Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga oo ku sugnaa halka loo yaqaano Jiiro Shangare ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyey labada dhinac, walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho.
Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka
Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha ee la dagaallanka Musuqa
Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka
Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa daaha ka rogtay in cid walba oo gacan ka geysata helista macluumaad laxariira ama soo sheegta goobta uu ku sugan yahay nin u dhashay Mareykanka oo Al-Shabab u qaabilsan sida ay sheegen howlaha sameynta bambanooyiinka iyo walxaha qarxa ay siin doonaan abaalmrin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doolar.
Ninkan ayaa la sheegay in muddo fog xubin uu ka ahaa Xarakadda Al-Shabaab kuwaas oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Abaalmarintan ayaa markii hore la soo saaray ka dib markii dacwad ooge ku sugan gobolka California uu dib u furay gal-dacwadeed ka dhan ah Jehad Serwan Mostafa, oo ah 37 u dhashay Mareykanka. Iyadoo warbaahinta maraykankana ay ciwaano ka dhigeen waa ninka loogu doonista badan yahay ee ka tirsan urur argagixiso.
“Waxaan rumaysan nahay in uu yahay muwaadinka ugu daraja sareeya ee ka barbar dagaalamaya urur argagixiso ah oo dibadda ka jira,” ayuu yiri Robert Brewer, oo ah dacwad oogaha sare ee koonfurta California.
FBI ma aysan faahfaahinin eedeymaha cusub, laakiin wakiilka FBI-da Erin Westfall ayaa warbixin ay si qoto dheer ugu sharraxday doorka Mostafa la leeyahay Al-Shabaab ah, oo dooneysay bay tiri in ay xukunka ka tuurto dowladda Soomaaliya.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, Mostafa waxay xilal ka haysay waaxda walxaha qarxa ee Al-Shabaab, garabka warbaahinta, iyo xeryaha tababarka,” Westfall ayaa sidaas yidhi. “Waxaan aaminsanahay inuu sii wadidoono kaalin firfircoon ficillada argagixiso ee al-Shabaab ay geyso illaa laga joojinayo.”
“koxda Al-Shabaab waxay halis ku yihiin amniga qaranka, dalalka aan bah-wadaaga nahay iyo rayidka aan waxba galabsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Brewer.
“Maanta waxaan caawin ka codsanaynaa dadwaynaha, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Mostafa.”ayuu yiri.
Scott Brunner oo ah sargaal ka tirsan Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da, ayaa gaar ahaan ka codsaday dadka bariga afrika inay gacan ka geystaan sidii loo ogaan lahaa goobta uu ku sugan yahay Mostafa, oo ay sheegen inay la rumaysan yihiin in uu joogo koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan (Dhaban Cad) ayaa maanta faah faahiyey roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay maamulkaasi.
Dhaban Cad ayaa sheegay in roobabka oo da’ayey saddexdii maalin ee la soo dhaafay ay geysteen khasaaro lixaad leh oo isugu jira naf iyo maal intaba.
Wasiirka ayaa tilmaamay dooni ay la socdeen Kalluumeysato u dhalatay Yemen ay la tageen biyuhu, islamarkaana uu ku dhintay 1 qof, 9 kalena la soo badbaadiyey.
Maxamed Cabdiraxmaan (Dhaban Cad) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daadadku qaadeen xoolo ay lahaayeen qoysas ku dhaqan gobolka Bari.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay muujiyaan feejignaan, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha togaga ah, si aysan u badan waxyeeladu.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay goor dhow kooxo hubeysan ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Toogashada ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin da’ahaa oo ku sugnaa qeybta daawada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal, waxaana dadka aan la hadalnay ay sheegeen in raggii ka dambeeyey dilka ay goobta isaga baxsadeen.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in meesha uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda, kuwaas oo baaritaano la xariira dhacdadaasi ka bilaabay gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.
Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa dadka Dalaaleyda, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.
Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Caasimada ayaa waxa uu ahaa mid degan, iyadoo ay aad u yaraayeen dilalka iyo qaraxyada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay khasaaraha ilaa iyo haatan la xaqiijiyay ee ay gaysteen roobabka dabaylaha wata ee ka da’aya degaannada Puntland.
Wasiir Dhabancad, ayaa sheegay in roobabka dabaylaha wata , ay khasaare kala duwan ka gaysteen degaanno ka tirsan Puntland oo u badan kuwa ku teedsan xeebaha gaar ahaanna gobolada Gardafuu, Bari, Sanaag iyo Nugaal.
Mudane Dhabancad, ayaa xaqiijiyay in hal qof uu ku dhintay doonni kalluumeysi oo ku degtay xeebaha degmada Caluula ee gobolka Gardafuu, halka xeebta degaanka Ceelaayo ee gobolka Sanaag ay baddu la tagtay ilaa afar doonyood oo kuwa kalluumeysiga ah, inkastoo aysan khasaare nafeed ka dhalan.
Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in degaanka Garmaal oo
ka tirsan gobolka Nugaal iyo Nawaaxigiisa, ay daadad ka dhashay roobka ilaa lix
qoys oo reer miyi ah xoolihii kala tageen, halka degmada Eyl-na ay dabaysha
roobku dumisay taawaradii Isgaarsiinta.
Sidoo kale, wasiirka ayaa digniin hor leh ku bixiyay in taxaddar dheeriya la muujiyo, maadaama weli roobabku si xawliya uga da’ayaan gobollada Puntland.
UN food agency warned on Friday the tropical storm expected to lead to winds of medium strength with moderate to heavy rainfall amounts in parts of Somalia poses an immediate threat to the shipping lane that links Somalia and Gulf states.
The forecast by the Food and Agriculture Organization of the United Nations-managed Somalia Water and Land Information Management said the storm initially named SIX that developed in the northern Indian Ocean has now been assigned the name PAWAN after sustaining a speed of more than 39 miles per hour for two days.
“The probability of the tropical storm landing in the coastal areas of Puntland has increased from 10 percent to 35 percent over the last two days and is expected to make landfall in Nugaal region in the next 24 hours,” FAO said in a statement issued in Mogadishu.
It said PAWAN is expected to cause strong winds of medium strength with moderate to heavy rainfall amounts in parts of Somaliland, Puntland and Central regions of Somalia.
The UN food agency said the influence of PAWAN may start being felt in the coastal areas of Bari, Mudug and Sanaag regions in the next 12 hours where moderate to heavy rains and strong winds are expected.
The forecast said the rains will then spread further inland to many areas within Somaliland, Puntland and central regions on Dec. 7 to 8.
“Other impacts expected include the destruction of property and infrastructure including roads, buildings and boats due to the strong winds. Flash floods may also disrupt normal activities along the tropical storm path. Communities living along these areas are advised to take necessary precautions,” says the forecast.
The latest alert comes after the tropical storm Kyarr, which had earlier been predicted to cause destruction in northern Somalia on Oct. 30, receded rapidly and did not cause a threat to the Horn of Africa nation.
Police in Kenya says suspected al-Shabab extremists have stopped a bus in the north near Somalia and killed eight passengers, all of them non-Muslims.
A police report says an unknown number of extremists stopped the bus and singled out non-locals. It says preliminary reports show the majority of those killed were police officers returning to their stations in Elwak and Mandera.
The Somalia-based al-Shabab has claimed responsibility. The al-Qaida-linked extremist group has vowed retribution on Kenya for sending troops to Somalia to fight it.
In one of the worst attacks inside Kenya, al-Shabab in 2014 hijacked a bus traveling through Mandera County and killed 28 non-Muslims on board.
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa faah faahin rasmi ah ka bixisay weerar dagaalyahanno ka tirsab Al-Shabaab ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ku socdaalayey nawaaxiga magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
Saraakiisha ammaanka oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in lala beegsaday weerarka gaari ay laheyd sharikadda Madina, islamarkaana ay la socdeen 56 qof.
Dhankiisa guddoomiyaha gobolka Wajeer, Loyford Kibaara oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in todobo ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen saraakiil Boolis ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku sii jeedeen shaqadooda.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa kale oo saarnaa gaariga ay ka badbaadeen weerarkaasi, kadibmarkii ay ka boodeen daaqadaha, sida uu hadalka u dhigay.
Loyford Kibaar ayaa intaasi ku daray in kooxda weerarka fulisay ay toogateen dhamaanba dadkii aan muslimka aheyn ee Baska la socday.
Al-Shabaab ayaa dusha u ridatay weerarkaan, waxaana ay sheegtay in ay ku dishay dad Kiristaan ahaa oo qaarkood ka tirsanaa sirdoonka Kenya iyo shaqaalaha dalkaasi.
Ma’ahan markii ugu horreysay oo saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya lagu laayo Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana gobolkaasi marar badan weeraro ka fulisay Al-Shabaab.
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu Axadda beri qaabilo ergadii dhexdhexaadinta ka dhex waday isaga iyo madaxda xisbiyada mucaaradka.
Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ergada oo ka kooban ganacsato iyo culimo ay Axadda beri la kulmayso Madaxweyne Biixi, waana kulankii u horeeyay ee dhex mara ergada iyo Madaxweynaha tan iyo markii ay ergadu ku guulaysatay inay soo dayso siyaasiyiintii ka xidhnaa xisbiga Waddani.
Waxa la filayaa in ergadu ka dhagaysato Madaxweyne Biixi mawqifkiisa, iyagoo hore u soo dhagaystay mawqifka xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani. Lama garanayo in ergadu isla axadda beri soo saari doonto qodobada ay ku soo gunaanadayaan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan ee ay dhexdhexaadinta ka galeen iyo inay maalmo ku qaadan doonto inay natiijo soo saaraan.
Hase yeeshee shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya ergada iyo go’aamada ay soo saaraan, iyadoo ay ergadu markii ay soo daystay siyaasiyiinta Waddani dejisay xiisadii siyaasadeed.
Waxase intii ay dhexdhexaadinta ku jireen ergadu, ay guddiga doorashadu iska dhex doorteen guddoomiye, iyadoo uu ka maqanyahay xubintii xisbiga Waddani oo uu xisbigu dib ula laabtay.
(SLT-Hargeysa)-Telefishanka caanka ah ee CNN oo laga leeyahay Maraynka ayaa warbixin ka sameeyey saameynta taban ee isbeddelka cimiladu ku yeelay Jamhuuriyadda Somaliland.
Jomana Karadsheh oo ah Weiyaha arrimaha caalamiga ah ee Telefishanka CNN, ayaa booqasho ku timid Jamhuuriyadda Somaliland, waxana warbixinteeda oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay ay ku sheegtay in roobab waaweyn iyo daad ay barokiciyeen kumanaan qof oo ku nool deegaanno ka tirsan Somaliland. Halka ay roobabku baa’biiyeen wax-soo-saarkii beeralleyda.
Weriyaha CNN waxay booqatay xeryo ay degan yihiin dadkii abaaraha ku baro-kacay oo ay tilmaantay in magaalooyinka yimaadeen markii saddex meeloodoow laba ay ka baxeen xoolihii ay dhaqan jireen. Warbixinta CNN waxa ay intaas ku dartay inay Somaliland tahay dal ay dhab ahaan saameeyeen isbeddelka cimilada Adduunku.
Sacdiya Muuse ayaa u sheegtay Telefishanka CNN in dawladaha reer galbeedka ee qiiqa badan hawada ku sii daayaa ay masuul ka yihiin isbeddelka cimilada isla markaana ay Somaliland soo gaadheen waxyeelladii ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunku.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Bandare ayaa u sheegtay Telefishanka CNN in dhibaatada isbeddelka cimiladu ay taabatay Somaliland, iyadoo aanu dalku haysanin Ictiraaf caalamiya.
Telefishanka CNN waxa uu ku soo gabogabeeyey warbixintiisa in Xukuumadda JSL ay doonayso inay soo jiidato maalgashiga caalamiga ah, waxana ay ka warameen heshiiska lagu casriyeynayo dekedda Berbera ee ay wada galeen JSL iyo Shirkadda DP World.
Taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 2017, waxa dalka Kenya ka qabsoomay doorashooyin badan oo hal mar wada qabsoomay, kuwaasoo isugu jiray doorashooyinka Madaxtooyada, labada aqal ee Baarlamanka iyo Badhasaabada Gobollada Kenya, waxaanna doorashadaas ku loolamay ilaa shan xisbi iyo murrashaxiin kale oo madaxbannaan, iyadoo doorashada qabsoontay 8 August 2017 ay natiijadeedu noqotay in guushu ku raacday xisbiga talada haya oo ay ka sharaxnaayeen Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuro Kenya iyo Ku-xigeenkiisa Mr. William Ruto.
Hasayeeshee, xisbiga ugu weyn ee Isbahaysiga mucaaridka Kenya (National Supper Alliance) oo ay u sharaxnaayeen siyaasiga caanka ah ee Mr. Raila Odinga, horena xilka Ra’iisal-wasaarenimo uga soo qabtay dalka Kenya iyo Mr. Kolonzo Musyoka oo murrashax-ku-xigeenkiisa ahaa, ayaa ku gacan-saydhay natiijada doorashadaas iyo kalsoonidii Guddidii Doorashooyinka oo ay ku eedeeyeen inay xisbigooda ka eexdeen, waxayna dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, waxayna Maxkamaddu soo saartay qaraar ay ku laashay natiijada doorashadii Madaxtooyada, balse waxay ansixisay natiijooyinkii kale ee doorashooyinka Baarlamanka (labada aqal) iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada dalkaas, iyadoo amartay in mar labaad lagu celiyo doorashada Madaxtooyada.
Waxa kaloo ay Maxkamaddu diiday in la kala diro Guddidii Doorashooyinka Kenya, iyadoo isla Guddidaas Mucaaridku cabashada ka muujiyeen la amray inay maamulaan doorashada kale ee ku-celiska ahayd oo qabsoontay bishii October, 2017-kii, waxaanna doorashadaas qaaddacay oo diiday inay ka qaybgalaan xisbiga Isbahaysiga Mucaaridka ee uu hoggaaminayey Mr. Raila Odinga, balse waxa doorashadaas galay xisbiyada kale ee ka diwaangashan Kenya, iyadoo uu mar kale si aqlabiyad ah ku guulaystay xisbiga muxaafidka ah ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Uhuro Kenyatta.
Doorashooyinkaas ka qabsoomay Kenya sannadkii 2017-kii, waxa ka dhashay rabshado khasaare badan sababay, waxayna murrashaxiintu isku jeediyeen hadallo nacayb iyo aflagaadooyin xambaarsan, taasoo si weyn u kala qaybisay bulshada ku dhaqan Kenya oo qabyaaladdu biyo-dhigatay sida Somaliland oo kale.
Haddaba, arrinta cajiibka ah ee markii dambe soo baxday ayaa ahayd qaabkii hoggaamiyeyaasha Kenya ee isugu jira mucaaridka iyo muxaafidku, gaar ahaan labadii xisbi ee loolalanka ugu adag dhexmaray ay u soo afjareen xanaftii iyo nacaybkii ka dhashay xummaddii doorashooyinka, arrintaas oo uu hormuud ugu ahaa Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuro Kenyatta.
Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuro Kenyatta, Ku-xigeenkiisa Mr. William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ugu weyn Kenya Mr. Raila Odinga, murrashax-ku-xigeenkiisii Mr. Kolonzo Musyoka, ayaa isugu yimi kulan dadweyne aad u badan ka qaybgaleen oo ka qabsoomay hudheel ku yaal magaalada Nairobi taariikhdu markii ay ahayd 31 May 2018, kuwaasoo si buuxda iskaga laab-xaadhay, iskana cafiyey hadalladii iyo dagaalkii qalafsanaa ee ay isweydaarsadeen xiliyadii lagu jiray ololaha doorashadii ka dhacday Kenya bishii August ee sannadkii 2017-kii, taasoo muran ka dhashay kadib ay Maxkamadda Sare ee Kenya amartay in doorashada dib loogu celiyo, iyadoo haddana qabsoontay bishii October 2017-kii.
Madaxweyne Uhuro Kenyatta oo makarafoonka qaatay, ayaa khudbad dheer oo uu halkaas ka jeediyey, kadib waxa uu masraxa ugu yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Mr. William Ruto oo agtiisa soo istaagay, kadibna waxa uu yeedhay hoggaamiyaha mucaaridka Mr. Raila Odinga iyo murrashax-ku-xigeenkiisii Mr. Kolonzo Musyoka, waxayna afartooduba soo istaageen masraxii dadka hortooda.
Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta oo hadalka bilaabay, ayaa sheegay in xiligii lagu jiray ololihii ka dhacay Kenya sannadkii 2017-kii ay mucaaridka iyo muxaafidku si xun oo qalafsan eedaymo isugu jeediyeen, isla markaana ay isku yidhaahdeen weedho iyo hadallo halis ah oo waxyeelo gaystay, waxaannu hoggaamiyaha Mucaaridka Mr. Raila Odinga oo dhinaciisa taagnaa ka codsaday inuu ka saamaxo wax kasta oo uu ka tirsanayo, isagoo halkaasna ku siiyey xaal iyo raaligelin buuxda.
“Waannu iska ololaynay oo midkaayaba midka kale ayuu ololaha kaga soo horjeeday, waxa aannu isku nidhi waxyaabo xunxun oo mid walba uu midka kale u jeediyey, waxyeelo ayaannu isku gaysanay, markaa aniga oo ku hadlaya naftayda waxa aan leeyahay; ‘walaal Raila, waxa aan ku weydiisanayaa in aad i saamaxdo, raaligelin buuxda iyo xaal ayaanan ku siiyey,” ayuu yidhi Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxa kaloo isna markiisa makarafoonka qabsaday Mr. Raila Odinga, ayaa halkaas ka sheegay in la gaadhay xiligii laga soo gudbi lahaa xanaftii doorashada, lagana wada shaqayn lahaa sidii loo midayn lahaa dadka reer Kenya ee ku kala qaybsamay doorashooyinkii qabsoomay sannadkii 2017-kii, waxaannu ka codsaday Madaxweynaha Kenya inuu ka saamaxo hadalladii xanafta lahaa iyo ceebayntii uu u jeediyey xiligii lagu jiray ololaha.
“Aniga oo ku hadlaya naftayda, afka kooxdayda, waxa aan dadka hortooda xaal iyo raaligelin ku siinayaa walaalkay Uhuro Kenyatta, iyadoo aannu kulankan intii aannu bilaabmin ka hor aannu yeelanay wada-xaajood oo waxa uu igu eedeeyey in aan caayey, aniguna waxa aan u sheegay; ‘sidoo kale adiguna waad i cayday.’ Waxa uu igu sheegay in aan ahayn nin waalan, markaa waxaas oo dhan waan ka saamaxay, xaal ayaanan siiyey,” ayuu yidhi Mr. Raila Odinga, waxaanna halkaas ka dhacay sacab aad u xooggan oo ay tumayeen dadkii kulankaas goob-jooga ka ahaa, iyadoo sidoo kale ay halkaas isku laab-xaadheen masuuliyiinta kale ee Ku-xigeennada u ahaa Madaxweynaha Kenya iyo Hoggaamiyaha Mucaaridka.
Haddaba, siyaasiyiinta xisbiyada qaranka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna murrashaxii Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), murrashax-ku-xigeenkiisii Md. Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha UCID, ahna Murrashaxii Madaxweynaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo murrashax-ku-xigeenkiisii Prof. Axmed Muuse Abyan, waxa looga baahan yahay inay arrintaas wax ka bartaan, kana faa’iidaystaan, isla markaana ay meel fagaare ah isugu yimaadaan, iskana raaligeliyaan hadalladii qadafka ahaa ee uu dhinacba dhinace kale u jeediyey xiligii lagu jiray ololaha doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoontay Somaliland 13 November 2017-kii.
Qaabkii ay xisbiyada Somaliland u ololeeyeen ee ay xisbiyada qaranku ugu dhex milmeen qabyaaladda dalkeena ragaadisay iyo eedaymihii been-abuurka ahaa ee ay isku jeediyeen, waxay sababtay in kala-qaybsanaani ku timaado bulshada reer Somaliland ee xisbiyada kala taageersan, gaar ahaan qabiilooyinka ay ka soo kala jeedeen murrashaxiintii tartamaysay, taasoo keentay in xanaftii arrimahaas ka dhalatayna ay taagan tahay ilaa imminka oo ah laba sanno kadib doorashadii la qabtay 2017-kii, iyadoo doorashadaas Madaxtooyada iyo qaabkii loo maamulay aannu midna wax eed iyo ceeb ah lahayn, balse khaladka iyo ceebaha ugu xun waxay dhaceen xiligii lagu jiray ololaha, waana arrin u baahan in ceebahaas uu xisbi walba qaato masuuliyaddii uu ku lahaa, la iskana wada saamaxo, shacabkana si wada-jir ah loo mideeyo.
Halkan hoose ka daawo qaabkii ay Siyaasiyiinta reer Kenya isku laab-xaadheen iyo kaftankii meesha ka dhacayba.
https://allafrica.com/stories/201806010497.html
waxa isku soo ururiyey Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland
Muqdisho (Caasimada Olinle) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markale bayaan cusub oo ku qornaa luqada Engilish-ka ka soo saartay weerar ay Jimcihii la soo dhaafay ka fulisay magaalada Wajeer, gobolka Waqooyi Bari, iyadoo fariin culus u dirtay dowladda Kenya.
Bayaankaan ayaa lagu sheegay in weerarka lala eegtay dad Kiristaan ahaa oo qaarkood ka tirsanaa sirdoonka qarsoon Kenya iyo shaqaalaha dowladda.
Ugu yaraan 10 qof oo Kenyaan ahaa ayaa lagu dilay weerarkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeedkaan oo ka soo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab.
“Galabnimadii Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd 09 Rabiicu thaani 1441 Hijri, kuna beegnayd 06/12/2019, Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlgal ka fuliyay gobolka Wajeer ee ka tirsan dhulka Muslimiinta lahaysto ee NFD. Hawlgalka oo dhacay saacaddu markii ay ahayd 17:00 galabnimo, waxaa lagu dilay 10 Saliibiyiin ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha sirdoonka qarsoon iyo shaqaalaha dowlada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Al-Shabaab.
Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa fariin u dirtay dowladda Kenya, waxaana ay sheegtay in marbana aysan ku naaloon doonin nabad gelyo, inta ay heysato NFD.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in weerarkii lagu qaaday gaariga Baska uu fariin u ahaa gumeysiga ay ka wado dhulka Muslimiinta, sida ay hadalka u dhigtay.
“Weerarkan wuxuu farriin kale u yahay dowlada gaalada ah ee Kenya, in shacabkeeda Saliibiyiinta ah ayasan nabadgelyo kunaalloon doonin inta ay dowladoodu gumaysi kusii haysato dhulalka Muslimiinta, boobayso khayraadkooda ayna dulminayso dadka Muslimiinta ah”. ayaa lagu markale lagu yiri bayaanka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.
Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
(SLT-Washington)-Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa Tibor Nagy waxa uu khamiistii toddobaadkii hore magaalada Waashitoon ee dalka Maraykanka kula kulmay wasiirka difaaca ee dalka Ethiopia oo maalmahaan booqasho ku joogay dalkaas.
Warbahinta Faana ayaa ku warantay in labada masuul ay ka wadahadleen muhiimadda xaladda amaniga ee geeska Africa gaar ahaana Soomaaliya, Suudaan iyo South Suudaan, Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa ayaa sheegay ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray ciidanka Ethiopia ee howlgalka u jooga dalalka Somalia iyo Suudaan in ay tahay qaadhaan guud oo ah nabadda gobolka.
Dhankiisa Wasiirka difaaca ee Ethiopia oo Todobaadkii hore booqasho ku tegay Maraykanka waxaana uu sheegay in ay wadaageen xaaladda ammaanka ee gobolka xidhiidhka Sirdoonka iyo Millatariga heerka uu gaadhsiisanyahay.
Kulanka labadaan masuul ayaa ku soo beegmay iyada oo siyasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Somalia ay ku eedeynayaan dowladda fedraalka Somalia in ciidamo Ethiopia ah oo an qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM in ay geysay deegaanada Gamudug gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay halkaasi.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa shaqsi la sheegay in si weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo oo xabsiga dhigeen ciidanka Puntland.
Maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa tagey xabsiga Gaalkacyo, waxaana ay xireen waddooyinkii laga galayey, iyaga oo sheegay in aanay halkaasi cidna geli karin cid kalena soo bixi karin inta shaqsigan lasoo deynayo.
Shaqsiga xiran ayaa la sheegay in uu soo dacweeyey wasiir ka tirsan Puntland, iyadoo hay’adaha ammaanka Gaalkacyana sheegeen in aanay deyn doonin inta maxkamad laga soo taagayo.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
(SLT- Florida)-Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in muwaadin u dhashay Sacuudiga oo booqasho la xidhiidha tababar uu ka dambeeyay weerar lagu qaaday xerada ciidanka Badda ee ku taalla gobolka Florida jimcihii Shalay.
Weeraryahanka ayaa toogasho ku dilay afar askari oo Mareykan ah kuwaasi oo ku sugnaa xerada Pensacola.
Waa markii labaad oo toddobaad gudihiis dalka Mareykanka ay ka dhaceyso weerar dhaliyay khasaare Nafeed.
Badhasaabka Florida Ron DeSantis ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka danbeeyay askari Sacuudiyaan ah oo ka qeyb qaadanayay tababarkaan.
Askariga ka danbeeyay weerarkan ayaa rasaas ooda kaga qaaday fasal ay ciidanka ku sugnaayeen waxaana uu toogtay sadex askari ka hor inta ay ciidanka Amniga toogan Isaga.
Washington iyo Riyaad ayaa waxaa ka dhaxeeya xidhiidh taariikhi ah, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Weerarkaan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukuntay Labo askari oo loo haysto dilka iyo dhaawaca dad rayid ah.
Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa u qornaa sidan:-
Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj mareysay bar kontorool oo ay ku qornaayeen 07-da bishii sagaalaad ee Sanadkan.
Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha baarista.
Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska weydiistay Maxkamadda 15-ka bishii Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.
Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.
Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay eedda loo heysto ee ah dilka iyo dhaawaca ay u geysteen gabdho walaalo ah oo Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.
Dable Boliis Xasan Muuse Warsame oo isna fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiyo eedda ay Maxkamadda u jeedisay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen iyagoo oo kaga dan leh in ay ku kala fududeeyaan Jaamka ka jiray Isgoyska Maseerida ee degmada Hodan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo ugu horeynba lahaa hab raacca dacwadda ayaa Maxkamadda weydiistay in la dhageysto markaatiyaal uu ku jiray wadihii gaariga, waxa uu Maxkamadda u cadeeyay in si wada jir ah ay xabada kas ah ugu rideen Bajaajta uu wadaha ka ahaa taasina ay dhalisay In gabdha walaalo ah midna geeriyootay midna dhaawacantay.
Qoryihii dhaawacca ay ku geysteen, warqadaha dhaawacca iyo dhimasha muujinta iyo markaatiyaal kale ayay Maxkamadda dhageysatay.
Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse Warsame uu dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.
Qareenka labada eedeysane ayaa Maxkamadda u sheegay in ay ku wada jireen labada eedeysan howl shaqo oo lagu ogyahay, waxa uuna Maxkamadda weydiistay in magta dhibanayaasha lagu xukumo taliska Boliiska.
Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed ayay Maxkamaddu ku xukuntay diltoogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka Dable Boliis Xasan Muuse Warsame ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.
(SLT-Hindiya)-Ciidammada booliska Hindiya ayaa sheegay inay toogasho ku dileen 4 Nin oo ku eedaysnaa inay Kufsi wadareed u gaystay gabadh 27 Jir, kadibna dilay.
Taliye Ku xigeenka Booliiska Magaaladda Hyderabad Prakash Reddy ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in 4 nin la dilay iyagoo isku dayay inay ka baxsadaan booliiska
”Waxay isku dayeen in hubkiisa ka qaadan mid ka mid ah ilaalada booliiska, ka dibna waa la toogtay” ayuu yidhi taliye ku xigeenku, isagoo sii raaciyay ” Waxaanu yeernay ambalaas, hase yeeshee waxay geeriyoodeen ka hor gargaarkii caafimaad ee aanu dalabnay
Raga la laayay ayaa booliisku soo xidheen toddobaadkii hore iyagoo lagu soo eedeeyay inay kufsadeen gabadh 27 jir ah ka dibna ay nolosha ku gubeen, falkaasi oo shacabku gobolkaasi ay aad uga cadhoodeen
Wadanka Hindiya waxaa sanadkii 2012ka ka dhacay kufsi wadareed loo gaystay gabadh ardayad ahayd, gabadhaasi markii dambe u dhimatay dhaawicii ka soo gaadhay kufsigaas ayaa dhaliyay mudharaadyo ballaaran oo shacabka dalkaasi ay ku dalbanayeen in wax laga qabto falalka noocan oo kale ah.
Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta oo sabti ah in markale ka doodaan sharciga doorashooyinka Qaranka.
Kulanka Guud ee Golaha Shacabka ayaa ajandahiisu yahay sii waddida doodda akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay soo diyaariyeen Guddiga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka.
Xildhibaannada ayaa khamiistii dood adag ka yeeshay sharcigan, iyadoo Xildhibaanno badan ay ka dhiibteen aragtidooda la xiriirta sharciga doorashooyinka Qaranka, waxaana maanta markale ay Xildhibaannada ka hadli doonaan sharcigan.
Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/Hoose
in News - Wararka
Posted
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga oo ku sugnaa halka loo yaqaano Jiiro Shangare ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyey labada dhinac, walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
View the full article