Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muddo soddon sano kor u dhaaftay, ayaa nimankii Soomaaliyeed (ma oran karo RAGGII Soomaaliyeed) waxay dhex hoganayaan Aqal Weynoo (i.e. Dal) burburay oo dhiiqo iyo qashin ka buuxaan. Meelo ka mid ah aqalku waxay noqdeen bahallo-galeen.

    Waxaa illaa hadda la garan la’yahay, in bal marka hore aqalka dib loo dhiso, keddibna lugu dhaqaaqo sidii qolalkiisa (i.e. xafiisyadiisa) oo dayactiran, loogu adeegi lahaa bulshada Soomaliyeed.

    Waxaa kaloo la garan la’ yahay in meela yaryaroo ka mid ah aqalka burburay aan laga dhigi karin xafiisyo.

    Cayayaanka aynu wada naqaan ee ABOORKA la yiraahdo, wuxuu ugu horrayntii dhisaa DUDDUNTII uu hadhow ku dhex shaqaysan lahaa, amaba tolkiisa (i.e. Abooryahan) oo idili ay ku wada noolaan lahayeen.

    Nimanka Soomaaliyeed waxay soddon sano beesha caaalamka ka sugayaan in aqalkooda loo dhiso.

    Nasiib-darrose, beesha caalamku waxay aqal-dhiskii laga filayay, si xeeladaysan ugu baddashay, nidaam ku dhisan xabbad-joojin aan dhamaad lahayn (never ending truce) iyo doorashooyin khayaali ah (i.e. Virtual elections) oo afartii sanaba mar la qabto, si aan heshiiska xabbad-joojinta cidina u jebin.

    Ilaahay amarkiis, nimanka Soomaaliyeed, waxay xataa ku cibraqaadan waayeen dadaalka iyo hawl-karnimada aboorka aan maskaxda lahayn ee ku shaqeeya qariisadda (i.e. instinct).

    Marka aboorku dhisanayo duddunta, ma jiraan bahal iyo cayayaan kaloo u soo gurmada oo duddunta la dhisa!

    Aboorku, waa mare, candhuufadiisa keliya ayuu ku dhisaa duddunta. Waa marka labaade, habaynkii keliya ( alyacni inta beesha caalamku huruddo kkk) ayuu dhisaa.

    Intaas keddib, waxaa jira laba arrimood oo xusid mudan:

    Kow:- waddamada horay u maray, gaar ahaan, kuwooda doofaarada dhaqda, waxay siiyaan cunno iyo caws waxtar leh iyo daawooyin (i.e. antibiotics), si doofaarku, durba, muddo gaaban uu u koro, una cayilo,si markaas loo geeyo kawaanka oo loo qasho.

    Soomaaliduna waxay si degdeg ah, ugu dhalaan, una koriyaan carruurtooda, si markay qaangaaraan oo ay lixaad iyo awood yeeshaan, loo hubeeyo oo dagaal loo geliyo, si ay awooweyaasha, ayeeyooyinka, bahallada iyo dhagaxda lugu abtirsado, QURBAAN ahaan loogu loogo!

    Waaxaa maanta ii muuqda in la soo gaaray xilligii mindiyo-soofaynta. Malaha dhallinyaradii baa wada kortay oo wada naaxday, diyaarna u ah in la qurbaano. Wadeeca Alla!

    Labo:- nimankii Soomaaliyeed waxay u qaybsameen:-

    1- Kuwo ku raaxaysanaya keliya AWOOWEYAASHEEN baa wax ahaan jiray!

    2- Kuwo ku raaxaysanaya in nimankii awal yasi jiray amaba liidi jiray, ay maanta dhooqada ku wada jiraan!

    3- Kuwo garashadii iyo caqligii ka kaaftoomay oo ay ka soo hartay “Ninkii Caddaa, ama ninkii Carabka  ahaa, wuxuu yiri, ama lahaa”!

    4- Kuwo ku hamminaya in kuwa halka lug kula jira dhooqada, labada lugoodba loogu geliyo!

    5- Kuwo qurbaha ku kala nool oo horay uga soo cararay dhibtii iyo gabood-falladii loo soo gaystay oo hadda ku raaxaysanayaa in kuwii dhibta usoo gaystay ay dhooqada ku dhex jiraan!

    6- Kuwo, intaa falanqaynaya, kana doodaya dhooqada ay ku dhex jiraan oo camalba ka dhigtay ‘waraysiyo bixin, Twitterayn, live-soo-gelid iyo soo saaaridda maqaallo ku qoran afaf qalaad’!

    7- Kuwa, wanaag iyo run kastoo loo sheego ku CARIIQSANAYA, oo aan la soo marin karin, inay oggolaadaan wanaag, khayr ama XAL kastoo ka soo maaxday maskax kaloo aysan isku ROOXAAN (i.e. Beel) ahayn.

    Rabbi tala ku filan

    Xaashi Yaasiin Cismaan
    Switzerland
    hashiyosman@hotmail.com

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


  2. Muqdisho (Caasimada Online)– Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka loona kala diray xildhibaanada ayaa lagu ogeysiiyay in la baajiyay kulankii maanta oo Isniin ah loo balansanaa.

    Fariinta loo kala diray xildhibaanada golaha shacabka ee mudo xilkeedkiisa dhamaaday ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi ilaa maalinta arbacada ah sida ku cad farintaasi.

    “Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada.

    Sida wararku sheegayaan arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii cadaadis xooggan la saaray Farmaajo iyo guddoonka baarlamaanka ee mudo xileedkoodu dhamaaday.

    Diblumaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ayaa saacadihii u danbeeyay wada hadalo dhinaca muuqaal araga fog iyo taleefano kula xiriirayay Farmaajo iyo Mursal si loo joojiyo kulanka baarlamaanka, waxaana heshiis lagu gaaray in kulanka Isniinta la baajiyo.

    Hakinta shirkaan ayaa la sheegayaa iney qeyb ku leeyihiin madaxda Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo si weyn u diidan qorshaha Farmaajo.

    Dhinaca kale xildhibaanada kasoo horjeeday kulankaasi oo la sheegay in mudo xileedka Farmaajo loogu kordhin lahaa hadii uu qabsoomi lahaa ay sheegeen in xaalada siyaasadeed iyo mida amni ay noqon laheyd mid waji cusub yeelato, mas’uuliyadeedana uu qaadi lahaa Maxamed Mursal iyo Farmaajo sida ay hadalka u dhigeen.


  3. Mogadishu (PP News Desk) — The Former Somalia Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke called for unconditional implementation of 17 September agreement on the Somali electoral model.

    Sharmarke tweeted that “ongoing efforts to nullify the 17 Sep accord, it will be major step towards instability which warrants sanctions against those have spoiled the process.”

    FB_IMG_16169608446497072.jpg?resize=714%Sharmarke: “The smooth implementation of 17 September agreement …remains so far the best solution.”

    Sharmarke’s tweet repudiates the position of Puntland and Jubaland leaders on the electoral model and subsequent technical summit held in Baidoa this year. Sharmarke is considering to run for Somali presidency again.

    IMG-20210328-WA0006.jpg?resize=1000%2C56

    Jubaland is lobbying for renegotiation of the terms of 17 September electoral model which it endorsed after the Federal Government of Somalia had accepted demands from Puntland and Jubaland to abrogate the electoral law in favour indirect elections.

    James Duddridge, the UK Minister for Africa emphasised “the urgent need for Somali leaders to come together and reach consensus on implementing the electoral process, according to the model agreed on 17 September and the recommendations of the 16 February Baidoa Technical Committee”.

    Sharmarke is believed to have urged Puntland and Jubaland leaders to sign the electoral agreement after their demand for a return to indirect elections was accepted and passed by the Federal Parliament.

    Abdirahman Ibbi, a Somali MP, yesterday criticised Jubaland and Puntland Presidents for “undermining the electoral process”.

    © Puntland Post, 2021

    The post Former Somalia PM Calls for Sanctions Against ‘Spoilers’ appeared first on Puntland Post.


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu waqtiga dheeraa, waxayna xog ay heshay Caasimada Online sheegeysaa in dhowr arrimood la isla meel dhigay.

    Kulamada madaxdan oo galay maalinkoodii seddaxaad ayaa maanta diiradda lagu saaray xal u helida caqabadaha ku hor-gudban qabsoomidda shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo gogoshiisu taal teenadhada Afisyooni ee xarunta Xalane.

    Sida aan xogta ku helnay waxaa kulankii maanta lagu gorfeeyey sidii looga gudbi lahaa shuruudaha ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ku xireen shirka guud ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.

    Qodobada qaar ee ku jiray shuruuradahaas ayaa la sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay isku raaceen in laga gudbo, halka ka doodista qodobo ay ku jiraan sugidda amniga shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud ay ka hadalkooda madaxdu dib u dhigteen oo berri laga wadahadlayo.

    Intii uu shirkaasi socday maanta waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi,  waxayna madaxda maamul goboleedyada u gudbiyeen tallooyin iyo sida ay doonayaan in loo xaliyo muranka ka jira doorashada kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland.

    Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa mar kale shirkooda waxaa maanta ku soo biiray Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka wada-hadlay arrimaha amniga doorashada, shakiga la xiriira kulanka Baarlamaanka ee berri iyo hadalheynta ka soo cusboonaatay mudo kororsi lagu dhaqaaqo.

    Sidoo kale xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta intii ay ku sugnaayeen Xalane waxay la kulmeen Waliika Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, waxayna kala hadleen amniga doorashada iyo inay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo aysan amar ka qaadan madaxweyne mudo xileedkiisu dhamaaday oo aan sharciyad heysan.

    Sida maanta la qorsheeyey Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed ayaa caawa la kulmaya madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna u gudbinayaan wixii ay maanta isla meel dhigeen madaxda kale ee Jubbaland iyo Puntland.

    Fariimaha ay sidaan madaxdaan ee Farmaajo ay la wadaagayaan caawa waxaa ugu culus mowqifka ay madaxda labadaas maamul goboleed, midowga musharaxiinta iyo xubnaha gobollada waqooyi ay ka taaganyihiin arrinta muddo kordhinta ee la hadal-haayo iyo shakiga laga qabo kulanka berri ee xildhibaanada Golaha Shacabka.


  5. Waraysi uu bixiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal mudo Sanad iyo bar laga joogo wuxuu hoosta ka xariiqay inay sharci daro tahay in Baarlamaanka wakhtigiisa loo kordhiyo isla markaasna uusan isagu ku fakarayn iney mudada kororsadaan.

    Inkastoo aan wali afka Gudoomiyaha laga hayn Mudo kororsi uu u ololaynayo hadana Saaxiibadiisa kala tirsan Baarlamaanka waxay maanta sheegeen in Gudoomiyaha Laftiisu uu shalay (Sabti 27/3/2021) uu u sheegay in ay wakhtiga kororsanayaan Isla markaasna Xukuumadana u kordhinayaan 2 Sano.

    Waxaan hada xasuusinaynaa Gudoomiyaha hadalkiisii sanad iyo bar ka hor, waxaana sugaynaa hadalkiisa beri oo isniin ah 29/3/2021 oo Baarlamaanku balan sanyahay, iyadoo xanta suuqa taal ay tahay mid kasoo horjeeda hadalka aad hoos ka maqli doontaan

    Hoos ka dhagayso

    B3C417BE-AC0C-4140-9F5D-75EE51C3CF2B.jpe

    The post Dhagayso Gudoomiye Mursal Sanad iyo bar ka hor“ Dastuurka meelna ugama qorna xilli kordhin annaguna maalin kuma fakarin, xaqna uma lihin in aan xilka kororsanno.” appeared first on .

    Source


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ay xiriirro talefoon la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    Xiriirradaas oo ahaa kuwo gaar-gaar ah ayey xubnaha beesha caalamku guddoomiye Mursal kala hadleen arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo cawaaqibka ka dhalan kara hadii uu qaato go’aan noocaas ah.

    Sida aan xogta ku helnay, waxay uga digeen in haddii uu goluhu qaato go’aan mudo kororsi ah, faa’iidada laga dhaxlo ay noqon doonto mid wiiqda xasilloonida dalka iyo dadaaladii dowlad dhiska ee socday sanadahaan.

    Xubnaha beesha caalamku waxay guddoomiye Maxamed Mursal u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee mudo xileedku ka dhamaaday, isla markaana aysan heli doonin taageerada Beesha Caalamka, sidoo kale ay si adag ula xisaabtami doonaan guddoonka golaha shacabka.

    Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in qorshuhu yahay in saacadaha soo socda ay Beesha Caalamka war ka soo saarto shirka berri loo balansan yahay ee xildhibaanada golaha shacabka iyo shakiga laga qabo waxa dhici doona.

    Beesha Caalamka ayaa si adag u diidan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday, waxayna soo saarayaan bayaan ay ku cadeynayaan mowqifkooda.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay aroornimadii la geeyay xarunta baarlamaanka ciidamo badan xili ay mudaneyaashu u balansanayeen kulan, waxaana soo baxeysa in uu hogaaminayey sarkaal hore uga tirsanaan jirey Al-Shabaab, kadibna u gacan galay dowladda.

    Xildhibaanada uu guddoomiye Mursal xalay shaaciyey inuu ka joojiyey kulamada baarlamaanka oo badankooda ahaa kuwa mucaaridka ayaa shaaciyey xogta sarkaalkaasi oo ay magaciisa ku sheegen ‘Shakiib’.

    Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada laga mamnuucay kulamada golaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dhar-cadka uu dalbaday Guddoomiye Mursal.

    “Ciidamada dhar-cadka ah ee la keenay baarlamaanka shalay waxaa watay nin la yiraahdo ‘SHAKIIB’ oo hore shabaab u ahaan jiray. Isagoo dagaalamaya oo dhaawac ah ayaa laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhex, kadibna waxaa loo sii gudbiyey xerada Sarendi oo lagu xiro dadka Shabaabka ah, halkaas ayaa laga soo saaray, kadibna waxaa loo qaatay ciidamada Nabadsguida,” ayuu yiri.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in sarkaalkaan uu hore Shabaab ugu qaabilsanaan jirey dilalka qorsheysan ee dadka mas’uuliyiinta lagu hayo, wuxuuna himika si toos ah uga amar qaata oo ku xiran yahay taliyaha Nabadsugida, sida uu sheegay.

    “Waa markii labaad oo isaga iyo ciidamada uu wato la keenayo Golaha Shacabka, ciidamada uu wado waxaa kamid ahaa ciidamo shabaab ka yimid oo ku xareysnaa Sarendi oo bistoolado loo qeybiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Mahad Salaad.

    Kulankii shalay ee la isugu yeeray mudaneyaasha golaha ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan xoogan, kadib markii xildhibaanada mucaaridka ay sheegen in ajendaha kulanka oo ahaa saameynta Covid-19 uu ku hoos qarsan yahay muddo kororsi sharci darro ah oo loo sameynayo hay’addaha dowladda.

    Guddoomiyaha golaha shacabka oo xalay qoraal soo saaray kulamada golaha ee soo socda ka mamnuucay 15-xildhibaan oo u badan mucaarid, xili maalinta berri ah uu goluhu u balansan yahay kulankii shalay baaqday oo lagu soo kordhiyey ajande cusub oo lagu sheegay ‘cod u qaadista guddiga madax-banaan ee xaduudaha’.


  8. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Xayndaabka Xalane, Beesha Caalamka ayaa xiriir lasameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kawada hadleen Xaalada Dalka.

    Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Midowga Yurub waxay Gudoomiye Mursal u Sheegeen in ay Cawaaqiib xumo Siyaasadeed, Mid Amni xumo ay horseedeyso hadii lagu dhawaaqo Isku day awoodeed oo walktiga lagu dheeraysanayo.

    Beesha Caalamku waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka u sheegeen in la taageero Heshiiskii 17 Sebtember , wax ka baxsana aysan marnaba aqbalayn Saaxiibada Soomaaliya.

    Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Gudoomiye Mursal uu Beesha Caalamka u sheegay inaysan Ajandaha ugu jirin mudo kordhin, kaliya ay Xildhibaanadu ka doodayaan Ajandaha Shirka Isniinta, wuxuu kaloo intaa ugu daray in Baarlamaanku dareensan yahay in Xilkii ka dhamaadey balse ay yihiin oo qura kuwo sugaya cidii Xilka kala wareegi lahayd.

    Wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan in Beesha Caalamku ay Qoraal ka soo saarayaan saacadaha soo socda Xaalada Baarlamaanka iyo Mudo kororsiga laga dhawaajinayo.

    Puntlandi.com Nairobi

    Puntlandi-Breaking-news-center.jpg

    The post Breaking News— Beesha Caalamka oo Gudoomiye Mursal uga digay Mudo Kororsi appeared first on .

    Source


  9. The Somali people and the international partners who support the political process in Somalia have expressed their frustration over the lack of tangible results from the ongoing political discussions over the implementation of the 17 September 2020 election agreement. The discussions are yet to produce productive outcomes in favour of the aspirations of the Somali people, with political leaders with the primary responsibility to execute the election agreement engaged in trivial bickering. 

    Rarely held accountable for their failures and abuse of power, the Somali politicians continue to overlook their responsibilities, particularly this difficult period of a pandemic and economic crisis occasioned by the COVID-19 outbreak. The need to reach a consensus on the election stalemate, therefore, is now more crucial than ever before.

    “It is unfortunate that the international partners are more concerned about the predicaments of the Somali people over the Somali leadership whose mandate had expired. The FGS leadership whose term had lapsed is, unfortunately, proving to be an impediment to the realisiation of consensual and inclusive elections,” said Presidential Candidate Jabril Ibrahim Abdulle.

    Presidential Candidate Jabril added: “For the first time in 30 years, the Somali people, the international community and entities who are concerned about the stability of Somalia have a shared view on the need to shame and impose restrictions on the individuals who are seen to be an obstacle to the implementation of the elections as well as the overall stability of the country.

    “Sadly, the obstacles in the way of a consensus on the elections are chiefly based on personal interest and greed; features that are detrimental to the aspirations elected the leadership.”

    Jabril cautioned that the politicians who are hindering the electoral process are playing with fire. “In order for us to get out of this uncertainty, it is paramount to impose appropriate sanctions on the persons who are hell-bent on obstructing the process,” added Mr Jabril, who spoke to the media in Mogadishu.

    …..END……


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee taageersan madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qiray tuhunkii laga qabay guddoomiye Mursal oo ahaa inuu muddo kordhin u sameyn rabo Farmaajo.

    Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa BBC-da u sheegtay in haddii xal lagu gaari waayo wada-hadallada doorashada in baarlamanka ay u taallo talada dalka. Hadalkan ayaa waafaqsan dooodda xildhibaanada taageerasan Farmaajo ay ugu raadinayaan muddo kordhinta oo ah in xal kale la la’yahay.

    “Haddii ay wada-hadallada socda ee arrimaha doorashada heshiisyo kasoo bixi waayaan oo la isku mari waayo, baarlamaanka ayey talada u taallaa, isha keli ee furan waa baarlamanka, baarlamaanka ayaan go’aan ka gaaraya ma ahanee wax go’aan qof gaari karaa ma jirto laakiin hadda waxa aan sheegi karo ma jirto,” ayey tiri Ubax Tahliil Warsame.

    Sidoo kale, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa shaaca ka qaaday in ajandaha baarlamanka lagu soo dari karo muddo kordhin, haddii loo baahdo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan.

    Hadalka Jeesow ayaa sidoo kale waafaqsan tuhunkii laga qabay kulankii shalay fashilmay ee la sheegay in COVID-19 looga hadli lahaa, balse la ogaa in lagu hoos qarin rabay mooshin muddo kordhin.

    “Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa. Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado,” ayuu yiri Jeesow.

    Hadallada Jeesow iyo Ubax Tahliil ayaa xaqiijinaya cabsidii laga qabay in Mursal uu ku dhaqaaqi rabo wax lagu qaaxay “is-miidaamin siyaasadeed,” oo kasii dari karta xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.


  11. Joe Hart ayaa jecel nolosha Magaalada London, waxaana uu qiimo jaban oo dhan 3.69 milyan oo gini ku iibinayaa Gurigiisii ku yaalay Greater Manchester.

    Dadka ayaa indhaha kala furay markii Goolhayahan ay heshiis labo sanadood ah kula wareegtay Tottenham, kaddib markii ay iska fasaxday Kooxda Burnley.

    Inkastoo 33-sano jirkaan uu ka dambeeyo goolhayaha dooqa koowaad ee Kooxda Hugo Lloris, hadda Hart ayaa bandhig cajiib ah sameeyey markii uu ciyaaray tartammada aan ahayn horyaalka ee laga dhigo dalka Ingiriiska.

    Hart might have put son Harlow through his footie training here

    Guriga uu iska iibinayo Hart ayaa ka kooban afar dabaq, waxaana uu leeyahay Albaab weyn, lix qol oo jiif ah, todobo musqul iyo jiko cunada lagu karsado oo waasac u ah.

    Dadka doonaya inay iibsadaan Gurigaan, waxyaabaha ay ku jecleysanayaan waxaa ka mid ah inuu Gurigani leeyahay meel Shaleemo ah oo aflaamta iyo wax walba lagu daawado, Qol kaliya loogu talo galay in qamriga lagu cabo, qol jimicsi iyo garoon ciyaareed oo bannaanka guriga ku yaala.

    Joe Hart might miss this stunning home cinema

    Waxyaabaha dadka iibsada Gurigaan ay ku faani karaan waxaa ka mid ah inay haystaan Guriga ciyaaryahanka xulka qaranka England, isla markaana ay ku ciyaarayaan garoonka uu kubadda ku ciyaari jiray Hart.

    The wine room, with other alcohol allowed, is a stunning offering

    Shirkadda RightMove oo ka shaqeysa Guriyeyna UK ayaa shaacisay sawirrada gurigaan, waxaana ay sharraxday qeybaha uu ka kooban yahay Gurigaan iyo cabirkiisa, iyagoo u sheegtay dadka doonaya inay la soo xiriiri karaan si ay u iibsadaan.

    Hart keeps fit in this sizeable gym

    Goolhaye Hart ayaa intii uu ka ahaa Manchester City mid aan la loodin karin iyo shabaq ilaaliyaha koowaad ee Kooxda waxa uu kula guuleystay labo horyaalka Premier League ah, laakiin tan iyo waqtigaas ma helin bandhiggiisii sare.

    The huge kitchen is classy and modern

    There are six bedrooms in the stunning property

    There are SEVEN bathrooms - all stunning like this

    The property is on the market for just shy of £3.7m

    The play room comes with lots of space for toys and gadgets

    The property oozes class throughout

    Hart ayaa amaah ku bixiyey Kooxaha Torino iyo West Ham ka hor inta uusan si joogto ah uga mid noqon Naadiga Burnley.

    Kaddib isagu waxa uu noqday beeca xorta ah ka hor inta uusan ka mid noqon kooxda uu hoggaamiyo Tababare Jose Mourinho ee Spurs.

    Joe Hart seems like he is back enjoying his football, when called upon at Spurs

    Hart ayaa Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga ku guursaday Kimberley Crew sanadkii 2015, waxaana ay haystaan wiil lagu magacaabo Harlow, iyagoo si wadajir ah u nool.

    Gool FM.

    Source: goobjoog.com


  12. Madax sharcidarro ahi iyo sharcidarro midna looma hoggaansamayo.

    Madax lagu dhaariyay ilaalinta dastuurka, sharciga, midnimada dadka, danta guud ee qaranka oo ku dhaqmeysa sharcidarro, musuqmaasuq, kibir, maquunin, daneysi, isla markaana rabta in inta diidan sharcidarradaas, dhibka sharcidarrada ku dhacayso ama tabanaya xadgudubka, mucaaradka ah, ay raacaan amarkooda iyo rabitaankooda ma garaadsan, waana qaldan yihiin, loomana hoggaansamayo. Farmajo wuxuu diidan yahay in Aqalka Sare jiro, ka mi yahay Barlamaanka Federaalka, sharci uusan wax ka ansixin uusan sharci aheyn. Sidaa darted, madaxnimada uu sheeganayo waa sharcidarro loomana hoggaansamayo.

    Muwaadiniinta dhaladka ah lama dhaariyo, waajibaadkooda iyo xuquuqdooda dastuurka ayaa dhigaya. Madaxda waxaa loo dhaarinaya inay qaadaan mas’uuliyad dheeri ah oo lagu abaalmarinayo.

    Waa damiir la’aan iyo khiyaano qaran in guddoon barlamaan oo og in muddo xileedkooda dhammaaday, lagu heshiiyay doorasho dadban, ex Madaxweyne farmajo iyo xilgaarsiiye RW Roble carqaladeynayaan fulinteeda, uu abuuro xasarad siyaasadeed oo 2 sano laga digayay, dadka iyo dalka Soomaaliyeed dhaxalsiinaya fashil iyo burbur. Waa guddoon mudan cambaareyn iyo kacdoon looga soo horjeedo ee aan loo kala harin.

    Waxaa muhiim ah in inta goori goor tahay la garowsado in madaxda xilka ka dhammaaday ay dalka geliyeen marxalad laga gudbay in laga hadlo maxaa sharci ah maxaanse sharci aheyn ee muwaadin kasta ee Soomaaliyeed waajib ku tahay inuu u tabaabusheysto difaaca xaqiisa, xorriyadiisa, iyo karaamadiisa bani’aadannimo, muwaadinnimo oo uusan cid kale isku laheyn.

    Waa dhici karta in xaaladdaas ka dhalato dhibaato, haseyeeshe dhibaatadu waa lama huran marka aad u fiirsato hadalka iyo ficillada Madaxda dooratay ku dhaqanka sharcidarrada iyo ku tumashada nidaamka dowladnimo. Dhib waa lama huraan haddii Madaxda xukunka haysa go’aansato in awoodda sharciga, dhaqaalaha, ciidanka, xiriirka caalamka, iyo warbaahinta dowladda u adeegsado hab ka baxsan tilmaamaha sharciga, dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada, ka taxadarka tuhun abuurka, ku xadgudubka ilaalinta xaqa muwaadiniinta, saamileyda siyaasadda, mas’uuliyadda Xildhibannada, mucaaradka, mabaadi’da daahfurnaanta, wadatashiga, xaqa la xisaabtanka, waxaan shaki ku jirin inay dhaceyso dhibaato cid kasta saameyneysa waayo ku takrifalka awoodda dowladda waxay horseed u tahay mustaqbal dilka muwaadiniinta, burburka wada noolanshaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku kalsoonaan la’aanta dowladnimada iyo Madaxda.

    Waa fadeexo in xildhibaannada Barlamaanka Federaalka tuhmaan hufnaanta, daahfurnaanta, iyo habraaca shaqo ee guddoonka Barlamaanka oo mas’uuliyaddooda koowaad tahay dhexdhexaadnimo, wargelin cad, ilaalin xuquuqda Xildhibaan kasta. Guddoomiyaha Barlamaanka oo matala 50,000 muwaadinin soomaali ah kama joojin karo ka qayb galka fadhiyada Xildhibaan matala 50,000 muwaadinin kale ee Soomaaliyeed haddii uusan raacin habraaca shaqada iyo go’aan qaadashada Barlamaanka oo saldhig u ah dhawrista ku dhaqanka dastuurka, sharciga, iyo xeer hoosaadka.

    Waxaa intaa dheer oo ka muhimsan in Xildhibannada marna tuhmin daacadnimada Guddoonka, haddise Xildhibaanku tuhmo wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta ee uga hortagi karo waxyaabaha uu tuhunsan yahay ilaa ay ka caddaanayaan. Iskadaa Xildhibaannada, muwaadiniinta waxay xaq u yihiin inay ka hortaagan sharcidarrada dowladda ku kacayso ama la tuhunsan yahay inay ku kici doonto. Aqlabiyadda xaq uma lahan inay ka tallaabsado habraaca shaqo ee barlamaanka si ay ujeedadeeda u gaarto.

    Ugu dambeyn, waxaa xusid mudan in ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka, sharciga, xeer hoosaadka, iyo habraaca shaqo iyo go’aan qaadasho aysan ku koobneyn cuskashada qodobbo dhowr ah, ee waxaa la fiirinaya duruufaha la marayo, dhammaan qodobbada aan la cuskan, mabaadi’da, ujeedada, himilada, la higsanayo oo ah dowlad wanaag. Haddii la waayo shardiga ah guddoon ka madax bannaan Madaxtooyada, raacaya habraaca shaqada barlamaanka oo lagu abuurayo daahfurnaanta, go’aan kasta ee Guddoonka BF waa baadil. Guddoomiye barlamaan caan ku noqday ku tumashada dastuurka, xeer hoosaadka, habraaca wanaagsan ee dowladnimo kuma xadgudbi karo Xildhibaan la siman, matalaya bulsho ama deegaan, u xilsaaran ilaalinta danta qaranka oo ka hortagaya sharcidarro dhici karta.

    Mas’uuliyadda Xildhibaanka waa mid diini ah, siyaasadeed, sharci, nabadgelyo, sirdoon (intelligence), baaris ( investigation) dhaqaale, bulsho, iyo xiriir caalami. Barlamaanka federaalka waa asaaska dowladnimada Soomaaliya.

    Dr. Maxamud M. Culusow

    3591BA55-F6A9-4F8C-B0BA-A2E9DA0225AB-496

    The post Guddoomiyaha barlamaanku waa baadil, kuma xadgudbi karo Xildhibaan la siman, matalaya bulsho ama deegaan, oo u xilsaaran ilaalinta danta qaranka. W/Q Dr. Maxamud M. Culusow appeared first on .

    Source


  13. VideoCapture_20210328-172316.jpg?resize=

    Xildhibaannadii laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo guddoomiye Mursal u cuskaday go’aanka kulamada looga joojiyay, isla markaana uusan jirin xeer u ogolaanaya inuu gaaro go’aankaas.

    Xildhibaannada ayaa guddoomiye Mursal ku eedeeyay in uu meel uga dhacay xeer hoosaadka Golaha Shacabka, uuna ku xadgudbay qodobo ku jira, isla markaana ku tuntay qodobka xarunta Golaha ka mamnuucaya in lala soo galo hub.

    Waxay sheegeen in shalay ciidamo uu hoggaminayay sarkaal horay uga tirsanaa Al-Shabaab, oo magaciisa ay ku sheegeen Shakiib, ku sugnaayeen xarunta baarlamaanka, kuwaas oo ay tilmaameen in loogu talagay in lagu handado xildhibaannada.

    Sidoo kale waxaa sheegeeen in maanta ay soo gaartay farriin loo soo diray xildhibaannada Golaha Shacabka ayna tagayaan kulanka berri wixii dhibaato ah ee soo gaara xildhibaannadana uu mas’uul ka noqon doono guddoomiye Mursal.

    PUNTLAND POST

    The post Sarkaal Shabaab ahaan jiray oo la sheegay in uu ka howlgalo xarunta Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo muuqday liiska 15-ka xildhibaan ee uu guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ee baarlamaanka, ayaa sheegay inuu ka maqnaa fadhiggii shalay.

    Xildhibaanka ayaa sheegay inuusan ku jirin xildhibaanada buuqa dhaliyay, banaankana uu ka joogay fadhigga, islamarkaana uu ku baraarugay kaliya fadhiga oo lasoo xiray.

    Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo la hadlay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa yiri: “Waxaan ku baraarugay uun in baaralamaankii lasoo xiray, bannaanka baan joogay…warqadda soo baxday waxay sheegeysay dadkii is hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay laakiin anigu kama mid aheyn,”

    Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xayiraad lagu saaray kadib wixii dhacay shalay, waxaana la sheegay ineysan shan kalfadhi soo xaadiri doono, balse gaashaanka ayey u daruureen go’aanka iyagoo sheegay iney xaadiri doonaan berito.

    Warqad ka timid guddoonka golaha shacabka oo uu ku saxiixan yahay gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa la faafiyay, waxaana ku qornaa ilaa iyo 15-xildhibaan oo muddo shan kal fadhi ah laga mamnuucay iyadoo la adeegsanayo xeer hoosaadka golaha shacabka


  15. Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa ka sheekeeyay ka hoos shaqeynta Tababare Pep Guardiola iyo xeeladihii uu sameyn jiray markii uu macallinka u ahaa Bavarians.

    Muller ayaa soo hadal qaaday qaabkii uu Guardiola u sameysan jiray tababarka iyo sida uu u dhiiro gelin jiray xiddigahiisa.

    Faa’idada ugu weyn ee ay haysteen Bayern ayaa ahayd inay soo dhammeysteen sanad ciyaareed guulo ah oo uu ku hoggaamiyay macallinkii shaqada isaga fariistay ee Jupp Heynckes markii uu shaqadan la wareegayey Pep Guardiola.

    “Ma aynaan haysan waqti aan ku nasanno guulaheenna, maxaa yeelay Pep ayaa dabada naga laadayay tababar walba, wuxuuna noo sheegay inay dadka tusno inaan horyaal kale isagoo jooga qaadi karo” ayuu yiri Muller.

    “Mar walba Guardiola qorshe ayuu nala dajin jiray, haddana toban daqiiqo kaddib afar ilaa shan qorsho oo kale ayaan helaynay, mar walba wax ayuu beddelayay.”

    Xiddiga Jarmalka ayaa intaas ku daray in tababaraha haatan Manchester City hoggaamiya uu daawan jiray kooxda ka soo horjeedda, haddii uu arko in qorshihiisa uu socon waayana waxa uu la imaanayay qorsho kale.

    Source: goobjoog.com


  16. Puntland forces protesting unpaid salaries have set up new roadblocks on the road between Galkayo and Garowe, banning Puntland officials from using the street.

    The checkpoints affected Puntland officials who were planning to train troops in Harfo district in Mudug region.

    The soldiers’ protest comes at a time when Puntland’s president has recently announced a pay rise.

    The protesters did not block public transport on the road, despite fears.

    In mutiny are not new to the public and was common during Abdiweli Gaas’ presidency in Puntland.

    Although President Deni said he has increased wages, the army’s grievances are not over, and it now stands in the Gardafu, where troops and officials complained of lack of rights.

    View the full article


  17. The members of the parliament of the federal government of Somalia are scheduled to hold a meeting on Monday after Yesterday’s sitting ended in chaos.

    A statement from the parliament said the Covid-19 and voting members of the border Commission will dominate the agenda.

    On Saturday, the Somali Federal Parliament failed to proceed with its sitting after members of the House accused the speaker of planning to pass a hidden agenda.

    This comes at a time when the stalemate over the elections is at a critical juncture.

    View the full article


  18. The Kenyan troops in Somalia have received their first dose of the Covid-19 jab.

    The Director of Medical Services at the Kenya Defence Forces Maj-Gen George Ng’ang’a launched the vaccination exercise for troops deployed under the African Union Mission in Somalia at Sector II Headquarters in Dhobley on Saturday.

    This is part of the ongoing Phase 1 of the National Immunisation Programme in the fight against Covid-19 pandemic.

    Ng’ang’a urged all the personnel to take part in the immunisation exercise in order to boost the efforts of fighting the pandemic and at the same time have a healthy force, which is critical to serving the nation.

    “Let us all embrace prevention mechanisms rather than opting for the curative ones. The KDF leadership has led by example by participating in the vaccination drive and we have not recorded any side effects therefore I assure our troops that the vaccine is safe,” Ng’ang’a said.

    He urged the troops to continue observing the World Health Organisation protocols on the containment of the spread of Covid-19.

    “We must not drop our guard. We must stick to the protocols issued on containing the spread of the virus – ensuring we maintain social distance, wearing masks, washing and sanitising our hands. That will keep us safe,”he said.

    After the launch of the exercise, Sector II Commander Brigadier Jeff Nyaga kicked off the vaccination drive for KDF troops deployed under AMISOM.

    Other than the troops, the civilians working for the United Nations based at the Sector II Headquarters were also inoculated.

    The troops are in Somalia to help fight al-Shabaab militants who have caused instability in the region at large.

    Chief of the Defence Forces Robert Kibochi officially launched KDF Covid -19 vaccination exercise at Kahawa Garrison, Nairobi on March 11.

    Kibochi said adhering to the ministry of Health laid down Covid-19 protocols has enabled KDF to fight the global pandemic within and outside KDF and the vaccine has come in handy to boost this effort.

    He urged all KDF personnel to turn up for the exercise as it will go a long way in the ongoing fight against the coronavirus.

    “My message to Kenyans is let’s go ahead and take this preventive medicine. It is not always that you get an opportunity to have free vaccination. The government has taken upon itself to bring the vaccines to as many Kenyans as possible.”

    Among those vaccinated were the Vice Chief of Defence Forces Lt Gen Levi Mghalu, Commander Kenya Army, Lt Gen Walter Koipaton, General Officer Commanding Eastern Command (GOC EastCom) Maj-Gen Ayub Matiiri, Senior Officers, Officers and Service Members.

    Defence Cabinet Secretary Monica Juma also took part in the ongoing Covid-19 vaccination at the Defence Headquarters in Nairobi earlier in the month.

    She was accompanied by her Public Service and Gender colleague Margaret Kobia, who said she appreciated the sacrifice of the security personnel and medics.

    Major disciplined services have been vaccinated in the ongoing exercise. They include the police, prisons, Kenya Wildlife Service and Kenya Forest Service and National Youth Service.

    View the full article


  19. Somali military conducted planned operations in parts of the Lower Shabelle region to flush out the militants from Al-Shabaab in the supply routes.

    The operation which took place in Bulo Haji village left a senior Al-Shabaab commander Ismail Jiis and 10 Al-Shabaab fighters dead, according to the army radio.

    There is still no comment from the Al-Shabaab responding to SNA’s claims of heavy losses on the militants.

    For the past few months, SNA’s Danab Special Forces have stepped up operations against al-Shabaab in southern Somalia, including the Lower Shabelle region near Mogadishu.

    View the full article


  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweynaha Jaamac Deperaani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah uga warbixiyay habsami u socodka shirarka u socda madaxda dowlad goboleedyada.

    Afhayeenka wuxuu sheegay in kulamada u socda madaxda dowlad goboleedyada uu yahay mid ku socda sida ugu wanaagsan, dhamaantoodna ay ka siman yahiin iney xal wadajir ah ugu raadinayaan in la xaliyo is mari waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxweynayaasha ay maanta la kulmeen gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, sidoo kalana ka wakiil ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

    “Shirka Madaxweyneyaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa socda maalintii labaad, wuxuuna u socda si wanaagsan iyadoo Madaxdu ay wadajir xal ugu raadinayaan caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashada,” ayuu Jaamac Deperani ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

    Wuxuu intaas ku daray “Madaxweynayaasha ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ahna Gudd Madasha Badbaado Qaran Mudane Cabdi Xaashi iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland, Shirka Madaxweynayaasha iyo kulamada ay la qaadanayaan Masuuliyiinta waa kuwo bud-dhig u ah xal u raadinta arrimaha taagan”

    Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli la hadal haayo in talaadada la isu keeni doono madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.