-
Content Count
211,603 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Nairobi,(Qaran news)-Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa saaka lagu marti qaaday State House-ka looga taliyo dalka Kiiniya.
Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisu waxa ay kulan fool ka fool ah la.leeyihiin madaxweynaha dalmaasi iyo xubnaha ugu sar sareeya ee xukumadiisa.
Warka oo faah faahsan la soco goordhow marka uu kulanku soo dhamaado
-
Shalay waxaa shir uga furmay Hotelka Jazeera Magaaladda Muqdisho xubno badan oo ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xubnahan oo isugu jira Madax xilal kala duwan Kasoo qabatay dalka oo ay ku jiraan Ra’iisul wasaarayaal hore, Madaxwayne hore Shariif Shiikh Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka oo dhaliilsan Siyaasadda Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka qayb galaya kulankan oo la filayo inuu socdo mudo sedax maalmood ah.Shirkan oo looga hadlayo Arimaha xasaasiga ee ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac, sida wax ka bedelka Dastuurka, nuuca doorashada iyo Maqnaashaha labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa durbo soo muujiyay kala shaki horleh iyo in qaar kamid ah xubnaha mucaardka ee shirka ku sugan ay jiraan dhanka Dowladda.
Ra’iisul wasaare hore, Maxamed Xuseen Rooble oo warbaahinta kula hadlay hoolka shirarka ee Hotel Jaziira ayaa sheegay inaysan jirin Mucaarad iyo Muxaafad taas oo shaki badan dhalisay.
“Meeshaan Mucaarad iyo Maxaafid maahan waa shir looga hadlayo maslaxada umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri, Ra’iisul Wasaare Rooble.
Rooble ayaa intaas raaciyay in Madaxwayne Hassan Sheikh uu yahay saaxiibkiis oo uusan jirin Mucaarad.
Hadalada Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda kuwa banaanka keenay kala shakiga wayn ee mucaaradka iyo sida aysan u jirin mucaarad midaysan marka loo fiiriyo dowladii tan ka horeeyday ee Madaxwayne Farmaajo.
Puntland iyo Jubaland oo aan u muuqan kuwa xoojinaya mucaaradka ku shiraya Muqdisho. Kala hadalka mucaaradka iyo maqnaashaha xubnaha qaar ee Mucaaradka sida Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujinaysa bilaawga guuldaro horleh oo haysata Mucaaradka.
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday welcomed African football legends Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, and Jay-Jay Okocha at the Presidential Palace in Mogadishu, marking a powerful moment in Somalia’s efforts to rebuild its global image through sports.
-
Maxkamad federaali ah oo ku taal Mareykanka ayaa xukuntay in madaxweyne Trump uu ka takarifalay awoodiisa isagoo ku canshuuraha soo rogay caalamka. Tallaabadaas oo dhabar jab weyn ku ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah siyaasadiisa dhaqaale ee dalkaas. Maxkamadda Caalamiga ah ee Ganacsiga ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanku uu Congress-ka siinayo awoodo gaar ah oo uu ku maamulo ganacsiga dalalka kale.
Maxkamaddu waxay ku raacday koox ganacsato ah iyo isbahaysiga mas’uuliyiinta gobolka oo laba dacwadood oo kala duwan ka gudbiyay. Maxkamaddu waxay xukuntay sharciga “ma ogola” madaxweynaha inuu isticmaalo sharciga awoodaha degdegga ah si uu u soo saaro canshuuro dheeri ah.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Ganacsiga ayaa xukuntay in sharciga degdegga ah ee Aqalka Cad uusan siinin madaxweynaha awood hal dhinac ah inuu ku soo rogo canshuuro ku dhawaad dal kasta.
Go’aankan ayaa dhabar jab weyn ku ah mid ka mid ah siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah ee Trump.
Maamulka Trump ayaa daqiiqado gudahood kaga jawaabay go’aanka maxkamadda iyagoo racfaan ka qaatay.
Ma ahan in garsoorayaasha aan la dooran ay go’aan ka gaaraan sida saxda ah ee wax looga qabanayo xaaladda degdegga ah ee qaranka,” ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Kush Desai ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Madaxweyne Trump wuxuu ballan qaaday inuu Ameerika ka hor marin doono, maamulkana waxaa ka go’an inuu adeegsado awood kasta oo awood fulineed si wax looga qabto dhibaatadan oo loo soo celiyo Weynaanta Mareykanka,” ayuu
raaciyay.
Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James oo ay marar badan isku dhaceen Trump ayaa soo dhaweysay go’aanka.
Tarif waa canshuur laga qaado badeecadaha laga keeno wadamada kale. Caadi ahaan, waxay yihiin boqolleyda qiimaha alaabta.
Suuqyada caalamka ayaa si cad u jecel xukunka maxkamada New York.
Dhanka kale Elon Musk ayaa sheegay inuu ka tagayo maamulka Trump ka dib markii uu gacan ka geystay olole balaaran oo lagu dhimayay baaxadda tirada shaqaalaha dowladda Mareykanka islamarkana kumanaan shaqaale oo federaal ah shaqada laga ceyriyay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X ayuu maalqabeenka adduunka ugu mahad celiyay Trump fursadda uu ku caawinayo socodsiinta waxqabadka waaxda dowladda ee loo yaqaan Doge.
Doorkiisu waxa uu ahaa mid ku meel gaar ah ka bixistiisa shaqada ma aha mid lama filaan ah, balse waxay ku soo beegantay maalin kadib markii Musk uu dhaleeceeyay
gundhigga sharci dejinta ee ajandaha Trump.Source bbcsomali
-
On Tuesday, thousands of Somalis, young and old, filled the Mogadishu Stadium with infectious energy to witness a landmark exhibition football match.
-
Kenya's President William Ruto has publicly apologised to Tanzania following days of tension between the neighbouring countries.
-
Chelsea became the first club to win all four major UEFA competitions and the FIFA Club World Cup after defeating Real Betis 4-1 in the UEFA Conference League final on Wednesday.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa xalay ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo shalay galab ku geeriyooday Nairobi.
Qoyska uu Madaxweyne Deni la kulmay waxaa ka mid ahaa, General Maslax Maxamed Siyaad Barre, xaaskii marxuum Moorgan marwo Canab Maxamed Siyaad iyo wiilka marxuumku dhalay Samatar Maxamed Saciid Moorgan, siday sheegtay Madaxtooyada Puntland oo qoraal soo saartay.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital Nairobi qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayay Wakiilka Puntland ee Kenya Maxamed Axmed Fagalade.”
“Madaxweynaha ayaa Qoyska uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi Allah ha u naxariistee General Moorgan, oo waddankiisa muddo dheer usoo shaqeeyey, isagoo Alle uga baryay in uu u naxariisto, jannadii Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed-ba samir iyo iimaan ka siiyo” ayay Madaxtooyada Puntland ku tiri qoraal ay soo saartay.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo tacsi ugu tegey Qoyska marxuum Maxamed Siciid Moorgan appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish waxaana ay gubeen raashin iyo agab kale oo godad ugu keydsanaa argagixisada.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal qorshaysan oo ciidamadu ka fuliyeen degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad ay ku dileen xubno ka tirsan firxadka mileeshiyaadka Daacish.
“Ciidanka difaaca Puntland oo ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa maalmhaan howlgalo ka wada deegaanada xal iyo walinsoor oo ay ku dileen xubno ka mid ah firxadka kooxda argagixisada ah ee daacish waxayna ka gubeen raashin iyo agab kale oo ay godadka ku qarsanayeen” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
PUNTLAND POST
The post Calmiskaad: Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ku dilay xubno ka tirsan firxadka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana Duqii caasimadda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, asagoo xilkaas u magacaabay Janaraal Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).
Janaraal Mungaab oo horay u soo qabtay xilkan sanadihii 2014 ilaa 2015, ayaa kamid ahaa madaxdii ugu firfircoonayd ee gobolka soo martay, waxaana
filayaa inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan caasimadda iyo dadweyneheedu, kuwaas oo ay hormuud u yihiin xoojinta nabad-gelyada, burburka waddooyinka, nadaafad xumida, iyo caqabadaha kale haysta magaala madaxda dalka.Taariikhda Guddoomiye Mungaab
<span;>Janaraal Xasan Maxamed Xuseen, oo loo yaqaan “Mungaab”, wuxuu dhashay 31-dii Maarso 1972, asagoo ku dhashay <span;>tuulada Muungaab ee degmada Warsheekh, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya, halkaas oo uu ku bartay qur’aanka, asagoo markii dambena u soo wareegay waxbarashadiisa sare ku dhammeystay magaalada Muqdisho.
Janaraal Mungaab intaan sanadkii 2014-kii loo magacaabin guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka qalabka sida ee kaalinta weyn ka soo qaatay dagaalkii Alshabaab looga saaray magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka kamid ah, asagoo soo qabta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida intii u dhexaysay 2011-kii ilaa 2014-kii.
Janaraal Mungaab sidoo kale wuxuu soo qabtay xilka wasiir ku xegeenka caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 2016-kii ilaa 2017-kii, ka dibna wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga caddaaladda iyo Hormarka.
Janaraal Mungaab waa sharci-yaqaan ka baxay Jaamacad ku taalla dalka Suudaan, waxaana laga sugayaa inuu si muuqata wax uga qabto dhibaatooyinka dhan walba leh ee caasimadda iyo dadkeedu ay la daalaa-dhacayaan.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka mileeshiyaad hubaysan weerar ku qaadeen xabsiga weyn ee waqooyiga Gaalkacyo, halkaasi oo ay ku xiran yihiin maxaabiis kala duwan oo qaarkood dil ku xukuman yihiin.
Mileeshiya-beeleedkan oo doonayay in ay xabsiga kala baxaan xukmane dil loo haysto ayaa is rasaasayn xooggan dhexmartay ilaalada xabsiga weyn ee Gaalkacyo, taasi oo sababtay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, inkastoo aan weli xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in rasaastu hadda istaagtay, hase yeeshee weli lama xaqiijin in maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday ay ku guuleysteen in ay la baxaan maxbuuskii ay doonayeen oo horay maxkamad ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay kiis dil ah oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Mudug.
Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo ayaa horey dhowr jeer loogu qaaday weerarro la mid ah midkan. Afar bilood ka hor ayay ahayd markii weerar la mid ah midkan lagu qaaday xabsiga Gaalkacyo, iyadoo maleyshiyaad doonayay inay si xoog ah u sii daayaan maxaabiis uu sababay weerarkaasi dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale.
PUNTLAND POST
The post Mileeshiyaad hubaysan oo saaka weeraray xabsiga weyn ee waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa u yeertay safiirka Israa’iil u fadhiya dalkaas, waxayna ku wargelisay cambaareynteeda ku aaddan sida ugu xooggan ee xadgudubka lagu hayo magaalada Qudus.
Dowladda Imaaraadka ayaa ugu baaqday maamulka Israa’iil in ay si buuxda u qaadato mas’uuliyad xadgudubyada Daabta galbeed oo ay ciqaabto kuwa ka masuulka ah dhaqamadan kicinta ah, oo ay ku jiraan wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Xukuumadda Netanyahu.
Ciidanka Israa’iil iyo kooxaha xagjiriinta ah ee lagu deegaameeyay Daanta galbeed oo ay ku jirto magaalada Barakaysan ee Quddus ayaa dhibaatooyin xooggan ku haya dadka rayidka ah ee falastiiniyiinta, ayadoo todobaadyadii la soo dhaafay ay si weyn u kordheen xadgudubyada halkaas ka socdaahi.
-
-
Over 27,000 teachers and skilled professionals from Kenya are currently living and working in Somaliland, contributing significantly to various sectors, particularly education and healthcare.
Education Sector
Many of these Kenyan educators are employed in private and international schools throughout Somaliland. Major cities such as Hargeisa, Burao, Erigavo, Barbera, Sheikh, Gabilay, and Borama host a substantial number of these professionals. The Kenyan teachers are highly qualified and possess expertise in critical academic subjects, including English, mathematics, science, and management. Their presence has positively impacted the quality of education by introducing diverse teaching methodologies and curricula, enhancing the learning experience for students.
Hargeisa:
Hargeisa, as the capital city of Somaliland, boasts the largest concentration of Kenyan professionals. Beyond educational institutions, these individuals also serve in various health centers and private companies, showcasing their diverse skill sets. The influx of Kenyans in Hargeisa has fostered a vibrant community that not only focuses on education but also enhances local capacities in health and business, thereby contributing to the city’s development.
Other Skilled Professions
In addition to educators, a range of other skilled workers from Kenya have found opportunities in Somaliland. This includes engineers who contribute to infrastructure projects, pharmacists who ensure the availability of essential medicines, nurses providing healthcare services, and IT specialists who support the growing tech sector. Moreover, consultants often work with both local and international organizations to implement best practices and improve services in various fields.
Reasons for Attraction to Somaliland
Several factors contribute to the influx of Kenyan professionals to Somaliland. Firstly, there are better job opportunities available in various sectors, which are often more lucrative than those in Kenya. Secondly, Somaliland is perceived as having greater security and stability compared to many other regions in the Horn of Africa, making it an attractive destination for expatriates seeking a safer work environment. Lastly, the historic and cultural ties between the people of Somaliland and Kenya play a significant role in encouraging this migration, creating a sense of community and solidarity. Both countries gained their independence from British rule on December 12, 1963. And Somaliland in 1960, 26 June
Overall, the strong presence of Kenyan teachers and skilled professionals in Somaliland highlights the deep professional and economic connections between the two regions. Both Somaliland and Kenya need to enhance this cooperation, particularly in education, skills development and Diplomacy, to promote mutual growth and benefit. By collaborating further, they can harness the potential of these professionals to drive sustainable development and innovation in Somaliland.
The Kenyan government should take into account the significant historical relationship between Kenya and the Somaliland community. The first Somaliland immigrants began arriving in Kenya during the British colonial period, particularly between 1945 and 1960. These early Somali settlers played a crucial role in the development of Kenyan trade and commerce, contributing to various sectors and helping to shape the economic landscape of the region.
Additionally, it is important to acknowledge the influence of key political events during this time, such as the Aarush Declaration. This declaration, which was a pivotal moment in the political history of East Africa, was associated with Mohamed Haji Ibrahim Egal, who served as the last Prime Minister of Somalia. His leadership and vision during this period highlighted the interconnectedness of the political dynamics in Somalia and Kenya.
Recognising this shared history and the contributions of the Somaliland community can promote stronger ties between the two nations and promote collaborative efforts for future development.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho.
Magacaabistan ayaa timid ka dib markii Madaxweynaha uu tixgeliyay soo-jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleeyay go’aankiisa aqoonta iyo waayo-aragnimada uu leeyahay Dr. Muungaab, oo horey xilkan u soo qabtay, isla markaana door muuqda ka qaatay dib-u-dhiska magaalada Muqdisho iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub inuu mudnaan siiyo horumarinta Caasimadda, dib u heshiisiinta bulshada, xoojinta wadashaqeynta laamaha amniga, kor u qaadista bilicda magaalada, iyo baahinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hay’adaha dowladda ee ay wada shaqeynta ka dhaxeyso Maamulka Gobolka Banaadir ku boorriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan hoggaanka cusub, si loo xaqiijiyo horumar iyo nabad waarta.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Dr. Xasan Muungaab in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo xusay in magacaabistaan ay dhaqan gashay laga bilaabo maanta, oo ay ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.
-
Fadhigii 21-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Ajendaha Fadhigii 21-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL qodobada maanta mudnaanta lahaa waxa ka mid ahaa:
𝟏) 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Golaha Wasiirrada JSL waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan.
𝟐. 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha warbixin guud ka siiyey xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha guud ahaan, gaar ahaan ururinta cashuuraha GST. Wasiirku waxa uu sheegay in koboca
Dakhliga Qaranku uu yahay mid isa soo taraya, maalinba maalinta ka dambaysa. Wasiirradu waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradaha Maaliyadda iyo Macdanta iyo Tamarta ay si wadajir ah u dejiyeen Hagaha Dakhliga Khayraadka, si loo ogaada xaddiga Dakhliga ka soo xerooda macdanaha kala duwan ee dalka.𝟑) 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐣𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐮𝐣𝐚𝐚𝐣𝐝𝐚
War bixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Xujaajda Somaliland ee Sannadkan, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Wadaiirku waxa uu Golaha u sheegay hab-sami-u-socodka arrimaha Xajka iyo Xujaajta reer Somaliland ee sannadkan Xajka tagay, isaga oo sheegay in ay jiraan caqabado door ah oo Qaran ahaan inaga haysta xagga qoondada Xajka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay ku hawlan tahay qorshayaal hor leh oo u sahli doona in ay JSL gebi ahaanba maamusho arrimaha Xajka iyo Xujaajda.
𝟒) 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐍𝐨𝐨𝐥;
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa Golaha Wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyey hab-sami-u-socodka Dhoofka Xoolaha isaga oo sheegay in dhaq-dhaqaaqa Dhoofka xooluhu uu si wanaagsan u socdo, Sayladaha Xoolaha ee Burco iyo Hargeysana uu iibka Xooluhu si xawli ah u socdo. Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xooluhu
waxa uu guud mar ku sameeyey tirada Xoolaha Nool ee ka Dhoofka Dekadda Berbera (Adhi, Lo’ iyo Geel) iyada oo aanay haba yaraatee jirin xoolo dib u soo noqday. Wasiirku waxa uu Golaha u soo jeediyey in la wanaajiyo oo la tayeeyo guud ahaanba nolosha Xoolaheena nool, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.𝟓) 𝐔 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐈𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐬𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝-𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa Golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan dadaalladii ugu dambeeyey ee Diyaargarowga Imtixaannada Shahaadiga ah fasallada 8-daad (Hoose/Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiyada Sare) ee sannad-dugsiyeedka 2025-ka, isaga oo sheegay in waqtiga loo muddeeyey Imtixaannada gadaal laga soo sheegi doono. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu ay qaaday olole ballaadhan oo Ardayda lagaga wac-yigelinayo waxa loo yaqaano “QISHKA”. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in QISHKU uu halis ku yahay tayada Waxbarashada dalkeena, sidoo kalena uu dilo kalsoonida Ardayga. Sidaa darteed, Wasiirku waxa uu sheegay in aa loo dul qaadan doonin gebi ahaanba Qishka. Wasiirku waxa uu ka codsaday Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Warbaahinta in kala hawl galaan Wacyi-gelinta cidhib-tirka Qishka.
𝟔) 𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Golaha warbixin ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee Tallaalka carruurta yar yar, iyada oo laga tallaalayo saddexda cudur ee kala ah: Jadeecada (Measles)
Dabaysha (Polio)iyo Oof-wareenka (Pneumonia). Wasiirku waxa uu sheegay in hawlahaasi ay wanaagsan u socdaan, isaga oo ka codsaday Wasaaradaha Waxbarashada, Warfaafinta iyo Diinta iyo Awqaafta in ay ka gacan siiyaan Wacyi-gelinta Bulshada ee faa’iidada Tallaalku uu u leeyahay koritaanka iyo feyo-qabka carruurteena.Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Fadhigii 21-aad ku soo afmeeray hadallo dardaaran ah oo la xidhiidha in Wasaarad walba ay xil iska saarto gudashada hawlaha muhiimka ah ee ay Qaranka uga masuulka yihiin.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 -
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has appointed Dr. Hassan Mohamed Hussein Muungaab as the new Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, replacing Mohamed Ahmed Amiir, according to a presidential decree issued Wednesday.
-
The 21st meeting of the council of ministers of the republic of Somaliland which was chaired by the vice president of JSL and the vice President of JSL Mr. Mohamed Ali Aw Abdi was held today in the palace of Somaliland.
Agenda of the 21st sitting of the JSL cabinet meeting the priorities of today included:
1) The security and stability of the country:
The council of ministers of JSL has a general report regarding the security situation of the country, from the minister of interior and security. The minister told the council that the security of the country is in general, apart from the daily crimes that occur in the community and car accidents which cause the most deaths and injuries.
2nd time. 2nd time The economic situation of the country:
Minister of Finance and Economic Development has given a general report on the economic situation of the country and the process of collecting taxes in general, especially collecting GST taxes. The minister said that Koboca is in Koboca.
The revenue of the nation is becoming more, day by day. The ministers shared with the council that the ministries of finance and mining and energy have set together the directive of the income of the resources, to know the amount of revenue from the different minerals in the country.3) The issues of Hajj and Hajjj
A general report related to the situation of the Hajjj of Somaliland this year, has been given by the Minister of Religion and Religion. The minister told the council about the process of the Hajj and the Hajj issues of Somaliland who went to Hajj this year, saying that there are different challenges that are facing us nationally regarding the pilgrimage of Hajj. The minister shared with the council that the Ministry of Religion and Religion is working on plans that will make it easier for JSL to manage the Hajj and Hajjj.
4) The export of living animals;
Deputy Minister of Ministry of Livestock and Rural Development has given detailed information to the council of ministers about the process of the Livestock export saying that the Livestream movement is going well, and the Livastocks in Burco and Hargeisa is going fast. Deputy Minister of Livestock Care.
He made a general number of livestock from the Berbera port (goats, cows and camels) without even a small amount of livestock returned. The minister suggested that the council should be better and better the lives of our livestock as they are the backbone of the country’s economy.5) Preparing for the academic exams in 2025:
The Minister of Education, Development and Science has given a report to the council on the final efforts of the preparation for the exams of 8th grade (Low/Middle) and 4th (High Schools) for the year 2025, saying that the time for the exams will be announced later. The minister told the council that the ministry of education has carried out a large campaign that warns the students about what is known as “QISHKA”. The minister has clarified that story is dangerous to the quality of education in our country and also kills the confidence of the students. Therefore, the minister said that he will not be tolerated completely. The minister has requested from the ministries of religion and social media to participate in the awareness of the disintegration of Qishka.
6) Vaccines for Children:
The Ministry of Health Development has given information about the latest efforts of vaccination of young children, including three diseases: Measles.
Wind (Polio) and Pneumonia). The minister said that the activities are going well, he requested the Ministry of Education, Information and Religion to help raise awareness of the public about the benefits of vaccination for the growth and development of our children.Finally, the vice president of JSL Mr. Mohamed Ali Aw Abdi has concluded the 21st session with advisable speeches regarding every ministry should take responsibility for the important things they are responsible for the nation.
THANKS TO ALLAH.
Hussein Adan Cige (Deyr)
The spokesman of the president of Somaliland -
Allaha u naxariistee waxaa Saacado ka hor magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Janeraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Islamarkaana dowladdii kacaanka ka soo qabtay xilal u kamid ahaa wasiirka gaashaandhiggu.
General Morgan, wuxuu ahaa sarkaal sare oo ciidan iyo siyaasi Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa sodog u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre.
General Maxamed Siciid Xirsi Morgan wuxuu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari, sanadkii 1949, wuxuuna markii uu ciidanka ku biiray tababarro militari ku soo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka.
Burburkii ka hor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu awoodda badnaa ciidanka xoogga dalka , isagoo soo hoggaamiyay qeybta 21-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusa Mareeb iyo qeybta 26-aad ee Hargeysa.
Sidoo kale, wuxuu ahaa taliyaha cutub la oran jiray “Red Berets” oo loo adeegsaday in lagu xakameeyo kacdoonkii SSDF ee 1982, asagoo xilligii ahaa mid kamida saraakiisha gacanta midig u ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Xilalka Dowladeed
Sanadkii 1990, General Morgan waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, isagoo xilkaas hayay ilaa 26-kii Janaayo 1991, markaas oo xukunka laga tuuray Siyaad Barre.
Dagaalkii Waqooyiga
Intii uu taliyaha ka ahaa qeybta 26-aad ee Hargeysa, sanadkii 1988, waxaa dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamadii dowladda iyo jabhaddii SNM, General Morganna waxaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dil wadareedyo ka dhacay Hargeysa iyo Burco.
Dagaalladii Kismaayo
Kadib burburkii dowladdii dhexe, General Morgan wuxuu isku dayay inuu maamulo magaalada Kismaayo iyo gobollada kale ee Jubbooyinka, wuxuuna dagaallo adag la galay Janeraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Kornayl Barre Aadan Shire ( Hiiraale).
Ka Qaybgalkii Shirarka Nabadda
Inkasta oo uu ku lug lahaa dagaallo badan, General Morgan wuxuu ka qayb-galay shirar badan oo lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadaha Soomaaliya, sida shirkii Kenya ee 2004, balse urur goboleedka IGAD ayaa mar ku eedeysay inuu carqaladaynayo geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee General Morgan wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh taariikhda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii dowladdii kacaanka iyo dagaalladii sokeeyeba, wuxuuna kamid ahaa raggii ugu shiishyansanaa ciidanka.
-
Alle ha u naxariistee, waxaa galabta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo kamid ahaa La-taliyaasha Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Geerida Gen. moorgan oo dhawaanahan ku xanuunsanaa magaalada Nairobi waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo xukuumadda Puntland, kuwaasi oo qoyskii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida marxuumka.
Alle ha u naxariistee, wuxu ku dhashay magaalada Qardho sannadkii 1949, waxaana uu Waxbarashada Hoose iyo Dhexe ku soo qaatay dugsiga hadda loo yaqaan ee Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso, halka uu dugsiga Sare kaga baxay magaalada Muqdisho, kaddibna uu Ciidamada ku biiray Sannadkii 1967, isagoo Tababarro ciidan oo heerkoodu sarreeyo ku soo qaatay dalal ay ku jiraan Ruushka iyo Mareykanka.
Gen. Moorgan wuxuu kamid ahaa Taliyaashii ugu caansanaa Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka Jaalle Siyaad Barre, wuxu soo noqday Taliyihii Qeybta 21aad ee magaalada Dhuusamareeb iyo Taliyihii Qeybta 26aad ee Gobollada Waqooyi oo fadhigeedu ahaa Hargeysa ilaa uu noqday Wasiirkii Gaashaandhiga dowladdaasi Militariga ahayd.
PUNTLAND POST
The post Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo galabta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka May 2025 la soo wariyay geerida Janaraal Maxamed Siciid (Morgan), oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Janaraal Morgan wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarkii ciidanka Soomaaliya iyo hogaamiyayaashii ugu saameynta badnaa ee dalka soo maray. Wuxuu caan ku ahaa kaalintiisii milatari iyo siyaasadeed, gaar ahaan xilligii dowladdii milateriga ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.
Taariikh Nololeedkiisa
Morgan wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1949. Wuxuu tababar ciidan ku qaatay dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka.
Kadib markii uu tababar qoto dheer qaatay xirfadda ciidamada, wuxuu si rasmi ah uga mid noqday saraakiishii ugu sarsareysay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xilalkii uu soo qabtay
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga intii ay jirtay dowladdii milateriga.
Hogaamiye militari oo saameyn ku lahaa gobolka Jubada Hoose 1990-meeyadii.
Janaraal Morgan wuxuu sidoo kale qaraabo dhow la ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre, isagoo ahaa soddoggiis, taas oo si weyn u xoojisay saameyntiisa siyaasadeed.
Noloshiisii Ugu Dambeeyay
Sanadihii u dambeeyay, Janaraal Maxamed Siciid Morgan wuxuu ku noolaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Wuxuu halkaasi ka ahaa la-taliye sare oo u qaabilsanaa Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo door weyn ku lahaa arrimaha ammaanka iyo talooyinka siyaasadeed ee maamulka.
-
In a significant step toward enhancing aviation security in Somaliland, the UK Government, through its Somaliland office, has facilitated a comprehensive training program aimed at strengthening airport security measures. The initiative, which focuses on passenger profiling and document screening, underscores the growing partnership between the UK and Somaliland in addressing critical security challenges at Hargeisa Airport.
Rachid Jama, Director General of Somaliland’s Civil Aviation expressed gratitude to the UK Government for their support. “This initiative plays a vital role in strengthening airport security and enhancing the capacity of our staff in passenger profiling and document screening. Your continued support is deeply appreciated,” Jama stated.
The training, held in Hargeisa, brought together a diverse group of participants, including aviation security personnel and local authorities. Louise Hancock, Head of the British Office in Somaliland, also acknowledged the importance of the program, stating on X on May 27, 2025, “Thanks to our UK Home Office International Operations colleagues for providing this crucial training.” Her statement highlights the collaborative efforts between the UK and Somaliland in bolstering security infrastructure.
Somaliland’s aviation sector has been working diligently to meet international standards, as outlined by the Somaliland Ministry of Civil Aviation and Airports Development. “Together, we are committed to building a resilient aviation infrastructure, enhancing the quality of our airports, and upholding international standards to serve both our citizens and global partners,” the Ministry stated on its website. This training aligns with those goals, equipping airport staff with the skills needed to handle complex security challenges.
Hargeisa Airport, a key hub for domestic and international travel, has been under scrutiny for its security protocols, particularly given the Horn Region’s unique challenges.
The UK’s involvement in this training program reflects a broader commitment to supporting Somaliland’s development, particularly in areas like security and infrastructure. The initiative also comes at a time when Hargeisa Airport is working to improve its facilities, offering amenities like currency exchange counters, ATMs, and a Lost & Found service, as noted by Cleartrip.com. Passengers are advised to arrive 3-4 hours early for international flights to navigate security and immigration processes, which are expected to become more rigorous with the implementation of new training protocols.
As Somaliland continues to navigate its complex socio-political landscape, partnerships like this one with the UK Government are seen as vital for building capacity and fostering stability. With aviation security at the forefront, Hargeisa Airport is poised to become a safer and more reliable gateway for travelers, contributing to Somaliland’s broader aspirations for growth and international recognition.
Horntribune
-
Dable Xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, ayaa loo soo xiray dilka saaxiibkiis kala tirsanaa Ururka 222 aad, Guutada 22aad ee Boliis milataara Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.
Dilkaan, ayaa ka dhashay Muran ka billowday Xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee degmadda Deyniile, Toban iyo Todobadii bishii Labaad ee Sanadkaan.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo Tobankii Bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Dable Xoogga C/qaadir Xaaji Yuusuf Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.
Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
-
In ka badan 1200 oo ka tirsan Saraakiisha Israa’iil iyo askarta kaydka ah ayaa diyaarinaya warqad ay kaga dalbanayaan dawladda iyo taliyaha guud ee ciidamada inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka Marinka Qasa.
Saraakiishan ayaa sidoo kale codsanaya dib loo soo celiyo dhammaan dadka la haystayaasha ah iyada oo aan dib loo dhigin, islamarkaana sii socoshada dagaalku ay ka hor imanayso rabitaanka aqlabiyadda dadweynaha Israa’iil.
Maamulka Netanyahu ayaa dhawr mar horay looga codsaday inuu joojiyo dagaalka ka socda qasa, balse Ra’iisul Wasaaraha iyo kooxdiisa ayaa u muuqda inay arrintaas dhegaha ka furaysanayaan.
Dowladda Puntland oo si rasmi ah u beenisay in ay macdan ka qodayso buuraha silsiladda Golis
in News - Wararka
Posted
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladdu macdan ka qodayso buuraha silsiladda Golis ee Calmiskaad iyo Calmadow oo dhaca Bari iyo Sanaag.
Wasiir Maxamuud Caydiid oo su’aal laga weydiiyay wararka ku saabsan macdan qodista ee dhawaanahan ka socday baraha bulshada ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been-abuur iyo borobagaandho ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh oo diiddan in argagixisada laga saaro buuraha Calmadow iyo Calmiskaad.
“Ma jirto macdan baaris ama macdan qodis dowladda Puntland ka samaynayso buuraha Calmiskaad iyo Calmadow waa been abuur iyo borobagaandho ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh oo diiddan in argagixisada laga saaro buurahaas. Waxay ka xun yihiin in Puntland keligeed ka adkaatay argagixisadii buuraha ku jirtay.”
“Kuwa dowladnimada Puntland diiddan ayaa mar kasta ku soo gabbada in macdantii buuraha ku jirtay dowladda Puntland u socoto, si ay marin-habaabin ugu sameeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Markii hawlgalka Calmiskaad bilaabanayay xitaa beentaasi bay akhrinayeen” ayuu yiri wasiir Caydiid.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Puntland oo si rasmi ah u beenisay in ay macdan ka qodayso buuraha silsiladda Golis appeared first on Puntland Post.