MOGADISHU (HOL) - Somali minister for Labour and Social Affairs, Sadik Hirsi Warfa on Tuesday held a meeting with World Bank Vice president, Havez Ghanem in Washington DC of United States.
Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, islamarkaana la gaarsiiyey guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanku uu ku xadgudbay shuruucda dowlad goboleedka Puntland, loona baahan yahay in dacwad lagu soo oogo.
Idlib (Caasimadda Online) – Xubin kamid ah ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka ee Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hogaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post.
Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey.
Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim u aheyd howl-galkii ciidamada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi.
Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi.
Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhamaanteed ama badh kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cida soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar.
Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa.
Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u cadeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xidhay Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa.
(SLT-Hargeysa)-Abwaan Yuusuf Cabdulle Shaacir, ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo shacabka Somaliland in ay gurmad u fidiyaan dadka waxyeeladu ka soo gaadhay fatahaada webiga ee magaalada Beled-weyn, Halkan hoose ka DAAWO
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir goordhow ay yeesheen xisbiyada siyaasadeed ee dalka, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhowaaqay madal ay leeyihiin oo lagu magacaabo Madasha Xisbiyada Qaran.
Waxaa sidoo kale hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa la timid kadib wadatashi muddo socday taasi oo looga gol leeyahay in la mideeyo garabyada kala duwan ee xisbiyada mucaaradka dalka.
Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta guud ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dacwad xasaasi ah ku soo oogtay, Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada maamulkaasi oo dhowaan su’aal adag weydiiyey Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni.
Warqad uu ku saxiixan yahay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, islamarkaana guddoonka baarlamaanka maamulkaasi la gaarsiiyey ayaa waxaa looga codsaday in xasaanada laga qaado Xildhibaan Daad, si loogu soo oogo dacwadda loo heysto.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa xildhibaanka ku eedeeyey inuu ku xadgudbay shuruucda u taalla dowlad goboleedka Puntland, loona baahan yahay in lala xisaabto, si wax looga weydiiyo hadallada xanafta leh ee uu ku dhawaaqay.
Sidoo kale warqadda ayaa lagu sheegay haddii guddoonku ogolaado dalabkan in xeer ilaalintu ay soo gudbi doonto eeda loo heysto xildhibaankaasi oo 26-kii bishan ka careysiiyey Madaxweynaha Puntland oo ku sugnaa xarunta golaha wakiilada
Su’aasha xildhibaanka oo uu ku sheegay in xukuumaddu fashilantay, islamarkaana laga soo Qanuudo masaajida ayaa xiisad weyn ka abuurtay guud ahaan Puntland.
MOGADISHU (HOL) - A military court in Mogadishu Wednesday sentenced to death Mahas district commissioner for the murder of his deputy in April in Hiiraan region.
Abdullahi Ali Abdi sells every kind of food item at his shop in Dugandug market that families living in the sprawling displacement camps outside the southern Somali city of Baidoa could want.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shir madaxda xisbiyada uga socdo Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda, gaar ahaan Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay ka gaabisay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka.
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in aan la’is qabad siin karin in malaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin dowladda ay ku dhisto taalooyin, hadana aysan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan u heli karin gurmad.
Madaxaweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in tallaabo aan laga fileyn ay aheyd in dowladdu ay ku dhawaaqdo Qaaraan hala keeno, si loogu badbaadiyo dadka ku dhimanaya magaalada Beledweyne oo ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey wabiga Shabelle
“Dowladdu mallaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin taalooyin ku dhisi kartaa waa soo heli karta,dadka Reer Baladweyne ee Biyaha dhex-jiifa qaarkood ku dhamaadeen dowladda lacag uma heli karto ee qaaraan hala keeno in leys qabadsiiyo ayaa loo baahan yahay ayuu yiri.” Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli jawaab rasmi ah dowladdu aysan ka bixin dhibaatada bani’aadanimo ee ka taagan Beledweyne, marka laga reebo dhaq dhaqaaqyo ay waddo, kuwaas oo loogu gurmanayo dadkaasi.
Nairobi (Caasimada Onine) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Wajeer gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaal Al-Shabaab waxa ay la beegsatay saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Dadajabula oo koonfur ka xiga Wajeer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo looga adkaaday ciidankii Booliska ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dab qabadsiisay saldhigga oo guud ahaan burburay.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey sarkaalkan in ragga fuliyey weerarka ay dileen labo qof oo ku eedeysnaa in ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ku xirnaa saldigga deegaanka Dadajabula oo ah meesha uu weerarku ka dhacay.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weerarkaasi lagu dhaawacay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dowladda Kenya.
Sida aan xogta ku helnay Al-Shabaab ayaa dooneysay inay xoog ku soo furato, islamarkaana ay soo badbaadiso xubna uga xirnaa saldhigga, balse ay ku dhinteen dabkii ay ku gubeen xaruntaasi ciidan.
Al-Shabaab oo sheegatay inay ka dambeysay weerarkan ayaanan weli shaacin khasaaraha, balse waxay sheegtay inuu jiro khasaare xoog leh, sida ay hadalka u dhigtay.
Xeer-Ilaalinta guud ee dowladda Puntland, ayaa dacwad ku soo
oogtay xildhibaan Cawil Xassan Daad oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland.
Qoraal lagu baahiyay bogga Telefishinka dowladda Puntland oo
la sheegay in uu ka soo baxay ku xigeenka Xeer-Ilaaliyaha guud ee Puntland
Maxamed Xareed Faarax, ayaa mudanayaasha Baarlamanka oo looga dalbaday in ay
xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo
dacwad-ciqabeed ku saabsan ku xad-gudubka Dastuurka iyo xeer-hoosaadka
Baarlamanka.
Sida ku cad qoraalka xeer ilaalinta, dacwad-ciqaabeedka lagu
eedeeyay xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa ka dhalatay su’aal uu madaxweyne
Deni ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland.
Balse, Xeer-Ilaalintu faahfaahin kama bixin dacwad-ciqaabeedka loo haysto xildhibaanka iyo sidoo kale wakhtiga la maxkamadaynayo midna.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya shirarka iyo bandhiga tiknolojiyadda ee Qadar iyo shirka kooxda heerka sare ee Madasha ammaanka ee Munich (Munich Security Conference)
Shirka iyo bandhiga
Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay dalal kala duwan
ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan
ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka internetka,
horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka dhalinyarada iyo dooddo
kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad daneebka
(e-government), iyo ganacsiga elektarooniga ah (E-commerce).
Wasiirka Boostada,
Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo
bandhigyada noocaan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibaradaha iyo
qorshayaasha, gaar ahaan dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horeeya dalalka
carabta dhinaca baahinta tiknolojiyadda.
“Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka dalal , ururro, shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Wasiirka, Cabdi Cashuur Xasan.
Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar.
Waxaana looga hadlayaa iskaashiga labada dal ee dhinaca Isgaarsiinta iyo Tikonlojiyadda iyo isticmaalka tiknolojiyadda ee ka hortaga iyo gurmadka musoobooyinka.
Xildhibaankii Su’aasha Kulul Weydiiyay Madaxweynaha Puntland Oo Xasaanadda Laga Qaadayo Si Loo Dacweeyo
in News - Wararka
Posted
(SLT-Garoowe)-Xildhibaankii Su’aasha Kulul Weydiiyay Madaxweynaha Puntland Oo Xasaanadda Laga Qaadayo Si Loo Dacweeyo, Halkan hoose ka DAAWO
Source