Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda xilligaan soo wajeheen caqabado caalami ah oo kaga imaanaya dalka dibaddiisa waxaana ay codsatay in shacabku gacan siiyaan.

    Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in sahcabka iyo madaxda qaar aysan ogsoonayn in dowladda federalka ah ay haystaan caqabado dibadda kaga imaanaya haseyeeshee ay ku masshquulsan tahay waxtarka dadkeeda.

     “Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed & madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarusaneyn caqabadaha dowladda dhexe  ay la kulmeyso,balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto dadaalada ay wado ay ku fashilanto” ayuu yiri wasiir Maareey.

    DHEGAYSO

    PUNTLANDPOST

    The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay haystaan caqabado dalka dibaddiisa kaga imaanaya. appeared first on Puntland Post.


  2. Guddiga dibu heshiisiinta maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo gaareen liiska ergooyinka shirka dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

    DAAWO

    Gudiga

    Guddiga dibu heshiisiinta Galmudug,"Waxaanu haynaa dhammaan ergooyinkii shirka".

    Posted by Puntland Post on Thursday, August 15, 2019

    PUNTLANDPOST

    The post Liiska ergooyinkii shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo la soo gudbiyey. appeared first on Puntland Post.


  3. Baydhabo (Caasimada Online) –  Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Duqeymaha ayaa waxaa Mareykanka gacan ka siiyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

    Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah duqeynta koowaad ayaa ka dhacday saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi.

    Saraakiil ka tirsan kuwa Xooga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay 21 sarkaal oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib, kana tirsanaa Al-Shabaab.

    Sidoo kale saraakiishan ayaa tilmaamay in duqeynta 2-aad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee isla gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana lala beegsaday xarumo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay halkaasi.

    Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Xooggaga Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi.

    Weeraradan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sare u qaadeen howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

    Caasimada Online
    Xafiiska Baydhabo
    caasimada@live.com

  4. Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ay saaka ka helayso gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay howlgallo xoogan ka wadaan deegaamo katirsan gobolkaasi.

    Ciidamadaan oo ka shiraacday degmada Awdheegle ayaa shacabka kunool Tooratooraw waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen inay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxda Alshabaab oo talis weyn kuleh deegaankaasi.

    Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax), guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhow dhow si ay ciidamada ula wareegaan.

    Dhanka kalena, ciidamada DANAB ayaa weli baaritaano waxa ay ka wadaan degmada Awdheegle kadib weerar khasaare xoogan dhaliyey oo Alshabaab ay ku soo qaaday taliska ciidamada ee deegaankaasi.

    PUNTLANDPOST

    The post Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Awdheegle iyo duleedka Tooratoorow. appeared first on Puntland Post.


  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa awaamiir culus duldhigay saraakiisha ciidamada iyo golihiisa xukuumadda xilli uu shir guddoominayey shirkii todobaad laha ahaa ee golaha xukuumadda.

    Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ku amray golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada, maamulada gobolada iyo degmooyinka inay ahmiyaddooda 1aad siiyaan sugidda ammaanka dadka iyo dhulka Puntland.

    AKHRISO

    Puntland.jpg?w=1000&ssl=1

    PUNTLANDPOST

    The post Madaxweyne Denni oo awaamiir duldhigay golihiisa wasiirada & taliyayaasha ciidamada. appeared first on Puntland Post.


  6. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa la qaatay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka kulan ku saabsan dardar gelinta Shaqooyinka dowladda iyo tayeynta shaqaalaha rayidka.

    Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Xasan Abshirow ayaa uga warbixiyey Agaasimaha Madaxtooyada caqabadaha ku xeeran Shaqaalaha Dowladda, dedaallada lagu horumarinayo iyo kaalinta muhiimka ah ay ka qaadanayaan Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

    Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Fuursade ayaa tilmaamay muhiimadda qorsheyaasha dib u habeynta shaqaalaha rayidka iyo sida ay aasaaska ugu tahay dib u hawlgelinta dhammaan Hay’adaha Dowladda.

    Fuursade ayaa ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed dhabar adayga iyo kartida ay ku samata bixiyeen dalka wakhtiyadii adkaa ee ay ku shaqeynayeen duruufo ka adag kuwa maanta jira.

    Agaasinka Madaxtooyada iyo Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay joogteynta xaqsiinta shaqaalaha dowladda iyo kobcinta xirafaddooda shaqo.

    PUNTLAND POST

    The post Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay Guddigga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda dederaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada, daryeelka bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyada Turkiga.

    Is afgaradka oo ku saabsan qaybaha shaqada iyo shaqaaleynta,una dhexeeya dowladda Jumhuuriyada Turkiga iyo dowladda Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dhinacyada waxaa ay iska kaashanayaan taququsyada la xiriira shaqada iyo shaqaaleysiinta.

    Labada wasaaradood waxay is dhafsan doonaan dokomiintiyada iyo macluumaadka la xiriira shuruudaha iyo wax ka beddelkooda,iyada oo guddi wada-jir ah uu ka shaqeynayo fulintinta iyo xaqiijinta arrimaha la xiriira heshiiska.

    Heshiiskan is afgaradka ah ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha wasiirrada ee Jamhuuriyada Turkiga.

    Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan is afgaradka ah, wuxuuna caddeeyay heshiiskan oo mari doona Baarlamaanka inuu muhiimad ballaaran u leeyahay Soomaaliya.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com

  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyrre.

    Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya waxaana warbixino laga dhageestay xubno katirsan Golaha wasiirada Soomaaliya.

    Golaha Wasiirada ayaa arrinta ugu weyn oo ay ka hadleen waxa ay tahay qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee horyaalla golaha ammaanka QM, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay gadaal ka riixeyso dowladda Kenya.

    Sharcigaan ayaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay looga codsanayaa in liiska Argigixisada lagu daro Al-Shabaab balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa arintaas walaac ka muujiyay.

    Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Sharcigaan uu halis ku noqonayo dhaqaalaha iyo ammaanka Soomaaliya, islamarkaana uu saameyn doono malaayiin Soonaali ah, waxayna ugu baaqayn golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inaysan ansixin.

    Al-Shabaab ayaga ayaa dhowrsano ka hor fagaare ka sheegay in ay ku biireen urur waynaha Al-qaacidda oo ku jira liiska Qaramada Midoobay ee argigixisada inkastoo UN-ka aysan wali liiskan ku darin Al-Shabaab.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com


  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa shaaciyey in ay si aad ah u diyaar garoobeen, islamarkaana uu si rasmi ah beri shirka uga furmayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

    Baadiyow ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay inuu ka dhaco shirka iyo goobaha loo diyaariyey inay degaan ergada.

    Waxa kale oo uu tilmaamay in la soo gabagebeeyay diyaar garowga shirka, ayna diyaar u yihiin waxyaabaha aasa asiga ah ee shirka.

    Sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan liiska ergada ka qeyb galeysa shirweynahaasi, ayna rajeynayaan inay soo soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

    Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo waxgaradka iyo odaaysha ka qeyb galaya shir beelaha Habargidir uga socda gudaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ay ku baaqeen in dib loo dhigo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

    Caasimada Online
    Xafiiska Dhuusamareeb
    caasimada@live.com

  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) ayaa ka hadlay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya.

    Ramaax ayaa ugu horeyntii si adag u cambaareeyay kulankaasi oo ku sheegay in uusan u qalmin meeqaamka Somaliland, isla markaana gaf ku ahaa bulshada reer Somaliland.

    Ramaax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi looga baahanyahay in uu bulshada u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kulankaasi uu la yeeshay wasiirada ka tirsan xukuumada Farmaajo.

    Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Berbera, ayaa waxa uu yiri “Waxan cambaareynaynaa sawirka ay idinla galeen wafdigii madaxda jamhuuriyada Somaliland ee aad soo dhigeysan baraha bulshada”.

    “Ninka leh Kenya u digaya ee Wasiirka arrimaha dibeda sheeganaya waa xaaran in uu Madaxweynahayagu isla soo sawiro, waxaana leeyahay madaxweyne waa qalad aad gashay kana raali-geli umadda reer Somaliland iyo inayna dib u dhicin”.

    Wuxuuna intaas kusii daray “Xaram bad sheegaysa ee aakhiro baanu heshiis ku aheyn, umaddani diyaar uma aha in la sawiro oo sawir beena la sawiro uma baahna, waxayna diyaar ugu aheyn nimanka halka aynu ognahay aan kala taaganahay in maanta ay idhaahdaan midnima loo oomanyahay oo waaka Madaxweynihii”.

    “Ma khiyaamay nagu wadeen Sacuudi carabiya markay xajka kugu marti-qaadayen ma inad isa-salaaMtan ayey kugu wadeen. Nimankaa waxanu kala taaganahay labada Suudan ciidan baa la dhex dhigi jirey iyaga kala ilaaliya, halka aynu ku aragno dagaal baa noo dhexeeya, mid siyaasiya noo dhexeeya mid xabadeed baa noo dhexeysa, mid islaamnimo ayaa meesha oolin, sidaas daraadeed darbiga jabisay madaxweyne dhaawaceedu wuu ku haysta”.

    Caasimada Online
    Xafiiska Hargeysa
    caasimada@live.com 


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay 5 bil kadib xayiraadda ka qaaday shacabkii ka barakacay degaanka Bariire ee gobalka Shabeellada Hoose.

    Al-Shabaab ayaa dadka dagan degaanka 5 bil ka hor markii ay qabsadeen ciidamada dowladda ku amray in ay ka barakacaan magaalada ganacsigana la joojiyo, si loo cuna qabateeyo Ciidamada Dowladda ee magaalada ka qabsaday.

    Dadkii daganaa ayaa ka dhaga adeegay amarkaas balse Al-Shabaab waxay bilaabeen in ay duqeeyaan xaafado kamid ah magaalada si dadka uga barakacaan, waxaana markaas Bariire ka baxay boqolaal qoys oo halkaas daganaa.

    Maalmo ka hor ayey Al-Shabaab kulan la qaateen mas’uuliyiinta degaanka waxayna u fasaxeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda islamarkaana ay bilaabaan ganacsigii iyo beerashada beeraha Bariire.

    Al-Shabaab ayaa odayaasha degaanka u sheegay in ay ka joojinayaan duqeymaha dhankooda ah islamarkaana loo fasaxay in ay guryahooda ku laabtaan muddo 5 bil ah kadib.

    Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab bilaawgii sanadkaan ka qabsaday degaanka Bariire, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay haawanayay xaafadaha magaalada.

    Sidoo kale Al-Shabaab ayaa jaray Buundada Bariire kadib markii ay qarax ku xireen taas oo saameysay isu socodka magaalada oo aad u liidato muddo 5 bil ah.

    Dadka degaanka ee bilaabay in ay dib u soo laabtaan ayaa ka cabsi qaba in ciidamada Soomaaliya ay duqeyn ka fuliyaan goobaha kale oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab kadibna ay saameyso dadka degaanka.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com


  12. Haddii aan ka qiyaas qaadano jawiga siyaasadeed iyo kan amaan ee hadda ka jira Kismayo, iyo sidii wax u dhacayeen dhowrkii bilood oo la soo dhaafay, gaar ahaan tallaaboyinkii amar ku-taaglaynta ahaa ee uu qaaday Axmed Madobe oo uu ku dhisay guddiga doorashooyinka, xulashada oday dhaqameedyada iyo xilidhibaanada ay odayaashashi soo xuleen, ku gacan sayridda talooyinkii Amisom, IGAD, iyo ergayga qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya, talooyinkaas oo ahaa in doorashadada dib loo dhigo si murashixiita oo dhammi ay uga qayb galaan, in doorashadu noqoto mid loo wada siman yahay oo u dhacda hab madaxbanaan oo daah furan, kaas oo amaanka tartamayaasha ay sugayaan ciidamo ka madax banaan fara gelin shiyeeye iyo mid siyaasadeedba, waxa suuragal ah inuu dhaco isku dhac ciidan oo dhiig ku daato isla markaana gaysta khasaare iyo bur-bur hanti dadwayne iyo mid dawladeed labadaba.

    Ilaa iyo haddana ma muuqato si loo baajin karo isku dhacaas iyo fashilka siyaasadeed oo ka dhalan kara.

    Maxaa Axmed Madoobe lagu eedaynayaa?

    Axmed Madoobe waxa lagu eedaynayaa:

    1. In isaga keligiis soo xushay oday dhaqamadeeyo aan ahayn kuwii saxda ahaa oo mathalayay beelahooda.
    2. Inuu amray oday dhaqameedyada uu isagau soo xushay in mid waliba u keeno 3 qof oo uu mid ka mid ah ka dhigo xildhibaanka beesha.
    3. Inuu diiday in doorashadu u dhacdo hab daah furan oo ka madax banaan faragalin, cadaadis, cabburis, hanjabaad, iyo amar-ku-taaglayn.
    4. In doorashadu ka dhacdo meel ka madax banaan fara gelinta maamuliisa.
    5. Inuu garoonka diyaaradaha Kismayo ka mamnuucay masuuliyiinta xilalka ka haysa ama taabacsan dawladda dhexe isla maasna raba inay ka qayb galaan tartanka.
    6. Inuu diiday in wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay lug ku yeelato habka iyo hanaank doorashada Jubaland u dhacayso.
    7. Inuu garab siyaasadeed iyo gaashaan ciidan ka dhigtay dawlado iyo shakhsiyaad cadow ku ah midnimada, madax banaanida, qaranimada, iyo sugidda xuduudaha Soomaaliya ee sharciga ah.

    Maxaa ka qaldamay dawladda dhexe?

    Ka dib markii ay ku guulaysatay saamayntii ay ku yeelatay doorashadii Koofur Galbeed, tii Galmudug-na ay door muuqda ka qaadatay, dawaladda dhexe waxay isa siisay kalsooni ah in tan Jubalandna ay saamayn ku yeelan karto.

    Laakiin sidii ay qorshaynayeen ama rabeen wax uma dhicin waayo Axmed Madoobe wuxuu garab ciidan, taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helay Kenya oo dawladda Farmaajo cadaadis ku saartay inay ka laabato dhacwadii badda, madaxwaynaha xilligan ee maamulka Puntland, Senator Faroole iyo Senator Cumar Cabdirashid, madaxwanayaashi hore Shiikh Sariif, iyo Xasan Shiikh, iyo dhamaan mucaaradka dawladda Farmaajo iyo Khayre.

    Waxa is waydiin leh haddii Axmed Madoobe mar kale noqdo madaxwaynaha Jubaland, ma u samayn doonaa wax alla wixii Kenya ay rabto ama ka dalbato maamulkiisa maadaama ay si buuxda oo aan qarsoonayn ay u garab istaagtay inuu ku guulaysto doorashada? Maxay siisan doonaan taageeradooda?

    Dad badan oo anigu aan ku jiro kuma mucaaradsana Axmed Madoobe wax aan ka ahayn khatarta uu ku yahay midnimada, wadajirka, iyo qaranimada dalka Soomaaliya. Hore wuxuu ugu adeegi jiray taliskii xumaa ee Miles Zenawi iyo maamulkii arxanka darnaa ee Cabdi Ilay, haddana wuxuu u adeegayaa danaha Kenya, Imaaraatka, iwm. Waxa keliya oo isagu rabaana waa kursiga iyo inuu mar kale noqdo madaxwaynaha gobollada Jubaland.

    Guul  Axmed Madoobe helo maxaa ka dhalan kara?

    Haddii Axmed Madoobe ku guulaysto doorashada waxa dhici karta in Jubaland ay u qaybsanto sidii Galmudug oo garabyo iska soo horjeeda ay ka kala taliyaan gobollada ay ka kooban tahay, qabaailkuna isku dhacaan. Waqtigan hadda la jooga xataa jubaland gacanta uguma wada jirto Axmed Madoobe oo maamulkiisu wuxu ku kooban yahay Kismayo iyo qaar ka mid ah tuulooyinka xadka Kenya ku yaal. Haddii bur-bur iyo isku dhac imaadana kala tag iyo sii  kala fogaansho kii hore ka daran baa imaan kara.

    Maxay samayn karta dawladda dhexe?

    Kolley lama filayo in dawladda dhexe ay dagaaal iyo awood ciidan u adeegsato Jubaland. Sida awgeed tallaaboyinka u furan wa kuwo siyaasadeed ama waan-waan iyo wadahadal. Sidaas oo ay tahay, sida dastuuka Soomaaliya uu qabo, wa in wasaaradda arrimaha gudaha ee federalku ay ansixiso doorashada iyo ciddii ku guulaysataba. Sida awgeed, dawladda dhexe waxa u banaan inay diido inay aqoonsato natiijada doorashada iyo habkii doorashada loo qabtay labada.

    Sodoo kale, waxa dawladda dhexe cadaadis ku saari karta beesha caalamka inaysan aqoonsan natiijada doorashada, xiriirka wada shaqayntana u jaraan maamulkiisa.

    Waxa kale oo dhici kara in qaar ka mid ah degaanada Jubaland ay ku gacan sayraan natiijada doorashada haddii Axmed Madoobe ku guulaysto, taasina ay keento inay xiriirka u jaraan maamulkiisa oo ay toos ula shaqeeyan dawladda dhexe.

    Mucaarad xukun doon ah oo u shaqeeya cadowga

    Burburkii dawaladdii Soomaaliya waxaa loo saaraa xukun jeclaysi iyo keli talis. Haddana wuxuu Axmed Madoobe wado waa xukun jeclaysi iyo keli talisnimo. Wax horumar ah oo uu qabtay Jubaland ma jirto. Inta badan degaanada Jubaland xataa ma tagi karo. Haddii Axmed Madoobe guulaystana khatar wayn baa soo wajahaysa midnimiada, madax banaanida, qaranimiada, wada shaqaynta, iyo amaanka Soomaaliya.

    Mid isaga dhaama baan Alle waydiisanayna.

    Mucaaradka Soomaaliduna ma aha kuwo waddaniyiin ah oo u danaynata danta dalka iyo dadka ee waa mid ku dhisan hanti boob, xukun jecayl, iyo qabyaalad.

    Bal yaa garan kara waxa Cumar Cabdirashid uu raadinayo oo ka maqan rabo, waxa Faroole uu faraha ugala bixi la’ yahay talada Puntland, haddana uu faraha ugula jiro Jubaland. Maxaa ka maqan Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, iyo ragga la mid ah. Wixii ay dhici kareen dhace, wixii ay gadan kareena gade. W

    War iyo dhamaanti waa hubaal in mucaaradka Soomaalida iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyadu aysan rabin dawladnimo, kala dambyn, wada shaqayn, midnimo, madax banaani, iyo in sharafii iyo karaamadii Somalia soo laabato.

    Allow Soomaaliya ka bed-baadi Soomaalida cadowga u ah oo u shaqeeya cadowga Soomaaliya, iyo shisheeyaha cadowga u ahba.

    W/Q: Axmed Bashir
    Bashir1631@gmail.com

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay waxyaabaha qarxa, kadib howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

    Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

    Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland aya warbaahinta u soo bandhigtay Miinooyin ay sheegtay in lagu aasay waddada isku xirta tuulooyinka Bangeeni iyo Koban ee gobolka Jubbada Hoose.

    Saraakisha NISa ee maamulkaasi ayaa sheegay in la doonayey in qaraxyadaasi lagu dhibaateeyo shacabka, sida ay hadalka u dhigeen.

    ‘’Ciidanka ammaanka Jubbaland gaar ahaan cutubka u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa, una taagan mar walba ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayaa ka soo saaray Miinooyinkan goobo ay Al-Shabaab geliyeen oo ah inta u dhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban, waa aaga degmadda Jammaame ee gobolka Jubbadda Hoose.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska NISA ee Jubbaland.

    Muddooyinkii dambe Jubbaland ayaa kordhisay howlgallada ay ka wado gobolka Jubbada Hoose, maadaama ay dhowaan doorasho ka dhaceysa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

    11-6.jpg 22-4.jpg 33-1.jpg 44-3.jpg

    Caasimada Online
    Xafiiska Kismaayo
    caasimada@live.com


  14. SOMALILANDTA QARSOON !!!
    =======================

    Waa danyar aad ka naxayso hoyga ay ka galaan dhaxanta iyo roobka iyo waliba qoraxda kulul ee dalka, waa qoys ka kooban Shan caruur ah iyo labadoodii waalid waxa ay ku soo koreen nolol maalina la qadeeyo maalinta la waayana aan laba tabin waayo waxa ay la qabsadeen gaajada .

    Qoyska waxa u shaqeeya oo u kalahda hooyadood, waxa ay suuqa la fadhiisataa galaano laws ah iyo galaano hadhuudh ah , maalmaha qaar waxbaba cidi kama iibsato oo sidii ay ku kalahday ayey ku soo noqotaa , maalinta wax laga iibsadona Kama badna laba galaan ooqiimahoogu aanu ka badnayn 10,000/=.

    Aabohood oo u shaqeyn jiray qoyskan oo dhismaha marba yoomka uu helo ka gali jirey waxa maalin uu ka soo dhacay guri uu dhisayey , waxaana uu naafo ka noqday qaybo ka mid ah laxaadkii uu ku shaqeysanayey, maalin maalin buu baxaa oo uu suuqa u yar dhaadhacaa .

    Caruurta waxa waxbarasho ku jira sadexda waaweyn oo ah wiil iyo laba gabdhood waxa ay laba ku jiraan dugsiga sare , halka midina dugsiga dhexe sii dhamaynayso, labada yaryari waa ay gaadheen da’ ay wax ku bartaan laakiin waalidkood ma awoodo in uu waxbarasho ka bixiyo , gurigooga waxa ka agdhoow malcaamad quraan iyo madarasad weyn oo caan ah waxa lagu dhigtaa lacag qaaliya oo aanay danyartu hawaysan karin.

    Sadexda caruur ah ee wax u barta maalinba meel buu aabahood lacagta iskuulka uga soo qaadaa hadiiba uu ka soo helo , maalmaha qaar waxa waxbarashadu ku dhaaftaa fasalada dibadooda iyada oo maamulka dugsigu qofkii aan lacagta bixin fasalka ka saaro oo ay ka maqnaadaan ilaa inta loo soo helayo lacagtii dugsiga lagaga bixin lahaa!!!

    Qoyskani waxa hareerihiisa degan qoysas kale oo danyar ah oo qoyskani u noqonayo reer ladan , waxa ay haystaan ubad yaryar oo aan helin goobo caafimaad hadii ay xanuunsadaan , waxbarasho aan haysan , biyo aan haysan , huga ay xidhan yihiin inta uu hun dhaafay aanu jidhkoogaba qarinayn , waalidiinta dhashay ubadkani waa dad aan aad u waaweynayn laakiin danta iyo duruufuhu ka dhigeen dad gaboobay, oo xataa xoog ay wax ku qabsan karaan aanu ka muuqan.

    Xaafada ay degan yihiin waa meel magaalada ka durugsan , ma yaqaanaan maamulka magaalada iyo ka qarankaba oo cidi meeshooda uguma tagto , laakiin waxa ay ii sheegeen in maalmihii doorashada xaafadooda ay xisbiyadu iman jireen oo ay balanqaadyo badan u qaadeen marka ay soo baxaan in ay wax u qaban doonaan oo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha laga kabi doono, ayaan daro cidi dib ugumay soo noqon.

    Cariishyada iyo buulasha ay ku jiraan waa qaar u nugul roobka oo si dhibyar ayuu u qaadayaa, waa qaar aan dhaxan iyo cadceed midna ka celinayn, waa qaar hadii ay gubtaan lagu madhanayo oo aan cidina ogeyn , waxaana ay hurushoobi doonaan dad iyo duunyoba sidiixaafado badan oo danyarta dalka ahi dab ka kacay ugu madheen ,

    Dadkani markoodii hore waxa ay deganaayeen magaalada dhexdeeda, waxaana dayrkiisa ku dhex noolaayeen dhisme dawladeed oo in badan qabyo ahaa oo ay buulal yaryar uga dhisnaayeen , sidii ay halkaasi ugu noolaayeen ayuun baa maalin ciidan iyo cagaf la dulkeenay waxaana la siiyey qadar daqiiqado ay alaabtooda kaga urursadaan buulashii ay deganaayeen , waxaana laga burburiyey hoygii ay daganaayeen oo lagu yidhi ka qaata meesha.

    Maalmo ayey banaanka u hoydeen oo ay bacad yaal ahaayeen, waayo ma haystaan meel ay degaan, ma haystaan gaadiid ay ku guuraan , waxaana lagu wargaliyey in guriga ay deganaayeen kaamboolkiisa ay dawladu iibisay oo ay ka iibisay mid ka mid ah ganacsatada uguwaaweyn dalka oo uu isaguna dalbaday in dawladu dadka ka rarto si uu dhisto.

    Waxa ay ahaayeen iyaguba muwaadiniin xaq u leh in ay dawladoodu siiso guryo ay dagaan maadaama ay yihiin dad danyar ah oo aan haysan taageero iyo dhaqaale midna , hase ahaatee may helin oo dawladoodu dadba uma aragto marka aad aragto sida loola dhaqmay iyo cidlada lagu soo daadiyey, kaaga darane halkaa ay degan yihiin maalinwalba dad baa ugu yimaada oo yidhaahda nooga guura .

    Waxa jira Somaliland aan aheyn tan magacyada waaweyn leh ee muuqata ee qofka dhinta la yaqaano ee aynu wada tacsiyeyno, ka xanuunsada aynu u wada ducayno, ka la xidho aynu u wada doodno , iyaga hadii maalin ay xataa fursad u helaan in qof warbaahin ahi soobooqdo amaba wax ka duubo, badanka lagama yaaboba in la soo daayo barnaamijkaa laga duubay, amaba sikino kooban uu ka baxo Tvga , hadana codkoogu meelna ma gaadho .

    Waxa dalka ku nool boqolaalkun oo sabool ah oo noloshaa aan ka soo waramay iyo mid ka sii hoosaysa ku nool oo ah muwaadiniintii dalkan lahaa ee dawladu u dhisnayd ee xaq u lahaa in iyaga mudnaanta la siiyo , maadaama aanay iska bixin karayn waxbarasho, dhakhtar gaar loo leeyahay in ay iska daweeyaan aan awoodin , biyo ay cabaan aan haysan , hoy ay galaan aan haysan ee ay adag tahay sida ay u nool yihiin.

    Dadkan xataa waxa ka mid ah dadkeenii miyiga deganaa ee ay abaaruhu xoolihii ka madhiyeen oo magaalada soo galay si ay nolol u raadsadaan , waxa ay ahaayeen dad qani ah oo xoolo haysta oo aan cidna u baahneyn laakiin duruufaha ayaa ka dhigay dan yar diifi ka muuqato oo dadku indhaha ka laliyaan , maaha nolol ay doorteen ee wakhtigaa u doorey waxaana ay cashar u tahay iyo imtixaan lagu eegayo dadka inta iyaga dhaanta oo dhan.

    Nolosha dhabta ah ee dalkeena ka jirtaa waa sadex qaybood inta aan u kuur galay ;
    1- qaybi waa taa aan soo sheegay oo waa ta ugu hooseysa ee ugu itaalka daran leh , una baahan gurmad iyo taakuleyn iyo waliba daryeel dawladeed.

    2- qaybta labaad waa ta ugu badan dadka oo waa dad xoogsada laakiin waxa ay ku nool yihiin aanu noloshooda wada daboolin , waxaana ay lacagtu kaga baxdaa , kiro guri , Nal , biyo, dhakhtar, waxbarasho iyo wax Yar oo ay afkooga u cunaan , iska daa wax u dhigma e iyaga iyo dayn lagu yeeshaa bilwalba, qaybtani waxa ka mid ah shaqaalaha dawlada, shaqaalaha ganacsiga dhexe iyo hoose, ciidamada iyo sida ay dadku u badan yihiin.

    3- qaybta sadexaad oo ah inyar oo u badan ganacsato , iyo siyaasiyiin oo labadooduba xilalka ay haystaan iyo xoolaha ay haystaan ka helay dadka duruufahan aynu ka hadlayno ku nool, waxa soo raaca in kooban hay’adaha caalamiga ah u shaqeysa.

    Hadii aan duruufaha nololeed ee dadka iyo dalka hoos loo eegin , iyada oo waliba maalinba maalinta ka dambaysa dadka noloshu ku sii adkaanayso, waxa iman doonta in dadku hal maalin isa soo taagaan oo dalka lagu kala awood bato oo uu dhaco kacdoon dadweyne ookhatartiisa lehi.

    Muhamed Dhimbiil
    Mohamed Abdi Jama
    +252634241005
    hormood@hotmail.com

    Qaran News


  15. Waa Kumma Wasiirka Ugu Waxqabadka Badan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi?.

    Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Md. Cabdilahi Abokor, ayaa sida cadceeda uga dhex-muuqday Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, isaggoo La yimmi waxqabad mug iyo miisaan leh muddo laba sanadood gudahood.
    Wasiir Cabdilahi Abokor waxa uu dib-u-dhis iyo dayactir balaadhaan ku sameeyey Wadooyin tiro badan oo hawlbowlayaal ah, kuwasoo inta badan ah kuwo ugu mashquulsan.
    Sidoo kale waxa uu Wasiir Cabdilahi Abokor ku guuleystay hirgelinta iyo taabo-gelinta mashruuc aad muhiim u ah, kaasoo ah yagleelka iyo dhismaha Wadada ganacsi ee Berbera Corridor iyo Wajaale.
    Wadada Corridor oo hadda socota, ayaa ah mid xawaare sare ku socota, isla markaana uu Wasiirka Jidadka iyo gadiidku hadh iyo habeen heegan ugu jiraa sidii ay u dhamaystirmi lahayd. Akhriste hadii aad u safartay ama martay wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera waxa indhahaagu qabanayaan dayactiirka sanaadkii 2018-ka Wasaarada Jidadku samaysay, oo aan isbedelin Iyo sidoo kale, shaqada cusub ee aanay hore Somaliland uga qaban wadaadaas, oo ah balaadhinta lagu samaynaayo ee Mashruuca Berbera Corridor, kaasoo mustaqbalka dhow ka dhiggaaya Wadada isku xidha Wajaale ilaa Berbera mid afar Haad oo waaweyn ah.
    Waxyaabaha kale, ee Wasiirka Jidadku Md. Cabdilahi Abokor nasiibka u helay waxa ka Kamid ah bilowga dhismaha Wadaad dheer ee isku xidhi doonta Boorama ilaa Jabuuti, oo dhowaan la dhagax-dhigay isla markaana Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku mashquulsan tahay dhismaheeda.
    Akhristayaal qormo iyo laba toona iyadoo aan lagu soo koobi Karin dedaalka iyo waxqabadka baaxada leh ee Wasiir Cabdilahi Abokor ku hirgeliyey mudo laba sanno waxka dhiman yihiin, waxaynu dib u yara milicsan doona waxqabad korka xaadis ah oo Wasiirku ka hirgeliyey Wadooyinka gobolada bariga.
    Waxa kaloo, iyaggana dayactir iyo Dib u dhis lagu sameeyey Wadada Burco ilaa Laascaanood oo lagu sameeyay Geedo goyn maadaama, oo wadadaas dhirtu soo gashay, taasina sababi jirtay shilal, isla markaana gaadiidkii isu qarin jirtay. Waxa kaloo kamid ah Waxqabadka muuqda ee ka hirgalay Wadadooyinka, Biriishka burco oo la ogga burburkii ay gaadhsiyeen Daadad iyo Biyaha Dooxu, Waxa iyana ka mida meelaha la dayactiray ama shaqada lagu wada ee shaqo ka socoto kamid ah biriishyo u dhexeeya Magaalooyinka Burco Iyo Berbera sida Dubur, Kalajab iyo Buundada Hudisa oo mudo aan dayactir lagu samayn lana mari jiray meel jar ahayd oo xata ku adkayd gaadiidka raran ee waawayn, Waxa sido kale ka mida Biriishyada jiifa “Irish Biriish” u dhaxeeya BERBERA Ilaa HARGEISA kuwooda xeebta soo xiga oo daadadku jari-jireen in ku dhow Haad lana isticmali jiray haadka midig oo qudha lana kala sugi jiray madama an laysku dhaafi karayn… La soco qaybaha dambe iyo Wadooyinka Galbeedka iyo bariga Somaliland laba sanno ka yar dayactir balaadhan lagu sameeyey.
    Qalinkii.

    Cabdicasiis Bashiir Nuur
    Email. c.casiis98@hotmail.com
    Hargeysa/Somaliland.

    Qaran News