Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in maanta ay yeeshaan kulan, kaasoo ka dhici doonto xarunta Golaha Shacabka Muqdisho.
Kulankaan ayaa ah mid walaac badan laga muujinaayo maadaama looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Olole ay ku doonayaan Muddo korosi, waxaana Xildhibaanada qaar ay sheegeen in ay rabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.
Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in Kulanka maanta uu yeelanayo Golaha Shacabka laga qabo tuhun ah inuu mar qura ajandihiisa is bedelo, si la mid ah qaabkii loo riday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ajandaha aan ku jirin markii codka kalsoonida loo qaadayay Xukuumaddiisa.
Ajandaha Maanta ee kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah Akhrinta koowaad ee Sharciga Dambiyada Galmada la xiriira sida lagu sheegay fariimaha uu guddoonka Baarlamaanka Xalay u diray Xildhibaanada.
25-kii bishii hore ee July ayay aheyd markii Xildhibaannada farriin qoraal loogu diray Ajandaha kulanka ka doodista Doorashooyinka 2020/21 uu mar qura isu bedelay kalsooni u qaadista Xukuumadda, waxaana durbadiiba si fowdo iyo buuq ku jira loo riday Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre.
Shirar gaar gaar ah oo maalmihii la soo dhaafay lahaayeen Xildhibaannada ayaa shaki weyn dhaliyay, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada ay sheegeen in Baarlamaanka bedeli kara oo kaliya uu yahay mid la soo doorto, iyagoo taageeray doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.
Golaha ayaa sheegay in haatan dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne si looga gudbo mid dadban oo lagu soo dhigay Dowladda haatan talada heysa, waxaana ay si cad u sheegeen Xildhibaannada iyo Guddoonkooda in halis nafeed ka dhalatay ergada wax dooraneysa.
Qodobo dhowr ah ayay Aqrin, Dood iyo codeyn geliyeen, inkasta oo Golaha Aqalka sare BFS oo loo gudbiyo xeerarka iyo qodobada Golaha Shacabka mara ay waxba kama jiraan kasoo qaadeen ansixinta Aqalka Shacabka.
Guddoomisada Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa golaha u bandhigtay bilo dheeraad ah oo ku eg Agoosto sanadka soo socda 2021-ka oo haddii loo ogolaado ay ku hirgelin karaan Codeyn Dadweyne.
Fatahaadaha iyo daadadka ka jira Soomaaliya ayaa sameeyeye 191,800 oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya tan iyo bilihii May iyo Luulyo, taasoo ay ka dhalatay dhibaato bina-aadamnimo oo ka jirta gobollada ay dhibaatadu saameysey, sidda ay sheegtay OCHA.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in dadkaasi ay barakiciyeen daadad ilaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ka socday meelo ka mid ah Soomaaliya.
“Meelo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, roobabka Xagaaga ee socda ayaa ka culus kuwii hore, iyagoo wata dabeylo xoog leh , islamarkaana uu heerkul hooseyo ” OCHA ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee daadadka.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in meelaha daadka iyo Fatahadaha ay samaayeen ay ka mid yihiin Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Heerarka biyaha webigga Shabeelle oo loo kuurgalay la filayaa inay sii wadaan fatahaadaha usbuuca soo socda kadib roobabkii la saadaaliyay.
OCHA ayaa sheegtay in ku dhawaad 147,579 hektar oo dhul beereed ah ilaa 100 tuulo oo ka kala tirsan degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay ay biyaha la tageen.
Dowladda Ethiopia ayaa Jimcihii shalay sheegtay in Xiriirka Masar ay doonayso in ay la samaysato dalal ku yaalla Bari Afrika, ay waajib tahay in aysan waxyeelin danaha Ethiopia.
Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia Dina Mufti, ayaa sheegay in Masar ay tahay waddan madax-bannaan oo xaq u leh, in ay xiriir la yeelato dal kasta oo ku yaalla gobolka, balse ay waajib tahay in xiriirkaasi uusan wax yeelin xasiloonida Ethiopia.
Dhowaantanba, waxa soo baxayay warar sheegaya, in Masar doonayso in ay saldhig Militari ka samaysato Somaliland, gaar ahaan magaalada xeebta ku taalla ee Berbera.
Dabayaaqadii bishii Luuliyo, wefdi ka socda Dowladda Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana sida la soo weriyay ay ka dalbadeen in ay saldhig Militari ka samaystaan Qaybta Waqooyi Galbeed ee Gobolkaasi Somaliland.
Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, wuxuu sheegay in ay si dhow ula socdaan Arrintaas, islamarkaana ay Khad cas uga dhigantahay Ehiopia, isagoo intaas ku daray in ay Xiriir saaxibtinimo la leeyihiin Somaliland, inkastoo aysan Dowlad madax-bannaan u aqoonsanayn.
Falanqeeyaasha qaar, ayaa u arka Tallaabada Masar mid ay uga aar-gudanayso Dowladda Soomaaliya, oo taageertay Xaqa Ethiopia u leedahay Dhismaha Biya-xireenka Webiga Niilka, ee ku kacaya $ 5 Bilyan oo Dollar, kaas oo ay ku muransan yihiin Masar iyo Ethiopia.
Kadib markii ay fashilmeen Wada-hadalladii Maraykanku maalgeliyay ee la qabtay bishii Febraayo, kuwaas oo u dhexeeyay Masar Ethiopia iyo Suudaan, Midowga Afrika wuxu bishii June isku keenay saddexda dal, si loo sii wado Wada-xaajoodka.
Todobaadkii tegay, Dowladda Ethiopia waxay soo bandhigtay Soo jeedin ku saabsan Buuxinta Biya-xireenka waxayse kala kulantay Kalsooni-darro ay ka muujiyeen Masar iyo Suudaan, oo dalbaday in wakhti dib loo eego.
(SLT-Hargeysa)-Dowladda Itoobiya ayaa khad cas u xariiqday Somaliland kana digtay inay ka gudubto, iyada oo sheegtay in saldhigga Masar ay dooneyso inay ka sameysato Somaliland uu yahay mid aan la aqbali karin.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti ayaa yidhi “Masar waa dal madax-bannaan oo xaq u leh inuu xidhiidh la yeesho dal kasta oo gobolka ah ah, hase yeeshee taasi ma ahan inay ku timaado ayada oo la waxyeeleynayo xasiloonida Itoobiya.
”Waxaa dhowaan jiray warar sheegaya in Masar ay saldhig millatari ka sameysaneyso Somaliland, xilli ay ayada iyo Itoobiya ka dhex aloosan tahay xiisad ka dhalatay biyo-xidheenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.
Dabayaaqadii July, wafti ka socday Qaahira ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyaga oo sida la sheegay kala hadlay qorshaha saldhigga.
“Arrinta saldhigga annaga waa noo khad cas,” ayuu yidhi Dina Mufti, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, oo intaas ku daray in Itoobiya ay xidhiidh saaxiibtinimo la leedahay Somaliland, inkasta oo aan dal ahaan loo aqoonsaneyn.
Masar iyo Itoobiya ayaa labaduba siyaabo kala duwan ugu ololeynaya Somaliland, sababa la xidhiidha ahmiyadda halka ay khariidadda kaga taallo, taasi oo taxliiliyayaasha qaar ay rumeysan yihiin inay soo dedejin karto aqoonsi ay hesho Somaliland.
Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa ka warbixiyey howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marka ee gobolka Sh/Hoose.
Afhayeenka ciidanka Xoogga, Korneyl Cismaan Shabeel ayaa sheegay in howl-galkaasi lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu soo qabtay 8 kale.
Korneyl Shabeel ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Sh/Hoose.
Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada huwanta ay sare u qaadeen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Gaashaan-dhiga dalka Taiwan, ayaa sheegtay in ka taageerayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland qorshaha ilaalinta Xeebaha Somalilnd.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal dawladda Taiwan ay shalay ku baahisay Twitterka, oo ay ku caddaysay inay Somaliland ka saacidayso ilaalinta ammaanka Xeebaha Somaliland.
Dawladda Taiwan, waxa ay sidaasi ka ku soo shaacisay xaflad Salaasadii Toddobaadkan lagu soo bandhigayey markab noociisu ku cusub yahay dalkaas oo ah kuwa dagaalka ee xambaara miinooyinka oo qaybo badan oo ka mid ah la dhammaystiray isla markaana lagu wado inuu dhammaystirmo dabayaaqada sannadkan 2020ka.
Markabkan oo dhererkiisu yahay 41 mitir, waxa uu qaadi doonaa saanad dhan 347 tan. Waxana Wasaaradda Gaashaandhiga Taiwan xustay in loogu talo galay inuu ka hor tago wixii khatar ku ah dalkooda oo lagu qalabeeyey qumbulado loogu talogalay.
Istaageersigan ayaa ka dhashay iskaashiga iyo wax wada qabsiga ay yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, iyadoo labada dal ay isdhaafsadeen laba Safaaradood isla markaana ay iska kaashan doonaan mashaariic la xidhiidha Ganacsiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga.
Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambooyin loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday guriga uu magaalada Guriceel ka dagan yahay, Gaashaanle Sare Cabdullahi Cabdi Raage oo ka tirsan sarakiisha nabad sugida ee dowlad goboleedka Galmudug.
Weerarkan waxa uu ku soo aadayaa xilli magaalada uu ka jiro muran ku saleysan furitaanka masaajiyadio ay horey u maamuli jireen Al-Shabaab oo la xiray.
Maamulka degmadas Guriceel oo ka hadlay weerarkaasi ayaa sheegay inuu ka bad-baaday, Gaashaanle Sare Cabdullahi Cabdi Raage islamarkaana uu nabad qabo.
Sarkaalka la weeraray ayaa horey uga mid ahaa saraakiishii ciidamada ciidamada Ahlu Sunna ee ku biiray dowladda Soomaaliya.
Waa weerarkii ugu horreeyey ee ka dhaca Guriceel ee loo adeegsado bambooyin, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.
Shil khasaare geystay ayaa habeenimadii xalay waxaa uu ka dhacay isgoyska Km4 ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen gaari yar iyo Mooto Bajaj.
Waxaana shilkaas inta la xaqiiyey uu dhaawac ka soo gaaray laboo ruux, kuaas oo la socday Mooto Bajaajta shilka gashay, waxaana durba loo qaaday goobaha caafimaadka.
Waxaa inta badan Muqdisho ka dhaca shilal gaari, waxaana inta badan sababa iyadoo wadayaashu gaadiidka si xoowli ah u kaxeeyaan, taas oo dhalisa shilka.
(SLT-Calicut)-Diyaarad ay lahayd Shirkadda diyaaradaha Air Indian Express oo ay saarnaayeen 191 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Calicut ee Koofurta dalka Hindiya.
Diyaaradan oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weyday waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala dhacday labo qeybood iyadoo la shaaciyay in shan qof oo ay ku jiraan labadii duuliye ee diyaarada ay dhinteen.
Sidoo kale waxaa shilka diyaaradan ku dhaawacmay tiro badan oo ka mid ah rakaabkii diyaarada saarnaa.
Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah.
A Habit Of Courage…Tiny Somaliland Snubs The Chinese Communist Party
Analysis
A Habit Of Courage…Tiny Somaliland Snubs The Chinese Communist Party
by Gawain TowlerAugust 7, 20200800
SHARE0
A Habit Of Courage…Tiny Somaliland Snubs The Chinese Communist Party
Image by Peter Fitzgerald
A Habit of Courage
The tiny almost state that is Somaliland has yet again put its neighbours, and pretty much everybody else, to shame. With a history of achieving against the odds, this beacon of near democracy in the Horn of Africa has just decided to snub China. And do so in a very public fashion.
In some ways this is hardly surprising. China has for a while now been supporting the rump state of Somalia and its so called “territorial integrity” – which is diplomatic sub speak for a re-annexation of Somaliland. Given that the smaller, former protectorate of British Somaliland has been a beacon of near peace and stability since it declared its independence from the maniacal regime of Siad Barre in 1991, Somalia has never recovered, though is slowly limping out of decades of internecine and Islamist strife and murder. Whereas, Somaliland has taken a different track, forging ahead with an independent, African form of democracy that has, by and large, kept its citizenry safe.
The rejection of Chinese overtures by the Government of Somaliland is as brave as it is unusual. For decades Sino influence in Africa, particularly East Africa has been almost untrammeled. In the last 15 years upwards of £400bn has been invested directly by the government of President Xi, and many, many more billions by state owned or para independent firms. Yet here is this country, of 3.5 million turning round to the behemoth and simply saying ‘No’. Not just once but twice it is reported.
This extraordinary moment took place a few days ago during a visit to the country’s capital, Hargeisa in the last week of Qin Jian, by China’s Ambassador to Somalia and a high-ranking delegation from the foreign ministry in Peking.
The diplomats had arrived after a hastily organised trip, triggered by the strengthening relations between President Muse Bihi Abdi and Taiwan. Somalia, recipient of increasing investment from China, has recently affirmed its support for China’s territorial claims over Taiwan. Chinese interests have lasted since 2007 when CNOOC, a state-owned Chinese oil producer, has been involved in the northern province of Puntland, the region closest to the Somaliland border.
Thus, to see little Somaliland making formal overtures to Taipei, overtures that resulted in Taipei and Hargeisa establishing bilateral ties on July 1st, 2020 has enraged China. Ambassador Jian tweeted two days later, “Taiwan is China’s inherent territory. China exercised effective jurisdiction over Taiwan since the China’s Ming and Qing governments hundreds of years ago. Every inch of China’s territory can’t be discarded. If (sic) is not China’s territory, China doesn’t want an inch.”
A couple of days later, the Foreign Ministry followed up, “The Somali government has reaffirmed its commitment to the One-China Principle and condemned Taiwan’s act that has undermined Somali’s sovereignty & territorial integrity. We appreciate that. The Democratic Progressive Party’s separatist activities will never succeed.” They have secured the formal support of the government in Mogadishu.
But this hasn’t swayed the Somalilanders. President Abdi first had a brief meeting, cut short after Chinese demands on cutting ties with Taiwan, and followed on Friday with another with a delegation from FOCAC, the Chinese Africa Forum. The Chinese arrived with blandishments of the normal kind. Massive investment in the port of Berbera, the airport in Hargeisa. But alongside those carrots comes the inevitable stick.
Currently China has a naval base in Djibouti, a country whose debt obligations to the dragon are overwhelming. In late July, China and Somalia announced they would be conducting joint naval patrols in what they describe as ‘Somalian territorial waters’ on the Red Sea littoral – or in other words Somaliland waters. The carrot; let us build your port (and put you on massive” debt to us). The stick; we will throttle your waters and ability to trade independently. Again, President Abdi turned the Chinese away empty handed, except for positive words about, “agreed to strengthen mutual respect to each other”.
The President must be hoping that the USA’s commitment to Taiwan stretches to those who follow up the Taipei Act, or the Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative which since March of this year commits the US to support those who support and recognise Taiwan.
China’s increased belligerence around the world, be it in the mountain fastnesses of the Himalayas where a low level shooting war is being conducted against India, in the China Sea and around Taiwan itself, to its ‘string of pearls’ initiative, of which the Somali naval patrols are part, where it plans to take physical control of the Indian Ocean is seeing diplomatic kick back. The UK has suspended its extradition Treaty with Hong Kong and is ripping up the expected 5G deal with Huawei. Australia’s ongoing economic symbiosis has not stopped it putting on diplomatic pressure and New Zealand and Canada are baring their teeth. India is going through its military and diplomatic gears. Even the EU is beginning to get cold feet over its enthusiasm for cheap Chinese money.
But Somaliland, a land of herdsmen, and a million poets, nobody has yet so directly turned their backs.
(SLT-Denmark)-Cabdulcasiis Axmed Cumar waa nin Soomaali ah oo muddo 5 sano ah ku noolaa dalka Denmark, gaar ahaan magaalada lagu magacaabo Tarm, dhawaan ayaa dowladda dalkaasi Denmark waxaa ay u sheegtay in sharcigii ay kala noqotay, kadib markii uu sharcigii ka dhacay iskuna dayay in uu dib u cusboonaysiisto.
“Waxaan ahay muwadin Soomaaliyeed oo ku sugan wadankan denmark, waxaana jooga Denmark muddo 5 sanno ah, sharcigi waddanka ayaa iga dhammaday 2019 bishi July, waxaan tagay halka laga soo cusbooneysiyo sharciga waxa ay iyidhahdeen anaga jawaabta ku siindoona.
“bilo kadib jawabtii ayaa noqotay waxaan kala noqonay ogolaanshihii waddanka aad ku joogtay, waa in aad waddanka kaga baxdaa muddo 7 maalmood ah ama aad ku qabsataa Looyaro”.ayuu yidhi C/casiis Axmed Cumar.
Sannadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dhibaatooyinka dhanka sharciyada ah oo ay dadka soo galootiga ah kala kulmayeen dowladaha reer Yurub, iyadoo ay jiraan dad badan oo ilaa iyo haatan sharciyo aan helin, kuwo sharciyada lagala noqday iyo dhibaatooyin kale.
Guriceel (Caasimadda Online) – Guriga Sarkaal ka tirsan Hey’adda Nabadsugida ee NISA oo yaalo Magaalada Guriceel ee Maamulka Galmudug ayaa lagu qaaday weerar culus oo loo adeegsaday bambo gacmeed.
Guriga weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay inuu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda NISa qeybta Galmudug kaasoo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raage.
Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah sarkaalka gurigiisa la weeraray ayaa horey uga tirsanaa saraakiishii ciidankii Ahlu Sunna ee ku biiray ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Sarkaalkaan ayaa la xaqiijiyey inuu ka badbaaday weerarkaas qorsheysan ee xalay lagu qaaday guriigiisa oo ku yaalo Magaalada Guriceel oo kamid aheyd meelaha ugu nabdoon deegaanada Galmudug waqtigii ay gacanta ku hayeen maamulkii Ahlu Sunna ee laga adkaaday.
Ciidamada ammaanka Maamulka Galmudug ayaa qaraxa kadib bilaabay howlgal ay ku sheegeen in lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyey weerarkaas.
Ciidamada ayaa howlgalkooda ku bartilmaameedsaday shaqsiyaad ay tuhmayaan in ay ka dambeeyeen ama ay wax ka ogaayeen qaraxa.
Khasaare maaliyadeed oo u badan waxyeelo gaartay Guriga Taliye Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa ka dhashay qaraxa Bam Gacmeedka ah ee lagu tuuray Hoyga uu ka degen yahay Magaalada Guriceel.
Weerarkaan ayaa noqonayo midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo muddooyinkaan ka dhaca Magaalada Guriceel oo waqti dhow ka baxday gacanta Ahlu Sunna oo markii horeba ku guuleysatay inay si xoog ah uga saarto Al-Shabaab.
Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, inkastoo weerarada noocaan oo kale ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto Soomaaliya iyo wadamo ku yaalo Qaaradda Africa.
(SLT-Canada)-Koox wax dila oo uu soo diray Maxamed Bin Salman ayaa la sheegay inay isku dayeen inay galaan waddanka Canada si ay u dilaan Sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray Sirdoonka Sacuudiga oo lagu magacaabo Saad AlJabari.
Kiis dacwad ah ayuu Saad Aljabari u gudbiyey Maxkamada Dalka Maraykanka, kiiskan oo uu ku faah-faahiyey qorshaha lagu dili lahaa iyo abaabulka Maxamed Bin Salmaan.
Maxkamadaha Federaalka Maraykanka ayaa ogol in la keeno kiisaska la xadhiidha dalalka shisheeye.
Saad Aljabari oo hore u ahaan jiray Sarkaal sare oo sirdoonka Sacuudiga ah ayaa hadda baxsad ku jooga dalka Canada, wuxuuna sheegay in Sacuudiga uu kooxdan wax dila uu kasoo abaabulay dalka Maraykanka gudihiisa isla markaana kooxdan wax dila lagu celiyey xaduuda dalka Canada.
Kooxdan oo lagu magacaabo [Guutada Shabeel] ayaa isku dayey inay dilaan Saad Aljabari 13 maalmood kadib markuu dhacay dilkii Suxufigii Jamal Khashoggi oo ay sidan oo kale sirdoonka Sacuudiga ugu dileen magaalada Istanbul, Turkey 2dii Oktoober 2018.
Kooxdan oo isku dayey inay Canada gudaha u galaan ayaa waxaa dib u celiyey ciidammada illaalada xaduudaha Canada oo ka shakiyey raggan oo ay ku jireen kuwo khabiir ku ah baabiinta raadadka goobaha danbiyada ka dhacaan iyo saraakiil sirdoonka Sacuudiga ah.
Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay inay bishii March afduubatay oo xabsi ku heyso carruurta uu dhalay Saad Aljabari iyo qaar kale oo kamid ah qaraabadiisa ku nool dalka Sacuudiga, falkan oo qeyb ka ah cadaadiska Maxamed Bin Salmaan saarayo ninkan mucaaridka ku biiray.
Kiiska dacwada ee hadda horyaal Maxkamada Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay magacyada dadka mucaaridka ah ee u dhashay Sacuudiga ee qurbaha ku nool ee ku jira dadka uu dilka ku xukumay Maxamed Bin Salmaan.
A group of Chinese hackers has succeeded in “pillaging” Taiwan’s semiconductor sector, stealing chip designs and source code, according to a report published by Wired Magazine Thursday (Aug. 7).
While Taiwanese cybersecurity company CyCraft already published information about the hacking campaign in April, it only know established a link between the group and the Chinese authorities.
The CyCraft researchers described the operation as a “state-based attack” aimed at manipulating “Taiwan’s standing and power” and targeting the country’s entire semiconductor sector.
Seven unnamed chip companies, several of them headquartered at the Hsinchu Industrial Park, were targeted over the past two years by a group labeled “Chimera.” CyCraft found new evidence loosely linking them to a better-known China-sponsored hacking outfit known as “Winnti,” Wired reported.
During its investigation, the Taiwanese company succeeded in hacking the hackers, finding a list of standard operating procedures for intrusions written in the simplified Chinese characters used in China. “Chimera” also seemed to be following typically Chinese working hours and official holidays.
CyCraft said it was unable to tell what the group was doing with all the technological information it had stolen from Taiwan, though its aim could just be to pass on the data to Chinese competitors. One of their intentions could be to seek vulnerabilities in new products, making them compromised even before they are made available to the public, researchers said.
NAIROBI - As Somalia and the self-declared republic of Somaliland head toward elections, conflict experts are calling on both sides not to let politics disrupt progress in recent talks.
Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, ayaa shaacisay in dad gaaraya 650, 000 oo ruux ay gudaha Soomaaliya ku bara-kaceen tan iyo bilowgii Sannadkan 2020, sababa la xiriira daadad iyo fatahaado ka dhacay Dalka.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda, ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo bishii June ee Sannadkan, in ka badan 150, 000 qof ay guryahooda uga bara-kaceen fatahaado ka dhacay Koonfurta Soomaaliya. Sida ay Hay’addu sheegtay, Dadkaas waxa ku jira ilaa 23,000 oo ruux, kuwaas oo Fatahaadda ku bara-kacay todobaadkii la soo dhaafay oo keliya.
UNHCR, waxay sheegtay in Bulshada ku dhaqan Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay yihiin kuwa ugu badan ee ka bara-kacay guryahooda, kadib markii ay ba’an u saamaysay Fatahaadda Webiga, islamarkaana ay u baahan yihiin in la gaarsiiyo gurmad deg deg ah.
Hay’addu waxay tilmaantay, in qaar badan oo kamid ah Barakacayaashu ay ku sugan yihiin gurya ciriiri ah oo ka samaysan Cooshad, kuwaas oo ban-yaal u ah Isbeddelka Cimilada, haddana khatar ugu jira dambiyo ay kamid yihiin kufsiga.
Sidoo kale, waxay sheegtay in Barakacayaasha ay soo wajahday cunta la’aan iyo nafaqa-darro baahsan, gaar ahaanna Carruurta ku nool Xeryahaas Barakacayaasha oo sidoo kale wajahaya xanuuno uu kamid yahay Shuban-biyoodka.
Liiska 7-da Qof oo Caana oo lacagta ugu badan ka sameeya App-ka TikTok?+Dalalkay u dhasheen & Cadadka Qof waliba ka helo
Jaraa`idka Forbes ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin dadka caanka ah ee lacagta badan ka sameeya aaladda TikTok ee uu Mareykanku damacsan yahay in uu dalkiisa ka mamnuuco.
Xubnaha ku qoran liiskan oo 7 gaaraya ayaa dhamaantood wada ah Mareykan, waxaana aad u saameyn doona xeerka madaxweyne ee lagu xirayo TikTok 45 casho kadib, haddii uusan ilaah faraj kale u furin.
LIISKA:
NUMBER 7:SPENCER X
7. Spencer X
Spencer X waa 28 jir 40 milyan oo ruux ku xiran tahay. Waxaa ka shaqeystay sannadkii tagay aaladda Tik-Tok 1,2 million oo dollar.
Lacagta ugu badan ayaa waxaa uu ka kala helay shirkadaha Oreo iyo Sony kuwaas oo uu alaabohooda ugu xayeysiiyo bartiisa TikTok.
NUMBER 6: MICHAEL LE
6: MICHAEL LE
Michael Le waxaa ku xiran dad kor u dhaafaya 35 milyan, waxaana uu sannadkii tagay ka helay TikTok lacag gaareysa 1,2 million oo dollar.
Shirkadda Bang energy drinks ayuu wax ugu xayeysiiyaa bartiisa TikTok.
NUMBER 5: JOSH RICHARDS
5: JOSH RICHARDS
Richards waxaa ku xiran dad kor u dhaafaya 20 milyan oo ruux, waxaana uu sannadkii tagay ka helay TikTok lacag gaareysa 1.5 milion oo dollar.
GENEVA - Surging floodwaters in the southern regions of Somalia have driven more than 650,000 people to flee their homes this year. The U.N. refugee agency reports the flooding has caused food shortages,
Breaking News— Xiisad ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmaya
in News - Wararka
Posted
Maanta Waxaa kulan yeelanaya Baarlamaanka walhtigiisu dhamaadka yahay, kulankaasoo laga cabsi qabo inuu isu badalo buuq iyo sawaxan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa lagusoo waramayaa [...]
The post Breaking News— Xiisad ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmaya appeared first on .
Source