Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. ENG MUBAARIK CIISE OOMAAR OO KA MID AH,MAAMULKA SARE EE
    URUKA XOOJINTA QARANNIMADA SOMALILAND AYAA SI BALAADHAN U SHARAXAY SANADKII 1960 DOORASHADII BAARLAMANKA Somaliland IYO SIDII LOO KALA HELAY SAAMI QAYBSIGII KURAARASTA IYO DOORASHADII UGU DANBEYSAY EE DALKA KA DHACDAY SANADKII 2017-KA.

    Mar alaale iyo markii Xisbiyadu ka heshiiyeen wixii dhex yaalay,ayaa markiiba lala soo baxay erayga Saami qaybsi oo aan anigu khariirad kale oo dadka qaar rabaan in ay u dhigaan doorashada laga heshiiye qabashadeeda.
    Asalkaba hadad maqasho Saami qaybsi waa cadaalad in wax lagu qaybsado.badanaba sida dheefta loo qaybsado ayaa dhibtana loo qaybsada. Magta hadaynu eegno inta ugu badan waxaa bixiya reerka ugu rag badan. Sidaa darted ayey wixii dheef ahna ka badsanayaan.

    Laakin qolyahan tay doonayaan waa sad bursi qofba siduu ku helayo ku raadsada,Nasiib daro Somaliland waxaa jira shakhsiyaad ama beelo ( Blackmail ) waxa ku raadsada oo micnaheedu yahay HADAAN SIDII LA II YEELIN ,Doorasho dhicimayso , Ictiraaf helimayno, nabadi jirimayso iyo wax ciil kaa dilo.

    Waxaan yar sharxi doona siday waxay doonayaan Sad bursi ku noqdeen, iyo in ay dulmiyaan beelo kale.aniga doodaydu waxay ku salaysan tahay sida reeruhu u kala badan yihiin in ay kuraasta ku kala badsadaan ,waanay dhici karta in aanay dadka qaar ku qancin tirade ,laakin taa waxaa lagaga gudbi kara tirkoob rasmi ah cid walba raali ka tahay.

    Inta taa ka horaysa aniga waxay illa tahay in wixii macluumaad ah ee aynu helaynayo soo ururino darisno markaa ka gaadho xal ku meel kaadha ah( Inkasta oo aan anniga shakhsiyan shaki igaga jirin sida loo kal badanyaha) macluumadka aynu haynu aan midmid u soo qaadno.

    Tiro Ku koobnayd raga,oo ah illa imika kuwa lagu xisaabtamo ee Magta bixiye,intii ingriisku Somaliland ilaalinaaye.Xafiisyada DC waxaa shaqadooda ka mid ah ururinta magaha ,sidaa dartee wuxuu caaqil waliba keeni jiray inta lab ee reerkiisa magta bixisa,sidaa wxaa lagu ogaaday tirade (BADH) ka mid ah bulshada Maxmiyada ku noolayd bal waxaynu eegi doona tirada bari ,badhtamaha iyo Galbeed ee rag ah.

    Dia paying Groups

    Beesha Dhexe (Isaaq) tirada labka 420,000 nin

    Beelaha bariga iyo galbedka{Harti,Awdal Clan Gadabuursi) 220,000 nin

    isugayn 640,000 nin

    Waa maxay PERCENTAGEKA ay ka kala heli lahaayeen 82 kursi

    Beesha dhex 65.65% 54 kursi

    Beelaha Bari iyo Galbeed 34.37% 28 kursi

    ——————————————————————————————————————–

    B)Doorashadii British Somaliland ka dhacday 17/2/1960

    Party Number of Votes % of Votes Number of Seats (33)

    Somali National League (SNL) 42,395 52.10% 20 seats

    United Somali Party (USP) 13,350 16.41% 12 seats

    National United Front (NUF) 20,249 24.89% 1 seat

    Somali Youth League (SYL) 4,626 5.69%

    Others ‪746 0.92‬

    Xisbiyada SNL iyo NUF beesha dhex ayaa taageeri jirtay waxay heleen 52.1% + 24.89% =76.99%

    Xisbiga USP waxaa taageeri jiray beelaha darfyada waxay heleen 16.41%

    Xisbiga SYL wuxuu helay 5.69%

    Hadii aan kuraasta maanta oo ah 82 kursi ku qaybiyo PERCENTAGE ka berigaas

    Waxay manta heli lahaayeen.

    1.Beesha dhex( Isaaq) 76.9/100 x 82 = 63 kursi

    2. Beelaha bari iyo Galbeed ( Harti, Awdal Clan iyo Ciise ) 16.4/100 x 82 = 14 kursi

    3. SYL 5.69/100 x 82 = 5 kursi

    Fiiro Gaar ah . Xisbiga NUF oo 20,000 cod helay hal kursi ayuu helay

    Xisbiga USP oo 13,000 cod helay 12 kursi ayuu helay

    Sidaa 20,000 qof ayaa ku waaye cid matesha.

    Doorashadii dhacday 26 June,2010 ee Riyaale iyo Siiraanyo ku tartamayeen

    Tirada cod bixiyayaasha gobolada.

    Awdal 176,916 16.5%

    Sool 98,313 9.1%

    M/Jeex 361,499 33.8%

    Saaxil 43,090 4 %

    Togdgeer 243,229 22.7%

    Sanaag 146,369 13.7%

    Total Total 1,069,326

    Tirada maalinta doorashada codaysay Beesha dhexe waxay ka noqonaya 68%

    Saamigay 82 kursi ku yeelanaysaana maalintaa waxay noqon lahayd 68% x 82 = 56 kursi

    Tirakoobi UNta ee 2014 kii laga sameeye wadankii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Somali.

    Natiijada tirakoobkani waa ka qolyaha sad bursiga doonaya ee ay marin habaabisay (Awdal Monitor Group) si uu u badiyo beelaha bariga iyo galbeedka oo uu beesha dhexe u yareeyo wuxuu sameeye JADWAL jeebkiisa ah,wuxuu qoraya Awdal Isaaq 0%. Waqooyo Galbeed Tirada Isaaq 75%, Togdheer 70%, Sool 10%,Sanaag 45%

    Sidaa dareet wuxuu naftiisa iyo ummada kale gaadhay in Isaaqu Somaliland ka yahay 40%, Non Isaaq na yahay 60%

    Anigu Awdal oo Samroon,Ciise iyo Isaaqba dagana, percentage isaaq iyo inta Awdal Clan Waqoyi Galbeed ( District Gabiley)ka dagta ayaan ISU TUURAY.

    Togdheer Wuxuu ka dhigay Isaaqa 70% isaga 30% oo uu jaray Boohoodle

    Sool Isaaqa Wuxuu ka siiye 10% oo u jeedo tirada Caynaba degta .laakin aanigu Boohoodle iyo Caynaba waan isu tuuray, bicdama tira isu dhow ayey yihiin Boohoodle iyo Caynaba

    Sanaag wxbadan muu farfarayn,sidaa darted ayaan sidan u xisaabiye

    Awdal 673,000 19% 15 kursi

    Waqooyi Galbeed 1,242,000 35.4% 29 kursi

    Togdheer 721,000 20.5% 18 kursi

    Sool 327,000 9.3% 8 kursi

    Sanaag 544,000 15.5% 13 kursi

    ISUGAYN 3,507,000

    Kuraasta beesha dhexe Waqooyi Galbeed 29 + Togdheer 18 + 1/2 of Sanaag = 53 kursi, 64%

    Kuraasta beelaha bari iyo Galbeed 29 Kursi, 36%

    Tirada cododka Gobolada doorashadii Madaxtooyada ee 2017

    Awdal 102,000 11 kursi

    M/Jeex 250,000 29 kursi

    Sanaag 80,000 10 kursi

    Saaxil 60,000 7 kursi

    Sool 65,000 8 Kursi

    Togdheer 147,000 17 kursi

    Total 704,000

    Beesha dhex waxay tiradaa ku helilahayd 58 out of 82

    image.png

    Qaran News


  2. The U.S. Embassy regrets the actions of the President and Lower House of Parliament to withdraw confidence in Prime Minister Ali Hassan Khayre and his government, which heightened political tensions and undermined the ongoing process of dialogue and negotiation between the Federal Government of Somalia, Federal Member States, and other key stakeholders. This irregular process is a setback for the reform agenda Somalia has pursued with the support of the United States. Somalia’s stability, security, and prosperity can only be built through cooperation, coordination, and compromise among Somalia’s leaders; if any individual or institution seeks to dominate the others, it undermines the stability of the entire nation.

    The U.S. Embassy continues to emphasize that the only path forward to timely, peaceful, implementable federal elections is through broad-based consultation and constructive dialogue among stakeholders. Developing a workable, broadly acceptable election model is key to preserving Somalia’s security and stability, and the United States calls on all stakeholders to act cooperatively and seek compromise to mitigate the risk of a constitutional crisis. The United States urges the Federal Government of Somalia, Federal Member States, Parliament, and other parties to continue to work together to implement the agreement reached in Dhusamareb.

    The U.S. Embassy calls on all Somali leaders, institutions, and stakeholders to pursue the best interests of their country rather than pursuing their individual interests, to work together constructively to build broad consensus. We will take measures against spoilers who seek to undermine Somalia’s progress towards stability, peace, inclusive governance, and prosperity. We do not want Somalia to go in the wrong direction. The United States remains a strong and devoted partner to the Somali people and those leaders who continue to but the best interests of Somali people first.

    Qaran News


  3. Digaagad beed ku fadhida , ayaa waxa ku soo biiray xabbad beed ah oo ka roon , wuxuu kaga soo dulun dulcoobay dhinacaa buurta . (halkaas oo uu GORGOR ugxan dhigtay )
    Beedkii wuu wada dilaacay , oo digaag yaryar oo fara badan ayaa beedkii ka dhashay , waxa kaloo dhashay (dilaacay ama ka soo baxay beedkii ) mid la mid ahayn digaaga oo ka roon(wayn) .
    Wuxuu la koray digaagii , oo wuxuu mooday in uu iyaga la mid yahay , laakiin markasta oo uu arko SIMBIRO duulaaya intuu sare u eego ayuu daawan jiray , wuxuuna iswayiin jiray : tolow adigu ma duuli kartaa sidooda oo kale ? markaasay digaagii kale ku yidhaahdaan maxaad ka eegaysaa , ma waxaad moodaysaa inay inala mid yihiin ? waar waxba ha eegin inagu ma duuli karnee ?
    Hadaba gorgorkii yaraa , wuxuu isu qaatay , inaanu duuli karin , oo uu ka mid yahay digaagan uu la koray , ee uu mar la dillaacay .
    Laakiin waxa nasiib darro ah , inaanu tijaabin inuu DUULI karo iyo in kale ?
    Hadaba tijaabadu iyo ku dhacu waa arin aad iyo aad u muhiih ah, oo loo baahan yahay .
    Xisbiyada qarankuna waxay u baahan yihiin doorashooyinka in la qabto .
    Ha noqon sidii gorgorkii digaagga la koray(la dillaacay ama la daaqay ) , ee aan weligiiba tijaabin inuu duuli karo iyo in kale .
    Wax ma ka fahantay sheekadan ?
    BAL ADBA FASIRO .

    CALI MAXAMED BIIXI
    caliwwelli@hotmail.co.uk

    Qaran News


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hor-timid oo sharci-darro ku tilmaamtay xil-ka-qaadista lagu sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah qas-wadayaasha Soomaaliya.

    Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay ficillada ay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ay codka kalsoonida kala noqdeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa.

    Tallaabadan ayey safaaradda ku sheegtay inay muujineyso xiisad siyaasadeed ayna waxyeeleyneyso hanaanka wada-hadal ee u socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

    Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sharic-darro ku qeexday qaabka xilka looga qaaday ra’iisul wasaare Kheyre.

    “Hanaankan sharci-darrada wuxuu dib u dhac ku yahay ajendaha isbedellada Soomaaliya ay ku raad joogtay ee Mareykanka uu taageerayey. Xasiloonida, amniga iyo barwaaqada Soomaaliya waxaa lagu dhisi karaa oo kaliya wada-shaqeyn, isku xirnaan iyo isu-tanaasul dhex-mara hogaamiyayaasha Soomaalida,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka.

    “Haddii shaqsiyaad ama hay’ado ay isku dayaan inay u awood sheegtaan kuwa kale, waxay waxyeeleyneysaa xasiloonida dalka oo dhan.”

    Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay adkeyneyso in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in la fuliyo doorasho si nabdoon waqtigeeda ugu dhacda oo ku saleysan wada-tashi iyo wada-hadallo miro dhal ah.

    “Safaaradda Mareykanka waxay ku boorineysaa dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, baarlamanka iyo dhammaan dhinacyada kale inay sii wadaan inay ka wada-shaqeeyaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb,” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

    Mareykanka ayaa sidoo kale ku hanjabay tallaabo ka dhan ah qas-wadayaasha siyaasadeed ka wada Mareykanka.

    “Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin ka dhan ah qas-wadayaasha raadinaya inay waxyeeleeyaan horumarrada Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, dowladnimada loo dhan yahay iyo barwaaqada. Ma dooneyno in Soomaaliya ay aaddo jiho qaldan,” ayey tiri dowladda Mareykanka.


  5. Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo Caawa ka hadlay xilka qaadistii ay ku sameeyeen Golaha Shacabka ayaa sheegay in aan Go’aankaasi loo marin hannaan Sharciga waafaqsan.

    Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kadib markii uu arkay in Go’aanka Kalsoonida looga qaaday uusan waafaqsanayn Sharciga uu iskiis isu casilay isagoo ilaalinaya Midnimada iyo Xasiloonida Dalka Soomaaliya.

    Sidoo kale wuxuu iska difaacay eedaymaha Baarlamanku u jeediyay ee la xiriira in Xukuumaddiisu ay ku fashilantay Hoggaaaminta Dalka gaar ahaanna qabashada Doorasho qof iyo cod ah oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

    Mudane Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in Go’aanka xilka looga qaaday uu ahaa mid sharci-darro ah oo salka ku haya mudda-kororsi islamarkaana horseedi kara qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

    Halkaan ka daawo Hadalkiisa

    PUNTLAND POST

    The post Khayre oo sheegay in xilka looga qaaday si mudda kororsi loo sameeyo appeared first on Puntland Post.


  6. Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaarihii xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa shaaciyey in uu is-casilay, kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka uu maanta ku dhawaaqay in xildhibaanadu kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddiisa

    “Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed u hayay.”  Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

    Kheyre ayaa carabka ku adkeeyey in uu garwaaqsanyahay in wixii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka aysan sharci aheyn, balse uu u tanaasulay  umadda Soomaaliyeed si uu tusaale ugu noqdo, sida uu sheegay.

    “Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In  xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka  iyo shuruucda dalka. Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed,  mid dhaqaale, amni iyo bulsho,” ayuu yiri Kheyre.

    “Waxaan ka shaqeynay isu keenidda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan isugu keenay Dhuusamareeb, si go’aan loo dhanyahay looga gaaro doorashada dalka ku soo fool leh, iskastoo kulamadii Dhuusaamreeb laga gaaray horumar, hadana waxaa muutada in weli uu jiro fekerkii ku aadanaa mudo kororsiga, oo salka ku hayey wixii maanta ka dhacay golaha shacabka, oo aan mar hore ka digay, isla markaana aan aaminsanahay in qal qal uu dalka ku keeni karo, hadana dadka Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in ay khasab tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo afartii sanaba mar,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

    Hoos ka Daawo


  7. Ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

    Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Mahdi Guuleed ayaa Cabdirisaaq Xuseen Aaden si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Dikreetada ayaa sidoo kale shaqada looga joojiyay Xoghayihii hore ee Joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha inkastoo aan magaciisa lagu xusin warqadda.

    Magacaa.jpg?resize=941%2C1440&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Ku simaha Ra’iisul wasaaraha oo magacaabay Xoghayaha Joogtada Xafiiskiisa appeared first on Puntland Post.


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul wasaraha dalka ahna Raiisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caawa sameeyey magacaabistii ugu horeysay, saacado kadib markii si KMG ah loogu magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha.

    Mahdi Guuleed ayaa bedelay Xoghayaha joogtada ahaa ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo magacaabay Xoghaye cudub.

    Wareegto ka soo baxday xaafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdirasaaq Xuseen Aadan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xoghayaha cusub ee xaafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

    Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta ku simaha Ra’iisul wasaaraha loogu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed oo horay u ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

    Magacaabista Mahdi Guuleed waxay ka dambeysay kadib markii kulankii xildhibaanada golaha shacabka ee maanta lagu shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Hoos ka aqriso magacaabista

    1-4.jpg 2-3-1.jpg


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta si lama filaan ah u shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddoomiye Mursal iyo xildhibaanada golaha ayaa Afar qoddob u cuskaday xil ka qaadista ay maanta ku sameeyeen Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisa.

    Guddoonka iyo qaar kamid ah xildhibaanada golaha ayaa ku doodaya in xukuumadda uu hogaamiyo Kheyre ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga iyo arrimihii federaalka, oo maalmihii u dambeeyay laga gaaray heshiis is-faham.

    Sidoo kale xukuumaddii Kheyre ayaa lagu haystaa inay gebi ahaanba ku fashilantay hanaanka doorashooyinka ee 2020/2021 iyo weliba dhameystirka Dastuurka dalka oo weli qabyo ah.

    Afartaasi qoddob waa kuwa ay Guddoonka iyo xildhibaanadu ku eedeyeen xukuumaddii Kheyre, isla markaana ay daaqada uga saareen wallow la rumeysan yahay in arrintaasi salka ku hayso khilaafka ka dhex qarxay Farmaajo iyo Kheyre.

    Kheyre iyo Farmaajo ayaa isku fahmi waayay nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa marka la gaaro xiliga ay dalka ka qabsoomi laheyd, halka uu Farmaajo wato qorshe kaasi ka duwan oo muddo kororsi ah.

    Xilka ka qaadista Baarlamaanka iyo ayidaada Farmaajo ayaa muuqata mid bilow u ah qorshaha Villa Somalia ee muddo kororsiga, taasi oo hore looga digay.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in maanta guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, natiijada kalsooni kala noqoshada xukuumadda uu uga dhawaaqay meel ka baxsan fadhiga baarlamaanka.

    Sideed xildhibaan oo aad u diidanaa kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ayaa ku buuqay Guddoomiye Mursal, waxuuna ka istaagay kursigii uu ku guddoominayey kulanka, isagoo galay xaafiiskiisa halkaas oo loogu geeyay weriyaasha si uu ugu dhawaaqo natiijada.

    “Codeyn ma dhicin, guddoomiyaha xafiiskiisa ayuu galay markii leesku buuqay kadibna cod ayaa laga soo duubay, isagoo ku dhawaaqay kalsooni kala noqosho waana xaaraan” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Muqdisho warbaahinta kula hadlay.

    Muuqaalka laga soo duubay guddoomiyaha ee ku dhawaaqista natiijada ayaa muujinaya inuu fadhiyo meel xafiis ah oo aan aheyn fadhiga baarlamaanka.

    Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay kulankii maanta, waxaana la sheegay inuu ahaa mid aan loo marin waddo sharci ah, iyadoo ay jiraan doodo waa weyn oo arintaas ku saabsan.


  11. Qaar kamid ah xisbiga siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadkay xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

    War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga Wadajir ee hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame yaa lagu sheegay in sifo sharci ah loo maray xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Kheyre, islamarkaana uu xisbiga Wadjir si xooggan u diidan tallaabadaas.

    Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in xilka qaasista Kheyre aysan ku jirin ajandaha Golaha ee maanta, mooshin eedeyn ah iyo saxiix 50 xildhibaana aan Golaha laga akhrin, sidoo kale aan laga doodin mooshinka.

    Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ku legleeyahay xilka qaadista Kheyre, si muddo kordhin loogu sameeyo.

    Dhanka kale xisbiyada ku bahoobay (Madasha Xisbiyada Qaranka) ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kaga horyimid go’aanka Baarlamaanka ee xilka qaadista Kheyre.

    Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa sheegtay in kalsooni kala noqoshada Xukuumadda ay u arkaan carqaladayn iyo burburin go’aannadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, taas oo ay tilmaameen in loogu gogol xaarayo muddo kororsi aan sharci ahayn.

    Hoos ka akhriso war-saxaafadeedyada xisbiyada

    FB_IMG_1595695407967.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_15956944744431666.jpg?w=1000&ssl=

    PUNTLAND POST

    The post Xisbiyo siyaasadeed oo ka horyimid xilka qaadista Kheyre appeared first on Puntland Post.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war kasoo saartay tallaabadii uu baarlamaanku kalsooni kala noqday xukuumada Kheyre, iyada oo uu si rasmi ah u ayiday Madaxweyne Farmaajo.

    Madasha ayaa si weyn u cambaareysay xil ka qaadista lagu sameeyay Kheyre iyo xukuumadaasi, taasi oo ay sheegtay inay carqaladayneyso go’aannadii shirka Dhuusamareeb, isla markaana looga dan leeyahay muddo kororsi aan sharci aheyn.

    War-murtiyeedkaasi kasoo baxay Madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay Madashu ka xuntahay in xiligan uu madaxweynuhu uu hormuud ka noqdo qalaalase siyaasadeed oo xaalad adag galiya dalka.

    Madasha ayaa sidoo kale ku baaqay in xiligan kala guurka ay muhiim tahay ilaalinta sareynta sharciga iyo xasiloonida dalka, iyada oo ay ka go’antahayna.

    Waxayna si adag uga digtay hanaan kasta oo la iskugu dayo muddo kororsi aan sharci aheyn, maadama xil ka qaadista Kheyre ay horseed u tahay hirgelinta qorshaha Villa Somalia.

    Ugu dambeyntiina waxay soo jeedisay in la ilaaliyo is-fahamka siyaasadeed ee bilowga ah, iyada oo laga fogaanayo waxkasta oo keeni kara qalaalase siyaasadeed oo uu dalku galo.

    Hoos ka aqriso war-murtiyeedka Madasha oo dhameystiran
    EdyNoSVXsAA8CZ7-scaled.jpeg


  13. Xisbiga Wadajir ayaa ka horyimid go’aankii Golaha Shacabka ee xil-ka looga qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

    Qoraal ka soo baxay xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay inuu diidan yahay kalsooni kala noqoshada xukuumadda, isaga oo sharci darro ku tilmaamay tallaabadaasi.

    Sidoo kale wuxuu xisbigu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay muddo kororsiga uu damacsan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

    Halkan hoose ka aqriso:

    115803557_321691185868558_6142599811757255772_n

    View the full article