Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga
hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo
oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid
baadhitaanka congress-ka.
Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa
dikreeto uu xalay soo saaray xilka kaga qaaday Agaasimihii guud ee Telefishinka
iyo Raadiyaha dowladda Puntland isagoo agaasime ku meel gaar ah u magacaabay.
Dikreetada madaxweyne Deni uu xilka kaga qaaday agaasimihii guud ee PuntlandTV&Radio Jamaal Carab Yuusuf ayuu sidoo kale agaasime ku meel gaar ah ugu magacaabay Daahir Cabdulqaadir Axmed (Daahir Aflow).
Daahir Aflow ayaa agaasime ku xigeen ka ahaa Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland ka hor intaan xalay si ku meel gaar ah loogu magacaabin agaasimaha guud ee PuntlandTV&Radio .
Madaxweynaha Waddanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wax laga
weydiiyay kororka la sheegay in uu ku yimid awooddii Al Shabaab ayaa sheegay in
uusan aaminsaneyn in ay korortay awoodda
ururkaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay awoodda malasyhiyaadka Al Shabaab
ku soo uruurtay qarax meel la dhigo iyo in ay wax ku weeraraan gaadiid laga soo
buuxiyay walxaha qarxa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay Al Shabaab arkaysa dib u
dhiska ku socda Ciidamada Qalabka Sida iyo horumarada dalka ka jira.
“2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan.” Ayuu yiri madaxweyne Geelle.
Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Degmada Beled Xaawo ee Gobolka
Gedo ayaa waan-waan ka dhex bilaabay Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa
Jubbaland ee ku wada sugan Gobolkaasi Gedo.
Ciidamadii Jubbaland oo gelinkii dambe ee Talaadadii isaga baxay
Degmada Beled Xaawo iyo ciidanka dowladda Federaalka oo degmadaasi la wareegay ayaa
la soo sheegaya in ay meelo isku dhow joogaan.
Ciidamada Jubaland oo aan ka fogayn Degmada Beled Xaawo ayaa
waxa laga cabsi qabaa in dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka ee
qabsaday Beled Xaawo.
Odayaasha Dhaqanka oo bilaabay kulamo ay labada dhinac la
qaadanayan ayaa waxay kula talinayan in laga fogaado wax kasta oo gacan ka
hadal keeni kara.
Hoggaanka Dhaqanka ayaa waxay ka diggayan in la carqaladeeyo amniga ay haystaan bulshada ku nool degmada Beled Xaawo.
New York (Caasimadda Online) – Aqalka Odayaasha Mareykanka ayaa Madaxweye Donald Trump ka bariyeelay gole joojinta iyo maxkamadeynta madaxweynaha, iyadoo ay arrintaan ka dhigan tahay inuu fashilmay iskudaygii lagu doonayey in Trump xilka looga qaado.
Aqalka Odayaasha oo ay ku xoogan yihiin xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa ka codeeyey eedihii loo soo jeediyey Trump ee ahaa inuu si xun u adeegsaday awoodda isla markaasna uu hor istaagay shaqadii Congress-ka Mareykanka.
Bishii December ee sanadkii tagay Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Trump dusha kaga tuuray eedo la xiriira in uu cadaadis saaray Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky si meel looga dhaco sumcadda ninka kula tartamay doorashooyinkii dhacay sanadkii 2017.
Bisha November sanadka 2020, Trump ayaa noqonayo madaxweynihii ugu horeeeyey ee gala doorashooyin madaxtinimo kadib markii loo maxkamadeeyey in laga tuuro xilka.
Codbixintiisii taariikhiga ahayd ee Arbacadii, golaha guurtida ayaa go’aansaday inuusan xilka ka qaadin madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka iyadoo lagu soo oogay eedeymo la xiriira xiriirka kala dhaxeeyay Ukraine.
52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.
53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.
Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda.
Haddii Madaxweyne Trump lagu xukumi lahaa labada eed ee loo soo jeediyey, wuxuu xafiiskiisa ku wareejin lahaa ku xigeenkiisa Mike Pence, wuxuuna xilka ku weyn lahaa seddex meelood laba meel.
Siduu Trump uga falceliyey?
Madaxweyne Trump oo raadinayo in mar labaad loo doorto madaxweynaha Mareykanka afarta sano ee soo socoto marka la gaaro 3 Bisha November ayaa had iyo jeer beeniyo inuu wax qalad ah galay.
Trump oo ku jiro ololihiisa dib u doorashada ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen Kooxda qaabilsan Ololaaha waxaa lagu yiri “Madaxweyne Trump gebi ahaanba waa la bariyeelay, haatana waxaa la joogaa waqtigii dib loogu noqon lahaa danaha dadka Mareykanka, xisbiga Dimoqraadiga ayaa isku dayey inuu xilka ka qaado”.
United Airlines is buying a flight-training academy in an effort to speed up hiring of more than 10,000 pilots by the next decade as about half of its aviators approach the federally mandated retirement age of 65.
The U.S. Senate on Wednesday acquitted President Donald Trump of both charges in his impeachment trial as it found him not guilty of obstructing Congress, as had been charged by the House of Representatives.
Qatar Airways is in talks to buy a 49 percent stake in Africa’s RwandAir, and is interested in doubling its holding in LATAM Airlines Group to 20 percent, its chief executive said on Wednesday.
National Security Adviser Meir Ben-Shabbat, Emirati envoy to DC said to have held talks at White House in December on Tehran, non-aggression pact between Abu Dhabi and Jerusalem
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Axmed ayaa sheegay in ay jiraan sababo badan oo lagu dhaliili karo, laguna diidi karo doorashadii Madaxweyne Qoor-Qoor, balse dantu ay ku jirto in la aqbalo.
Qoor Qoor ayaa ka mid ah saddex madaxweyne oo Galmudug sheegta, waxaana labada kala ay kala yihiin Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir.
Yuusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay muhiimaddu ay tahay maamul ay aqoonsantahay dowladda dhexe.
Ex wasiir Yuusuf Garaad ayaa xubnaha la doortay ugu baaqay in aysan dib ugu soo laaban guryahoodii Muqdisho, balse ay gutaan howlaha shaqo ee hor yaalla.
“Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale” Ayuu yiri.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
Doorashada GalMudug sababo badan oo lagu dhaliili karo ayaa muuqda. Xataa kuwo lagu diidi karo waa jiraan.
Haddana, aragtideyda, danta guud waxay ku jirtaa in maamulka uu Federaalku aqoonsan yahay ee ay Hoggaamiyaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Gacal iyo ku xigeennadooda lala shaqeeyo, lagana shaqeysiiyo.
Labada mas’uul iyo Golaha Baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in aanay is mahadin oo aanay intaan libin ka dhigan. Libintu waxay ku jirtaa in horumar la gaaro oo howl wanaagsan ay qabsoonto taas oo ku xiran in wadashaqeyn laga helo inta kale intooda badan.
Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale.
Waxaa rajeynayaa in aanay dayaarado soo raacin oo aanay ku soo laaban guryahooda Muqdisho inta ay xilka hayaan, marka laga reebo maalmo kooban oo safar shaqo ama fasax ah.
Shirkii ay saddexda nin ku go’aamiyeen mustaqbalka dunida, xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka
The Big Three – Winston Churchill, Franklin Roosevelt and Joseph Stalin
Bishii February ee sanadkii 1945-kii, saddex nin ayaa ku kulantay goob loo dalxiis tago xilliyada fasaxa damaashaadka, waxayna u shirayeen si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalka Adduunka.
Naaziyiintii Jarmalka ayaa markaas jilbaha dhulka dhigtay oo burburay. Ciidamadii Soviet-ka ayaa kusii dhawaanayay magaalada Berlin, halka xoogaggii isbahaysigana ay ka gudbeen xadka dhinaca galbeed ee Jarmalka.
Dhanka badweynta Pacific, ciidamada Mareykanka ayaa guulo uu dhiig badan ku daatay gaarayay waxayna kusii siqayeen waddanka Japan.
Maadaama ciidamadooda la arkayay inay ku guuleysanayeen dagaalka, raggii lagu tilmaami jiray saddexda nin ee waaweyn – oo kala ahaa madaxweynihii Mareykanka Franklin Roosevelt, Ra’iisul Wasaarihii Britain Winston Churchill iyo hoggaamiyihii midowga Soviet Joseph Stalin – waxay isku waafaqeen inay ku kulmaan magaalada Yalta, oo ahayd meel loo dalxiis tago oo ay Soviet-ka ku lahaayeen Badda Madow.
Markii uu idlaaday dagaalkii ugu dhiigga badnaa ee abid soo maray dunida inta la og yahay, 75 sano ka hor, xulafadu waxay doonayeen inay ka hor tagaan in dagaal sidaas u khasaare badan uu mar kale ka dhaco caalamka.
Laakiin Mareykanka iyo Ruushka labaduba waxay doonayeen in mid walba shuruudihiisa gaarka ah lagu wada shaqeeyo. Iyadoo xitaa heshiis uu ka dhacay Yalta, dhowr bilood gudahoodba waxaa billowday dagaalkii qaboobaa ee dunida – kaasoo uu sababayay hardanka u dhaxeeyay labada quwadood ee ku cusbeyd Adduunka, fikradahooduna ay kala qeybsanaayeen.
Saddexdii nin ee ugu awoodda badnaa caalamka
“Haddii ujeeddada shirkii Yalta ay ahayd in nabad buuxda la helo dagaalka ka dib, markaas wuuu guul darreystay kulankaas”, sidaas waxaa BBC-da ku yiri Barfasoor Andrew Bacevich, oo wax ka dhiga jaamacadda Boston.
Dhanka bariga Yurub, ciidamadii midowga Sovieet ayaa guul ka qaatay milatarigii Jarmalka, ka dib markii ay afar sano dagaallamayeen.
Ka dib dagaal socday in ka badan 3 sano ciidamadii Soviet-ka waxay ka adkaadeen milatarigii Jarmalka waxayna kusii socdeen magaalada Berlin
Waxaa la qiyaasaa hal ka mid ah toddobadii ruux ee muwaadiniintii Soviet-ka ah ay ku dhinteen dagaalka, waxaana lagu sheegay inay dadka ka dhintay isku darkooda ahaayeen 27 malyan oo qof. Saddex meelood labo ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen rayid.
Qaar ka mid ah dadka cilmiga u leh dagaalkaas wayba kasii badiyaan tirada intaas.
Joseph Stalin waxaa ka go’neyd inuu dalkiisa mar kale cagaha ku istaago. Wuxuu Yalta tagay isagoo doonaya inuu galaangal weyn ku yeesho arrimaha ka socda bariga Yurub, uuna isaga hormuud ka noqdo, si loo badbaadiyo dhammaan dalalkii xubnaha ka ahaa USSR.
Wuxuu sidoo kale doonayay in la kala qeybiyo oo dhaqaale ahaanna loo burburiyo Jarmalka, si uusan mar dambe halis u noqonin abid.
Stalin wuxuu ogaa in dalalka reer galbeedka oo kaliya ay ku xirneyd in arrimahaas la hirgaliyo.
Winston Churchill wuu fahansanaa ujeeddooyinka Mr Stalin. Bishii October ee sanadkii 1944-kii, wayna ka wada hadleen habkii uu Ruushka damacsanaa in loo kala qeybsado maamulka bariga Yurub.
Wuxuu sidoo kale ogaa in ciidamadii Soviet-ka ee ka adkaaday Jarmalka ay wali aaggaas ku sugnaayeen, kana tiro badnaayeen ciidamada reer galbeedka, sidoo kalena UK aysan waxba ka qaban karin haddii Stalin uu go’aansado inay halkooda iska joogaan.
Laakiin madaxweynaha Mareyanka wuxuu watay shuruudihiisa u gaarka ah. Wuxuu rabay in Stalin uu saxiixo heshiiskii aasaaska Qaramada Midoobay – oo markaas ahayd hay’ad cusub oo horkaceysay nabadgalyada caalamka.
Maxaa ka dhacay Yalta?
Inkastoo Roosevelt uu doonayay in lagu kulmo meel ka mid ah badda Mediterranean-ka, Stalin – oo ka cabsan jiray duullimaadyada diyaaradaha – ayaa soo jeediyay in la isugu tago Yalta. Wadahadallada waxay socdeen intii u dhaxeysay 4-11 bishii February, waxayna hoggaamiyeyaasha ku sugnaayeen dhismaha wufuudda Mareykanka ee loo yaqaannay qasriga Livadia.
Saddexda hoggaamiye waxay ku kulmeen Qasriga Livadia
Saddexda hoggaamiye waxay horay ugu kulmeen magaalada Tehran sanadkii 1943-kii.
Hal isbuuc ka dib, saddexda hoggaamiye waxay go’aannadooda u sheegeen dunida inteeda kale. Ka dib markii uu shuruud la’aan isku dhiibay Jarmalka, waxaa la isku raacay in la burburiyo.
Magaalada Berlin waxaa loo kala qeybiyay labo dhinac, waxaana laga dhex dhisay darbi.
Waxay caasimadda Jarmalka kala qeybsaneyd ilaa laga soo gaaray sanadkii 1989-kii.
Berlin way kala qeybsaneyd ilaa 1989-kii
Roosevelt qorshihiisa ugu weyn ee uu xoogga saarayay wuxuu ahaa hirgalinta dhismaha Qaramada Midoobay, wuuna u ku guuleystay.
Dhammaan saddexda waddan waxay isku raaceen in ay wufuud u diraan magaalada San Francisco, 25-kii bishii April 1945, si ay gacan uga geystaan abuurista hay’adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.
Intaas waxaa sii dheeraa in hoggamaiyihii Ruushka uu wacad ku maray inuu faragalin milatari ku sameyn doono Japan, ka dib markii uu ka adkaado Jarmalka.
Churchill wuxuu ka walwalsanaa xaaladda ay ku dambeyn doonaan dalalka bariga Yurub, wuxuuna ciidamadiisa iyo kuwii Mareykankaba ku boorriyay inay gaaraan ilaa inta ay gacanta uga dhigi karaan bariga Yurub, ka hor inta uusan dagaalka dhammaanin.
Wax ka yar labo sano ka dib Madaxweynihii Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dagaalkii qaboobaa, si loo xakameeyo awoodda Soviet-ka ee sii weynaaneysay.
Churchill iyo Roosevelt labadaba waxaa lagu dhaliilay inay waddo u fureen Stalin markii lagu shirayay Yalta. Laakiin sida iska caddeyd, madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisul Wasaaraha UK ma aysan heysanin awood ay wax badan ku qabtaan, maadaama Stalin uu lahaa ciidamo badan oo markaas dagaal ku guuleystay.
Maxay ku badbaadday haweeneydii Masaajidka la gashay Eygeeda?
Qofkii lagu helo dambi ku xadgudub diinta ah sharciga waddanka Indonesia wuxuu ku ridi karaa xukun xabsi ah oo gaaraya ilaa 5 sano
Haweeney maskaxda ka xanuunsan ayaa ka badbaadday inay xabsi ku gasho waddanka Indonesia ka dib markii lagu helay faldambiyeed la xiriira ku xadgudubka diinta Islaamka.
Gabadhan ayaa in muddo ah loo maxkamadeynayay falka ay ku kacday oo ahaa inay Eygeeda la gashay msaajid dhexdiis.
Muuqaal lagu arkayay Suzethe Margaret oo masaajidka sii galeysa iyadoo kabaheda qabta isla markaana Eygeeda kusii dhex deyneysa ayaa dunida ku faafay bishii July ee sanadkii 2019-kii.
Arrintaas ayaa kicisay caro weyn oo ay qaadeen shacabka waddankaasi ay Muslimiinta ku badan yihiin, kuwaasoo aaminsan in Eeyga uu nijaas yahay, ayna mamnuuc tahay in lala galo masaajidyada.
Guddi garsooreyaal ah oo ku sugan maxkamad ku taalla magaalada Bogor, oo u dhow caasimadda Jakarta, ayaa Arbacadii maanta haweeneydaas ku helay fal dambiyeed ku saabsan inay diinta ku xad gudubtay, balse waxay sheegeen inaan loo xukumi karin ficilka ay ku dhaqaaqday.
Margaret ayaa nooc ka mid ah xanuunnada maskaxda laga helay sanadkii 2013-kii, xilligaasoo tijaabo caafimaad ay martay.
Hase yeeshee dacwad oogeyaasha ayaa dalbaday in lagu xukumo ilaa siddeed bilood oo xabsi ah.
Maxaa lagu arkay muuqaalka?
Haweeneyda oo u muuqatay inay isku buuqsan tahay ayaa gashay masaajidka ku yaalla magaalada Bogor, iyadoo markaas sheegeysay inay masiixiyad tahay laakiin seygeeda uu ku guursan rabay masaajidkaas maalintaas galinkeeda dambe.
Waxay masaajidka ku eedeysay inuu seygeeda soo muslimiyay, ka dibna Eygeeda ayey ku sii deysay gudaha Masaajidka. Dadka ku sugnaa Masaajidka ayaa sheegay inaysan wax war ah ka heynin arooska ay ka hadleysay.
Kadib waxaa la arkayay haweeneyda oo haraati ku dhufaneysa nin waardiye ah u sheegay inay ka baxdo masjidka.
Waxaa lagu soo warramay in eygeedii uu markii dambe ku dhintay laamiga, halkaasoo uu gaari ku jiiray.
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo dhowaan ay qabsadeen ciidanka federaalka.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka halkaas gaaray ay yihiin kuwa shalay ay diyaaradda ka dejisay garoonka Doolow, kadib markii laga qaaday magaalada Muqdisho.
Xogtan ayaa waxaa Caasimada Online la wadaagay qaar ka mid ah maamulka degmada. Sidoo kale, Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkay gaadiidka.
“Qiyaastii illaa labaatan tikniko iyo saddex gaari oo kale oo kuwa raaxada ah ayaan aragnay. Waxaana jira in la leeyahay baabuurta kale ee qufulan ayaa ku soo wajahan magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Daahir Aadan.
Sida uu sheegay Daahir Aadan, dadka ku nool Beled Xaawo ayaa xalay isku soo baxay si ay ugu dabaal-degaan islamarkaana ay usoo dhoweeyaan Ciidamada Dowladda iyo gaadiidkooda la keenay magaalada.
Ciidamada Dowladda Soomaaaliya ayaa fiidnimadii habeenkii Talaadada waxa ay si nabadgelyo leh kula wareegay gacan ku haynta Degmada Beled Xaawo, ka dib markii ay isaga baxeen ciidankii taabacsanaa Maamulka Jubbaland.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Ciidamadii Jubbaland ee taageerayay Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), ay iminka ku sugan yihiin xuduuda, ayna doonayaan inay la dagaalamaan Ciidamada Dowladda.
Ku Xigeenka Taliyaha Booliska Soomaaliya, Janan Sakiya Xuseen, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay 28kii Janaayo inuu xabsiga ka baxsaday Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xassan Nuur Janan. Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan dib u soo qabashada Cabdirashiid Janan.
Labo Maalmood kaddib waxaa soo yeertay in Cabdirashiid Janan uu safar dhanka badda ah ku tagay magaalada Kismaayo, isla maalintaasna uu diyaarad gaar ah u raacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.
Ka soo muuqashada Cabdirashiid Janan magaalada Kismaayo, waxaa ku nafisay hay’adaha amaanka ee dowladda federalka oo lagu tuhunsanaa inay khaarijiyeen.
Isla maalintii lagu dhex arkay Cabdirashiid Janan magaalada Kismaayo waxaa xilkiisii iska casilay Wasiirka Qorshaynta ee maamul-goboleedka Jubbaland Adam Ibrahim Aw-Xirsi. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa u qornaa sidan ” Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga”
Balse dad badan waxay isweydiinayaan: Sidee buu ku baxsaday Cabdirashiid Janan, yaase gacan ka geystay baxsashadiisa?
Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland Abshir Maxamed Cabdi ( Abshir Colow) ayaa ku dooday inuu Cabdirashiid Janan weli yahay Wasiirka Amniga Jubbaland, islamarkaasna maamulka Jubbaland ay ku faraxsan yihiin inuu ka baxsado gacanta dowladda, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal ahayd inuu caddeeyo gacantii ay ka geysteen baxsashada Cabdirashiid Janan, waxuuna Abshir Colow yiri “waan ka gaabsanayaa taasi,” hadalkaasoo loo fasiran karo in Jubbaland gacan ka geysatay baxsashaddiisa. (VOA January 31, 2020).
Dhanka kale, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xussen waraysi uu siiyay Idaacada Kulmiye waxuu si cad u sheegay in Jubbaland si hagar la’aan ah ugu guntatay sidii Cabdirashiid Janan xurriyadiisa dib ugu heli lahaa, taasoo ugu dambayn tiina ay Jubbaland ku guulaysatay. Sidoo kale, waxuu ka dhawaajiyay in baxsashaddiisa ay gacan ku siiyeen xubno ka tirsan dowladda iyo shacab, balse wuxuu Maxamed Xussen ka gaabsaday inuu magacaabo shaqsiyaadkaas (KNN April 02, 2020).
Haddaba waxaa jira su’aalo dhawr ah oo ku gadaaman baxsashada Cabdirashiid Janan: Maamulka Jubbaland yaa ku gacan siiyay oo ka tirsan dowladda, maxay ahayd sababta qasabtay in xabsi guri loo wareejiyo Cabdirashiid Janan 5 casho ka hor baxsashaddiisa?
Laamaha Amniga ee Dowladda Federalka Somaaliyeed waxay dadweynaha ka sugayaan jawaabo lagu qanci karo. Islamarkaasna guddiga u qaabilsan amniga gudaha Baarlamaanka waa inay kula xisaabtamaan hay’adaha ku shaqo leh amaanka! Haseyeeshee, waa in aan la siyaasadayn howlaha lagu sugayo amaanka iyo cadaalada dalka.
Maamulka Jubbaland horey waxaa lagu eedayay inuu gabbaad siiyo shaqsiyaad xadgudub xuquuqda aadanaha ka geystay gobolka Soomaalida Itoobiya xilligii uu ka talinayey Cabdi Maxamed Cumar, balse maanta waxuu u bareeray inuu gacan ka geysto baxsashada qof ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadanaha oo weliba siiyo gabbaad.
Su’aasha kale oo dad badan isweydiinayaan ayaa ah: Dukumiinti sidee ah ayuu sitay Cabdirashiid Janan oo ay dowladda Kenya ugu oggolaatay inuu kaga dego Garoonka Nairobi, dalkeedana ku joogo!
Agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika Seif Magango ayaa yiri: “Wax la aqbali karo ma ahan in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dambiyo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, uu isku dayo inuu ka baxsado caddaaladda”.
Seif Magango waxuu dowladda Kenya ka codsaday inay xirto Cabdirashiid Janan, islamarkaasna ay gacanta u geliso dowladda Soomaaliya si ay cadaalad u helaan ehelada dhibbanayaasha, laguna maxkamadeeyo dambiyada uu gaystay.
Dhanka kale, Taliska Booliiska Soomaaliya waxay Hay’adda Booliiska Caalamiga (Interpol) ka codsatay in gacan ku siiso sidii Cabdirashiid Janan loo qaban lahaa. Islamarkaasna waxay dhiggeeda Kenya ka dalbatay inay Cabdirashiid Janan ku soo wareejiso!
Kenya waxay dhagaha ka furaysatay dalabka dowladda Soomaaliya iyo kan Amnesty international. Waxay diyaarad ciidan kaga qaadday Nairobi kuna gaysay Mandheera oo xuduud la leh Gedo- Soomaaliya, waxuuna u soo tallaabay degmada Beled-Xaawo, Soomaaliya si uu halkaas uga fuliyo danaha Kenya.
Balse markii Cabdirashiid Janan uu ka war helay in ciidamada federalka ku soo wejihan yihiin Beled-Xaawo, ayna la wareegayn degmada Doolow, iyo Luuq ayuu dib ugu noqday Mandheera- Kenya.
Haddaba waxaa iska cad in maamulka Axmed Madoobe iyo Kenya ka wada shaqeeyeen, iskana kaashadeen sidii Cabdirashiid Janan uga baxsan lahaa caddaalada.
Su’aasha taagan ayaa ah: Maxay Axmed Madoobe iyo Kenya ugu bareeraayaan khatar intaas le’eg, ayna u diiddan yihiin in Cabdirashiid Janan la maxkamadeeyo?
Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin in labo sababood ay ku xambaarayaan Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya oo kala ah:
(1) Cabdirashiid Janan wuxuu muddo dheer ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland, wadashaqayn dhawna la lahaa laamaha amniga Kenya, xogo sir ah oo lagu wiiqayo qarannimada Soomaaliya ay dhici karto inuu hayo, taasoo ay ka cabsi qabaan inay si uun ugu gacan gasho sirdoonka Soomaaliya; iyo
(2) Inuu Cabdirashiid Janan uu yahay qof ay Kenya kalsooni weyn ku qabto, kana hortagi kara awooda dowladda Soomaaliya ee ku fideysa gobolka Jubbaland.
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, uu diiday in uu saxiixo warqad lagu fasaxayo mushaarka ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Xogta ayaa sheegeysa in warqadda uu diiday Taliyaha ay muujineysay in aan isbadal lagu sameynin mushaarka ciidamada, oo ay aheyd in sanadkaan 70% lagu kordhiyo, sida lagu sheegay miisaaniyadda sanadka 2020-ka.
General Odowaa ayaa celiyay warqadda waxa uuna dalbaday haddii aan la kordhin doonin mushaarka ciidamada ay Xukuumadda u sheegto si aysan ugu arkin in xaqooqdii la duudsiiyay, maadama hore loo iclaamiyay mushaar kordhin.
Wasiirka Maaliyadda wali kama uusan hadlin arintaan waxaana la sheegayaa in uu socdo wadahadal arrintaan ku aadan.
Dhinaca taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar, ayaa saxiixay warqada fasaxa mushaarka oo aan isbadal lagu sameynin, waxaana la filayaa in booliska Soomaaliya bishaan loo sameynin mushaar kordhintii uu balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.
Dowladda Soomaaliya ayaa wali bixin mushaarka Ciidamada waxaana socda dooda arrintaan ku saabsan iyadoo la isweydiinayo sababta keentay in ilaa hadda aan la bixin xuquuqda ciidamada, iyo mushaar kordhintii la balla-qaaday.
Mudo bilo laga joogo waxay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ay kala saxiixdeen heshiis lagu dhamaynayay Khilaafkii labada dhinac. Hada waxaa soo cusboonaadey khilaaf hor [...]
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada in ay heshiis ka gaaraan khilaafkooda.
War-saxaafadeed ka soo baxay safaarada Mareykankan ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku boorinayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay dib u soo celiyaan wada shaqeyntoodii, iyagoo kaashanaya beesha caalamka.
Mareykanku waxa uu ka codsaday dowladda federaalka ah Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo saamileyda siyaasada in ay iska kaashadaan sugidda amniga iyo sidii ay u dhaci lahayd doorasho lagu kalsoonaan karo 2020/2021.
Sidoo kale Mareykanka aya sheegay in uu sii wadayo dadaalkiisa dhexdhexaadinta ee dowladda federaalka iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta dowladood ee xubnaha ka ah.
Mareykanku wuxuu tilmaamay in doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dowlad goboleedyada ay ahaayeen kuwo aan dhammaystirnayn, balse wuxuu ugu baaqay in ay xoogga saaraan dib-u-heshiisiinta.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay dib usoo nooleeyaan wada-shaqeyntooda, is ayaga oo kaashaanata saaxiibada gobolka iyo kuwaa caalamka ay uga adkaadaan Al-Shabaab, islamarkaana dib ugu soo neelaayaan dowladnimada, ammaanka iyo baraaraha shacabka Soomaaliyeed.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu wadayo daadaallada ay kula hadlayaan dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.
“Hanaan wada-hadal iyo isu-tanaasul oo dib loo soo nooleeyo waxa uu lagama maarmaan u yahay dhammaan dhinacyada si wax looga qabto caqabadaha amniga, wanaaga dadka Soomaaliyeed dartood. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay sare u qaaddo hadafyada iyo ujeedooyinka aan wadaagno,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay ka go’an tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka taageero dadaallada ay ku dhisanayaan hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeynaya baahidooda.
“Waxaan garowsanahay in Soomaaliya ay mareyso marxalad adag oo qeyb ka ah safarkeeda ku wajahan dimoqraadiyadda. Ayada oo hanaankii doorashooyin ee dhowaanahan aysan wada noqon kuwa wada saxan, haddana waxaan dhammaan Soomaalida ugu baaqeynaa inay diiradda saaraan dib u heshiisiin.”
“Ayaga oo dib u xaqiijinaya dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, hogaamiyayaasha Soomaalida waxay ka dhabeyn doonaan ballan-qaadyadooda ah inay sare u qaadaan siyaasad loo dhan yahay, islamarkaana raadiyaan nabad-gayo, xasilooni iyo degenaan muddo fog oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda dhexe, dowlad goboleedyada, baarlamanka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan aas-aasidda amniga, si loo xaqiijiyo doorashooyin la isku haleyn karo oo dhaca 2020/21.
Dowladda Mareykanka waxay tiri, inay muhiim tahay in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay u wada-xaajoodaan si daacad ah, iskana caabiyaan hamiga ay ku noqon karaan qas-wadayaal, kana fogaadaan wax kasta oo waxyeeleyn kara hanaanka siyaasadeed.
Senator Mitt Romney of Utah said Wednesday that he would vote to convict President Trump’s abuse of power making him the first Republican in the United States Senate to support removing Mr. Trump from office
Aqalka Senate-ka Maraykanka oo laalay Dacwaddii loo Haystay Trump
in News - Wararka
Posted
Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa xalay gebi ahaanba laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye dalkaasi Maraykanka Donald Trump.
52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.
53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.
Xisbiga Jamhuuriga ahaa hoggaamiya Aqalka Senate-ka Mareykanka halka xisbiga Dimoquraaddigu uu hoggaamiyo Aqalka Wakiilada Kongareyska.
Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka.
Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.
PUNTLAND POST
The post Aqalka Senate-ka Maraykanka oo laalay Dacwaddii loo Haystay Trump appeared first on Puntland Post.