Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,004
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Degmooyinka Xamarjajab iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

    Labad degmo ayaa ku wada jira group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

    Sidoo kale degmooyinka Xamarjajab iyo Marka ayaa isku dhibco ah, marka dibloo eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana degmo waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena laga soo adkaaday.

    Tartan aqooeedka Shabelle ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana wareega labaad iska sii xaadiriyey illaa afar degmo oo kala ah Howlwadaag, Wadajir, Dayniile iyo Xamarweyne oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaan Banaadir.

    Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho.

    View the full article


  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahiyay in tiradii ugu badneyd ee hal mar kasoo goosta ciidamada maamulka Jubbaland lagu soo bandhigay goobo ka tirsan Jubbada Hoose.

    Sida lagu qoray warbaahintaas, ilaa iyo shan ka mid ah askarta maamulka Jubbaland ayaa ka goostay saldhig ku yaala deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka ka ah magaalada Kismaayo.

    Ciidmada ka goostay maamulka Juubaland iyo hubkooda waxey sida la sheegay isku dhiibeen xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

    Warka lagu faafiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in ciidamada is dhiibay ay dhibaato ka tabanayeen ciidamada Kenya.

    Liiska Ciidamada isku dhiibay Al-Shabaab:

    1. Aadan Cismaan Cumar
    2. Cusmaan Maxamed
    3. Xuseen Ibraahim Xasan
    4. Cabdullaahi C/qaadir Cumar.
    5. Maxamed Cali Bakar

    Al-Shabaab waxey sheegteen iney ciidamada kasoo goostay maamulka Jubbaland lacago ugu badaleen hubkooda isla markaana ay rajeynayaan iney dib ugu laabtaan eheladooda.


  3. Wararka naga soo gaaraya magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in webiga biyaha ay soo galeen inta badan magaalada iyaga oo go’doomiyey xaafado badan.

    Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyne waxaa uu sheegayaa in biyaha ay guud ahaan go’doomiyeen xaafadaha Buundaweyn iyo Hawl-wadaag halka Xaawo Taako iyo Kooshin ay soo galeen balse dad ay ka qaxeen.

    Dadka ayaa u qaxay duleedka magaalada waxaana la filayaa inay wajahaan dhibaato bani’aaddanimo maadaama ay guryahoodii iyo dhammaan wixii ay haysteen ka tageen.

    Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay maamulka Hiiraan ay horey u sheegeen iney ka adkaadeen biyo-baxa webiga isla markaana ay dadaallo badan sameeyeen.

    Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo ka hadlayay 10-kii bishan soo dhoweynta madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay ka adkaadeen biyaha taasi oo u muuqata inay been noqotay.

    Guddoomiye Jeyte oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri “Annaga waxaan sameysay raaca 1-aad, raaca 2-aad, raaca 3-aad iyo raaca 4-aad kali kali ayaan ka dhignay  biyo hal xabo aan ku soo fashilanay waa qooqani, wey naga soo adkaadeen kii 2-aad waa hortaagannahay kii saddexaad waa kaas waa noo fiyowyahay waa sidiisii, kii 4-aad oo ay saakay injineerka soo dhigeen cidina ma gaarin, biyo horta sidaas ayaan uga adkaanay”

    Maamulka Hirshabeelle ayaa la gaarsiiyay lacago meelo kala duwan uga yimid kuwaas oo loogu talagalay inay kula tacaalaan fataahada wabiga Shabeelle mana jirto ilaa haatan waxqabad muuqda oo lacagahaasi lagu sameeyay.

    Sanadkasta wabiga Shabeelle ayaa ku fataha meelaha uu ka maro goballada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaana xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay uu khasaaro xoggan ka geytay goballadaasi.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xariga guddoomiyihii Garbahaarey iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya.

    Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horreyn sheegay in wax laga xumaado ay tahay faro-gelin uu tilmaamay in hay’adda nabad sugida Soomaaliya ay ka wado gobolka Gedo.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiintii gobolkaasi ugu magacaawnaa Jubbaland ay wajahayaan xaalado adag iyo dhibaatooyin uga imaanayaan dowladda dhexe.

    Ku xigeenka 1-aad ee Axmed Madoobe  ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay mowqif cad ay ka qaadanayaan dowladda dhexe, ayna la wadaagi doonaan beesha caalamka.

    Ugu dambeyn Sayid Aadan ayaa soo hadal qaaday xarigii guddoomiyihii degmada Garbahaarey, Cadow Iimaan Kaarshe oo shalay laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna dalbaday in deg-deg xorriyaddiisa loo siiyo mas’uulkaasi.

    Halkaan hoose ka dhageyso codka.

    https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc-2.mp3

    View the full article


  5. Roma (Caasimada Online) – Wargeyska Le Rupubblica ee Talyaaniga ayaa qoray warbixin ku saabsan sida agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, Turkey iyo Qatar ay Talyaaniga u gacan siiyeen sii deynta Silvia Romano. Warbixinta ayaa si gaar ah u eegeysa sida Fahad Yaasiin uga shaqeeyey xoreeynta gabahdan.

    Warbixinta oo Caasimada Online ay sideeda usoo tarjuntay, hoos ka aqriso.

    Bilihii dhowaa, dhowr jeer anagoo qaban-qaabinayna idaacadda “Afrika Oggi” ee Radio Radicale, waxaan raadinay macluumaad ku saabsan xaaladda Silvia Romano, waxaana si soo noq-noqosho leh u heleynay astaamo muujinaya inay nooshahay. Si taxaddar leh, si kastaba ha noqotee, waxaan dooranay inaan ka aamusno mawduuca, si aanan u carqaladeynin howsha cajiibka ah ee kuwa ka shaqeynayay inay dib ugu soo celiyaan xorriyaddeeda.

    Maanta, waxaan dhihi karnaa in kuwa ku guuleystey inay xiriir la sameeyaan afduubeyaashii Silvia Romano ay ahaayeen sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayada oo uu hagayo madaxooda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, weriyihii hore ee Al Jazeera isla markaana ka mid ah la-taliyayaasha uu ugu dhageysiga badan yahay Madaxweyne Farmaajo. Intaas waxaa dheer, madaxweyne Farmaajo wuxuu aad u daneynayay sii deynta Silvia Romano, maxaa yeelay afduubkeeda ayaa dhacay intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga aheyd ee Talyaaniga.

    Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan Soomaaliya, waxaana sababo la xiriira xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Qatar, uu ahaa maskaxdii ka dambeysay doorashadii labada madaxweyne ee Jamhuuriyadda Federaalka ee xilligii kala guurka: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (2012) iyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo (2017).

    Talyaaniga, Turkiga, Qatar iyo Soomaaliya waxay dhammaantood gacan ka geysteen siideynta Silvia Romano, iyadoo oo uu hagayo hoggaanka NISA, oo runtii ahaa udub dhexaadka dhabta ah ee siideynta gabadha aan isku dalka nahay.

    Talyaanigu wuxuu si cad u danaynayay sii deynta Silvia Romano, ayada oo la eegayo caqiidada ah in dadka Talyaaniga ah ee la afduubto aan waligood lagu halleyn naftooda, xaalad kasta oo qalalaase ee adduunka ka jirta.

    Turkiga waxa uu lahaa kaalinta damaanad qaadidda bixinta madax furashada, iyagoo hubinayey in lacagtu aysan ku dhici doonin ugaarsadayaasha iyo afka kuwa iimaanka darran. Waxay sidoo kale ku yabooheen qalabka farsamo ee howlgalka.

    Qatar waxay lahayd kaalinta dammaanad qaadka si wanaagsan ula dhaqanka Silvia Romano. Qatar waxaa horey loogu eedeeyey inay maal-geliso Al-Shabaab, taasi oo gaartay heer eedeyntani ay ka mid ahayd doodihii ay taageertay Sacuudiga markii 2017 ay u jartay xiriirka diblomaasiyadeed, ayada oo ay wehliyaan dalal badan oo ka mid ah kuwa Khaliijka.

    Weligeed ma jirin wax caddeyn ah oo ku saabsan maal-galintaas, laakiin Qatar waxaa la rumeysan yahay in xiriirka ay la leedahay kooxda Al-Shabaab uu yahay mid ay ku raadineyso dib-u-heshiisiin guud oo dadka Soomaaliyeed ah iyo hab sharaf leh oo ay ku baxaan maleeshiyada Al-Shabaab, haddii ay ka tanaasulaan halganka hubaysan. In Silvia loola dhaqmo si bani’aaadannimo waa waxa ay Qatar dooneysay.

    Wax ay ahaataba, Qatar iyo Turkiga waxay xulafo ku yihiin siyaasadda dhaqaale iyo duruufo kale oo badan oo juquraafi ah, kasoo billow Syria ilaa Ikhwaanul Muslimiinka, inay wada mucaaradsan yihiin Al Sisi, oo xukunka la wareegay markii uu afgambiyey “Walaalkood” Morsi, iyo inay taageeraan Al Serraj-ka Libya.

    Xiriirka Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya waa qeyb kale oo ka mid ah xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, waxaana ninka xudunta u ah isbaheysigan uu yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo gacmihiisa ay qorsheeyeen sii daynta Silvia Romano.

    Maanta, waxaan dib u milcsan karnaa, in ku dhawaad ​​toban maalmood ka hor Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu ka duulay magaalada Muqdisho una aaday magaalada Kismaayo oo qiyaastii 300 kiilomitir u jirta soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto Kenya, iyadoo shaqada rasmiga ah ee safarka ay ahayd idib isugu keenidda dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo uu u arko in si sharci darro mar saddexaad loogu doortay inuu madaxweyne u noqdo gobolka koonfurta ee Jubaland, iyadoo Kenya ay taageereyso, inkasta oo sharcigu oggol yahay in la doorto laba mar kaliya.

    Safarkaas waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wada-hadallada sii deynta Silvia iyo soo helista caddeymo muujinaya in weli ay nooshahay. Waxaa xigey taas in Silvia loo wareejiyay meel u dhow Afgooye, oo ah magaalo qiyaastii soddon kiiloomitir koonfur ka jirta Muqdisho, laakiin hadda ku dhow in lagu daro caasimadda sii ballaaraneysa. Halkaas, Silvia Romano waxay dhowr maalmood ku sugeysay sii-deynteeda.

    Is-dhaafsiga Silvia iyo lacagta mnadax-furashada ayaa ka dhacay meel u dhow beerta Xaaji Mire Indha Yare, oo ahaa mudane xubin ka ahaa kooxdii “Il Manifesto”, taasi oo 1989-kii ayada oo uu hogayo qareen Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, kasoo horjeestay Maxamed Siyaad Barre. Dhaqdhaqaaqaasi waxaa markii dambe ka dhashay USC – United Somali Congress – oo aakhirkii uu la wareegey Jeneraal Maxamed Faarax Xasan, oo loo yaqaanay Caydiid oo gacan ka geystay dhicitaankii Siyaad Barre.

    Hal-abuurka hawlgallada ayaa horseeday guusha himilada taasi oo qof walbaa uu ku farxi karo. Gaar ahaan, hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab waxay ku farxeen, markii ayaga oo fadhiya fadhi carbeedyadooda, ishana ku hayo roogga quruxda badan, gacanna kula cayaaraya garkooda la mariyey cillaanka, gacanta kalena ku tasbiixsanaya, ay Internet-ka ka daawadeen muuqaallada Silvia oo diyaarad kasoo dageysa garoonka Ciampino.

    Waxay aad ula dhaceen muuqallada Silvia Romano oo madaxeedu xijaaban yahay, gacmahana ugu jiraan gacmo-gashi, ayna xiran tahay burqo. Waxay ku farxi doonaan, inkasta oo ay sii daayeen inay haddana weli ku dhaqmeyso diinta Islaamka oo ay shaaca ka qaaday inay qaadatay. Waa muuqaa guul u ah koox shalay ka hor loo arkay argagixiso dadka cunaha gooya.


  6. Rescued Italian aid worker Silvia Constanza Romano, who has embraced Islam, says she converted on her own will and not by force.

    Romano, 25, was abducted from Kenya’s southeastern coastal town of Chakama in November 2018.

    She was rescued on Sunday through joint efforts by Turkish, Somali and Italian intelligence services.

    “They assured me that I would not be killed, and so it was,” Romano told Italian news agency ANSA.

    On her conversion to Islam, Silvia said it happened mid-captivity.

    “It was spontaneous and not forced. In these months I was given a Koran and thanks to my captors I also learned some Arabic,” she said. “They explained their reasons and culture to me. My conversion process has been slow in recent months. There was no marriage or relationship, only respect.”

    Italy’s deputy foreign minister acknowledged Turkish cooperation during the rescue operation.

    “There had been cooperation with the Turkish intelligence service to locate her and take action at the right time,” Marina Sereni told LA7 TV channel.

    View the full article


  7. Wararka aynu ka heleyno magalada Baladweeyne ee xurunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya Wabiga Shabeelle oo maalmihi la soo dhaafay waday biyo aad ufarabadan in uu  maanta ku fatahay xaafado ka mid ah magalada Baladweyn.

    Biyaha wabiga ayaa galay xaafadaha magaalada qaarkood, dad badan ayaana isaga barakacay guryahooda kadib markii ay biyo buux dhaafiyeen halkaasi.

    Dadaalo lagu doonayay in looga hortago fatahaada wabiga Shabelle oo ay iska kaashanayaan  Maamulka Hirshabelle iyo dowlada federaalka ayaa ka  socda gudaha magalada si looga baajiyo in ay khasaaro lixaad leh geysan.

    Maamulka Hirshabeelle ayaa la gaarsiiyay lacago meelo kala duwan uga yimid kuwaas oo loogu talagalay inay kula tacaalaan fataahada wabiga Shabeelle mana jirto ilaa haatan waxqabad muuqda oo lacagahaasi lagu sameeyay.

    Sanadkasta wabiga Shabeelle ayaa ku fataha meelaha uu ka maro goballada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaana xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay uu khasaaro xoggan ka geytay goballadaasi.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. Many uncertainties haunt the world’s campaign to counter the COVID-19 pandemic, but one thing is now sure: Global economic activity will suffer greatly, with large-scale consequences for the incomes and welfare of all, but especially for the most vulnerable food import-dependent countries.

    In the absence of timely and effective policy responses, this will exacerbate an already unwelcome increase in the number of people who don’t have enough to eat.

    Last year The State of Food Security and Nutrition in the World, the SDG2 monitoring report that the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) produces in collaboration with other UN partners, warned that economic slowdowns and downturns helped explain rising undernourishment levels in 65 of the 77 countries that recorded such rises between 2011 and 2017. The International Monetary Fund has just slashed its global gross domestic product forecast by a huge 6.3 percentage points, making FAO’s analysis all the more relevant as part of a worldwide toolkit to prevent the health crisis from triggering starvation.

    In January, the IMF anticipated global GDP would expand by 3.3 percent, but in April, when much of the world was shutting down to contain contagion, it issued a new forecast of minus 3.0 percent. Sub-Saharan Africa, a region that is home to the world’s highest hunger rates and where the average age is around 20 years, must now brace for its first recession in a quarter of a century.

    Analyzing data of food supply since 1995, linked to FAO’s statistical development of the prevalence of undernourishment (PoU) indicator, and correlating them to past local economic trends in countries that are net food importers, we find that millions of people are likely to join the ranks of the hungry as a result of the COVID-19-triggered recession.

    That number will vary according to the severity of GDP growth contractions, ranging from 14.4 million to 80.3 million depending on the scenario, with the latter figure a truly devastating contraction of 10 percentage points in all 101 net food-importing countries’ GDP growth.

    The actual outcome could be worse if current inequalities in access to food are worsened – something that absolutely should not be allowed to happen.

    The world is not facing food shortages, which is why FAO has from the pandemic’s outset advocated that all countries must do their best to keep food supply chains alive. With the new estimates emerging from a strictly economic analysis – based on food supply and availability and not other central pillars of food security – FAO is emphasizing that all countries must also foster measures to protect people’s ability to access food that is locally, regionally and globally available.

    The nexus between undernourishment and economic performance was already driving the world away from the goal of eradicating hunger by 2030. FAO’s global PoU number has been rising since 2015, albeit slowly, ending decades of decline. It is now around where it was in 2010, and undernutrition affects one in nine people globally, with much higher rates in large swathes of Africa and Asia.

    Governments are rolling out unprecedented fiscal and monetary stimulus to conserve economic capital and support safety nets for the newly unemployed. Many countries lack the tools to deploy such liquidity injections and public spending commitments. The international community must facilitate their capacity to act, while these countries must exert fiscal responsibility and objectivity to reallocate their own resources along with assistance to the most urgent needs that the COVID-19 pandemic has created. Health is the first priority, but sufficient and healthy food is a central part of the health response to the pandemic. Inadequate action will also severely weaken vulnerable populations for years to come. This would make prospect of achieving the Sustainable Development Goals all the more difficult.

    So not only must efforts focus on keeping food supply chains alive, but it’s imperative to focus on food accessibility for all. Governments have an opportunity to tackle this issue head on by targeting the required official stimulus packages to the poorest and undernourished. Tools such as cash and in-kind transfers, new credit lines, safety nets, food banks, keeping school-lunch programmes alive can be useful.

    Keep in mind that emphatically focusing on “have nots” will have a doubly positive effect, both helping those most in need and maximizing the impact of public resource outlays on maintaining the dynamism of demand.

    There could be a third positive effect as well: Minimizing outright hunger in ways that avoid food insecurity and malnutrition will reduce the long-term scars inflicted by the recession, fostering more vitality and less dependence in the future. Indeed, insofar as possible stimulus measures that tackle the current menace to food access should be designed with a view to start building the resilience of food systems to safeguard them against economic slowdowns and downturns in the future.

    Marco V. Sánchez Cantillo –  Deputy-Director, Agricultural Development Economics Division of the Food and Agriculture Organization of the United Nations


  9. Muqdisho (Caasimada Online) -Telefishinka Tgcom24 ayaa sheegay in Qatar ay door weyn ku laheyd sii deynta Silvia Romano oo muddo gacanta ugu jirtay Al-Shabaab.

    TV-ga Tgcom24 ayaa shaaciyey in dowladda Qatar ay hoggaamineysay wada xaajoodkii lala galay Al-Shabaab ee lagu bixiyey lacagta madax furashada ee lagula soo wareegay Silvia Romano, taas oo lagu sheegay illaa saddex milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

    Sidoo kale Telefishinka Tgcom24 ayaa Qatar ku eedeysay inay xiriir la leedahay kooxda gacan-saarka la leh Al-Shabaab ee Al-Qaacida.

    “Qatar ayaa xiriiro muhiim ah la leh [xoogaga gacanaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida].” ayaa lagu yiri warbixinta uu sii daayey Tv-ga.

    Silvia Romano oo 18 bilood ay afduub ahaan u heysteen Al-Shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka sida ay shaacisay, kadib markii ay ka degtay magaalada Rooma caasimada wadanka Talyaaniga, halkaas oo ay dib ugula midowday qoyskeeda.

    Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay loo shaaciyey in deysmada Silvia Romano ay iska kaashaadeen siroodanada Talyaaniga, Soomaaliya iyo Turkiga.


  10. Somalia on Monday confirmed 35 new cases of COVID-19, largely due to community transmission, bringing the tally of infections to 1,089 in the country.

    Health minister Fawziya Abikar said 24 of the 35 new cases were recorded in Banadir, while Puntland had eight and Somaliland three.

    One person succumbed to respiratory disease, raising the death toll to 52.

    The number of recoveries rose to 121, after the latest addition of three, Abikar said.

    The spike in COVID-19 cases comes at a time when Somalia is grappling with heavy flooding and a threat of desert locust infestation.

    The World Health Organization has warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system.

    Somalia has closed schools, banned large gatherings, and suspended international and domestic passenger flights contain the spread of the novel coronavirus.

    View the full article


  11. Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa saacadaha soo aaddan la filayaa in maamulka Jubbaland uu go’aan cad ka qaadato dowladda federaalka ah ka dib markii ay ku eedeeyeen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso burburinta maamulkaasi.

    Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in markii golaha aminga Jubbaland ay xeeriyeen sida dowladda dhexe ay ula dhaqmeyso maamulkooda ay isku raaceen in saacadaha so aaddan go’aan ka dhan ah dowladda Farmaajo inay shacabka la wadaagaan“Dowlad goboleedka Jubbaland wax ay go’aansatay inay mowqif adag qaadato 24-ka saac ee soo socdana ay go’aan ka soo sarto oo ay la wadaageyso ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka”.

    Shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha amniga ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku go’aamiyeen inay go’aan adag ka qaataan dowladda dhexe oo uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan waxaana Maxamuud Sayid Aadan uu tilmaamay in hay’adda nabad sugiida qaranka ay qalalaase ka waddo gobalka Gedo  kagadaal markii xabsiga degmada Luuq la dhigay guddoomiyihii degmada Garbahaareey isaga oo arrinkaas ku tilmaamay mid ka fog dowladnimada waxa uuna ku baaqay in la sii daayo guddoomiyaha.

    “waxa ugu foosha xun waxa ay ahayd guddoomiyihii degmada Garbahaareey oo si xoog ah loo afduubay xorriyaddana looga qaaday waxa yaabka leh ee aan isweydiinayno ayaa ah hay’adda NISA ma qarankii Soomaaliyeed ayey burburinaysaa haddaad qarankaagii burburiso oo hay’adahaadii maamul iyo garsoor burburiso haddii aad sharcigii iyo xeerarkii u dagsanaa Soomaaliya aad tuurto waxa xiga waa maxay? Waxaa xigaya in dowladnimada Soomaaliya ay meesha ka baxdo, dagaalo sokeeya dhacaan, argagixisada ay dalka dib u qabsato anngayaga isfahansanna aan isleyno waxaan soo jeedinaysaa in guddoomiyaha Garbahaareey xoriyaddiisa loo soo celsho” ayii Yiri Maxamuud Sayid Aadan.

    Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday inay haboonaan lahayd in waxkasta oo is afgarn waa ah in lagu xaliyo miiska wada hadalka badalkii la daadin lahaa dhiig waxa uuna intaa ku daray in iyagu ay iska diideen  colaadda haatan ay gobalka Gedo ka hurineyso dowladda dhexe

    Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan cirka isku sii shareeraya iyada oo horey dowladda u sheegtay inaysa aqoonsanayn doorashadii markale uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe taas oo keentay isqabqabsi ku aaddan sax ahaanshiyaheeda inkastoo markii dambe ay tanaasuleen qolyihii isbadal doonka Jubbaland mana jirto haatan wax isu soo dhowaansha oo ay muujinayaan labada dhinac, balse dowladda Farmaajo oo horey si xoog ah kula wareegtay qeybaha uu ka kooban yahay gobalka Gedo ayaa wali isku dayeysa inay awood ku muquuniso maamulka Axmed Madoobe.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shaqaaqo khasaare geysatay oo barqanimadii maanta ka dhacday waaxda Tawakal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen shacab iyo ciidan Boolis ah.

    Dhacdadaan ayaa timid, kadib markii ciidamada amniga ee ka howlgala Yaaqshiid ay ku dayeen inay burburiyaan guryo la’isku heystay oo ku yaalla dhabarka dambe Miisaanka Dhuxusha, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbax ay dhigeen dadka deegaanka.

    Wararka ayaa sheegaya in dadweynaha isku soo baxay oo haween u badnaa ay hor istaag ku sameeyaan ciidamada, balse askartu ay u adeegsadeen rasaas.

    Ugu yaraan labo haween ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen halkaasi, kuwaas oo loola cararay isbitaalka, sida uu xaqiijiyey qof goobjooge ah.

    “Waxa aan kusoo baxay nuuq ka taagan xaafadda, durba waxa aan isku dayay in aan kala dhexgalo si qaab nabadeed loogu dhameeyo rabshada taagan, balse dadka ayaa dhagaxaan ku tuuray askarta oo iyanna rasaas ay fureen ku dhaawacmeen labo Gabdhood oo loo qaaday isbitaal” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

    Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhaawaca loo geystay haweenkaasi.

    Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana socda dadaallo lagu xalinayo xiisadaasi, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka.


  13. Cali Jeyte Cusmaan guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa waxa uu digniin adag u diray hay’adaha NGO’s-ka ah ee howlaha samafalka ah ka fuliya gobalkaasi isaga oo sheegay in ha’addii amarkooda diida inay xabsiga dhigi doonaan.

    Guddoomiyaha ayaa h’ayadahaasi waxa uu ku eedeeyay in shacabkii ku dhaqanaa magaalada Baladweyne ay iyagu barakiciyeen islamarkaana bannaanka magaalada ay doonayaan inay ku siiyaan kartoomo iyo wax dadkaasi aysan ku nacfinayn.

    Hay’adahaasi ayuu guddoomiye Jeyte u sheegay inay hormar ka sameeyaan gudaha magaalada Baladweyne waxa uuna ugu goodiyay in hay’addii banaanka magaalada ku qeybiso macaawino inay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana ay magaalada ka ceyrin doonaan sida uu hadalka u dhigay.

    Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray in shacabka Baladweyne aysan ahayn qaxooti waxa uuna hoosta ka xariiqay in h’adaha NGO-yada ah ay doonayaan in hooyooyinkeenna ay siiyaan wax qiimo ahaan gaaraya 5 doolar oo qoraxda ay istaajinayaan.

    Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan magaalada baladweyne uu ka bilawday barakac baahansan ka dib markii wabiga Shabeelle ee halkaasi mara uu soo fatahay magaalada waxaana jira lacago gurmad ah oo loogu deeqay maamulka Hirshabeelle si ay u xakameeyaan fatahaadahaasi.

    Halkaan ka dhageyso codka guddoomiyaha

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xjiaar) ayaa waxaa taliye cusub loogu magacaabay ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug.

    Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay xilkaasi, sida lagu sheegay wareegtada.

    Bishaar ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna mar soo noqday taliyihii qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

    Sidoo kale wuxuu mar soo ahaa taliyihii laanta dambi baarista Booliska ee CID-da, wuxuuna sidoo kale soo qabtay xilal kale.

    Taliye Bishaar Abshir Geedi ayaa bedalaya Gaashaanle Sare Cabdikariin Xussen Macalin oo xilkaasi hayey wax ka yar saddex bilood, waxaana loo magaacay 22-kii bishii  February ee sanadkaan 2020-ka, kadib wareegto ka soo baxsay xafiiska taliye Xijaar.


  15. Mas’uuliyinta maamulada Galmudug, Puntland, waxgaradka deegaanka iyo talista Qaybta 21aad ee ciidanka Xoogga ayaa ka wada qayb-qaatay  Heshiisiinta Beela wada-dega Gobolka Mudug.

    Heshiiskaan ayaa  horudhac u ah  dagaal muddooyinkaan dambe u dhaxeeyay beelo walaaalo ah oo wada-dego deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaana ugu dambeyn laga gaaray hishiis nabadeed.

    Sidoo kale Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-Aad ayaa qeyb-ka ahaa dadaalada nabadeynta ee lagu hishiisiinayay dadka walaaala ah ee dirirtu ay dhaxmartay iyagoo halkaasi geeyay ciidan illaaliya nabadda .

    “Labada dhinac waxaan ka codsanayaa inay nala qaataan illaalinta maalka ,Nafta iyo nabad-gelyada dadweynaha maxaa yeelay har iyo habeen waxaan u taaganahay inaan dadkeyna iyo dalkeyna aan u sheqeyno sidoo kale waxaan rabnaan inaysan soo laaban dhacdooyinkaan foosha xun ee ummaadeyna dhibaatooyinka ay kasoo gareen” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis  Cabdullahi Cabdi (Qooje) Taliyaha qeybta 21-Aad.

    Ciidamada Xoogga dalka , Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hore ugu guuleystay  inay heshiisyo ay  dhagax dhigaan dad walaalo ah oo wada-dego deegaano ka tirsan gobolka Galmudug ee Galmudug iyo Puthland kuwaa oo muddoyinkaa dagaalo ay ku dhaxmareen Gobolada dhexe ee dalka.

    FB_IMG_1589228004960.jpgFB_IMG_1589228059788.jpg

    View the full article


  16. Maamulka Soomaaliland ayaa shaacisay in tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Coronavirus ee gudaha maamulkaasi ay kororortay ka dib markii ay maanta shaaciyeen kiisas dhowr ah.

    Warbixinta maalin laha ah ee Soomaaliland ayaa lagu xaqiijiyay in 5 qof oo cusub laga helay Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 426, waxaana ay sheegeen in xanuunkaasi ay u dhinteen 5 qof halka ay bogsadeen 6.

    Dadkan maanta laga helay xanuunka Coronavirus ayaa waxa ay kor u qaadeysaa tirade guud ee laga diiwaan geliyay guud ahaan deegaannada Soomaaliland waxaana madaxweyne Muuse Biixi shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxadar ku aaddan safmarka COVID-19.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar qof oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay weerar loo adeegsaday Bam-Gacmeen oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

    Weerarka oo ka dhacay barkoontarool oo ku taalla isgoyska Tarabuunka ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo meesha isaga baxsaday falka kadib.

    Wararka ayaa sheegaya in Bambada ay tuureen raggaasi ay ku dhaawacmeen illaa labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada la weeraray ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale oo rayid ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

    Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa howlgallo kooban sameeyey, kadib weerarkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen falkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

    Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradaan oo ah kuwa gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho, inkastoo aysan weli ka hadlin dhacdadaasi.

    Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar kan la mid ah uu ka dhacay xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqsgiid, kaas oo lagu dilay askari ka tirsanaa dowladda.


  18. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiirri gelin ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19 waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurkan.

    kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata bixinta dadkeenna..

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

    “Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda weyn ee shacab iyo dowladba ina saaran, gaar ahaan Bahda Caafimaadka oo ah indhihii dalka wakhtigan adag. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka.

    Madaxweynaha ayaa ugu bishaareeyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan Xarumaha Karantiilka Bukaannada cudurka COVID-19 in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  19. Masuuliyinta Maamulada Galmudug ,Puntland ,Waxgaradka Degaanka Iyo Talista Qaybta 21aad Ee Ciidanka Xooga ayaa kawada Qayb-qaatay  Heshiisiinta Beela wada-dega Gobolka Mudug.

    Heshiiskaan ayaa  horudhac u ah  dagaal muddooyinkaan dambe u dhaxeeyay beelo walaaalo ah oo wada-dego deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puthland waxaana ugu dambeyn laga gaaray hishiis nabadeed.

    Sidoo kale Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-Aad ayaa qeyb-ka ahaa dadaalada nabadeynta ee lagu hishiisiinayay dadka walaaala ah ee dirirtu ay dhaxmartay iyagoo halkaasi geeyay ciidan illaaliya nabadda .

    “ Labada dhinac waxaan ka codsanayaa inay nala qaataan illaalinta maalka ,Nafta iyo nabad-gelyada dadweynaha maxaa yeelay har iyo habeen waxaan u taaganahay inaan dadkeyna iyo dalkeyna aan u sheqeyno sidoo kale waxaan rabnaan inaysan soo laaban dhacdooyinkaan foosha xun ee ummaadeyna dhibaatooyinka ay kasoo gareen” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis  Cabdullahi Cabdi (Qooje) Taliyaha qeybta 21-Aad.

    Ciidamada Xoogga dalka , Maamulada Puthland iyo Galmudug ayaa hore ugu guuleystay  inay hishiisyo ay  dhagax dhigaan dad walaalo ah oo wada-dego deegaano ka tirsan gobolka Galmudug ee Galmudug iyo Puthland kuwaa oo muddoyinkaa dagaalo ay ku dhaxmareen Gobolada dhexe ee dalka.

    Goobjooj News

    Source: goobjoog.com