Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku imaan jirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, laga billaabao 14-ka October.

    War-saxaafadeed ay soo saartay ayay shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay ka dib markii ay la kulantay culaysyo iyo caqabado dhanka shaqadeeda oo aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin.

    Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan mid kamida duulimaadyada diyaaradan muddo kooban ku xayirtay garoonka Aadan cadde ka dib markii la sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku safrayay ay dhibaato kala kulmeen.

    Si kastaba ha ahaatee lama oga in caqabadaha ay shirkadaha diyaaradaha Kenya Airways sheegtay ay yihiin kuwa ay garoonka muqdisho kala kulanto iyo in culaysyadu dhinacyo kale ka haystaan.

    Source: goobjoog.com


  2. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Marwo Marina Walter oo ah Ku-Xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

    Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS iyo wafdigaan ayaa kawada hadlay horumarada Soomaaliya ka sameysay sannadihii la soo dhaafay dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasillinta degaannada laga saaray kooxda Alshabaab, iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

    Source: goobjoog.com


  3. IMG_3984-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara kulan xasaasi ah kula qaatay dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki.

    Kulankaan ayaa waxay labada hoggaamiye uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay, iyagoo isla qaatay arrimo dhowr ah.

    Labada hoggaamiye ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

    Sidoo kale waxay labada madaxweyne tilmeemeen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca.

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Eritrea ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Eritrea ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira.

    Si kastaba, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa haatan ka shaqeynaya sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.

    Itoobiya ayaa heshiis sharci darro ah la saxiixatay Somaliland, kaasi oo u gogol xaaraya in Itoobiya ay hesho dhul badeed, waxaana is-afgaradkan meel adag iska taagtay dowladda federaalka ah oo ayadu caalamka tustay gardarrada Itoobiya iyo cawaaqibta ka dhalan karta.

    The post Xasan Sheekh iyo Afwerki oo isla qaatay laba arrin oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

  4. STOCKHOLM, Sweden (HOL) — A Swedish appeals court upheld the life sentence of Mohamedamin Abdirisek Ibrahim, a 22-year-old man, for the murder of his pregnant girlfriend, Saga Forsgren Elneborg, in Örebro, Sweden, in April 2023. Ibrahim had challenged the initial ruling, but the appeal court reaffirmed that the evidence overwhelmingly demonstrated his guilt. The Örebro District Court convicted Ibrahim of murder in June 2024

    Source: Hiiraan Online


  5. Madaxweynaha dalka Masar mudane Cabdifitaax Casiisi ayaa gaaray magaala madaxda dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen dhiggiisa Asias Afwerki iyo madax kale oo dowladdiisa ka tirsani.

    Sidoo kale waxaa dalkaas shalay ka degay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.

    Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa shir saddex geesood ah uga furmaya magaalada Asmara, kaasoo looga hadlayo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

    Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

    Source: goobjoog.com


  6. 462603623_864690982508205_13478756560605

    Abu Dhabi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Abu Dhabi.

    Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash. oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan labada dowladood.

    Inta uu kulanka socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

    Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale dhigiisa uga mahad-celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u fudiyay iyo qaabilaada kulanka ka dhacay xarunta baarlamaanka Imaaraadka Carabta.

    Kulamada ayaa sii socon doono, ayada oo Sheekh Aadan Madoobe uu la shiri doono madax kale oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, inta uu ku sugan yahay magaalada Abu Dhabi.

    Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

    Imaaraadka ayaa kamid a dowladaha xiriirka xoogan la leh Soomaaliya, waxaana safaro kala duwan dalkaas ku tega madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

    462513210_864691022508201_28417420368594 462530530_864691205841516_64030259657863 462534574_864691142508189_54940296274880 462596675_864691175841519_64874674689389 462603623_864690982508205_13478756560605 462679220_864691095841527_54987110675483

    The post Maxaa kasoo kordhay safarka Aadan Madoobe ee Imaaraadka Carabta? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  7. Dayniile.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab maanta ka gaysteen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay saddex ganacsato ah oo ku sugnaa degmadaasi.

    Ganacsatada saddexda ah ee la dilay ayaa ku sugnaa goobahooda ganacsi, waxaana weeraray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo toogtay, kadibna baxsaday.

    Wararka ayaa sheegayan in ganacsatadan loo beegsaday kaamirooyin ay ku xireen dukaamadooda, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya.

    Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ragga la dila ay indhowanahaan hanjabaad kala kulmayeen kooxda Al-Shabaab, balse ugu dambeyn la khaarijiyay.

    Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydadka marxuumiinta kasoo qaaday halka lagu dilay, waxaana la geeyay xarunta C.I.D.

    Dilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna xaafadda Suuqa Xoolaha dhowaan loogu gaystay ganacsade Cabdinaasir Daahir Diirshe oo goobtiisa ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xaruntiisa ganacsi.

    Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh.

    Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    The post Saddex ganacsato ah oo lagu dilay Muqdisho + Sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.

  8. FB_IMG_1728547714855.jpg?resize=720%2C48

    Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo.

    Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa la xaqiijinayaa in ay gebi ahaanba qabsadeen kantaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan mushaar iyo xuquuq mudda bilo ah kaga maqan dowladda islamarkaana dalbanayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqdooda.

    Dhinaca kale dowladda Puntland weli kama jawaabin cabashooyinka mushaar la’aanta ee ka imaanaysa ciidamada iyo shaqaalaha kuwaasi oo la sheegay in aysan mudda bilo ah qaadan wax mushaar ah.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


  9. Mogadishu (HOL) — Kenya Airways (KQ) will suspend all passenger flights to Mogadishu, Somalia, starting October 14, 2024, due to operational challenges. The announcement was made by KQ's Group Managing Director and CEO, Allan Kilavuka, in a letter addressed to the Principal Secretary of Kenya's Ministry of Roads and Transport, Mohamed Daghar, dated October 9, 2024.

    Source: Hiiraan Online


  10. Sacuudi Carabiya ayaa Arbacadii si dirqi ah ugu guul darreystay in ay ku guuleysato xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo dhabar jab ku ah dadaallada Riyadh ee kor loogu qaadayo sumcadda dalka ee dibadda iyo afar sano ka dib markii loo diiday dalab 2020 ah oo ay ugu biirtay 47 xubnood.

    Sacuudi Carabiya ayaa balaayiin ku bixinaysa sidii ay muuqaalkeeda caalamka uga beddeli lahayd waddan caan ku ah xannibaado diimeed iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka si ay u noqoto goob dalxiis iyo madadaalo hoos yimaada qorshaha uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan bilaabay, kaas oo loo yaqaan Vision 2030.

    Xubnaha Golaha Xuquuqul Insaanka ee fadhigoodu yahay Geneva waxaa soo doorta 193-ka xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, codbixin qarsoodi ah oo kooxaha juquraafi ah si loo xaqiijiyo xitaa matalaada.

    Kooxda Asia-Pacific, oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya, ayaa ahaa tartanka kaliya ee loo tartamay Arbacadii iyadoo lix musharax ay ku tartamayeen shan kursi. Jaziirada Marshall ayaa soo gashay kaalinta shanaad, waxaana ay heshay 124 cod, halka Sacuudiga uu ku waayay kursigaasi 117 cod.

    Source


  11. Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan.

    Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza.

    Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib.

    Aqalka Cad ee Mareykanka aya isna Arbacadi xaqiijiyay, in madaxweyne Joe Biden uu khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, marki ugu horreysay tan iyo muddo 7 asbuuc ah.

    Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay jawaabta ay Isra’il rabto in ay ka bixiso weerarki dhawaan uga yimid Iran. Wadahadalka oo qaatay muddo 30 daqiiqo ah ayaanan laga bixin faah-faahin kale oo dheeraad ah.

    Source


  12.  Duuliye diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa geeriyooday, kadib markii uu xanuunsaday, iyadoo diyaaradu hawada ku jirto.

    Kabtaan Ilcehin Pehlivan oo 59 jir ahaa ayaa markii uu xanuunku ku soo booday waxaa diyaaradda la wareegay duuliyihii labaad iyo caawiyaha sida uu sheegay afhayeen u hadlay diyaaradda oo barta X soo dhigay qoraalka lagu xaqiijiyey geerida.

    “Markii uu shaqeyn waayay gargaarkii degdeg ee duuliyaha la siiyay ayey shaqaalaha diyaaradda go’aansadeen in ay deg deg u dagaan, wuxuuna geeriyooday duuliyaha inta aysan degin diyaaradda” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

    Diyaaradda oo ah Airbus A350 waxay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana la qorsheynayaa in rakaabka la geeyo Turkiga.

    Diyaaradu markii ay soo gashay dhulka Nunavut ee hawada Canada ayuu duuliyaha xanuunsaday, sida lau sheegay warbixinta.

    Sababta keentay geerida duuliyaha ayaan weli sheegin, duulimaadkaas Seattle ayaa ku sii jeeday dalka Turkiga.

    Duuliyayaasha waxay maraan baaris caafimaad 12-kii biloodba mar, iyadoo kuwa da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano ay maraan baaris caafimaad lixdii bilood hal mar.

    Waxay noqotay geeri deg deg ah oo halis gelisay walwalna ku abuurtay rakaabkii diyaaradda, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta geerida duuliyaha

    Source


  13. Mogadishu (HOL) — Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi is set to arrive in Asmara, Eritrea, on Thursday to participate in a trilateral summit with Eritrean President Isaias Afwerki and Somali President Hassan Sheikh Mohamud. The high-level talks aim to enhance security cooperation and address shared challenges in the Horn of Africa and the Red Sea region.

    Source: Hiiraan Online