qaban karna doorashooyin daahfuran doorashooyinka soo socda? Marka wixii tagay kama hadlayno ee mustaqbalka ayaanu ka hadlayna,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar Looge
Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee xisbi ka cawdo Komishanka sida caadiga ahna cid kasta oo garsoorka ka cabata xaq u leedahay in laga bedelo “ Taariikhda Somaliland maaha markii u horaysay ee xisbi mucaarad ahi ka cawdo Komishan ee uu yidhaahdo ‘uma aragno in Komishankaasi shaqada gudan karaan’ 2009-kii ayay dhacday laakiinse waxa joogay madaxweyne ogol in uu dadkiisa u tanaasulo, waxa joogay madaxweyne ogol in doorashooyinku dhacaan oo hore loo socdo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Saddexdii xisbi waxay isla go’aansadeen in Komishankii la kala diro waliba Komishankaasi wax doorasho ah may qaban, marka waaba mandaqa caadiga ah aniga iyo adiga haddii qof inoo garqaadayo oo aad tidhaa qofka kuma kalsooni in aan anigu idhaahdo isaga uun baan wadanaya waxaan isleeyahay in ay jaban tahay,” Ayuu yidhi Xoghaye Khadar.
Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in qoraalka xisbigu ka gudbiyay Komishanka 13 bilood ka hor ahaa mid qodobadiisu faahfaahsan yihiin oo lagu bandhigay khaladaadka Komishanka lana mariyay dariiqiisii sharci laakiin, madaxweynuhu qareen u noqday guddida doorashooyinka isaga oo aan jawaab ama aragtidiisa ku soo celin xisbiga WADDANI “Waxaanu u aragna in aanay masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka cid la wadaagta jirin madaxweynaha, masuuliyaddana madaxweynuhu leeyahay runtiina ceeb ay Qaranka ku tahay in ay doorashooyinku dib u dhacaan,” Sidaas ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi.
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadahay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya, waxayna sheegtay in aanu hadda jirin Xafiis Kenya ah oo dalka laga furay, balse lagu rajo weyn nahay in la furo, oo Madaxweynaha Kenyana saxeexo.
Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xiisaha Beesha Caalamka ee qabsoomida Doorashada Somaliland iyo halkay marayso Siyaasadda Arrimaha Dibaddu, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay Xafiiska Kenya ay ka furayso Somaliland “Arintaasi waa arin muddo dheer laga shaqeeynayey, waana arin fiican inaynu dalka Kenya xidhiidhka inaga dhexeeya aynu sii wanaajino, oo dalkeena Xafiis ka furtaan,waana soo dhaweeynaynaa, aadna waanu uga rajo qabnaa, laakiin wali go’aan uu Madaxweynuhu ogolaaday oo uu saxeexay maaha, soo jeedin baa loo sameeyey, Golaha Wasiiradduna hore ayey iskugu afgarteen, inuu Madaxweynuhu saxeexana waa laga rajo qabaa, nin bay magacaabeen, laakiin inuu Madaxweynuhu saxeexo weeye, Madaxweynaha ayaa ka maqnaa imika, Madaxweynuhu marka uu yimaado ayey saxeexayaan”.
Mar uu ka hadlaayey xiisaha Beesha Caalamka ee Doorashada Somaliland ayaa yidhi “Wax inoo cusub maaha inuu Caalamku xiiseeynayo Doorashooyinka oo inoo dhaca, Caalamkuna muddo inaga sugaayey inaynu Doorashooyinkeena qabsano, xaggeena ayey ka xanibnaayeen,oo ay ka xidhnaayeen, laakiin imika waa kuwan go’aan la gaadhay, haddii xaggeena ay ka fududaato, oo la isku wada afgarto inay Doorashadu inoo dhacdo, waa sida ugu wanaagsan ee Caalamkuna inaga sugaayey”.
(SLT-Ceel-afweyn)-Waxa shalay deegaanka Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag ka dhacay laba dil oo kala duwan balse u muuqda inay isku xidhiidhsanyihiin, kuwaas oo ka dhex dhacay beelaha gobalkaas wada dega.
Sida ay wararku sheegeen laba ruux ayaa ku dhintay dilalkan, waxaana ku dhaawacmay hal ruux. Godcaanood oo Ceerigaabo u dhow hal qof oo magaciisa lagu sheegay Marxuum Faarax Caarshe Axmed ayaa lagu dilay, dilkaas ka dibna waxa isna deegaanka Dharin-yaxe lagu dilay Marxuum Ina Cabdi Dakhare, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay hal ruux oo kale. Alle haw naxariisto labada marxuum ee geeriyooday.
Dilalkan ayaa argagax ku abuuray bulshada ku nool gobalka Sanaag, gaar ahaan galbeedka gobalka oo muddooyinkii u dambeeyay ka nastay colaado beeleed oo keena dilal qorshaysan oo loo gaysto dad aan waxba galabsan.
Wararka aanu saaka ka helay deegaankii uushalay ka dhacday dil ayaa waxa au sheegayaan in xaaladu ay degan tahay.
(SLT-Washington)-Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay inuu qaado tallabba kasta oo looga hortagayo khatarta Iiraan.
Warkan oo aan ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya General Kenneth McKenzie oo ah taliska guud ee ciidamada Mareykanaka inuu sabtida shalay ahayd sheegay inuu Mareykanka ciidamadiisu diyaar yihiin marki loo baahdo in dalka Iiraan laga howlgeliyo.
Waxuuna Mareykanka diyaar u yahay tallaaba kasta oo uu kaga hortagayo khatarta uga iman karta dhanka Iiraan inuu qaado.
McKenzie oo booqasha ku maraya waddamada khaliijka oo u warramay Telefishiinka Sky News laantiisa carabiga wuxuu sheegay “Mareykanku wuxuu sii wadayaa inuu had iyo jeer garab siiyo saaxibbada iyo xulafada aan ku leennahay khaliijka iyo bariga dhexe si aan isaga kaashannno khatarta dhammaanteen naga soo wajihi karto dhinaca Iiran si wada jir ah si aan uga hortagno.”
Xiisadda u dhaxeysa tehran iyo Washington waxay cirka isku sii sharertay wixi ka dambeeyey marka uu madaxweyne trump uu hoggaanka dalka mareykanaka la wareegay gaar ahaanna sanadki 2018-kii marka uu Mareykanaka ka baxay heshiiskii Niyuukilarka ee heer caalami ee lalal galay dalka Iiraan isla-markaana uu cunaqabateyno dheeraad ah uu saaray Tehraan.
Washington waxay Isniinti aan soo dhaafnay sheegtay ciddi saliidda Iiraan iibsato iney cunaqabateyn la kulmeyso, iyada oo dalalki ugu badnaa ee saliidda Iiraan iibsan jiray qaarkood ay lixdi biloodee la soo dhaafay ay waddamada kale ee Asia ay billaabeen iney saliidda ka soo iibsadaan.
Madaxweynaha Iiraan iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan dalka Iiraan ayaa iyaguna ku hanjabay haddii ay Washington isku daydo iney carqaladeyso Maraakiibta saliidda ka iibsada ay Tehraan qaadeyso tallabba kasta oo ay ku joojineyso dhammaan maraakiibta kale ee shidaalka sida ee ka yimaadda waddamada kahaliijak.
General McKenzie waxaa kale uu sheegay inuu ku kalsoon yahay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iney mudda badan sii joogayaan ilaa ay ka xaqiijiyaan iney khatarta argagixidsada ka iman karta ay soo afjarantay.
Dalalka Somaliland Taageera Oo Madaxweyne Biixi Ku Adkeeyey Qabashada Doorashada Golaha Wakiillada
in News - Wararka
Posted
Hargeysa (Somalilandtoday) Bishan hadda sii dhammaanaysa iyo bishii hore ee Maaraj, waxa Madaxweyne Biixi uu qarsiga Madaxtooyadda ku qaabilay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka Somaliland ka taageera dhanka dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka , waxaanay inta badan ujeeda socdaalkoodu uu ahaa mid la xidhiidha qadiyada doorashada golaha Wakiilada iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd wakhtigeedii iyo inta badan.
Madaxweyne Biixi ayaa bishii Maraj 4-dii xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee ra’iisal wasaaraha jarmalka u qaabilsan dalalka afrika, ambassador gunter noote ,waxaanay ka wada haddleen arrimo badan oo ay ugu mihiimsantahay arrinta doorashada Golaha Wakiilada inay ku qabsoonto wakhtigeedii, taasi oo uu Madaxweyne Biixi balan qaaday inay ku dhacayso wakhtigeedaas loo mudeeyey.
Dhanka kale Apr 2, 2019 ayey ahayd markii ay dalka soo gaadheen wefti culus oo ka socoday Midowga Yurub, kuwaas oo ka koobnaa 18 Xubnood, waxaanay weftigan isla maalintaasi kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi iyagoo kala hadlay ujeedii ay u socdeen oo ahayd in aan doorashada Golaha Wakiilada dib uga dhicin wakhtigii loo asteeyey ee sanadka dabayaaqadiisa iyo sidii caqabadaha ka horeeyey ay Xukuumada u xalin lahayd, haddii ay tahay xeer iyo muranka axsaabta Qaranka eeu dhaxeeya ee dhanka Komishanka
Ambassador matte Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo kamid ahayd weftigaasi oo war-baahita la haddashay ayaa sheegtay inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda.
Geesta kalene Madaxweyne Biixi ayaa bishan April 12, 2019 xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, kaasii isna ay Madaxtooyaddu sheegtay inay ugu waa weynayaan arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ambassador Donald Yamamoto dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Shirkii khamistii todobaadii hore ayey golaha Wasiiradda Somaliland kaga hadleen caqabadaha hortaagan inay doorashadaasi ku qabsoonto wakhtigeeda, “Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.
Gunaanadkii Madaxweyne Biixi walow uu u balan-qaaday Beesha Caalamka inay Xukuumaddiisu ka go’antahay inay doorashadaasi ku qabtaan wakhtigeeda haddana waxa muuqata qayb-yo badan, iyadoo aan weli laga heshiin saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, isla markaana ay muuqato qayb-yo badan, taasi oo aan suurtagal noqon karayn inay marnaba ku dhammaato madaamo mudadii doorshada ay ka hadhay lix bilood oo keliya.
Source