Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba inaga saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna. “Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad Xfs, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag. Madaxweynaha oo ku ammaanay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro dalkenna ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, taas oo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka xukuumadda xil-heynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka Covid-19 ee shalay la keenay Soomaaliya. Wasiiradda waxey noqotay masuulkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka, waana qofkii ugu horreeyay ee gayiga Soomaalida, tanina waxaa lagu tilmaamay iney dhiirigelineyso isticmaalka tallaalkaan. Sidoo kale madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka, iyadoo walaac badan laga muujinayo tallaalka xanuunka Covid-19 maadaama ay in ka badan 10 dal oo dunida ah iska joojiyeen. Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa shalay laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu gaarayo 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya. Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.
  3. Hargeisa (PP News Desk) — Yusuf Sha’ir, a prominent Somali poet and literary critic, has urged Somalis to support Somalia’s legal maritime territory against claims by Kenya. Speaking to reporters in Hargeisa, Yusuf Sha’ir said that political differences among Somalis should never make “us blind to what we have in common.” “We must stand by Somalia in its right to protect its maritime territory” said. Yusuf Sha’ir urged Somalis to support Somalia’s right to protect its maritime territory against claims by Kenya. Last week, Khadar Hussein Abdi, the Secretary of Waddani, a Somaliland opposition party, told Somaliland youth groups in a Clubhouse session that the party opposed any attempts by a foreign country to claim Somalia’s maritime territory. “This is a common ground for all Somalis” Khadar said. The hearing of maritime dispute between Kenya and Somalia began yesterday at the International Court of Justice in Hague. Kenya withdrew from the International Court of Justice case on a maritime border dispute with Somalia. It has proposed that the matter be resolved by the African Union. © Puntland Post, 2021. The post A Somaliland Poet Urges Support for Somalia’s “Legal” Maritime Territory appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar maalmo uu ugu maqnaa dalka Turkiga, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa soo dhoweyn balaaran loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Xildhibaano, iyo siysaasiyiin ka tirsan dowladda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  5. (SLT-Burco)-Masuuliyiinta gobolka togdheer qaar ka mid ah ayaa laga helay xannuunka covid-19. Taliyaha ciidanka asluubta togdheer, gudoomiyaha komishanka ee gobolka iyo maayirkii hore ee magaaladda burco, dhegolaab ayaa laga helay xannuunka coronavirus. Masuuliyiintan oo ka mid ah kuwo udub dhexaad u ah shaqada gobolka, ayaa hadda la tacaalaya xaaladooda caafimaad. Xanuunka Covid-19, ayaa si hawli ah ugu faafaya guud ahaan somaliland. Source
  6. Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada somaliland, ayaa ka dayriyay xaalada xannuunka coronavirus. Xildhibaan Axmed Diiriye NacNac, ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka qabto xannuunka halista badan ee dadka saameeyay wuxuuna u soo jeediyay inaanu madaxweynuhu beertiisa ku gaban ee dadkan gurmad u sameeyo. “Madaxweynaha waxaan leeyahay inta magaalada dibada uga baxday ee beertaada jirto ee dadkuna xannuun u dhimanayaan waa inaad wax ka qabataa”Sida waxa yidhi Xildhibaan Nacnac. Xildhibaanka Axmed Diiriye, ayaa xisbiyada somaliland ugu baaqay inay xafladahan ay hoolalka yar ku qabsanayaan ka dayaan isla markaana dadkooda u naxaan. Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland, ayaa qaylo dhaan ka diray xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka gobolada barigu waxaana ay sheegeen in dadka xannuunka covid-19 ku dhaco dadkoodu aastaan taasna nasiib darro tahay. https://www.facebook.com/watch/?v=271475171208591 Source
  7. Hague (Caasimada Online) – Magaalada Hague ee dalka Holland waxaa maanta markale ka sii socon doonto dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeyso, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena. Sidoo kale qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ. Soomaaliya oo shaley hadal ka jeedisay fadhiga Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.ayaa shaaca ka qaaday inay in kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, iyada oo intaasi kusii dartay in maqnaashiyaha Kenya uu liddi ku yahay sarreynta sharciga. Marka la’eego sida ay ku socota dacwadda ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dowladduba waxay rajo ka muujiyaan ku guuleysiga kiiskaasi oo muddo sanado ah soo jiitamayey. Si kastaba dhageysiga kiiskan ayaa billowday, iyada oo Kenya aysan ka qeyb-geli doonin dhageysigiisa, maadaama ay haatan ka maqan-tahay fadhiga maxkamadda.
  8. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Qoorqoor waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirka doorashada ee maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo safar dibada ah ku maqan ayaa isagu weli soo gaarin Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (PP News Desk) — Under the Somalia Regional Corridors Infrastructure Programme the European Union will fund several infrastructure projects in Somalia. The agreement signed by the Federal Government of Somalia and the European Union will pave the way for the renovation, grading and compactinf of 647 km of roads in five regions in south central and south western Somalia. EU-funded infrastructure projects in Somalia will fuel economic growth. The 327 km Beled Weyne-Galka’yo road will benefit from rehabilitation and Triple Surface Treatment. The construction of 100 km compacted gravel road will complement 241 gravel feeder road for Hobyo-Galkayo road. The 240 Galkayo-Garowe road will undgo renovation. In Gedo the 80 km Luuq Gane-Dolow wide road will be graded and compacted. The EU will commit 42 milion euros to the insfrasture projects and implement the Somalia Regional Corridors Infrastructure Programme through African Development Bank “once the EU delegation signs the implementation contract with AFDB.” © Puntland Post, 2021 The post EU Funds Major Infrastructure Projects in Somalia appeared first on Puntland Post.
  10. Waxaa maanta lagu wadaa in maalintii 2-aad la guda galo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dacwada oo furantay isniintii, lana dhageystay dhanka Soomaaliya waxaa goobta ka hadlay ra’isul wasaare ku xigeenka iyo qareennada matalayey Soomaaliya. Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa ka sheekeeyey taariikhda ay labada dhinac isla soo mareen, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in Kenya ay ka baxdo dacwada, waxaana uuna intaa raaciyey in inta aan maxakamadda la tagin lagu dayey wada hadal balse taasina lagu guuldareystay. Dhanka kale, qareennada u doodayey Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay qaadatay dhul aaney laheyn, iyaga oo maxkamadda hor dhigayey kiisa Afrika, Asia, Latin America ama xataa Mareykanka iyo Canada oo arrimahan la xiriira. Qareennada u dooday Soomaaliya waxaa ay hoosta ka xariiqeen in MOU-ga aanu heshiis rasmi aheyn isla markaana Kenya la siiyey waqti lagu wada hadlo iyaga oo kiiska iyo doodda ay Nairobi wadato ugu yeeray mid ay ka muuqato rajo la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu safar muddo ugu maqnaa dalka Turkiga . Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubna ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda iyo golaha wasiirada Galmudug. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa la filaya in uu maalmaha soo socdo uu magaalada muqdisho kaga qeyb galo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Sawirada Soo Dhaweeynta Madaxweynaha Galmudug Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga. Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoor Qoor oo ku biiri kulamo siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ee doorashooyinka. Wararka ayaa sheegaya inuu shirar gaar ah la qaaday doonto madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadli doono xaaladda dalka. Galmudug ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya marka la eego hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka Si kastaba socdaalka Qoor Qoor ee Muqdisho ayaa kusoo aadayao, xilli ay Caasimada ay ku sugan yihiin madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & HirShabelle, islamarkaana la filayo inuu furmo shirka wadatashiga doorashooyinka oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni.
  13. "It is not only about oil and gas": Kenyan fishermen on Monday protested the feared loss of their livelihoods as an international court pored over a sea border dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Germany, France, Italy and Spain have suspended the use of AstraZeneca’s COVID-19 vaccine after several reports of blood clots in people who received the shot in Europe. Source: Hiiraan Online
  15. Saacadihii tagay dalalka Yurub ugu weyn sida Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa ku biiray dalalka hakiyey isticmaalka talaalka Oxford Astrazaneca. Isla noocan talaalka ah, waxaa horay u mamnuucay dalal badan oo Yurub sida Denmark, Norway, Iceland, Bulgaria, Luxembourg, Estonia, Lithuania, Latvia iyo ugu dambeeyntii Republic of Ireland. Thailand oo Asia ah ayaa ka mid ah dalalka mamnuucay, waxaa kale oo qeybo daawadan ah laga diiday Austria iyo Italy. Waxaa xusid mudan in noocan talaalka ah ee Oxford Astrazaneca isniintii shalay aheyd la keenay dalkeenna Soomaaliy,a lana soo hor mariyey 300,000 oo ka mid ah 1.2 million doses/goojo oo ah talaalka Oxford Astrazaneca, oo ay WHO ku deeqday. Sida ay dowladda federaalka ah sheegtay tallaalka waxaa lagu bilaabi doonaa dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka, kuwa da’da iyo qaar xanuunka qaban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweeyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa laga helay xanuunka Corona Virus kadib markii baaritaan lagu sameyay Saylici. “Waxaan rabaa inaan ogeysiiyo shacabka Somaliland inaan la macaamilayay COVID-19 seddexdii maalmood ee ugu dambeysay.” Ayuu ku yiri qoraal uus oo dhigay Twitter-ka madaxweeyne ku-xigeenka . Saylici ayaa sidoo kale shacabka Somaliland ugu baaqay in ay ka taxadaraan xanuunka oo ay qaatan awaamirta dhaqaatiirta ay bixinayaan. Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale laga helay cudurka coronavirus sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Shalay ayey aheyd markii caasimadda Muqdisho la keenay 300,000 oo ah talaalka AstaZeneca kaas oo looga hortago xanuunka corona virus. Source: goobjoog.com
  17. Waxaa maanta halkeedii ka sii socon doonta dhagaysiga dacwadda ee kiiska badda ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya inkasta oo Kenya ay sheegtay in ay ka baxday kiiskaas. Qareenada difaacaya Soomaaliya ayaa maanta mar kale jeedin doona dooddooda, ayadoo sidii markii hore qorshuhu ahaa lagu waday in qareennada Kenya ay berri bilaabaaan doodooda balse haatan taasi aanay dhici doonin kaddib markii Kenya ay isaga baxday dhagaysiga dacwadda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo shaley hadal ka jeediyay maxakamadda ayaa sheegay in kalsooni ay ku qabaan Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Dowladda Soomaaliya waxay intaas ku dartay in go’aanka Kenya ee ah in aysan ka qayb galin dhagaysiga kiiska badda ay lid ku tahay waajibaadkeeda iyo sareynta sharciga . View the full article
  18. Dowladda Ingiriiska ayaa mamnuucid kusoo rogtay dadka ka yimaada dalalka Ethiopia, Oman, Somalia iyo Qatar. Dalalkan ayey UK ku darday liiska casaanka, waxaana laga mamnuucay iney galaan boqortooyada sababo la xiriira ka hortagga nooca cusub ee Covid 19. Dadka Ingiriiska ama dadka heysta fiisayaasha mudda dheer, waxaa 10 cisho lagu karantiili doona goobo ay dowladda diyaarisay. Dhanka kale, waxaa ay UK fasaxday ama ay ka bixisay liiska caas dalka Portugal (oo ay ku jiraan Madeira iyo Azores) iyo d Mauritius. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray xornimada, balse welIe, orodadeeniii, somaaliyeed, ee magaca lahaa, lama xuso. Halganka xornimada doonka kaliya ma ahan in ay gumeystayaashii dalka ka tagaan, ee wuxuu ahaa in la yagleelo dowladnimo mug leh oo wax ka badesha nolosha shacab weynaha. Waxaa mug iyo magac inoo keeneya, oo xusid mudan, Jama Karain Airport burco………iyo Abdi Bile Airport, laacaanood. Mohamed Ahmed Farah Mataan jaafaa@yahoo.no Ankara, Turkye. Qaran News
  20. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore qarax nooca miinada ah uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay ka soo baxayaan faah faahino dheeraad ah. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay sarkaal ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ee CID-da. Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), kaas oo la dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullahi Yuusuf Axmed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Warsame Yeey qaraxa lala beegsaday, xilli uu marayey bartamaha waqooyiga Gaalkacyo, inkastoo uu ka bad-baaday weerarkaasi. Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaarigiisa, iyada oo ay sidoo kale goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan qaraxaasi miino. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday xabsiga Boosaaso.
  21. Guddiga Gurmadka abaaraha ee ay magacaawday Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u ambabaxay Gobolka Gado si ay qiimeyn ugu sameeyaan xalaad abaar ee ka tagan gobolka Gedo. Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska , Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo masuuliyiin kale. Guddiga ayaa kulamo la qaadan doono waxgaradka iyo maamulka gobolka Gedo si ay ugu kuurgalaan xaalada abaaraha ee laga soo sheegaayo deegaanada hoostago Gobolka Gedo. View the full article
  22. THE HAGUE (HOL) - Somalia has said it is ‘deeply concerned’ by Kenya’s decision to pull out of the maritime case but argued Nairobi had no grounds to take such a move since the International Court of Justice had aceeded to most of its demands, Source: Hiiraan Online
  23. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saaka aroortii hore ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay sarkaal ka tirsan laanta dambi-baarista CID-da ee maamulka Puntland. Sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Warsame Yuusuf Axmed, kaas oo lasoo wariyey inuu ka bad-baaday isku dilka ah ee lala damacsanaa. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta tegay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan & qaraxyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. View the full article
  24. Wiil Soomaaliyeed, oo wade ka ahaa gaari nooca xamuulka qaada ah, ayaa xalay lagu dilay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka. Marxuumka ayaa lagu dilay suuqa Village Market ( Mall 24) ee magaalada Minneapolis, waxaana sida la sheegay dilay nin kale oo muran dhexmaray, inkastoo aysan Booliisku weli war dhammaystiran ka soo saarin dilkiisa. Booliiska Minneapolis, ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku wadaan dilka xalay loo gaystay wiilkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu koobay Xamse. Bilihii u dambeeyay waxa Gobolka Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay, gaar ahaanna magaalada Minneapolis ka dhacay dilal kala duwan oo loo gaystay dhalinyaro Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  25. After withdrawing its troops from Somalia, the United States said al-Shabaab’s capability to carry out full-scale attacks in Kenya have been significantly degraded. John Godfrey, acting co-ordinator for Counter-Terrorism and acting Special Envoy for the Global Coalition to Defeat ISIS said at a webinar on March 11, that the US in collaboration with Kenya had made progress in thwarting al-Shabaab’s ability to plan and execute attacks on Kenyan soil. “Besides strengthening the military capacity, we have been able to help Kenya build its judicial capacity to arrest and prosecute terrorists, which is part of civilian measures to fight terror. While the Manda Bay attack was regrettable, it is one of the isolated and diminishing instances,” said Mr Godfrey. Despite assurance by the US State Department, analysts are concerned that al-Shabaab is using the current lull in attacks against Kenya to recruit local sleeper cells for future attacks. Al-Shabaab staged a daring attack against Manda Bay camp in Lamu, killing three American servicemen in January 2020. There was speculation that the attack hastened the January 2020 withdrawal of 800 US troops in Somalia, who had been working closely with African Union Mission and the Somalia National Army to set up an elite Somali counterterrorism unit — the Danab Advanced Infantry Brigade. Last October, former President Donald Trump ordered for the withdrawal of US troops from Somalia in order to fulfil a 2016 campaign promise to bring US soldiers home from places like Afghanistan, Syria, and Germany. The State Department is still guarded on whether the Biden Administration would consider reversing the order and redeploying troops in Somalia as part of its revitalised plan against terrorism in Africa. The Webinar was organised to discuss the recent developments in US counter-terrorism efforts in Africa, including in the Lake Chad region, Mozambique, and the Democratic Republic of Congo. It came a day after the State Department designated the Islamic State of Iraq and Syria (Isis), DR Congo and Isis-Mozambique as foreign terrorist organisations under section 219 of the Immigration and Nationality Act. The Department has also designated ISIS-DRC and ISIS-Mozambique as Specially Designated Global Terrorists, while also designating respective leaders of those organisations, Seka Musa Baluku and Abu Yasir Hassan, as SDGTs.