Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,289
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Iran oo ogolaatay in ay dhiibto sanduuqa madow ee diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay soo ridday

     

    diyaraddhacdayiran.jpeg

    Xukuumadda Tehran ayaa shaaca ka qaaday in ay ku wareejineyso Ukrain sanduuqa madow ee diyaaradda rakaabka aheyd ee ay soo ridday 8-dii bishan Janaayo .

    Diyaaraddan oo lala dhacay labo gantaal oo is-xiga ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 176 qof oo 10 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda, halka 166-da kalena ahaayeen rakaabkii diyaaradda oo u badnaa dad dhalasho ahaan Iran kasoo jeeday balse haystay baasabooradda dalal reer galbeed ah.

    Dowladda Iran ayaa horay u diiday in ay wareejiso xanduuqa madow, balse iminka waxa ay badashay go`aankeeda.

    Hassan Rezaifar oo Iran u qaabilsan wasaaradda duulista iyo hawada ayaa sheegay in ay la kaashan doonaan khubaro kasoo kala jeeda dalalka Mareykanka, France iyo Canada sidii la isugu aadin lahaa sanduuqan oo uu dhaawac soo gaaray.

    Iran ayaa maalmo kadib qiratay in ay iyadu soo ridday diyaaraddan, ayna u qaadatay mid cadow leeyahay oo duqeyn fulin rabtay.

    black-box.jpg

    Diyaaradda ayaa lasoo riday saacado kadib markii Iran ay duqeysay saldhigyo ciidan oo uu Mareykanku ku leeyahay Ciraaq taas oo ay ugu aargudayeen generaalkii uu Mareykanka uga dilay magaada Baqdaad 3-dii Janaayo ee Qaasim Suleymaani.

    Qaran News


  2. Mareykanka oo shaaciyey cidda Al-Shabaab ku gacan siisay weerarkii Manda Bay Base-Kenya

    africom.jpg

    Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, AFRICOM ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in mintidiin Al-Shabaab ah oo kasoo gudbay xuduudda Soomaaliya ay fuliyeen weerarkii horaantii bishan lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee Lamu – Ayaga oo gacan ka helaya dad ku sugan gudaha Kenya.

    “Waxaan qiimeynay in Shabaabka ay ka yimaadaan Soomaaliya, balse ay taageero ku helaan fududeeyayaal ku sugan gudaha Kenya, iyo Kenyan ku haminaya inay noqdaan Al-Shabaab,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Gregory Hadfield, oo ah agaasime ku-xigeenka sirdoonka ee AFRICOM.

    “Waxaan sidoo kale qiimeynay in kadib weerarkii ay kusii socdaan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya,” ayuu yiri.

    Henry Mayfield Jr. oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraasle oo kale oo la shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu dilay weerarkaas, oo weli baaritaan lagu hayo.

    Inkasta oo weerarkaas uu kusoo aaday xilli ay aad u kacsaneyd xiisadda Mareykanka iyo Iran, haddana saraakiisha AFRICOM waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in labada dhacdo aysan wax xiriir ah lahayn.

    “Si dhab ah uma sheegi karo waxa ujeedkoodu ahaa, balse waxaan u malaynayaa inay damacsanaayeen olole warbaahineed oo ay ku qoranayaan dagaalyahano cusub, sababtoo ah mar kasta oo ay weeraraan Mareykanka waxa sameynayaan sidaas,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Gen. William Gayler.

    Saraakiisha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab damacooda ugu weyn uu yahay inay weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka, oo ay ku jiraan gudaha dalka Mareykanka, hase yeeshee aysan xilligan lahayna awooddaas.

    “Waxaan ognahay in cadaadiska xooggan ee aan ku saarno Soomaaliya, aysan hadda lahayn awood ay ku weeraraan gudaha Mareykanka, sababtoo ah cadaadiska aan ku saarno Soomaaliya, ayaa ka hor taagan,” ayuu yiri Gayler.

    Mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey markii uu xukunka qabtay madaxweyne Donald Trump sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

    Qaran News


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay qaraxyada joogtada ah ee Al-Shabaab ku weerarayaan shaqaalaha dhisaya wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

    Sanbaloolshe oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay tahay tan kaliya ee dhisme dhan walba leh oo muuqda dalka ka fulisa, hadii ay dowladdu xakamey weyso weerarrada ku wajahana ay tageyso inuu hakado dhismaha wadadaas.

    Taliye Sanbaloolshe waxa uu sheegay in Shabaab ay mar walba beegsadaan cidd kasta oo ay u arkaan inay horumar ka wado dalkan, si ay caalamka uga niyad jebiyaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkan burburay.

    Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay hadaf fog ka leedahay dhismaha dalka, dhul dheerna ay uga timid, si fududna aysan uga niyad jabeyn dib u dhiska ay ka wado Soomaaliya, balse ay macquul tahay inaan dadka meesha lagu sii heyn hadii weerarradu sidan ugu socdaan, sida uu hadalka u dhigay.

    Taliyihii hore ee NISA ayaa dowladda ugu baaqay inay wax ka bedesho nidaamka sugidda amaanka dalka, isagoo kula taliyey inay sameyso seddax qodob oo kala ah:

    1 – In Al-Shabaab caqiido lagula diriro.
    2 – In dagaalkan lagu wajaho kacdoon shacab, iyo
    3 – In hey’adaha ammaanka loo dhiibo dad aqoon u leh, ciidamada dalka u dhimanayana xuquuq fiican meel loo saaro.

    Ugu dambeyntii Talihii hore ee Nabad sugidda ayaa sheegay in amaanka dalka aan la sugi karin inta siyaasadu sidan u cakiran tahay.

    “Waxaan qabaa in Soomaalidu kulligeed Shabaab meel uga soo wada jeesato, mana qabo in dowladda hada jirta ay Shabaab ka guuleysa karto” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Taliye Sanbaloolshe.

    Halkan ka dhageyso Sanbalooshe

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Sanbaloolshe.mp3

  4. Addis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Isra’il ayaa cabsi ay ka qabto weeraro ay Al-Shabaab ku qaado gudaha dalka Ethiopia darteed u go’aansatay ineysan ardaydooda u ogolaan iney booqdaan wadanka ku yaala Geeska Afrika, waxeyna ka war heleen digniino dhanka amaanka ah.

    Wasaaradaha Tacliinta iyo Arrimaha Dibedda ee Israel ayaa isku raacay inaan ardaydooda loo dirin Ethiopia sida ay xaqiijiyeen warbaahinta wadankaas.

    Dhamaan waxaa la hakiyay duulimaadyadii Shirkadaha diyaaradaha u qorsheysnaa iney sanadkaan ku aadaan magaalada Addis Ababa.

    Sida laga soo xigtay hay’adda Israel u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada, waxaa jira cabsiyo ay ka qabaan in muwaadiniintooda lagu dhibaateeyo xuduudka ay la leeyahiin dhulka Somalida, sidoo kalana waxaa la saadaalinayaa iney weeraradaas ku baahaan gudaha Ethiopia.

    Xukuumadda Yahuudda waxey ku doodayaan in laamaha amaanka Ethiopia ay u gudbiyeen sanadkii hore digniin dhanka amaanka ah, waxaana la ogyahay iney dhawr weerark ka dhaceen dalkaas.

    Xoogagga Al-Shabaab waa kuwa ku xoogan gobolada Geeska Afrika, waxeyna weeraro kala duwan oo dhibaato badan abuuray ka geysteen wadamada Kenya, Uganda iyo Somalia.


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay Muqdisho u yimaadeen cabasho ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

    Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dhinacyadaan ay Baydhabo isaga wareysteen dhibaatooyin ay ku qabaan lacagihii ay heli jireen ee maamul gobaleedyada loo marsiiyo Bangiga dhexe iyo wadashaqeynta Xukuumadda oo aad u liidata.

    Sidoo kale dhinacyadaan ayaa ka cabanaya in aysan dhaqan gelin heshiisyo wadashaqeyn oo dhaxmaray Xukuumadda iyo labadaan maamul gobaleedyada, kuwaas oo ay kamid ahaayeen fulinta mashaariic dhismo, shaqo abuur iyo in loo tababaro ciidamo daraawiish iyo boolis ah.

    Wararka ayaa sheegaya in labadaan maamul oo ay ku soo food leedahay doorasho guud oo HirShabelle ah iyo mida baarlamaanka ee Koonfur Galbeed, ayaa isku af gartay in ka hor arrimahaan ay cadaadis saaraan dowladda federaalka Soomaaliya, si loo dhaqan geliyo heshiisyadii ay gaareen dhinacyadaan.

    Kulankoodii Baydhabo ayaa la sheegay in ay isku raaceen dhowr qodob iyo barnaamijyo horumarineed oo isugu jira mashaariic dhismo iyo shaqo abuur, hadii ay fulin waayaana ay cadeyn doonaan in Xukuumaddu ay diidan tahay wadashaqeynta maamulada.

    Labadaan maamul waa kaliya maamul gobaleedyada la shaqeeya dowladda Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in aysan hadda sidii hore aheyn oo ay tabashooyin hoose ay jiraan.

    Xubno ka tirsan HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in la filayo kulamo ay dhaxmaraan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhinac ah iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.


  6. Hargeysa (Caasimada Online) ―  Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa fariin gaar ah oo ku saabsan wada-hadalada dowladda federaalka iyo Somaliland dhawaan soo gaadhsiiyay Madaxweyne Biixi, sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya.

    Wasaarada Arrimaha Dibada ee Itoobiya ayaa sheegtay in safarkii uu James Swan bishan 10-keeda ku yimid magaalada Hargeysa, uu Madaxweyne Biixi u gaadhsiiyey fariin uu ka siday Qaramada Midoobay, midaasi oo khuseysay wada-hadalada DF iyo Somaliland.

    James ayaa Biixi u sheegay in Qaramada Midoobay ay taageerayso qorshe ay ujeedadiisu tahay ‘in kalsooni laga dhex abuuro labada dhinac ee Dowladda federaalka iyo Somaliland’, iyadoona lasii dhiirigelinayo wada-hadaladii fadhiidka noqday ee labada dhinac.

    Wasaarada ayaa arrinkaasi kaga hadashay Warbixinta todobaadlaha ah ee Week in the Horn, oo ay Wasaaarada Arrimaha dibadda ee Itoobiya soo saarto dhamaadka todobaad kasta.

    James ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa waxa uu war-murtiyeed ka soo saaray booqashadiisa, isagoona wax faah-faahin dheeriya ka bixin arrintaasi, isla markaana si cad u sheegin in Qaramada Midoobay ay si toos ah uga qeyb qaadan doonto wada-hadalada DF iyo Somaliland.


  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhowaan dil toogasho ah ku fulisay Lix maxbuus oo ay sheegtay inay geysteen dilal, isla markaana ay Maxkamadu ku xukuntay xukunadaasi dil.

    Dowladda Itoobiya ayaa iyadu qabta in Somaliland ay ka been sheegayso kiisaska saxda ah ee labo kamid ah Lixdaasi Ruux ee dhowaan ay toogatay xukuumada Biixi, iyadoona si toos ah ula xiriirisay falal Argagixiso.

    Wasaarada arrimahad dibada ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Lixdii ruux ee Somaliland ku fulisay dilka ay Labo Nin oo kamid ah ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, isla markaana lagu helay dambiyo la xidhiidha argagixisada.

    Wasaarada ayaa arrinkaasi ku sheegtay qoraal ay ku daabacday warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week In the Horn’, inkasta oo ay si toos ah u shaacin magacyada labada Nin ee ay la xidhiidhisay inay ka tirsanaayen ururka Al-Shabaab.

    Xukuumada Somaliland ayaa muddo 3-cisho ka hor xukun dil ah ku fulisay Lixdaasi ruux, iyadoona xeer ilaalinta guud ay soo saartay magacyada lixda nin ee la toogtay iyo magacyada dadyow ay sheegtay in Maxkamadu ku heshay inay dileen.

    Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi oo ay kaga jawaab celinayso arrintaasi ay Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Itoobiya ay ku daabacday Warbixinteeda todobaadlaha.


  8. IMG_20190718_042505.jpg?w=1000&ssl=1

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale Maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

    Madaxweyne Deni ayaa Axmed Siciid Yuusuf u magacaabay Maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib muddo lix bilood ah oo xilkaas hayey Maareeye uu horey ugu magacaabay.

    Madaxweynaha Puntland ayaa bishii July ee sanadkii hore Axmed Maxamuud Xaaji Yuusuf u magacaabay Maareeyaha garoonka diyaaradaha Boosaaso.

    Maareeyihii hore Axmed Maxamuud ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey inta la ogyahay oo Madaxweyne Deni magacaabay, hadana xilka ka qaaday.

    Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa dhammaadkii sanadkii hore lagu wareejiyay dowladda Imaaraadka Carabta.

    Hoos ka akhriso digreetada magacaabista

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

    Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

    Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

    Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland

    Wuxuu xeeriyey:

    1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

    Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    =DHAMMAAD=

    PUNTLAND POST

    The post Maareeye cusub oo mar kale loo magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.


  9. By: Diana Stancy Correll
    MilitaryTimes.com

    U.S. Africa Command officials believe that al-Shabab militants from Somalia crossed the border into Kenya to conduct an attack on U.S. and Kenyan forces earlier this month in Manda Bay — with the assistance of facilitators within Kenya.

    “We assess that these are al-Shabab coming out of Somalia, but with the support of Kenyan facilitators and potential Kenyan aspirants of al-Shabab,” U.S. Army Brig. Gen. Gregory Hadfield, AFRICOM deputy director of intelligence, told reporters Thursday.

    “We also assess that after the attack, they’re continuing to make their way back into Somalia as well,” he added.

    Army Spc. Henry Mayfield Jr. and two U.S. Department of Defense contractors were killed in the attack on Manda Bay, which is currently under investigation. Although the incident coincided with tensions between the U.S. and Iran, the command previously said they believe al-Shabab’s actions were not related.

    “I can’t say with fact what their motivation was, but I can speculate that it’s tied to a false media campaign and tied to recruiting, and tied to anytime they can attack a U.S. anything, anywhere, they will,” U.S. Army Maj. Gen. William Gayler, AFRICOM director of operations, told reporters.

    Hours after Hadfield and Gayler spoke, AFRICOM announced it had conducted an airstrike against al-Shabab in Somalia. The command said initial reports indicate two militants were killed in that strike, and no civilian casualties.

    AFRICOM spokesman Air Force Col. Chris Karns said that al-Shabab has a tendency to “exaggerate” in their communication as they attempt to recruit and weaken the relationships between the U.S. and African partners. He noted the violent extremist group inserts false narratives and statements into the materials they release.

    For example, al-Shabab cautioned African forces after the attack that partner with the U.S. that U.S. troops would desert them “when the situation gets difficult” — similar to what the U.S. did to the Syrian Kurds after hundreds of U.S. troops vacated Syria in October. Roughly 500 to 600 U.S. troops do remain in Syria.

    “That’s primarily just part of the propaganda, part of the discussion that they want to see happen,” Hadfield said. “Al-Shabab wants U.S. and other partner forces to be out of Somalia to give them a better opportunity to continue their violence, to continue to have a strong hold within the region.”

    Gayler echoed similar sentiments.

    “It just probably solidifies the fact that what we’re doing in Somalia is important and is effective because, if it wasn’t, al-Shabab wouldn’t feel the need to message against us,” Gayler said.

    Command officials said al-Shabab has the intent to attack U.S. targets, including the U.S. homeland, but military officials expect they do not currently have the capacity to conduct such an attack.

    “We assess, based on the persistent pressure that we provide in Somalia, they lack that immediate capability to do that simply because of the pressure applied in Somalia on them now,” Gayler said.

    There are roughly 5,000 to 7,000 al-Shabab militants in Somalia, according to the command.

    Karns previously told Military Times AFRICOM conducted 63 airstrikes against violent extremist organizations in 2019 — an increase from the 47 conducted in 2018, and the 35 conducted in 2017.

    AFRICOM has already conducted multiple airstrikes against al-Shabab in Somalia this month, most recently on Jan. 16.

    The Manda Bay attack comes amid reports that the Department of Defense is reevaluating U.S. troops presence in Africa. But the Pentagon will call the final shots on any reduction of U.S. troops in Africa — although no final decisions have been made yet on the matter, according to AFRICOM officials.

    “What the Office of the Secretary of Defense and the broader DoD are doing is nothing more than an assessment of globally aligning resources to the National Defense Strategy,” Gayler said.

    While French President Emmanuel Macron said Monday during a press conference it would be “bad news for us” if the U.S. cut back its presence in Africa, Gayler stressed that the U.S. would seek input from allies and others regarding troop reallocation from the region.

    “Though predecisional, I’m very confident that any decision that’ll be made would certainly be in consultation and coordination with our European allies and others, to include the broader U.S. government as well,” Gayler said.

    France has approximately 4,500 troops in West Africa, and Gayler said it was “impossible to overstate” the support the French provide in the region to combat terrorism while backing U.S. troops also stationed there. U.S. troops in Africa have primarily focused on quashing the Islamic State and al-Qaida-linked militants like al-Shabab.

    On Monday, Chairman of the Joint Chiefs of Staff Army Gen. Mark Milley told Agence France-Presse the U.S. was eyeing various options to redistribute troops in Africa in an attempt to boost readiness in the continental U.S., or transfer them to the Pacific region.

    Secretary of Defense Mark Esper has also repeatedly stressed that China is the Pentagon’s top priority, and said last month that the Pentagon was examining multiple areas of operations to see assess potential adjustments in the U.S. footprint abroad.

    AFRICOM emphasized decisions involving troop presence were up to the Pentagon and Esper, and added other combatant commands were also under scrutiny.

    “It’s not just AFRICOM that’s going to go through this review. It’s all of them,” Gayler said.

    According to a New York Times report from Dec. 24, U.S. officials familiar with the discussions said possible options on the table include pulling several hundred U.S. troops from Niger, Chad and Mali. Another option officials claim has been floated is cutting assistance to French forces in Mali, Niger and Burkina Faso, the Times reported.

    Meanwhile, terrorist activity in the Sahel region has spiked. For example, the United Nations Special Representative and Head of the UN Office for West Africa and the Sahel, Mohamed Ibn Chambas, said Jan. 8 that more than 4,000 deaths stemming from terrorist attacks were reported in 2019. That’s five times the number reported in 2016.

    “I would think that if you have a problem that’s potentially growing, and you do less, it’s not going to be helpful. That’s logic,” Gayler said.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Daqiiqado yar kadib markii lagu dhawaaqay mashruuca dhismaha magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garowe iyo Kismaayo ayaa baraha bulshada waxaa is qabsaday su’aal ah, MAXAA LOOGA TAGAY JOWHAR IYO DHUUSMAREEB?

    Sheekadu intaas kaliya kuma aysan ekeyn, ee waxaa loo qeyla dhaamiyay xildhibaanada iyo siyaasiinta degnaada Galmudug iyo HirShabelle ka soo jeeda, kadibna waxay toos u gaartay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo kan madaxweynaha. Sida aan xogta ku helnay, farriintan ayaa waxaa toos u gudbiyey xildhibaano kasoo jeedaa labada maamul goboleed.

    Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan HirShabelle ayaa arintaan wax ka weydiiyay wasiirada Howlaha Guud iyo Maaliyaddam waxaana la sheegay in wasiirada ay u sheegeen dadkii arrintaan kala hadlay in xafiisyada sare ay wax ka ogyihiin.

    Caasimada Online oo la hadashay xubno ku dhaw wasiirada maaliyadda iyo howlaha guud waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay ka war qabeen barnaamijkan oo ah maal-gelin dibadda ah helay, balse ay go’aankooda ka laabteen markii daqiiqado lagu dareemay saameyntii ka dhalatay.

    Haddii aysan xukuumaddu ka noqon laheyn go’aankaan waxay noqon qaraxii siyaasadeed ee ugu weynaa oo ay la kulmaan Farmaajo iyo Kheyre. Sidoo kale waxay noqon laheyd tallaabo isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo markii hore qabay dhibaato loo geestay siyaasiintooda.

    La-yaabka ugu weyn ayaa ahaa in laba ka mid ah maamul goboleedyada helayey mashruucan oo ah; Jubaland iyo Puntland ay yihiin kuwa la dagaashan dowladda, halka labada laga tagayna ay heshiis la yihiin dowladda. Waxayn tani soo nooleysay tuhunkii ahaa in dowladda mar walba u jilcan tahay labadan maamul, oo qaata inta badan mashaariicda caalamiga ah ee la helo.

    Dad badan ayaa mahdiyay in go’aankaan laga laabto kaas oo noqon kara arrinta kaliya ee kiiskaan damin kartay. Ra’iisul wasaaraha ayaa amarkiisa ku sheegay in mashruucaan la gaarsiin doono dhamaan maamul gobaleedyada, taas oo ah mid lagu dejinayo dadkii boogta gaartay.

    Kheyre ayaa lagula taliyay in mashruucaan deg deg lagu joojiyo ama ay dowlada qaadato mirihii ka dhasha oo noqon kara kacdoon hab beeleed u abaabulan, waxa uuna ra’iisul wasaaraha qaatay go’aan deg deg ah, kaas oo ah midkii lagula taliyay.


  11. Nairobi (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, AFRICOM ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in mintidiin Al-Shabaab ah oo kasoo gudbay xuduudda Soomaaliya ay fuliyeen weerarkii horaantii bishan lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee Lamu – Ayaga oo gacan ka helaya dad ku sugan gudaha Kenya.

    “Waxaan qiimeynay in Shabaabka ay ka yimaadaan Soomaaliya, balse ay taageero ku helaan fududeeyayaal ku sugan gudaha Kenya, iyo Kenyan ku haminaya inay noqdaan Al-Shabaab,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Gregory Hadfield, oo ah agaasime ku-xigeenka sirdoonka ee AFRICOM.

    “Waxaan sidoo kale qiimeynay in kadib weerarkii ay kusii socdaan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya,” ayuu yiri.

    Henry Mayfield Jr. oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraasle oo kale oo la shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu dilay weerarkaas, oo weli baaritaan lagu hayo.

    Inkasta oo weerarkaas uu kusoo aaday xilli ay aad u kacsaneyd xiisadda Mareykanka iyo Iran, haddana saraakiisha AFRICOM waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in labada dhacdo aysan wax xiriir ah lahayn.

    “Si dhab ah uma sheegi karo waxa ujeedkoodu ahaa, balse waxaan u malaynayaa inay damacsanaayeen olole warbaahineed oo ay ku qoranayaan dagaalyahano cusub, sababtoo ah mar kasta oo ay weeraraan Mareykanka waxa sameynayaan sidaas,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Gen. William Gayler.

    Saraakiisha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab damacooda ugu weyn uu yahay inay weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka, oo ay ku jiraan gudaha dalka Mareykanka, hase yeeshee aysan xilligan lahayna awooddaas.

    “Waxaan ognahay in cadaadiska xooggan ee aan ku saarno Soomaaliya, aysan hadda lahayn awood ay ku weeraraan gudaha Mareykanka, sababtoo ah cadaadiska aan ku saarno Soomaaliya, ayaa ka hor taagan,” ayuu yiri Gayler.

    Mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey markii uu xukunka qabtay madaxweyne Donald Trump sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.


  12. Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba.

    Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay.

    Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo baahan yahay.

    Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal, waliba dhakhsa ah ayay u baahan tahay.

    Xal waa suurta gal haddii la is maqlo, la isku dayo in la is fahmo, ujeeddadana laga wada dhigto in xal la helo.

    Madaxda Federaalka iyo xataa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isku Muqdisho shacabka kulama noola, iyaguna isku Muqdisho kuma noola.

    Waddo u xiran ayay gawaari xawaareyneysa ku maraan. La iigama sheekeynayo oo Dowladdaan iyo tii ka horreysay iyo waliba mid aad uga sii wada horreysay, waddo xiran oo lagu xawaareynayo waan maray.

    Madaxda fuushan baabuurtaa waddada xiran ku xawaareyneysa, xog marka ay u baahdaan waxaa u warrama kuwo u qaba in xaalku caadi yahay ama ayaga oo og dhibka jira haddana aan sheegin sabab kasta ha keentee.

    Xataa haddii Madaxda la gaarsiiyo warka, isku mid ma aha wax lagaaga sheekeeyay iyo marka ay adiga ku qabsato.

    Dhowr Muqdisho

    Waxaan adeegsaday Muqdishooyin, sababta oo ah waddada wadnaha ayaa magaalada u kala qeybisay laba Muqdisho oo aan isu gudbi karin. Gaar ahaan Muqdishada Wadnaha ka sarreysaa aanay u gudbi karin Muqdishada badda ka xigta. Irdaha fara ku tiriska ah ee laga galo ayaa baabuurta iyo dadka wataa telefoonno la taagan yihin si ay ula hadlaan saraakiisha fara ku tiriska ah ee u oggolaan kara in ay Muqdishada kale u tallaabaan.

    Iyada oo taasi jirto ayay haddana qeybo badan oo magaalada ahi waxay awalba ahaayeen lama galaan u oodan hey’ado  Dowladda ah, Safaarado, Sharikado iyo ciidammo shisheeye.

    Madaxtooyada oo ku oolli jirtay Wardhiigleey, waxay hadda noqotay Jaziirad fideysa oo waxay daafaha la gashay ama ilaaladeeda hordhaca ahi ay jidgooyo ka sameysteen Boondheere, Xamar Weyne, Waaberi iyo Howl Wadaag. Waxayna si joogta ah u naafeysay waddada ugu caansan magaalada, waa Waddada Maka al Mukarrama iyo waddooyin kale oo badan oo ay ka mid tahay Waddada Maxamuud Xarbi.

    Shacab iska daa, xataa saraakiisha sare ee booliiska ayaanay u sahlnayn in ay Taliska booliiska tagaan.

    Bartamaha Xamar Weyne iyo Shingaanni waxaa ku habsaday, nuurkana ka qaaday labada xeyndaab ee waaweyn ee midna uu ootay Gobolku midna ay ooteen Isbahaysiga Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Intuba waxay garan waayeen waddooyinka gaaggaaban ee hor iyo hareera mara in ay dayactiraan. Arrintaasi waxay naafeysay farasmagaalaha Muqidishadii loo yiqiin magaalada hoose.

    Isla Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxaa waddada xeebta goostay Isbahaysiga Xabsiga Dhexe iyo Garsoorka, taas oo dhib ka dhigtay in uu dadweynuhu ka adeegto kawaanka kalluunka.

    Isbahaysiga Gegida Dayaaradaha iyo duulka Xalane deggan waxaa u xiran aag aan labadaas xero ku koobneyn oo ay ilaaladoodu jidka dhex joogaan Xamar Jajajab, Waaberi iyo Wadajir. Aaggaasi wuxuu aad uga weyn yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood.

    Taliska Nabad Sugidda wuxuu Jaziirad ka sameysatay Shibis iyo Cabdalcasiis iyada oo Godka Nabadsugiddana aag dhan u xiran yahay Boondheere dhexdiisa.

    Wasaaradaha iyo Safaaradaha qaarkood waxay goosteen waddooyin qaar laga dhex dhisay Ganjeello uu quful saaran yahay.

    Tusaaleyaashu intaa ka badan. Laakiin hadda waxaa cusub in isu socodka magaaladu uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba xirmo.

    Hal Waddo oo Keliya

    Saddex waddo oo Number Afar iyo Cabdalcasiis ilaa Kaaraan isku xiri jiray ayaa midkood ay Dowladdu xiratay.

    Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo.

    Haddii aad joogto Xamar Jajab ama Waabberi oo aad u socoto Boondheere ma mari kartid waddada Xeebta oo ah tan aan tilmaamay. Ma mari kartid via Roma, Marwaas iyo Raqeyga oo Gobolka iyo Maaliyadda ayay u xiran yihiin. Ma mari kartid Tiyaatarka oo Madaxtooyada ayuu u xiran yahay.

    Isu socodka magaalada ee labada dhinac ee aan tilmaamay wuxuu hadda isugu soo ururay hal waddo oo ciriiri ah, zigzag ah oo marba dhan o leexaneysa, boholo waaweyn leh, qashin badan, aan carfeyn siiba marka roob da’o, gaadiidka magaalada in badan oo ka mid ahina ay isku hor go’an yihiin.

    Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa.

    Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar.

    Waxaa in badan ka dhasha in ay baabuurtu isku xirmaan oo wakhti badan lagu xannibnaado. Taas oo amniga cid kasta oo waddada ku jirta ama hareera joogta halis ku ah. Sidoo kalena halis u ah in ay magaaladu kala go’do.

    Caqligu ma keenin in waddo inta aan la xirin, la is weydiiyo gaadiidkii mari jiray waddada loo duwi karo. Haddii aanay jirin waddo loo duwaana in la is weydiiyo waddada loo furi karo xataa si ku meel gaar ah.

    Qiimee Khasaaraha Waddada Xiran

    Shacabka magaalada Muqdisho xorriyaddooda dhaqdhaqaaq beri hore ayay oggolaadeen in laga qaado.  Waxay isugu jiraan qaar ku beddeshay rajo ay ka qabaan in amniga la sugo iyo qaar aan ku qancin laakiin garan waayay wax ay awoodaan oo sidaa uga dhib iyo khasaare yar.

    Cidi ma xisaabin khasaaraha dhaqaale ee waddooyinka xiran ay sababeen. Lama hubin sida ay u saameeyaan bukaanka iyo dhaawaca doonaya in Isbitaal lala gaaro. Lama oga inta dadka la xannibay ee nooc walba leh carada ay ka qaadeen ee ay Dowladda u qabaan inta ay gaarsiisan tahay.  Lama qiimeyn khasaaraha nooc kasta leh.

    La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasmiaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho.

    Xal waa la heli karaa. Gobolka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka oo magaalada kaliya ee aan amarkeeda laga dabahadal ay tahay Muqdisho, waxaa looga baahan yahay in ay xal la yimaadaan ama ay la tashi la sameeyaan dadweynaha Magaalada deggan.

    Waxa la yiraahaa marka qof neefta lagu celiyo, wuu illoobaa xuquuqdiisa kale oo dhan. Keliya wuxuu weydiistaa in uu neefsado.

    Hadda shacabka Muqdisho waxa keliya oo uu codsanayaa waa waddo uu maro in loo furo.

    Waan hubaa in ay jiraan reer Xamar badan oo iga xog ogaalsan, iyaga ayaan u deynayaa wixii kabid ama haddii aan khaldamay sixitaan ah.

    Mas’uulka aan ogeyn inta aan sheegay ama shaki uga jiro, isagu ha soo hubsado. Mas’uulka og ama hadda hubsada ee ku qanca oo sidaa ku raalli ah, ma aqaan wax aan u sheego.

    Midka aan ku qanacsaneyn, wax ha ka qabto, waxaana hubaal ah in dadweynaha Muqdisho ku-noolka-ah ay qaar badan oo ka mid ahi ay diyaar ula yihiin talo iyo waliba in ay gacan ka geystaan in magaalada laga dhigo mid amniga ilaalisa, lagu noolaado, laguna dhaqmi karo.

    W/D: Yuusuf Garaad Cumar


  13. Jowhar (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee dhanka Saxaafadda Maamulka Hirshabelle State Xasan Cabduqaadir Muudey ayaa eed kulul ujeediyay labada wasiir ee kala ah maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya.

    Muude ayaa madaxda sare ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo cadaawadda ay kula kacaan maamul goboleedyada dalka. Qoraal uu Muudey soo dhigay bartiisa fakebook, ayaa u qronaa sidan:-

    Wasiirka Maaliyadda Beyle wuxuu cadaalad darro badan kusameeyay inta uu xilka wasaaraddaasi haayay dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State. Wuxuu si joogta ah Beeyle dadaal ugu bixiyay in uu hor istaag joogta ah ku sameeyo in labadaa maamul goboleed aysan gaarin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda dhexe.

    Beyle wuxuu kasoo jeedaa Boorame waligiina hal doollar kuma soo kordhin dowladda dhexe, mana qaadan karno nin halkuu kasoo jeeday aan tagi karin uu cansheerteena nagu dhibaateeyo.

    Waxaa sidaa lamid ah Wasiirka Qorsheynta Jamaal oo ah shakhsi aad ugu dadaalay isagana in labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug la duudsiiyo xuquuqda kasoo gaarta dowladda dhexe.

    Wasiir Jamaal isagana waa shakshi aan hal doollar ka keeni karin deegaannada uu kasoo jeedo, wuxuuna rabaa in uu markasta canshuurteena isagoo kunool uu na dareensiiyo colaad kusalaysan cadaalad darro noo gaar ah.

    Ma’ahan wax la aqbali karo in shakhsiyaad aanan tagi karin halkii ay kasoo jeedeen ay carqalad joogta ah kunoqdaan wixii aan xaqqa u laheyn. Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinaynaa in labaaro labadaa wasiir caqabadaha ay ku haaayaan dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State.