Roob dabaylo xooggan wata, ayaa xalay ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobollada Nugaal iyo Mudug oo ku teedsan xeebta Badweynta Indian Ocean.
Dabaysha ayaa garaacday xeebaha deegaanno ay kamid yihiin degmada Qadiimiga ah ee Eyl, Dhanaane, Dhinawda iyo Garacad, halkaasi oo la soo sheegayo in roobku khasaare kala duwan ka gaystay, inkastoo dhammaan degaannadaasi ay Isgaarsiintu ka go’antahay.
Dadka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa ka hor inta aan Isgaarsiintu ka go’in xalay, waxay soo sheegeen in uu ku bilowday roob dabayl xooggan wata, kaasi oo dumiyay qaar kamid guryaha ka samaysan jiingadda, halka qaar kalena uu saqafyada kala cararay.
Bulshada ku dhaqan deegaannada Dhanaane, Dhinawda, Kulub iyo Garacad ayaa iyana sidaasi oo kale soo sheegay, ka hor inta aysan halkaasi ka go’in Isgaarsiinta.
Sidoo kale, dhulka miyiga ah ee hoostaga deegaannada dabayshu garaacday, ayaa la soo sheegayaa in waxyeello soo gaartay qoysaska reer miyiga ah oo xoolaha qaarkood dabayshu ka laysay.
Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.
Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha ee la dagaallanka Musuqa.
Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka
Waxaa muuqata in dib-u-yagleelka astaamihii dawladdnimo iyo in la helo nidaam doorasho oo horseedi kara maamul iyo madax bulshadu soo doorato ay tahay baahida ugu weyn ee maanta dawladda hor taal. Waxaa kaloo muuqata is-barbar yaac xagga hay’adaha u qaabilsan arrimahaas iyo isku-day in aysan waxba ka hirgelin arrimahaas oo jihooyin kala duwan ka imaanaya.
Jimcihii November 29, 2019 waxaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu qabtay kulankii 13aad ee caadiga ahaa ee Uruur-goboleedka IGAD. Ururka waxaa la aasaasay 1986 si looga hortago abaaraha waxaana la oran jiray IGADD, balse waxaa loo rogay IGAD sanadku markuu ahaa 1996.
Shirka oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee caadi ah oo ay ku kulmaan madaxda goboleedka toban sanadood kadib, ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda iyo wakiiladda dalalka Eritrea, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koofur Sudan, Soomaaliya, Sudan iyo Ugaandha.
Inkastoo la filayay in shirka lagu gorfeenayo geedi socodka nabadda Koofur Sudan, haddana waxaa diiradda lagu saaray dibuhabeynta qaab-dhismeedkiisa, iyadoo guddoonka laga dhigay xil meerta ah. Isbedelkaas wuxuu kenay inuu Mudane Cabadalla Xamduuk oo ah Ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka Sudan uu ku soo baxay gudoomiyaha IGAD.
Tobankii sanadood ee la soo dhaafay waxaa si isdaba joogta ah ururka u guddoominayay seddexdii Ra’iisul-wasaare ee isku xigay ee dalka Itoobiya (Meles Zenawi, Hailemariam Desalegn iyo Dr Abiy Ahmed), iyadoo uu uga horeyay jagadda Madaxweynihii Kenya Mudane Mwai Kibaki.
Ra’iisul-wasaare Axmed Abiy oo xeerinayay hab dhaqankii gobolka, ayaa xoghayaha ururka u magacaabay Mudane Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya, iyadoo Kenya ay isku diyaarisay inay la wareegi doonto xilka guddoonka wixii ka dambeya November 2019ka.
Dowladda Jabuuti oo dalka Kenya kula tartameysa musharaxnimada kursiga Midowga Afrika uu ku leeyahay QM, ayaa ka biyo diiday hab dhaqameedka awood qeybsiga IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliyeedna ay soo jeedisay in dibuhabeyn dhab ah lagu sameeyo IGAD, si loo xaqiijiyo himiladda isdhexgalka shucuubta gobolka iyo iskaashiga siyaasadda iyo dhaqaalaha dowladdaha.
Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa aaminsan in dib u soo celinta xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Kenya aysan waxba kaga bedelaneyn Soomaaliya oo aan ehayn inay ka ogolaatay wanaajinta xiriirka, ay sabab u ahayd labo arrin: (1) Jawiga siyaasadda gobolka oo u muuqday inay Kenya ay ku sii socoto godoon; iyo (2) Kenya oo ku ceebowday ka been sheegistii bandhigii shidaalka Soomaaliya ee London, kadib markii Guddiga Khubarada QM uu soo saaray warbixin cad oo sheegaysa inay Kenya ay ku kacday fal been abuur ah.
Si kastaba ha ahaate, iskaashiga seddax geesoodka ah iyo jawiga Geeska Afrika oo isbedelay ayaa Soomaaliya u saamaxay inay gaarto marxalad tala jeedinteedu meel marto. Xilligii Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa Soomaaliya mar damacday inay u tartanto jagada xoghayahay ururka IGAD mase helin.
Xulufadii Kenya iyo Itoobiya ayaa harcad carqaladeysay habraacii, iyadoo islamarkaasna markale dib loo siiyay xoghayenimadii Mudane Mahboub Macalim oo ka socday dalka Kenya, kadib markii musharaxii Soomaaliya lagu eedeyay inuu gacan saar la leeyahay xajirta.
Wolow, musharixii Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ay caddaatay inuu eedlaawe ka ahaa eedeynta Kenya, haddana dhaqan hoosaadka ururku uma saamaxayn hoggaanka IGAD inuu qabto mus’uul aan ahayn Kenya ama Itoobiya.
Sida muuqata, isbeddelka siyaasadda gobolka waxuu muujinaayaa in dalka Sudan uu dib ugu soo laabtay xeendaabkii dowlad goboleedka Geeska Afrika, halka dowladda Kenya ay u muuqato in la maquuniyay amase ay go’doon ku socoto, iyadoo lid ku ah iskaashiga dhaqaalaha iyo siyaasadda Geeska Afrika.
Pensacola (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada cirka Sacuudiga oo tababar u joogay dalka Mareykanka, ayaa toogasho uu ka fuliyey saldhig ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka waxa uu ku dilay saddex qof, ka hor inta aan isaga la dilin.
Toogashada oo ka dhacday fasal ku dhex-yaalla saldhigga oo ku yaalla magaalada Pensacola ee gobolka Florida ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sideed qof, oo ay ku jiraan laba boolis oo kusoo baxay weerarka.
Ninkan weerarka gaystay ayaa magaciisa lagu sheegay Mohammed Saeed Alshamrani.
Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa xaqiijiyey in qofka toogashada gaystay uu ka yimid dalka Sacuudiga.
“Waa ay caddahay inay jiri doonaan su’aalo badan oo ku saabsan qofkan ajnabiga ah, ee ka tirsan ciidamada cirka Sacuudiga, oo dalkeena u joogay tababarka,” ayuu yiri DeSantis oo shir jaraa’id qabtay.
“Waa ay caddahay in dowladda Sacuudiga looga baahan yahay inay wanaajiso dhibanayaasha, waxaan filayaa in dayn badan lagu leeyahay,” ayuu yiri barasaabka.
Boqorka Sacuudiga Salman bin Cabdulcaziiz ayaa taleefon uu u diray madaxweyne Donald Trump ku cambaareeyey toogashada, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
“Boqorka wuxuu xaqiijiyey in dambiilaha gaystay dambigan aadka u xun uusan matalin shacabka Sacuudiga,” ayey tiri wakaaladda wararka.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Boqor Salman wuxuu tacsi u diray una damqaday qoysaska iyo saaxiibada dhibanayaasha lagu dilay laguna dhaawacay weerarka.”
Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa loo ogol yahay oo kaliya inay qoryo ku haystaan dadka sugaya amniga, mana cadda sida ninka weerarka fuliyey uu qoriga ku helay.
Lix qof oo kale oo Sacuudiyaan ah ayaa lagu xiray meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay. Saddex ka mid ah dadkan ayaa la arkayey ayaga oo muuqaal ka duubaya dhacdada.
Weli ma cadda, haddii lixda qof ee la xiray ay sidoo kale ahaayeen arday ka tirsan fasalka ay toogashadu ka dhacday, iyo inay xiriir la leeyihiin ninka weerarka gaystay.
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo odayaasha dhaqanka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay intiisa badan arrimaha maamulkaasi, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la’is waafajiyo Dastuurka iyo soo xulista xildhibaanada, si loo yareeyo tiradooda oo hadda gaareysa illaa149 mudane.
Dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qeexaya tirada xildhibaanada oo ah 95 oo kaliya, taas oo uu hadda doonayo in la dhaqan geliyo Madaxweynuhu.
Afhayeenka odayaasha dhaqanka, Malaaq Deerow Yacquub Cali oo kulanka ka warbixiyey ayaa sheegay in Madaxweynuhu dallabay inay ku garab siiyaan arrintaasi, si loo yareeyo xubnaha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Arrintan ayaa waxaa ka soo horjeeda beelaha qaar ee daga gobollada Sh/ Hoose, Baay iyo Bakool, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waayaan xubno muhiim ah oo ay haatan ku leeyihiin baarlamaanka, balse waxaa socda dadaallo lagu qancinayo beelahaasi.
Qaar kamid ah gobolada Puntland waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’yey roobab mahiigaan ah.
Roobabka ayaa u badan gobolada Bari iyo Gardafuu, gaar ahaa deegaanada xeebaha, kuwaas oo ilaa iyo hadda oo ay tahay saxdii dhexe oo habeenimo da’aya.
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kamid ah meelaha roobku ka da’yey 24-kii saac ee la soo dhaafay, daadad soo rogmaday ayaa saddex gaari kula tagay Boosaaso, waxaana laga soo badbaadiyey dadkii saarnaa gaadiidkaas.
Maamulka gobolka Bari ayaa hakiyey isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland.
Gobolka Gardafuu ayaa isagana 24-kii saac ee la soo dhaafay qeybo kamid ah roobab ka da’ayeen, khasaare naf iyo maala ayaa laga soo sheegayaa, inkasta oo ilaa hadda aan si dhab loo xaqiijin karin inta uu le’eg yahay.
Dhanka kale roobab iyagu dabeylo wata ayaa caawa la soo sheegayaa in ay ka bilowdeen qeybo ka mid ah gobolada Nugaal iyo Mudug, gaar ahaan deegaanada xeebaha.
Isgaarsiinta ayaa ka go’an deegaanadaas, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Eyl.
Wixii warar ah ee soo kordha, halkan ayaa kala socon doontaan.
The Tropical Storm (TS) initially named SIX that developed in the northern Indian Ocean has now been assigned the name PAWAN after sustaining a speed of more than 39 miles per hour for two days.
Xiriirka labada dal ayaa xumaaday markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraatka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Hase yeeshee Gargash ayaa sheegay in weli uu furan yahay albaab ay isku fahmi karaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
“Weli waxaa banaan fursad ay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ku wadaagi karaan diblomaasiyad, anagu marnaba ma raadineyno isku dhac.” Ayuu yiri.
“Xaaladdan waa mid u baahan diblomaasiyad, taasi oo nagu jiheyn karta xal siyaasadeed caqli gal ah, nabad ah, islamarkaana la joogteyn karo,” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta, oo uu soo xigtay wargeyska HAN.
Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo shalay ay Muqdisho ku kulmeen Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee muddo dhex-mara xubno sare oo ka kala socda labada dal, tan iyo markii uu xumaaday xiriirkooda.
Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya.
Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muuqda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale, kaasi oo la magacaabay lix bil ka hor.
Si kastaba, hadalka Gargash iyo kulanka Cawad iyo Al Hammadi ayaa muujinaya inuu jiro isku soo dhowaansho yar.
Nairobi (Caasimada Online) – Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ay weerareen gaari rakaab ah oo kusii jeeday magaalada Mandhera, xilli uu marayey inta u dhaxeysa deeganaada Kutulo iyo Wargadud ee Wajeer.
Taliyaha booliska Wajeer Stephen Ng’etich ayaa wargeyska Daily Nation u xaqiijiyey weerarkan, hase yeeshee ma uusan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
Ng’etich ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah loo diray goobta weerarka uu ka dhacay.
“Waxaan xaqiijin karaa in koox hubeysan ay fiidkii jidka u galeen oo ay weerareen baska oo kusii socday Mandhera, balse weli ma hayno xog ku saabsan tirada khasaraha,” ayuu yiri.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, oo ay ku sheegtay inay ku dileen 10 qof.
Qoraal lagu baahiyey idaacadda kooxdan ayaa lagu yiri in “kadib baaritaanno lagu sameeyey dadkii saarnaa gaariga ay u kala qeybiyeen muslimiin iyo gaalo kadib la galay 10 qof oo la xaqiijiyey inay gaalo ahaayeen.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray in “goobta lagu toogtay tobanka ruux ee gaalada ahaa, iyadoona dadkii kale ee muslimiinta ahaa la sii daayay.”
Weerarkan lagu qaaday baska Madina ayaa dhacay qiyaatsii 5-tii galabnimo.
Weerarka ayaa imanaya bil kadib markii A-Shabaab ay weerareen saldhigga booliska Dadajabula ee Wajeer, si ay halkaas uga sii daayaan laba dagaal-yahan oo uga xirnaa.
Bulshada ku dhaqan dagmooyinka fog fog ee Gobalka Bari oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeralay ayaa bilaabay isku tashi ay ku doonayaan inay dib ugu furaan waddooyinkii hal bowlaha u ahaa isu socodka gaadiidka iyo dad waynaha iskuna xiri jiray Degmooyinka Qandala, Caluula iyo Boosaaso, halkaasi oo ay go’een waddooyinkii loo mari lahaa deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Bari.
Marka laga yimaado dhanka badda oo ah wada sadexaad ee loo maro dagmooyinkaani waxa uu leeyahay Laba wado oo caan ah bulshada deegaanadaasina adeegsato kuwaasi oo la kala yiraahdo Lafa Goray iyo Dhabaaqo,hadana labaduba yihiin kuwa go an oo aan la adeegsan karin .
Dhallinyaro, waayeel Xoolo dhaqato iyo Beeralayba waxa lsu garab sadeen bulshada ku dhaqan agagaaarka Buurlayda Dhabaaqo sidii mar kale si iskaa wax u qabso ah loogu furi lahaa wadada dhabaaqo oo go’day masaafo ka badan 30km ayna ka dillaaceen godad aad u waawayni, taasi oo ay u sii dheertahay in daadadkaani soo dhigeen dhagxaan aad u waawayn oo ay adagtahay bur burintoodu.
Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha deegaanka si gaar ahna wadadaani gacanta ugu hayay mudo 30 sano ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in hadafkoodu yahay in la helo meel la marsiiyo gurmadka kala duwan ee loo wado deegaannada ay roobabka saameeyeen.
Togax ayaa xusay in Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya midna wali ka soo gaarin dadka deegaanadaasi wax gurmad ah marka laga reebo qiimayn ku saabsan inta uu khasaaruhu la egyahay oo ay u timid hay’ada jidadka Puntland iyo Guddi gaar ah oo arintaani u xilsaartay Puntland.
“Waxaa qiimihiisu laba jibaarmay maciishada noocyadeeda kala duwan, maadama isha kaliya ee dadkaani wax ka heli jireen ahayd magaalada ganacsiga ee Boosaaso, xitaa baddii way kacsantahay oo lama mari karo hadiiba dhanka badda la adeegsan lahaa, waxaan ka codsanaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arintayada il gaar ah ku eegto oo dadkaasi loo soo gurmado, hooyadii umulaysa hada wado la marasiiyo malahan oo xaalad caafimad darro inay u dhimataa suro gal ah”ayuu yiri Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha gacanta ku haya waddada dhabaaqo.
Dadka deegaanadaasi ayay cabsi kale soo wajahday markii Hay’adaha saadaasha iyo Wasaarada arrimaha Gudaha Puntland si wada jir ah mar kale uga digeen Roobab dabaylo wata oo soo wajahan .
Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabaab has launched a militia recruitment plan amid increasing pressure from AMISOM and Somali government forces, sources within the Somali National Army have told Caasimada Online.
The sources say Al-Shabaab has ordered residents who live villages under its control to contribute light weapons, and young men to be trained for the group’s army.
The most recent incident occurred in a village known as Geel Gub in Middle Shabelle region where Al-Shabaab has recently captured from the government.
Residents were stripped of their firearms and were forced to provide their young men for recruitment. Some were also reported to have lost their livestock to the group too.
UN Panel of Experts on Somalia 2019 report stated that Al-Shabaab has been collecting “taxes” from almost all businesses in the capital Mogadishu. These taxes are also collected from people who buy or build houses using intimidation.
“Al-Shabaab has amassed a lot of capital from their illegal dealings and collection of “taxes” which they are investing in building up their ranks, specifically the guerrilla divisions, the bombings division, and the intelligence division.” Said a Somali Military Official who has requested not to be named.
In spite of all this Al-Shabaab is still facing a lot of pressure from the Somali National Army and American drone attacks which have in the past couple of months caused sizable casualties for the group, forcing them to withdraw from many villages.
Suicide bombings and killings were a regular occurrence in the capital of Mogadishu, but recently, the government seems to have reduced these activities. This is as a result of a renewed focus on intelligence by the government to overcome any plots undertaken by the group.
The new recruitment campaign by the group is believed to be as a result of the increased pressure and the strengthening of the government intelligence services.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Ederaalka Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay Eedeyntii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey in Villa Soomaaliya ay u saamaxday Xasan Daahir Aweys [...]
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay arrinta muranka dhalisay ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa u cabiray si ka duwan sida inta badan culimada arrintan ka hadashay.
Inta badan culimadii arrintan ka hadashay ayaa aad u dhaliilay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qaarkood ku sheegay “inuu ku dhacay gaalnimo”.
Hase yeeshee, Sheekh Cabdi Xayi ayaa ka digay in arrintan laga sii daro, wuxuuna soo jeediyey in loo wajaho si deganaan ah oo isku nasteexeyn ku dhisan.
“Diinteenu waa diin nasteexo ah, haddii dadku khaldamaan waxaa loo baahan yahay in si walaaltinimo oo tartiib ah wax la isugu sheego, waa marka la rabo in wax la beddelo, balse haddii aan la rabin waa arrin gaar ah.” Ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.
Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in khaladka dhacay la iska wareysto, oo cidda ay khuseysa la weydiiyo, kadibna si tartiib ah arrintii loo xaliyo.
“Annaga Soomaali ayaa nahay in si tartiib ah aan arrinta isku weydiino iyo inaan si kulul wax isku weydiino waxaa noo fudud inaan si kulul wax isku weydiino.” Ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in dhibka Soomaaliya haysta, ee mar walba iska horkeena, islamarkaana muddada fog aan dhibaatada ugu jirno, ay tahay inaan mar walba si dagaal ah aan xalka ku raadino.
Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay hadda iyo wixii ka dambeeya tahay arrin aan mudneyn in laga sii hadlo sababtoo ah buu yiri “Qofkii gefka galay wuu hadlay, wuu cudur daartay, kana laabtay gefkii uu galay, maxaa kale oo loo baahan yahay in laga sii wada hadlo.”
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedyentii uu u jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in ay u ogolaatay in Xasan Daahir Aweys uu ku baaqo dilkiisa.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda aysan wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah kala sameyn Xasan Daahir Aweys hadallada uu jeediyey.
“Arrintaas waxba kama jiraan, Xasan Daahir Aweys haddii uu xabsi guri ku jiro, xuquuq ayuu u leeyahay inuu telefon haysto, talefonkiisa ayuu ku hadlay oo uu hawada geliyey, taknoolajiyadda ayaana u saamaxday, ee dowladdu uma gayn media mana dhihin war soo duub, isagaa u arko in diintiisa lasoo weeraray.” Ayuu yiri Maareeye.
Maareeye ayaa sheegay inaysan jawaab mudneyn eedeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah inay la shaqeyso argagixisio, sababta oo ah buu yiri “dowladda oo dhan ayaa u taagan la-dagaalanka argagixisada.”
“Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay arrin diin ku lug leh ayaad ka hadashay, dowladda kuma dhihin hadal oo ka hadal arrin diin la xiriirta, kumana haysato. Waxaa ku haysta culimo, arrintanna ma ahan mid u baahan aftahnimo ee waxaan ku leeyahay is-bari yeel.” Ayuu yiri Maareeye.
“Arrin diini ah oo aanan kuu dirin ayaa culumadu kugu haysataa ee qaab diini ah uga bax” ayuu yiri Maareeye.
Maareeye ayaa ugu baaqay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu isku keeno guddi culimo ah oo eega hadalkiisa, kadibna haddii ay dhahaan dhib ma lahan, uu sidaas kaga baxo, haddii la yiraahdana qalad ayaad gashay, uu galo masjidka oo uu towbad keeno.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal cusub soo duubay ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladda Soomaaliya, oo uu u xiran yahay.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu beeniyey inay dowladda Soomaaliya adeegsato, kadib markii mucaaradka iyo dad kale ay sheegeen in loo isticmaalayo in lagu weeraro dadka siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan dowladda.
Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay qalabka iyo internet-ka uu wax kusoo duubay balse loo sheegay inuusan ka hadlin siyaasadda.
“Waxay igu yiraahdeen siyaasadda ha kadlin, waxaana ku iri ‘siyaasadda ha ka hadlin sax maaha, lugihii waad iga xirteen, adimadiina waad iga xirteen, afkiina iga xira, oo qalabka iga qaata’.” Ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.
Waxa uu shaaca ka qaaday in waxyaabo badan oo aysan haysan dadka kale ee u xiran dowladda isaga loo ogolaaday, sida inuu la kulmo qoyskiisa, taasi oo uu uga mahad-celiyey dowladda. “Xitaa caruur ayaa iigu dhalatay aniga oo maxbuus ah” ayuu yiri.
Waxa uu muujiyey in cadaadis xooggan oo beesha uu kasoo jeedo uga yimid dowladda, ay qasabtay in waxyaabo badan isaga loogu ogolaadayo.
“Mararka qaar qabiil si buu ku wanaagsan yahay,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.
“Nimankan aan u xiranahay waxba igalama dhaxeeyo, xitaa ma xiriirno, mararka qaar askarta ilaalada iga haysa ayaan ayaan iskala macaamilaa,” ayuu yiri.
Waxa uu shaaca ka qaaday in mar ay wada-hadallo u billowdeen isaga iyo madaxda dowladda balse ay burbureen kadib markii uu mowqifkiisa ku adkaystay, wixii markaas ka dambeeyayna aysan dib isku arag.
Xasan Daahir ayaa dhanka kale ku adkeystay inuusan waligiis laaluush iyo lacag xaaraan ah qofka ka qaadan, islamarkaana maanta aysan jirin wax uu haysto oo dhaqaale ahaan uu liito.
Xaqiiqooyin cajiib ah oo ku saabsan Badhasaabka Nairobi ee la xidhay
Sonko waxaa duqa magaalada Nairobi loo doortay sanadkii 2017-kii
Ciidamada booliska ee Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Barasaabka magaalada Nairobi, Mike Sonko, oo ka mid ah siyaasiyiinta xilalka sar sare ka haya waddanka.
Xariggiisa ayaa yimid saacado ka dib markii uu Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji soo saaray warqad booliska ku amreysa inay soo xiraan Mike Mbuvi Sonko, si wax looga weydiiyo lacago ka mid ah dhaqaalihii ismaamulka uu hoggaanka u hayo. lacag gaareysa Sh357 milyan oo shilinka kenya ah(oo u dhiganta in ka badan $3.5 milyan oo doolar) ayaa la la’yahay.
Laakiin ma ogtahay in Sonko uu si weyn uga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee Kenya, ayna jiraan xaqiiqooyin cajiib ah oo isaga si gaar ah ugu saabsan?
Ka hor inta aan Mike Sonko loo dooranin inuu noqdo duqa magaalada Nairobi, wuxuu ahaa xubin ka mid ah aqalka odayaasha ee Senate-ka Kenya, isagoo matalayay ismaamulka Nairobi intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2017-kii.
Siyaasigan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu hantida badan dalka Kenya, wuxuuna magaciisu safka hore ee wararka ku jiray muddo dheer.
1- Labiskiisa qaaliga ah
Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.
Sonko ayaa aad loogu yaqaannaa labiskiisa la aaminsan yahay in uu kharash badan ku baxo
Xilligii uu ka tirsanaa aqalka baarlamaanka, gaar ahaan golaha Senate-ka, waxaa jirtay mar lagu dhaliilay nooca labiska uu uga qeyb gali jiray kalfadhiyada, maadaama uu aad uga duwanaa mudaneyaasha kale.
Hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si joogto ah u muujiya inay la dhacsan yihiin hab-labiskiisa, iyagoo ugu yeera qaabka loo yaqaanno “Hip-Hop Style”.
Sidoo kale siyaasigan ayaa la sheegaa inuu aad diiradda u saaro habka jarashada timaha, kaasoo uu marba qaab ka dhigto.
Sonko oo eegaya farriimaha telefoonkiisa
Labisyada kale ee Sonko waxaa ka mid ah dhagaha, faraantiyada, silsiladaha qoorta lagu xirto iyo okiyaaleyaasha loogu talagalay qorraxda, kuwaasoo mar walba si joogto ah loogu arko.
Siyaasigan aftahanka ah ayaa sheegay inuu labiskiisa cajiibka ah uga dan leeyahay inuu ugu adeego dhalinyarada jiilka cusub ah.
2-Codka dheer ee ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa
Tan iyo markii uu Sonko la wareegay xilka duqa magaalada Nairobi, wuxuu marar badan warbaahinta iyo baraha bulshada uga hadlay howlgallo uu fuliyay oo la xiriira dhinaca la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo caddeymo uu helay oo uu soo bandhigay.
Wuxuu si toos ah u magacaabaa siyaasiyiin kale iyo saraakiil uu ku eedeeyo inay wax isdabamarin sameeyaan.
Hase yeeshee, sida hadda muuqata, waxaa loo heystaa lacag farabadan oo ka maqan dhaqaalaha ismaamul goboleedka Nairobi ee uu isagu hoggaanka u hayo.
Dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuradiin Xaaji, oo ah wiilka uu dhalay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in xafiiskiisa uu gacanta ku hayo caddeymo ku filan eedeymaha musuqmaasuqa ah ee lacagta looga lunsaday maamulka Nairobi.
3-Tallaabooyinka uu ku muujiyo u hiillinta dadka danyarta ah
Sonko ayaa si weyn u eedeeya siyaasiyiin uu sheegay inay musuqmaasuq ku dhaqmaan
Sonko ayaa marar badan la arkay isagoo u doodaya dadka dakhligoodu uu hooseeyo, kuwaasoo uu ‘u dagaallamo’ sidii uu ugu soo dhicin lahaa xuquuqdooda uu sheego in la duudsiiyay.
Taageerayaashiisa waxaa ka mid ah ganacsatada loo yaqaano waratada, kuwaasoo marar badan uu dooday intii uu xilka hayay iyo ka horba.
Sidoo kale wuxuu dhowr jeer warbaahinta kasoo muuqday isagoo la tacaalaya dad uu ku eedeynayay inay si sharci darro ah ku qaadanayeen dhul ay dad danyar ah lahaayeen.
Sonko ayaa lagu yaqaannaa inuu si qarsoodi ah ku tago goobaha loogu adeego dadweynaha, sida isbitaallada guud iyo xarumaha kale ee dowladda, wuxuuna mararka qaar tagaa isagoo ay la socdaan ilaalo kooban.
4- Noloshiisii hore ee “tuuganimada ahayd”
Mike Sonko
Ninkan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaaraya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray.
Bishii January ee sanadkan 2019-ka, idaacadda la’iska arko ee Citizen ayuu si toos ah uga sheekeeyay taariikhdii uu soo maray.
Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay.
Laakiin dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa dhinaca musuqmaasuqa iyo waxa uu ugu yeeray “tuugnimo”.
“Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas’uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada” ayuu yiri Soko.
5-Xiriirka shacabka ee baraha bulshada
Booliska Kenya ayaa maanta oo Jimce ah xiray Sonko
Dad badan oo ka mid ah taageerayaasha Sonko ayaa si toos ah ugala socda bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada, sida facebook.
Mararka qaar si toos ah ah ayuu toos uga soo muuqdaa isagoo kala sheekeysanaya dadka ku xiran.
Mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka lahaa waxay ahayd markii uu isagoo toos ugu jira boggiisa Facebook-ga lacago u qeybiyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa.
Wuxuu xitaa boggaas u adeegsadaa inuu ku baahiyo arrimaha xasaasiga ah ee ay warbaahinta la iska arko ka caga jiidaan.
Sonko ayaa hadda wajahaya maxkamadeyn, waxayna sida muuqata dadka reer Kenya isha ku heynayaan sida uu u dhaco kiiska hadda loo xiray.
Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato.
View the full article