-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in dhul boob culus lagu hayo Magaalada Hargeysa oo dad gaar ahi dhulkii danta guud qaadanayaan halka uu sidoo kale aad uga dayriyay xaaladda Sayladda Xoolaha Hargeysa iyo suuqa Sariibadda Oktoobar oo uu sheegay in sariibaddana dad gaar ahi qaateen sayladdii xoolahana dhaqaalihii ka soo baxayay dadka deegaankaasi ay ku taallo aan waxba looga soo celin. Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu aad xun yahay in dadkii danyarta ahaa ee ka shaqayn jiray Madaarka Magaalada Hargeysa shaqadooda laga eryay isaga oo sheegay in lagu sheegay dadkaasi dad oromo ah halka uu ka hadlay dhulkii uu lahaa Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh oo uu sheegay in dad gaar ahi qaateen. Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Degmada Maxamuud Haybe waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu dakhliga badan. Xaafadda Maxamuud Haybe ama hore loo odhan jiray Guryosamo waxa ka soo baxa dakhli badan. Madaarka xaafadda ku yaallaa waxa uu soo saaraa sannadkii inta ay noo sheegeen oo kali ah weeyaane 20 Milyan oo Dollar. Inta la qariyay kuma xisaabtamayno. Agaasime kama shaqeeyo, ku xigeen kama shaqeeyo, qof muuqdaa kama shaqeeyo. Shaqaale hoosaadkii masaakiinta ahaa ee deegaanka ee dhulka laga qaadayna inta ay soo ururiyeen bay ku sheegeen oromo. Sayladda xoolaha hore ayaan idiinku sheegay in ay ka soo baxaan sannadki 30 Milyan oo Doollar. Mowsimka Xajkana waxaabay gaadhaa 60 Milyan oo Dollar. Suuqa weyn ee Waaheen lacagta waddankaba lagu wadaa isaga ayay ka soo baxdaa. Wax Allaale wax deegaankaasi kaga soo noqdaa ma jirto. Marar badan baan ku celcelinayaaye kii aan dhagahiisu maqalow maqal. Cashuuraha kale kuma jiraan sida cashuuraha qaadka sida Ina Afdiinle, Ina Soofe iyo ragga kale ee faraha badan ee dhaqaalaha badan soo saara ee wax lagu kala wadaa deegaankan ayay ka soo baxaan. Sariibaddii Oktoobar ee Xaafadda Oktoobar ee aad ogaydeen in danta guud lagu dhisay ee ay dawladdii Maxamed Siyaad Barre danta guud ku dhistay ee ay deganaayeen saddexda kun ee danyarta ahi ayaa waxa la sheegay in aayar la siiyay nin ka mid ah Heegada ama Jeegaantaba ka mid ah waa isku mide ayaa la siiyay oo inta uu albaab walba ka xidhay dadkiina soo daadiyay. Hay’adda la yidhaahdo UNHCR ayaa ka dhistay 72 guri markii dalka la soo galay. Indhahooda oo shan ah ayaa waxa laga gooyay 71 kii guri iyagana dibada loo daadiyay iyaga oo barokacayaal ah. Mana jiraan laba cali oo is waydiiyay. Masuuliyaddaa waxa qaadaya ciddii masuuliyadda haysay ee Xaafadda Axmed Dhagax iyo xaafadda Maxamuud Haybe. Kuwaasi ayaa masuuliyaddaa qaadaya oo dadka deegaanku kula xisaabtamayaa. Waxaan dadka u sheegayaa in loo baahan yahay in degdeg halkaasi dadkii lahaa loogu banneeyo si ay degaan. Dadkaa waa loo xoog sheegtay oo waa la khiyaameeyey. Waa la iska hor keenay oo iyaga ayaa cadaw la isaga dhigay. Ninkaasi waa ninka laga soo eryay meesha la yidhaa dhufta ee caanaha la dhigo ee sheekh Bashiir agtiisa oo ah nin meel walba oo magaalada ka mid ah xidhay. Waxaanu rabnaa in dhulkan beenta ah ee uu xidhay la banneeyo. U dul qaadan mayno”. Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Maxkamaddii Hargeysa, halkii uu fadhiisan jiray qaadiga magaaladu ee ku xigay meesha istayshin bilayska. Waa dhulka la boobayo ayay ka mid tahay ee Martida timid magaaladu ay boobayso. Waa dhulkii Jirde Aw Cali meeshaasi iyo istayshin bilayskuba. Haddii cidi qaadanayso waxa qaadanaya Jirde Aw Cali. Dadka deegaankani waxa ay lahaayeen in ka badan 9500 oo Guri baa ku yaallay oo la wada maydhaamay imika oo la wada qaatay. Waxaan leeyahay nin kasta oo lacag ku bixiyayow kuu cuntami mayso. Deegaankuna wuu doonayaa dhulkiisii. Goor kastaba ha gaadhee waa lagaa qaadayaa ee ogow. Lacagtaadana adiga ayaa iska bixiyay. Dhulkii deegaanku lahaa sakona kaaga bixi mayso salaadina kuugu gudi mayso. Kuna noolaan maysid oo waad dhimanaysaa. Waxaan idin leeyahay inta aanay idinku ololin isaga baxa. Dugsigii Seekh Bashiir isaga oo loogu gabbanayo Masaajidada Ilaahay. Ninka Masaajiska yar ka dhisay waa ka dhulkii dayrnaa ee iskuulku lahaa waa ka qaatay ee dhisanaya ee imika dhiskiisu socdo. Kaasina wuu noo liistaysan yahay. Dhammaan hantidii deegaanku lahaa cid dambe oo ku takri fashaa ma jirto. Haddii aanay jirin caddaalad loogu qaybinayaa iyaga ayaa xaq u leh oo qaadanaya waxooda. Magaaladu caasimad bay noqotay oo waanu ku soo dhawaynaynaa dadka ”.ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in xidhiidhka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid ay ku wadaagaan dhinacyada qiyamka dimuqraadiyadda, Xornimada, Caddaaladda iyo isku-xukunka sharciga. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay farriin muuqaal ah oo hore loo sii duubay oo maanta lagu soo bandhigay xafladdii ay dawladda Taiwan ku furanaysay Safaaradeeda Somaliland, waxana ay ku sheegtay inay ka go’an tahay dalkeeda inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada iyo Wararka iyo wada-xidhiidhka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxa ay caddeysay inay dawladda Somaliland la saxeexdeen heshiis farsamo oo labada dal iskaga kaashanayaan mashaariic kala duwan. Waxaanay intaas ku dartay in guddiyo farsamo u dirayaan Somaliland. Source
-
Riyadh reaffirms its position rejecting all forms of violence, extremism and terrorism Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeysyada ka soo baxa dalalka Carabta ayaa ka hadlay suurtagalnimada ah in dagaal uu dhexmari karo Giriigga iyo Turkiga kaddib markii xukuumadda Ankara ay Markab sahan baaris ah u dirtay deegaanada xeebta ee lagu muransan yahay ee ku yaalla badda Mediterranean-ka, tallaabadaas oo Giriigga uu digniin ka bixiyay. Markabka uu Turkiga u diray halkaas wuxuu caqabad ku yahay heshiiska ay gaareen Masar iyo Giriigga ee ku saabsan shidaal sahminta. Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa marar badan sare u kacday, balse murankan imika ku saabsan keydka gaaska ee badda ceegaga ayaa laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto. ‘Dagaal hub la isu adeegsado oo dhici kara’ Cali Al Sarraf oo ka howlgala wargeyska Al Carab ee uu fadhigiisu yahay London ayaa yiri “Madaxweyne Erdogan wuxuu doortay dagaal xilli uu ku dhawaaqay in meesha laga saaray heshiiskii uu la galay Giriigga, wuxuu howsha sahminta ka bilaabay xeebta bariga Mediterranean-ka, xitaa wuxuu howgal militari ka fulinayaa deegaanada ay ku muransan yihiin xukuumadaha Ankara iyo Athens” Wuxuu qoraagu ka digay “Xilli bishii la soo dhaafay ay jirtay suurtagalnimada ah in dagaal uu dhaco, haatan waxaa sare u kacaya xiisadda xilli ay jirto suurtagalnimada ah in dagaal uu qarxo” Wuxuu intaas ku daray “Erdogan wuxuu doonayaa in si madax banaan uu wax uga dhaadhiciyo si wadaxaajood loola galo dalalka deriska, wuxuu wajahayaa xaalad daran kaddib markii uu horey heshiiska u galay” “Marka la eego Giriigga iyo Masar, wuxuu beeniyay in labada dal ay xaq u leeyihiin aagga ganacsiga ay ku leeyihiin badda Mediterranean-ka isla markaana uu murqihiisa soo bandhigayo si qof kasta uu ugu sheego in uu diyaar u yahay dagaal ka dhaca badda” Khurshid Dali oo wax ku qora wargeyska kasoo baxa Imaaraatka ee Al Ceyn wuxuu sheegay “Waxa inoo horseedaya in aan rumeysano in dagaalka noocaas waxay tahay ‘istiraatiijiyadda duullaanka ee uu wado Erdogan’ istaraatiijiyaddaas oo ah midda wax badan holcineysa ee ku saabsan taariikhda kala aragti duwanaanshaha ee ka dhex taagan labada dal”. Wuxuu qoraagu intaas ku daray “Midowga Yurub ma lahan awood aan ka aheyn in uu Turkiga ugu hanjabo cunaqabateyn, waana sababta go’aankiisu uusan saameyn ugu lahaan karin NATO oo ah inay soo farageliso xiisadda ka dhex taagan labada dal ay ka dhexeyso cadaawadda taariikhiiga ah kuwaas oo aan laga saari karin raadadkii dhiigga ku daadatay ee qaddiimiga ah tan iyo markii ay dhacday maamulkii Constantinople ee “Markii dambe noqotay Istanbul” taas oo lagu riday duullaankii Cismaaniyiinta. Turkiga ‘Guuleystaha’ Dhinaca kale, wargeyska Al Qudus Al Carabi oo oo ka soo baxa London ayaa qoray “Kaddib 12 wadahadallo oo ay yeesheen guddiga farsamada, dowladaha Masar iyo Giriigga waxay wada gaareen heshiis muujinayaan xadka badda Mediterranean-ka ee dalalkaas, waxaa arrintaas looga gollahaa in cadaadis lagu saaro Turkiga kaddib markii uu heshiis dhanka badda uu la galay dowladdii Libya, arrintaas oo xukuumadda Ankara ku tilmaantay mid aan wax faa’ido laheyn ‘oo aan waxbo ka jirin’ sababta oo ah ma jiro xad dhanka badda oo ay wadaagaan Giriigga iyo Masar” Website-ka af carabiga wax ku qora ee Turk Press ayaa soo xigtay , Dr Xuseen Baggi oo ka tirsan jaamacadda Middle East Technical University ee ku taalla Ankara ayaa sheegay “Xukuumadda Ankara waxay leedahay awood militari iyo mid diblumaasiyadeedba taas oo ka dhigeysa dhinaca guuleysanayo marka loo fiiriyo wadahadallada ama xiisadda ka dhalatay bariga badda Mediterranean-ka” Dr Xuseen Baggi wuxuu intaa ku daray “Xiisadda ka dhex taagan Turkiga iyo Giriigga lagama filayo inay isu baddasho mid militari” “Mareykanka iyo Midowga Yurub ma qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Turkiga, inkasta oo uu Giriigga qaaday tallaabooyin ka dhanka Turkiga isaga oo taageero ka raadsanayo Reer Galbeedka” Maxamed Khaaruub oo isna faallo ku qoray wargeyska ka soo baxa Urddun ee Al Ra’I ayaa dhaleeceeyay doorka beesha caalamka ay ku leeyihiin xiisadda ka dhex taagan Turkiga iyo Giriigga, “Gaashaanbuurta NATO waxaa curyaamiyay go’aanka Mareykanka oo ah in uusan soo faragalineyn xaaladda marka laga reebo in uu saarayo ‘qoraallo aan waxtar laheyn’ taas oo caddeyn u ah in Giriigga uu ka codsaday golaha arrimaha ammanka ee Midowga Yurub inay qabtaan kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo “Daandaansiga iyo khaladaadka Turkiga ee sare u sii kaceysa’ Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidanka Dab-damiska ee magaalada Hargaysa, ayaa Hooyo ku foolanaysay deegaanka Abaarso ka soo qaaday iyadoo ciidanku soo gaadhsiiyay Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa , gaar ahaan qaybta umulaha. Nasiib wanaag markii Hooyadaas ciidanku soo gaadhsiiyay cisbitaalka ayaa ay ku umushay goobtii. Ciidanka ayaa ILLAAHEY ku guuleeyay in hooyadaas si deg deg ah u soo gaadhsiiyaan cisbitaalka guud ee magaalada. Ugu dambayn Ciidanka ayaa ka qayb qaata arrimaha bini’aadanimo ee sida maalinlaha ah u dhaca, ee u baahan in wax laga qabto, Isla markaana laga soo dalbado qolka hogaaminta ciidanka Dab-demiska. Source
-
In another profound way that the coronavirus pandemic has upended American life, the Democratic National Convention started Monday with no convening. Instead, Democrats opted for the first virtual convention as the party begins the formal process of nominating Joe Biden as its candidate for president. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Jowhar)-Wararka aan ka helayno Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa sheegaya in xalay dabley hubeysan ay dilka fuliyeen Magaladaas. Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka loo gaystay Mas’uul ka tirsan Maamulka Hirshabeellen kaas oo lagu magaacabi jiray Xildhibaan Cabdulqaadir Abuukar Maxamuud, waxaana sidoo kale uu ahaa Wasiirka beeraha iyo waraabka Hirshabeelle. Dilka kadib ciidamo ka tirsan maamulka Hir-shabeelle ayaa howla gallo waxaa ay ka sameyeen aagga dilku ka dhacay ilaa iyo haddana lama sheegin cid loo soo qabtay dilka xalay ka dhacay Jowhar. Source
-
Taiwan opened a representative office in the breakaway state of Somaliland on Monday, a sign of deepening ties between two de facto sovereign territories that are denied widespread international recognition. The flags of both territories were hoisted and officials sang their respective national anthems during a ceremony at the office in the Somaliland capital Hargeisa. “We are confident about the mutual beneficial and friendly ties with Somaliland,” Taiwanese representative Lou Chen-hwa, who will head up the office, said in prepared remarks. He added that the two territories planned to cooperate on everything from health care to agriculture and security. The agreement to establish the new office was announced last month, and Somaliland is expected to open its own office in the Taiwanese capital Taipei soon. Yasin Haji Mohamoud, Somaliland’s foreign minister, told reporters Monday that an ambassador was “already working” on setting it up. Democratic and self-ruled Taiwan is officially recognised by only 15 countries — China poached seven of its diplomatic allies after President Tsai Ing-wen came to power in 2016. Tsai describes Taiwan as “already independent” but China views the island as its own territory and has vowed to seize it one day, by force if necessary. Taiwan has for decades been engaged in a diplomatic tug-of-war with Beijing in which each side tries to woo the other’s allies with financial and other incentives. – ‘Natural partners’ – Somaliland is in a somewhat similar position, having declared independence from Somalia in 1991 in a move that remains unrecognised by the international community. While anarchic southern Somalia has been riven by years of fighting between multiple militia forces and Islamist violence, Somaliland has enjoyed relative peace. Somaliland and Taiwan are in some ways “natural partners”, especially as Beijing has been reluctant to engage with Somaliland because of its unrecognised status, said Omar Mahmood, senior Somalia analyst for International Crisis Group. “They probably saw the costs of engaging Taiwan as not that high, given that they were not giving up much from China in any case,” Mahmood said. The opening of the Taiwanese office is also consistent with “a trend towards international competition for Somaliland”, driven in large part by its strategic location on the Gulf of Aden, said Horn of Africa analyst Rashid Abdi. The United Arab Emirates has poured hundreds of millions of dollars into developing the port in Berbera, and Egypt recently sent a delegation to Hargeisa to discuss various possible areas of cooperation. “Somaliland definitely is happy that it is now very much in the centre of the geopolitical competition,” Abdi said. AFP Qaran News
-
Tan iyo markii uu musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga Mareykanka Joe Biden ku dhawaaqay in Kamala Harrix uu u doortay madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa waxaa isa soo tarayay dhanka baraha bulshada shaki la gelinayo muwaadinimada gabadhaasi iyo in ay xaq u leedahay in ay noqoto madaxweyne ku xigeen. Shakigaasi la isla dhex marayay baraha bulshada ayaa waxaa kusoo biiray oo isna dhankiisa bansiin uga sii shubay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo sheegay in Kamala eysan xaq u laheyn in ay qabato jagada madaxweyne ee dalka Mareykanka. Trump ayaa arrintaasi u cuskaday in waalidka Kamala eysan haysan aheyn dhalasho rasmi ah. Mid ka mid ah waalidka Kamala Haris ayaa kasoo jeeda asal ahaan dalka Hindiya. Aqalka Cad oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa soo soo baadhay wararka la isla dhex marayo , waxaana afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Mark Meadows uu xaqiijiyay in Kamala ay tahay muwaadin dhalad ah, ayna xaq u leedahay in ay qabato xil kasta oo ay doonto. Kamala Haris ayaa ku dhalatay magaalada Oakland ee gobolkaasi California sannadkii 1964-kii. Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay sheegay in si rasmi ah u furan yahay wajiga koowaad ee Shirka Dhuusamareeb 3,kaas oo ballanku ahaa in looga heshiiyo nuuca doorasho ee dalku aadayo 2020-2021-ka xili aysan weli magaalada soo gaarin madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland Madaxweynaha gogosha dhigay Dhuusamareeb oo furay shirka ayaa yiri” Sida aad la socotaan Dhuusamareeb2 waxaa lagu heshiiyey in bisha August 15-keeda la isugu yimaado magaalada, Dhuusamareeb Dhuusamareeb3, si looga heshiiyo hannaan doorasho uu dalku galo, madaxdii Soomaaliyeed ee kasoo qeyb gashay Dhuusamareeb2″ Madaxweynha Qoorqoor oo sii hadlayo ayaa yiri” Ballantu waxaa ay aheyd in 15 bisha la isugu yimaado magaalada Dhuusamareeb, waxaa kasoo qeyb galay oo 15-kii ilaa iyo hadda nasoo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish, waxaan weli nasoo gaarin oo shirka kasoo qeyb galin madaxweynha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni iyo madaxweynha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo runtii aan cudurdaar leh oo xanuunsan inta aan ognahay, allah caafiyo ayaan leenahay, dhammaan madaxda waan u mahad celinaynaa oo waqtigii ku timid, madaxweyha dowladda federaalka ayaa yimid waana u mahadcelinaynaa waqtiga uu ku yimid ” Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in la sugaayo madaxda maamullada ka maqan masha shirka oo weli aan soo shirka Dhuusamareeb 3″ Waxaan rabaa inaan halkaan idiin kaga cadeyno inaan walaalaha maqan sugeyno, diyaarna aan u nahay, ballamtuna ay aheyd oo dhankooda ay ka qabteen ballanta, oo aan leenahay shirka soo gaara walaalayaal, noo imaada wixii loo arko oo ay mudan yihiin ama ay wax ka jiraan, gogoshii iyo goobtii loogu talo galay in looga heshiiyo waa taallaa, oo aan ballankeeda wada qabanay. Sidaas darteed warar hawada la isuku mariyo iyo fariimo la isku gudbiyo xaaladda Soomaaliya maanta ay ku jirto iyo waqtiga la joogo kuma aadana waqtigeena maahan, waxaana isleeyahay xili fariimo hawada la isku mariyo ma joogto waa la kala duwanaan karaa waa jiri karaan waxyaabo aan lagu wada qanacsaneyn” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor. Furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb3 ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland aysan ku sugneyn madasha shirka, waxaana waqtiyo isku dhow ay soo saareen qoraallo, kuwaas oo ay ku jireen talooyin ay bixiyeen labada maamul iyo dhaliil ay u soo jeediyeen madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha martida loo yahay ayaa ugu baaqay in labada madaxweyne gobloleed in ay yimaadaan shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sannad guuradii koowaad ee Weerarkii Masjidka al-Noor & Ra’iisal-wasaaraha Norway oo booqday Madaxda dowadda Norway ayaa booqday masjidka al-noor ee gobolkaasi Alershus kaas oo sannad ka hor uu ka dhacay weerar argagixiso oo fashilmay. Wafdi heer wasiirro ah oo ay hoggaamineyso r/wasaaraha dalkaasi ayaa booqasho ku jooga masjidkaasi, waxaana ka socota munaasabad lagu xusayo weerarkaasi fashilmay. Wiil norwiji ah oo lagu magacaabo Philip Manshaus ayaa weerarkaasi ka dambeeyay, waxaana uu sidoo kale soo dilay inta uusan weerarka kusoo qaadin masjidka gabadh “walaashiisa” oo ay waalidkii soo korsadeen taas oo indha-yar aheyd. Weerarkiisa masjidka ayuu ku beegay maalin Jimce ah, balse waxaa uu kasoo hormaray xilliga khudbada oo ay masjidku joogeen jameeco aad u yar. Labo nin oo ka mid ah jameecada masjidka ayaa fashiliyay weerarkiisa, waxaana ay kula dhageen qoriga iyagoo ugu dambeyn dhulka ku hayay ilaa boolisku ka yimaadaan. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa hooyada dhashay Philip Manshaus taas oo muujisay sida ay uga xuntahay falka uu wiilkeedu ku dhaqaaqay iyadoo sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeedisay maamulka iyo jameecada masjidka. 11-ka bishii juun ee sannadkan ayaa waxaa lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah. Qaran News
-
KHARTOUM - Sudan, Egypt and Ethiopia have agreed to present draft proposals on how to manage Addis Ababa's controversial Nile hydroelectric dam by Tuesday according to Sudan's water ministry. Source: Hiiraan Online
-
Beesha Caalamka oo cadaadis dul-dhigtey Farmaajo Warar ilo xog-ogaal ah oo Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo lagu badbaadinaayo shirka Xukumada farmaajo iyo Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah. Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya James Swan iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xidhiidh kala duwan la sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad goboleedyada, waxaanay wadaan in la helo hab shirku dib ugu bilaabmi karo. Beesha Caalamka ayaa hadda cadaadiska ugu weyn dulsaartey saacadihii la soo dhaafey Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka dalbedeen in uu Muqdisho ku soo laabto, saacadaha soo socda si ay shir ugu wada qaataan, wararka diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo laga dalbadey in uu magacaabo raysal-wasaare, sidoo kale shirka soo socda laga qaybgeliyo shirguddoonka labada Aqal, si ay meesha uga baxdo dooda madaxweynaha ee ah baarlamaanka ayaan dib ugu celinayaa qorshaha doorashada ee la isla garto. Dhanka kale Puntland ayaa ku adkeysatey mowqifkeeda, waxaana ay ergada beesha caalamka u sheegeen in aan la aamini karin Madaxweyne Farmaajo, waxay sheegeen in wax shuruud ah aysan ku xidhin shirarkii hore, si niyadsan uga qaybgaleen, laakiin Madaxweynuhu dafiray wixii ka soo baxay shirkii Dhusuamareeb 2, sababta raysalwasaare Kheyre u rideyna ay tahay burburinta shirka loo balansanaa 15 Agoosto, isaga oo aan qarsana sheegay in aanu diyaar u ahayn heshiis uu galo. Sidoo kale warbaahinta ayaa ogaatey in maamulka Jubaland soo saaray war-saxaafadeed cusub & Mawqif ka adag kii Puntland,islamarkaana qaadacay Shirka Dhuuso-mareeb Qaran News
-
Faah-faahin: Wasiir xalay lagu dilay magaalada Jowhar Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in magaalada dhexdeeda lagu toogtay wasiir ka tirsan Maamulkaas. Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani ayaa la sheegay inay kooxo hubeysan dileen xilli uu kasoo baxay Saaladda Cishaha. Wasiirka Cabdiqaadir Abuukar Karaani oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa lagu dilay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar. Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta Wasiirka ayaa waxaa toogtay kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaas oo meesha ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ayaa soo gaaray meesha uu dilka ka dhacay, waxayna durba bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo kooxihii dilka fuliyey. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay inay Al-Shabaab ka geysan karaan dilalkan oo kale deeganada Dawlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah. Qaran News
-
Raashinka ugu dambeeya ee la siiyo dadka toogashada ugu xidhan Mareykanka Si aan wax badan uga fahanno sharciga maxaabiista dilka lagu xukumo ee dalka Mareykanka, Sawir-qaade Jackie Black ayaa sawirradan ka diyaariyay raashinka ugu dambeeya ee ay codsadaan maxaabiista toogashada sugaya, ka hor inta aan la dilin. Cuntadii ugu dambeysay ee uu dalbaday Clydell Coleman, oo la dilay 5 May 1999 “Bal ka warran haddii lagu dhaho codso raashinkaagii ugu dambeeyay ee aad cuneysid ka hor inta aan laguu dilin dambi ay suurtagal tahay inaad gashay ama aadan galinba?” waa su’aashii uu howshiisa saldhigga uga dhigay sawir-qaadaha Mareykanka ah. “Haddii aan cuntooyinkaas is hordhigi lahayn, laga yaabee inaan dareemi kari lahayn xaaladdaas. “Waxaa laga yaabaa inaan su’aal galin lahayn ujeeddooyinka aan ka leennahay waaxda caddaaladda iyo sida aan ugu lug leennahay habka ay ku shaqeyso. “Waxaa suuragal ah inaan garab istaagi lahayn qofka la cambaareeyay.” Sawir-qaade Black waxa uu sidoo kale isku soo aruuriyay xogta maxaabiista, oo ay ka mid yihiin muddadii ay wax baranayeen, waxa ay ka shaqeyn jireen iyo hadalladoodii ugu dambeeyay. David Wayne Stoker Xilligii la dilay: 16 June 1997 Waqtiga uu wax baranayay: Siddeed sano Shaqadiisa: Howl-wadeennada ku shaqeeya qalabka culus/Farsamada alwaaxyada iyo dhismaha Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Aad baan uga xumahay qofka idinka dhintay… Laakiin anigu cidna ma dilin.” Anthony Ray Westley Xilligii la dilay: 13 May 1997 Waqtiga uu wax baranayay: Siddeed sano Shaqadiisa: Xamaali Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan rabaa inaad ogaataan inaan cidna dilin. Waan idin jeclahay dhammaantiin.” Thomas Andy Barefoot Xilligii la dilay: 30 October 1984 Waqtiga uu wax baranayay: Lama diiwaan galinin Shaqadiisa: Shaqaalaha ceelasha saliidda qoda Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan rajeynayaa inaan maalin maalmaha kamid ah dib u milicsan doonno waxyaabaha xun xun ee aan sameyneyno hadda, sida sixirooleyaashii aan gubnay. Waxaan doonayaa in qof walba uu ogaado inaanan waxba u qabin. Waan wada cafiyay. Waxaan rajeynayaa in qof walba oo aan wax ka halleeyay uu i cafin doono. “Maantoo dhan waxaan u duceynayay [qofka dhintay] xaaskiisa, si ay xumaanta qalbigeeda ku jira isaga saarto, sababtoo ah xumaantaas qalbigeeda ku jirta ayey cadaab ku gali kartaa sida dambiyada kale loogu galo naarta. Raalligalin ayaan siinayaa qof walba oo aan khalad ka galay. Waxaan rajeynayaa inay dhammaantood i cafiyaan.” James Russell Xilligii la dilay: 19 September 1991 Waqtiga uu wax baranayay: 10 sano Shaqadiisa: Fannaan Hadalkiisii ugu dambeeyay: Waxaa la sheegay inuu hadlayay saddex daqiiqo, laakiin qorin hadalkiisii, lamana duubin codkiisa. Jeffrey Allen Barney Xilligii la dilay: 16 April 1986 Waqtiga uu wax baranayay: Lama diiwaan galinin Shaqadiisa: Lama diiwaan galininNot listed Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waan ka xumahay wixii aan sameeyay. Waan u qalmaa ciqaabtan. Jesus i cafi.” Johnny Frank Garrett Xilligii la dilay: 11 February 1992 Waqtiga uu wax baranayay: Toddobo sano Shaqadiisa: Xamaali Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan qoyskeyga uga mahadceliyo jacaylka ay ii qabeen iyo sida ay ii xannaaneeyeen. Adduunka intiisa kalena…[wuu caayay]. William Prince Davis Xilligii la dilay: 14 September 1999 Waqtiga uu wax baranayay: Toddobo sano Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka dayactira saqafka guryaha Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan qoyskeyga u sheego sida aan uga xumahay xanuunka ay kala kulmeen ficilladii aan sameeyay… Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan ragga u xidhan toogashada ee jacaylka ii muujiyay muddadii sannadaha ahayd. “Waxaan rajeynayaa in meydkeyga oo aan ugu deeqay seynisyahannada qeybo ka mid ah loo adeegsan doono in qof lagu caawiyo… Intaas ayaan dhihi karaa, taliye. Oh, Gabagabadii, waxaan leeyahay, maxay yihiin Cowboy-yadaas?” Gerald Lee Mitchell Xilligii la dilay: 22 October 2001 Waqtiga uu wax baranayay: 10 sano Shaqadiisa: Farsamada alwaaxyada iyo dhismaha Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waan ka xumahay xanuunka. Waan ka xumahay qofka aan idinka dilay. Alle ayaan cafis weydiisanayaa. Idinkana waan idin weydiisanayaa. Waan ogahay inay idinku adkaan karto. Balse waan ka xumahay wixii aan sameeyay. “Qoyskeyga waxaan leeyahay, kulligiin waan idin jeclahay. Is adkeeya. Ogaada inuu jacaylkeyga idinla jiro, mar walba. Illin farxadeed ii daadiya. Robert Anthony Madden Ninkan wuxuu codsaday in raashinkiisa ugu dambeeya la siiyo qof hoy la’aan ah, ama darbijiif ah. Laakiin codsigiisa waa laga diiday. Xilligii la dilay: 28 May 1997 Waqtiga uu wax baranayay: 12 sano Shaqadiisa: Cunto kariye Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waan idinka raalligalinayaa dadka idinka dhintay iyo xanuunka idin haya. Laakiin anigu dadkaas ma aanan dilin. Waxaan rajeynayaa inaan dhammaanteen wax iska baran doonno. Iyo inaan baran doonno sida loo joojiyo naceybka iyo aargoosiga, aana u midowno sidii loo eegi lahaa waxa ka socda adduunkan. “Waan cafiyay qof walba oo ku lug lahaa arrintan, oo u muuqata inay khaldan tahay.” James Beathard Xilligii la dilay: 9 December 1999 Waqtiga uu wax baranayay: 15 sano Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka Mootooyinka Kaddib markii dacwaddiisa la qaaday, markhaatigii ugu muhiimsanaa ee dacwad oogeyaasha ayaa diiday inuu ku markhaati furo, saddex kamid ah xubnaha dacwadda dhageysanayayna waxay soo jeediyeen in loo naxariisto. Hadalkiisii ugu dambeeyay: “Waxaan rabaa inaan ku billaabo muujinta jacaylkii ay qoyskeyga ii hayeen. Ma jiro nin adduunkan ku nool oo iga qoys fiican aniga. Waxaan lahaa waalidiinta ugu wanaagsan dunida. Waxaan heystay nolosha ugu wanaagsan adduunka ee uu nin heli karo. Aad baan ugu faanayaa wiilkeyga iyo gabadheyda. “[Waxaa jira] dhowr arrimood oo aan rabo inaan ka hadlo, maadaama xilligan uu yahay waqtiga yar ee qof walba uu dhageysanayo waxa aan sheegayo. Mareykanku wuxuu joogaa [heer] maanta [aysan jirin] qaddarin loo hayo nafta bani’aadanka. Geerideydu waa calaamad muujineysa cudur intan kasii weyn. Sidaas si lamid ah, dowladdu waa inay hurdada ka kacdo oo ay joojiso sameynta waxyaabaha lagu burburinayo dalalka kale iyo dilka carruurta aan waxba galabsanin. Cunaqabateynta raashinka iyo hubka ee hadda lagu hayo dalalka ay ka mid yihiin Iiraan, Ciraaq, Cuqa iyo meelo kale – waxba kama baddali doonaan adduunka waxayna dhibaateynayaan carruur masaakiin ah. “Arrinta laga yaabo inay taas siyaabo badan uga muhiimsan tahay waa in waxa aan ku sameyneyso deegaanka ay sababayaan musiibo weyn, sababtoo ah inta aan ku sii soconno jihada aan haddo ku sii jeedno natiijadeedu waxba kama tareyso sida aan ula dhaqmeyno dadka kale, waayo qof walba sidaas ayuu uga tagayaa adduunka. “Mid ka mid ah siyaabaha ugu yar ee ay runta bannaanka ugu soo baxdo, ama dadku ay mar uun ku ogaanayaan waxa socda [waa] ilaa inta aan ka taageereyno xorriyadda saxaafadda. Waxaan arkaa in saxaafaddu ay dhibaato ku wajahayaan sidii ay xor u noqon lahaayeen.” Raashinka ugu dambeeya ee maxaabiista dilka u xidhan ay codsadaan waxaa taariikhdiisa laga heli karaa Madxafka Parrish Art, oo ku yaalla magaalada New York, ilaa31 January 2021. Qaran News
