Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,205
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxtooyada Soomaaliya ay u yeertay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad kadib markii uu magacaabay tobanaanka diblumaasiyiin, xilli xukuumadda uu ka tirsan yahay ay dhacday.

    Cawad ayaa lagu waramay in uu ku sugnaa caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaasoo uu ka sameeyay magacaabidan, waxaana yaab noqotay in isaga oo jooga gurigiisa Nairobi, kana maqan xaruntii wasaaradda uu warqado sharci-darro ah soo saaro.

    Axmed Ciise Cawad ayaa ku dhacay fashilkii ugu weynaa abid, kaddib markii uu sameeyay magacaabid sharci daro ah oo waqtiga taariikhdeeda dib loo dhigay (Back Date) iyadoo uu magacaabay in ka badan 27 diblomaasi oo loo qoray qaab aan waafaqsaneyn sharciga shaqaaleynta dowladda.

    Waxaa la soo bandhigga ilaa 21 warqadood oo uu ku magacaabay shaqsiyaad aan ka mid aheyn shaqaalaha wasaaradda, kana tirsaneyn shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka soomaaliya.

    Xog ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey kadib dhicitaankii Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020, si looga dhigo in la sameeyey intii ay xukuumadda jirtay, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

    Arrinta ayaa fajac ku noqotay Madaxweyaha ka dib markii lala wadaagay cadeymaha documents ka uu ku saxiixan yahay Wasiirka.

    Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Danjire Cawad oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay gaartay fariin looga diray Villa Somalia oo isugu jirta canaan iyo inu si deg deg ah u soo galo Muqdisho.

    Waa caado soo jireen ah marka la gaaro xilliga kala guurka in la magacaabo xilal lana dalacsiiyo saraakiil ciidan, waxaana ay arrimahaas kamid yihiin qorsheyaasha ay madaxda ku galaan ololaha coddeynta.


  2. NINKA YIDHI SOMALILAND GO’ITAAN XAQ UMALAHA WAR MOOGE DHEH-I !!


    Wuxu abwaan CabdiQays: “OGOW SELELKA TAAHIYO SAKARAD LOLKABA SOWTKEENA SAMEEYO MID SAACAD WEEYE…”

    Maalin dhoweyd ayaa waxan ka halacsaday mid ka mid ah bar kulanada bushada nin tabliiqi siyaasadeed ah oo koox madal ilyartu isqabatay fadhida  ka jeedinaya khudbad nuxur keedu yahay: “SOMALILAND XAQ UMA LAHA GO’ITAAN !!” Marka uu ninku hadal ku yara nuux-nuuxsadaba, dhegeystayaashu waxay ugu jiibinayeen sacab iyo sawaxan. Markaad u sii fiirsato waxabad moodaa in dadka madasha fadhiyey kurbo iyo kaar ku taagnaa laga dulqaaday.
    Ugu horeyn ereyga ” GO’ITAAN” ayaa sidiisaba u ah qadaf sharciyadeed marka laga hadlayo xaq ummadeed. Ninka hadalka jeedinayey oo magaciisu yahay H. Warsame, wuxu daliishanayay mabaadi’ii iyo afkaar soo jireen hase ahaatee aan qadiyaada Somaliland sinaba u saameyn.  Fikaradahaas ayaa hore u qabay in haddii dalka qeyb ka mid ihi ka go’ayso, waa in ogolaansho laga helaa kan laga go’ayo am ha liito ama awood ha lahaado! Fikradahaa iyo mabaadi’iidaa soo jireenka ah waxa wax weyn ka bedelay burbuurkii Midowgii Soofiyeet iyo hayl-haylankii qobotolkii Yuguslaafiya.
    Waata Soomaalidu ku maah maahda: “Meyd maxaa u dambeeyey, iyo kan hadda la sii sido.” Qobotolkii Jamhuuriyaddi Federaalka Yuguslaafiya markay qabcadiba dhinac u duushay waxaynu ognahay in iyadoon Dowladdii Federaalka ogolaanshoba la weydiin, ugu horeynba waxa ictiraaf deg deg ah helay Croatia iyo Solovenia. Waxa iyana iskood madaxbannaani ugu dhawaaqya Macedonia, Bosnia-Herzegovina, Kosovo. Hadhaagii Federaalku wuxu ku soo ururay Seerbiya iyana waxay bilowday isir-gumaad ay kula kacday qowmiyaddii Muslilmka ahay ee Bosnia-Herzegovina. Waxan filayaa in dad badani weli xasuusanyahay duqayntii Sarayevo iyo xasuuqii Siribinija, iyo Mostar.
    Fikir sharciyadeed oo kan Warsame daliishanayo ka duwan oo soo jireen ah ayaa sida nin lagu magacaabo Mr. Crawford oo sharci yaqaan aha ayaa isna sidan tibaaxaya, wana ta meel-marisay kala furufurkii Yuguslaafiya:
    “When a sovereign state, from exhaustion or any other cause, has virtually and substantially abandoned the struggle for supremacy, it has no right to complain if a foreign state treats the independence of its former subjects as de facto established; nor can it prolong its sovereignty by a mere paper assertion of right.’’

    Marka Qaran Xor ihi, burbur awgii ama sobobo kale u nuglaado tahlnaiwaayo sugitaanka haybadda jiritaankiisa, marna xaq uma laha in uu ka dacwooto haddii dowlad shisheeye qaybo shicibkeeda ka mid ah u aqoonsato madaxbannaani; kamana dhigan karto cimri dherer sheegasho qarannimo aan dhafsanayn qoraal warqadeed ama hadal af laga yidhi oon xikmad kale ku dheenayn.
    Qeybaha dambe waxaynu iftiimin doonaa isdiidooyinka sharciyadeed iyo mugdigii ku gedaanaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee la kowsatay 1 Juulay, 1960.
    Dhegihii Alla waani wwedha kaa maqlee kuwa dhukaygu awday ma waxbay maqlaan.
    Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
    August 12, 2020.

    Qaran News


  3. Abiy Ahmed: Midho Guntiga Kuugu Jira Looma Daadiyo Midho Geed Saaran

    Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

    cdmi-300x256.jpg

    Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed wuxuu aamminsan yahay Soomaaliya oo xasillooni lagu soo dabaalo in dalkiisu dhaqaale ahaan ka faa’iidaysan karo iyo in muwaadiniintooda 100 milyan kor u dhaafay ay fursado shaqo ka heli karaan haddii ay meel mar noqoto siyaasaddiisa is dhexgalku, waxa kale oo uu aad u danaynayaa in Soomaaliya laga helo dekedo si Itoobiya uga maaranto ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti oo qudha.

    Ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu qaba danaha iyo damaca uu ka leeyahay Soomaaliya in lagu gaadhi karo in marka hore la dhammeeyo khilaafka iyo muranka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.

    Haddaba isaga oo yaraysanaya taariikhda iyo sharciyadda JSL, dareenka, rabitaanka ummadda iyo qiimaha ay ugu fadhido madax bannaanidu wuxuu xalka u arkaa Somaliland oo ka noqota gooni isu taagga oo dawladda Federaalka ah isku dhiibta.

    Akhriste bal si kooban aynu isu dul taagno danaha iyo sida ay Itoobiya uga macaashtay jiritaanka JSL: Ururkii SNM iyo xukumadihii Somaliland waxay soo afjareen colaaddii u dhexayn jirtay Itoobiya iyo Soomaaliya. 

    Aagga Bari ee ku beegan Somaliland waxa Itoobiya ka joogay laba gaas (Division) si ay uga difaacaan weerarro kaga yimaadda Soomaaliya. Kharashka ku baxaya ciidanka tiradaa leh iyo qalabkoodu wuxuu culays iyo dhiig bax ku ahaa dhaqaalaha Itoobiya intii se Somaliland jirtay Itoobiya waxay ka maarantay in ay ciidamo ka sii joogaan aag nabad ah iyo xuduud dal uu ku dhexeeyo xidhiidh sokeeye.

    Labada dal muddo dheer waxay iska kaashanayeen dhinacyada ammniga, ganacsiga, tababarrada shaqaalaha iyo ciidamada iyo isdhexgalka labada bulsho. Itoobiya waxay saami ku leedahay dekedda Berbera. Mabaadiida aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah deris wanaag iyo in nabad iyo xasarad la’aan lagula noolaado dalalka jaarka ah waxaana ka makhraati ah jawaabta madaxda JSL ka bixisay dalabkii Masaarida.

    Hase ahaatee waxay u eeg tahay in ra’isal wasaaraha Itoobiya aanu ku qanacsanayn ama aanay deeqin danaha kor ku xusan iyo saaxiibtinimada la isku hallayn karo ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xidhiidhkaa dhaw iyo heshiisyada rasmiga ah ee labada dal wuxuu ka doorbidaya ballanqaadyo been ah iyo heshiisyo aan rasmi ahayn oo suuqa madow Farmaajo ugu saxeexay oo aan marnaba iyo sinaba uga dhaqan geli doonin Soomaaliya waana dabeecadaha lagu garto hoggaamiyaha damaca badan. Waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo “Midho guntiga kuugu jira looma daadiyo midho geed saaran.”

    Runtii waa sababta Abiy Axmed ugu dadaalayo in Farmaajo kursiga ku sii nagaado. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha da’da yar waxaan kula talin lahaa in uu iskaga hadho sheekada uu ku dheggan yahay ee midnimada Soomaaliya oo uu xalka ka raadiyo dhinaca kale iyo taageerada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

    Ra’isal wasaaraha waxaan uga digaya in aanay  siyaasaddiisu horseed u noqon dib u soo noolaynta fikraddii Soomaali weyn ee dhimatay iyo colaadihii gobolka soo daashaday. Mudane ra’isal wasaare, Farmaajo xataa haddii uu sii joogo amaba soo noqdo waxaan u malaynaya in aanay waxba ka socon doonin heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee Farmaajo isaga oo shakhsi ah la galay dawladda Itoobiya.

     

    Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

    Abdirahmanadami33@gmail.com

    Qaran News


  4. Xaalad degga’naansho ah ayaa Saaka oo Khamiis ah laga soo sheegaya Degaanka Shabeellow oo ka tirsan Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal xooggan.

    Dagaalkii shalay oo dhexmaray Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo Dadka Degaankaas waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah halka tiro kalena ku dhaawacantay.

    Bulshada Degaanka oo u badan xoola-dhaqato ayaa lagu soo warramayaa in ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-shabaab oo doonayay in xoog ku qabsadaan Degaanka kadibna xarumo Ciidan ka samaystaan.

    Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa markii dambe lagu khasbay in ay dib ugu laabtaan meelihii ay hore uga yimaadeen sida laga soo xigtay Dadka Degaanka Shabeellow iyo Nawaaxigiisa.

    PUNTLAND POST

    The post Xaaladda Degaanka Shabeellow oo saaka deggan appeared first on Puntland Post.


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa si adag uga hadlay muddo kordhin dalka ka dhacda, isagoona digniin arrintaasi ku aadan u diray Villa Somalia oo uu hormuud u yahay Farmaajo.

    Odowaa oo hadda ah xoghayaha guud ee Madasha xisbiyada qaran ayaa sheegay in haddii uu dhamaado muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, uusan laheyn wax xasaanad ah oo uga duwanaan karo madaxweynayaashii hore ee dalka.

    Cabdiraxmaan oo ka hadlayay dood ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa meel adag iska taagay in dowladda Farmaajo ay sameysato ‘muddo kororsi aan sharci aheyn’, oo dalka u horseedi kara qalaalase siyaasadeed oo hor leh.

    Wuxuuna madaxweynaha Farmaajo ugu digay in waqtigu ka dhaco, iyada oo aan heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka dhaceysa, taasi oo lagu dabaqayo doorashada 2020/2021.

    “Aniga waxaan taaganahay Madaxweynaha haddii uu waqtigiisu dhamaado, wax u haray malahan, anaga iyo madaxweynahana waxaan noqoneynaa dad guriyahooda jooga” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa.

    Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay xiligan leedahay in dowladda Farmaajo ay waqtigeeda ku qabato doorashada, isagoona ka digay inay dhacdo taasi badalkeeda.

    Hadalka Odowaa ayaa kusoo aadaya xili aan weli si dhab ah loogu diyaar garoobin shirka Dhuusamareeb3 oo lagu waday inuu furmo 15-bishan oo ay naga xigaan labo maalin oo keliya.

    Shirkaasi ayaa la filayay in heshiis loo dhan-yahay looga gaaro arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, inkasta oo aysan xiligan muuqan qabsoomida shirkaasi.


  6. Daawo:Muwaadiniin kenyati ah oo weerar ku qaaday,Khasaarena u geystay qunsuliyaddooda Lubnaan

    Muwaadiniin u dhashay dalka Kenya islamarkaana ku sugan dalka Lubnaan ayaa ku dibedbaxay, bur-burna u geystay qunsuliyadooda ku taal magaalada Beirut.

    Dadkan oo u badan dumar shaqo usoo raadsaday dalka Lubnaan ama loo keenay ayaa waxaa ay dowladooda ka dalbanayaan in dib loogu celiyo dalkooda.

    Wararka ayaa sheegaya in dadkani soo foodsaartay culeys xagga nolosha ah kadib markii ay waayeen shaqooyinkooda kadib markii uu halkaasi ka dhacay qarax gebi ahaabna badalay nolosha magaalada Beirut dhawaan.

    Sidoo kale muwaadiniin kasoo jeeda iyada dalka Itoobiya ayaa ku dac-tareysan magaalada Beirut.

    Si kastaba, iyadooba awal uu dalkaasi Lubnaan ka taagnaa dhaqaalexumo baahsan ayaa waxaa ugu darsamay qarax weyn oo gebi ahaan magaalada Beirut saameeyay.

    Halkan ka daawo Muqaalka warka:-

    Qaran News


  7. Dowladda Giriiga ayaa ugu baaqday Waddanka Turkiga in uu dib ugala baxo Markab ka yimid deked ku taalla Turkiga kaasi oo sahan qodid shidaal ka samayn doona bariga badda Mediterranean-ka.

    Xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa marar hore sare u kacday,balse murankan hadda ayaa ku saabsan keydka Gaaska ee badda waxaana  laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto.

    Kadib markii Dowladda Turkiga ay bishii July shaacisay in Markab baaritaan shidaal sameeya ay genayso jasiiradda Kastellorizo waxaa murankii ka dhashay markii hore xalisay dowladda Jarmalka oo haatan haysa jagada madaxwaynaha Midowga Yurub.

    Labadan dalka oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ayaa waxay is waydaarsadeen hadalo dhiilo xambaarsan.

    Dowladda Giriiga ayaa wacad ku martay in ay difaci doonto madaxbanaanideeda islamarkana midowga Yurub oo ay Gariiga xubin ka yihiin ayaa wadaxaajood ku baaqay.

    PUNTLAND POST

    The post Xiisad ka dhex qaraxday Turkiga iyo Giriiga appeared first on Puntland Post.


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – “Boob xoogan ayay wadaan” mas’uuliyiinta sii haayayaasha ka ah xukuumadda kalsoonida uu kala noqdey baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa ka dhawaajiyey in la dalac-siiyey in ka badan 200 sarkaal ciidan, lana magacaabay tobanaan diblumaasiyiin heer sarre ah.

    Sidda laga soo xigtay Warsame, magacaabidaan baalmarsan shuruucda waddanka waxaa lagu taxay xubno ku heeb [qaraabo] ah yihiin madaxda waqtiga kasii dhacayo.

    Bishii hore Julaayo 25-keeda ayay ahayd markii Aqalka Hoose uu riday xukuumadii Xasan Cali Khayre, waxaana madaxweyne Farmaajo uu si ku meelgaarka ah xilka ugu dhiibay Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

    Waxa uu sheegay in magacaabidaas ay sharci darro tahay, maadaama dastuurka ku meelgaarka ah uu xeerinayo in xukuumadda ay sii shaqeyneyso inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub ee bedeleysa.

    “Maxay keentay marka xukuumad sharci darro ah oo dalka ka talineysa? Waxa ay ku dhaqmeyso waxaa la yiraahdaa jenaan-boob Waxaa la kala boobayaa hantidii dowladda, waxaa la kala boobayaa mas’uuliyadihii iyo xilalkii dowladda, waxaa la kala boobayaa manaasibtii xataa garaadihii ciidanka ayaa boob lagu hayaa,” ayuu Warsame u sheegay warbaahinta Muqdisho.

    Wuxuu hadalkiisa raaciyey: “Madaxweynaha wuxuu go’aansaday in uusan xukuumad dhisin si jenaan-boobkaas u sii socdo”.

    Talaabooyinka kale ee xisbiyadda iyo maamuladda qaar ka gadoodeen oo xukuumadda xil-sii-gaarsiinta ah ay qaadey waxaa kamid ah magacaabida Hay’adda Batroolka iyo Golaha Adeega Garsoorka.

    Xigasho: Garowe Online


  9. Faahfaahin Dheerada oo ka soo baxay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha ka dhashay

     qarax-1-300x166.jpg

    Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax aad u xooganaa oo caawa fiidnimadii laga maqlay  magaalada Muqdisho meelo badan oo ka mid ah.

    Qaraxan ayaa ka dhacay wadada isku xidhta Suuqa beerta iyo Dugsiga sare ee 21-ka Oktoobar oo ka tirsan degmada Waaberi-Muqdisho.

    Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda oo lala beegsaday Gaadhi nooca raaxada ah (Surf) oo xiligaas marayey wadada.

    Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu ku dhaawacmay nin la socday gaadhigaas oo aan la ogeyn qofka uu ahaa, isla markaana uu khasaare burbur gaadhay gaadhiga.

    Ciidamada amaanka Somalia ayaa gaadhay goobtaas, iyagoo xidhay wadada, waxayna wadaan baadhitaano kala duwan, iyadoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas ay cirka u ridayaan.

    Qaran News


  10.  Siday Israel uga bad-baadisay Dawlada Qatar shirqool Sacuudiga iyo Imaaraadka u maleegeen!
     qatar.jpg

    Khilaafka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Qatar ayaa qarxay bishii June sanadkii 2017-kii, xilligaas oo wadamadaasi ay go’adoon ku soo rogeen dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay in ay taageero siisay Xamaas iyo argagixisadda.

    Wixii ku xigay aad ayaa loo ogyahay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bar-bar istaagay Qatar, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo ku booriyay in aan lagu dhicin xasaradaha, isla markaana aan lala safan qorshaha ka dhanka ah Qatar.

    Erdogan waxaa uu sidoo kale ciidan Turki ah geeyay Qatar, taasi oo qayb ka ahayd istiraatiijiyadda ka hortagga ee ka dhanka ah Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Iran ayaa sidoo kale dhaqaalaha Qatar ka badbaadisay in uu burburo, iyadoo hawadeeda u furtay diyaaradaha siday adeega iyo badeecada markii uu billowga ahaa go’adoonku.

    Lakiin arrinta aan aad loo fahamsaneyn ayaa ah in Israa’iil ay sidoo kale door ka cayaartay xasilinta khilaafka, ayna bad-baadisay Qatar. In kastoo labada dal aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed tan iyo sanadkii 2012-kii, Israa’iil waxay Doxa u fidisay kaalmo diblomaasiyadeed, iyadoo kordhineysa dhismaha ay ka waday Gaza, taasi oo sidoo kale bedeshay aragtidii Washington ay ka qabtay in Qatar ay taageerto Xamaas.

    Dhamaan dalalkaasi waxay si fiican ula shaqeeyeen Istaatiijiyadda diblomaasiyadeed ee maamulka Trump uu ka leeyahay khilaafka gobolka. Bishii June sanadkii 2017-kii Madaxweyne Donald Trump oo tilifoonka kula hadlay Boqol Salmaan-ka Sucuudiga ayaa ka diiday soojeedintii Sucuudiga ee ahayd in lagu duulo Qatar. Muddo yar kadib Maraykanka ayaa Kuwait ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiso dalalka, iyadoo hadafku uu ahaa in khilaafka lagu xaliyo Golaha Iskaashiga oo Gacanka dhexdiisa ah.

    Israa’iil ayaa xilligaas waxaa ay diiday hindise sharciyeed ay Congress-ka Maraykanku doonayeen in ay Qatar ugu aqoonsadaan wadan maal-geliya argagixisadda, sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Xamaas.

    Isla waqtigaas Israa’iil waxay kordhisay iskaashiga dadban ee ay la leedahay Imaaraadka oo ah cadowga Qatar ee gobolka, Iskaashigaas waxaa ka mid ahaa kulan ay Washington ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Safiiradda Imaraadka iyo Baxreyn. Xiriirka Israa’iil ay la leedahay Imaaraadka ayaa banaanka usoo baxay, iyadoo Israa’iil ay adkeysay xiriirka kala dhexeeya Abu Dhabi ayey hadana gacan nabadeed u fidisay Doxa.

    Dadka wax indho-indheeya waxay u arki karaan in faro gelinka Israa’iil ay tahay wax aan lasoo dhaweyn, laakiin dhabtu waxay tahay in dalalka isu-bahaystay Qatar ay saacideen halganka ay Israa’iil ka dhex wado Carabta, iyagoo dirradda saaraya xiriirka Qatar iyo Xamaas si ay taageeradda Trump ugu helaan Go’adoominta Qatar.

    Israa’iil waxay saaxiib la aqbali karo u ahayd Imaraadka, Qatar iyo Cummaan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay Washington darteed iyo awooda ay u leedahay in ay miisaanto awoodda gacanka.

    Inkastoo ay isu-soo dhawaanayaan Israa’iil iyo dalalka Gacanka, taas ma aysan sababin cabsi laga qabo Iran, balse waxaa sababay khilaaf ka dhex jira Golaha Iskaashiga Gacanka dhexdiisa.

    Israa’iil waxay muujisay in ay dheeli-tiri karto awoodda Gacanka. Waxayna isu bedeshay saaxiib ay isku haleyn karaan Imaaraadka, Qatar iyo Cummaan.

    Qaran News


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan hay’adda dambi baarista Booliska Soomaaliya ee CID ayaa shalay tagay xabsiga dhexe ee Xamar, kadib weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha xabsiga.

    Saraakiishan ayaa ka hor inta aysan meesha tagin waxaa kaga horreeyay guddigii loo xil saaray in ay baaritaan ku sameeyaan kiiskaan waxaana kadib goobta tagay Saraakiisha CID.

    Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in halkaas laga soo xiray afar kamid ah ciidanka Asluubta Soomaaliya oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil sare.

    Ciidankaan iyo Saraakiisha la xiray ayaa qaarkood waxay ku qornaayeen heeganka ama shaqada ilaalada xabsiga xiliga uu dhacayey weerarka halka qaar kalane aysan xiligaas shaqo ku jirin.

    Lama sheegin sababta xarigood,a hase yeeshee waxaa la filayaa inuu la xariiro weerarkii Isniintii todobaadkaan ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

    Sidoo kale, taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga.

    Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood maanta la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta.

    Arintaan ayaa la xariirtii weerarkii Xabsiga Dhexe ka dhacay kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, waxaana jira hadal heyn badan iyo shakiyo oo arintaas ku saabsan.

    Sii-haya xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shalay kulan la qaatay guddigii uu magacaabay ee qaabilsanaa baaritaanka weerarkii Xabsiga dhexe isagoo ku adkeeyay in ay deg deg warbixin u keenaan.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qabya-tirka dastuurka KMG ah ee dalka oo ka kooban labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta hor tegay xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya, waxayna ka hor akhriyeen warbixin ay soo diyaariyeen.

    Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha guddigan ee ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo mudooyinkii dambe ku howlanaa qabya-tirka dastuurka dalka, iyagoo kaashanayey wasaaradda dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka, golaha shacabka ka hor sheegay in la dayacay dastuurka dalka.

    Senator Xuseen Sheekh waxa uu sheegay in dastuurka dalka ay caqabada ugu weyn ka heysato seddax dhinac oo waaweyn, kuwaas oo kala ah, xukuumadda, baarlamaanka federaalka iyo dowlad goboleedyada.

    “Caqabadda koowaad ee heysata dastuurka waxay tahay cid rabta oo sida doorashada ugu dagaalameysa malahan, kasoo bilaaw xukuumadda, baarlamaanka iyo dowlad goboleedyadii oo qaarkoodba diiday in laga hadlo” ayuu yiri.

    Sidoo kale Senator Xuseen waxa uu sheegay in 15-kii sano ee lasoo dhaafay lagu guul dareystay in xal loo helo maareynta arrimaha dastuurka, hatana aysan ififaalo muuqan hadii aan la helin hoggaan ugu dagaalama, “Sida doorashada loogu dagaalamayo.”

    Ugu dambeyntii Senator Xuseen Sheekh ayaa baarlamaankan 10-aad kula taliyey inay is daba qabtaan oo ugu yaraan qodobada aan lagu muran saneyn ee dastuurka ay dhameystiraan.

    Dastuurka dalka qabya-tirkiisa ayaa lagu waday in lasoo gaba-gabeeyo ka hor sanadkan 2020-ka, balse waxaa lagu andacooday in dib u dhac-weyn ku keenay xanuunka Coronavirus oo kiisas badan laga helay dalka.

    Sidoo kale waxaa jiray khilaafka soo kala dhexgelay dowladda federaalka iyo maamul goboladedyada qaar, kaas oo kaalin weyn ka qaatay dib u dhaca ku yimid qabya tirka dastuurka KMG ah ee dalka.

    Markii ay soo dhamaato qabya-tirka lagu wado dastuurka dalka ayaa lagu wadaa in ay meel mariyaan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, intaas ka dibna ay shacabka Soomaaliyeed afti u qaadaan.

    Hoos ka Daawo Senator Xuseen


  13. “Waa maalin muran iyo, makeeki hadhee
    Waa maalin Ilaahay maansheeyee
    Aan maalno hasheenna Maandeeq”

    Heestan waxaa tiriyey AHN Abwaan Saxardiid Maxammed Jebiye. Heestani waxay soo baxday 26kii June 1960. Waa maalintii maxmiyaddii Ingiriisku ka huleeshay degaannadii Soomaaliyeed ee ay gumaysanaysey. Dadkii dhulkaa degganaa waxay maalintaa laga bilaabo heleen “madaxbannaani buuxda” iyo inay iyagu taladooda gacantooda ku qabsadaan aayahoodana ka tashadaan. Abwaannadu waxay suugaanta ku cabbiraan hadba marxaladda bulshadoodu marayso, duruufaha hor yaalla, dhaliilaha u muuqda, rajooyinka u iftiimaya, khataraha soo wajahan iwm.

    Abwaan Jebiye AHN, maalintaa u arkayey ummadda Soomaaliyeed sidii qoys/reer hanti ay lahaayeen oo laga dhacay dib u soo dhacsaday, loona baahan yahay in hantidaas si fiican loo haaneedo, Ilaahayna loogu mahadnaqo. Bal qiyaas reer geeloodii laga dhacay oo muddo caydhnimo iyo niyad xumo ku jirey. Qoys geeloodii laga dhacay oo kii ka dhacay hortooda ku maalayey oo awoodi waayey inay dhacsadaan iska daaye, in hambada geelooda laga maalay wax laga siiyo,oo aan ka hadli karin caanaha inta geelooda laga soo lisay haddana kii soo lisay markuu ka dhergo afka ciidda u gelinayo. Bal qiyaas haddii kii geela lahaa is yidhaahdo ka hadal in xabsi loo taxaabayo. Bal qiyaas kii isyidhaahda geelaaga soo dhacso sidii halgankii Daraawiushta oo kale haddii diyaarado qumbulado sun ah wata lagu rushaynayo. Bal qiyaas sidii Sheekh Bashiir oo kale kii ka gadooda dhacaas iyo dulmigaas haddii dadkiisa dhexdiisa lagu deldelayo oo weliba meydkiisa la diido in la aaso! Bal qiyaas Suldaanka hadal ka soo celiya haddii sidii Suldaan Maxamuud Cali Shire haddii la masaafurinayo oo dibedaha lagu xidhayo. Bal qiyaas sidii dhacday 1948 (Ogaden region) iyo 1954 (Hawd and Reserved Area) haddii dooxooyinkii geelaagu daaqi jirey loo gacan geliyo cadow kale oo aad deris tihiin.

    Suugaanta Soomaalidu ka qoto dheer kana sal ballaadhan ereyada dhegtaada ku dhacaya ama dhawaqa codka dhegtaadu maqasho. Ka mug, miisaan iyo micneba weyn ereyo qoran oo ishaadu aragto oo akhrido. Suugaantu waxay leedahay sogordoh iyo sarbeeb. Waxay leedahay micno daalacan iyo mid dedan. Waxay leedahay micneyaal furan oo qofba nabarkiisa buka dawo ahaan ula raadsado. Waxay ka turjuntaa dhaqan, taariikh iyo bii’ad. Waxa nasiib darro ah in aragti dhow oo aanay u qalmin lagu cabbiro oo ereyga siduu u yahay oo mutaxan loo qaato iyadoo aan la dhadhansanayn nuxurka uu xambaarsan yahay ee abwaanku tooganayo, iyo ujeedada durugsan ee murtida xambaarsan ee laga rabo iyadoo farshaxamaysan in lagu keydiyo.

    “Aan maallo hasheena Maandeeq.”

    Haddaad u qaadatay neef geel ah oo inta la soo xereeyo caano laga maalayo, oo aadan is weydiin su’aalahan; waa tuma Maandeeqdani? Yaa la rabaa inay maalaan? Maxay looga baahan yahay qoyska si ay maandeeq caano badan uga maalaan? Cadow ma leedahay hashani loo baahan yahay in laga ilaaliyo oo nafta loo huro? Ma u baahan tahay in la tarmiyo oo ay ubad badan dhasho si loo helo markay gaboowdo qaalmihii beddeli lahaa iyo baarqabkii lagu dari lahaa? Dhulkii Maandeeq daaqi lahayd iyo ceelashay ka cabi lahayd xor ma u tahay, mise qaar baa laga haystaa oo u baahan in loo soo dhiciyo? Maabdeeq caanaheeda sidee qoyska loo wada gaadhsiibayaa? Waa maxay Maandeeqda abwaanku ka hadlayaa?

    Sidan Maandeeq AHN abwaan Saxardiid ugu soo qaatay waxa abwaan kale u soo qaadan karayey, faras, beer, geed, kalluun IWM. Waxa loo soo qaadan karayey dayax, qorrax/cadceed, xiddig, waaberi, iftiin, ceel biyood iwm. Marka looma baahna inaad beerta, geedka, ceelka, dayaxa abwaan ka hadlayo aad u qaadatid sidiisa laakiin waa inaad ujeeddada walxahan tusaalaha loo soo qaadanayo laga leeyahay aad isku daydaa inaad fahamto.

    Waxyaalaha la yaabka leh ee aad arkayso beryahan danbe waxa ka mid qof Soomaaliyeed oo sheeganaya siyaasi ama aqoon yahan (ama labadaba) oo duraya heesta “aan maalno hesheenna Maandeeq” welibana dhibka Soomaali haystana ku sababaynaya heestaa qiimaha badan ee micnaha weyn xambaaran. Dhibku maaha heesta, ee waa fahamka khaldan iyo aqoon iyo aragti gaabnida qofkan isxariifinaya ee aqoonyahanka sheeganayaa ka qaatay heesta.

    In qofkan aqoonyahanka sheeganayaa ama siyaasiga uu aragtidan gabnada ah ama gudhan la soo gole fadhiisto oo ku doodo “dawladnimadeenii baa hal la maalayo lagu meteley” isagoo hashaa la maalayo iin iyo nuqsaan u micnaystay, waa nasiib darro weyn, indho adayg iyo “anna waa i kan”.

    Haduu siyaasiga iyo aqoonyahanka maanta joogaa u qaatay Maandeeqda abwaanku 1960kii ka hadlayey, neef geel ah oo reero iska soo horjeedaa kala dhacayaan si ay caanaha uga maalaan keliya, waa aragti wasakhaysan oo maskax fasahaad iyo qoqob ku biiray ka soo maaxanaysa. Maandeeqda abwaanku ka hadlayaa waa mid hal qoys oo Soomaali la yidhaahdaa lahaayeen, oo dhac kaga maqnayd muddo dheer, rag iyo dumar badani u soo dhinteen, xabsiyo u soo galeen, carruuro u jasheen, dayac badanna loo soo maray soo dhicinteeda. “Aan maalno” markuu ina leeyahay micne weyn oo waajibaadyo badan huwan ayaa la socda.

    Bal hadda heestan AHN Cabdillaahi Qarshe siyaasi ku sheegga iyo aqoonyahan-ismoodka Maandeeq khaladka u turjuntay ee maanta fikirkiisa gurracan bulshada ku marin habaabinaya toloow wax micno ah ma u samaynaysaa?

    “Hadhuub nin sitoo, hashiisa irmaan, ha maalin la leeyahay baah ahayeey. Nin hawd fadhiyoo, harraad dilayoo, biyaha kaga heegey baan ahayeey….”

    Waxaan ku soo af meerayaa dhibta ina haysataa maaha “aan maalno hasheenna Maandeeq.” Dhibku waxa weeye in qoyskii hashaa lahaa e Soomaaliyeed ay gabeen oo ka gaabiyeen waajibaadyadii saarnaa ee ahaa inay gutaan si ay hashaa u maalaan.

    W/Q: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
    dalmarbilaal@gmail.com

    Qaran News


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga.

    Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood maanta la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta.

    Arintaan ayaa la xariirtii weerarkii Xabsiga Dhexe ka dhacay kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, waxaana jira hadal heyn badan iyo shakiyo oo arintaas ku saabsan.

    Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in isbadalkaan uu saameen doono goobo badan oo ka tirsan Xabsiga Dhexe iyo kontaroolada ku dhaw dhaw.

    Weerarkii Isniintii Todobaadkaan ka dhacay Xabsiga Dhexe ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 19 qof iyo dhaawac tiro kale waxaana la sheegay in dowladu ay wajaheyso fadeexad weyn oo ka dhalatay weerarkaas.

    Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta la kulmay guddi uu u magacaabay inay soo baaraan weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

    Xubnaha guddiga ayaa kla ah Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Cadaaladda oo ah guddoomiyaha guddiga, iyo Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan , Taliyaha Ciidanka Asluubta, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Guuleed Sheekh Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada.

    Kulankan ayaa ayaa imanaysa iyadoo dadka ay su’aalo badan iska weydiinayaan sida ay wax uga dhaceen xabsiga dhexe, iyo sida ay hubka ku heleen maxaabiistii Shabaab ee weerarka gaystay.


  15.  

    Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo hadal u jeediyey Golaha Wakiillada Toddobaadkan ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan rumaysan yihiin in inkasta Miisaaniyadda Qaranku yar tahay haddana ay ku filan yihiin inay Tiro-koob ku sameeyaan Dadka ku dhaqan Dalka, gaar ahaan Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ee dalka ugu waaweyn, taana ay qorsheeyeen inay fuliyaan Sannadka soo socda.

    Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu aamisan nahay Wasaarad ahaan Miisaaniyadda Qaranku haba koobnaato’e in tiro-koobka wax laga samayn karo, waxaanu isku dayeynaa in Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ka samaynayo Sannadka soo socda haddii Allaah yidhaahdo (Tiro-koobkooda), oo weliba guri guri la isku taagayo, Guri walba inta Qof ee ku nool la tiro-koobayo, Qofkii yidhaahda waa la iga tagay la yidhaahdo meel Gurigaagu.”

    Wasiir Gaafaadhi waxa kale oo uu sheegay inay Hay’daha dalka ka shaqeeya isku hayaan inay Dadkii Abaaraha ka soo barakacay ee xilligan Xeryaha ku jira xoolo loo iibiyo inta doonaysa inay noloshii Baadiyaha ku noqdaan, inta kalena la baro xirfado ay ku shaqaystaan “Waxaanu hay’adihi isku haynaa in Dadka wixii diyaar u ah inay xoolo qaataan oo ay dib ugu noqdaan (Miyiga) la xooleeyo, wixii kalena in farsamooyin la baro ay ku xoogsan karaan, laakiin aan Dadkii lagu haynin Xeryaha, Waayo? Dadku Xeryaha way ku baaba’een, Cid aan la garanayn ayay ku tiirsan yihiin, goorta laga goyn doona ma oga, dhaqanna maaha oo dhaqan xumo ayaa ka kordhaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xaaladaha deg-degga ahi markay yimaaddaan, waa inuu muddo gaaban ahaadaa, wixii dambe waa inay ahaadaan sidii Dadkan loogu celin lahaa Nolol ay shaqaysan karaan, laakiin hadda waxaad mooddaa in laga door-biday in Lacagta Mobile-ka loogu shubo, taana aadna waanu uga soo horjeednaa, gacantana waxaanu ku haynaa habkii loo Mabnuuci lahaa waxyaabahaasi inay sii socdaan iyo wixii lagu beddeli lahaa.”

     

    Geeska

    Qaran News


  16. Cairo – 12 August 2020 – UNFPA is urgently appealing for USD 19.6 million to meet the lifesaving needs of women and girls impacted by the 4 August explosion at the Beirut Port, which killed at least 160 people, injured around 6,000, and displaced more than 300,000.

    Reports also indicate that more than 80 primary health care centres have been severely damaged. Preliminary assessments show that an estimated 15 hospitals have been significantly impacted by the blast and a minimum of three have been rendered partially or fully inoperable.

    The Beirut Port explosion has created yet another large-scale crisis in Lebanon, a country in the midst of a serious financial and economic crisis in addition to the COVID-19 pandemic. In recent months, economic contraction, increasing poverty, inflation and rising prices of staple products have compounded essential needs among both Lebanese and non-Lebanese communities – including the approximately 1.5 million refugees who constitute the highest per capita refugee population in the world.

    UNFPA is scaling up its efforts to meet the emerging needs of an estimated 81,000 women of reproductive age and 48,000 adolescents among the 300,000 who have been displaced as a result of the explosion. As many maternity wards and primary healthcare centres have been affected, UNFPA aims to ensure continued ante-natal and delivery care services to those in need, including an estimated 3,938 currently displaced pregnant women.

    UNFPA will allocate the requested funds to provide urgently needed integrated sexual and reproductive health (SRH) services, including comprehensive emergency obstetric and neonatal care, family planning services, ante-natal care and postnatal care.

    UNFPA is also procuring medical equipment, medicines and supplies for maternity departments and affected health facilities and is supporting the provision of 25 per cent of health procurement needs for the next six months, as identified by the World Health Organization (WHO). UNFPA will provide medical supplies and equipment, personal protective equipment for health care providers, and deliver dignity kits customized to fit the specific needs of women, adolescent girls, and pregnant and lactating women.

    Given the displacement and economic hardships resulting from this crisis and the establishment of temporary shelters for those who have been rendered homeless, UNFPA expects the risks of gender-based violence and sexual exploitation and abuse to increase substantially. These risks were already on the rise before the incident due in large part to the COVID-19 pandemic with a notable rise in reported intimate partner violence. Requested funds will also be used to ensure that women and girls are able to safely access quality GBV response services, including Women and Girls Safe Spaces (WGSS), clinical management of sexual violence, psychological first aid, and counselling.

    UNFPA, in its lead role on GBV coordination and programming, will also ensure that risks of GBV are mitigated throughout the response, with a focus on more vulnerable segments of the community, including adolescent girls, older persons and persons with disabilities.

    An effective response to the increasing risks of GBV will also require a coordinated response to continue supporting survivors, with a focus on safeguarding the physical and mental wellbeing of women and girls in need. In this regard, UNFPA will engage a team of psychologists to work with local implementing partners to ensure that mental health and psychosocial support is adequately mainstreamed in the service package.

    UNFPA is working with local authorities and partner agencies to support the joint rapid assessment of hospitals and primary healthcare facilities in order to determine the extent of the damage to sexual and reproductive health and maternity departments.

    ###

    UNFPA delivering a world where every pregnancy is wanted, every childbirth is safe, and every young person’s potential is fulfilled.

    Qaran News


  17. Doha (Caasimada Online) – Khilaafka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Qatar ayaa qarxay bishii June sanadkii 2017-kii, xilligaas oo wadamadaasi ay go’adoon ku soo rogeen dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay in ay taageero siisay Xamaas iyo argagixisadda.

    Wixii ku xigay aad ayaa loo ogyahay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bar-bar istaagay Qatar, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo ku booriyay in aan lagu dhicin xasaradaha, isla markaana aan lala safan qorshaha ka dhanka ah Qatar.

    Erdogan waxaa uu sidoo kale ciidan Turki ah geeyay Qatar, taasi oo qayb ka ahayd istiraatiijiyadda ka hortagga ee ka dhanka ah Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Iran ayaa sidoo kale dhaqaalaha Qatar ka badbaadisay in uu burburo, iyadoo hawadeeda u furtay diyaaradaha siday adeega iyo badeecada markii uu billowga ahaa go’adoonku.

    Lakiin arrinta aan aad loo fahamsaneyn ayaa ah in Israa’iil ay sidoo kale door ka cayaartay xasilinta khilaafka, ayna bad-baadisay Qatar. In kastoo labada dal aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed tan iyo sanadkii 2012-kii, Israa’iil waxay Doxa u fidisay kaalmo diblomaasiyadeed, iyadoo kordhineysa dhismaha ay ka waday Gaza, taasi oo sidoo kale bedeshay aragtidii Washington ay ka qabtay in Qatar ay taageerto Xamaas.

    Dhamaan dalalkaasi waxay si fiican ula shaqeeyeen Istaatiijiyadda diblomaasiyadeed ee maamulka Trump uu ka leeyahay khilaafka gobolka. Bishii June sanadkii 2017-kii Madaxweyne Donald Trump oo tilifoonka kula hadlay Boqol Salmaan-ka Sucuudiga ayaa ka diiday soojeedintii Sucuudiga ee ahayd in lagu duulo Qatar. Muddo yar kadib Maraykanka ayaa Kuwait ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiso dalalka, iyadoo hadafku uu ahaa in khilaafka lagu xaliyo Golaha Iskaashiga oo Gacanka dhexdiisa ah.

    Israa’iil ayaa xilligaas waxaa ay diiday hindise sharciyeed ay Congress-ka Maraykanku doonayeen in ay Qatar ugu aqoonsadaan wadan maal-geliya argagixisadda, sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Xamaas.

    Isla waqtigaas Israa’iil waxay kordhisay iskaashiga dadban ee ay la leedahay Imaaraadka oo ah cadowga Qatar ee gobolka, Iskaashigaas waxaa ka mid ahaa kulan ay Washington ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Safiiradda Imaraadka iyo Baxreyn. Xiriirka Israa’iil ay la leedahay Imaaraadka ayaa banaanka usoo baxay, iyadoo Israa’iil ay adkeysay xiriirka kala dhexeeya Abu Dhabi ayey hadana gacan nabadeed u fidisay Doxa.

    Dadka wax indho-indheeya waxay u arki karaan in faro gelinka Israa’iil ay tahay wax aan lasoo dhaweyn, laakiin dhabtu waxay tahay in dalalka isu-bahaystay Qatar ay saacideen halganka ay Israa’iil ka dhex wado Carabta, iyagoo dirradda saaraya xiriirka Qatar iyo Xamaas si ay taageeradda Trump ugu helaan Go’adoominta Qatar.

    Israa’iil waxay saaxiib la aqbali karo u ahayd Imaraadka, Qatar iyo Cummaan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay Washington darteed iyo awooda ay u leedahay in ay miisaanto awoodda gacanka.

    Inkastoo ay isu-soo dhawaanayaan Israa’iil iyo dalalka Gacanka, taas ma aysan sababin cabsi laga qabo Iran, balse waxaa sababay khilaaf ka dhex jira Golaha Iskaashiga Gacanka dhexdiisa.

    Israa’iil waxay muujisay in ay dheeli-tiri karto awoodda Gacanka. Waxayna isu bedeshay saaxiib ay isku haleyn karaan Imaaraadka, Qatar iyo Cummaan.


  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Deegaanka Shabeelow oo 20-KM koofur-bari ka xiga deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay dagaal aad u culus oo ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxaana dib uga biiray ciidamo ka socday qeynta 21-aad ee militeriga Soomaaliya.

    Gabal dhicii galabta ayuu joogsaday dagaalkaas oo bilaawday waaberigii hore ee saakay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

    Inta la xaqiijiyey 17-qof ayaa dagaalkaas uga dhimatay dhinacyadii dagaalamay, waxaana jira dhaawacyo intaas ka badan oo la kala gaarsiiyey xarumaha caafimaadka ee Gaalkacyo, Bacaadweyn iyo Xarardheere oo ay maamulaan Al-Shabaab.

    Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dadka reer guuraaga ah ee ku nool koofurta gobolka Mudug ay ka biyo diideen bixinta waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan zekawaadka, sida lacag, xoolo nool iyo caruurtooda oo ay doonayaan inay askareeyaan.

    Deegaanka uu dagalkaasi ka bilaawday ee Shabeelow, haatan waxaa maamulaya maleeshiyaadkii is abaabulay ee deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka oo u gurmaday, waxaana laga saaray Al-Shabaab oo u ruuqaansaday dhanka degmada Xarardheere oo si buuxda ay u maamulaan.

    Dhanka kale ciidankii ugu badnaa ayaa galabta ka baxay magaalada Dhuusamareeb, waxayna caawa gaareen deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana deegaankaas horay u maamulayey oo galabta isaga baxay Al-Shabaab, kadib markii ay ka war heleen in ciidamadan ay ku soo wajahanyihiin.

    Ciidamadan oo sida la sheegay la doonayo inay Al-Shabaab ka saaraan degmooyinka iyo deegaanada dhaca bariga iyo koofurta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug ayaa waxaa galabta Dhuusamareeb ka sagootiyey Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, iyaga oo u sameeyey dardaaran iyo dhiiragalin ku aadan, duulaan ay sheegeen in Galmudug ay deegaanadeeda ku xoreyneyso.

    askari-militeri.jpgdagaal-beeleed-k.jpg dagaal-beeleed.jpg militeri-xoogga-dalka.jpg xoogga-dalka.jpgciid.jpg cali-ciid.jpg 117146962_607461756805180_22988473443972 a-1.jpg