Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,650
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Farmaajo-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl

    Istanbul (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa galabta shaaciyey inay iskaashigii siyaasadda ku kala tageen Farmaajo, isagoo aan bixin faahfaahin intaas dheer, waxaana soo baxaya xogo ku saabsan waxyaabihii sababay kala tagga kooxdii Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulan uu dalbaday Farmaajo ayaa Arbacadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo Farmaajo uu ku soo bandhigay go’aankiisa ololaha doorashada dambe.

    Farmaajo ayaa saaxiibadiis Fahad Yaasiin, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire u cadeeyey in ololihiisa dambe ee doorashada aysan qeyb ka noqon doonin, wax garab ahna uusan uga baahneyn.

    Sida ay sheegeyso xogtaan xubnahaasi waxay la yaabeen go’aanka uu ka qaatay hoggaamiyahoodii, dood dheer kadibna Farmaajo wuxuu ku adkeystay go’aankiisa, halka ayaguna ay u sheegeen in arrintaas ay kasoo tashanayaan.

    Intaas waxaa xigtay warqadii uu galabta soo saaray Fahad Yaasiin oo sheegay in Farmaajo ay ku kala tageen wadajirkii siyaasadda, isla markaana uu u rajeynayo mustaqbal wanaagsan, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababtii loo kala tegay.

    Fahad ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”

    Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

    Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayn Madaxweynihii 9aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hoggaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan oo ii sahlay inaan dalkayga iyo dadkayga si hufan oo daacadnimo ah ugu soo adeego.

    Anigoo dhawraya waayahaas wanaagsanaa ee aan isla soo marnay, misana ilaalinaya dhaqanka suubban, kana fogaanaya inaan faahfaahin ka bixiyo sababaha, waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa go’aannadan soo socda;

    1. Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.

    2. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.

    3. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.

    4. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.

     

    The post Xog: Farmaajo oo qaatay go’aanka uu kaga tegayo saaxiibadiis iyo goorta uu la wadaagay appeared first on Caasimada Online.

  2. Xasan-Sheekh.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka,  maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda, taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

    Cabdirishiid Jilley ayaa xilkaas hayey dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana u magacaabay Xasan Sheekh oo ka dhigtay Ergayga u qaabilsan arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

    Xildhibaan Cabdirishiid Jilley ayaa shalay warbaahinta u aqriyey war ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo diiday Masar, soona dhoweeyey in Itoobiya ay dalka sii joogto.

    Xildhibaanadaas ayaa si cad u sheegay inay  ku mowqif yihiin oo la dareen yihiin dadkii banaanbaxa ka dhigay Xudur ee taageeray Itoobiyaanka, isla markaana diiday in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya.

    Sidoo kale xildhibaanada K/Galbeed ayaa shalay madaxda dowladda federaalka ka dalbaday inay baarlamaanka horkeenaan heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar, iyagoo muujiyey diidmo adag oo ka dhan ah Masar.

    Xildhibaanadaas ayaa si toos ah u taageeray qorshaha Itoobiya, waxayna kala  kulmeen cadaawad iyo caro ay u qaadeen dadka Soomaaliyeed oo diidan damaca Itoobiya iyo qadiyadda ay ka hadleen.

    Xil ka qaadista Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley ee caawa uu sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salka ku heysa dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo jaceyl laga yaabay u muujiyey Itoobiyaanka.

    The post Xasan Sheekh oo sameeyey xil ka qaadis la xiriirta xiisadda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

    Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa Xildhibaano shalay Itoobiya taageero u muujiyay. xilli dalka uu ku jiro xaalad adag.

    Source: goobjoog.com


  4. Fahad-1.jpeg?fit=1024%2C762&ssl=1

    Doha (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, iyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ku dhowaaqay in ay dhammaatay wada-shaqeyntaa siyaasadeed ee kala dhaxeysay madaxweyne Farmaajo.

    Fahad ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”

    Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

    Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayn Madaxweynihii 9aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hoggaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan oo ii sahlay inaan dalkayga iyo dadkayga si hufan oo daacadnimo ah ugu soo adeego.

    Anigoo dhawraya waayahaas wanaagsanaa ee aan isla soo marnay, misana ilaalinaya dhaqanka suubban, kana fogaanaya inaan faahfaahin ka bixiyo sababaha, waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa go’aannadan soo socda;

    1. Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.

    2. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.

    3. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.

    4. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.

    Fahad Yasin, La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

    GWZrAecW4AEbj8P.jpeg?resize=696%2C985&ss

    The post DEG DEG: Fahad oo ku dhowaaqay in ay kala tageen Farmaajo appeared first on Caasimada Online.

  5. BADDA.jpg?fit=2048%2C1478&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo lagusoo rogay maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya.

    Maraakiibta soo galaya ama isticmaala Soomaaliya ayey dowladda ku amartay in ay siteen calanka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran ee lagu wanaajinayo amniga qaranka iyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka.

    Sidoo kale waxaa la faray maraakiibta isaga kala goosha badda Soomaaliya inay marka hore “og” soo siiyaan maamullada dalka ka jira, una hoggaansamaan nidaamka ay u dejisay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda.

    Awaamiirtan ayaa looga dan leeyahay in lagu kordhiyo kormeerka iyo xakameynta dhul-badeedka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

    Waxay sidoo kale dowladda u aragtaa awaamiirtan cusub kuwo hoosta ka xariiqaya sida ay Soomaaliya u doonayso in ay ku xoojiso amniga baddeeda, loogana ilaalin lahaa falalka sharci darrada.

    Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Soomaaliya dhawaan heshiis difaac oo dhanka badda ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga, iyada oo ka caawin doonta ilaalinta amniga baddeeda illaa muddo 10 sano ah.

    Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya xoogga saarayso sidii meesha looga saari is-afgaradkii xad-gudubka ku ahaa qaranimada Soomaaliya ee Itoobiya ay gashay Somailand, kaas oo Addis Ababa u ogolaanayay inay soo gaarto biyaha dalkeenna.

    The post DF oo awaamiir cusub kasoo saartay isticmaalka badda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

  6. IMG-20240901-WA0003-1.jpg?resize=1000%2C

    Afar qof oo dhammaantood hal qoys ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil maanta degaanka Laacdheere ee magaalada Garoowe.

    Hooyo iyo wiilkeed ayaa ku geeriyooday shilkaasi, waxaana ku dhaawacmeen wiil ay dhashay hooyada geeriyootay iyo mid ayeeyo ay u tahay, kadib markii baabuur jaad-wale ah dusha ka maray bajaaj ay saarnaayeen.

    Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa xabsiga u taxaabay darawalkii waday baabuurka jaad-walaha ee shilkaasi sababay kadib markii uu dusha ka maray bajaajtii qoyska waxyeelladu gaartay saarnaayeen.

    Halkan hoose ka eeg sawirada shilka

    IMG-20240901-WA0000.jpg?resize=1000%2C75 IMG-20240901-WA0003.jpg?resize=1000%2C75 IMG-20240901-WA0002.jpg?resize=960%2C128 IMG-20240901-WA0001.jpg?resize=1000%2C75

    PUNTLAND POST

    The post Qoys dhan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil maanta ka dhacay duleedka Garoowe appeared first on Puntland Post.


  7. London (Wararka PP) — Hay’adda qaabilsan qiimeynta iyo shahaadooyinka ee dalka Biritayn (Assessment and Qualifications Alliance ‘AQA’) ayaa oggolaatay inay buugagga laga barto afka Mandarin ka saarto magaca Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) oo ay Taiwan isu taqaanno.

    1000005298.jpg?resize=816%2C1440&ssl=1Wargeyska Daily Telegraph oo wax ka qoray in magaca Taiwan laga saaray buugagga ay daabacdo shirkadda Dragons Ltd.

    Buugagga ay soo saarto shirkadda Dragons Teaching, oo ay ardaydu ka bartaan afka Mandarin, ayay ku qoran yihiin magac siyaasadeedka u ekeysiiya Taiwan dal madaxbannaan.

    AQA ayaa oggolaatay in magaca lagu qorayo buugagga ardaydu ka baranayaan afka Mandarin noqdo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha (People’s Republic of China ‘PRC’). Hay’adda AQA, oo oggolaata buugagga lagu saleeyo imtixaannada hay’addu soo diyaariso, waxay ka hortagtay eedeynta inay oggolaatay in xog aan sugnayn loo gudbiyo ardayda barata afka Mandarin.

    © Puntland Post, 2024

    The post Taiwan oo laga saaray buugagga dugsiyada sare ee Biritayn appeared first on Puntland Post.


  8. Abiy-Ahmed-iyo-Xasan-Sheekh.jpeg?fit=204

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mareysa meel xasaasi, xilli ay weli Itoobiya ku dhagan tahay is-afgaradkii Somaliland ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

    Damaca Itoobiya oo lagu tilmaamo mid soo jireen ah, uuna hadda u bareeray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayey Soomaalidu u kala harin diidmadiisa, inkasta oo dhaliil laga muujiyay hanaanka madaxda dowladda u wajaheyso arrintaan.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka digay damaca guracan ee Itoobiya ayaa soo jeediyay afar qodob oo uu sheegay inay xal u noqon karaan, ayna si mideysan bulshada Soomaaliyeed uga hortagi karto qorshaha Abiy.

    “Xalku wuxuu yahay an aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran;

    Soomaali kuma kala harin diidmada heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Abiy Axmad iyo Muuse Biixi.

    Shacabka Somaliland ayaana ugu badnaa dadkii diiday. Baarlamaanka Soomaaliya si buuxda ayuu u garab istaagay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, wuxuu soo saaray qaraar cad oo uu Madaxweynuhu saxiixay, wuxuu iyadoo la hor keenin ansixiyey heshiiskii lala galay dawladda Turkiga ee la sheegay in lagu difaacayo badda Soomaaliya.

    Dhammaan madaxdii hore ee dalka iyo kuwa talada damaca ka jiro waxay garab istaageen Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa. Waxaa ku xigtay Madaxweynaha oo Markab dulsaaran lana sheegay in uu yahay markabkii difaaci lahaa Badda Soomaaliya, haddana waxaan maqalnay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu wadahadal uga socdo Ankara, Turkiyana dhexdhaxaadinayso, kulan kale loo ballansanyahay.

    Innaga iyo Itoobiya;

    Shacabka Soomaaliya iyo madaxdiisu isku aragti kama aha Itoobiya. Shacabku mar walba Itoobiya way ka digtoon yihiin, laakiin Madaxda talada markaa haysa waxay Itoobiya kula macaamilaan dareenkooda halka uu maalinkaa tagaan yahay. Ma jirto siyaasad qaran iyo istiraatiijiyad qowmi ah oo aan Itoobiya kula falgalno.

    Waxaa tusaale u ah waxay naga bareen Itoobiyada cusub labadii maamul ee Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu Jigjiga booqda 2016-kii, iyo Madaxweyne Farmaajo markii uu Qalbidhagax dhiibayey, iyo sidii ay labaduba ONLF ugu tilmaameen argagexiso, Itoobiyana ugu sifeeyeen dal walaal ah oo ay shucuubta labada dal isku direen maamulladii hore ee labada dal soo marayna.

    Mar waliba waxaa naloo aqrinayey cashar ku saabsan Itoobiya cusub, Itoobiyana maamulkeeda ayaa isbdelayey, laakiin Istaraatiijiyadeeda isma bedelaynin.

    Waxaana taas sii adkaynaya in xukuumada Madaxweyne Xasan ay sanad ka hor Itoobiya la saxiixatay heshiis difaac, kana sugayeen in ay qayb ka qaataan wejigii labaad ee dagaalka AS iyo gulufkii loo bixiyey Libaaxii Madoobaa (Black Lion), waxay gobollo dalka qaarkood ku joogaan magac ATMIS iyo heshiis laba geesood ah. Sidaasoo ay tahayna waxaa la isku diidi karin;

    1- In Itoobiya aysan u socon bad iyo dekad ganacsi oo ay badeeco kala soo degto, waxaa caddayn u ah in saamiga 19% ahaa ee laga siiyey Dekedda Berbera ay maalgashan wayday, ka dibna lagala laabtay, Dawladda Soomaaliyana muran kama keenin adeeg ganacsi.

    2- Waxay la isku diidi karin in Itoobiya ay doonayso dhul badeed iyadu leedahay oo ay xukuntu, gobonimada dalkeedana hoos yimaada.

    3- Waxaa kaloo la isku khilaafi karin in gobonimada, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya ay lama taabtaan tahay, difaaceedana waajib qaran yahay.

    Waxaase la dhaliilsan yahay sida ay madaxda dalka u maareeyeen loolanka Itoobiya naga dhexeeya.

    1- Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu kama aysan shaqayn midaynta dadka Soomaaliyeed, taa bedelkeeda waxay ku kala irdheeyeen meelmarinta dantooda siyaasadeed ee gaarka ah.

    2- Ma furin albaab talo wadaag si la iskula meeldhigo siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe heshiis lagu yahay oo lagu wajaho damaca Itoobiya.

    Xalku wuxuu yahay;

    1- In aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka Madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah.

    2- Madaxweynow weli waxaad haystaa fursad aad dadka ku midayn karto, waxayse kuugu kacaysaa in dantaada shakhsiga ah tan qaranka ka hormariso.

    Balse, haddii aadan qabkaaga meeldhegan karin, tanaasulna la iman karin, tusaalana u noqon karin in aad dantaada tan dalka ka hormariso, cid kale ha ka sugin in ay sidaa yeesho.

    3- Madaxweyne waa in aad talada ballaariso, si loo helo siyaasad cad, istiraatiijiyad qeexan iyo qorshe midaysan oo lagu wajaho damaca Itoobiya.

    Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in aad qof jeclaysi meel iska dhigto oo aad xulato kaadir aqoon, karti iyo xirfad ku hubaysan oo culayska arrinka u babac dhigi kara.

    4- In meesha laga saaro kala hadalka iyo in masuul walba oo dawladeed uu baraha bulshada ama warbaahinta wixii ku soo dhaca ka sheego.

    Siyaasad dowladeed waxaa lagu yaqaan in ay hal mid ah tahay, hal af leedahay, hal meelna ka baxdo.

    The post Galka Itoobiya: Xalka keliya ee u furan Soomaaliya kadib damaca ABIY AHMED appeared first on Caasimada Online.

  9. xildhibaanada-KG.jpg?fit=468%2C351&ssl=1

    In the complex network of HoA politics, few relationships are as delicate as the one between Somalia and Ethiopia. Lately, attention has been drawn to this intricate situation, as Ethiopia’s past military invasion into Somalia in 2006 has not only caused tension in diplomatic relationships but also exposed a significant and concerning rift within Somalia’s political sphere. 

    The focus is on a group of Somali legislators who, in an unexpected and divisive decision, openly showed approval for Ethiopia’s actions. Many Somalis feel betrayed by this action, causing them to doubt the loyalty of their regional leaders and elected representatives. 

    Understanding the importance of this situation requires taking into account the historical context. Somalia and Ethiopia have a lengthy history characterized by frequent conflicts and disputes over territory. Many Somalis still vividly remember past wars and invasions, and the sight of Ethiopian troops on Somali land brings back painful memories and triggers long-standing anxieties. 

    In this situation, the behaviors of these legislators are especially concerning. By supporting a foreign country that is seen as an aggressor by many Somalis, they have not only neglected their responsibility to defend Somalia’s sovereignty but have also harmed the country’s already weak unity. 

    Currently, the Federal Government of Somalia is undergoing a pivotal challenge. The international community will closely examine how Somalia responds to this internal crisis, alongside the Somali people. The government needs to act quickly and decisively in order to regain trust in its institutions and send a clear message that disloyalty will not be accepted. 

    Pursuing legal action against the legislators implicated is not only about punishment; it is about maintaining the rule of law and safeguarding the integrity of Somalia’s constitution. These PM’s were sworn in to prioritize Somalia’s well being and security above all else. By backing an aggressors actions they may have crossed a line into treasonous territory – betraying the very people who put their faith in them and weakening the sovereignty they were entrusted to safeguard. 

    The government must proceed with caution and ensure that all legal procedures are transparent and fair in compliance with Somalia’s laws and global process standards. It is important to avoid seeking revenge hastily and instead pursue justice in a way that can be scrutinized and deter future betrayals.

    The leaders of Parliament play a part in the situation. Members who have violated their oaths should be held accountable as protectors of Somalia’s legislative branch. Disciplinary actions and potential removal from parliamentary positions should be considered, in addition to any legal actions from the central government.

    Nevertheless, it is crucial to consider the circumstances and understand that the individuals in charge, despite being lawmakers, have personal ties and various motivations driving their decisions, instead of being viewed as detached decision-makers. Comprehending the motivations behind their decisions. Whether due to misguided beliefs or personal motivations. It is crucial to tackle the root causes and develop strategies to avoid repeat incidents. 

    Moreover, it is a sign of the ongoing challenges facing the growing democracy in Somalia. Despite making advancements in rebuilding its institutions and pursuing peace after years of unrest, events like this highlight the fragility of these successes and the constant need to protect them.

    Somalia faces numerous challenges ahead. Addressing the betrayal by lawmakers is just the first step in a long process of promoting national unity and state development. Upholding sovereignty and democratic leadership requires brave decisions and thoughtful actions.

    Ultimately the Federal Government of Somalia and the Parliaments leadership are, at a juncture. How they handle this situation will not shape their historical legacy but also steer the country’s future course. By fairly addressing those who have violated their sworn duties they can uphold Somalia’s sovereignty and demonstrate the robustness of its democratic system. 

    At this moment, all eyes of the world are on Somalia. This is an opportunity to demonstrate resilience during times of danger and internal conflicts. It offers an opportunity to demonstrate that in challenging circumstances, the resolve of the people and commitment to laws can prevail. In order to ensure a future for Somalia, its leaders must show courage, truthfulness, and unwavering commitment to equity.

    Ismail D. Osman: Former Deputy Director of the Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA). Specializing in writings on Somalia, the Horn of Africa’s security, and geopolitical landscapes with an emphasis on governance and security. Contact: osmando@gmail.com. Twitter: @osmando

    The post Somalia’s moment of truth: When lawmakers betray their nation appeared first on Caasimada Online.

  10. Farmaajo-Xasan-Shariif.jpg?fit=1920%2C10

    Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qodobada ugu hadal-haynta badan fadhiyada waaweyn ee siyaasiyadeed ee Soomaaliya, waa in uusan dalka laheyn mucaarad macno leh oo si fiican ula dhigta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

    Iyada oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay gashay qaladaad badan oo ay boobtay dhulkii danta guud, faagatay qabuurihii, musuqii uu xarko goostay, saddex jeer ay sameysay canshuur kordhin aan adeeg cusub la socon, dagaalkii argagixisada ay kasoo laabatay, dastuurkii ku xad-gudubtay, doorashadii maamullada diiday, dalkiina dhaqaale la’aan ku riday, ayaa dhinaca kale waxaa maanta muuqan mucaarad ka shaqeynaya in nidaamka jira la dheeli-tiro, lagana badbaadiyo aragtida ay dantii guud ugu beddelanayaan dano gaar ah.

    Itaal-xumada iyo aragti gaabnida ka muuqata mucaaradka maanta ayaa dadka qaar ku qasabtay inay Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa ninkii iska lahaa aragtidii mucaaradnimada xilligii laga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo.

    Xasan Sheekh xilligii uu mucaaradka ahaa wuxuu awooday inuu subixii odayaasha qaabilo, duhurkii haweenka qaabilo, oo galabkii uu dhalinyarada arko, oo habeenkii uu ganacsatada la shiro, uu asbuuciina laba jeer uu tego Xalane oo ajnabiga la fariisto, oo lacag aruuriyo oo asbuuc walba xildhibaanno shiriyo, oo maalmaha qaarna qabiilo shiriyo oo maalin taliyaasha ciidanka raadiyo, maalina hub aruursado, oo doodaha waaweyn fariistay, oo sidoo kalena maqaalo naqdina ku qoro warbaahinta caalamiga ah.

    Waxa uu intaas oo dhan ka shaqeynayay, ama iibinayah in nidaamka jooga la dheelitiro, lagana hortago hagar-daamadooda, la isla qorsheeyo sidii loo bixin lahaa oo aan marna culeyska laga dulqaadin kooxdii talada haysay.

    Shaqadaas wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud bilaabay markii uu Farmaajo xukunka joogay hal sano iyo lix billood. Maanta Xasan Sheekh wuxuu tallada jooga labo sano iyo saddex bilood, mana jiro mucaarad intaas sameyn kara ama dhabaheeddii haya.

    Hadda si fudud waxaad u dhihi kartaa Xasan Sheekh ayuu ahaa hal abuurkii iyo caqligii Farmaajo la diriray, taasina waa midda sahashay inuu isagu beddelo. Xasan Sheekh inkasta oo uu leeyahay ceebo badan oo hab xukunka, musuqa iyo qabyaaladda la xiriira, haddana lama dafiri karo inuu leeyahay hal abuur uu maalin xukunka ku qaadan karo maalina mucaaradnimo xooggan ku jili karo.

    Rag sheegan jiray inay hal abuur mucaaradnimo leeyihiin, ama ay dhiseen aragtidii Farmaajo la dirirka ayaa hadda fashilmay oo Facebook ka badin waayay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu dhawaan meel-marsado cutubyada dhiman ee dastuurka, daynta lacageed ee uu sugayana uu helo, ciidan beeleedka uu waayahan dhisanayana ay u dhameystirmaan, shuruucda doorashooyinka iyo guddiga doorashadana uu qaato, intan waa kasii xoog badnaan doona waana adkaan doonta in xukunka si fudud looga qaado.

    Dal walba oo ay ka jirto dowlad dimuqraadi ah waa u baahan yahay inuu jiro mucaarad awood leh oo dheelitiri kara dowladda, si uusan xukunka u noqon mid boqortooyo, mana cadda in mucaaradka maanta kasoo horjeeda Xasan Sheekh inay firaaqaas muuqda buuxin karaan xilliyada soo aadan.

    The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la tagay hal-abuurkii mucaaradnimada – Sidee? appeared first on Caasimada Online.

  11. w1280-p4x3-20150930-palestinian-flag-m.j

    Kooxda Xamaas ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saartay 6 maxbuus oo meydadkooda laga helay marinka Rafah kuwaasi oo Israa’iil sheegtay in ay Xamaas dishay.

    Xamaas ayaa sheegtay in maxaabiistaasi dhimashadooda ay mas’uul ka tahay Israa’iil oo duqeyn iyo xasuuq ka wadda Qasa, iyadoo warsaxaafadeedka lagu caddeeyay in ay maxaabiistan ku dhinteen duqeynta Israa’iil.

    Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in uu Mareykanka sabab u yahay dhimashada maxaabiistaasi, sababtoo ah taageerradiisa Israa’iil oo ku dagaallamaysa hubka uu siiyay.

    Warka dhimashada maxaabiista markii uu soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Biden ayaa sheegay in ay ku bixinayaan dadaalkooda sidii heshiis loo gaari lahaa, si loo badbaadiyo maxaabiista. 

    PUNTLAND POST

    The post Xamaas oo warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saartay maxaabiis ku dhintay marinka Rafah appeared first on Puntland Post.


  12. xasan-sheekh-iyo-abiy-axmed.jpg?fit=2048

    Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya iyo Soomaaliya waxay u muuqdan kuwo aan is hureyn, markaad eegto wixii ka dhacay Xudur iyo farriintii maalmo ka hor ka timid Hiiran iyo Gedo, ee ay dad Soomaali ah kula safteen Itoobiya.

    Labada dal waxay horey u dagaalameen labo jeer 1964 iyo 1977. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka, oo Dowladdihii jiray u sahlay iney shacabku bixiyan xoog, xoolo iyo naf. Sidoo kale madaxdu waxay ahaayeen dad la jecelyahay oo hadalkooda loo hoggaansamo.

    Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cade, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud.

    Dagaalkii 1977, ruuxda dagaalku waxay aheyd iney Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan kusoo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Maxamed Siyaad Bare, Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.

    2024, hadii la is huri waayo, madaxda aragtida dagaal ee Soomaaliya hormuud u noqon kara waa Xasan Sheekh Maxamuud, Jaamac (madaxa na furan), Ibraahim Sheekh Muxdiin iyo Sanbaloolshe.

    Hadaba iyadoo maanta ay Soomaaliya Federaal tahay, gobolladeena qaar ay Itoobiya dad Soomaali ah ka hadal-siisay, lix gobal oo dalka ka mid ah ay ciidanka Itoobiya joogan, Xasan Sheekh uusan aheyn madaxweyne shacbi ah oo la jecel-yahay, Dowladnimadeenii ajinabi ilaaliyo, argagixiso dhexdeena lagu abuuray.

    Maxaa noqon kara ruuxda ama aragtida mideyn karta dadka Soomaaliyeed si loo difaaco dalka, Yeyse tahay iney ummadda la hadlan oo warkoodu wax gooya, la aaminaya, oo kicin kara dadka?

    W/Q: Abdullahi Osman Farah

    The post Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale aan is-hureyn iyo mid Soomaalida seegan appeared first on Caasimada Online.

  13. Falcelin xoog leh oo ka dhalatay xildhibaanno ka soo jeeday deegaanada koonfur galbeed ayaa qabsatay baraha bulshada iyo fagaareyaasha dadka Soomaaliyeed ku kulmaan, waxayna dadweynaha intooda badani falkaas ku tilmaameen gef ka dhan qaranimada dalka.

    Xildhibaanadan oo ka soo jeeday gobolka Bakool ayaa si taban uga  hadlay gardarrada iyo damaca guracan ee Itoobiya ay ku doonayso kala dhantaalidda midnimada Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya iyo qaadashada qeyb kamida badda, waxayna muujiyeen dareen ay dalkaas cadowga ah ku taageerayaan.

    Mudaneyaashan qaarkood oo tilmaamay inay dowladda Soomaaliya uga aragti duwanyihiin qaabka ay u wajahayso howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona ayaa warbaahinta la hadlay xilli xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareerayso, waxayna sheegeen in Itoobiya ay dalka Abaalweyn ku leedahay sida ay hadalka u dhigeen, balse maaliyiin dadweyne ah ayaa ka carooday weeraha Itoobiya farxadda u ah ee ay ku hadleen.

    Aqoon-yahannada  iyo dad dhiigga waddaniyaddu ku jirto oo qaarkood soo jeediyay mudaneyaashan xasaanadda laga qaado ayaa ku eedeeyay dhabar jabin qaran iyo taageero u muujin cadow horar ah oo dalka qeyb kamida diorama inuu xoog ku qaato.

    Si kastaba ha ahaatee mudaneyaashan oo ka soo jeeda gobolka Bakool ayaa xaq u leh inay dowladda kala hadlaan cidda masuulka ka noqanaysa nabad-gelyada gobolkaas bixitaanka Ciidamada Itoobiya ka dib, balse inay si cad u taageeraan cadowga oo ay ku tilmaamaan gacal abaal weyn ku leh dalka ayaa loo arkaa meel ka dhac weyn oo qaranimada Soomaaliya ka dhan ah.

    Source: goobjoog.com


  14. Screenshot_20240901_115203_Facebook-1.jp

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Saajid oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kamid ah xildhibaannadii shalay taageerada u muujiyay Itoobiya ayaa maanta war cusub soo saaray, isaga oo ka laabtay mowqifkiisii hore.

    Saajid oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa marka hore raalli-gellin buuxda siiyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kadib taageeradii uu u muujiyay Itoobiya.

    Xildhibaanka ayaa ku dooday in hadalkiisa si qaldan loo dhigay, isla-markaana looga faa’iideystay kicinta xaaladda taagan.

    “Shacabkeyga qiimaha badan ee wanaagga iyo wixii maslaxadooda ka hadlay igu yaqaanay inaan af buuxdo ugu sheego kun jeer iga raalli ahaada haddii aad sidaas wax u garateen” ayuu yiri Xildhibaanku.

    Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Itoobiya ma taageerin horay uma taageerin, hadda ma taageersani, mana taageeri doono warkaas ma cad-yahay” .

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, wuxuuna farriin u diray Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso Soomaaliya

    “Waxaan aaminsanahay gobanimada Soomaaliya lama taabtaan inay tahay, xuduudadeeda lama taabtaan inay tahay, Itoobiya hadda ayaan u sheegayaa haddii ay i maqleyso cidi foodeed kuma taageeraayo ee quuso” ayuu mar kale yiri Saajid.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xildhinaanadii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya iyo dhaqaaqeeda gobollada Baay iyo Bakool ay la kulmeen dhaleeceen xoogan iyo dhaliilo ay kala kulmeen inta badan shacabka Soomaaliyeed.

    Hoos ka daawo muuqaalka

    The post Daawo: Mid ka mid ah xildhibaannadii taageeray Itoobiya oo raali-gelin bixiyay appeared first on Caasimada Online.