Somalia has launched a portal to publicise information how donor money is utilised in a bid to raise the transparency in the eyes the public and the international community.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran oo uu hoggaamiyo ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in bandowga saaran magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo rogtay dowladda federaalka uu yahay mid sharci darro ah soona marin habraaca saxda ah ee ku qeexan dastuurka ku meel gaarka ah.
“Madashu waxay caddeynaysaa bandowgaan la soo rogay uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee ku qeexan datuurka JFS qodobka 131-aad sidaa darted uu yahay sharci darro” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya madasha xisbiyada qaran.
Dhanka kale madasha ayaa ka tacsiyadeysay dadkii lagu dilay degmada Boondheere, waxa ayna ku baaqday in ciddii falkaasi ka dambeysay oo isugu jirta saraakiil iyo askar sharciga la hor keeno.
Ugu damebeyn madasha ayaa dowladda Farmaajo ugu baaqday inay ilaaliso mabaadii’da caalamiga ah ee ku xusan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka u yaalla.
Dowladda Soomaaliya ayaa bandow dhowr jeer wax laga badalay ku soo rogtay caasimadda Muqdisho iyada oo haatan lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan dadka ayaana bandowgaan walaac ka muujinaya.
MOGADISHU (HOL) - COVID-19 cases in Somalia have crossed the 400 mark as the death toll shot up to 23 in about one and half month since the global pandemic was discovered in the country.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha maaliyadda iyo maamulka Ibraahim Mahad Alle iyo guddoomiye ku xigeenkii gobalka Banaadir ee howlaha guud Fiidoow, isaga oo magacaabay masuuliyiin cusub.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.
“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada guddoomiye Ku Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,
Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa 26ka Abriil, 2020.
Laamaha Amniga Puntland ayaa nawaaxiga degaanka Buraan ee Gobolka Haylaan ku qabtay laba kamid ah dableey hubaysan oo shalay dil ka gaystay jidka u dhexeeya tuulooyinka Cawsane iyo Midigale ee Gobolka Sanaag.
Kooxda ayaa shalay subax dil u gaystay nin dareewal ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiwahaab Cawil kaasi oo watay gaari Land Cruiser islamarkaana ka yimid dhanka Ceeldaahir sidoo kale waxay wateen gaarigii marxuumka.
Dableeyda ayaa gaarigaas ula baxsaday degaanka Buraan ee Gobolka Haylaan halkaas oo laga soo qabtay laba kamid ah kooxda oo ka koobnaa shan ruux inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin saddexdii kale.
Labada nin ayaa lagu soo qabtay gaarigii marxuumka iyo laba qoryaha fudud ah waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga si loo hor-geeyo sharciga.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa war cusub ka soo saartay weerarkii madaafiicda ee ay shalay ku qaaday gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay guullo uga sheegateen weerarkaasi, iyaga oo shaaciyey inay ku dileen illaa afar Ajaaniib ah oo ku sugnaa xeradaasi.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warkaan ku sheegatay inay weerarkaasi hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacday illaa saddex kale, sida ay hadalka u dhigtay.
“Duqeyntii ay dagaayahanada Al-Shabaab shalay ku qaadeen Xalane waxaa ku dhintay 4 ajnabi ahaa, seddax kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray.” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee degan xarunta Xalane oo ku aadan weerarkaasi.
Xalane oo ay sidoo kale dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar kale oo madaafiic ah, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Si kastaba ha’ahaateen weerarkii shalay ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray qoysas daganaa xaafadda lagu magacaabo Tarabuushka oo ka tirsan degmada Wadajir, kadib markii ay ku dhaceen qaar mid ka mid ah hoobiyeyaashii la tuuray.
Kooxda Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in afar sarkaal oo Ajnabiya ay ku dhinteen duqeymo Al-shabaab la beegsatay xarunta XALANE oo uu ku yaallo Taliska ugu weyn ee AMISIM islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka.
Al-shabaab waxay sheegtay in madaafiic xiriir ah oo ay shalay ku garaacday xarunta XALANE ay ku dhinteen afar sarkaal oo Ajnabiya kuwaas oo ku sugnaa gudaha xarunta sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale.
Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in duqeyntii lala beegsaday XALANE ay haleeshay bartil-maameedkii laga doonayay kadib markii ay gudah Xarunta ku dishay xubno ka tirsan Shisheeyaha ku sugan XALANE.
Balse Al-shabaab faahfaahin kama bixin hay’adaha ay ka tirsanaayeen dadka ku dhintay madaafiicda ku dhacday xarunta XALANE iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan midkoodna.
Dhinaca kale Taliska AMISOM weli war kama soo saarin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta in duqeyntii shalay lagu dilay saraakiil Ajnabiya oo ku sugan xaruntooda.
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu xalay Afgooye ku dilay laba qof oo shacab ah.
Askariga ayaa la sheegay in uu si bareer ah rasaas ula dhacay labada qof ee rayidka ah kadib markii muran soo kala dhexgalay halkaasna ay ku geeriyoodeen labadii marxuum.
Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in askarigii dilka gaystay uu goobta isaga baxsaday islamarkaana maydadka labada qof ee shacabka ah daqiiqado kadib goobta laga soo qaaday.
Dilka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka uu magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo shacab ah kuwaas oo nin iyo haweeney ahaa inkastoo la soo qabtay askarigii dilkaas fuliyay.
Suxufigan ayaa laba xabadood ay kaga dheceen garabka bidix iyo gacanta, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Gargaar isagoo ay xaaladiisu ka soo raynayso sida ay hawlwadeeno caafimaad noo sheegeen.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta keentay weerarka lagu dhaawacay Oogle iyadoo wararka qaar sheegayaan in muran dhexmaray uu sababay, waxaase ciidanka booliska ay qabteen ninkii falka geystey.
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaan dal-dali doonin dadka gala dambiyada xilliga ay daad’dooda yartahay, waxaa sidaasi shaaciyay guddigaa xuquuqda aadanaha dalkaaasi.
Ku dhawaaqidda arrintan ayaa timid ka dib digreeto uu soo saaray boqorka Sacuudiga boqor Salmaan, waxaayna ku soo beegmaysaa maalmo uun ka dib markii ay boqortooyada sheegtay inay mamnuucayso ciqaabta Karbaashka.
Cahddiga Qaramada Midoobey ee xuquuqdad caruurta oo ay saxiixday Sacuudiga ayaa dhigaya in caruurta aan lagu ciqaabin dambiyada ay galaan marka ay yaryar yihiin.
Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxay sacuudiga ku tilmaameen dalka ugu xun dhanka dhowriidda xuquuqul insaanka.
Waxay hay’adaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in xorruyatul qowlka dalkaasi uu yahay mid hooseeya islamarakna dadka dowladda dhaliila lagula kaco xarig aan loo meel dayin.
Dad ay tiradooda gaarayso 184 qof ayaa boqoortooyada Sacuudiga lagu dal-dalay 2019, sida ay sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.
Ugu yaraan hal qof ayaa ka mid ahaa dadkaasi oo loo dadalay daambi uu sameeyay markii uu yaraa, sida ay sheegtaay Amnesty.
Bayaan uu Axaddii daabacay gudoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka Sacuudiga, Awwad Alawwad, ayaa lagu sheegay in dambiyada ay galaan caruurta marka ay da’dooda yartahay badalkii la daldali lahaa lagu badalay 10 sano oo xarig ah oo lagu haynayo xabsiyada caaruurta.
“Digreetadan waxay naga caawinaaysaa in aan helno xeer ciqaabeed casri ah,” ayuu yiri Mr Alawwad.
Ma cadda waqtiga go’aankan oo aan laga baahin warbahinta dowladda uu dhaqangali doono.
Tan iyo waxii ka dambeeyay dilkii saxafigii Jamal Khashoggi 2018, waxaa isha lagu hayaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga.
Horraantii toddobaadkan mid ka mid ah dadka sida wayn ugu ololeeya xuquuqda aadanaha Sacuudiga ayaa ku dhex dhintay xabsiga ka dib markii la shegay in caafimaadkiisa la dayacay.
Degmada Dayniile ayaa xalay guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe oo ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.
Labada degmo oo u dambeeyey Group-ka B is aragiisa koowaad ayaa muujiyey dadaal fara badan hayeeshee waxa ay guusha raacday tartamayaasha Dayniile oo la yimid dhibco gaaray 10, halka Balcad ay keensatay 8 buundo.
Dayniile ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee guul gaarta, tan iyo markii la bilaabay tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.
Barnaamijka oo caawa galaya habeenkiisa 5-aad ayaa waxaa ku madalsan degmooyinka Warta Nabadda iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale labadaan degmo ayaa ku wada jira Group-ka C, is aragiisa koowaad oo caawa lagu daah-furi doono Warta Nabadda iyo Marka.
Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa Madaxweynaha HirShabelle waxa ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo musuq-maasuq.
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle, Cabdi Xuseen ayaa isla xalay Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-Xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.
Mooshinada is-barbra socda ayaa muujinaya halka uu la egyahay Khilaafka soo kala dhex galay madaxda maamulkaasi oo marba marka ka dambeysa ka sii daraya.
In ka badan 60 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Sheikh Cusmaan Barre.
Mooshinka oo loo gudbiyay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geeddi waxaa ku saxiixan 63 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle kuwaas oo Guddoomiyaha ku eedeeyay in uu jebiyay Dastuurka islamarkaana baal-maray kala madax-bannaanida hay’adaha Fulinta iyo Sharci-dejinta.
Xildhibaannada Mooshinka gudbiyay ayaa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka waxay ka dalbadeen in uu furo Fadhiga Golaha iyadoo uu aqblay soo jeedinta si looga doodo Mooshinka.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre ayaa isna sheegay in uu qabtay mooshin kale oo ka dhana Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare kaas oo ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan kuwaas oo Madaxweynaha ku eedeeyay Musuq maasuq baahsan iyo ku tagri-fal awoodeed.
Mooshinnada iska horjeeda ee ka socda Hirshabeelle ayaa ka dhashay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas kaas oo keenay in xildhibaannada Baarlamanku la kal saftaan labada mas’uul.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu go’aan ka gaari doono khilaaf culus oo u dhaxeeya guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir Muuse Macallin Cabdi iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.
Khilaafka labadaan masuul ayaa soo jiitamayay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, waxa uuna sababay in guddoomiyaha maxkamadda gobalka lagu sameeyo shaqo joojin lana magacaabo mid ku-meel gaar ah, inkastoo uusan u hogaansamin shaqa joojintaas.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyadu ay gudbiyeen tabashooyinka ay kala qabaan kadibna la sugayo in Villa Somalia ka soo baxo natiijada xalka u noqon karta khilaafkooda.
Go’aanka soo bixi doono, oo aan la ogeyn inuu noqon doono mid warbaahinta lala wadaago iyo in kale, ayaa la sheegay in dhinacyadu ay heli doonaan, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maxkamadda gobalka Banaadir.
Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in khilaafka labadaan masuul uu salka ku haayo muran ka dhashay arimo lacageed iyo laba qof oo ka tirsan shaqaalaha Maxkamadda gobalka Banaadir oo mid kamid ah loo xiray eedo musuq maasuq midna loo xiray amar diido, kuwaas oo midkood ay qaraabo yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare.
Lama oga nooca go’aanka ay Villa Somalia ka gaari doonto khilaafka labadaan dhinac hase yeeshee khilaafkooda ayaa saameen weyn ku yeeshay howlihii garsoorka ee socday muddooyinkii la soo dhaafay, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadka shaqada u doontay maxkamadda gobalka Banaadir.
The chief epidemiologist of Sweden, the author of the Swedish strategy for combating coronavirus Anders Tegnell believes that the closure of borders and lockdown in Europe could not stop the spread of coronavirus, Berlingske reports.
New-car sales could drop by 25 per cent this year and your vehicle’s value fall by 17 per cent in a best-case scenario due to the COVID-19 crisis, while worst-case could see sales fall by 40 per cent, and vehicles drop by a quarter of their value.
1 – Askari ah 24 jir oo toogtay labo muwaaddin oo dhallinyaro ah (iyo ku dar askar kale oo iyaguna toogtay bajaajleey).
2 – Shacab dhallinyaro u badan oo sameeyay muddaaharaad dhaliyay khasaare iyo burbur ah hanti dadweyne.
Igu celi qodobka koowaad: Waxaa ii muuqdo 24 jir (u badi inuu dhashay 1996) ku soo hoos koray dagaal-ooge arxan darran, misana Itoobiyaan dul yimid, misana ay al-Shabaab ugu sii dambeysay. Wuxuu askarigaas markhaati ka soo noqday nolol qallafsan oo bin’aadnimada ka baxsan, kana tan weyn maskaxdiisa caruurnimo — oo laga yaabee in xitaa uu sidaa ku waayay waalid ama walaal ama xigto. Isagoon bogsoon cilmi-nafsi ahaan — oo aysan ka tirmin cajaladdii arxan-darrada aheyd ee uu sida tooska ah u soo daawaday markuu yaraa — ayaa maanta la yiri nabad-suge noqo, qorina loo dhiibay.
Aan u gudbo qodobka labaad: Dhallinyaro aan helin nolol iyo nidaam si buuxda u haqabtiro baahidooda tan iyo 1991 ayaa ciil-bax biday jeexidda sawirro tabeelle suran iyo shaagag laammiga lagu gubo iyo burburinta boosteejada baabuurta.
Xasuuso: Shacabkaas iyo askarigii wax dilayba da’doodu waxba ma kala weyna. Sidoo kale xasuuso askariga iyo shacabkuba dhufsane weynaha ay wadaagaan waa nolol duruufo adag leh oo ay markhaati ka ahaayeen. Dagaal-oogaan u turin. Itoobiyaan baan u turin. Al-Shabaab baan u turin. Siyaasi baan u turin. Ganacsato ayaan u turin. Dhallinyaradaas duruuftaas ku jirtay baa iyagana la yiri hal habeen ku noqda shacab la mid ah shucuubta weligood hoos harsanayay dowlad iyo nidaam.
Isku soo duub, way sahlan tahay inaynu la kala safanno labada qodob midkood. Wayna sii sahlan tahay in la siyaasadeeyo oo la yiraahdo askarigu wuxuu metalayaa Villa Somalia iyo mayee shacabka bannaan-baxayo waxay metelayaan oo gadaal ka soo riixayo mucaadradka. Hayeeshee waxaan sahlaneyn — xalkuna yahay — in dhallinyarada Soomaaliyeed laabta lagu qabto, loo turo, aan lagu danaysan, duruufaha adag ay ku jiraanna laga saaro kooda askariga ah iyo kooda shacabka ahba.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdullaahi Janno -Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdullahi.janno@gmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Muqdisho (Caasimada Online) – Tobaneeyo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in ay ku dhiban yihiin baaritaanka COVID-19, oo dowladda Soomaaliya ay shacabka u sameyso.
Qaar kamid ah shacabkaan ayaa noo sheegay in ay heli waayeen natiijada baaritaanka dhecaanadii laga qaaday islamarkaana ay qaarkood ka quusteen.
Sida caadiga markii qofka laga qaadayo baaritaanka waxaa loo sheegaa 24 saac gudahood hadii aysan Jimco soo gelin, balse waxaa la kulanay tobaneeyo dad ah oo ay natiijada ka maqan tahay 4 ilaa 5 maalin iyo qaar waayay oo ay ka soo wareegatay todobaadyo kadib markii laga qaban waayay numberadii loo qoray.
“Waxaan tagay 19-kii bishaan ilaa hada ma helin jawaabta baaritaankii laygu sameeyay waxaana waayay qof i dhaha ma qabtid ama waa qabtaa waayo waxaan qaadan lahaa daawooyin kale iyadoo aan layga hubina COVID-19 layma siin karo daawo kale,” ayuu yiri qof aan magaciisa qarinay oo kamid ah dadka ku dhiban natiijada baaritaanka COVID-19.
Kaliya ma ahan muwaadinkaan ee sidoo kale Caasimada Online waxay la kulantay dad ay siyaasiin ku jiraan oo arrintaan wajahaya “aniga oo aqaano wasiiradda wici karo hadii aan waayay maxaa ka filaysaa qof shacab ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan mid kamid ah dowlad gobaleedyada dalka uu baaritaan u tagay Martiini.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalin walba soo bandhigta tiro dad ah oo ay ku sheegtay in laga helay cudurka, balse waxaa jira boqolaal kale oo baaritaanka maray kadib markii ay iska shakiyeen, kuwaas oo aan wali la siinin natiijada.
Qaar kamid ah dadkii iska shakiyay ee is baaray ayaa hadda bilaabay iney shaqa tagaan waxaana suurtagal iney dad kale qaadsiiyaan haddii ay qabaan cudurka ay isaga shakiyeen COVID-19.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu aad u saameeyey dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho, isagoo walaac badan ka muujiyey sida xowliga ah ee cudurkaas uu ugu sii faafayo dalka.
Dr. Fuje ayaa sheegay in xanuunkaas uu ku dhacay dhakhaatiir badan, isbitaalada waaweyna midka ugu yar uu uga dhacay illaa 50 qof oo shaqaalaha caafimaadka ah.
“Hadii ay dhacdo in cudurkan dadka dhan uu gaaro isbitaal looma hayo, dhakhaatiirna looma hayo oo dhakhaatiirta aad ayuu nooga dhacay, waxaan idiin sheegayaa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho kan ugu roon illaa 50 qof ayuu uga dhacay oo shaqaalihii caafimaadka ah, marka ma jirto cid shaqeyneysa oo dadka baxnaanineysa, hadii sidaan wax kusii socdaan, marka waxaan soo jeedinayaa aan joojino oo hakino cudurkan”ayuu yiri Dr. Fuje.
Dhakhtarka ayaa ku taliyey in dadka waaweyn ay guryaha joogaan, isla markaana ay ka fogaadaan dhalinyarada ay waalidka u yihiin oo ay macquulka tahay inay cudurkaas u keenaan, maadaama ay iyagu u nugul yihiin.
Dadka illaa hadda gudaha dalka ugu dhintay cudurkaas ayuu sheegay inay u badanyihiin dad da’doodu ay ka weyntahay 50-sano jir.
Sidoo kale waxa uu aad ugu cel-celiyey Dr. Fuje in qof kasta uu xirto Maasgaraha afka lagu duubto, isagoo dadka ku shaqeysta Harqaamada kula taliyey, inay ka dhigtaan shaqa abuur oo ay sameeyaan maaskaraha afka lagu xirto, oo sida uu sheegay gaashaan weyn u noqon karta cudurka COVID-19.
In lakala fogaado ugu yaraan hal mitir, laguna dadaalo nadaafadda ayuu mar kale dhakhtarku kula dardaarmay bulshada. Si buu yiri ‘loo yareeyo faafitaanka cudurka COVID-19 oo kusii faafaya gudaha dalka’.
Hargeysa (Caasimada Online) – Xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka ayaa xiligan u muuqda mid hoos udhacay, xili ay Mas’uuliyiinta Somaliland ay aaminsan yihiin in uu xidhiidhka labada dhinac uu hoos uga dhacay meeqaamkiisi hore.
Caasimada Online ayaa isbar-bar dhig ay ku sameysay xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka, xiligii Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Muuse Biixi, ku ogaatay in xukuumadihii Kulmiye ay gebi ahaanba lumiyeen xidhiidhkii adkaa ee labada dhinac.
Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa waqtigii uu talada Somaliland hayey safar ku tagay dalka Mareykanka, isagoona kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Mareykanka ee xiligaasi, midaasi oo uu si weyn u cambaareeyay Madaxweynihii Soomaaliya ee waqtigaasi, Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
Arrinkaasi oo Somaliland markii u horeysay u suurtagaliyey in magaalada Hargeysa ay ku soo dhaweyso oo safar uu ku tago Kaaliyihii Mareykanka u qaabilsanaa Afrika, Jendayi Frazer sanadku markuu ahaa 2008-dii.
Socdaalkaasi ayaa xiligaasi u noqday Somaliland guul ay indhaha caalamka ku soo jeesato, midaasi oo horseeday in saxaafada caalamku ay qaado dhigto dalkaasi yar ee raadinaya aqoonsiga caalami ah.
Madaxweyne Rayaale ayaa dowlada Mareykanka xiligaasi ka dalbaday inay gacan weyn ka siiso howl-gal ay midowga Afrika dhexdiisa uga dhex raadineysay aqoonsi, sida ay faafisay shabakada siraha kashifta ee Wikileaks.
Rayaale ayaa ku doodi jirey in Somaliland ay gebi ahaanba ka gudubtay khilaafkii colaadaha ee Soomaaliya la daala-dhaceysay, isla markaana ay Somaliland ay istaahisho in la siiyo aqoonsi caalami ah oo ay ku noqoto dal madax-banaan.
Haddaba, xiligan uu talada hayo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu dhulka galay xidhiidhka meeqaamkiisu sareeyay ee Somaliland iyo Mareykanka, oo mar rajo laga qabay in uu horseedi karo inay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.
Madaxda ugu sareysa Somaliland ayaa hadda lagu eedeya inay gebi ahaanba lumiyeen dhamaan fursadihii ay xidhiidh adag ula sameysan lahaayeen dalalka caalamka ee quwadaha leh, isla markaana awoodoodii ku koobnaatay dhaleecaynta beesha caalamka iyo inay u xaglinayaan dhanka dowlada federaalka Soomaaliya.
Somaliland ayaa dhowr jeer eedeymo dusha uga tuurtay Danjire Yamamoto oo ku sugan Muqdisho, iyadoo ku eedeysay inuu uleexiyay gebi ahaanba mucaawinayoonkii dowlada federaalka ee ka talisa Muqdisho.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta ka dambeysa in xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay gebi ahaanba lumisay xidhiidhka ay xukuumadii Riyaale la laheyd Mareykanka, ay tahay inay ka urineyso in uu Mareykanku xiligan diyaar u aheyn inuu ku taageero dadaalada aqoonsi raadiska, oo xiligii Rayaale uu culeys weyn saaray sidii uu Mareykanku u gadaal uga riixi lahaa.
Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah u taageerta dowlada federaalka Soomaaliya, midaasi oo Somaliland ay u aragto in uu Mareykanku duulaan ku yahay madax-banaanida ay ku doodeysay mudada badan.
Waxaana xusid mudan in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, dhowr jeer oo uu safar ku tagay Hargeysa, uusan marnaba Madaxweyne Muuse Biixi ku soo hadal qaadin in uu Mareykanku qeyb ka noqdo dadaalada ay beesha caalamka kaga baadi-goobayaan Ictiraafka, balse arrinka kaliya ee ay ka wada-hadlaan uu ku qotomo doorashooyinka iyo taageero maaliyadeeda oo kaliya.
Ictiraaf raadinta Somaliland ayaa u muuqata inay mareyso meeshii u hoseeysay xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye, inkasta oo tii Siilaanyo ay weli rajo ka qabeen shacabku Ictiraaf raadinta, inkasta oo uu hadda gabalkeedu dhacay.
Madaxda Somaliland qaarkood iyo Odayaal dhaqamadkeeda ayaa xiligan u muuqda kuwo ka quustay in Somaliland ay hesho madax-banaani, iyada oo dhowaana ay isasoo tarayeen baaqyada dib loogu dalbanayo midnimada umadda Soomaaliyeed.
Somalia launches portal on aid flow transparency
in News - Wararka
Posted
Somalia has launched a portal to publicise information how donor money is utilised in a bid to raise the transparency in the eyes the public and the international community.
Source: Hiiraan Online