Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,696
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban Mahdi Maxamed Guuleedka *Khadar” iyo Marwada Koowaad ee Dalkeena Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galay daah furka Warshadda Sokorta oo ay dalkaasi ka hirgelisay Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada dalka Uganda.

    “Aniga iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galnay furitaanka Warshadda Sokorta soo saarta ee Atiak Sugar Factory oo ay dalkaas ka hirgalisay Aamino Xirsi Mooge oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ganacsato ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban ee Mahdi Maxamed Guuleed

    Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay ganacsatada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

    “Dowladda Soomaaliyeed way garab taagantahay, wayna ku faaneysaa guulaha dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga, siyaasadda iyo dhinacyada kale ee nolosha, gudaha dalka iyo dibaddiisaba”.ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleedka “Khadar”.

    Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

    122529560_3769125466440396_4144118445783 122562128_3769125156440427_7276814126511 122570034_3769124503107159_6330679651362 122617910_3769125689773707_3978939827012

     

    View the full article


  2. Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxa y ku khaarijiyeen 6 ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaalkii u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

    Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa saraakiisha ciidanka dowladda waxay sheegeen in la dilay inta uu socday howlgalka.

    Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen inay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab ku qaadi jireen lacago iyo xarumo kale.

    Ugu dambeyn saraakiisha u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa tilmaamay inay soo saarin miinooyin lagu aasay waddooyin ay si aad ah u isticmaalaan dadka shacabka ah.

    Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

    View the full article


  3. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Masar ay ku hanjabtay burburinta biyo-xireenka isla markaana haddii ay sidaa sameyso aan loo raacan Karin.

    Arrintan ayuu ka yiri wada hadal khadka telefanka ah oo dhexmaray madaxweynaha Mareykanka iyo ra’isul wasaaraha Suudaan Cabadalla Xamduuk.

    Trump ayaa ka codsaday Suudaan iney dhexgasho labada dal kadib markii uu burburay heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen, waxaa uuna intaa ku daray “5 sano markii la is mari waayey, Ayaan heshiis keenay, laakin waxaa uu ka hirgeli waayey dhanka Itoobiya, iyada oo biyo-xireenka ku sameeyey webiga Nile, waan ka jarnay gargaar aan siin laheyn, ….haddii Masar ay burburiso biyo-xireenka cidna uma qabsaneyso”.

    Dhanka kale, Donald Trump waxaa uu sheegay in Suudaan iyo Israel ay soo ceshteen xiriir dhaqaale taasi oo ka dhigan iney uu caadi usoo noqonayo xiriirka labada dal, ma sheegin xilliga la furayo safaaradaha.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. Ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu ku jiro horjooge sare.

    Hawlgalka ayaa laga fuliyay degaanno hoosyimaada degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Danab.

    Saraakiishu waxay xaqiijiyeen, in Hawlgalka lagu dilay horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobollada Shabeelooyinka Cabdiraxmaan Cabdalla Abu-ayman iyo xubno kale oo weheliyay.

    Sidoo kale, waxay sheegeen in hawlgalka lagu burburiyay xarumo Al-shabaab lacagta kaga qaadi jirtay dadka shacabka ah ee ku nool degaannadaas.

    PUNTLAND POST

    The post DANAB oo sheegtay in ay dileen horjooge sare iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.


  5. Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in ay kulan aan caadi aheyn ah ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

    Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horreeysay loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inuu jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan, si loo ansixiyo Golaha Wasiirada oo laga sugayo shaqooyin farabadan.

    Maalmihii lasoo dhaafay Golaha Wasiirada magacaaban ee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadanayay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyagoona ka dalbanayay inay codka kalsoonida ah siiyaan, lana shaqeeyaan.

    PUNTLAND POST

    The post Golaha Shacabka oo Maanta Codka Kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.


  6. Siyaasi Cali guray ayaa ka hadlay sababta Dalka Somaliland inuu yimaado loogu ogolaan karo Ra’iisal-wasaare-xigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Ahna xildhibaan katirsan baarlamaanka somaliya oo la sheegay in uu Cafis soo waydiistay xukuumada Somaliland.

    Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in sababta loogu ogolaaday ay tahay Aabihii Cumar Carte oo aad ugu xanuunsanaya hargaysa islamarkaana ay tahay ogolaashihiisu mid Bini-aadamnimo.

    Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;
    Sababta loogu ogolaaday Maxamed Cumar Carte Hargeysa waxan filayaa in ay tahay odaygii aabihii ahaa oo loogu qaylo diray oo loo sheegay in aanay kana bixin kuna jirin. Taasi ma siyaasad bay noqonaysaa mise sabab bini aadminimo? Kee baase mudan siyaasadda iyo bini aadminimada. Kolay aniga xagayga waxa mudan bini aadminimada balse way jiri karaan dad ay siyaasaddu kala mudan tahay dadninada iyo xataa malaha diinta islaamka. Iyagana waa garashadooda. Xataa dhinaca diinta in loo diido in aabihii oo sakaraad ah dul yimaado iyo in loo ogolaado waxa sax ah in loo ogolaado; dadnimo ahaan, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. Balse qofka intaaba aan midna xeerinayn badda ha ku dhacdo haduu doonayo. Waxa uu sheegi karo ayaaba iska yare. Hadda kuma jiraan kuwa aan sheegayo caruurta dhalatay 90s-kii ee aan iyagu wax badan ogayn ee siyaasaddu ay sida xagarka ku go’an tahay. Kuwaa iyagu dembi ma laha wax lagula yaabi karaana maba jirto aniga xagayga

    Source


  7. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cadho xooggan u muujiyey Ethiopia, Jimcihii, sababo la xidhiidha biyo-xidheenka ay ka sameyneyso Webiga Nile, wuxuuna soo jeediyey in Masar ay burburin doonto.

    Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo ku dhowaaqayey heshiis ay xidhiidh ku yeelanayaan Israa’iil iyo Sudan, oo sidoo kale cabsi xooggan ka qabta in biyo-xidheenkaas uu yareyn doono biyaha ay ka hesho webiga.

    “Waa xaalad aad halis u ah, sababta oo ah Masar uma dulqaadan doonto,” ayuu Trump weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad, ayada oo taleefonkana ay ku jiraan hogaamiyayaasha Israa’iil iyo Sudan.

    “Way burburin doonaan, waana sheegay, si cadna waan u sheegayaa – Masar way burburin doontaa biyo-xidheenkaas. Waana inay wax ka qabtaan,” ayuu yidhi Trump.

    “Waxay ahayd inay ka hortagaan ka hor inta aan la billaabin [dhismaha biyo-xireenka],” ayuu yidhi Trump oo shalay ka muujiyey in Masar uu qalaalse ka jiray markii la billaabay dhismaha biyo-xidheenka sannadkii 2011, xilligaas oo la riday dowladdii Masar ee Mubarak.

    Trump – oo xulufo dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi – ayaa ogolaaday codsiga Qaahira si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada, ayada oo wada-hadallada uu hogaaminayey xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

    Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bishii September sheegtay inay jareyso kaalmada ay siiso Ethiopia, sababo la xidhiidha in Addis Ababa ay billowday buuxinta biyo-xidheenka.

    “Heshiis ayaan dhex dhigay, kadibna nasiib-darro Ethiopia ayaa jebisay heshiiska, taasi oo ay ahayd in ayna marnaba sameyn. Taasi qalad weyn ayey aheyd,” ayuu yidhi Trump.

    “Marnaba ma arki doonaan lacagtaas [kaalmada Mareykanka] illaa ay u hoggaansamaan heshiiska,” ayuu yidhi.

    Ethiopia weli kama ayna jawaabin hadalka kasoo yeedhay Trump.

    Source


  8. (SLT-Khartoum)-Sudan ayaa shalay ogolaatay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee Carab ah ee xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah la yeesha Israa’iil, sida uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa bishii hore waxay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad heshiis rasmi ah kula saxeexdeen Israa’iil, hase yeeshee xidhiidhka Sudan ayaa la rumeysan yahay inuu kasii muhiimsan yahay.

    Trump ayaa ku dhowaaqay heshiiska ay ogolaatay dowladda rayidka ah ee hal sano jirka ah ee Sudan daqiiqado kadib markii uu si rasmi ah dalkaas ugu saaray liiska dalalka taageera argagixisada.

    Trump ayaa qadka taleefonka kula hadlay hoggaanka Sudan iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

    “Waxaan si deg deg ah u ballaadhineynaa garaangarta nabadda adiga oo na hogaaminaya,” ayuu yidhi Netanyahu, oo tixraacaya Trump.

    “Dalal kale oo badan ayaa xigi doona,” ayuu yidhi madaxweyne Trump

    Ayada oo qeyb ka tahay heshiiska looga saaray liiska argagixisada, ayaa Aqalka Cad waxa uu sheegay in dowladda Sudan ay bixisay lacag 335 milyan oo dollar ah oo magdhow ahaan loo siinayo qoysaska dhibanayaashii weerar argagixiso oo lagu qaaday dad Mareykan ah intii uu xukunka hayey madaxweyne Al-Bashiir, xilligaas oo Osama Bin Laden uu joogay Sudan.

    Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdulla Hamdok ayaa twitter-ka uga mahad-celiyey madaxweyne Trump, isaga oo aan xusin Israa’iil.

    Israa’iil iyo Sudan ayaa qorsheynaya inay billaabaan furista xidhiidho dhaqaale iyo ganacsi, iyo inay soo celiyaan safaaradihii dal walba uu ku lahaa dalk kale.

    Source


  9. SEATTLE, Washington — The United Nations Development Programme (UNDP) and the Somali Government invested $10 million in an app that helps Somalis prepare for extreme weather changes occurring in their area. In recent years, Somalia has experienced rapid floods followed by droughts that have affected rural communities, especially Somali pastoralists. UNDP’s new app is the first of its kind in Sub-Saharan Africa and is aiding Somali pastoralists and citizens alike.

    Source: Hiiraan Online


  10. Cali Guray oo Shaaciyey Sababta Ra’iisal-wasaare-xigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte loogu ogaaldey inuu yimaado Hargeysa

    Siyaasi Cali guray ayaa ka hadlay sababta Dalka Somaliland inuu yimaado loogu ogolaan karo Ra’iisal-wasaare-xigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Ahna xildhibaan katirsan baarlamaanka somaliya  oo la sheegay in uu Cafis soo waydiistay xukuumada Somaliland.

    cali-guray.png?resize=447%2C293

    Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in sababta loogu ogolaaday ay tahay Aabihii Cumar Carte oo aad ugu xanuunsanaya hargaysa islamarkaana ay tahay ogolaashihiisu mid Bini-aadamnimo.

    maxamed-cumar-carte.jpg?resize=456%2C529

    Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

    “Sababta loogu Ogolaaday Maxamed Cumar Carte Hargeysa waxan filayaa in ay tahay odaygii aabihii ahaa oo loogu qaylo diray oo loo sheegay in aanay kana bixin kuna jirin. Taasi ma siyaasad bay noqonaysaa mise sabab bini aadminimo? Kee baase mudan siyaasadda iyo bini aadminimada. Kolay aniga xagayga waxa mudan bini aadminimada balse way jiri karaan dad ay siyaasaddu kala mudan tahay dadninada iyo xataa malaha diinta islaamka. Iyagana waa garashadooda. Xataa dhinaca diinta in loo diido in aabihii oo sakaraad ah dul yimaado iyo in loo ogolaado waxa sax ah in loo ogolaado; dadnimo ahaan, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. Balse qofka intaaba aan midna xeerinayn badda ha ku dhacdo haduu doonayo. Waxa uu sheegi karo ayaaba iska yare. Hadda kuma jiraan kuwa aan sheegayo caruurta dhalatay 90s-kii ee aan iyagu wax badan ogayn ee siyaasaddu ay sida xagarka ku go’an tahay. Kuwaa iyagu dembi ma laha wax lagula yaabi karaana maba jirto aniga xagayga

    Qaran News


  11. Hindiya oo shaaicsey in 33 qof muwaadiniinteeda ah lagu heysto Muqdisho

     

    Indian-SHAQAALE-somalia2020.jpg

    Safaarada India ee Nairobi ayaa sheegtay inay ka shaqeenayso sidii xoriyadooda loo siin lahaa 33 muwaadin oo dalkaasi u dhashay oo lagu heysto magaalada Muqdisho.

    Dadkan u dhashay dalka India ayaa ah shaqaale 10 bilood kahor u shaqo tagay shirkad ku taal magaalada Muqdisho oo aan weli magaceeda la shaacin, waxaana la sheegay in dadkan ay labadii bilood ee ugu horeysay si wanaagsan loola dhaqmay balse wixii intaasi ka danbeeyey aan wax mushahar ah lasiin.

    MEA & our High Commission in Nairobi are working on the relief & return of 33 Indians stuck in Mogadishu,Somalia. The HC @IndiainKenya has taken up their predicament with the Somalian authorities.We are also in touch with the Somali Embassy in India. Hope for an early resolution.

    — Dr. S. Jaishankar (@DrSJaishankar) October 23, 2020

    Saraakiisha India ayaa sheegay inay kala xariireen arrintan dowlada Soomaaliya si dadkaasi dib loogu soo celin lahaa wadankooda.

    Qaran News


  12. Trump oo Masar ugu baaqay inay burburiso biyo-xidheenka Ethiopia,Itoobiyana ugu hanjabay….
     abiy.jpg

     Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cadho xooggan u muujiyey Ethiopia, Jimcihii, sababo la xidhiidha biyo-xidheenka ay ka sameyneyso Webiga Nile, wuxuuna soo jeediyey in Masar ay burburin doonto.

    Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo ku dhowaaqayey heshiis ay xidhiidh ku yeelanayaan Israel iyo Sudan, oo sidoo kale cabsi xooggan ka qabta in biyo-xidheenkaas uu yareyn doono biyaha ay ka hesho webiga.

    “Waa xaalad aad halis u ah, sababtoo ah Masar uma dulqaadan doonto,” ayuu Trump weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad, ayada oo taleefonkana ay ku jiraan hogaamiyayaasha Israel iyo Sudan.

    “Way burburin doonaan, waana sheegay, si cadna waan u sheegayaa – Masar way burburin doontaa biyo-xireenkaas. Waana inay wax ka qabtaan,” ayuu yidhi Trump.

    “Waxay ahayd inay ka hortagaan ka hor inta aan la billaabin [dhismaha biyo-xidheenka],” ayuu yidhi Trump oo shalayto ka muujiyey in Masar uu qalaalse ka jiray markii la billaabay dhismaha biyo-xidheenka sanadkii 2011, xilligaas oo la riday dowladdii Masar ee Mubarak.

    Trump – oo xulufo dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi – ayaa ogolaaday codsiga Qaahira si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada, ayada oo wada-hadallada uu hogaaminayey xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

    Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bishii September sheegtay inay jareyso kaalmada ay siiso Ethiopia, sababo la xidhiidha in Addis Ababa ay billowday buuxinta biyo-xidheenka.

    “Heshiis ayaan dhex dhigay, kadibna nasiib-darro Ethiopia ayaa jebisay heshiiska, taasi oo ay ahayd inaysan marnaba sameyn. Taasi qalad weyn ayey aheyd,” ayuu yidhi Trump.

    “Marnaba ma arki doonaan lacagtaas [kaalmada Mareykanka] illaa ay u hoggaansamaan heshiiska,” ayuu yidhi.

    Ethiopia weli kama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray Trump.

    Qaran News


  13. Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaa ka dhaqangelay amar lagu joojiyay isu socodka Xuduudaha muddo 15-cisho ah, si loo xakameeyo Xannuunka Coronavirus oo kiisas horleh laga diiwaangeliyay waddankaas.

    Dowladda ayaa sheegtay in ujeedka ay ka leedahay uu yahay ogaanshaha, halka uu kasoo laba-kacleeyay xannuunka Covid-19 oo kiisas cusub laga diiwaangeliyay qaybaha kamid ah Jabuuti.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan muddada 15-cisho ah ee laga joojiyay isu socodka xuduudaha.

    Muumin ayaa sheegay in muddadaas kooban lagu qiimeynayo xawaaraha cudurka, maadaama ay kala garan la’yihiin in sababta kordhineysa ay tahay isu gudubka dadka iyo in xannuunka uu weli gudaha ku dambeeyo.

    PUNTLAND POST

    The post Jabuuti oo mudda kooban xayirtay isu-socodka Xuduudaha COVID-19 dartiis appeared first on Puntland Post.