Nairobi (Caasimada Online) – Koox Kenyan ah ayaa doonaya in dowladda aysan wakiilo u dirin dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee bisha November ka dhacaya xarunta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee magaalada Hague.
Kooxdan ayaa doonaya in maxkamadda sare ee Kenya ay ka joojiso xeer-ilaaliyaha guud Kihara Kariuki, wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma, iyo Xafiiska Xuduudaha Caalamiga ah ee Kenya ka qeyb-galka kiiska, sababtuna ay tahay “inuu xadgudub ku yahay dastuurka.”
Kiis ay ka diiwaan geliyeen maxkamadda sare ayaa kooxdan waxay ku doodeen in go’aanka maxkamadda uu hoggaamin karo is-beddel ku yimaada xuduudaha Kenya, ayada oo aan afti la qaadin, sida uu qabo dastuurka.
“Waxaan ka walaacsannahay in inkasta oo Kenya ay isku dayeyso in kiiska kala dhaxeeyo Soomaaliya lagu xaliyo si saaxiibtinimo ah, haddana lama sameyn wax dadaallo ah oo lagu caddeynayo in maxkamadda ICJ aysan sharciyad u lahayn inay kiiskan qaado” ayaa lagu yiri warqad ay qoreen 20 qareen.
Kenya ayaa horey ugu guul-darreysatay doodii ay ka hor-jeedisay maxkamadda ICJ ee ahayd inaysan sharciyad u lahayn in kiiska ay guda gasho.
Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay shaaciso go’aan ku saabsan in kiiska mar kale dib loo dhigayo sida ay codsatay Kenya iyo in kale. Soomaaliya ayaa dooneysa in kiisk la dhageysto waqtigii loo qabtay oo ah 4-ta November 2019.
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa qarka u saaran inuu aqbalo xabad joojin ay soo jeediyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taasi oo haddii ay dhaqan gasho xoojin karta dadaallada ay waddo QM ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalka Yemen ee burburiyey sumcaddii Riyadh.
Xuutiyiinta ayaa laba toddobaad ka hor ballan-qaaday inay joojinayaan gantaallada ay ku ridaan Sacuudiga, haddii isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen ay sidaas oo kale sameeyaan.
Ma jirin wax aqbalaad ama diidmo ah oo Sacuudiga kaso yeeray. Hase yeeshee, Riyadh ayaa toddobaadkan soo dhoweysay yabooha, waxaana saddex diblomaasi iyo laba il-wareed oo kale ay sheegeen in Sacuudiga ay ka fakarayaan inay aqbalaan xabad-joojinta.
Ilo-wareedyadan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymihii Sacuudiga ay la beegsan jireen dhulka Xuutiyiinta ay aad hoos ugu dhaceen, islamarkaana ay jiraan sababo rajo wanaagsan looga qabo in dhowaan heshiis la gaari doono.
Wasiir ku-xigeenka difaaca Sacuudiga Amir Khalid Bin Salman ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in boqortooyada ay yabooha xabad-joojinta Sacuudiga u aragto arrin wanaagsan, isaga oo xoojiyey hadal noocaas oo kale ah oo kasoo yeeray Maxamed Bin Salmaan, oo ah ninka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga.
“Yabooha Xuutiyiinta waa tallaabo wanaagsan oo horey u riixeysa wada-hadallo siyaasadeed oo dhab ah…Maanta diyaar ayaan u nahay dhammaan hindisooyinka xal siyaasadeed loogu helayo Yemen. Waxaan rajeeneynaa inay sidaas dhacdo” ayuu Maxamed Bin Salman u sheegay taleefishinka CBS ee Mareykanka.
The International Court of Justice will next week once again review Kenya’s request for a 12-month delay of public hearing in a maritime boundary case filed by Somalia.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland mudane Cabdirixiin Cismaan Cabdi(Shibiin) ayaa Todobaadkani socdaal kooban ku imanaaya magaalada London ee dalka Ingriiska, waxana dalka Ingriiska ka socota qaban qaabada xaflado lagu soo dhawaynaayo.
Wasiirka oo hawlo caafimaad u joogay dalka Denmark, ayaa ku sii jeeda dalkii kadib markii uu dhamaystay hawlihii caafimaad ee uu xagaasi ugu sugnaa taasi oo uu wasiirku ku laaban doono shaqadii uu qaranka u hayay, wasiirka ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale socdaal shaqo u tago dalka Jarmalka halkaasi oo ay wararku sheegayaa in uu ka helay martiqaad, halkaasi oo uu uga sii gudbi doono Somaliland
Sheikh Axmed Daahir
Xasan Xuseen oo kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland ayaa
galabta ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga tuulada Yaka-yaka ee
gobolka Karkaar.
Gaariga Sheikhu
saarnaa oo ka yimid dhanka magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar kuna sii
jeeday caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa ku dhacay meel wax yar u jirtay
tuulada yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho.
Sheikha ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo hadda lagu dabiibayo waxaana dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in uu feer ka jaban-yahay sida uu warbaahinta Puntland post u sheegay Sheikh Mukhtaar Axmed Faarax oo kamid ah dadka ku booqday isbitaalka.
“Sheikha caafimaadkiisu aad ayuu u fiicanyahay Garoowe ayaa la keenay feer keliyaana jabtay laakiiin sida kale aad buu u fiicanyahay dadkii la saarnaana waxba ma gaarin” ayuu yiri Sheikh Mukhtaar.
(SLT-Hargeysa)-Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa soo qabtay 12 Harimacad oo la doonayay in si sharci-darro ah looga dhoofiyo xeebaha galbeed ee Somaliland.
Saddex ka mid ah dhalalkaa Harimacadka ayaa dhintay.
Raggii watay Harimadkan ayaa baxsaday.
Wasiirka Deegaanka Shugri Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in cidkasta oo loo soo qabto ganacsiga sharcidarrada ah ee Xayawaanada ay Maxkamaduhu siidaayaan, Halkan hoose ka DAAWO
(SLT-Hargeysa)-Fannaanada Caanka Ah Ee Saynab Cigge Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa Iyo Farriin Ay U Dirtay Beelaha Ceelafweyn, Halkan hoose ka DAAWO
(SLT-Riyadh)-Laamaha Amniga Sacuudiga ayaa xabsiga dib ugu celiyay sarkaal sare oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas, oo toddobaadyo ka hor daaweyn caafimaad Cisbitaal loo dhigay.
Hey’ad madax-bannaan oo u dooda xuquuqda maxaabiista ayaa shaacisay in Maxamed Al-Khuderi dib loogu celiyay xabsiga magaalada Dhahbaan ee ku yaalla xeebta Badda Cas.
Al-Khuderi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu daaweynayay magaalada Makka ee dalka Sacuudiga.
Ururka Xamaas ayaa aad uga cadhooday tallaabadan waxaana ay ku eedeysay xukuumada Sacuudiga inay ku tumatay xuquuqda muwaadinkaan oo 30 sanno ku noolaa Boqortooyada.
Magaciisu waa ” Qawdhan” Waa nin madoow oo qarro wayn, waa meel dhexaad oo da’diisu waa ilaa 45-sano jir. dhismaha jidhkiisu oo aad u dhisamay, Jimcsi kuma dhismin ee waxa jidh-kiisa dhisay waa xammaalka iyo xoogsigga dhididkiisa xalaasha ah ee uu suuq joogta u yahay si uu u dhacsado una dabbaro noloshiisa iyo tan qoyskooda.
Maalin kasta abaaro 1:30 duhurnimo ayuu shaqadan culayska badan ka rawaxaa isaga oo cidii dhinac marta ay qaaddo shurfta iyo qaaca qadhmuun ee kasoo hugmaya jidhkiisa iyo dhididka shaqadu ka keentay ee marka qorraxda lagu daro dhididku uu gadh-kiisa ka tif-leeyahay, dadka qaar aan dhugasho badan lahayni waxay moddaan nin maskaxda ka jirran lkn qofkii si fiican u fiirsha sawirkiisa guud markiiba wuu fahmi karra inuu yahay xoogsato, waa nin rabi u dhaliyay karti iyo hal-adayg shaqo.
Intaas waxaa u dheer inuu yahay wiil hoog farraha lagag gubtay oo dagaal badan, oo waa nin cadkiisa dhacsada oo aan nina ku wallaacin, dhawr jeer ayuu dagaal galay oo rag uu nabarro u gaystay isagana dil uma dhinayn, xagga hadalka aad ayuu u hadal qadhaadhyahay oo waa caytamaa oo af-xumo kuma yara marka uu xanaaqo. Maalin kasta cid ayay is khilafaan madaama oo ay shaqada xammaalku tahay mid cullus ilaa 3-gaadhi oo nooca candho-mayd laha ah” ayuu roggaa maalin kasta.
Dhawr jeer ayaa la isku khilaafay rasadda bariiska sida loo dhigayo oo uu mid xammaal ah feedh iyo hidh ku dal-dallay oo afku dhiigay, isagana la xidhay. bal maxaad qaan ugu galaysaa sida raso loo dhigayo aannad lahayn ayuu dhawr jeer ka qoomameeyay.
Duhurka marka ay gaadho waxa caaddo u ah inta u maydho “in uu labo mijood oo Qaad ah iyo sigaar “Baakidh rooyal ah intuu qaato” oo u tago meherrad yar oo bal-balo ah oo la dhaho (Xiniinyo Dabaddood) magacaas oo u dhigan inuu “Caay” yahay oo ku taalla meel dooxa agtiisa ah, inta badanna ay isugu yimadaan xoogsatada”xammaalka,dameerlaha,biyoolaha,nijaarka,iyo keeryoon-lahu waa meherrad yar oo dadkeedu cawlanyihin lkn waxa fadhiya rag xooggoda oo xallaal ah shaqaysta waxay dhammaan qaar dhacay “Hanti ummadeed” oo fiilooyin dhaadheer ku dhex quuta qurusyo xaraan ah, meherrada iyo dadkeedu ha iska cawladaan e, waa meel aad dareemayso inay jogaan dad noloshooda ku qanacsan, waxaad kale oo darreemi kartaa inay jirraan rag rabi ragnimo u dhaliyay oo waayaha iyo wkhtiga aduun xidhay balse indheergarad ah oo hasaawin yaqaan gollaha xigmada iyo sheekada ee qoodhu isku qallacdo.
Ninkani laftarkiisu ma xigmad xuma oo isaga laftigiisu waa nin ha iska xanaaqo e. oo waa geesi aan hadalka marrin-kiisa ka leexin waa nin akhyaar ah oo sedexda ina rag lagu xusho ay ku kulmeen waa Dood,dagaal iyo deeq waa nin xigmado gabayo iyo murti yaqaan ah inkasta oo bahal Qabyaalad la dhaho uu meel dhigtay oo faanka iyo baanista ay san-ka ka saaranyihiin inta badan wuxuu ku fannaa laan-dheere ayaan ahay. dee waa runtii oo xagga abtirsimadda waa beellaha ugu baddan somaalida ee ay ka dhasheen Haldoor,Ganacsato,Culimo,Aqoonyahan iwm lkn isagu noloshaas macanawiyan waa ka xammaal dhabarkiisa rarta.
Iminka wuxuu fadhiya booska u meherada ku leeyahay wuxuu xidhanyahay macawis iyo shaadh cas, waxa afka ugu jira taqsiin qaad ah waxa kale oo uu ku tiirsanyahay Birkin yar” oo casaatay oo aad arki karto in ay naddaafad ka suushay, gacanta midigna wuxu ku haystaa midh sigaar “Rooyal” ah oo intuu faanka reerka ku jiray kala badh dhamaatay, intuu hore usoo yar fadhiistay oo si xoog ah u jiiday sigaarkii ayuu yidhi :- hadii aan reerkaygu barigaa dagaalka galin inaan dalka la xoreyeen intuu raaciyay afarray uu oday adeerkii ahaa Qarnigii 20aad uu tirriyay.
Haa waa qabyaali lkn hadanna qoyska uu yahay waa u xeer-beegti aan gollaha lagaga dabo dhufan dagaal iyo gar-naqsi labadaba. Suldaanka beesha waa (Suldaan Qaac) isagana waa inmadeer tii rumma, suldaanku aad ayu ugu kalsoonyahay oo fiidka marka uu qaadka ka kaco ayuu ugu tagaa meherrada barraad ah oo shaaha caano geella ah laga cabo warka 8:00 fiidnimo laga fiirsado markaa warku bilaabmo ayaa muran-kuna istaadhmaa ” “waa saxanyahay madaxwaynuhu iyo wa khaldnyahay ayaa lagu raftaa” ciidaa iyo camaarka ka badan inta ay siyaasad ku murmeen ee uu afku ka xumaaday ee hadal qadaf ah iyo gaf kala gaadhay waar maxaa ka galay colaadda aad u galayso siyaasi aan ku aqoon ayuu dhawr jeer ku shawray.
Suldaan-ka ayaa dhowr jeer ku yidhi:- reer-ku nin adayg adiga ayaa ka dhashay adiguna aqoon ma lihid, xammaalkaas isagana iska dayn wayday hadii aad “Barrayfat” gasho oo afsoomiliga iyo ingilishka aad barto wasiir ka yar kamaan dhigeen oo musharaxa iminka dhowaan la dooranayo saxiibo ayaanu nahay.
Talladaas wuu u boggay runtii habeen-kii kama uu seexan inuu wasiir noqdo oo uu madax noqdo, waxa xaqiiqo ahayd in suldaanku uu mid hore u geeyay madaxwaynaha iminka oo uu agaasime u magacaabay. habeen-kaa il iyo baal isuma keenin ee soo jeed ayuu ku dhamaystay oo badh-go ayuu ahaa labo mijood oo aan biyo raacis lahayn ayuu qaadku kaga dhamaadday. meesha uu sexdaa waa meherrada yar ee uu ku qayillo ilaa guri malahe e. oo uu subaxii ka jarmaaddo habenkaas oo dhan dhaban ma dhigin ee meherrada yar horteedda ayuu ka muuqday gudcurka dhexdiisa isagoo jiiday oo qiijiyay dhawr xabo oo sigaar ah.
Subixii ayuu labo Buug iibsaday oo uu tagey barrayfat u dhow, halkaas oo looga bilaabay barashada labada Luuqadood iyo Xisaabta shaqdii xammaalkana wuu sii watay. Waa nin maskax fudud ee afsomaliga 4-bilood ayuu ku fahmay ingriisidana waa ku dhawaqaa ha iska jajabsadee mudo 7-bilood ah markii uu dhigtey ayaa waxbadani bilow u noqdeen oo uu buugaag gabayo iyo kuwo iskuul ah, ku dhex akhriyaa meeshii qayilaada iminka qolladan waa u aqoonyahay oo maalin dhawayd wuxuu sharaxayay xiligii jabuuti farnsiisku qabsaday qofka cilmiga Seef la bood-ka ku noqdaa “wuxuu caan ku yahay inuu ku murmo golle kasta oo uu dadka ku dawakhiyo inyar oo aan waxba uga danbayn” isaguna jidkaas ayuu qaaday oo waxa uu mar u ka sheekaynayay dhaqaallaha maraykanka(USA). maalin ayuu aad u sharaxay waxa uu yidhi:- “dhaqaalaha maraykanka iyo ganacsigu waxa uu ku korray cashuur lagama qaaddo, ganaciga oo dhana waxa maamulla shirkado shisheeye qudbad dheer oo uu qorraal ka khristay ay dad qoreen ayuu doodiisa udub dhexaad uga dhigay .waar iminka waxaan ahay nin siyaasi tagay ah arrinkaas rag badan oo qollada dameerlayaasha ah ayaa madax u ruxay inkastoo qoladdan xammaalka ilaahay murran ku saliday.
Bishii 12aad ayuu ka qalinjabiyay qaybtii hore ee waxbarashada gaaban oo uu xariif ku yahay qorrista afka somaaliga iyo xitaa ingiriisida iminka wuu joojiyay shaqda xammaalka oo waxa uu xisaabiye ka yahay bakhaar waana labista oo dhallaalka waad arki karta inuu so yar dooggay.
Habeen ayuu suldaan-ku soo wacay oo yidhi:- igu kaalay meheradii( budh la-duul) waa uu u yimi kawran waxbrashadii waxa la yidhi waxaad noqotay khabiir sare ee. Intuu qosol yar qac ka siiyay ayuu yidhi:- iminka mutacalin ayaan ahay suldaan.
Suldaan-ka oo show ay siyaasada isku seggeen siyaasiyiinta beesha ah oo ay kala danno noqdeen ayaa yidhi:- raggii aan hore u dhisay waa igu wacad fureen ee u diyaar garoow xil ayaan kulla raadinyaye “warkaas wuu ku farxay habeenkii hurdo muu ladin” Subixii suladaan-ka ayaa soo wacay inta uu raacay ayaa carwo la geeyay oo dhar suudh-ku boqor u yahay looga soo iibiyay kadibna timo-jarraha ayaa la geeyay oo inta loo xiiray ayaa wajiga loo dhaqay oo madoobbayso loogu qurxiyay timihiisa. Subixii xigay gaadhiga ayay kaxaysteen isaga iyo suldaanka iyo labo Oday oo kala ahaa Qaaje iyo qiiq ” oo ay sidaa madaxtoyada ku tageen, kullan mudo qaatay oo madaxwaynaha iyo dhexmaray odayda isaguna daawade ka ahaa waxa socda waxa la isla ogolaadday in beesha wasiir loo magacaabo ballan-tuna maalmo kadib ayay noqotay ,isaga iyo madaxwaynaha waa la is baray lkn wakhtiga ayaa cidhidhi iska ahaa oo xoghayaha gaarka ah ee madaxwaynaha ayaa magaca ka qoray.
Maalmo aanu hurdo ladin waxa dhacayaanna ay riyo la tahay ayaa soo dhafay oo uu rumaysan layahay ma wasiir ayaad noqon doontaa. Maalin uu duhur yar seexday ayuu soo kacay oo mobilka oo (Silent) kaga jirray uu eegay mise waa 102-wacitaan oo ku tagaan mobilka waar maxaa dhacay yaab!.
Taleefan-ka oo dhacaya ayuu qabtay cod bushaaro ah ayaa kasoo yeedhay waar ma wasiir ayaa lagu magacabay yaa!. Hadalka ayaa igu dhaggay maxaad maqashay ?. waar magacagii oo macal naanasytii “Qawdhan”la socoto ayaan TV-ga ka maqlay.
Kullan casho ah ayuu ahaa ninyahoow!!.waxaan garanwaayay oo hilib shiilan aan ka gartay ayaan ku cashaynay aniga,suldaan-ka iyo Madaxwaynahu ilaa garraw iyo digir ayan cuni jiree macaankii waxaan arkay anigoo sixinigii dhinaca kasoo rafacay oo dhawr jeer farraha madaxwaynaha aan xuduudiisa hudhmo ku galay ceeb kale ma jirin cunto sidaa u macaan ayaanan hore u arkin, waxan arkay in madaxwaynahu uu ka yaabay cunto jacaylka iyo diifta aan soorta u qabo balse kaftan ayaan ku difaacday cuntaada aan sida xun ugu miir-beellay sida buugga jamacadda loo difaacdo oo kale .
Marka laga yimaado dhinaca cashada ee madaxwaynahu laftiisu ka yaabay sida aan farraha u leefaayay anigu laftigayguna waan iska yaabay!. Hadana xaga hadalka ,murtida,xigmada iyo xeelaaddaha hadlaka laga dheegto wuxuu ii arkay afmishaar aan laga libiqsan,wuxuuna ii arkay shaqsi muhiim u noqon karaa difaaca dannaha shaqsiga ah ee xafiiska wasarrada dhaqanka.
Subixii xiggay waxaan la wareegay xilka wasiirka waan arkay joornaalo lagu dhaliilayo aqoontayda lkn ma sii fiirin oo waxan darreemay niyadjab.qudbada u badan maahmaahyo iyo xigamado ayaan madasha xil-warreejinta ka idhi cidii ii fiirasta waa fahmi kartaa inaan ahay muqayil afmishaar ah.
Wasaarrada waxaan keenay dhowr xog-hayn ah oo iga caawiya qorrista iyo diyaarinta qoraalda xafiiska arrintaasna waxa iga caawiyay aqoonyahan aan isku hayb-nahay oo la dhaho “Gudcur” suldaan-ka ayaa yidhi:- la shaqee oo ninka hag aniguna waxan ahaa mikirifoonka hadla ee TV-yada ka sheegga qudbado loo diyaariyay. Nin la haggayo ayaan ahaye wasaarrad ayaa shaqdeeda la dar-dar galiyay oo xog-hayayaasha iyo aqoonyah-nkii aanu isku beesha ahayn ayaa meesha hawsheeda si wanaagsan u wadda, hayadaha wasaarrada la shaqeeyana waa nalloo kala turjuma saxeexana aniga leh oo dhaqaale fiican ayaan hellay.
Marmar-ka qaar waxaan kala garanwaayi jiray in aan anigu xafiiska wasiirka ahay iyo in suldaan-ku meesha haysto, dhawr mashruuc oo loogu talo-galay in lagu dayactiro goobo dalxiis ayaa suldaanku jeebka ku shubtay gurrina waa ka dhistay
Markii kowaad qoyskayga ayaan aniguna gurri banggalo ah u dhisay aniguna waxaan dhistay mid kale oo qurux badan, gabadh cad oo aan is idhi mar waaba “Jin” intaan quruxdeeda ka yaabay!!. iyana waa la isiyay waar niyahow nolol macaan ayaan galay wax kale kuma garatid e.
Shaqaale cusub oo beesha aha ayaan qoray oo suldaanku soo xulay ,qaarn wasiiro aan saxiibo dhow noqonay ayaa wasarrada ay jogaan ku qorray. qaar beellaha kale ah ayaan meesha ka eryay, dhawr mashruuc oo wasaarrad soo gaadhay 3-meelood ayaan u qaybinay meel aniga ah oo aan bangiga ku shubtay iyo labo meelood oo midna wax yar lagu qabtay midna raga ila shaqeeya ayaa cunay oo dee labo yaryar oo xoghayn ii ahaa mid guri fiillo ah ayuu dhamaystiray bishan.
Ninyahoow noloshan aan galay waa aduun dhallaal badan oo uddug leh, dhawr sano ayaan xafiiska jooga oo hada ilbax ayaan ahay nolosha aan ku jiro waa mid aan riyo u arko wali ,quruxda aan yeeshay waxaan ka yaabay! habeen aan warka TV-ga iska daawday waxaan kale oo la yaabay af-tahimdayda mooji in dadku sidaas ii arko lkn waan iska yaabay uun.
Gurigay-ga quruxdiisa waad wareerraysaa dhallaalka xaaska iyo caruurta quruxda badan inta aan fadhiga tago oo aan TV-ga shito oo lugta midig ruxo ayaan hadallo macmacaan ugu yeedhaa xaaskagya “Filsan”gacaliso iyo macaan oo aan marna xusuus galaa anigo shub bariis ah xamaabrsan ama mid hadhuudh ah oo qalbigu i dubaaxiyaa.
Dhawr jeer ayaa la ii sheegay in rag i doonaya oo yidhi:-wasiirka saxiibo ayaanu nahay ay i rabaan blse waxan idhi:- ku dhaha ma joogo aniga oo Laabton i horyaalo farfaraynaya guriga laftigiisa ayaa ay xaasku ii sheegtay in rag si u yar diifaysan ay dhaheen wasiirka ayaan rabnaa blse xaaska waxay tidhi:- wuu maqanyahay :markiiba waan gartay inay kuwa iddoonaya yihiin saxiibadii aan xammaalka kawada shaqayn jirnay iyo dhawr dameerle waar ninyahoow armaa waxa lagugu sawiraa blse ninyahow waan kar-hayaa kulankooda oo wakhti badan ma hayo iyaguna shaxaad ayay kolay rabaan, waxaanse la yaabay barigii aan xammaalka ahaa waxaan ahaa nin deeqda caan ku ah oo muhani ah, iminka 100$ ee aan bixiyo ma iloobo oo waxaan rabaa inaan lacag hello si aan ganacsi wayn ama “shere”ula galo shirkaddo wadanka ka shaqeeya.
Afar sano iyo lix bilood oo aan xafiiska joogay waan ka gacan qabsaday oo maal ayaan yeeshay “Mood iyo Nool-ba leh” .waar ninyahoow sow xoolahani xaraan maah waar yeelko sow kuwaa wasiirrada kaleba wadanka boobaya dhulka oo uu yar xarxariiqay waxa maankiisa kusoo dhacday waar meesha adigu reerkiina ayaad ku joogta ee maxaa xarraanta keenay sow xaq reerku dalka ku leeyahay maaha? Mooji in hadalkaasi gar-yahay.
Waar iminka 4-sano macalin guri ayaa wax i barayay oo nin si fiican wax u fahma ayaan noqday, shahaaddoyin been abuur ahna waan samaystay, bari dhawyd ayaan ku biiray jamacadda oo aan marmar xaadiro waxanan bilaabay kuliyadda “maamulka iyo siyaasadda ” oo aan dhawaan ka qalin jabiyay iminkana waxaan shahaadada heerka labaad rabaa inaan ku diyaariyo si Online ah jaamacad ku taala “Malaysiya” waar iminka nolosha heer sare ayaan hiigsanayaa “hayaanka iyo hilinka aan ugu jirro hogaaminya dalka ayaan hilaadinayaa oo hayb iyo han-sare ayaan ku hiigsanayaa”.
Waxyaabaha xusuustay-da ah ee aan ka qoomameeyo waxa kamid dulmiyo aan galay oo qabyaalad darteed ah, waxan shaqada ka erayay labo dumar ah oo wasaarada nadaafad ahaan uga shaqayn jiray oo danyar ah waxaan badalkooda keenay kuwo beesha ah waxaan kale oo wasaarada ka eryay dhalinyaro badan oo wax baratay oo aan meesha ka hurgufay kuwo beesha ahna aan ku badashay. arrintaas beeshu aad ayay igu bugaadisay waxaan la igu tilmaamay halyay xaqa reerka soo dhicin karra.
Waxyaabaha aan la yaabay! waxa kamid ahaa in ganacsadihii aan bakhaarkiisa xammaalka ka ahaa labo wiil oo uu dhalay oo jaamacad dibada ah wax kusoo bartay inaan anigu shaqalaysiyay:-waxaan is waydiyay oo horta jaamacada dibada ma waxa ka nasiib roon barrayfatkiii yaraa.
Dhawaan qorashahaygu waa inaan xisbi iska sharaxo oo aan u tartamo hogaanka ugu sarreeya dadlkeena wadankana aan ku hogaamiyo siyaasad bisil iyo qorshe horumar wanaagsan u hoorseeda qaranka si sahankayga hayaanku u noqdo guusha ibbo furka u ah wadan-keena
Maanta waxa ugu wayn ee horumarkayga halkan keenay waa beesha aan ka dhashay oo iminka ii taqaan siyaasiga beesha gar iyo gardarro way i difacaan aniguna waxaan rabaa inaan awooda dalka gacanta u galiyo beesha sida illaha dhaqaalaha iwm.
Hadda wasiirku waa dhiigaystay oo waa ragga ugu xaragada roon gollaha wasiirada aad ayuuna is badalay oo muqaal ahaan qof hore u yaqaanay ma garan karro.
Muqdisho (Caasimada Online) – Abaabulka banaan-bax ay Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo doonayaan in lagu qabto Muqdisho, oo uu amarkiisa bixiyey madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu guuleysan la’yahay, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Banaan-baxan ayaa ka dhan ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo ay dowladda aad u dhibsatay kulamada ay ka wadaan Muqdisho ee looga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, caburinta siyaasiyiinta iyo jidadka xiran ee Muqdisho.
Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan hab qabiil, ayaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho.
Ilo wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyay in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ku adkaatay kicinta bulsada degmooyinka Gobolka Banaadir, oo diiday inay ka qeyb-galeyn banaan-bax siyaasadeysan oo ka dhan ah madax hore dalka wax badan ugu soo qabtay oo aan wax dhib ah gaysan.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw xafiiska Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish uu ka diiday madaxtooyada in gacan uu ka geysto Maamulka Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa u sheegay Madaxtooyada in uusan dadka ku qasbeynin in ay isku soo baxaan, waxaana uu sheegay in ay ka habboon tahay qasbidda bulshada in Madaxdu dadka toos ula hadasho fariinteedana halkaas mariso.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ay iminka isku dayayaan in dadka xerooyinka barakacayaasha ku jira lasoo saaro, ayada oo loo ballan-qaaday lacag.
Dhinaca kale, maamulka Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii dhowaa awoodda ugu badan galinayay dad ka abaabulan Warbaahinta bulshada (Social Media) oo lacag ka qaata madaxtooyada kuwaas oo billaabay aflagaado ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.
National Assembly Majority leader has dismissed claims that he holds both Somali and Kenyan citizenship.
Duale on Thursday said he has never held citizenship of another country and never will.
This comes after EACC launched investigations into claims that several public officers hold dual citizenship, thus contravening the Leadership and Integrity Act.
EACC chief executive Twalib Mbarak said the commission would take action, including mechanisms of removal from office of such officers if found guilty.
But Duale said, “It is a matter of public notoriety that I am a proud Kenyan citizen and I do not hold dual citizenship and I have never held citizenship of another country and will never do. Mimi ni Mkenya kwa damu na daima nitazidi kuwa Mkenya (I’m Kenyan in the blood and will always be Kenyan)”.
Duale said he was being blackmailed by those he termed ‘busybodies’ after he refused to facilitate the approval of Mwende Mwinzi for appointment as the Ambassador to South Korea.
He said he has been receiving numerous calls to try help Mwinzi, but maintained his stand on the guidelines stipulated in the Constitution.
“Parliament shall not be arm twisted or blackmailed,” Duale wrote on his Twitter page.
He added, “ Indeed the so-called public interest litigators should have looked for other “clever” ways of arm twisting Parliament. This one falls flat like a flat tyre”.
Duale said “such blackmail is laughable, a total shame, fake and requires to be treated just as such – total fabrications, generous with falsehoods and economical with truths”.
He said on June 6, the Departmental Committee on Defence and Foreign Relations of the National Assembly tabled a report approving six nominees and put a condition on seventh nominee Mwende Mwinzi for appointment as the Ambassador to South Korea subject to upon appointment and before taking office, renounce her American citizenship in line with section 31 of the Leadership and Integrity Act.
The legislator said the arguments of whether an ambassador is a public officer or state officer are ‘neither here nor there’.
He argued that in good faith, the National Assembly approved Mwende Mwinzi for appointment hoping she will follow the requirements of the law and renounce her American citizenship.
“The Committee on Implementation of the National Assembly in seeking to establish the implementation status of the Defence and Foreign Relations Report has now established that upon approval by the House, Ms. Mwende Mwinzi in complete disregard of the law has acted in bad faith and refused and declined to renounce her American citizenship,” he said.
He said by EACC ‘dancing to the tune of the so called public litigators, it is just following in complete disregard of Article 249 of the Constitution that requires it to have its own mind and head and not to be subject to control by anyone’.
“Further, the public interest litigators have now even put a rope on EACC’s neck and it’s being pulled like a goat heading to the slaughter house that cannot bleat or even wag its tail. One wonders why EACC had to act only when the “public interest litigators” made allegations,” he said.
Duale said it is evident that EACC has fallen into the scheme of those trying to protect Mwinzi from renouncing her citizenship by doing one thing, alleging it is investigating others while not focusing on the obvious current matter.
“We are also aware the Presidency has also been misled so that it can be put in a collision course with Parliament and as a way of fighting back with the hope that the intimidation will yield fruits and consequently that we shall go slow on the implementation of Article 78(2) on the subject nominee,” he said.
Duale added, “Let me bring it out clear that we shall not. As Parliament, we shall follow the law. We shall ensure it’s implemented to the letter. Arm twisters and blackmailers we have decoded you. We shall follow what is right and lawful. After all, as Parliament we have an obligation to respect, uphold and defend the Constitution. This one we aren’t giving up soon. You can take this to the bank”.
Duale said there are many deserving Kenyans who can take up the job, including many patriotic career diplomats serving in the Public Service, locally and abroad.
“If one cannot bow down to the requirements of the Constitution so as to enjoy dual citizenship, then leave it for the rest of the deserving Kenyans to take up. The Constitution is what we follow and Parliament cannot be cowed to take a different trajectory,” Duale paused.
Somalia’s government is implementing a new curriculum for primary and secondary school students, for the first time since the civil war broke out in 1991.
A group of Somali police officers underwent training in Turkey as the African country is embattled with terror attacks by the Al-Shabaab terrorist group.
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa shaaca ka qaadey in dalka uusan aqbali doonin dib u dhac kale oo lagu sameeyo dhageysiga kiiska badda.
Mr Khadar ayaa ku sugan magaaladda The Hague ee waddanka Holland halkaas oo uu tagay kadib markii ay wakiilo ka socda labadda dowladood ay u yeertay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.
Yeeritaanka ayaa ka dambeeyay markii Kenya ay gudbisay dalab kale oo ku aadan in muddo hal sano dib loo dhigo.
Isaga oo banaanka Maxkamadda kula hadlayey warbaahinta, ku simaha ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in aysan aqbali doonin wax ka duwan 4-ta November 2019, taaraaiikhdaas oo ay ICJ horey u muddeysay.
ICJ ayaa horey u shaacisay in kiiskan la dhageysan doono 4-ta November, talaabadaas ayaa ka dambeysay markii Nairobi ay dalbatay in la bedelo 9-ka September ee sanadkan, taasi oo loo ogolaaday.
Sawirka: Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
Guddoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bari, Axmed Cali Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahiyay awaamiir la xiriira sugidda amniga oo ka soo baxay maamulka gobolkaasi Bari.
“Waa jirtaa warqaddaasi, waxaan soo saarnay saddexdii bisha, waxaana soo saaray guddiga nabad-gelyada gobolka, waxaanna kaga hadlayney, in aan shirar gaar-gaar ah oo aysan ogayn guddiga nabad-gelyada gobolku, aan lagu qaban Karin hoteelada magaalada Boosaaso” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in cid kasta oo shir qabsanaysa
laga doonayo, in ay soo ogaysiiyaan
guddiga nabad-gelyada gobolka Bari, si ay ogolaansho uga qaadato guddiga,
islamarkaana mas’uuliyad la isga saaro sugidda amnigooda.
“Ciddii rabta in ay shirto, waxaa la rabaa in ay soo ogaysiiso maamulka gobolka, si permission ay uga qaadato guddiga nabadgelyada gobolka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Guddoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bari.
Mudane Axmed Cali waxa uu tilmaamay in ay go’aankan u qaateen,
si loo ilaaliyo amniga cid kasta oo shir qabsanaysa, maadaama ay iyagu u
xil-saaran yihiin sugidda amniga shacabka, si aysan kooxaha argagixisada ah uga
faa’idaysan goobaha shirarka oo qaraxyo ula beegsan.
Go’aankan ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Puntland oo ku sugan yahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu maalmihii la soo dhaafay kulamo kula yeeshay maamulka gobolka Bari iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Hague (Caasimada Online) – Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee gaaray xarunta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa dib ugu soo duulay Muqdisho, kadib markii ay maxkamadda dhageysatay doodaha Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamadda ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020.
Madaxweyne ku xigeenka maxkamadda Xue Hanqin ayaa dhageysatay doodda Kenya ee dib u dhigista dhageysiga kiiska iyo diidmada Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali karin in xitaa hal maalin dib loo dhigo kiiskan amr kale, ayna doonayaan in waqtigiisa lagu dhageysto.
Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Kenya aysan daacad ka ahayn cudur-daarrada ay la imaneyso mar walba, ayna guud ahaan ku qanacsaneyn in maxkamadda ay dhageysato kiiskan.
Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota.
Xue Hanqin ayaa kadib markii ay dhageysatay doodda labada dhinac u sheegtay inay dalalkooda ku laabtaan ayna maalmaha soo socda maxkamadda ku dhowaaqi doonto go’aankeeda ku aaddan iyo dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo iyo in kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dacwadda Badda, kadib markii Kenya codsatay in 12 bilood dib loogu dhigo kiiska.
Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo wafdi uu hogaaminayo ay maxkamada tageen, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan raali ka ahayn in mar labaad Kenya laga ogolaado in kiiska dib loo dhigo.
Nairobi (Caasimada Online) – Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa baasaboorada dalalka kale ay xilalkooda wayn doonaan.
Hay’ada ayaa sheegtey inay baaritaan ku hayso xildhibaanada islamarkaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo caddeeyo inay dalal kale dhalasho ka haystaan.
Xildhibaanadan ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, islamarkaana aysan dhalasho ka haysan dal kale.
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aden Barre Ducaale ayaa beeniyay in uu haysto dhalashada dal kale, ka dib markii arrintaa lagu eedeeyay isaga iyo xildhibaanno kale oo qaarkood ay Soomaali yihiin.
Ducaale wuxuu sheegay in ay shirqool u dhigayaan dad uu ku tilmaamay “kuwo iska dhigaya in ay shaqo hayaan, dadka kalena ku mashquulsan”.
Hadalkan Ducaale wuxuu imaanayaa ka dib markii Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Kenya ee EACC, uu billaabay baaritaan la xiriira madaxda dowladda ee haysta dhalashada dalal kale, taas oo khilaafsan Xeerka Hoggaanminta iyo Daacadnimada ee Kenya.
Madaxa Fulinta ee Guddiga EACC, Twalib Mbarak wuxuu sheegay in guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo dadkaas, haddii dembiga lagu helo.
Burco (Caasimada Online) ― Xaflad aroos oo ka socotay deegaanka Waabeeye oo tirsan degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer ayaa hal mar waxay isku badashay goob dagaal, midaasi oo sababtay dhimashada hal qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa xafladaasi.
Waxa sidoo kale xafladaasi aroos ee isku badashay dagaalka ku dhaawacmay saddex kale oo kamid ahaa dadkii ka soo qeyb-galay xafladaasi farxadeed ee markii dambe isku badashay murugada.
Guddoomiyaha degmada Duruqsi, Axmed Cabdilaahi Cabdi Gaabyoone oo tagay goobtaasi ay ka dhacday dhibaatadadu ayaa waxa uu sheegay in hadda xaalku yahay mid dagan, isla markaana meydkii iyo dhaawaciiba loo qaaday caasimada gobolka Togdheer.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ciidamada booliska Somaliland ku daba jiraan gacan ku dhiigle uu sheegay inuu xabad ku furay dadkaasi, isagoona carabka ku adkeeyay in xukuumada laga warsugo oo aan talaabo qaldan oo kale la qaadin, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhinaca kalena, Badhasaabka gobolka Togdheer oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dadkaasi ay waxyeeladu ka soo gaartay rabshadaasi ay dhamaantood ahaayen Rag, isagoona sheegay in xaaladooda caafimaad roontahay dhaawici la geeyay magaalada Burco, wuxuuna yiri “Aroos ka dhacay xalay, Waraabeeye ayaa rabshado ka dhacay ayaa isku rogay in dagaal halkaas ka dhaco, waxaana la dilay oo halkaas ku dhintay hal qof, saddex qof oo kalena wey ku dhaawacmeen”.
“Dhamaan afartan qof waa wada rag, waxaana anigu amray in meydka iyo saddex qof ee dhaawacmay la keeno Burco, waana la keenay, imikana xaaladu wey degan tahay, waxaana dadka leeyahay is dajiya, Xukuumadduna waajibkeeda wey gudanaysaa”.
Wuxuuna intaas kusii daray “Waxan dhacayna inkasta oo aynu shaydaanku ku lug lahaa, haddana wax qoran oo Alle qadaray ayey ahaayeen, Allena qofkaas dhintay ha u naxariisto, saddexda qof ee kalena ee dhaawacana caafmaad ha siiyo”.
Daawo:Weriye Cabdisalaan Hereri oo dirqi kaga baxsaday Daad,Gaadhisiisii Qaatey+Goobta & siduu ku badbaadey
in News - Wararka
Posted
Qaran News