Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (SMN) – Wafdigaan uu hoggaaminayay Generaal Waxiid Ibraahim Khafaaji  oo ah kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masar ayaa Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka,Kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Xarunta ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Bangalla ee Magaalada Muqdisho.

    Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xarunta Kuliyadda Jaalla Siyaad ayey Mid mid u kormeereen Wafdigaan ka socday Dalka Masar.

    Taliye ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay Taakuleenta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga  Dalka Masar General  Waxiid Ibraahim Khafaaji  ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo Xiriir iskaashi ee dhanka Ciidamada Labada dal ah.

    View the full article


  2. Hargeisa, T(Qaran news)Chief Judge of the Marodi Jeh Regional Court, Ahmed Dalmar resigned from his position, before being transferred to the Regional  Appeals Court in Hargeisa.

    Judge Ahmed Dalmar who has gained a reputation as an independent adjudicator appears to have fallen foul of the administration of President Muse Bihi Abdi. The judge recently declined to hear a case against journalist Abdimalik Coldon who has arrested without a warrant in Burao, Togdher and transferred to Marodi Jeh to be tried.
    In his decision, Judge Dalmar ruled that the journalist was detained without a warrant and his case should be heard in the proper jurisdiction, which in this case is the Togdher Regional Court. That ruling was ignored by the government and the journalist, Coldon, is incarcerated in Hargeisa and currently awaiting trial.
    Speaking to the media, Judge Dalmar stated that he was resigning for personal reasons. Subsequently, the Chief Justice of Somaliland, Aden Haji Ali Ahmed issued a statement transferring the judge to the Marodi Jeh Regional Appeals Court. It is not clear whether the transfer will be accepted by Judge Dalmar, who promised to call a press conference in the near future.
    It is becoming quite clear that the administration of President Muse Bihi Abdi is exerting undue influence on the judiciary in Somaliland, and the position of the Chief Justice appears to have become politicized. Meanwhile, the moribund Somaliland legislature, which overseas all judiciary matters,  appears to be incapable of asserting any authority. 

    Qaran News


  3. Mudisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in maanta akhrinta labaad ay marsiiyaan sharciga shirkadaha ganacsiga dalka, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha Soomaaliya.

    Xubnaha Baarlamaanka ayaa ka doodi doono muhiimadda uu sharcigan u leeyahay ganacsatada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

    Guddoomiyaha giddiga ganacsiga Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan (Beeni Beeni) oo Shabelle la hadlay ayaa sharraxay baahida loo qabo Hindise sharciyeedkaasi.

    Fadhigan oo ah kii sideedaad ee golaha shacabka, islamarkaana qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ayaa Sabtidii la soo dhaafay u baaqday Kooram la’aan.

    View the full article


  4. Garbahaarey (SMN)-Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga ee gobolka Gedo oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo ay diyaarahada  Kenya ay  ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

    Korneyl Rufle ayaa sheegay duqeymahaasi ay ka dhaceen deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

    Waxaana uu carabka ku dhuftay in waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Xoolo isugu jira Geel iyo Ari oo dad reer Mii ah ay ku dhaqanayeen halkaasi.

    Ciidamada Keya ee qeybta ka ah howlgallka AMISOM ee Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran ka wada K/ Soomaaliya, waxaana mararka qaar duqeymo ka dhan ah Al Shabaab oo ay waxyeelo ka soo gaarto dad rayid ah ay ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

    View the full article


  5. Muqdisho (SMN) – Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ka furmaya Muqdisho.

    Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

    Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirkan maanta furmayo kaas oo soconaya labo maalmood (29-30 April).

    Shir-weynahan ayaa diiradda lagu saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.

    View the full article


  6. Mandera (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax saacadihii la sood haafay Ciidan ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay G/ Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

    War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxan oo Miino ahaa lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidanka Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Dabaasisti iyo Buulo Laban oo hoos yimaada M/Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

    Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxani ay ku gubeen gaari nuuciisu uu ahaa Motabiish, kaas oo ay lahaayeen  Ciidamada dowladda Kenya.

    Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo in ay gubeenGaari ay lahaayeen Ciidamadaais.

    Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay qaraxa shalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho.

    Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 3 askari, kuna gubeen Gaari Tikniko ah oo ay wateen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

    Inta badan Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ayaa weeraro iyo qaraxyo lagula eegtaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    View the full article


  7. Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgallo xubno ka tirsanaa Al Shabaab lagu soo qabtay oo ay ciidamada amniga sadexdii maalin ee ugu dambaysay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

    Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id u qabatay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in howlgal  ciidamada amniga ay sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al Shabaabnimo.

    Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo kaashanaya Shacabka ay gacanta ku soo dhigeen nin xogtiisa la hayay oo ay tilmaamtay in uu ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne.

    Isla degmada Xamarweyne,howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo,waxayna soo qabashadooda ka dambeysay kadib markii Shacabka ay Hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda.

    Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al Shabaab.

    Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay afar ruux oo burcad ah kuwaas oo dhac ka geysanayay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

    Ugu dambeyntii, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney Hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax dhimi kara oo ay ka shakiyaan,iyagoo Hay’adaha amniga kala xiriiri kara numbarka gaaban ee 991.

    View the full article


  8. Dr. C/fitaax Ismaaciil Daahir oo mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD oo wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda dalka.

    Ugu horreyn wuxuu ka hadlay sababtii ku kalliftay siyaasiyiin uu isaga ku jiray in ay ku shiraan dalka Kenya, islamarkaana ay halkaasi kasoo dhaleeceeyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

    Wuxuu sheegay xildhibaanka in sababta ugu weyn ee ay Nairobi ugu shireen ay tahay, kadib markii ay DFS culeys ka dhigtay in siyaasiyiinta ku shiraan Muqdisho islamarkaana ay cabiraan dareenkooda.

    Sidoo kale, xukuumadda ayuu sheegay in marar badan ay hor istaagtay shirar ay qabsan lahaayeen siyaasiyiin iyo sidoo kale xisbiyo, taasi bedelkeedana ay doorbideen iney ku shiraan dalka dibaddiisa.

    Dhanka kale, xildhibaan C/fitaax ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag una baahan in laga samatabixiyo.

    Halkaan hoose ka daawo:


    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  9. Jowhar (Caasimada Online)-Dhacdo si weyn loo hadal hayo ayaa ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda la sheegay inuu isku dhex qariyay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen.

    Askariga oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu la kulmay Al Shabaab wadada ku jiray, kuwaasi oo doonayay inay baaritaan ku sameeyaan gaariga, taasi oo keentay in la arko.

    Al Shabaab ayaa askarigaasi dilay, balse inta uusan dhicin dilka askariga waxaa la sheegay inuu rasaas ku furay Al Shabaab-kii doonayay inay baaraan gaariga uu saarnaa, halkaasina uu ku dilay hal ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa.

    Waxaana kadib Al Shabaab dhankooda la sheegay inay isla goobta ku toogteen askariga doonayay inuu isku dhex qariyo Shacabka adeegsada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

    Maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid ku fashilmay amaanka wadadaasi, waxaana horey loogu dilay xildhibaano baarlamaanka ka tirsanaa, kadib markii Al Shabaab ay wadada u galeen.

    Wadadaasi ayaa amaan aheyd, laakiin hadda dadka shacabka ah ayaa u muuqdo kuwa ka baqaya inay adeegsadaan.

    Qaar ka mid ah dadka wadadaasi isticmaala ayaa sheegay in mararka qaar ay Al-shabaab baaraan gaadiidka dadweynaha si ugala dagaan dadka ay iyagu u baahan yihiin.

    Al-Shabaab ayaa horay u kaxeystay gaarigii caasiga ahaa iyo darawalkii waday lama oga halka ay la aadeen.

    Caasimada Online
    Xafiiska Jowhar
    Caasimada@live.com


  10. Aqoonyahan Cali Saciid Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in siyaasiyiinta u ogolaato iney shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho.

    Wuxuu sheegay in cid walba aragtideeda ay xor u tahay iney soo bandhigto waxa maankeeda ka guuxaya, loona baahneyn in la caburiyo.

    Sidoo kale, aqoonyahankan ayaa sheegay in siyaasiyiinta qudhooda laga doonayo iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana iska ilaaliyaan wax walbo oo sharaf dhac keeni kara.

    Cali Saciid ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ay sheegaan hadallo xanaf leh, taas bedalkeedana looga baahan yahay iney eegaan dhanka wanaagga si nabad ahna kusoo bandhigaan aragtidooda.

    Halkaan hoose ka dhageyso:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/AQOONYAHAN-Cali-siciid-maxamuud-kulane-cali-foodare-.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada xooga dalka ayaa shaaciyay in dowladda Turkey aysan wax saldhig ah ku laheyn gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sanadkii hore madaxweynaha Turkey uu xariga ka jaray saldhigaasi.

    Saldhigaasi ayaa la sheegaa inuu yahay saldhiga Turkey uu ka furto dalalka Africa midka ugu weyn, waxaana taliyaha ciidamada xooga dalka uu shaaciyay in saldhigaasi uusan laheyn Turkey.

    Taliyaha ciidamada xooga dalka Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa si cad u sheegay in xarunta ka furan deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho inay tahay kuliyad Turkey uu u dhisay ciidamada xooga dalka, islamarkaana aysan aheyn saldhig Turkey leeyahay.

    Wuxuu sheegay in isaga uu ahaa dadkii saxiixay dhismaha Kuliyadaasi, looguna talo galay in lagu tababaro ciidamada xooga dalka halkii dalka dibadiisa loo qaadi lahaa.

    Muddo Shan sano ah ayuu sheegay inuu heshiiska qeyb ka ahaa in lagu diyaariyo ciidamo iyo saraakiil Soomaali ah oo halkaasi tababar ka bixisa, si looga maarmo tababarayaasha u dhashay dalka Turkey.

    “Saldhig Turki maaha, waa Kuliyad meletari oo ciidanka xooga dalka lagu tababarayo, dalka gudahiisa marka askariga lagu tababaro wuu ka dhaqaalo yar yahay marka dibadda loo qaadayo, anigaa saxiixay markii hore in kuliyad naloo dhiso, Turkey ayaa lagula heshiiyay inay diyaariyaan macalimiin ciidamada tababarta, waana dhawdahay inaan la wareegno, laakiin saldhig meletariga maaha”ayuu yiri Indha Qarshe.

    Dhinaca kale taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada xooga dalka ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

    “Al Shabaab waa lala dagaalamaa, wararka dagaalada la xiriira warbaahinta lagama sheego marka ciidamada maalin iyo saacad ay san dagaal galin ma lahan, labo meelood ayay kusoo urureen Al Shabaab waana Jilib iyo Bu’aalo”ayuu hadalkiisa raaciyay.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com

     


  12. Ehlada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Tanzania ayaa ka codsaday DFS in loo soo daayo dhallinyaradaasi.

    Dadkan oo soo booqday Goobjoog ayaa sheegay in dhallinyaradan ay aad u dhibban yihiin, ayna ka dalbanayaan DFS iney siideyntooda kaalin ka qaadato.

    Waxay sheegeen in siyaabo kala duwan loogu xiray dalkaasi, qaarkoodna la qabtay iyaga oo kallumeysanaya, kadibna lagu tilmaamay iney yihiin burcad badeed.

    Sidoo kale, dadkan ayaa inoo sheegay in dhallinyaradan badi ay aad u xanuunsan yihiin, laguna fasho beeraha, waa sidey hadalka u dhigeenne.

    Halkaan hoose ka dhageyso:

     

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay wadaan diyaar garow ballaaran oo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadan oo maalmo qura inaga xigaan.

    Xarumaha ganacsiyada ee magaalada ayaa laga dareemayaa dadweyne badan oo ka adeeganaya, si ay isugu diyaariyaan bisha Soon Qaadka.

    Ganacsatada qaarkood ayaa inoo sheegay in bishan Ramadan ay tahay midda kaliya ay sida xowliga ah u shaqeeyaan, islamarkaana ka helaan faa’idooyin badan.

    Sidoo kale, waxay tilmaameen dadka ay aad u iibsadaan raahsiinka iyo sidoo kale waxyaabaha kale macmacaanka ah.

    Halkaan hoose ka dhageyso:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/CKARIIN-CALI-AADAN.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  14. Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo sidoo kale duleedyada magaalada.

    Zakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigeen in ka badan 60 ruux oo looga shakisan yahay Al-shabaab iyo sidoo kale burcad dadka wax u dhimayey.

    Waxay sheegtay Zakiya in howlgallada ay sameeyeen ay kaalin mug leh shacabka ka qaataan kadib markii ay ciidanka soo wargeliyeen.

    Sidoo kale, shacabka ayeey ka dalbaday iney si xooggan ula shaqeeyaan ciidamada Booliiska si looga hortago falalka amni darri.

    Halkaan hoose ka dhageyso:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Taliska-Booliiska-Soomaaliya-Ayaa-Sheegay-In-Ay-Gacanta-Ku-Hayaan-Ku-Dhawaad.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhayay qayla dhaanta iyo cabashada ka soo baxaysa ehelada Xubno ka tirsanaa Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ee ka diiwaangashan Guddiga Rayidka, taas oo ku saabsan in wasiiro ay si sharci darro ah dad u keensadeen boosas ay ka dhinteen ehelladooda.

    Sida caadiga ah, qofkii ka diiwaangashan Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Guud ahaan Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada, hadii uu Geeriyoodo booskiisa waxaa dhaxla oo hela carruurtiisa, hadii la waayana waxaa helo qoyskiisa, balse arintaas ayaa u muuqata mid meesha ka sii baxaysa.

    Dhowr wasaaradood oo ay kamid ah Arimaha Gudaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Cadaaladda, Warfaafinta iyo kuwa kale ayaa labadii sano ee la soo dhaafay Boosas ay ka dhinteen dad katirsanaa Wasaaradahaas lagu badalay kuwa kale oo aan Xiriir la lahayn kuwii dhintay.

    Dadkaan Geeriyooday ee Boosaskii ay ka dhinteen la musuq maasuqay ayaa isugu jira kuwa la dilay iyo qaar ku dhintay Qaraxyada iyo Weerarada Muqdisho.

    Haweeney Wiilkeeda oo ka tirsanaa Shaqaalaha Rayidka Islamarkaana lagu dilay Weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegtay in Booskii Wiilkeeda lagu badalay qof kale halka markii hore ay aheyd dhaxal Booska uu Marxuumka ka baxay.

    “Muddo ayaa raadinay booskii Wiilkayga markii dambe waxaan ogaanay in booskiisa Wasiirka ku badalay qof kale” ayey u sheegtay Haweeneydaan oo la hadashay Caasimada Online.

    Waa ka gaabsatay in aan soo xigano magaceeda, Codkeeda iyo magaca wiilkeeda dhintay sababtoo ah waxay sheegtay in uu jiro dadaalo kale oo ay wado rajo wayna aysan ka qabin.

    Arinta Xaqiiqada ah ee jirta ayaa ah in Dowladda Soomaaliya aysan shaqaalaysiinin hal qof tan iyo markii ay Talada dalka la wareegtay, Wasiiradana ay ku xiran yihiin daruufo badan oo ah in ay shaqaalaysiiyaan dhalinyaro kamid ah dadka ay matalaan.

    Atintaan ayaa qayb ka Musuq Maasuqa Soomaaliya lamana oga sida ay saameen ugu yeelan karto shaqooyinka Dowladda.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com


  16. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay maamulkiisa ku sameysay sadbursi kadib markii ay magacowday guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe.

    Saciid Deni ayaa sheegay in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ay xaq u lahayd Puntland, maadaama guddoomiyihii xilka ka degan uu kasoo jeeday deegaanadaas, balse lagu beddelay guddoomiye cusub oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

    Siciid Deni ayaa sheegay in iyada oo hanaanka loo maray magacaabista Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay khaldan tahay, haddana aan wax wadatashi ah lagala sameyn maamulkiisa.

    Deni ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka ah ay waddo ku tagri fal awoodeed marka loo eego habka magacaabista xilalka muhiimka ah ee talada ay ku leeyihiin dowlad Goboleedyada dalka ka jira,

    Ka sokow xilka guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in Puntland ay ka cabaneyso xilal kale oo ay xaq u lahayd oo ay ka mid yihiin safiiro oo weli dowladda federaalka aysan siin.

    Waxaa xilalkaas ka mid ah safiiradii Washington iyo Nairobi oo ay ku kala fadhiyeen Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibedda iyo Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka qorsheynta, kuwaas oo midna aan weli la buuxin midna lagu beddelay qof aan kasoo jeedin Puntland.

    Caasimada Online
    Xafiiska Garoowe
    caasimada@live.com


  17. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ammaanka lagu xaqiijinayey ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

    Waxay ciidankan qabteen dhallinyaro badan oo ay isugu geeyeen goob fagaare ah oo ay ku kala saarayeen, iyadoo intooda badan lasii daayey, halka qaarna weli ay ciidamada baaritaan ku hayaan.

    Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi hoggaamineysa wax faah faahin ah kama aanay bixin, hase ahaatee howlgallada sidan oo kale ah ayeey ciidanka DFS ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir.

    Howlgallada ay ciidamada dowladda ka sameeyaan degmooyinka magaalada Muqdisho ayeey kusoo qabtaan dhallinyaro badan, iyadoo saacado badan oo la hayo dhallinyaradan hadana lasii daayo.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ayaa Amray in bishaan laga jiro lacag dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda.

    Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, wasiirka oo shalay afar saac la kulmay dhamaan Shaqaalaha ayaa u sheegay in ay Amar tahay in laga jarayo lacag qof kasta oo shaqaalaha katirsan, qofkii diidana shaqada laga joojin doono.

    Lacagaha ayaa loo kala qaadi doonaa Afar qayb oo kala ah Grade A, 100$ Grade B, 50$, Grade C, 30$ iyo qaybta Maamulka oo qofkiiba laga qaadi doono 300$.

    Lacagahaan ayuu sheegay in dib loogu dhisi doono Xarunta Wasaaradda oo ku bur burtay Weerarkii Al-Shabaab ee Sanadkaan. Dad badan oo aan qaadan lacag ku filan ayaa arintaan walaac ka muujiyay maadaama ay soo dhowdahay Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

    Wasiirka oo maalmo magacaaban ayaa la sheegay in shaqaalaha uu ku haayo hanjabaad iyo caga juglayn isagoo maanta caddeeyay in Shaqada laga ceyrin doono qofkii bixin waayo lacagtaas.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com


  19. Washington (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah askartii Mareykanka ee ka qeyb gashay dagaalkii Muqdisho ee October  3 ama “Black Hawk Down” ayaa weerar afka ku qaadey Ilhaan Cumar oo  ka tirsan Congress-ka Mareykanka kadib markii la helay Tweet ay qortay October 2017-kii kaas oo ay ku sheegtay in dadka qaar ay iska indho tirayaan in ciidamada Mareykanka ay kumannaan ku dileen Soomaaliya.

    Marka laga soo tago askarta, waxaa jira dad badan oo difaacey Cumar, waxaa sidoo kale jiray buug lagu magacaabo “Black Hawk Down: A Story of Modern War” (1999) uu qoray Mark Bowden kaas oo dadka Soomaalida ah ee maalintaas dhintay ku qiyaasay ilaa 700

    Qoraallada qaar ayaa qaba iney gaarayaan ilaa 1,000, laakin ma jirto warbixin rasmi ah oo arrintaas laga soo saarey.

    October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku sugnaa Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com


  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Ingiriiska ayaa ka biyo diidan dibu dhaca soo wajaha doorashooyinka wakiilada iyo Baarlamaanka Somaliland, kuwaasi oo mudo xileedkoodi marhore kasoo idlaaday.

    Wasiiru dowlaha Arrimaha dibeda UK Harriett Baldwin oo ka jawaabeysa su’aalo ay weydiiyen xildhibaano kamida Baarlamaanka Ingiriisku, ayaa sheegtay inay jiraan wada-hadal usocda dowlada ingiriiska iyo xukuumada Muuse Biixi oo ku saabsan sidii doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka ku qabsoomi lahaayen waqtiga loo qorsheyay ee 12-bisha December ee sanadkan.

    Wasiir Harriett ayaa sidoo kale ka hadashay geedi-socodka dimuquraadiyadda Somaliland, waxayna tiri “Ingiriiska waxa ka go’an taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, si gaar ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Tani waxay qayb muhiim ah ka tahay wada hadalo u socda Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo dawladda Somaliland”.

    Waxayna intaas kusii dartay “Horaantii bishan safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya wuxuu la kulmay Madaxweyne Biixiga Somaliland si hoosta looga xariiqo sida loogu baahanyahay in doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtigooda oo ah 12 December 2019”.

    “Ingiriisku wuxuu sidoo kale taageero dhinaca khibrada farasmada ah siiyaa guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaanu kala shaqaynayaa horumarinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo kor u qaadista ka qayb galka haweenka”.

    Mrs Harriett ayaa sidoo kale waxay ka hadashay talaabooyin uu Ingiriisku qaadayo oo ku saabsan ilaalinta xuquuqal insaanka Somaliland, waxayna tiri “Ingiriisku wuxuu bixiyaa caawimo balaadhan oo lagu taageerayo xuquuqda bini-aadamka ee Somaliland, Waxaana qayb ka ah in lagala shaqeeyo garsoorka Somaliland in la aasaaso xeer nidaamiye iyo guddi kormeer iyo baadhiseed si loo siiyo tababar sharci oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda”.

    “Weliba si loo hubiyo in Boolisku ku shaqeynayaan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda bini-aadamka iyo in kor loo qaado xaaladaha xabsiyada. Sidoo kale Ingiriisku wuxuu dawladda Somaliland ka taageeraa in la aasaaso xeer nidaamiye saxaafadeed, waxaanay si joogto ah ugala shaqeeyaan ururada bulshada xorriyatul qawlka, xuquuqda haweenka iyo xuquuqda dadka laga tirada badanyahay”.

    Caasimada Online
    Xafiiska Hargeysa
    Caasimada@live.com


  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha Ciidammada Somaliland ee degmada Boocame ee bariga Gobolka Sool, Axmed Jaamac Cartan ayaa fariin adag oo hanjaabada u diray Ciidammada Puntland.

    Cartan ayaa sidoo kale wuxuu digniin u diray Odayaasha Puntland oo uu sheegay inay sheeganayaan qeybo kamida dhulka Somaliland, isagoo hoosna u dhigay jiritaanka Ciidan Awood leh oo xilligan ay leedahay dowladda Puntland, wuxuuna yiri

    “Imika Ciidan ma jiro ee waxaanu digniin siinaynaa Odayaasha Puntland, waxaanu u soo jeedinaynaa inay ka fogaadaan degmada Boocame iyo dhulkay qayd-qaydanayaan. Waxaanu balan-qaadaynaa in sidaad dhulkayaga u damaacideen inaanu kiina u damaacino, Garoowe-na ay meel inaga dhaxaysa ay noqoto”.

    Wuxuuna intaas kusii daray Taliyuhu “Waad aragtaan Ciidankayagu waa heegan, Ciidankii qarankuna heegan weeyaan, haddii aad ka bixi waydaan dhammaan xuduudka Somaliland, waxaanu qaadan doonaa waajibaadkayaga”.

    Si Kastaba, Hadalkan taliyaha ayaa kusoo beegmaya xili deeganka Tukaraq ee G/Sanaag ay isku hor fadhiyaan Ciidammada Miletariga ee Somaliland iyo Puntland, kuwaasi oo dhowr jeerna dagaal khasaare badan gestay uu ku dhex maray deegaankaas.

    Caasimada Online
    Xafiiska Hargeysa
    Caasimada@live.com


  22. Ma Muusaha wax duudsinahayee degelka boobaaya
    Ee derisyadii kala raree dacarta beeraaya
    Ee suu isagu doonayuun diiradda u taaga
    Ee damalkii uu geli lahaa dogobka saaraaya
    Ee damaca qaawani hagiyo doonis keliyeedku
    Ee tii dorraatuun dhacduun weli dubaaqaaya
    Ma dalbuu xukumayaa haddaan dulucda kuu dhiibo
    Mise waabu kala diri intii dani walaalaysay?

    Duufaanta fooruhu wadee digaydu yeedhayso
    Ninka doonta aan haguhu wadin moolka dalaqsiiyey
    Ee aan dabaashana aqoon Diiriyena reebay
    Inkastuu is daaxuuriyoo duubcas kolanyaysto
    Oo dacafka uu taago oo dibinta uu ruugo
    Waa daahir yaa shamis inuu degayo saw maaha?

    By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji).

    dalmarbilaal@gmail.com

    image.png

    Qaran News