-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo xiray shirweynaha dib u heshiisinta beelo walaalo ah ee ku diriray Jubba Hoose. Shirkan waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlada Odayasha Dhqanka Culimada iyo Sidoo kale beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ay dhax martay, Madaxweynaha Jubbaland oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay dhiiga qof Muslim ah oo macna darri lagu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa. Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbadan beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dagaaladu ka dhaceen isla markana cid walba laga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowlad goboleedku ay wado ay u hogaansanto. Dowlad goboleedka Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynaha in aysan mar dambe ka gacan laaban doonin colaad kasoo cusboonata deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen, xili labbada beelood ay madasha ka balan qaadeen in ay is cafiyeen mar dambana uusan dhici doonin dagaal dadka deegaanka u dhexeeya. “Waxaan rabaa saakay inaad qaadataan dhulka ilaahay baa iska leh, qof walbana intuu ku nooleeystuu ku leeyahay, Guddiga waan la dardaaramay Iyo Culimada labba qolana waan u sheegay laangooyada, dhulka la oodayo, waxa badan ee la jiidayo, hala joojiyo” ayuu yiri Madaxweynhaa Jubbaland oo la dardaarmaya dhamaan dadkii kasoo qayb galay shirwaynahaa iyo guud ahaan dadka ree Jubbaland. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dhulka ay Dowladu Masuul ka tahay isla markana qof walba oo ree Jubbaland ah uu dagi karo kuna noolaan karo halkii uu doono waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in la joojiyo Dhulka la oodayo taas oo yaraynaysa khayraadka daaqa sidoo kalana samaynaysa dhibaato dhinaca Cimilada ah iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhul daaqsimeedka la xiriirta. Madaxweynaha Jubbaland oo labbadiisa garbood ay taagan yihiin labba ugaas ayaa yiri “Labbad Ugaas waxaan rabaa anigoo masuul ah oo ilaahay maantay masuuliyad iga saaray inaan balan idinkula galo sidaan shalay mid walba gooni ugula hadlay howshaas in lasoo afjaro, dadkii la dhax galo, la dhax ordo, baadida la daayo dadkii la isku keeno, ardaalka aan iska qabano intaa balan maku galnay Alla hortiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ee xanta Gobalka Mudug iyo magaalada Afmadow ee Jubbaland si sare loogu qaado dadaallada la tacaalidda xanuunka COVID-19. Qalabka caafimaad ee la geeyay magaalada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka socota Puntiland iyo Galmudug, ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalku ay waddo ee kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ee dhibaatada badan ku haya. Dad ku nool magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac ayaa laga soo qaaday dhacaanno shaybaarka qaranka lagu marsiiyo baaritaan dhanka COVID19 ah. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo dhaqaatiirta safka hore uga jira la tacaalidda xanuunka COVID19 ayaa sidoo kale tababar siiyay dhaqaatiirta ka shaqeynaya kahor tagga Feyruska Karoona ee sugan magaalada labadeeda dhinac ee Galmudug iyo Puntiland. Mas’uuliyiin kale oo sidoo kale ka socda wasaaradda caafimaadka oo qalab iyo dawo geeyay magaalada Afmadow ee dowlad gobaleedka juballand ayaa dhacaanno kasoo qaaday qaar kamid ah bulshada ku nool magaalada si iyana baaritaanno loogu marsiiyo Sheybaarka Qaranka. Mas’uuliyiinta lagu wareejiyay qalabka caafimaad ee lagula tacaalayo COVID19 ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay dawada iyo qalabka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta Feyruska Karoona. Howl-wadeennada farsamo ee magaalooyinka dalka geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradii seddaxaad oo muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo qaaday dalka Sacuudiga ayaa galabta kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradan ayaa kasoo duushay magaalada Jidah ee dalkaas Sacuudiga waxayna siday 126 qofood, oo kala ah 24 dumar ah iyo 102 rag ah. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Muqdisho laga soo dejiyay dad Soomaaliyeed oo sidaan oo kale looga soo qaaday dalka Sacuudiga Carabiya. Diyaaradii tan ka horeysay ee shalay kasoo dejisay Muqdisho qeybtii labaad ee dadkaas ayaa keentay tiro la eg tan maanta oo aheyd 126 qofood. Sidoo kale maalinkii ka horeysay ee Jimcaha ayaa Muqdisho laga soo dejiyay 132 qofood oo dhamaantood laga keenay dalka Sacuudiga. Dadka seddaxdii maalmood ee u dambeysay laga soo celiyay Sacuudiga ayaa u badan caruur iyo haween, waxana la sheegay in badankood ay xabsiyo ku jireen oo laga soo kala qabtay magaalooyinka dalkaas Sacuudiga, halka kuwa kalena ay isku dhiibeen booliska baacsanayey si loogu soo celiyo dalkooda. Guddiga ay dowladdu u xilsaartay soo celinta dadkaas waxay habeen ka hor garoonka Muqdisho ka sheegeen in seddax loo qeybiyay dadka laga soo dalka Sacuudiga, waxaana galabta la keenay qeybtii seddaxaad. Guud ahaan dadka laga soo celiyay seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay dalka Sacuudiga, waxay tiradoodu noqaneysaa 384 qofood oo iskugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah. Dowladdu waxay sheegtay in soo celinta dadkan uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kasoo shaqeeyay guddi loo xilsaaray dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku kala xaniban daafaha dunida. Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dadkan ay yihiin dad tarxiilay oo ay soo dirtay dowladda Sacuudiga. Halkan ka aqri xogtaas.
-
Somalia’s al-Shabab fighters have on Thursday executed a man whom they accused of practicing witchcraft, a sign of the insurgents’ control of southern swathes of the country, even as authorities step up efforts to combat them. Al Shabaab’s grip on the Horn of Africa nation has been weakening since it was pushed out of the capital by African Union peacekeepers in 2011, but the government and the U.S. military are beefing up an offensive against it. An al Shabab judge, who read the court’s verdict at the public square, said the man was found guilty of practicing witchcraft and going against the teachings of Islam. According to a statement posted on its affiliated media online sites, the man who is identified as Abukar Haji Omar was executed at a public square in the outskirts of southern town of Qoryoley in Lower Shabelle province immediately after the judge in the al-Shabab court declared him guilty. Al-Shabab courts do not allow lawyers to represent the defendants, and the evidence largely relies on alleged confessions. Critics believe that al-Shabab’s militias torture the accused to force the confessions The group did not give a reason for the surge in executions, but has been the target of dozens of U.S. airstrikes over the past two and a half years. The airstrikes are often ordered on the basis of ground-level intelligence collected by Somali government sources. Al Shabab group often execute, amputate, behead, and flog people it accuses of espionage, rape, theft, among other crimes. But these victims do not get fair legal representations. For over 10 years, al Shabab, which has links with al Qaeda-linked, has been fighting to topple the government of Somalia. It has been driven out of major urban areas including Mogadishu, but it is still capable of carrying out high-profile attacks within and outside Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweysay hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa inay ka go’antahay qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda. Sidoo kale Madsha ayaa qoraalkan ku sheegtay in mar kasta ay dowladda federaalka ugu baaqeyso qabashada doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku dhacda. “Haddaba si loo fuliyo waajibaadka dastuuriga ah, waxay Madashu dhiirigalineysaa in dawladdu ka dhabeyso hadalkaas, ayna aqbasho qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada Barlamaanku ansixiyay loogana heshiiyo jadwalka iyo nooca doorasho ee dalku aadayo” ayaa lagu yiri. Dowladda ayaa la rumeysan yahay inaysan aqbali doonin shirka ay ku baaqday Madasha, sida ay xubno ku dhow Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online) – Qoraalka Madasha ayaa intaas ku sii daray, “Si looga fogaado tabashooyin siyaasadeed oo hor leh oo curyaamin kara geeddi socodka nabadeynta dalka, waxay MXQ soo bandhigeysaa mabaadi’ida lamataabtaanka ah ee ay tahay in lagu saleeyo doorashada 2020/2021-ka.” Illaa shan qodob ayaa ayey Madasha Xisbiyada Qaran ku tilmaantay inay saldhig u noqon karaan nabad iyo dowladnimo waarta oo ka hirgasha dalka waxay qodobadaasi kala yihiin: 1 – Wakhtiga doorashada. Doorashadu waa iney kudhacdo wakhtigii ay muddeeysneyd, kaasoo ku suntan dhammaad ka muddo xileedka golayaasha iyo hoggaanka dastuuriga ah ee dalka. Waa in laga fogaado marmarsiiyo kasta oo keeni karta dib u dhac ama muddo kororsi. 2 – Doorasho heshiis lagu yahay Maadaama uu maamulka talada dalka haya ka gaabiyey howlihii saldhigga u ahaa doorasho qof iyo cod ah oo si xor ah u qabsoonta, islamarkaana uu muddo xileedkoodu gabaabsi yahay, waxaa lagama maarmaan ah in saamileyda siyaasadeed ay heshiis loo dhanyahay ka gaaraan hanaanka doorashada sidii horeyba loo sameynjirey. 3 – Ka qeybgalka xisbiyada Xisbiyada siyaasadda waxay ka mid yihiin tiirarka ay ku taagantahay doorasho kasta oo dimoqraadi ah waxaana waajib ah iney ka qaybqaataan doorashada qaran 2020/21. Xisbiyada Qaran ee la diiwaangeliyay waxay maskax iyo maal galiyeen sidii looga guuri lahaa hannaanka 4.5 oo hogaanka dalku ku imaan lahaa rabitaanka dadweynaha, sidaa awgeed MXQ waxey ugu baaqeysaa dhammaan dawlad goboleedyadu iney ogolaadaan in Xisbiyadu ka hawlgalaan deegaankooda, xafiisyana ka furtaan. 4 – Doorasho dalka oo dhan ka dhacda: Inkastoo dalkeenna ay ka jiraan duruufo adag oo amni iyo kuwa siyaasadeed, haddana waa lagama maarmaan in doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda dalka oo dhan si isku mid ah oo caddaalad ku saleysan. 5 – Gobolka Benaadir. Gobolka Benaadir wuxuu ka midyahay 18-ka gobol ee JFS, wuxuuna gobollada kale dheeryahay in dadka deggani ay bixiyaan 100% dakhliga ay ku shaqeyso Dowladda Federaalka. Sidaas darteed, gobolka Benaadir wuxuu xaq u leeyahay inuu matalaad siyaasadeed ku dhexlahaado golayaasha sharci dajinta dalka. Sidoo kale, wuxuu xaq u leeyahay in, sida gobollada kale, uu yeesho maamul ay dadkiisu si toos ah u soo doortaan, si ay ula xisaabtamikaraan.
-
Madasha xisbiyada qaran ee ka jira daka ayaa maanta qoraal ay soo saareen waxaa dowladda federaalka ah loogu baaqay in ay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda, iyagoo soo dhoweeyey hadalkii ka soo yeeray Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in xukuumaddiisa maanta ka dib ay ka shaqeynayso in dalka la gaarsiiyo doorasho. Madasha ayaa sidoo kale xustay dowladda looga baahan yahay in ay ka dhabeyso hadalkaas si deg deg ahna ay u qabato shir ay isugu yimaadaan saamileysa siyaasadeed ee dalka si loo dhaqaajiyo saharciga baarlmaanku ansixiyey loogana heshiiyo jadwalka doorashada iyo nuuca ay noqonayso sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Madasha. Halkaan Ka Akhriso Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalinlaha ee COVID-19 waxaa ay ku sheegtay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo Coronavirus kuwaas oo gaarayo 60 xaaladood waxaana guud ahaan dadka uu xanuunka uu soo ritay ka dhigeysaa 1976 ruux tan iyo markii uu dilaacay, Wasaaradda ayaa sheegtay in maanta kiisaskii ugu badnaa laga diiwaan geliyey dowlad goboleed Jubbaland oo laga helay 32 xaaladoo, halka Somaliland laga diiwaan geliyey 18 xaaladood oo cusub, dowlad goboleedka Galmudug 4 xalaadood ayaa laga helay iyo gobolka Banaadir oo maanta wasaaraddu ka xustay in laga helay 6 xaalad oo cusub. Wasaaradda ayaa maanta diiwaan geliay in xanuunka Coronavirus ay dalka ugu geeriyoodeen 5 taas oo tirada dadka ugu dhintay dalka ka dhigeyso 78, halka ay xanuunka ka bogsadeen 21 ruux taas oo ka dhigeyso dadka xanuunka ka soo caafimaaday 348 qof, xaaladaha la helay maanta 53 kamid ah waa Rag halka 7 yihiin Dumar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay illaa 60 xaalado cusub oo COVID-19, waxaana cudurka ka bogsooday 21 qof, iyadoona ay sidoo kale geeriyoodeen 5 bukaan oo kale. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 53 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 7-da kale ay yihiin haween. 32 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan-geliyay Jubbaland, Somaliland 18, gobalka Banaadir 6 iyo Galmudug 4 qof. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan-geliyay ayaa gaartay 1,976 waxaa bogsootay guud ahaan 348 ruux, halka 78 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi-gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hortagga iyo xakameynta Feyruska Karoona. View the full article
-
Guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka qaranka ee BFS ayaa maanta kulankoodii soo gabagabeeyey, waxayna warbixintooda ku saabsan afarta xeer ee loo xil-saaray u gudbin doonnaan guddoonka labada Aqal. Xubnaha guddiga xeerka ay soo diyaariyeen ayaa waxaa ku jira matalaada Aqalka Sare uu ku yeelan doono gobolka Banaadir, kaas oo markii ugu horeeysay laga siiyay 7 xubnood. 7 xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare ayaa waxaa lagu dooran doonaa habka 4.5 ee beelaha, iyada oo Aqalka Sare lagu kordhinayo xubno ka dheeri ah inta uu hadda yahay. Sidoo kale 7 kursi ee Aqalka Sare laga siiyay gobolka Banaadir markii ugu horreysay ayaa waxaa go’aan ka gaari doono hoggaanka sare ee dalka, sidoo kale meel marintooda waxaa loo baahnaan doonaa wax ka bedal dastuurka oo laga rabo baarlamaanka labada Aqal. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa diyaar-garow ku aadan doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee 2020 illaa 2021-ka , iyada oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhawaan sheegay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-31052020.mp3 View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii maanta ka dhacay duleedka magaalada caasimadda Muqdisho, ka dib markii qarax uu miino oo wadada la geliyey ay haleeshay gaari Caasi ah oo ku sii jeeday Magaalada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana wax ku noqday dad ka badan 21 ruux shacab Soomaaliyeed ah. Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay dowladda ay tacsi iyo tiiraanyada ay la qeysanayso qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose sida lagu yiri qoraalka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa degaanka Golaley ee degmada Balcad ay qeyb ka yihiin ciidanka ilaalada guddiga ku mashquulsan baaritaanka musiibadii dhacday. Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiil ay tuhmayaan in ay ku lug lahaayeen musiibadii dhacday ay hadda safka hore uga jiraan ilaalinta guddiyada baaritaanka wada, sidoo kalane ay qaarkood qeyb ka yihiin baaritaanka socda. “Mar haddii ay ilaalada guddiga yihiin, dadka ay la kulmayaan guddiga ay saameyn ku leeyihiin mararka qaarna ay iyaga door weyn ku leeyihiin baaritaanka waxaa noo muuqato in aysan waxba ka soo bixi doonin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka. Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugan Golaley islamarkaana lagu eedeeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay degaankaas ayaa la sheegay in mas’uuliyiinta ku sugan degaankaas ay ilaalo u yihiin islamarkaana ay ka qeyb galeen su’aalo weydiinta dadka degaanka, taas oo meesha ka saareysa in ay shacabka ku dhiiradaan ka hadlidda tuhunada ay qabaan. Senator Muuse Suudi Yalaxow, ayaa shalay warbaahinta u sheegay in aan dowladda Somalia laga filayn, in ay baaritaan dhab ah ku sameyso musiibadii degaankaas ka dhacday.
-
Wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in dedaalkii uu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya uu fashilmay. Wargeyska The reporter oo shalay warbixin ka qoray hub ay dawladda Masar ugu deeqday dawladda Soomaaliya, ayaa warbixintiisa ku soo hadal qaaday wada hadaladii uu Abiye Axmed ka dhex waday Somaliland iyo Soomaaliya oo uu wargeysku sheegay inay fashilmeen, labada dhinacna diideen inay si toos ah isu arkaan. Wuxuu ugu horayn wargeyska xogo ammaan oo uu soo xigtay u sheegeen in hubkaasi khatar ku yahay ammaanka gobalka oo marka horeba culaysyo ammni daro la ciirciiraya. Wuxuu soo hadal qaaday wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye oo qoraal uu ku qoray twitterkiisa ku cambaareeyay hubkan. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa iyaduna diiday inay ka jawaabto aragtida Itoobiya ee hubkan, laakiin xogahan uu wargeysku soo xigtay ayaa sheegay inay tahay inay dawladda Itoobiya dib u qiimayso xidhiidhka ay la leedahay qaar ka mid ah wadamada jaarka oo aanu wargeysku magacaabin. Wargeyska oo ka hadlaya dedaaladii Abiye Axmed ee isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ku soo gunaanaday warbixintiisa, “Bilihii u dambeeyay Soomaaliya iyo Somaliland waxay is dhaafsanayeen hadalo kulul, dhexdhexaadintii Abiye Axmed uu sameeyayna way fashilantay, iyadoo ay labada dhinacba diideen inay si toos ah isu arkaan.” Ayuu yidhi Wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa. Masar iyo Itoobiya ayaa si weyn isugu maandhaafsan biyo xidheenka ay Itoobiya dhisatay oo ay doonayso inay buuxiso bilahan, kaas oo ay Masarna u aragto khatar soo waajahaysa nolosha shacabkeeda oo ku tiirsan biyaha webiga Niilka, waxaana labada dal ay ku jiraan dedaalo diblomaasiyadeed oo ay doonayaan inuu midba midka kale ku muquuniyo, wararka qaarna waxay sheegayaan inay muuqato saansaan diyaar garow dagaal. Source
-
Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhaweysay hadalkii RW Khayre
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN)- War saxaafadeed ay maanta soo saareen madaxda xisbiyada qaran ayey si taxadar leh u soo dhaweeyeen hadalkii RW Khayre ee ku aadanaa qabsoomida Doorasho xilligeeda dhacda. Madasha xisbiyada qaran ayaa war saxaafadeedkooda waxa ay kaga dalbadeen Madaxda DFS qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada Barlamaanku ansixiyay loogana heshiiyo jadwalka iyo nooca doorasho ee dalku aadayo. Hoos ka aqriso war Saxaafadeedka oo dhamaystiran. View the full article -
DF oo war kasoo saartay qaraxii maanta ee duleedka Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay qaraxii maanta ay ku geeriyoodeen dad badan oo shacab ah kana dhacay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Dowladda waxey sheegtay inay tacsi u dirayso ehalada dadkii ku geeriyooday falkaas, waxeyna falkaas, oo ay ku tilmaamtay arxan darro, ku eedeeyeen fulintiisa Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Ma jirto cid sheegatay iney ka dambeysay qaraxii maanta dhacay, balse falalka nuucaan oo kale waxaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsada gawaarida dowladda iyo kuwa AMISOM ee sida weyn u isticmaala wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa falka wuxuushnimada leh ee argagixisad ay ku gumaaday Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee kooxaha naf lacaariga ah ee ay ku qaadeen gaariga dadweynaha ee marayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, dhammaan dadkaas shuhadada ah waxaan u rajeyneynaa inuu Alle siiyo naxariisto janno inta dhaawac ah Alle u boogo dhayo. Falkan arxan darada ah wuxuu cadeyn u yahay sida kooxaha calooshood u shaqeysatayaasha ah ee ka macaasha daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ay markasta ugu hamuun qabaan baabi’inta dadka si aan kala sooc lahayn. Dowladda Soomaaliyeed oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxay ku rajo weyn tahay in guul laga gaaro dagaalka lagu soo afjarayo kooxaha argagaxisada, Diin laawayaasha ah ee danta ka dhex arkay bur burinta dadka iyo baabi’inta ummadda. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare ee baarlamanka, sida ay go’aamiyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddigan, oo ka kooban 14 xubnood, ayaa maanta sheegay inay soo geba-gebeeyeen howshooda, iyadoo warbixintooda u gudbin doona Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka. Xeerarka Guddiga ay soo dhameystirayeen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii Gobolka Banaadir uu wax uga heli lahaa kuraasta Aqalka Sare ee baarlamanka, arrinta Somaliland iyo arrimo kale. Sida ay noo sheegeen xubno guddiga ka mid ah, waxay go’aamiyeen in 7 kursi oo dheeri ah lagu daro Aqalka Sare oo hadda ka kooban 54 kursi, ayada oo 7-da kursi lasii doono Gobolka Banaadir. Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in kuraastaas 7-da ah lagu dooran doono hab qeybsiga 4.5. In kuraastan la meel-mariyo ayaa u baahnaan doonta wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasi oo laga rabo baarlamanka Labada Aqal uu ku ansixiyo 3 meel labo meel. Xubno ka tirsan guddiga ayaa sidoo kale noo sheegay, qeybinta 7-da kursi ay go’aan ka gaari doonaan hoggaanka sare ee dalka. Arrntan ayaa khilaaf cusub horseedi doonto, ayada oo la rumeysan yahay in beelaha dega Muqdisho ay ka dhiidhin doonaan in dad aan u dhalan gobolka ay Aqalka Sare ku matalaan.
-
Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax ) ayaa si kulul waxa uu kaga hadlay qarixii dadka badan ay ku dhinteen ee maanta ka dhacay agagaarka isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Guddoomiye Najax ayaa u tacsiyadeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxaas, isaga oo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu faray laamaha amniga ee degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha inay xoojiyaan amniga waddadaasi. Qarixii saaka ka dhacay duleedka M/ Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad illaa 6 ruux oo saarnaa gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda ama Caasi. View the full article
-
A roadside bomb explosion hit a passenger bus in the outskirts of the Somali capital Mogadishu on Sunday, leaving ten people killed and several others injured, a security official told Caasimada Online. The security official, who spoke on condition of anonymity, said that the roadside bomb struck the civilian bus while it was traveling between Hawa-Abdi and Lafole near Afgoye town, about 30 km south of the capital Mogadishu. “An explosive device hit a traveling bus carrying 23 passengers near “Hawa Abdi” village, killing ten passengers and injuring 13 others, six of them seriously wounded,” the source added. The injuries were transported to Mogadishu for medical treatment. No group has so far claimed responsibility for the attack but Al-shabab frequently plants roadside bombs and landmines to target Somali security forces and AMISOM. The roads of the region are riddled with mines which are the main weapons used by Alshabab fighters against Somali forces, AU forces and government officials. Similar explosions struck numerous convoys of African Union Forces in Somalia, the group fights for flushing out foreign forces to oust the Somali government and impose Islamic sharia law in the country according to their claim. Somalia has been in a state of chaos and lawlessness since the early 1990s, when Dictator Mohamed Siyad Bare has been toppled by clan-based warlords.
-
Madaxweynaha dowlad gobolkeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo ka furay shir lagu heshiisiinayo beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Jubbaland ayaa waxaa goob-joog ah inta badan odayaasha dhaqanka labada beelood ee ku dagaalamay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, xildhibaano, wasiiro iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha labada beelood inay dhaqan-geliyaan heshiiska ay wada gaareen. Heshiiskaan ayaa soo af-jaraya dagaal beeleedyo sababay xiisado in muddo ah ka taagnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. View the full article
-
Magaalada Xudur waxaa maanta lagu caleema-saaray Malaaqa cusub ee beesha Likse, Malaaq Maxamed Yare Abuukar Axmed oo loo yaqaano ( Maxamed Yare Jiis ). Munaasabadda caleema-saarka oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb-galay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada Baay & Bakool. Dhammaan Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay madasha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Maxamed Yare Jiis uu ku matalo magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Xudu.mp3 View the full article
-
Tripoli (Caasimada Online) – Awooda cirka ayaa door muhiim ah ka cayaartay colaadda Libya. Dhulka lama degaanka baahsan ee waqooyiga iyo xeebta waxaa uu ka dhiganyahay in ciidanka dhulka meesha ay joogaan si fudud lagu ogaan karo, meelo lagu dhuntana waa ay ku yartahay. Ciidanka Cirka ee Dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo ciidamada Khaliifa Xaftar, labadooduba waxay isticmaalayaan diyaarado hore eoo Faransiiska iyo Midowgii Soofiyeeti sameeyeen. Inkatoo inta badan dagaaladda loo adeegsanayay diyaaradaha duuliyaha leh, hadana meelaha qaar waxaa ka dagaalamayay diyaarado aan duuliye lahayn. Ku dhawaad 1000 duqaymood ayey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Libya Ghassan Salame, waxaana uu ku tilmaamay “dagaalkii ugu weynaa dunida ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhowr sababood ayey muhiim u yihiin. Keliya mahan in ay xogta muhiimka ah ee cadowga meel fog ka arki karaan, laakiin waxay sidoo kale awoodaan in ay deg-deg u weeraraan bartilmaameedyo walba oo ay u dhowdahay in ay ku guuleystaan. Hadii xitaa diyaaradda lasoo rido, duuliyuhu waa uu badbaaday, waxaana uu awoodaa in uu diyaaradda kale duuliyo, isagoo dhulka jooga. Guushii hore ee ciidamada dowladda Markii Libya la geeyay diyaaradaha Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong sanadkii 2016 waxay wax ka bedeleen awoodda ciidanka khaliifa Xaftar. Markii u horreysay waxaa loo adeegsaday dagaalkii Derna ee bariga Libya. Diyaaradaas Shiinaha oo ay howlgelinayeen duuliyeyaal u dhashay Isutagga Imaaraadka Carabta waxay ka duuleen garoonka diyaradaha Al-Khadim waxayna weerari kareen 1,500km taas oo micnaheedu yahay in ay gantaalada iyo bambooyinka gaarsiin karaan meel walba oo wadanka ah. Diyaaradahaas waxaa loo adeegsaday in ay saameyn adag ku yeeshaan dagaalka Tripoli, halkaas oo Khaliifa Xaftar uu bishii April 2019 ku dhawaaqay in uu ka qabsanayo Dowladda Qaramadda Midoobay taageerto. Ciidanka Dowladda dib ayaa loo riixay, caasimadda waxaa go’doomiyay xoogagga Khalifa Xaftar. Markii laga hadlo duqaymaha cirka, geerida shacabku waa ay korortay iyadoo la bartilmaameedsanayay meelaha magaalooyinka ah. Waxaa jiray shaki ah in Dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Fayez al-Serraj ay sii taagnaan karto, iyadoo ay taageerayeen Qatar iyo Talyaaniga. Faro-gelintii Turkiga Dhamaan arrimahaas waxaa ay is bedeleen bishii December 2019-kii markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku dhawaaqay in Turkigu uu taagero militari siinayo Dowladda uu hogaamiyo Al-Serraj. Erdogan waxaa uu Libya u diray Ciidan militari ah oo wata diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee magacoodu yahay Bayraktar. Waa diyaarado ka yar kana riddo gaaban kuwa Shiinuhu sameeyay ee Wing Loong. Hase yeeshee, Bayraktar waxaa ay weli awood u leeyihiin in ay weeraraan islamarkaana bur-buriyaan bartilmaameedyada dhulka ee ciidamada Khaliifa Xaftar. Ciidanka Dowladdu hadda waxaa ay horumar ku sameynayaan diyaraaradahaas, taliyeyaashooduna waxay yaqaanaan meesha uu cadowgu joogu. Waxaa sidoo kale ciidanka iskumar layimid gantaaladda Hawk iyo hubka kale ee difaaca hawada. Garoonka magaaladda Tripoli ee Matiga hadda si cadi ah ayuu u shaqayn karaa cabsi la’aan. Natiijadu deg-deg ayey noqotay markii Ciidanka Dowladdu ay dagaal iyo duqaymo biriq ah adeegsadeen, kuwaas oo ay kula wareegeen magaalooyinka Surman, Sabratah, Al-Ajaylat iyo magaalo-xeebeedka Al-Assah. Waxaa ku xigay weerarro isdaba joog ah oo ku wajahan garoonka cirka ee Al-Watiya ee ciidanka Xaftar ay u isticmaalaan saldhigga ugu weyn ee howlgaladda. Saldhigii waxaa ugu dambeyntii la qabsaday 18-kii May, waxaana ay dharbaaxo ku ahayd damacii Xaftar ee galbeedka Libya, keliya saldhig uma ahayn waxay sidoo kale u ahayd xarumta saadka iyo saanadda. Ciidanka Khaliifa Xaftar, waxaa lagu qasbay in ay dib u gurtaan, waxaana fashilmay habka difaaca cirka ee Ruushku sameeyay, balse ay soo iibiyeen Imaaraadku ee Pantsir S-1. Warbaahinta ayaa wariyay in duqaymaha adag ee diyaaradaha Turkiga Bayraktar ay waxyeelo gaarsiiyeen radar-ka Pantsir. Horumarro ay ciidanka Dowladdu ka sameeyeen koofurta iyo bariga waxay lumiyeen damacii Xaftar ee ahaa in uu caasimadda qabsado, iyadoo ciidankii daacadda u ahaana lagu qasbay in ay dib u gurtaan. Boqolaal calooshood u shaqaysteyaal ah oo ka yimid militari-ga Ruushka ayaa laga daad gureeyay garoonka Bani Walid ee diyaarada, kadib guul-darrooyinkii Khalifa Xaftar. Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Libya waxay leedahay rajo dowladnimo oo ka madax-banaan Khaliifa Xaftar iyo dalalka taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta, waxaana taas looga mahad-celinayaa awoodda cirka ee Turkiga.
-
Xaafadda Raadeelka ee degmada Dayniile waxaa maanta ka dhacay dil loo geystay Allaha u naxariistee gudoomiyihii Waaxda Halgan ee dagmadaasi, C/qaadir Fooldib Axmed. Dilka waxaa geysatay xaaskiisa, kadib markii ay Toorey si gaadmo ah ugu dhufatay, isagoona markii dambe dhaawac ahaan ugu geeriyooday isbitaalka. Wararka ayaa sheegaya in xaaskiisa ay u dishay arrimo la xiriira Maseyr, kadib markii ay ku weerartay guriga xaaskiisii hore oo xilligaasi uu la joogay, si uu u booqdo caruur ay u dhashay marxuumka. Ehellada Marxuumka ayaa sheegay haweeneyda falka dilka ah geysatay gacanta lagu hayo, islamarkaana sharciga la horgeyn doono. Maalmahan dambe Muqdisho waxaa ku soo badanaya lamaanaha is-qaba ee falalka dilalka ah isu gaysanaya, waxaana tani ay muujineysaa mid halis ku ah bulshada. View the full article
