-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Taipei (Caasimada Online) – Waxaa muuqata suurta-galnimada Taiwan ay saldhig militari ka sameysato Somaliland, gaar ahaan magaalo xeebeedka Berbera, taasoo qayb ka ah heshiis laba-geesood ah oo ay la gashay maamulka Somaliland oo caalamka u aqoonsan yahay gobol ka mid ah Somalia.
Kowdii bishii Luulyo ayaa wasiirka arimaha dibadda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu ku dhawaaqay in dowladaha Taiwan iyo Somaliland ay isku raaceen dhismaha xafiisyo matalaya labada dhinac, si ay si wanaagsan ugu adeegayaan danaha midba midka kale.
Wada-hadallada Taiwan iyo Somaliland ayaa billaabmay dabayaaqadii sanadkii 2019, waxaana heshiiskii ugu horeeyay ay kala saxeexdeen bishii Febraayo ee sanadkan, markii Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Yaasiin Hagi Maxamuud uu booqday Taipei uuna la kulmay Madaxweynaha Tsai Ing Ing-wen (蔡英文).
Lama oga sababta xiriirka labada dhinac uu u ahaa mid qarsoonaa mudadaasi fog, laakiin waxaa loo arkaa muhiimada xiriirka Taiwan ee Somaliland mid ay ku dooneyso inay ku cuuryaamiso awooda Shiinaha uu ku leeyahay gobolka gaar ahaan Geeska Africa, iyadoo la og yahay in Shiinaha uu xiriir dhow la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalka deriska ee Jabuuti.
Shabakadda HCH24 ee ku baxda luuqada Faransiiska kana faaloota arrimaha Geeska Africa ayaa daabacday in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland inuu ka carooday Shiinaha sababta oo ah waxay carqaladeyneysaa ololahooda ay ku go’doominayso Taiwan.
Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu shaki ka qabaa xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, maadaama ay siinayso kuwa ay la tartamayaan inay saldhig ka dhigtaan waddan ay dariska yihiin saldhiga milatariga Shiinuhu ku leeyahay Jabuuti.
Shabakadda HCH24 ayaa qortay in madaxda Hargeysa in wajigii labaad ee heshiiska ay u ogolaanayaan millatariga Taiwan in ay laylis ku qabtaan Somaliland. Inta xitaa Taiwan ay ka shaqeyneyso in ay saldhig militari ka sameysato magaala xeebeedka muhiimka ah ee Berbera.
Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu sheegay in tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanida 1991, ay ay ka dhaceen saddex doorasho oo madaxweyne ah isla markaana ay waddammo badani ka aqbaleen inay yihiin waddan dimuqraadi ah oo Afrika ka jira, sida uu ku shaaciyay barte twitter-ka Arbacadii (1-dii July), Wu wuxuu ku dhawaaqay saxeexa heshiiska labada dhinac wuxuuna ku tilmaamay Somaliland wadan madax bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika.
Taiwan ayaa tan iyo bishii Janaayo 2020 la shaqeyneysay Somaliland, kana caawineysay kobcinta awooda wasaaradaha kala duwan iyo farsamooyinka kale ee maamulka.
Kooxda ‘The Root Root Medical Peace Corps’ ayaa sidoo kale Somaliland ka caawisay dhinaca caafimaadka, iyadoo usoo dirtay shaqaale caafimaad markii seddexaad tan iyo bishii Janaayo ilaa 28-kii June. Waxay kaloo soo gaarsiisay sahaydii ugu weyneyd ee agab caafimaad oo loogu tala galay la dagaalanka cudurka dilaaga ah coronavirus (COVID-19).
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Danjiraha Shiinaha ee Somalia Qin Jianayaa oo ku kulmay qasriga madaxtooyada, wuxuuna Farmaajo u sheegau China in Somalia ay ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka China.
Somaliland ayaa sannadkii 2017 waxay heshiis la saxeexatay Imaaraadka Carabta (UAE) inay saldhig milateri ka dhisato magaalada Berbera, sidoo kalena ay siiso tababaro milatari iyo qalab ciidan booliiska iyo millatariga Somaliland. Si kastaba ha noqotee, waxaa xigtay in la shaaciyay in Imaaraadka uu ka baxayo heshiiskaasi bishii Sebtember 2019.
Bishii Janaayo ee sannadkan, shabakadda wararka ee Telegraf ee ka soo baxda waddanka Mareykanka ayaa soo xigatey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka iyaga oo sheegay in Ruushka uu sii laba jibaarayo qorsho uu saldhig milateri kaga dhisanayo magaalada Berbera. Laakiin dowladda Ruushka ma aysan xaqiijin warbixintan.
-
Migrants are frustrated with the fifth extension of the lockdown in camps, saying it makes their lives even more difficult.
-
Suna East MP Junet Mohamed has led Kenya's delegation to a high profile diplomatic meeting in Somaliland.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa awood Ciidan u adeegsatay Dibad-baxayaal si nabad ah isu’gu soo baxay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Bannaan-baxa ayaa sida la sheegayo looga horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana soo qaban-qaabiyay Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka walaacsan Arrimaha Doorashooyinka soo socda.
Wararku waxay sheegayaan in Dowladda Ciidamo fara badan ku daadisay Fagaaraha Daljirka Dahsoon halkaas oo ay isu’gu soo baxeen dadka Bannaan-baxa samaynayay si ay dareenkooda u muujiyaan.
Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale la sheegaya in ay Rasaas u adeegsadeen Dadka Shacabka ah ee Dibad-bax ka samaynayay Taallada Daljirka Dahsoon.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Federaalka oo awood Ciidan u adeegsatay Bannaan-bax ka bilowday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddiyadii baarista xasuuqii deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe ay joojiyeen baaritaanka kiiskaas, kadib markii uu lugaha la galay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintaan ay aad u adkaatay islamarkaana guddiyadii ku jiray ee ka kala socda HirShabeelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiyeen.
Xubno kamid ah labada guddi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in baaritaankii ay wadeen uu lugaha la galay saraakiil sare oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya islamarkaana ay dhaqaajin waayeen kadib markii ay la kulmeen caga juglayn iyo cabsi gelin.
Qaar kamid ah xubnaha aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay, in dhinac kale oo ka tirsan dowladda ay bilaabeen in arrintaan ay u xaliyaan si hoose islamarkaana ay wadaan aruurinta lacago loogu tala-galay in la siiyo qoysaska dhibanayaasha ah.
“Sidaa u wadnay baaritaanka oo daruufo adag ku wareegsanaa waxaan ku tagnay saraakiil sare oo eedeysanayaal ah waana dhaqaajin weynay, xataa inaa la kulano nooma aysan suurta gelin, guddigayna waa loo caga jugleeyay, hanjabaad toos ah ayaan la kulanay,” ayuu yiri qof kamid ah guddiyada arrintaan ku howlan.
Sidoo kale mas’uulkaan ayaa noo sheegay in siyaasiin maqaam sare ku leh dowladda dhexdeeda ay wadaan qorshe lacag lagu siinayo qoysaska dhibku gaaray lacagtaas oo lagu sheegay in ay tahay DIIYO.
Dil wadareedkii ka dhacay Golaley muddo dheer ka hor ayaa ahaa kii ugu xumaa waxaana halkaasi si bareer ah loogu toogtay 8 qof oo dhalinyaro dhaqaatiir ahaa. Dilka ayaa lagu eedeeyay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee degaankaas ku sugan.
-
Inta aynaan ka warcelin weydiintan, bal aan dib u eegno taariikhda, oo aan dib idiin xusuusiyo doorkii Puntland ee dhisidda Dawlad Federaal ah ee Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in Puntland ay keentay aragtida in Soomaaliya laga dhigo ama laga dhiso Dawlad Federaal ah oo laga guuro nidaamkii Dawladdii Dhexe ee ay Soomaaliya hore u soo martay.
Marka aan shirkii Kenya ka dhacay dib u eegno waxaa kuu soo baxaysa in Puntland ahayd awood muuqatey oo shirkaa hoggaan u ahayd, kuna guulaysatay in ay Soomaalida kale ka dhaadhiciso ka na iibiso aragtidii ay xambaarsanayd ee ahayd in dalku Federaal noqdo shuruud la’aan iyada oo aan weliba si bisil looga wada hadlin.
Xilligaa Puntland waxaa madaxweyne ka ahaa Eebbe ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo markii dambe isku beddelay oo loo doortay Madaxweynihii ugu horreeyey ee hoggaanka u qabta Dawlad Federaal ah oo markii ugu horreysay laga yagleelo Soomaaliya. Arrintaasi waxay muujisay ujeedadii loo asaasay Puntland oo ahayd in lagu gaaro qaran Soomaaliyeed oo loo dhan yahay oo Federaal ah.
Dawladdii Cabdullaahi Yuusuf, Puntland waxay ku taageertay dhaqaale, ciidan, hub iyo maskaxba si ay u hirgeliso nidaamka Federaalka ah, waana sababta reer Puntland ay u jecel yihiin in loogu yeero maamul goboleedkooda “ Hooyaddii Federaalka” oo marka la eego tillaabooyinka ay qaadday u qalanta in lagu magacaabo sidaa.
Marka si fiican loo derso ujeedadii Puntland ka lahayd nidaamka Federaalka ah, wuxuu ahaa mid aan dad badan u muuqan xilligaa. Puntland waxay u arkaysey in nidaam Federaal ah ay ugu badinayso dadka ku abtirsada deegaanada Puntland, Jubbaland, qaybo ka mid ah Galgaduud iyo Bakool Sare. Puntland waxa aanay marnaba ku tashan suurragalnimada in laba gobol oo la isku daray ay noqon koraan Dawlad Goboleed, caasimadda Muqdishana ay maqaam gooni ah iyo metelaad siyaasadeed yeelan karto.
Maanta waxay Puntland indhaha ku haysaa Banaadir oo metelaad yeelatay, laba gobol oo midoobay oo noqday Maamul Goboleed, Mudug oo laba qaybood laga dhigay iyo Sool iyo Sanaag oo lagu tilmaamay Gobollada lagu muransan yahay ilaa ay soo gaadhay in Puntland ku baaqdo in metelaad siyaasadeed oo la mid ah tan Banaadir ay helaan Gobollada Sool iyo Sanaag. Ogow, Sool iyo Sanaag waxaa gabi ahaanba gacanta ku hayn jiray maamulka Puntland wixi ka horeeyey 2007ki marki laga reebo qaybo ka mid ah Sanaag.
Haddaba, nidaamka Federaalka ahi, wuxuu dhigayaa in deegaan kasti metelaad ku yeesho Dawladda Dhexe ee Federaalka ah. Marka laga soo tago Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo lagu qaybsaday nidaamka 4.5, waxaa aqalka sare loo sameeyey in uu metelo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, waxaana aqalka sare la aasaasay dhammaadkii sanadkii 2016kii iyada oo ay si wada jir ah ugu heshiiyeen Madashii Wada Tashiga Qaran ee ka koobnayd madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada.
Waxa ay ku heshiiyeen in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo 18kii Gobol ee Soomaaliya ka koobnayd, Gobol kastana uu helo saddex xubnood, taas oo tirada guud ka dhigaysa 54 xubnood.
Haddaba sidaa si ka duwan ayeey Madashii Wada Tashiga Qaran oo ay hormuud u tahay Puntland ay wax u qaybisay. Soomaliland iyo Puntland waxaa la siiyey midkiiba 11 xubnood, halka afartii Maamul Goboleed ee kale la isku siiyey 32 xubnood, oo midkiiba uu qaatay 8 xubnood, iyada oo meesha laga saaray Gobolka Banaadir oo ahayd inuu metelaad ka helo aqalka sare.
Haddii sidii hore wax lagu sallayn lahaa, Aqalka Sare Banaadir waxay ku yeelan lahayd 3 xubnood, balse damaca Puntland ayaa keenay in la iska indho tiro xuquuqda Banaadir, ugu dambayna ay maanta horseedo in Banaadir hesho metelaad u dhiganta tan Maamul Goboleedyada ama ka badan, waayo hadda Banaadir Gobol ma aha oo keliya ee waxa ay yeelatay miisaan u dhigma Maamul Goboleed oo aan yagleelidiisa dhabta ahina sii fogayn.
Waxaa xusid mudan in Punltand ansixinta ka hor ay iska dhigi jirtay mid u doodaysa oo xuquuq siyaasadeed u raadinaysa Gobolka Banaadir, taas oo maanta beenowday, iyada oo Puntland hore ugu khudbeyn jirtay qoraal ahaanna u dhigi jirtay in Banaadir matalaad iyo maqam hesho taas oo malaha ka ahayd; “qowda maqashii waxna ha u qaban”, illeyn lama oran karo waxay qoonsatay kala haridda matalaadda iyo maqaamka Banaadir oo kii soo horeeyaba hormuud u yahay kan kale.
Xilligan la joogo,waxay Puntland ku doodaysaa in habka loo maray metelaad siinta Banaadir ay baal marsan tahay sharciga oo aanay dastuurka waafaqsanayn, iyada oo Muqdisho u muujinaysa magaalo beelo gaar ahi leeyihiin kuna eedaysay xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabeele iyo Galmudug in ay dabada ka riixayaan metelaaddaa aqalka sarre ee Banaadir.
Damaca reer Puntland waxaa ka dhashay dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Damaca reer Puntland wuxuu burburiyey Dawladdii Dhexe. Damaca reer Puntland wuxuu horseeday nidaamka 4.5. Damaca Puntland waxaa ka dhashay Federaal, Puntland lafteeda waxaa loo aasaasay damac siyaasadeed iyada oo laga dhigtay jaranjaro lagu gaaro hoggaanka sarre ee Soomaaliya.
Damaca iyo sedbursiga Puntland ayaa sabab u noqday khilaafka dheeraaday ee muddooyinkii kala duwanaa soo dhex marayay Dawladihii kala dambeeyey burburka ka dib, ka bilow Dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan ilaa laga soo gaaro xukuumaddan uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweyne Farmaajo, marka laga reebo muddadii uu xilka hayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Eebbe ha u naxariistee.
Haddaba Damac Puntland ma horseedi doonaa burburka Dawladda Federaalka ah?
Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa ahmedfiqi2018@gmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii shalay akhrinta koowaad ku marsiiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka. Waxaana golaha ka hor akhriyay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiirka maaliyadda ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan. Waxaana qaar ka mid ah su’aalahaasi ay ku saabsanaayeen in dowladdu shaqaale cusub qoraneyso iyo in kale.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in hoos u dhac aad u weyn uu ku yimid dhaqaallaha dalka, sidaas dartee aysan saamaxeyn inta Corona jiro in dowladdu qorato shaqaale cusub, maadaama sida uu sheegay maalinba maalinta ka dambeysa uu hoos u sii dhacayo dhaqaalaha dalka.
“Shaqaaluhu inuu dowladda u shaqeeyo horta waajib maaha, shaqa abuurku waa in dhaqaalaha sare loo qaado oo dadku shaqo helaan, waxaan ku rajo weynahay mashaariicda imaaneysa dalka inay sii hordhaan, sanadkan iyo kan soo socda mashaariic badan oo dalka dhan laga hir-gelinayo ayaa imaaneysa, mashaariicdas shaqa abuur ayey keenayaan, hadii Coronavirus naga dhamaadana dowladdu hade shaqaale ayey u baahantahay” ayuu yiri wasiir Beyle.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay in dhaqaalaha dalka un kor loo qaado, si dadku ay shaqa uga helaan dowladda ama hey’adaha kale ee madaxa banaan ee dalka.
Hoos ka Daawo Wasiir Beyle oo ka hadlaya arrintaas iyo arrimo kale
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa wacad ku maray in la xakameyn doono isticmaalka baraha bulshada kadib markii Twitter-ka lagu aflagaadeeyay gabadhiisa iyo ninka qaba oo cunugii 4-aad u dhashay, su’aalna lagu geliyay aabanimada
Caro iyo in baraha bulshada lagu hadal haayo ayaa ka dhalatay aflagaadaasi loo geystay gabadhiisa Esra iyo wasiirka maaliyada Berat Albayrak oo ay u dhaxda, mareegaha Twitterkana ku shaaciyay ilmaha qoyska kusoo biiray ee loo bixiyay Hamza.
Baahinta sawirka ilmaha u dhashay qoyska ayaa waxaa ka falciyay dadkii ku xirtaa mareegtooda, kuwaasi oo su’aal geliyey aabanimada Albayrak.
Warbixinta oo dhameystiran Muuqaalka hoose ka daalaco.
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyahiin duleedka degmada Gaarisa.
Ciidamada Booliska Kenya ayaa daganaa saldhigga la weeraray wuxuuna ku yaalaa deegaanka Faafi, durba waxaa masuuliyadda weerarka sheegtay xarakada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sheegtay iney dileen dhawr ka tirsan booliska Kenya, balse wax war ah kama soo bixin dhanka dowladda Kenya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa joogteysay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, waxayna wacad ku martay inay weerarada sii wadi doonto inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, wuxuuna Madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay inuusan ciidamadiisa kala bixi doonin gudaha Soomaaliya inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.
-
Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega?
Khilaaf ka dhashay dib u dhigista doorashada guud ee dalka Itoobiya, waxay uga sii dartay xiisadda u dhaxeysa dowlad deeganaka Tigreyga iyo dowladda federaalka ee Itoobiya uu uu hogaamiya ra’iisal wasaare Aby Axmed.
Maamulka deeganaka Tigreyga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, ayna iska indha tiri doonaan go’aanka federaalka iyo guddiga doorashooyinka oo dib u dhigay doorashada guud oo ay ahayd inay dhacdo bisha Agoost ee sanadkan. Haseyeeshee arrintaas ma aanay suurtagelin oo waxaa saameeyay xanuunka corona.
Horaantii bishii Juun, aqalka sare ee Itoobiya ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay muddo xileedka ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Taas waxay keentay in afhayeenka Keria Ibraahim oo xil sare ka heysa xisbiga TPLF ee Tigreyga ay iska casisho xilka, iyadoona Abiy ku tilmaamtay “kaligii taliye”.
Xisbiga TPLF oo hadda ka arrimiya deegaanka Tigreyga ayaa lagu eedeeyay inay qoronayaan askar “xilka ka tuurta dowladda federaalka”.
Dibadbaxyo aan horay loo arag
Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.
TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas.
“Wararka been abuurka ahaa waa arrin guuldarreystay oo warbaahinta ay ku raadinayeen dulduleelo iyo in khilaaf la kala dhex dhigo xiriirka ka dhaxeeya maamulka deeganaka iyo shacabka oo dowladda federaalka madax xanuun ku noqday labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaan doonayaa in saaxiibada iyo cadawga aan u sheego in anaay jirin wax dibadbax ah oo ka dhacay meel kamid deegaanka Tigrey, sidookalena aysan jrin wax amni darri ah oo ka dhacay deegaanka,” waxaa sidaas lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay maamulka sare deeganka Tigre.
Qaar kamid ah dadka ku nool deegaanka Tigrey ayaa meelo kamid ah dhulka maamulka ka dhigay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan maamul xumi, shaqo la’aan iyo caga-jugleynta dadka mucaaradka.
“Dibadbaxyada waxaa markii hore lasoo tebiyay bartamihii bishii May, waxayna ahaayeen kuwa goosgoos ah. Way adkeyd in si madaxbanaan looga soo warramo bannaanbaxyada”, waxaa sidaas kusoo warramay weriye katirsan wargeyska gaarka loo leeyahay ee Addis Standard.
Haseyeeshee dibabaxyadaas waxay minja xaabinayaan awoodda siyaasdaeed ee xisbiga TPLF uu ku leeyahay deegaanka.
“Xisbiga Tigree ee TPLF waxaa uu isku dayayayaa in uu in uu dadka kala qeybiyo oo uu dadka ka aragti duwna weeraro, hor-istaagana horumarka oo ay kamid tahay dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaaga”, sidaas waxaa yiri madaxa xafiiska PP ee deegaanka Tigreega, Nebiy Sihul Mikael oo la hadlayay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.
Xisbiga talada haya ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado TPLF, waxa uu na walaac ka muujiyay hab-dhaqanka mamauulka deeganka oo uu sheegay in taas ay gooni u fuquuqeyso dadka shacabka ee ku nool deegaanka Tigree.
“Gooni isutaag”
Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya “in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag”.
“Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,” sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF.
Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay “mussiibo noqon doonta”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay si weyn uga deyrisay xaalada uu wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) uu ku wajahayo bilooyinkii u dambeeyay xabsiga uu ku xiran yahay.
Amnesty ayaa warbixinteeda ku sheegtay in wariye Abuuja si qarsoodi ah loo geeyay maxkamadda militariga magaalada Muqdisho, iyada oo aysan la socon reerkiisa iyo qareen u dooda.
Hay’adda ayaa xariga sharci darada ah ee wariyaha ku eedeysay inay ka dambeeyen saraakiil ka tirsan Hay’adda nabad sugida qaranka (NISA), kuwaasi oo soo xiray 7-dii March ee sanadkan 2020.
Amnesty ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ka dalabtay inay si deg-dega oo bilaa shuruud ah kusii daayan wariye Abuuja, oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda dhexe, waxaana lagu yiri warbixintaasi:
“Amnesty International waxay ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) Ururka wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan”.
“Abuja waxaa dib u xiray saraakiil ka tirsan NISA 7dii Maarj 2020 iyadoo aysan ogeyn qoyskiisa iyo Qareenno iyo iyadoo aan maxkamad la soo taagin illaa 7 Juunyo 2020. Maalintaas, si qarsoodi ah ayaa loo geeyey maxkamadda militariga Magaalada Muqdisho iyada oo aysan la socon reerkiisa iyo qareen”.
Baaqa Amnesty ayaa kusoo aadaya xili ay dowladda Soomaaliya ay hore u sheegtay in wariye Abuuja lagu haysto inuu xiriir la leeyahay, isla markaana uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab, iyada oo si cad loo soo bandhigin eedeymahaasi.
Waxa kale oo Abuujaa loo haysta inuu ku lug lahaa dil ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo haweenay lagu magacaabo Baxsaneey Booleey loogu geystay degmada Boondheere, sida lagu sheegay qoraal bishii April kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
-
Hayadda WHO oo digniin adag siisay dalal ay Soomaaliya ku jirto oo shaaciyey iney..
Ha’yadda Caafimaadka Adduunk (WHO) ayaa ugu baaqday Dowladaha Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xilli Dalal kala duwan oo ka tirsan Qaaraadda ay dib u fureen duulimaadyada, halka kuwo kalena ay qorsheynayaan iney dib u furaan.
Hadalka hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday in Maalinta Berri ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 5/7/2020-ka ay dib u furi doonto duullimaadyada gudaha Dalka.
WHO ayaa ku baaqday in si dhab ah loo raaco talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Feyraska Corona’waxanay codsatay in shirkadaha Diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo safmarka.
Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabbilsan Geeska Afrika Drs,Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in duullimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha Dalalaka Gobolka balse loo baahan yahay dhaqan gelinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka.
Waxay ha’yaddu ka codsatay saraakiisha Garoomada Diyaaradaha in ay xaqiijiyaan kala fogaanshaha Dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska.
WHO waxay sheegtay in Dalalka Cameroon, Equatorial Guinea, Tanzania iyo Zambia ay horey u bilaabeen duliimaadyadooda.
-
Qoysas ay Soomaali kamid yihiin oo loo diidday inay dibeda u baxaan
Maamulka magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa xayiraad kusoo rogay qoysas ay Soomaali kamid yihiin oo ku nool dabaqyo dhaadheer kadib markii uu halkaa ka dilaacay Fayraska Korona.
Ku dhawaad 3,000 oo qof oo ku nool dabaqyadaasi ayaa loo sheegay inay guryahooda joogaan ugu yaraan shan maalmood oo aanay sinnaba bannaanka ugu bixi karin.
Ugu yaraan 23 kiis oo Fayraska Korona ah ayaa xaafado kamid ah magaaladaasi laga helay maalmihii la soo dhaafay.
Guud ahaan dalka Australia 8,362 qof ayuu ku dhacay cudurka halka 104 qofna ay u dhinteen.
Mas’uulka ugu sarreeya gobolka Victoria oo ay Melbourne caasimadda u tahay, Daniel Andrews, ayaa sheegay in tirada kiisaska cusub ee xanuunka ay walaac ku abuurtay dadka deegaanka.
Dadka ku nool dabaqyada Flemington iyo Koonfurta Melbourne ayaa la saaray xayiraad adag.
Sida uu sheegay madaxa guriyeynta ee gobolkaasi, Richard Wynn, dabaqyadaasi waxaa ku nool qaar kamid ah dadka ugu nugul magaalada, waxaana loo geyn doonaa cunnada iyo dawada ay u baahan yihiin.
Waxa uu intaa ku daray in qaabka ay u dhisan yihiin dabaqyadaasi ay gacan weyn ka geysan karto faafidda cudurka. Andrews ayaa sheegay in uga yaraan shan maalmood ay u baahan yihiin si loo baaro dhammaan dadka ku nool halkaasi.
Muddo bilooyin ah, Australia ayaa ku rajo weyneyd inay xakameysay cudurka COVID-19, balse waxa ay hadda ka walaacsan tahay faafidda Fayraska ee magaalada Melbourne.
Inkastoo heerka faafidda cudurka uu hadda ka yaryahay kii bishii March, ayaa xilligan dowladda Australia waxay ka cabsi qabtaa in Fayrasku yahay mid bulshada dhexdeeda ku faafaya.
Markii hore, waxaa COVID-19 laga helayay dadka Australia uga ima
-
Ciyaaryahan madow oo midabkiisa awgii looga reebay xulka qaranka dalkiisa
Waxaa sii xoogeysanaya olole lagu doonayo in taallo loogu diso ciyaaryahan madow ahaa oo 95 sano kahor loo diidday inuu u dheelo xulka England.
Jack Leslie ayaa sanadkii 1925-kii filayay inuu u safan doono xulka England, 53 sano kahor inta aanu fursaddaasi helin ninkii ugu horreeyay ee madow ah Viv Anderson.
Xilligii uu Leslie geeriyooday 1988, waxaa kooxaha kubadda cagta ee Englad kusoo badanayay ciyaaryahanno madow ah.
Jack Leslie ayaa sanadkii 1900 ku dhashay Canning Town oo ka tirsan caasimada London. Hooyadii waxay ahayd Caddaan, aabihiina madow Jamaica kasoo jeeday.
Laacibnimadiisa kubadda cagta ayaa u suuragelisay inuu u dheelo kooxda Barking Town, kadibna waxa uu ku biiray Plymouth Argyle oo xilligaasi ka dheeli jirtay horyaalka heerkiisa saddexaad, waxaana uu u ciyaarayay muddo 14 sano ah isagoo u dhaliyay 137 gool.
Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa weeraryahan baalka bidix kasoo gala goosha, mararka qaarna difaaca uga dheeli jiray kooxdiisa.
Yeeritaankii xulka England
Sanadkii 1925 tababarihii Plymouth, Bob Jack ayaa laacib Leslie ku wargeliyay inuu magaciisa u gudbiyay xulka qaranka, isla markaana uu u safan doono kulanka ay la dheeli doonaan Ireland.
Waxa ay ahayd guul weyn oo usoo hoyatay ciyaaryahankaasi iyo weliba kooxdiisa.
Warkaasi ayaa ku faafay magaaladii uu degannaa, balse maalmo kadib markii wargeyska uu daabacay magacyada xulka England ee la dheelayay Ireland, Leslie waxa uu kamid ahaa ciyaartooyda keydka ah ee kooxda raacayay.
Waa uu diidday inuu la safro kooxdii u socotay Belfast, taa bedalkeedana waxa uu u haray kooxdiisa. Maalintaasi England waxa ay barbaro gool la’aan ah la dhaafi weyday Ireland, halka Leslie uu kooxdiisa u dhaliyay laba gool, kulan ay 7-2 uga badisay Bournemouth oo marti u ahayd.
“Waxaan rumaysanahay in tababarihiisa uu diray codsiga, isagoo sheegay in Leslie yahay laacib heer sare ah oo mudan inuu u dheelo England, balse dadkii loo soo diray inay daawadaan ciyaartiisa ayaa ku qanci waayay midabka jirkiisa,” ayay tiri Lesley Hiscott oo uu awoow u yahay.
Inkastoo uu Leslie gacan weyn ka siiyay kooxdiisa Plymouth inay u gudubto heerka labaad ee horyaalka, kabtanna u ahaa, ayaa haddana waxaa u suurageli weyday inuu u safto xulka England.
Viv Anderson oo noqday ciyaaryahankii madow ah ee markii ugu horreysay u safta England ayaa sanadkii 1978-kii waxa uu dheelay kulankii uu xulkaasi la lahaa Czechoslovakia ee ka dhacay garoonka Wembley.
“Waxaan markii ugu horreysay taariikhda Jack Leslie maqlay laba todobaad uun kahor, waa ceeb weyn, waayo guulaha uu gaaray awgood waxay ahayd inuu ku faano laacib kasta oo madow ah,” ayuu Anderson BBC-da u sheegay.
Taallada
Anderson ayaa sheegay inuu filayo in taallada la doonayo in loo dhiso Jack Leslie ay soo nooleyn doonto guulihiisa taariikhiga ah.
Kooxda Plymouth ayaa qolkeeda shirarka ugu magac-dartay Leslie, qaar kamid ah taageerayaasha kooxdana waxay kaalin muuqata ku leeyihiin ololaha taallo dhisidda.
“Xilli taallooyinka qaar la duminayo, waxaan dooneynaa inaan taallo maamuus ah u dhisno Jack Leslie oo aan ku sharafno guulihii uu gaaray, isla markaana aan garawsanno cadaallad darradii uu la kulmay,” ayuu yiri Greg Foxsmith oo kamid ah dadka billaabay ololaha.
Ololaha ayaa rajeynayaa inuu helo lacag dhan £100,000, dadka ku hawlanna waxaa kamid ah Anderson iyo hawlwadeennada kooxda Plymouth.
-
Waxaa muuqata in Madaxweyne Farmaajo uu isu keeni waayay Maamul Goboleedyada, Tasoo dhalisay in uu baaqdo Shirkii uu ku casumay Maamulada oo lagu waydey inuu [...]
The post Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay oo baaqdey appeared first on .
-
WAA MAXAY SABABTA TAIWAN AY KOR UGU QAADAY UGUNA FAANAYSO XIDHIIDHKA AY SOMALILAND LA YEELATAY , SOMALILAND NA AAD MOODO IN AY YAR GABANAYSO !
Hadii aad eegto warbaahinta aduunka waxa haysta xidhiidhka labada dal ee Taiwan iyo Somaliland oo labadooduba aan aqoonsi caalamiya ka haysan aduun weynaha , haddaba waxa wada oo aad cirkaa u mariyey dawlada Taiwan oo meel walba ka riday kuna faanaysa.
Somaliland oo aan xidhiidh la lahayn dalka China isla markaana aanu u muuqan mid u soo jeeda dalkeeda marka aad eegto china sida uu wax uga qabtay xidhiidhona ula leeyahay wadamada ay Somaliland jaarka yihiin ee Ethiopia, Djibouti iyo Somalia oo laga yaabo in uu hada ku soo hurgufo mashaariic horumarineed ayaa aad moodaa in ay yar gabanayso.
Waxa aan booqday baraha wararka inala wadaaga ee dawlada Jamhuuriyada Somaliland oo aanay ka muuqan wax rayn rayn ah iyo wax hadal hayn ah oo heshiiskaasi ku qotomaa , waxa aan ilaa hadda isweydiinayaa maadaama ay siyaasadu gabigeedu tahay ku dhac iyo khatar qaadasho ileyn nin qoyani biyo iskama dhawro e waxa xukuumada Somaliland ay uga waji dadbayso arinkan.
Xidhiidhkani Somaliland la sameysay Taiwan waa markii ugu horeysay ee magaca Somaliland iyo xidhiidh ay dal la sameysay uu ka dhaco daafaha dunida oo dhan , Taiwan lama yaraysan karo oo waa wadan aad ugu xidhan dawladaha reer galbeedka inkasta oo aanu aqoonsi haysan , waa wadan horumar badan gaadhay oo ay isku qadiyad yihiin Somaliland isla markaana wax badan tari kara dalka Jamhuuriyada Somaliland , Somaliland na ay u furi karto albaabo badan.
Waxa iyaduna xiiso gaar ah leh in Jamhuuriyada Somaliland iyo waddanka aduunka ugu dadka badan , waddanada ugu dhaqaalaha iyo wax soosaarka badan , waddan ku jira dhawrka dal ee golaha amaanka ah ee leh codka loo yaqaano diidmada qayaxan ay is hayaan oo ay saaxada diblomaasiyadeed isugu soo ban baxeen ka dib markii Jamhuuriyada Somaliland ay dalka Taiwan oo china sheegto ay xidhiidh diblomaasiyadeed la sameysay.
Arinkani waa fursad weyn oo Somaliland u soo hoyatay ayaan qabaa , sababtuna waxa ay tahay Somaliland cid kasta oo ay xidhiidh la sameyn karto oo qadiyadeeda soo dhaweynaysa way la xidhiidhaysaa waanay soo dhaweynaysaa , mana aha wax ay cid kale kaga waji dadabto oo la yar gabato , waxaaba suuragal ah arinkani in uu u soo jeediyo aduun weynaha oo albaabo waaweyni u furmaan.
Safiirka China u fadhiya Somalia arinkani aad ayuu uga qayliyey , waxaa maantana uu kulan la qaatey Madaxweynaha Somalia Farmaajo , sidaasi oo kale waxa warqad soo saartay safaarada Somalia ay ku leedahay dalka shiinaha , arimahani qaar Somaliland khuseeya maaha , maadaama Jamhuuriyada Somaliland iyadu dalkeeda maamusho , waxa uun ay u iftiimin doonaan dawlada China in ay Jamhuuriyada Somaliland tahay dal ka madax banaan Somalia.
Isku soo wada xoori waxa muuqata ka dib markii ay dagaalo qarsoon dawlada Farmaajo la gashay Somaliland oo ah xaga xidhiidhada aduunka , ganacsiga , maalgashiga iyo diblomaasiyada in ay Somaliland arimaheega hoosta ka wadatay iyo xidhiidhadeeda ay ku kasbanayso aduunka kale iyo dalkasta oo ay u baahan tahay , lana eegatay fursad Somalia inta la soo gole fadhiisiyey wax badan laga saxeexay oo ay markhaati ka yihiin dawladaha Ethiopia, Djibouti, USA , Urur gobleedka IGAD iyo Midowga Africa AU.
Hadii ay Somalia hal talaabo oo lidi ku ah waxyaabaha laga wada hadlayey iyo xidhiidhadii Somaliland iyo Somalia ee la isku soo dhaweynayey Jamhuuriyada Somaliland sidaasay guul ku gaadhay aduunkuna uga markhaati yahay , wadahadaladii hore waxii ka soo baxeyna sidaasi oo kale ayuun bay Somalia uga baxdey.
Jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay hogaamiyaha ciidanka ahaan jiray ee Muuse Biixi Cabdi waxa u taalla kasbashada iyo ku fara adayga dadka Jamhuuriyada Somaliland si aan dagaalada siyaasadeed ee Somaliland lagu soo qaadayaa aanay shicibka Somaliland dhag u dhigin ee ay ku mitidaan qaranimadooda.
Mohamed Abdi Jama
Hogaamiye Dhimbiil -
Safaarada Somaliland ee Jabuuti oo 50 Qof oo Waraaqaha Caafimaadka Haysta Kasoo Amba-bixisay Madaarka Ambouli International Airport DJabuuti
Safaarada Somaliland ee ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa 50 qof oo ay soo hubisay Caafimaadkooda, Maanta usoo amba-bixisay Dalka Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargaysa.
50 qof ayaa isagu jira muwaadiiniin reer Somaliland ah oo in mudo ah ku Xayirnaa gudaha dalka Jabuuti iyo kuwo reer Jabuutiya, ayaa Maanta si rasmiya uga dhoofeen gegida Caalamiga ee Diyaaradaha Ambouli international Airport DJabuuti, iyadoo ay qaaday Diyaarada Airline Djabuuti.
Dadweynaha Maanta ka dhoofay dalka Jabuuti ee u kicitimaya dalka Somaliland, ayey Safaarada Somaliland ee Jabuuti qof-qof u baadhay xalaadooda Caafimaad, isla markaana uu samaysay Waraaqda bad-qabka, maadaama oo Xaalada Xanuunka Coronavirus uu weli dunida iyo labada dalka kasii jiro.
Geesta kale, Safaarada Somaliland oo kaashanaysa Dawlada Jabuuti, ayaa 19-kii May ee Bishii lasoo dhaafay 65 Muwaadin oo reer Somaliland ah oo ay Xaaladooda Caafimaad hubisay kasoo amba-bixisay xuduuda labada wadan u dhaxaysa ee dhinaca dhulka.
Sidoo kale, 7 May ayey Safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxay 49 Muwaadin oo reer Somaliland ah, usoo kiraysay Diyaarada khaasa, isla markaana kasoo amba-bixisay dalka Jabuuti oo ay ku qabsatay Xayiraadi Coronavirus. 49-kaa qof ayaan iyaga la marin wax baadhitaano caafimaad ah, balse markii ay ka degen Magaalada Hargeysa waxa la geliyey Karintiin, maadaama oo u xiligaas cusba Xanuunka Coronavirus.
Si kastaba ha ahaatee, Safaarada Somaliland ee Jabuuti, ayaa si weyn ugu dhaga-nugul shacabkeeda, isla markaana wada-shaqayn wanaagsan la leh, Jamhuuriyadda Djibouti taasina waxay sababtay in Meeqaamka Diblumaasiyadeed ee Safaarada Somaliland ku leedahay Jabuuti uu noqdo mid Heer Caalamiya oo la meeqaamka ka Dawladaha aqoonsiga haysta. -
The date was June 30, 2020 ( somali independence week) is a day that would forever be remembered in somali sports history, Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, cutted the ribbon for grand reopening of the stadium in Mogadishu, Somalia Tuesday, June 30, 2020
its a big day for somalia, a day of hope to one step-forward. years go, it was a militry camp, now and forever, it will be a National team’s home. And it will be good opportunity for student athletes and all sports to use Mogadishu Stadium as training space. The stadium has been completely rebuilt on 27th of March 2020.
The mogadishu stadium was constructed in 1977, with the assistance of Chinese engineers. Mogadishu Stadium was mainly used for hosting sporting activities, presidential addresses.
Following the start of the civil war in the early 1990s, the stadium was used as a base by various armed factions. A few football matches were from that period intermittently staged, but the facility remained under the control of militants.
It was repuilted by the federal republic of Somalia after 30 years when the terrible civil war in Somalia left the facility to mere ashes. The Mogadishu Stadium is on sport village and it’s the largest in the horn of Africa Nations.
Mogadishu Stadium has a capacity of 35,000 spectators, Its Olympic stadium which has could he used for number of sporting disciplines as football, athletic, handball, basketball, volleyball, tennis, boxing, swimming, and others and The Stadium has hostels and bars as well as restaurants.
Mogadishu Stadium opening complete with a large ceremonial flame, was a symbol of Somalia’s attempts at rebuilding after nearly three decades of conflict.
Ahmed Hassan Wehlie (Ahmed Jubba) can be reached at wehlie.ahmed@gmail.com
Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo waxaa caawa oo Sabti ah ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Gudiga Dhismaha Dekada Garacad. Gudiga [...]
The post Madaxweyne Deni oo la kulmay Gudiga Dhismaha Dekada Garacad appeared first on .
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Gambia ayaa si rasmi ah uga jawaabtay dalabkii Somaliland ee ku aadana inay u ictiraafto dal madax-banaan, isla markaana ay noqoto dalkii u horeeyay ee ku dhawaaqa aqoonsigaasi.
Somaliland ayaa dalabkaasi u gudbisay madaxda dalkaasi, maadama ay hore dal madax-banaan ugu aqoonsatay Taiwan oo muddooyinkii u dambeeyay uu xiriir wada-shaqeynayd kala dhaxeeyay maamulka Somaliland, sida uu qoray wargeyska The Freedom Newspaper.
The Freedom Newspaper oo soo xiganaya hadal uu dhawaan baarlamaanka ka jeediyay wasiirka arrimaha dibedda jamhuuriyada Gambia, Mamadou Tangara ayaa sheegay in dowladda Gambia ay ku gacan seyrtay dalabkaasi uga yimid Somaliland.
Wasiirka ayaa ‘sharci daro diblomaasiyadeed’ ku tilmaamay aqoonsi xiligan la siiyo Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan dowladda Soomaaliya.
Mamadou Tangara ayaa ka digay in xiligan aqoonsi la siiyo Somaliland, maadama ay tahay maamul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana uusan jirin dal si rasmi ah ugu ictiraafay dal madax-banaan.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili uu socdo olole ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Gambia oo cadaadis xoogan ku saaraya dowladda dalkaasi inay aqoonsato Somaliland.
Dowladda Gambia ayaa hore dal madax-banaan ugu aqoonsatay Taiwan, inkasta oo ictiraafkaasi ay dib u laashay sanadkii 2013-kii.
Somaliland ayaa dhowaan heshiis is-afgarad la saxiixatay Taiwan, iyada oo ay is-dhaafsadeen wakiilo labada dhinac ah, taasi oo la rumeysan yahay inay dabada ka riixayso dalabkaasi ay madaxda Somaliland u gudbiyeen jamhuuriyada Gambia.
-
Madaxweynayaashii hore Cali Mahdi, Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo caawa shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka shiray Xaaladiisa u dambeeyay ee Muqdisho iyo [...]
The post Cali Mahdi, Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo Xaalada Dalka ka shiray appeared first on .
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa guriga uu ka deganyahay magalada Muqdisho waxa ay ku booqdeen Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, iyagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.
Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo hada hoggaamiya xisbiyada ku bahoobay Madadsha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed ugu tegay salaan iyo is xog wareysi waxayna si qotta dheer uga wada hadleen “baahida loo qabo in lala yimaad dadaal samata bixineed oo ku aaddan xaaladda uu hada dalku ku jiro” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay si gaar ah uga wada hadleen “Arrimaha doorashooyinka dalka oo weli mugdi ku jiro, hannaanka loo marayo iyo kala aragti duwanaashaha baahsan ee ku aaddan arrimahaas iyo curdinnimada hannaanka dowladnimo ee dalka.”
Madaxdan ayaa sida lagu sheegay qoraalka isla qaatay in laga hor tago dhibaato kasta oo ku imaan karta habsami u socodka dowladnimo iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya “taas oo u baahan in laga hor tago, si looga baaqsado qataraha soo wajihi kara markale Qaranimada Soomaaliya.”
Waxyaabaha sida gaarka ah uga wada hadleen Madaxweyneyaasha waxaa ka mid ahaa “Inuu mira dhalo shirka u socda Beesha Mudullood, waxaana la dhiirra geliyey in shirarka nuucaas ah oo bulshadu uga tashaneyso aayaheeda la xoojiyo lana gaarsiiyo heer Qaran.”
Sidoo kala madaxda ayaa isla gorfeeyay baahida loo qabo dib u heshiisiin dalka ka dhacda guud ahaan si umadda Soomaaliyeed markale uga tashaadaan aayahooda gaar ahaan arrimaha taagan oo kamid yihiin doorashooyinka lagu wado inay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan.
Ugu dambeyntii kulankaas waxaa lagu falanqeeyey ‘shirarka beesha Muddullood uga socda Muqdisho iyo in baahi loo qabo in la dhiirri geliyo habsami u socodkiisa ayna gaaraan heer Soomaaliya oo dhan ah.’
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 21 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 973.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 16, Puntland 5, Gobolka Banaadir 1, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 961.
Bukaannada cusub 22 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.
Goobjoog News
-
SOMALILAND FEEJIGNAAN WEYN IYO ASTURAAD BEY U BAAHANTAHAY DHINACA DIPLOMASIYADDA CAALAMKA WAAYO HADII KALE MA GUULEYSAN KARTO QADIYADDA EY RAADINEYSO
Akhri si aad u fahamto waxbadan
Marka dal curdina aan la aqoonsaneyn oo dunidda aan la laheyn xidhiidh xoogan oo diplomasiyadeed waxu u baahan yahey feejinaan dheeraad ah. Marka laga hadlayo arimaha diplomasiyadda, waxey soo hoos galaan, Arimaha (Amniga dalka, Difaaca qaranka, Socdaalka Dalxiiska iyo Ganacsiga, iyo xidhiidhka dowladaha ee diplomasiyadeed)
Waddamaddu caalamku waxey leeyahiin maxaddo lagu taba-baro shaqalaha loo dirayo waddamadda dibadda. Dalalka shaqo ahaan loogu dirona waxey ka galaan (School of Diplomat) oo inta badan hoos yimaadda wasaradda arimaha dalkaas uu joogo. markaad eegto dhinaca dowladha Africa.
Tusaale ahaan dalka Nayjeria markey safiir u magacabaayan Dalka Sa’udi Arabia waxey u diraan nin muslim ah. Halka ey u diraan dalka USA nin christian ah. Ujeedadu waxa weeye inuu dhexgali karo bulshadda u tagey dhaqankooda iyo diintoodaba.
Waxaan ku ogaadey Magaladda islamabad markaan joogey oo Safiirka Najeria igu soo casumi jirey (Diplomatic Enclave) xafladaha ka dhacaya. Anagoo isku baraney jamacadda uu ka dhigan jirey diploma ah Rescue Disaster Management) markii dhul gariirku ka dhacey Paksitan 2005. Run ahantii aniga lahaa madaxweynaha Jamacdda inaad ka dhaadhicyo inuu diplomasiyinta course siiyo, jamacadda sumcadd bey aheyd. Iyagana siweyn baa loo maamusi jirey.
Aniigaa markaa gacanyare u noqdey 6 safiir oo African ah. Neyjeria, Aljeria, Morroco, Tuniss, falastiin, Saudi Arabia. Lixdaas safaaradod asxaab xoogan ban ku lahaa iyo Safaradda Mareykanka. Maxaweyne Obama uso Magacaabey gaabadh Muslim ah oo la odhan jirey Fatima Sanna chambia origin ka soo jeedey.
Madaama ey mashquul ahayeen in aan Class assigment ka caawiyo aniguna ka korodhsaddo khibradd iyo saxiibtinimo joogto. markii aan ku hamiyayey in aan bilaabo shaqaddii aan ka qabtey xukumadii UDUB.
Marka eynu ka hadlano Somaliland, waxa jooga ragg badan oo waaweyn oo waayo araga shaqaddan markaa laga hadlo dowladdii kacaanka ragii ugu cuslaa waxey ahayeen reer Somaliland. 100% shaqadda danjiranimaddu waxey xidhiidh toosan la leeyahey arimaha Difaaca, Danaha melaha ugu mihiimsan caalamka. xidhiidhka Nabad-sugidda iyo dhaqaaqa dowladdnimadda.
Sidaas darteed Somaliland waxa la gudboon iney dhisto, laanta xidhiidhka calaamka ee wasaradda arimaha dibadda in la furo maxadka culuumta diplomasiyadda. In laga fa’iideysto ragga manta nool ee waayo araga ah. sixoogana loo taba-baro dhalinyaradda maanta aqoonta leh.
Sidaas darteed. Dowladda Somaliland markey abuureyso xidhiidh cusub oo la rabo in la beero, waxey u bahan tahey inuu noqdo mid asturan oo aan maalinta kowaadba la isla soo taagin shaashadaha Tvyadda. Iyadoo ama xukumadda ka raadineyso tageeo shacab ama ey iska riixeyso weedhaha dhaliisha ah ee Xisbiyadda Mucaradka
Madaama oo dalku yahey mid aan wali aqoonsi calaamiya helin cadow badana leh, lana rabo in la xoojiyo xidhiidhka caalamka iyo dowlaha daneynaya iney xidhiidh la yeeshaan. waa inuu noqda mid dhinac walba looga baraan degey in lagu degdego ku dhawaaqiidiisa ma haboona markiiba ila uu noqdo mid sal adag.
wey jiraan dowladdo badan oo kaga cabanaya mudaddi ugu danbeysey xukumadda Somaliland in aaney laheyn (Follow up) xidhiidhka marka la abuuro malinta wasiirku sawirka soo galo aaney dib u sii xoojin.
Qodobka labaad iney waxyaabo badan oo dowladuhu u arkaan in xanaf siyasadeed oo dano is jiidhaya abuureyso ey marka iskaga qawaqaan siyaasinta somaliland iyagoo ku fanaa, balse ey tahey mid ey iyagu gacmaha is jarayaan. Halkaasna dowladii kale xidhiidhkeeddii ku gaabiso. iyaguna inagu yidhaahdan Somalia nagu dirtey balse ey ka timi qorshe xumo inaga ah.
Taariikh badan oo aan ogahey ayaa dalal badan xukumadda Somaliland ee kala danbeyey xidhiidh la sameeyo. Sideedabana xidhiidhka labadda dal waxu ku dhisan yahey dano la is dhaafsaddo oo ku saaleysan.
Juquraafi ahaan meeshey addunka kaga taal Somaliland
Kheyraadka ku duugan dalkeena
Badda dheer ee Somaliland maamusho
Xoolaha nool, Shidaalka, Macdanta, Tiradda dadka, IWM
Taas marka laga tago. Xidhiidhka cusub ee Taiwan Somaliland la sameysaneysa waa mid ku haboon iney labadda dal aan la aqoonsaneyn yeeshaan xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba.
Labadda waddanba waxeyka mid yihiin oo ka tirsan yihiin. Ururka middowga umadaha aan UN laga aqoonsaneyn ee loo yaqaano. UNPO xaruntiisu tahey, Dalka Belguim. waxbadan oo dalka Taiwan leeyahey oo Somaliland u baahan tahey baa jira. Iyaguna waxbadan bey inaga faa’iidi karaan.
Waxa muddan in xukumadda Somaliland isweydiiso xafiiskeena Somaliland ee ku yaal dalka Chine. Sidee buu uga iibin karaa in aaney wax-qabad ah ku aheyn jiritaanka dowladda Chine xidhiidhka inaga iyo Taiwan. xafiiskeenaasise awood diplomasiyadeed intee buu leeyahey oo xoogan mise waa xafiis ganacsi qudha u furan?
Marka laga hadlayo Diplomasiyaddu waxa weeye sidaad ugu iibin laheyn dareenka dalka kale, isaguna ku arkeen inaad cadow ku tahey.
Siyaasadda arimaha dibadda ragga soo marey ninka ugu caasan inuu waddan walba ka dhaadhiciyo danaha dalkiisa, sidda Madaxweynaha ruushka Vladimir Putin sheegey waxuu ahaa Wasiirkii Arimaha dibadda ee dalka Sacuudi Arabia ”Minister Prince Saud Al Faisal”
Waxu yidhi Puttin isagood aragto in aanu ka dhab aheyn ayuu hadana xirfadiisa iyo aqoontiisa iyo danaha oo dowlaha kale tusayo kaga iibinaya qadiyadiisa. Halka Madaxweyne Sadam Xuseen oo yidhi. Hadii aan qof noqon lahaa waxaan noqon lahaa Prince Saudi Al-Faisal.
Sababtoo ah dagaalkii Kuwait markaan rabey in aan ku qaado dunidda oo dhan 48 ayuu saxiib igala dhigey, halka uu sanadkii 2003, 24 hours aduunka oo dhan cadow iga dhigey kana dhadhiciyey in Ciraq lagu duulo. Waan qiraya buuyidhi inu ahaa geesi carbeed oo siyaasi ah.
Waxaan uga socdda, markaa akhriddo buwaagta calaamka ee siyaasadda arimaha dibadda ka hadleya wey ka gun dheertahey inta muuqata. Inta badana waxyabaha Tvyadda laga sheego maaha. Waxaana caalamku u yaqaan luuqadaha Tydadda lagaga hadlo (microphone Diplomacy). Qofku waa inu yahey mid xogabadan hayaa oo leh, Saxiibo calaamiya oo kala duwan.
Dalka gudihiisana laamaha dowaladda oo dhan nin u warhaya oo ka warbixin kara waxii dalkiisa laga weydiiyo. waxaan xasuusta, Markii aan shaqadda ka bilaabey wasaradda Arimaha Dibadda. Waxan la tashan jirey wayeel faro badan.
Ambassador Qeybe,
Ambassador Xuble
Ambassador Cawil
Ambassador Iqbal
Ambassador Adan jibriil
Ambassador M Sh Xasan Nuriye
Ambassador Yusuf Jama Buraale
Mohamed Siciid Gees
Wasiirkeygii Abdulahi M Duaale
Wasiir Mohamed S Gees
Aqoonahan Xasan Meygag Samater
Gudomiye Ciro oo marka Baralmanka joogey.
Waxa aan Xusayaa laba xubnood oo mihiim ah oo ka midda Golaha Guurtidda oo kala dhaxley Dhismaha, Nabadda iyo Iswaafajinta dhaqanka Dimuqraddiyadda, oo kala Ah. XAaji abdi iyo Ragiisii. oo ey maanta ka nool Xildhibaan Abduqadir Maxamed Hassan Indho_Indho iyo Xooghayahii hore Guurtida (Wasiir Abdullaahi Ibraahim Habane ) Wasiirka Waxbarashadda ee Xukumaddii Somaliland ee Ahmed Mahomaoud Siilaanyo.
AHN Cali Sanyare baa igu yidhi. Markaa noqoto si aad xogwalba uga jawaabto waxaad sii qadataa.
1. Xogta Champer of Commerce Somaliland.
2. Investment law Somaliland.
3. Somaliland in Figures.
4. Immigration procedures iyo xeerarka socdaalka
5. Xidhiidhka Madaxtoyadda tooska ah
6. Taliyaha ciidanka militaryg iyo sirdoonka inaad ku xidhnaato.
Walaahi sidaas markaan u noqdey ayey i afcayeen dhamaantood document aan ka sii qaatey dhamaan lamaha dowladda oo kuwii afsomaliga ku qornaa intii mihiimka aheyd aan isku dayey in aan tarjumo. Waxaan uga socda uma baahnin sawiro iyo muqaalo waxeynu u bahanahey shaqo qaranka aan ku iibgeyno oo aqoon iyo geesnimo leh.
Hadaba xukumadda Soomaliland waxa laga rabaa iney sameyso guddi siyaasadda arimaha dibadda dejisa oo ka balaadhan wasiirka iyo shaqalaha wasaaradda. In la raadsho dalalka eynu danaha ka leeyaney dadka aqoonta u leh.
Danjirayasha calaamka waxa lagu xusha, inuu fahmayo dhaqanka dalka iyo dadka, luuqaddooda, waxbarasho ku soo galley dalkaa. Intaas waxa dheer khibradda iyo aqoonta qofku u leeyahey waayo aragnimadda Siyaasadda arimaha dibadda.
Xafladaha cashooyinka iyo maamuskoodu waxu qeyb weyn ka qaadata soo jidashaddaha diplomasiyiinta caalamka. Sheeko xariirta diplomasiyadda iyo waayo aragnimadda taariikhda siyaasadeed ee dowlaha calaamku waxey soo jiidata iney ku ixtiramaan diplomasiyiinta kale.
Saxiibtinimadda wasiirka arimaha dibadda iyo madaxweynaha dalka lagu magacaaba waxey keeney isku soo dhowaansho labadda dal ah.
Feejignaan iyo taxadirka wararka ama qoraaladda baxa waxey keenta xoojinta xidhiidhka labadda dowladdood. Wardoonka joogta ah iyo dhaqaaqa xidhiidhka labadda dowladdood wax walba oo wiiqaya waxey kordhisa isdhexgalka iyo kalsoonidda labadda shacab.
Waxaan jeclahey in aan qoraalo badan idinla wadaagi doono, inta aan dhageystey ama akhriyey ama usoo joogey shaqaddan iyo waxyabaha aan isleeyahey Somaliland waxey khaladdey waxii ka danbeyey 2005. Safarkii Madaxweyne Dahir Rayaale ku marey dalal badan oo Africa ah.
Waa Bilaahi Towfiiq.
#Ambassador_Diinaari
Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhegaystay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad
in News - Wararka
Posted
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo xalay kula kulmay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad.
Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo halka hadda ay marayso.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray.
“Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhegaystay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.