Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,205
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Sababta uu taajir u sii noqonayo ninka dunida ugu qanisan

    Bezos

    Jeff Bezos oo ah ninka dunida ugu taajirsan ayaa gaaray heer aan horay loo arag muddo afartan sano ah ka dib markii hantidiisa ay gaartay $204 bilyan oo doollar.

    Wargeyska Forbes ee wax ka qora dadka maalqabeenada ayaa ku soo warramay in 56 jirkan ay hantidiisa gaartay $204 bilyan oo doollar, waxaana 90 bilyan oo doollar uu ka sare maray ninka labaad ee ugu hantida badan caalamka ee Bill Gates oo hantidiisa ay gaareyso $116 bilyan oo doollar.

    Bezos oo ah asaasaha shirkadda Amazon ee badeecadaha ku iibisa online-ka ayaa sannadkii 2017-ka noqday ninka ugu taajirsan dunida, waxaana la aaminsan yahay in uu dhaqaale badan ka sameeyay xanuunka corona, maadaama dad badan ay guryaha ku sugan yihiin xanuunka awgii, waxwalba oo ay u baahan yihiinna ay halkaas ka dalbadaan.

    Tan iyo markii uu bilawday sannadkan, waxaa sare u kacay dalabka shirkadda Amazon. Horaantii sannadkan Bezos hantidiisa waxay ahayd $115 bilyan oo doollar.

    Walow shirkado badan oo caalamka ah ay khasaareen, haddana ninkan oo ah milkiilaha wargeyska Washington Post iyo shirkado kale oo maalgashi wuxuu dhaqaale badan sameeyay xilligan cudurka coronavirus uu aduunyada xirxiray.

    Jeff Bezos iyo xaaskiisii hore MacKenzie Bezos.
    Jeff Bezos iyo xaaskiisii hore MacKenzie Bezos.

    Bezos waxaa uu noqon lahaa nin heysta hanti ka badan intaa, balse kala bar hantidiisa waxaa la siiyay xaaskiisa oo ay kala tageen.

    Markii ay kala tageen xaaskiisi hore, MacKenzie waxay ku heshiiyeen in ay qaadato 25% boqolkiiba hantida shirkadda oo xilligaas u dhigantay $63 bilyan oo doollar.

     

    MacKenzie Scott, xaaskii hore ee milkiilaha Amazon, Jeff Bezos, oo ka mid ah haweenka ugu hantida badan caalamka ayaa sheegtay in tan iyo markii ay kala tageen iyada iyo seygeeda ay bixisay lacag gaareysa $1.7 bilyan oo doollar oo kaalmo ah.

    Jeff Bezos

     

    Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka.

    Scott ayaa heysata hanti gaareysa $62 bilyan oo doollar, waxaana iyada iyo seygeeda ay kala tageen sannadkii hore.

    Haweeneydan waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar ka mid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen waxay hanta badan ka heshay dhaqaalihii shirkadda.

     

    Markii ninka dunida ugu taajirsan xaskiisa ay go’aansatay in ay kala tagaan, waxay u ahayd guul dhaqaale oo ay gaartay, waxayna taasi sii kordhisay tirada haweenka ugu hantida badan caalamka.

    Mr Bezos ayaa hataan ku guda jira dhismaha dhul ku fadhiya 165,000 oo hektar, kaas oo ku yaala galbeedka Texas ee Mareykanka.

    Guriga uu haatan ku nool yahay oo ku yaala xaafadda Medina, ee Washington, ayaa u dhaw xarunta shirkadda Amazon, gurigaas oo ku fadhiya inkabadan 5.35 hektar oo dhul ah. Gurigan ayaa la sheegaa in dhismihiisa ay ku baxday lacag gaareysa $100 milyan oo doolar.

    Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sannadkii 1993.

    Qaran News


  2. Jowhar (Caasimada Online) – Qorshaha dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana ugu horreyn doona soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ee maamulkaas uu yeelan doono.

    Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabelle, kaasi oo marka lasoo dhiso soo dooran doona madaxweynaha cusub ee HirShabelle, xilli uu dhammaad ku dhow yahay waqtiga Waare.

    Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu magacaabay Guddiga Farsamada oo ka kooban 11 xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Cusmaan Maxamed Mukhtaar.

    HirShabelle ayaa wajahaysa loolan la mid ah kii Galmudug, waxaana wararka ay sheegayaa in Waare ay u badan tahay inuusan soo laaban, ayada oo dowladda federaalka ay qorsheyneyso inay keensato madaxweyne ku xiran.

    Dhowaan ayaa magaalada Jowhar la geeyey qaar ka mid ah ciidamada Danab, waxaana jiray warar sheegayey in loo adeegsan doono doorashada, balse markii dambe la sheegay inay sababo amni u tageen magaalada.118308925_3194704347251741_7328796234728

     

    The post Dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle oo si rasmi ah loo guda galay (Aqriso) first appeared on Caasimada Online.


  3. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey qaraarka 2540 (2020), kaasi oo muddo sanad ah ku kurdhiyey muddo xileedka xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, kaasi oo lagu aas-aasay qaraarkii 2158 (2014).

    Isla qaraarkan ayaa Golaha Ammaanka waxa uu ku sheegay inuu soo dhoweynayo kulamadii dhowaanahan dhex-marayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowldaha xubnaha ka ah, waxaana uu adkeeyey inay muhiim tahay wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta.

    “Wuxuu [golaha] xusayaa mas’uuliyadda dhammaan dhinacyadan ka saaraan horumarinta wada-shaqeyntooda iyo wada-hadalladii ay dowladda federaalka hoggaamineysay ee Dhuusamareeb, wuxuuna hoosta ka xariiqayaa muhiimadda wada-shaqeynta iyo heshiis laga gaaro arrimaha muhiimka u ah qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    “Arrimahaas waxaa ka mid ah fulinta Qorshaha Amniga Qaranka, heshiis ka gaarista nidaamka cadaaladda federaalka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka, dib u eegista dastuurka, iyo qorsheynta iyo qabashada doorashooyinka qaranka.”

    Golaha Ammaanka ayaa mar kale ku celiyey inay muhiim tahay siyaasad loo dhan yahay iyo doorashooyin dimoqraadi ah oo Soomaaliya laga qabto, si ay taasi u xaqiijiso amniga iyo xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya.

    “Dowladda federaalka ah ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee ah ka dhabeynta waxyaabaha ay Soomaaliya hiigsaneyso, ayada oo si dhow ula shaqeyneysa dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qaraarka.

    Golaha Ammaanka ayaa ugu dambeyn sheegay inuu dib u eegis joogto ah ku hayn doono xaaladda Soomaaliya, islamarkaana uu isbeddel ku sameyn karo qaar ka mid ah qodobada ku jira qaraarkan iyo qaraaradii hore, haddii loo baahdo.

    The post Golaha Ammaanka oo soo saaray qaraar ku saabsan Soomaaliya fariiina u diray DF iyo dowlad goboleedyada first appeared on Caasimada Online.


  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa digniin kasoo saartay warar maalmihii u dambeeyay si weyn ugu faafay baraha bulshada, kuwaasi oo la xiriiray in qaar kamid ah dugsiyada wax lagu barto ee deegaanadaasi ay bixiyaan manhaj kasoo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban.

    Maadooyinkaasi ayaa lagu soo waramayaa inay qaarkood ku saabsan yihiin diinta Kiristaanka, iyadu oo uu si weyn uga hor-yimid Wasiirka waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamuud Diiriye (Toomo).

    Wasiirka Toomo ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dugsiyada Somaliland lagu dhigto manhaj ka duwan midka ay diyaariyeen, isla markaana ay mas’uul ka yihiin manhajka iyo buugaagta dugsiyada lagu dhiganayo.

    Wasiirka ayaa sheegay inay sameeyeen buuggaag manhajka Somaliland oo Diintaba waafaqsan, isla markaana ciddii buugaagtaas dhigi weydaa ay xeerka waxbarashada jebisay.

    Wuxuuna ku hanjabay in ciddii arrintaas lagu helo ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan, maadama ay baal-mareen manhajka ay wasaaradu u dejisay in dugsiyada lagu dhigto.

    Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirku ka dhawaajiyay inay waajib tahay in dugsiyaddu ay qaataan manhajka Somaliland, isla markaana ay wax ku baraan ardayda dugsiyada, isagoona tilmaamay in haddii ay dugsiyadu ka dhago adeygaan arrinkaasi ay ku qaadi doonaan dambigaas.

    Waxaana xusid mudan in Agaasimihii waaxda manaahijta ee wasaarada waxbarashada Somaliland uu xilkii uga qaaday Wasiirku, kadib markii ay soo baxday inay meesha ka baxday ‘kor joogteyn la’aanta dugsiyada iyo daba socodkooda ku aadan manhajka’.

    Arrintan ayaa imaneysa xili ay maalmihii u dambeysay soo shaac baxeysay in manhaj ka duwan midka Somaliland lagu dhigo dugsiyadeeda, kuwaasi oo qaarkood la xiriiray diinta Kiristaanka.  

    The post SOMALILAND oo ka digtay faafinta diinta kirishtanka kadib warar soo baxday first appeared on Caasimada Online.


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyey shirkii uu dhawaan uga qeyb-galay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

    Guddoomiye Filish ayaa sheegay in isaga iyo Farmaajo uu qorshahooda ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse ay taasi si weyn uga soo hor-jeesten madaxda maamuladii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb-3.

    Filish ayaa madaxda maamul goboleedyada shirkaasi ku sugnaa ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ku eedeyay inay sameyn waayeen tanaasul, maadama madaxdii dowladda federaalka iyo midka gobolku ay waqti badan isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan qorshahaaasi.

    Wuxuu xusay in isaga iyo Farmaajo ay markii dambe sameeyen tanaasul, taasi oo keentay in shirkaasi ay kasoo baxaan go’aamo u muuqday in dalka ka dhaceyso doorasho dad-ban.

    “Madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir wuxuu qorshahoodu ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay kasoo horjeesteen madaxdii Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed” ayuu yiri.

    Go’aamadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3 ayaa laga fahmi karayey in isbedel weyn uu ku yimid qorshihii Villa Somalia, wallow ay gebi ahaanba qaadaceen madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

    Waxaana dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shirweyne Wada-tashi, kaasi oo meesha ka saari kara gebi ahaanba go’aamadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3.

    The post Guddoomiye Filish oo eedeyn u jeediyay Qoor-Qoor, Waare iyo Lafta-gareen first appeared on Caasimada Online.


  6. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hoggaamiye ku meelgaar ah ay doorteen Al-shabaab, kadib markii Axmed Diiriye ay la soo daristay xaalad caafimaad.

    Bayaan kooban oo ka soo baxay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in hoggaanka Al-shabaab lagu wareejiyay Abuukar Aadan oo ku xigeen u ahaa Axmed Diiriye.

    Sidoo kale NISA ayaa xustay in loolan adag loogu jiro magacaabista hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, oo ay tilmaantay inay ku hardamayaan labo garab oo kala safan Mahad Karatey iyo Axmed Diiriye.

    FB_IMG_15986391728207397.jpg?resize=720%

    Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya in Al-shabaab hoggaamiye ku meelgaar ah doorteen, marka laga reebo warka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya.

    NISA ayaa horay u sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Mahad Karatey iyo Bashiir Qoorgaab golaha fulinta ururkaas, sidoo kale uu ka qaaday dhammaan xilalkii ay hayeen.

    NISA waxay xiligaas tilmaantay in ay ka dambeysay xilal ka qaadida Mahad Karatey iyo Bashiir Qoorgaab, markii ay ka dalbadeen hoggaamiyaha Al-shabaab in uu joojiyo qaraxyada Muqdisho.

    Warar badan oo horey u baahisay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya ayaa run ahaantooda weli su’aalo ka taagan yihiin.

    PUNTLAND POST

    The post Al-shabaab oo hoggaamiye KMG ah doortay appeared first on Puntland Post.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in awoddii laga wareejiyey hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abu Cubeyda, sababo caafimaad dartood.

    Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in Axmed Diiriye lagu beddelay oo awooddii kooxda lagu wareejiyey ku-xigeenkiisa oo magaciisa ay ku sheegtay Abuukar Aadan.

    “Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey iyo garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

    Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub.

    — NISA (@HSNQ_NISA) August 28, 2020

    NISA ma shaacin waxa ay tahay xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay Abu Cubeyda, mana bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

    Hay’adda Nabd-Sugidda ayaa horey sidan oo kale dhowr jeer u werisay khilaaf iyo loolan ka ay sheegtay inuu ka dhex-oogan yahay madaxda Al-Shabaab.

    10-kii March ayey NISA sheegtay in magaalada Bu’aale “lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, sidoo kalena xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed.”

    3-dii Febraayo NISA waxay sidoo kale sheegtay in Axmed Diiriye uu “Mahad Karataay iyo Bashir Qorgaab ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada.” Bashiir Qoorgaab ayaa markii dambe Mareykanka ay sheegeen inay duqeyn ku dileen.

    Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta wararka kasoo baxa NISA ee la xiriira khilaafka Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaabna marna kama hadasho arrimaha kooxda dhexdeeda ah.

    The post NISA oo sheegtay in 'awoodda laga wareejiyey' hoggaamiyaha Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.


  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa markii u horeysay ka hadlay maleeshiyaad beeleedyadii ku sugnaa deegaanada Galmudug, xili uu furayey kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka Galmudug.

    Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay inay meesha ka baxeen maleeshiyadkaasi, kadib dadaalo dheer oo ay xukuumadiisu ka gashay dib u dhiska maamulka Galmudug.

    Wuxuuna sheegay inay dhamaan xareeyeen maleeshiyo beeleedyadii ku sugnaa degaannada Galmudug si ay uga mid noqdaan Ciidamada daraawiishta ee Galmudug, isla markaana ay dhinac uga soo wada-jeestaan howl-galada ka dhanka ah argagixisad.

    Qoor-Qoor ayaa carabka ku adkeeyay in mudada yar ee uu xilka hayo uu wax ka badal weyn ku sameeyay dhanka amniga, uuna dhisay ciidamo farabadan kuwo kalena uu haatan tababar u socdo, kuwaas oo qeyb ka noqon doona dagaalka Al-Shabaab.

    Ugu dambeyntiina waxa uu wacad ku maray inay sii socon doonaan tobabarada iyo dhismaha ciidamada Galmudug, ilaa inta laga helayo ciidamo awood leh oo sugi kara amniga deegaanadooda.

    Galmudug ayaa kamid ah maamulada dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, maadama ay dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi ay ku sugan yihiin deegaano iyo degmooyin ka tirsan labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud.

    The post Halkee ayey ku dambeeyen maleeshiyo beeleedyadii ku sugnaa GALMUDUG? first appeared on Caasimada Online.


  9. Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxeysa banaanbax maanta ka dhacay degmad Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay dhigayeen ganacstada degmadaasi.

    Banaanbaxaasi ayaa ka dhashay go’aan kasoo baxay maamulka Galmudug, oo dhigayay in ganacsatadu u guuran Suuq cusub oo uu maamulkaasi u diyaariyay iibka xoolaha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay ganacsato kamid ah kuwii maanta dhigayay banaanbaxa, kuwasi oo kasoo horjeeday go’aanka uu maamulka Galmudug ugu wareejinayo suuqaasi cusub.

    Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay inay sababo amni uga soo horjeedan inay u wareegaan suuqa cusub, midaasi oo meesha ka saareysa inay si xoriyad leh u ganacsadaan.

    Sidoo kale waxa ay sheegen in soddomeeyo kamid ah ganacsatadii dhigayay banaanbaxa ay ciidamada amaanku u taxaabeen xabsiga dhexe ee degmada Guriceel.

    Maamulka Galmudug, gaar ahaan wasaarada xanaanada xoolaha ayaa hore u go’aamisay in ganacsatadu ay ka shaqo bilaaban ama u wareegaan suuq cusub oo ay dhistay Hay’adda NRC, taasi oo dhaqan gelidiisa ay ka hor-yimaadeen ganacsatadu.

    The post Banaanbax ka dhacay Galmudug iyo dad la xir-xiray first appeared on Caasimada Online.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish ayaa digniin cusub kasoo saaray cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

    Guddoomiye Filish ayaa sheegay in cudurkaasi uu markale kusoo labo kacleeyay gudaha dalka oo uu weli ka jiro, gaar ahaan caasimada, isla markaana ay dib u bilaabi doonaan qorshaha wacyi-gelinta iyo ka hortaga Covid-19.

    Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiligan ay muhiim tahay in bulshadu ay feejignaan dheeriya muujiso, isagoona balan qaaday in maamulka gobolku ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan ka hortaga cudurkaasi.

    “Dadka aan u digeyno waa anaga eheladeena oo mas’uuliyiintooda aan nahay, weli khatartii wey jirtaa ee aan ka feejignaano” ayuu yiri guddoomiye Filish.

    Wuxuuna intaas sii raaciyey “Dhaq-dhaqaaqyada aan yareyno, wixii daruuri ah mooye, waana in la xadido qaabka ay Soomaalidu isku dhex-galeyso, iyada oo la raacayo tallooyinkii hore ee wacyi-gelinta”.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolku uu dib u bilaabi doono ololihii ka hortaga cudurka Covid-19, maadama ay weli meesha ka bixin khatartiisu.

    Wuxuuna hadalka guddoomiyuhu kusoo aadaya, xili muddooyinkii dambe uu hoos u dhacay kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, inkasta oo uusan si guud uga wada dhamaan dalka.

    The post Digniin ku socota shacabka Muqdisho oo la soo saaray first appeared on Caasimada Online.


  11. Carqaladaha hortagaan in Farmaajo magacaabo Ra’iisal-wasaare Cusub

    Villa Somalia
    Madaxweyne Farmaajo

    Muddo bil ka badan ayaa laga joogaa markii baarlamaanka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii hore, Xassan Cali Kheyre.

    Kheyre oo xil ka qaadis lagu sameeyay ku tilmaamay shraci darro ayaaa sheegay inuu “iscasilay”, waxaase wali muddo bil ah ka dib ilaa iyo hadda aan lasoo magacaabin qofkii badeli lahaa.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sii socoshada hawlaha xukuumadda u magacaabay Mahdi Guuleed oo hadda ah kusimaha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka, inkastoo isaga iyo gollaha wasiirada ay kamid ahaayeen xukuumadda uu baarlamaanka kalsoonida kala noqday.

    Hasyeeshee mudadaas dad badan waxaa ay aad uga dhowrsugayeen shakhsiga loo magacaabi doono xilka, waxaana jira shakhsiyaad aad loo hadal hayay, balse hadda waxaa muuqata in magacaabista ay qaadatay mudo ka badan xilligii la filayay.

    Maxay yihiin caqabadaha laga yaabo inay hortaagan yihiin magacaabista ra’iisul wasaaraha?

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sii socoshada hawlaha xukuumadda u magacaabay Mahdi Guuleed oo hadda ah kusimaha ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka,
    Madaxweyne Farmaajo ayaa sii socoshada hawlaha xukuumadda u magacaabay Mahdi Guuleed oo hadda ah kusimaha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka,

    Inkastoo aysan jirin muddo cayiman oo dastuurka kumeel gaarka ah ku qoran, oo ay tahay in madaxweynaha uu kusoo magacaabo ra’iisul wasaare, haddana dhaqanka siyaasadeed e soo jireenka waxaa uu ahaa in madaxweynaha uu muddo bil gudaheed ku magacaabo madaxa xukuumadda.

    xafiiska madaxweynaha sharraxaad

    Taas ma aysan dhicin oo muddo ka badan bil ayaa hadda laga joogaa markii Kheyre la riday, waxaana dadka qaar ay isweydiinayaan sababta uu madaxweynaha usoo magacaabi la’ yahay wasiirka koowaad ee xukuumadda.

    “Madaxweynaha waxaa ku ag hareereysan dad badan oo saaxiibadiis, xogaha hadda la haya waxaa kamid ah in dadkaas badan aysan isku aragti ka ahayn qofka la magacaabayo, waa qodob kamid ah waxyabaha dib u dhigaya magacaabista ra’iisul wasaaraha, waxaa kale oo jira in qabaa’ila badan ay daneynayaan xilkaas, madaxweynahana uu wadatashi ballaaran uu ka smaeynayo arrintaas”, sidaas wxaa ku doodaya Cabdullaahi Cismaan oo wax ka qora arrimaha siyaasadda.

    Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in madaxweynaha uu damac siyaasadeed ku jiro, culeyska siyaasadeed ee uga imanaya mucaaradkana uu doonayo in uu isaga qanciyo, balse waxaa muuqata in aysan mucaaradka isku aragti ka ahayn arrimahaas.

    Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo xallintooda ee salka ku haya doorashada soo socota ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay soo xulista ra’iisul wasaaraha xiga.

    Inta badan sida la arkay sanadihii dambe waxaa xilliyada kala guurka is-qabta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xilka haya, maadaama sida dhacdaba shaksi walba laga yaabo in uu ku jiro damac siyaasadeed, waxaase Cabdullaahi uu aamnisan yahay in magacabaida ra’iisul wasaarahana aysan arrintaas ka marneyn.

    “Ra’iisul wasaaraha iman doonaa waxaa laga yaabaa in madaxweynaha uu ka fikirayo in uu helo ra’iisul wasaare uusan damac doorasho ku jirin, kana shaqeeya sidii uu madaxweynaha usoo laaban lahaa, maadaama madaxweynaha uu ku jira damac siyaasadeed ah o ah in dib loo soo dorto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu wadahadal Dhusamareeb uga socday qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, kuwaas oo isku waafaqay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelaneyso, waxaase qoddobadii kasoo baxay ka biya diiday maamulada Puntland iyo Jubaland oo aanan ka qeybgelin shirkaas.

    Villa Somalia

     

    Madaxda labadan maamul ee Puntland iyo Jubaland oo ku shiray Garoowe ayaa sheegay inay tagayaan Muqdisho, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, waxaase dadka darsa arrimaha siyaasadda ay aaminsan yihiin in dhameystirka heshiiska doorashada ay qeyb ka tahay magacaabista ra’iisul wasaaraha.

    “Waxaa jirta in madaxweynaha uu rabo in go’aanka kama dambeysta ah ee arrimaha doorashooyinka uu isaga la galo maamul goboledyada, kadibna uu ra’iisul wasaaraha imaan doona uu fuliyo heshiiskaas oo keliya, taas waxaa ay keeneysaa in uusan carqalad ku noqonin waxwalba heshiis walba oo uu madaxweynaha damacsan yahay”, ayuu yiri Cabdiwahaba Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika.

    Wuxuu intaa ku daray in madaxweynaha uusan dooneynin uu lumiyo qaar kamid saaxiibadiisa siyaasadeed, haddiise go’aan laga gaaro doorashada uu magacaabi karo, maadaama aysan waxba ku jabneyn.

    Qaran News


  12. Cudurka Coronavirus oo khilaaf culus ka dhex abuuray labo dal oo deris ah

     tanzania.jpg

    Cudurka Coronavirus ayaa khilaaf ka dhex abuuray dalalka deriska ah ee Kenya iyo Tanzania, kaasoo salka ku haya dhinaca Duulimaadyada.

    Tanzania ayaa mamnuucday saddex kale oo diyaarado ah oo Kenya laga leeyahay, iyadoo uu sii xoogeysanayo muranka u dhaxeeya labadan dal ee deriska ah ee la xiriira Covid-19.

    Waaxda ku shaqada leh diyaaradaha ee Tanzania, TCAA ayaa mamnuucday diyaaradaha Fly 540, Air Kenya Express iyo Safarilink Aviation.

    Diyaaradaha ayaa maalin walba u duula goobaha dalxiiska ee Kilimanjaro iyo Zanzibar. “Sababta loo mamnuucay saddexda diyaaradood ee Kenya laga leeyahay waa muranka u dhaxeeya labada dal,” ayuu yiri Hamza Johari oo ah agaasimaha guud ee waaxdaasi.

    Mar sii horreysay, diyaaradda Kenya Airways ayaa laga mamnuucay Tanzania kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay rakaabka ka imaanaya Tanzania inay muddo 14 maalmood ah is karantiilaan.

    Madaxweyne John Magufuli ayaa bishii June ku dhawaaqay in Tanzania uusan ka jirin coronavirus, iyadoo dowladdiisa lagu cambaareeyay sida ay isaga dhega tirtay xanuunka.

     

    Qaran News


  13. Nin Hadda loo soo celiyey Geel laga dhacay 60 sanno ka hor

    Haweeney awr hogaamineyso meel u dhaw xerada qaxootiga Dhadhaab waqooy bari Kenya

    Cabaas Cilmi Maxamed oo ku nool magaalada Mandheera ee kenya, oo BBC-da wereysi siiyay, ayaa sheegaya in geel muddo dheer ka hor laga dhacay hadda dib loogu soo celiyay.

    “Qoyska isoo celiyay geela waxay ii sheegeen inuu u cuntami waayay, ka dibna ay go’aan ku gaareen in ay iska soo celiyaan.”

    Wuxuu sheegay inuu geeriyooday ninkii dhacay geela. “Toddobaadkan waxaa la ii soo celiyay 9 neef oo geel ah oo muddo 60 sanno ka hor qoyskeyga laga dhacay.

    Labada dhinac waxay horey isaga dheceen geel badan, waana mid ka mid ah arrimihii soo taagnaa ee colaadaha sababi jiray ee Soomaalida dhexdeeda, balse Cabbaas oo ay BBC-da weydiisay haddii ay ogaayeen in geela ay ka dheceen qoyskaas iyo waxa sababay in si nabad ah ay uga raadsan waayeen?

    “Xitaa haddii aad aragto geel lagaa dhacay, ma wareysan kartid sababo la xiriira aminigaaga, waxaana jirtay cabsi badan. Qofkii cabsi Alle u soo celiya mahane, ma jirin rajada ah in aad raadsato geel lagaa dhacay”, ayuu yiri.

    Hase yeeshee hadda Cabbaas Cilmi wuxuu rajo ka muujinaya isbadalka ku yimid Soomaalida geela isku celineysa, wuxuuna aaminsan yahay in tallaabooyinkaas ay horseedayaan nabad iyo isu soo dhowaansho dhanka qabaa’illada walaalaha ah.

     

    Dhanka kale Cabaas ayaa sheegaya in isaga laftirkiisa uu geel celiyay kaddib markii nin qaraabo ay yihiin uu codsaday in geel uu horay usoo dhacay laga celiyo.

    “Anigaan Cabbaas ah waxaan 21-kii bishan celiyay geel uu hadda ka hor soo dhacay nin aanu qaraabo nahay, isaga ayaana codsaday in geelaasi laga celiyo”.

    “Maalin ayuu odayaasha qabaa’ilka u yimid wuxuuna yiri, neef geel ah ayaan hadda ka hore soo dhacay, faracii hashaasina muddo ayaan cunayay, hadda hal neef ayaa ka dambeeya waxaana dareemay inuu neefkaas i gubayo, marka waxaan rabaa in la’iga celiyo.”

    Muddooyinkii dambe waxaa deegaannada Ismaamulka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya ku soo badanayay shakhsiyaadka soo celinaya geel ay qoyskooda dhaceen muddo dheer ka hor. Arrintaas ayaa loo aaneynayaa wacyi-gelin badan oo ay sameeyeen culimada deegaankaasi.

     

    Deegaannada qaar waxaa ka jiro geel la kala dhaco, sida kaliya ee inta badan lagu xallin jirey arrintaas na waxay ahayd in geel kale la soo dhoco ama colaad ay billaabato.

    Waa arrin dhif iyo naadir ah in geel la kala dhacay la’isu celiyo, gaar ahaan dad aanan isku heeb ahayn, marka laga hadlayo abtirsiga Soomaalida.

    .

    Dadka Soomaalida ah geelu wuxuu wax ay ku faanaan – qof kastana waxaa lagu sharfaa tirada geela ee uu haysti. Sidoo kale waxaa lagu bixiyaa magta.

    Dhinaca Suugaanta xitaa waxay abwaanno badan ku ammaaneen geela.

    Caadiyan Geela wuxuu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu yihiin laf-dhabarta nolashooda.

    Qaran News


  14. Diyaarado dagaal ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

    Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

    Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey weerarkaasi dhanka cirka ah, isaga oo shaaciyey in lagu khaarijiyey saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Injineer Cabdi Xuseen ma shaacin magacyada saraakiisha duqeynta lagu dilay iyo tiradooda saxda ah.

    Maalmihii u dmabeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

    View the full article


  15. Soomaaliya marka la soo gaaro gaba-gabada muddada xil-heynta afarta sano ee hay’adaha dastuuriga dowladda Soomaaliya waxa dhasha walaac iyo hadal heyn badan oo ku aadan sida ay u socdaan arrimaha siyaasadda dalka waxa  inta badan la’is weydiiyaa nooca doorashada, qaabka ay u dhaceyso xilliga lagu qaban karo iyo fursadaha la heysto in doorasho la’isku waafaqsan yahay in dalka ay ka dhacdo.

    Dowladda Soomaaliya waxa ay si cad u sheegtay in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso iyo in wada-tashi la geliyo nooca doorasho ee la qabanayo.

    Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, basle siyaasad ahaan dhaliilsan xukuumada hadda jirta ayaa qabaa in waqtigii loo baahnaa in lagu dhammeystiro soo diyaarinta sharciga doorashooyinka in laga dib dhacay, wuxuuna tilmamay in baarlamanka uu hadda ka tirsan yahay kii ka horreeyey ay isla qaaten in la dhammeystiro sharciga doorashada sanadii 2017-kii basle xukuumadda ay ka soo dib dhacday in muddadaasi ay ku soo diyaariso baarlamaanka 10-aad ee hadda jirana ay u soo gudbisay bishii may 2019-kii, 30 bilood kadib sharcigaasi oo ahaa mid weliba la’isku diidan yahay, sida uu hadalka u dhigay

    Dhinaca kale Faarax Sheekh Cabduqaadir oo u warramayay barnaamajika Garnaqsi ee Shabelle TV ayaa waxa uu soo hadal qaaday, sida xukuumadda federaalka ay ku wajahday xiriirka wada-shaqeyn ee u dhaxeeyo maamul goboledyada iyo dowlada dhexe, isagoona carabka ku adkeeyay in si awood maquunis ah loola tacaamulay maamul goboledyada dalka.

     

    Ugu dambeyntii Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo hadal qaaday, sida xal siyaasi ah lagu gaari karo ay tahay in dowladda ay wada-hadal la furto dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loogu heshiiyo doorashada 20/21.

    View the full article


  16. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay Masaajidada xiran ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

    Fiqi ayaa sheegay in marka hore ay baaris ku sameyn doonaan waxa dhaliyey in la xiro goobahaasi loogu tala-galay in lagu cibaadeysto, kadibna ay la fariisan doonaan  dhinacyada isku haya, gaar ahaan dadka diidan iyo kuwa raba in la furo Masaajidadaas oo horey ugu xirmay dagaalladii gobollada dhexe ku dhex-maray Ahlu Sunna  Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka wasiir ahaan uu isagu jelaan lahaa in la furo goobahaasi, si loogu cibaadeysto.

    Axmed Macalin Fiqi oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in Madaxweynaha Galmudug  uu dhowaaan amar buuxa ka soo saari doono arrintaasi, kadibna la fulin doono.

    Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii  xoogeysaneysay dooda ka taagan dib u furida masaajidadaas oo ay xireen hoggaanka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ka talinayey gobollada Dhexe, waxaana arrintu ay si aad ah uga sii dartay markii Ahlu Sunna meesha laga saaray.

    Guriceel waxaa sidoo kale ka dhacay dibad-baxyo iska horjeeda oo ay dhigeen dadka deegaanka oo qaarkood dalbanayey in la furo masaajida, halka kuwa kelana ay ka soo horjeedeen arrintaasi, taas oo sababtay in ciidamo la geeyo magaaladaasi.

    View the full article