Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,885
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Dawlada Mareykanka oo dalab xasaasi ah u dirtay Farmaajo

     

     farmaajo-300x115.jpg

    Dowlada Mareykanka ayaa baaq culus u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo laga dalbaday inuu shir isugu yeedho Madaxda Dowlad Goboleedyada Somalia

    Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Qoraal soo saartay ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu shir isugu yeedho dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay si degdeg ah loogu baahan yahay wadashaqeyn iyo iskaashi dhexmara dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isi xal loogu helo kala khilaafaadka siyaasadeed ee jira, Dhaqan gelinta Deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19

    Qoraalka Rasmiga Hoos ka Akhri:-

    @US2SOMALIA calls on the @TheVillaSomalia to convene a meeting w/ all FMS leaders, as required by the Somali Constitution. FGS–FMS engagement and cooperation is urgently needed to resolve political divisions, implementation of debt relief, & COVID response

    — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 9, 2020

    Qaran News


  2. Yaa dilay Ra’iisul Wasaarihii Sweden?

    Olof PalmeOlof Palme waxaa la dilay habeenimo jimce ah, isagoo ku lugeynaya waddada ugu mashquulka badan Sweden

    Habeen Jimce ah, in ka badan 30 sano ka hor, Ra’iisul Wasaarihii Sweden wuxuu gurigiisa uga baxay si uu filim usoo daawado.

    Olof Palme, oo lagu yaqaannay inuu cod-kar ahaa kana hadli jiray arrimo muran badan dhalin jiray – gudaha iyo dubaddaba – wuxuu markaas xilligii labaad xukumayay dalkiisa.

    Laakiin wali wuxuu ku adkeysanayay inuu ku noolaado nolosha dadka caadiga ah, habeenka la dilayayna wuxuu iska kala diray ciidankii ilaalada u ahaa.

    Isagoo gurigiisa u lugeynaya wax yar ka hor saqdii dhexe ee habeenimo, xilli ay la socotay xaaskiisa Lisbet, ayaa Ra’iisul Wasaaraha dhabarka laga soo toogtay. Naftu waxay ka baxday inta uusan dhulka ku dhicin.

    Tan iyo xilligaas lama helin qofkii dilkaas geystay, iyadoo xitaa goobta lagu toogtay ay ahayd waddada ugu mashquulka badan dalka Sweden, tobannaan qofna ay toosu arkayeen nin dheer oo rasaasta ku riday ka hor inta uusan ka cararin goobtaas.

    Aaskii Olof Palme'Dilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa naxdin weyn ku noqday Sweden

    Hadda oo ay dhacdadaas kasoo wareegtay in ka badan 34 sano, xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Sweden wuxuu shaaciyay inuu soo bandhigi doono natiijada baaritaankii lagu waday falkaas. Subaxda Arbacada ah ayaa la filayaa inay shir jaraa’id qabtaan.

    “Waxaan aad uga rajo qabaa inaan soo bandhigo wixii dhacay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd dilkaas,” ayuu yiri madaxa dacwad oogeyaasha, Krister Petersson, oo bishii February la hadlayay warbaahinta Sweden.

    Lama oga in cid loo maxkamadeyn doono arrintaas, ama la magacaabi doono qof lagu tuhunsan yahay falkaas. Laakiin waxaa rajo laga qabaa in ay booliska xal u heli doonaan dilkii shacabka reer Sweden qarowga ku ahaa muddo tobannaan sano ah.

    Ilaa markii uu dilka Ra’iisul Wasaaraha dhacay, waxaa si tiro la’aan ah usoo baxayay sheekooyin ku tiri ku teen ah oo la xiriira dhacdadaas.

    “Waxay arrintaas la mid tahay in Ra’iisul Wasaarihii UK Margaret Thatcher lagu dilay isgoyska Piccadilly Circus – oo qof uu toogasho ku dilay – kaddibna ruxuu dilka geystay uu ka baxsaday goobta dib dambena aan loo helin,” sidaas waxaa BBC-da u sheegay Dr Jan Bondeson, oo ah qoraaga buugga Blood on the Snow: oo ka sheekeyna dilkii Olof Palme.

    Olof Palme - oo la sawiran Ra'iisul Wasaarihii Britain ee xilligaas Harold WilsonOlof Palme – oo la sawiran Ra’iisul Wasaarihii Britain ee xilligaas Harold Wilson

    Marten Palme, oo ah wiil uu dhalay Olof – kana mid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee arkay geeridiisa ka hor – ayaa horaantii sannadkan sheegay in in booliska “ay hayaan caddeyn aysan dooneynin inay shaaca ka qaadaan”.

    Waxay isaga la tahay in sababta loo qarinayo arrintaas ay tahay mid la xiriirta hubkii la isticmaalay oo aan waligiis gacanta lagu soo dhigin. “Haddii uu qof ogyahay wax muhiim ah, walina uusan soo bandhigin, hadda waxaa la joogaa waqtigii uu qofkaas sheegi lahaa waxa uu ka warqabo,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska Aftonbladet, ee kasoo baxa Sweden.

    Short presentational grey line

    Kumuu ahaa Olof Palme?

    Palme, oo kasoo jeeday qoys maal-qabeenno ah, wuxuu dhashay sanadkii 1927-kii. 1949-kii ayuu ku biiray xisbiga Social Democratic.

    Sanadkii 1969-kii ayuu hoggaanka u qabtay xisbigiisa iyo dowladda Sweden. Wuxuu xilka kala wareegay Tage Erlander, oo ahaa ninkii soo gacan qabtay.

    Olof Palme at home in 1973Olof Palme was an outspoken critic of foreign leaders and regimes

    “Waxaa la sheegay in Palme uu ahaa mid ka mid ah wiilashii sida dhow ula shaqeyn jiray Erlander,” ayey BBC-da ku tiri Anna Sundstrom, oo ah xog-hayaha guud ee Xarunta Caalamiga ah ee Olof Palme.

    “Waxay u muuqatay inuu siyaasadda kusoo gacan qabtay Tage Erlander, oo ahaa mid ka mid ah aabayaasha aasaasay nidaamka hadda ka jira dalka Sweden. Waxaan dhihi karaa wuxuu qaatay, siina horumariyay siyaasadihii Erlander.”

    Siduu u geeriyooday?

    Habeenkii ay taariikhdu ahayd 28-kii bishii February ee sanadkii 1986-kii, Palme wuxuu tagay gurigiisa, wuxuuna iska kala diray ciidankii ilaalada u ahaa. Laakiin xaaskiisa ayaa ka codsatay inuu u raaco shaleemada, si ay filim isula soo daawadaan.

    Lisbet waxay la hadashay wiilkooda Marten, oo u soo iibiyay tigidhada lagu galayay shaleemada, oo xilligaas uu ka socday filim shactiro ah.

    Mr Palme iyo xaaskiisa waxay guriga ka baxeen iyagoo aysan cid kale la soconin, way sii lugeeyeen, waxayna irridda shaleemada kula kulmeen wiilkooda iyo gabar saaxiibtiis ah, saacaddu markii ay ahayd 21:00 fiidnimo.

    Olof Palme wuxuu xaaskiisa Lisbet guursaday sanadkii 1956-kiiOlof Palme wuxuu xaaskiisa Lisbet guursaday sanadkii 1956-kii

    Markii uu filimkii dhammaaday Palme iyo xaaskiisa oo kaligood ah ayaa kusoo lugeeyay waddada Sveavagen – oo xilligaas loo yaqaannay waddada ugu mashquulka badneyd dalka Sweden.

    Saacaddi markii ay ahayd 23:21, nin dheer ayaa dhinaca dambe uga yimid Palme, wuxuuna ku dhuftay labo xabadood, mid ka mid ah rasaasta waxay ku dhacday Ra’iisul Wasaaraha, tii kalena waxay ku dhacday xaaskiisa Lisbet.

    Ninkii dilaaga ahaa kaddib waddadii ayuu hoos ugu cararay, wuxuuna mirqay.

    Sweden oo dhan ayaa argagaxday.

    Charlotta Wallsten waxay xilligaas ahayd 12 jir, balse way xasuusataa markii iyadoo hurdo kasoo kacday uu aabaheed u sheegay inay wax aad u xun dhaceen.

    “Waxaan daarnay telefishinka, warka oo dhanna wuxuu ku saabsanaa dilkiisa,” ayey tiri iyadoo la hadleysay BBC-da. “Waddanka oo dhan ayaa argagaxsanaa.”

    Dad baroordiiqayay ayaa ubaxyo dhigay goobtii lagu dilay Ra'iisul WasaarahaDad baroordiiqayay ayaa ubaxyo dhigay goobtii lagu dilay Ra’iisul Wasaaraha

    Booliska qudhooda ayaa u muuqday inay naxsanaayeen. Si fiican uma aysan xirin goobtii uu dilka ka dhacay. Dadka ayaa dul tagayay meeshii uu yaallay dhiigga Mr Palme.

    Qaar ka mid ah dadkii ka baroor diiqayay geerida Ra’iisul Wasaaraha ayaa ubaxyo dul dhigay goobtii uu dilka ka dhacay.

    Yaa loo maleynayaa inuu dilay?

    Inkastoo dad aad u badan ay goob joog ka ahaayeen dilka, dhowr qof oo kaliya ayaa tilmaan siiyay booliska.

    Rasaastii la helay waxay muujisay in ninka falkaas geystay uu adeegsaday bastoolad nooceedu yahay a .357 Magnum – taasoo ah “hub aad u awood badan,” sida uu sharraxay Dr Bondeson.

    “Xitaa hadduu xirnaan lahaa garanka xabadda celisa, wuu dhiman lahaa. Marka dilkaas waxaa geystay qof ay ka go’neyd inuusan noolaanin. Ma ahayn fal kadis ku dhacay, wuxuu ahaa dil qorsheysan.”

    Ninkii madaxa ka ahaa dambi baareyaashii ugu horreeyay ee gacanta ku hayay kiiska waxay u maleynayay in dilkaas ay ku lug leeyihiin kooxda mintidiinta ah ee PKK. Waxay la dagaallamayeen Turkiga, dowladdii Palme ayaana markaas uun u aqoonsatay inay yihiin koox argagixiso ah.

    Laakiin wuxuu xilka iska casilay kaddib markii uu ku ceeboobay holgal uu sanadkii 1987-kii ka fuliyay goob saldhig u ahayd kooxda PKK, uuna ka waayay wax caddeymo ah oo ku saabsan dilka Ra’iisul Wasaaraha.

    Sanadkii 1988-kii, booliska ayaa xiray dambiile lagu magacaabi jiray Christer Pettersson. Sanadkii 1970-kii ayuu nin ku dilay waddo ku taalla magaalada Stockholm. Wax sabab ah kama muuqanin dilkaas, wuxuuna tilmaamtiisa la mid noqday qof laga shakisanaa oo shaleemada agteeda ku sugnaa habeenkii uu dhacayay dilka Ra’iisul Wasaaraha.

    Christer Pettersson arriving home in 1998A famous photo of Pettersson carrying bottles of vodka and Bailey’s Irish cream after the Supreme Court rejected a retrial

    Markii dambena, Lisbet Palme ayaa sheegtay inuu yahay ninka dilka geystay. Dambigii ayaa lagu helay, waxaana sanadkii 1989-kii lagu xukumay xabsi daa’in.

    Laakiin qareenkiisii ayaa durba racfaan ka qaatay xukunkaas. Kaddib markii caddeyn loo waayay hubka uu isticmaalay, ayey maxkamad fasaxday, waxaana magdhow ahaan loo siiyay lacag dhan $50,000. Saddex bilood oo kaliya ayuu ka qaatay xukunkii cimrigaa haku furto ahaa ee lagu riday.

    Pettersson wuxuu isagoo xor ah geeriyooday sanadkii 2004-tii.

    Laakiin Sweden kama harin calaamad su’aalka saarneyd dilkii Ra’iisul Wasaaraha shacabka dhexdiisa lagu fuliyay. Gabagabada baaritaanka ayaa hadda laga war sugayaa.

    Qaran News


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad, golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senator Mowliid Guhaad ayaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku eedeeyay xad-gudub ka dhan ah xeer hoosaadka golaha Aqalka Sare.

    Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare ayaa guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi ku eedeeyay in shirkii guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare uu ku qabtay qadka muuqaalka ee Zoom-ka, iyadoo sida uu sheegay ay aheyd in shirkaas uu si toos ah ugu qabto xarunta golaha Aqalka Sare.

    Shirka guddi hoosaadka ayaa laga soo saaray qoraalkii madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu baaqay shir ay isugu yimaadaan kahor 25-ka bishan.

    “Xalay saq dhexe ayuu guddoomiye Cabdi Xaashi ii soo diray xoghayaha aqalka, waxuuna iisoo faray in kulankii lagu balansanaa in maanta uu ka dhaco xarunta guud ee golaha uu u bedalay mid ku dhici doona Zoom, isaga oo cidna aan kala tashan oo xarunta ay taallo 100 kursi oo Senator-kiiba uu kaligii fariisan karo hal leyn.”

    “Waxa uu diiday inay isku yimaadaan senatarro ku wada sugan Muqdisho, waxauuna Zoom u galay senatarro jooga dalka dibadiisa iyo gobolada kale ee dalka, taas oo xadgudub ku ah xeer hoosaadka Aqalka,” ayuu yiri Senator Mowliid Guhaad oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare, lana safan Villa Somalia.

    Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi uu doonayo in shuruucda meel marinta u baahan ee dalka uu marka hore soo ansixiyo golaha shacabka, kadibna loo soo gudbiyo golaha Aqalka Sare, taas oo uu sheegay inay keeni karto dib u dhac weyn, waqtina aan loo heyn.

    Senator Mowliid Guhaad ayaa sheegay inuu taageersan yahay qorshe ay Madaxtooyada gadaal ka riixeyso, kaas oo ah in fadhiyada labada Aqal ee baarlamaanka ay noqdaan kuwo u dhaca si wadajir ah, si hal fadhi ay ugu ansixiyaan sharciyada dalka.

    Hase yeeshee guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka soo hor jeestay in labada Aqal ee baarlamaanka ay kulamo wadajir ah ku meel-mariyaan sharciyada ansixinta u baahan ee dalka.

    Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku adkeysanaya, sida markii horeba uu sharcigu ahaa in marka Golaha Shacabku soo ansixiyo sharciyada, kadibna loo soo gudbiyo golaha Aqalka Sare, taas oo hadda u muuqata inay khilaaf cusub ka dhex abuurtay guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa labaad.

    Halkan ka Daawo


  4. Madaxweye Dal Afrikaana oo geeriyooday+Taariikh nololeedkiisa

    Pierre NkurunzizaPierre Nkurunziza

    Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wandanaha istaagay.

    War qoraal ah oo oo ay dowladda Burundi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa lama filaanka ah.

    “Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnbaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yiri qoraalka.

    URGENT: Le Gouvernement de la République du Burundi annonce avec une très grande tristesse le décès inopiné de Son Excellence Pierre Nkurunziza, Président de la République du Burundi, survenu à l’Hôpital du Cinquantenaire de Karusi suite à un arrêt cardiaque ce 8 juin 2020. pic.twitter.com/PP46kKzAM5

    — Burundi Government (@BurundiGov) June 9, 2020

    Wuxuu ahaa 55 sano jir. Sannadkii 2015-kii wuxuu ku guuleystay doorasho lagu murmay oo dhiig uu ku daatay.

    Balse sannadkan 2020-ka, wuu ka haray doorashada, waxaana la saadaalinayay in uu noqonayo “hoggaamiyaha ruuxiga ah” ee dalkaas oo haga siyaasiyiinta.

    Dowladda Burundi waxay ku dhawaaqday toddobo maalmood oo baroordiiq ah.

    Warbixin qoraal ah oo dowladda ay soo saartay waxaa lagu sheegay in Sabtidii la seexiyay isbitaal ka dib markii uu xanuun dareemay.

    Xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay ka dibna Isniintii waxaa laga saaray Isbitaalka. Wuxuu qababay wadne xanuun. dadaalkii la doonayay in lagu daweeyayana wuxuu noqday mid guul dareystay.

    Mr Nkurunziza wuxuu Burundi hoggaaminayay tan iyo 2005. Wuxuuna hadda isu diyaarinayay in 20-ka bisha Aguast uu xilka dalka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay Evariste NDayishimiye.

    Wuxuu dalkaas soo hoggaaminayay 15 sano.

    Markii uu dhameystay labadii xilli ee uu xilka hayay, wuxuu badalay dastuurka si uu mar seddaxaad xilka ugu tartamo, taas oo sababtay dagaal sokeeye iyo isku day afgembi lagu sameeyay dowladdiisii.

    Taariikhda madaxweynihii Burundi ee geeriyooday

    President Nkurunziza, oo mar ahaan jiray tababare leyliya koox kubadda cagta ciyaarta ayaa lahaan jira koox gaar u ah oo lagu magacaabo Hallelujah FCPresident Nkurunziza, oo mar ahaan jiray tababare leyliya koox kubadda cagta ciyaarta ayaa lahaan jira koox gaar u ah oo lagu magacaabo Hallelujah FC

    Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wadnaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka.

    Nkurunziza, oo muran badan dhaliyay kaddib markii uu xilligii saddexaad usoo istaagay xilka madaxweynaha, wuxuu dalka Burundi hoggaamiye ka ahaa muddo 15 sano ah.

    Wuxuu sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuusan markii 4-aad usoo istaagi doonin doorashada madaxweynaha.

    Markii ay doorashada dalkaas dhacday bishii May ee sanadkan, waxaa la shaaciyay in Nkurunziza, oo 55 jir ahaa uu noqon doono hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas.

    Waxaa sidoo kale la sheegay inuu heli doono lacag dhan $540,000 (£440,000) oo loogu talagalay inuu u qaato howlgabnimo.

    20-ka bisha August ayaa lagu waday inuu xilka ku wareejiyo madaxweynaha hadda loo doortay dalka Burundi, Evariste NDayishimiye.

    Wuxuu dhashay 18-kii bishii December ee sanadkii 1964-kii.

    Ka hor inta uusan siyaasadda ku biirin wuxuu ahaa ciyaartoy ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad,.

    Kaddib wuxuu noqday tababare dhinaca ciyaaraha ah. Muddo kaddib wuxuu isu baddalay hoggaamiye fallaago, ilaa uu ugu dambeyntii u weecday dhinaca siyaasdada, taasoo u horseedday inuu noqdo madaxweyna ka noqday dalka Burundi.

    Markii ugu horreysay ee uu xilka madaxweynaha qabtay sanadkii 2015-kii waxaa soo doortay xildhibaannada baarlamaanka.

    Mar walba wuxuu ku doodi jiray in maamulkiisa uu nabad ka dhaliyay dalka Burundi. Isagoo sawirkaas ka faa’iideysanayana wuxuu isku tilmaami jiray nin dib u dhisaya dal ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka.

    Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay caasimadda, kuwaasoo looga soo hor jeeday go'aankii uu Mr Nkurunziza mar saddexaad ugu soo istaagay xilkaMudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay caasimadda, kuwaasoo looga soo hor jeeday go’aankii uu Mr Nkurunziza mar saddexaad ugu soo istaagay xilka

    Waxaa lasoo tabiyay in marka ay diblomaasiyiinta dalkaas taga damcaan inay kulamo la yeeshaan Mr Nkurunziza laga qaadi jiray magaalada caasimadda ah ee Bujumbura, si loogu geeyo madaxweynaha oo dad beeraley ah ku caawinaya abuurka dalagyada.

    Taasi xitaa waa sababta ay beeraleyda abuurta avocado-da ay ugu magac dareen madaxweynaha.

    Arrintani wuxuu taageero badan uga helay dadka reer miyiga ah, laakiin kuma uusan kasbanin dadka ku nool caasimadda Bujumbura, halkaasoo ay daggan yihiin siyaasiyiinta kasoo hor jeeda.

    Ka hor inta uusan dagaalka sokeeye ka dhicin Burundi, Mr Nkurunziza, oo horay ugu takhasusay waxbarashada dhinaca ciyaaraha, wuxuu macallin ka ahaan jiray jaamacadda Burundi.

    Wuxuu sidoo kale sannadihii 10990-meeyadii tababare usoo noqday kooxdii kubadda cagta ee ciidamada milatariga iyo kooxda Union Sporting – oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee dalkaas.

    Hadda wuxuu lahaa koox isaga u gaar ah oo lagu magacaabo Hallelujah FC.

    Pierre Nkurunziza iyo xaaskiisa DenisePierre Nkurunziza iyo xaaskiisa Denise

    Aabihiis, oo ahaan jiray barasaab gobol, waxaa sanadkii 1972-kii lagu dilay xasuuqii ka dhanka ahaa qowmiyadda Huutuuga.

    ‘Kali talis’

    Dadka dhaliili jiray maamulkiisa, oo ay ka mid ahaayeen in ka badan 40 xisbi siyaasadeed iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku qeexay inuu ahaa nin xukun qallafsan.

    Waxay ku eedeyn jireen inuu ahaa madaxweyne kali talis ah oo aan oggoleyn inuu xilka wareejiyo.

    Hadalkooda wuxuu xoogeystay markii uu Mr Nkurunziza xilka u soo xigtaagay markii saddexaad, isagoo ku gacan seyray dalabka dad mudaharaadeyaal ah oo doonayay inuu xilka iska casilo.

    Dad badanb ayaa ku dhintay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee lagu diiddanaa dib usoo doorashadiisa. In ka badan 100,000 oo ruuxna waxay u bara kaceen dalalka dariska la ah, arrintaasoo soo celisay cabsi ku aaddan in Burundi ay dib ugu laabato dagaal sokeeye.

    Mr Nkurunziza wuxuu sanadkii 2015-kii, kaddib doorashadiisii muranka dhalisay, ka badbaaday isku day lagu damacsanaa in afgambi milatari xilka looga tuuro.

    Ciidamadiisii ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan afgambiga oo la qorsheeyay xilli uu dalka ka maqnaa.

    Burundian soldiers walk near a burning barricade erected by protesters as people demonstrate against the president's bid for a third term in power in Musaga, in the outskirts of Bujumbura, on April 27, 2015Burundi’s army is now ethnically mixed – as stipulated by the constitution adopted as part of the peace process

    Sanadkii 2018-kii, baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay hayaan caddeymo xooggan oo ku saabsan in dembiyo ka dhan ah bini`aadannimada laga geystay dalka Burundi.

    Warbixintooda ayay ku xuseen dilalka, jirdilka iyo kufsiga, oo ay sheegeen inay badankood geysteen xoogagga dowladda – balse iyo sidoo kale kooxaha mucaaradka.

    Safiirka Qaramada Midoobay ee Burundi ayaa markaas sheegay in warbixintaasi ay qayb ka ahayd qorshe caalami ah oo ka dhan ah dalkaasi.

    Dowladda Burundi ayaa lagu eedeynayay inay abaabuleysay kooxo dhalinyaro ah oo geysta falalka dilalka ah iyo qalalaasaha ka dhanka ah dadka kasoo horjeeda xukuumadda.

    Qaran News


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay madaxweyne Farmaajo inuu shacabka ku hoggaamiyo inay hub u qaataan dowladda Soomaaliya.

    Xasan Sheekh ayaa u sheegay Farmaajo inuusan taariikh xun ka tagin, oo dhibaato dalka ka dhacda taariikhda loogu qorin in isaga uu hoggaamiyey, oo berri la yiraahdo “wixii maalintaas dhacay isagaa horseeday.”

    “Madaxda dalka waxaa leeyahay ha suginina maalinta shacabku idinka hor imanayo, 30 sano kuwo dalkan soo xukumayey ayaa barqo cad jidka lagu diray, waxaana u soo jeedinaynaa dowladan ragaas xabadaa lagu ridaye yeysan isku kalifin in ayaga xabad lagu rido talo aan anagu leenahay lagula ridi maayee,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

    “Ma rabno inay colaad dhacdo, ma rabno in is-jiijiid uu dhaco, waxaan rabnaa in horey loo socdo, waqti badan ayaa naga lumay oo 30 sano ah, umadaha kale intaas oo waqti ah kama lumo.”

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aysan marnaba uga aamusi doonin wixii saxda ah. “Wixii dan darro ah lagaaga aamusi mayo, wixii gef ah lagaaga aamusi mayo, wixii qaanuun ah ee aan ku heshiinay lagugu dayn mayo, lagaagana aamusi mayo.”

    Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii kursiga ku wareejiyay madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyo in xiligan oo waqtigu gabaabsiga yahay ay madaxda Villa Soomaaliya ku murmayaan in dalkan doorasho ka dhici karto iyo inkale.

    ”Doorasho ma dhacaysaa in xilligaan laga murmo waa nasiib daradda ay badeen shacabka Soomaaliyeed Villa Somalia masuuliyiinteeda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.


  6. Dowladda Puntland, ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay si rasmiya ugu  caddaysay, Mowqifkeeda ku aaddan Arrimaha Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

    War-saxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa marka u horraysa looga hadlay halka uu ku dambeeyay, Shirkii Puntland ku casuntay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, iyo sidoo Kale Safarkii Madaxweyne Deni ku tegi lahaa Muqdisho si loogu gogol-xaaro Shirkaasi.

    Xukuumadda Puntland, waxay sheegtay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli ka soo jawaabin Shirkii Gogoshiisa Puntland fidisay, islamarkaana ay ka caga-jiideen booqasho Madaxweyne Deni ku tegi lahaa Muqdisho, si looga wada-hadlo qabsoomidda Shirka ay Puntland ku casuntay Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

    Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ku eedaysay, in uu fashiliyay Kulamo ay Isgaarsiinta dhanka Internet-ka ku yeesheen, guddi farsamo oo ka shaqaynayay qabsoomidda Shir dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

    Guddigaasi Farsamo, ayay Puntland sheegtay in isaga baxday, kadib markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xagal-daacisay Shaqadii loo xil-saaray Guddiga, oo ahayd ka shaqaynta qabsoomidda Shir u dhexeeya heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kaas oo looga arrinsado Doorashada 2020/2021.

    Dhinaca kale, Puntland waxay soo dhowaysay Baaqa Aqalka Sare ee ku wajahan, in ay Shir wada-tashiya isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si looga wada-hadlo Arrimaha Doorashooyinka, balse Puntland waxay ku baaqday in Shirkaasi la qabto ugu dambayn 20-June 2020, ka hor intaan Baarlamanka Soomaaliya dhegaysan warbixinta Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo ku beegan 27-June 2020.

    Waxa kale oo Dowladda Puntland caddaysay, in aysan ka qayb geli doonin haddii Shirka Wada-tashiga la qorsheeyo kadib dhegaysiga Warbixinta Guddiga Doorashooyinak Soomaaliya, oo Baarlamanku dhegaysan doono 27-June 2020.

    Ugu dambeyntii, Puntland waxay ka digtay in Hannaan Sharciyaysan lagu xalaalaysto Nidaamka Qabiilka ku dhisan ee 4.5  iyo in mudda kororsi ay sameeyaan Madaxda Dowladda Federaalka, waxaana ay ku baaqday in ay Shir deg deg ah isu’gu yimaadaan dhammaan Saamileeyda Siyaasadda dalka, si looga heshiiyo Tubta loo maray Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka dalka.

    Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland

    1-7.jpg?fit=1000%2C1295&ssl=1 2-5.jpg?resize=1000%2C1295&ssl=1 3-4.jpg?resize=1000%2C1295&ssl=1 4-4.jpg?fit=1000%2C1295&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo si rasmiya u caddaysay Mowqifkeeda Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 appeared first on Puntland Post.


  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay fashilkii ku yimid shirarkii dhowaan fashilmay ee dhex-maray guddi ka kala socday Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada dalka.

    Qoraalka Jubaland, oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa si cad ugu loogu eedeeyey madaxtooyada Soomaaliya inay mas’uul ka ahayd fashilka ku yimid kulamadaas oo la doonayey in lagu diyaariyo kulan dhex-mara madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada.

    Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland

    Dowlad Goboleedka Jubaland waxay si weyn u dareensan tahay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka duulaysa hadafkaas ayaa waxay aqbashay inay qayb ka noqoto guddi uu dalbay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay diyaariyaan kulamo looga tashanayo masiirka dalka, maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah.

    Sidaa daraadeed, Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ka qayb gashay saddex kulan oo looga arrinsanayey qaabka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka wada tashiga ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaa nasiib darro ah in shirarka kor ku xusan oo uu hoggaaminayay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah aan wax natiijo ah laga gaarin, la iskuna waafaqi waayey waqti iyo goob kulanka lagu qabto. Waxaa kale oo wax laga xumaado ah in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah oo ay ahayd inay si joogto ah u kulmaan, aanay muddo laba sano ah kulmin sidaasna ay ku dayacmeen howlihii ummadda loo hayey.

    Dowlad Goboleedka Jubaland oo ka duuleysa xaqiiqooyinka kor ku xusan iyo xaaladda cakiran ee uu dalku marayo oo aan laga gaabsan karin, waxay soo jeedinaysaa go’aamada soo socda:

    1. Inay shaqayn waayeen xoghayntii (secretariat) loo igmaday qabanqaabadda shirka wadatashiga madaxda, sidaa daraadeedna Jubaland aanay qayb ka ahaan karin shirar aan natiijo lahayn.

    2. Inay bogaadiso hadalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalku ka sheegay Golaha wasiirrada, hadalkaas oo ku saabsanaa muhiimmadda ay leedahay in doorasho la wada oggol yahay ay waqtigeeda ku qabsoonto. Waxaa aanu ku dhiirri galineynaa in Ra’iisul Wasaauruhu guto waajibkiisa.

    3. Inay bogaadiso go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu maanta isugu yeeray Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, si ay uga talo-bixiyaan tubta ugu habboon ee lagu xallin karo khalkhalka siyaasadeed ee ka dhalan kara doorasho heer qaran ah oo aan habraaceeda lagu heshiin.

    4. Waxaan taageero buuxda siinaynaa go’aankii ka soo baxay kulankii Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee qabsoomay 9/6/2020. Go’aankaas oo ahaa in shir wadatashi heer qaran oo degdeg ah laysugu yimaaddo inta ka horreysa 25-ka bishan June.

    5. Waxaan dhammaan maamullada dalka, hay’adaha kala duwan, xisbiyada siyaasadeed iyo dhammaan shacab waynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in laga wada qayb qaato xasilloonida iyo midnimada dalka.

    6. Waxaan bogaadinaynaa kaalinta haboon iyo garab istaagga joogtada ah ee ay beesha caalamku la garab taagantahay Dowladda iyo Shacabka Soomaliyeed.

    Mowqifka-Jubaland-ee-ku-aadan-shirkii-Wa


  8. Ergooyin Nabadeed oo ka kooban cuqaal, Waxgarad iyo Isimo isaga yimid degaannada kala duwan ee gobollada Sool iyo Cayn, ayaa gaaray degmada Ceegaag ee gobolkaasi Cayn, si ay u xalliyaan xiisad u dhexaysa laba beelood oo halkaasi wada deggan, kuwaas maalmihii u dambeeyay shaqaaqooyin ka dhex dhaceen.

    Egooyinka degaankaasi gaaray, waxaa hoggaaminaya Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, waxaana degaanka ku soo dhoweeyey cuqaasha iyo madax-dhaqameedka ku nool degmadaasi Ceegaag.

    Xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa labadaasi beelood, oo marar kala duwan soo noq-noqotay, ayaa maalmihii la soo dhaafay ka aloosnayd degaannada Horufadhi, Gocondhaale, Ceegaag iyo gudaha degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

    Ergooyinka Nabadeed ee halkaasi gaaray, ayaa doonaya in ay xalliyaan shaqaaqooyinka ku salaysan aanooyinka qabiil ee ka taagan degaannadaas, waxaana la filayaa in ergooyin kalena ay maalmaha soo socda gaaraan degaanka.

    PUNTLAN POST

    The post Ergooyin Nabadeed oo ku baxay Colaad ka aloosan Buuhoodle appeared first on Puntland Post.


  9. Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay ku fashilantay dhammaan Arrimihii masiiriga ahaa ee loo doortay in ay dalka gaarsiiso sida hirgelinta doorasho qof iyo cod ah dhammaystirka Dastuurka iyo sugidda Amniga Waddanka.

    War-saxaafadeed ay Puntland xalay soo saartay oo ku caddaysay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 ayay qodoba kamid ah eedaymo kulul ugu jeedisay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ku fashilmeen hoggaaminta dalka.

    Sidoo kale Puntland waxay madaxda dowladda Federaalka ku eedaysay in ay dalka ka wadaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ku jihaysan khalkhal gelinta iyo burburinta dowlad goboleedyada ka dhisan dalka.

    Waxa kale oo ay sheegtay in madaxda heer Federaal ay dhaqaalihii waddanka u isticmaalayaan kicinta shacabka ku dhaqan dowlad goboleedyada qaarkood si ay khalkhal geli  amni iyo qalalaase siyaasadeed uga abuurto dowlad goboleedyadaas.

    Dhinaca kale Puntland waxay qaaddacday dhammaystirka Dastuurka, diyaarinta Sharciga doorashooyinka dalka iyo dhammaan Shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha heer Federaal kuwaas oo sida Puntland sheegtay aan loo marin hannaankii saxda ahaa.

    bb.jpg?fit=1000%2C459&ssl=1 ww.jpg?fit=1000%2C356&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo sheegtay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay hoggaaminta dalka appeared first on Puntland Post.


  10. Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo ku sugan magaalada Xudur ee xarunta Bakool oo uu shalay gaaray ayaa mar labaad beeniyey war laga faafiyey maamulkiisa oo ahaa in Koonfur Galbeed, ayada oo u adeegeysa Villa Somalia, ay carqaladeysay shir dhex mari lahaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

    Lafta-gareen ayaa taas bedelkeed ku dhawaaqay inuu marti-gelinta shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

    “Laga bilaabo maanta waxaan balan qaadeynaa in gogoshii ay Koonfur Galbeed qaaday oo Baydhaba aan dhignay, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu imaanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shirka labada dhinac ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uusanba gaarin heer ay carqaladeyso Koonfur Galbeed, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo gacanta ku haya.

    “Waxaa jiray guddi ka shaqeynayey sidii shir loo qaban lahaa, oo loo xiriirin lahaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, weli gudigaasbaa shaqadii gacanta ku haya oo wada, marka maba la gaarin meel aan ku diidno oo weli waxaa socda wadahadalkii ku saabsanaa sidii la isugu imaan lahaa iyo waqtigii la isu imaan lahaa, shaqadaas unbaa socotay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlay Xudur.

    Sidoo kale Lafta Gareen ayaa sheegay in hadalkaas dadka ka faafiyey uu ku jiro madaxweynihii hore ee maamulka Puntland.

    “Sida aan arkay madaxweynihii hore ee Puntland, shir uu qabtay ayuu uga hadlay arrintaas nala ka faafiyey, runtii wax xaqiiqda u dhawna maaha, sidoo kale waxaa warkiisa ku jiray, in uu yiri dadkii reer Puntland ee Koonfur Galbeed joogay wey soo tageen, wax naga tegayna ma jiraan oo maamulka ayey ka mid yihiin, kuwii ayaga halkaan ka joogayna way soo baxeen ayuu yiri, wax kasoo tegayna ma lahan, halkoodii ayey joogaan, wax xumaato ah oo dhex yaalla dadka reer Puntland iyo dadka reer Koonfur Galbeed-na ma jiraan,” ayuu yiri Lafta-gareen.


  11. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa markii u horraysay soo bandhigtay mowqifkeeda ku aaddan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 iyo qabsoomi waaga shirkii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

    War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in ay dhammaan fashil ku dhammaadeen saddex kulan oo loogu gogol-xaarayay Shir dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si looga arrinsado doorashada 2020/2021.

    War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in saddexdaasi kulan ee gogol-saarka ahaa uu hoggaaminayay xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaan la isku waafiqi waayay goobta iyo wakhtiga ay tahay in la qabto shirka madaxda Federalka iyo dowlad goboleedyada.

    Jubaland waxay sheegtay in ay ka baxday guddigii u xil-saarnaa diyaarinta iyo gogol-xaarka shirka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed kadib markii sida ay sheegtay uu guddigaasi ku fashilmay hawshii loo xil-saaray.

    Sidoo kale Jubaland waxay soo dhowaysay hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre ee ahaa in ay ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto islamarkaan waxay taageertay baaqii Aqalka sare ee ku aaddanaa in ay shir deg deg ah isugu’ yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka si looga arrinsado doorashada.

    Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

    Jubba.jpg?w=1000&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Jubaland oo soo bandhigtay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 appeared first on Puntland Post.


  12. Safaaradda dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqday madaxda dowladda Soomaaliya in sida daatuurku dhigayo, ay tahay in ay la kulmaan madaxda dowlad goboleedyada dalka.

    Qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka, ayay ku sheegtay in wadahadal u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada degdeg loogu baahan yaha, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, loo hirgeliyo dayn cafinta, iyo la tacaalista Covid19.

    Sidoo kale, Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa shalay ku baaqay in deg deg loo qabto shir u dhexeeya madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si looga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaanna doorashada 2020/2021

    Shirkaasi ayuu Aqalka Sare dalbaday in uu dhaco ka hor 25-ka bishan June, waxaana uu magacaabay guddi ka soo shaqeeya qabashada shirkan, oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

    PUNTLAND POST

    The post Maraykanka oo ku baaqay in ay Shir deg deg ah isu’gu yimaadaan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.


  13. Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay ahaa caddeeyay mowqifka Madasha xisbiyada Qaran  ee ku aadan doorashada 2020/2021.

    Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, waxaa ay sheegeen in Madaxda sare ee dalka ay ka gaabiyeen wixii loo igmaday iyo mas’uuliyaddii Qaran ee lagu aaminay, gaar ahaan maareynta marxaladda kala guurka ee doorashooyinka.

    Sidoo kale, labada Madaxweyne hore ee dalka, ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda in aysan wanaajin mudda ay xilka hayaan xiriirka dowlad goboleedyada dalka iyo hirgalinta nidaamka federaalka, xiriirka arrimaha dibadda, gaar ahaan isdhexgalka la sheegay inuu dhexmarayo Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea.

    Madaxweyne Farmaajo,  ayay sidoo kale  ugu baaqeen in uu shacabka horyimaado oo uu u caddeeyo mowqifkiisa, islamarkaana uu faragelinta ka daayo Guddiga doorashada, iyo goloyaasha sharci dejinta.

    Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa shaaciyay inay soo dhaweynayaan Qoraalkii kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee dalka, kaasi oo dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka loogu baaqay inay Shir Deg deg ah isugu yimaadan si looga hadlay Arrimo kala duwan oo ugu weyn tahay Doorashada dalka.

    PUNTLAND POST

    The post Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweeyay Baaqii Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.


  14. Galka’yo (PP News Desk ) —  Galka’yo, an administratively divided district, is taking steps towards forming a joint security force to fight Al-shabaab, the terrorist organisation behind the recent spate of assassinations in North Galka’yo under the jurisdiction of Puntland State.

    A joint security operation conducted by Puntland  and Galmudug security forces in cooperation with a unit from the Somali National Army division this week saw the arrest of people suspected of supporting Al-shabaab.

    Galmudug Security Minister Ahmed Fiqi, a former intelligence director, has held meetings with North Galka’yo authorities. Out of the meetings emerged a common counterterrorism strategy for the beleaguered administrative capital of Mudug. Last month, Al-shabaab assassinated the former Puntland-appointed governor of Mudug.

    Galka’yo has been a divided city since 1993, when General Mohammed Farah Aideed and Colonel Abdullahi Yusuf Ahmed signed a peace agreement in Mogadishu. The agreement stipulated the division of Galka’yo into South (under United Somali Congress) and North (under Somali Salvation Democratic Front). Puntland leaders had honoured the agreement when a Garowe-based autonomous administration came into existence in 1998.

    The renewed security collaboration between Galmudug  and Puntland builds on past security arrangements to deter terrorist elements that exploited distrust between North and South Galka’yo.

    Galka’yo residents have welcomed joint security operations by the two federal member states.

    © Puntland Post, 2020

    The post PUNTLAND AND GALMUDUG CONDUCT A JOINT SECURITY OPERATION IN GALKA’YO appeared first on Puntland Post.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen arrimo dhow ah, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

    Ugu horeyn Sheekh Shariif oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii uu maanta uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu baaqay inay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasadda dalka, isla markaana ay guddoomiyah Aqalka Sare uga mahad celinayaan go’aankaas, kuna dhiira gelinayaan inuu ka mira dhaliyo.

    Sheekh Shariif ayaa sheegay in kulamadii ay shalay iyo maanta la qaateen guddoonka golaha shacabka looga hadlay sidii wadatashi looga yeelan halaa arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad ay uga magad celinayaan sida ay ugu yimaadeen oo wadatashiga ay ula yeesheen.

    Sheekh Shariif ayaa ka deyriyay xaaladda ammaan ee dalka, isagoo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan isku howlin la dagaalanka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed, isagoo gaabiska dhanka ammaanka dalka ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka.

    “Waxaa jira ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo dowladaha deriska ah ay leeyihiin oo markii ay doonaan dalka soo gala, kuwaas oo geysta dembiyo, arintaas ka soo hor geeda heshiiska ay ku joogaan ciidamada AMISOM, waa kalsooni darro in lagu soo daro ciidamo aan ka tirsaneyn oo dalka aan shirci ku joogin, waxaan rabnaa in sumcada AMISOM aan lagu ciyaarin, sidaas dartee beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa in ciidamadaas si deg deg ah dalka looga saaro falalka ay geysteena lagula xisaabtamo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

    Sidoo kale Shariif Sheekh ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uusan daacad ka aheyn wadahadallada Somaliland, isla markaana uu hada u badelay olaole uu doorashada ku galayo, balse ay arrintaasi ay ka weyn tahay wax olole lagu galo.

    “Walaaleheen reer Somaliland dhib baa ku dhacay, aniga iyo madaxweyne Xasan xiligeenii waxaan la furnay wadahadal, balse aad ayaan uga xunahay wixii dhacayey maalmahaan dambe oo madaxweyne Farmaajo uu ku hadlayey, taas oo aan u fiicnyn walaaltinimada iyo isu soo dhawaanshaha labada dhinac,” ayuu yiri.

    “Waxaan leenahay shisheeyuhu gacmaha halaka baxo arrimaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, si gaar ah walaaleheen Itoobiya waxaan leenahay la isma aaminsana marka faraha Itoobiya hakala baxdo arrimaha Soomaaliya, madaxda dowladda federaalkana waxaa hada looga baahanyahay in dalku doorasho aado, aysan olole ka dhigan arrinta Somaliland oo waqti dheer u baahan” ayuu yiri Sheekh Shariif.

    Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay shirkaas ay caawa warbaahinta kula hadleen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dalkan lagu wadi jiray wadatashi, balse hada ay xaaladu sidii hore ka bedelanyahay.

    “Mudane Madaxweyne ha aamusnaane dadka lahadal oo u sheeg waxa dalka ka jira haddii ay guul jirto iyo hadii guul darro jirtaba, sababtoo ah dalku waa dalkoodii, laakiin waxa dalkeena ka jira ma’ahan in Abiy Axmed noo sheego, hadda maalin dhaweyto wax yaabo aan in la sheego ku habooneyn ayuu u sheegay, waxaasna dowladeenu marabto inay noo sheegto, waxay dowlad u tahay inay heshiis la gasho dowlad kale, laakiin hada anaga iyo Itoobiya taariikhdii xumeyd ee na dhex martay oo sii dhamaaneysay hadda waxay abuurtay shaki hor leh,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa arrinta doorashada ku tilmaamay mid lamid ah gacan calool ku jirta oo illaa hadda aysan cidna aqoon nuuca ay noqoneyso daarashada dalka lagu wado inay ka bilaabato dabayaaqada sanadkan.

    Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta badda waxa uu sheegay in arrinta badda uu marar badan ka hadaly, balse uusan ka aamusi karin oo ay gubeyso, su’aalo badana uu iska weydiinayo waxa dhici doona iyo nuuc ay noqon doonto guusha ay ka gaari kato Soomaaliya.

    “Arinta badda dayacaa ka jira , dayacaas waxaa laga yaabaa sida aan u tuhun sanahay in uusan aheyn, laakiin waxaan rabnaa in naloo sheego, oo dadka Soomaaliyeed la yiraahdo sidaan ayey wax u jiraan, balse seddax jeer in Kenya waxa ay rabtay loo yeelo, wax aqliga bani’aadamka iyo sharciyada caalamiga ahba ay ogolyihiin maaha, maxkamaduna laba dhinac oo is heysata ayey mid u hiilinee sababta ay ku dhacday waa in dadka loo sharaxo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh.

    Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa gudoomiyaha aqalka sare ku amaanay warkii maanta ka soo yeeray, isagoo ku tilmaamay oday Soomaaliyeed oo markaan uu dalku ku jiro xaaladan kala guurka ah aad loogu baahan yahay taladiisa iyo doorkiisa oo muuqda.

    Hoos ka daawo shirka jaraa’id


  16. Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega  Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha  dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaannada Galmudug ay ka bilaabaan howlgallo ay ku gaarayaan kuwa ka maqan.

    Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada waraajiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabab.

    Wasiirka wasaaradda amniga  Axmed Macalin Fiqi  ayaa horay u sheegay in ay bilaabayaan diyaar garowga ay ku garayaan deegaannada Galmudug oo ay ka arimiyaan Al-shabab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug, wasaaradda ayaana maalmihii dambe la wareegeysay maleeshiyaadka ku sugan Galmudug.

    Wasiirka oo lagu  wareegay maleeshiyadaan ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha ay maleeshiyaadkoodu wareejiyeen agabkaan ciidan kaalinta ay ka qaateen in uu taabo galo qorshaha lagu wareejiyey Maleeshiyadaan.

    Wasiirka ayaa sidoo kale xusay  in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo dhismihiisa ay bilowday wasaaradda amniga.

    Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in qorshahooda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada Guud ahaan deegaannada Galmudug iyo sidii maamulka uu k gaari lahaa deegaannada ka maqan gacanta dowlad goboleedka Galmudug.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com