-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Kulankaas ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tan doorashooyinka oo khilaaf adag uu weli ka taagan yahay, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas. โ๐๐๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐บ๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ผ๐๐ด๐ฎ ๐ ๐๐๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ถ๐ ๐ถ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ต๐ป๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ถ๐ต๐ถ ๐ต๐ผ๐ฟ๐ฒ ๐บ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ณ ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต ๐๐ ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐๐ต๐ถ๐ฟ ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ต ๐น๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ฒ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐๐๐ฏ๐ฏ๐ฎ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐ฃ๐๐ป๐๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐บ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ถ๐๐น๐ฎ๐ฎ๐บ ๐ถ๐๐ผ ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐ฆ๐ถ๐ฐ๐ถ๐ถ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐๐น๐น๐ฎ๐ฎ๐ต๐ถ ๐๐ฒ๐ป๐ถ. ๐ช๐ฎ๐ ๐ฎ๐ ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐๐๐๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐๐ถโ ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ต ๐๐ถ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ผ ๐น๐ฎ๐๐๐น๐ฎ ๐ผ๐ด๐ด๐ผ๐น ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ด๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ฐ๐ถ ๐น๐ฎ๐ต๐ฒ๐๐ฑ ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ด ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ๐ป๐ฎ ๐๐๐๐ฎ๐ป ๐ฑ๐ถ๐ฏ ๐๐ด๐ ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ป ๐ฏ๐๐ฟ๐ฏ๐๐ฟ ๐ถ๐๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ๐น ๐๐ผ๐ธ๐ฒ๐ฒ๐๐ฒ,โ ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale qoraal ku saabsan kulankaas oo lagu baahiyey bogga Facebookga ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, โMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganayhay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Kulanka waxaa ku wehelinayay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.โ Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay ka degan yihiin gudaha xeyndaabka Xalane, halkaas oo ay iyagu dalbadeen in la dejiyo, maadaama sida ay sheegeen aysan isku aaminin goob kale oo Muqdisho ka tirsan. Waxaa weli qabsoomi laโ shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la sheegay in gogoshiisa la dhigay Xalane, waxaana jira warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada taabacsan ay doonayaan in gogosha shirka loo soo wareejiyo Madaxtooyada. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga, waxaana weli dalka ka maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo sida la sheegay isna jira dalka Turkiga.
-
Ololaha ay Beesha Caalamku ugu jiraan sidii Doorasho uga dhici lahayd Dalka ayaa hada meeshii ugu dambaysay maraya iyagoo la kulmaya dhamaan Qaybaha kala duwan sรธer Siyaasiyiinta Dalka. Kulan maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqqor wuxuu siyaabo kala gooni gooni ah uu ula yeeshay Ergayga Gaarka ah re QM James Swan iyo Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto. Ujeedka kulanku wuxuu ahaa in Qoorqoor lagu adkeeyo inuu kasoo qaybgalo kulanka lagu balansan yahay isla markaasna uu qaybta kaga aadan uu ka qaato. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor oo Muqdisho kula kulmay James Swan iyo Donald Yamamoto appeared first on . Source
-
Kadib Markii ay Xoriyadda ka Qaateen Gumaystihii Ingiriiska 1963 (British colonizer) ayaa Waxa ay la Midoobeen Midowgii Maleesiya, Labo Sano kadib 1965 Raโiisul Wasaarihii Maleesiya Tunku Abdulrahman ayaa Shir-saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in ay Maleesiya Banaanka Usaartay Singapore โSingapore is Outโ iyadda oo markaa Sabab looga dhigay isku dhacyo Beelleed, kala Duwanaansho Siyaasaddeed iyo Dhaqaale Xumo ay markaa laddaalaa dhacaysay Singapore ayaa sabab Unoqotay in Dibada loo tuuro!. Raโiisul Wasaarihii Singapore Mr. Lee kuan yew ayaa Sacaadda yar kadib Saxaafada ka hor Ooyay isaga oo ka Murugooday sidda ay Malesia U tuurtay. Singapore waxay Wakhtigaa Laddaalaa dhacaysay Faqri iyadoona Hoy u ahayd Kanaceedda Dadkeeduna waxay la liiteen Xanuuno uu ugu Horeeyay Xanuunka Kaneecada (Duumadda) Siddoo kale Waxaa Dalka ku Noolaa Dad dhaqamo kala Duwan iyo Dhaqamo Baddan leh, Diimo kala Duwana Haysta โMultiracial and Multicultural Countryโ Dallal kala Duwana kasoo kala Jeedda sidda Chine, Maleys, iyo Hindi Raโiisul Wasaare Lee Kuan Yew Mar uu Dadkiisa la had-layay ayuu yidhi โSidduu Horumar ku Gaadhi Dal ay Dadkiisu Waddooyinka Qan-dhufta ku tufayaanโ Lee kuan yew wuxuu Halqabsi ka dhigtay Qandhuuf kaliya laakiinse Kawaran Haduu uu Ogaan lahaa Dhaqamadda Dadka Dalkeena Biyaha iyo Qashinka Waddooyinka ku shubaya Lee Kuan Yew wuxuu uguntaday siddii uu dalkiisa faqriga uga saari laha wuxuu ku waaniyay inay faraha kaqaadaan Siyaasadda oo ay wax lasoo baxaan wuxuuna yidhi wakhtigan waa wakhti shaqo Siddoo kale wuxuu soo aruuriiyay Dadkiisa intii wax baratay si ay Dadka wax ubaraan una sameeyaan Qorshayaal Horumarineed oo Dalkiisu Saboolimadda kaga baxo wuxuu soo dhawayeeyay Dhamaan Cidii Maalgashi rabta inay Dalkiisa ka Samaystaan Maaddaama oo aanu lahayn kheyraadka Dabiiciya oo Baddan โFew Natural Resourcesโ. Sanadkii 1967 Wuxuu Dowladda Israel ka Codsaday inay ka Caawiso dhisida Ciidankiisa si ay Maal-gashadayaashu iskugu halayn karaan Dalkiisa, Sanadkii 1968 Waxaa Maal-gashaday ku dhawaad 52 Shirkadood, 1971 Wuxuu soo Saaray Shirkadda Duulimaad-yadda ee Singapore Airlines oo ka midda Shirkadaha ugu Wanaagsan Aduunka, 1981 Wuxuu dhisay Madaarka Singapore Oo 2013 Noqday Maddarka ugu Niddaamka Wanaagsan Aduunka Singapore Maanta waxay ka mid tahay Dalalka Dunida ugu Dhaqalaha wanaagsan, Is-baddel ka Dhabta ah wuxuu ka yimaaddaa Guddaha Shacabka, W/Q: Abdikadir Yaqoub Hassan Deri Email: Kaadeer77@gmail.com Phone: 063-4454990 Qaran News
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa shaaciyay in ay maanta dib u soo furteen maxaabiis badan oo Al-shabaab kala baxday xabsiga weyn ee Boosaaso. Qoraal ka soo baxay Ciidanka xoogga Puntland ee PSF, ayay ku sheegeen in ay dib u soo furteen intii badnayd maxaabiistii laga fakiyay xabsiga Boosaaso, kadib markii Al-shabaab dhowaan halkaas weerartay. โCiidanku waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday.โ Ayaa lagu yiri qoraalkaas. Sidoo kale, Waxa qoraalka lagu xusay in ciidanku ay wadaan hawlgal lagu baacsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dib u soo furtay maxaabiis Al-shabaab kala baxday xabsiga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa markii u horeysay ka hadlay dacwadda Kiiska Badda oo shalay ka furmay Maxkamadda ICJ ee magaalada The Hague. Axmed Madoobe ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Jubbaland ay garab taagan-yihiin, sidoo kalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshanayno badeena ay muranka galisay Kenya. โWaxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunkaโ ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray โWaxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah.โ Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wada-jira, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland. Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa maanta markale ka sii socon doonta dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeyso, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena. Qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ, waxayna ku howlan tahay sidii ay kiiskan ugu gudbin laheyd Golaha Ammaanka ee QM.
-
PRESS RELEASE African Development Bank President calls for Global Vaccine Solidarity and Justice for Africa Acquiring vaccines has significant implications for African countries ABIDJAN, Ivory Coast, March 16, 2021/ โ African Development Bank (www.AfDB.org) President Dr. Akinwumi Adesina has called for vaccine justice for Africa. Speaking at the launch of the Bankโs African Economic Outlook 2021 report on Friday, Adesina decried the lack of Covid-19 vaccines reaching Africa. โWe need global solidarity and vaccine justice for Africa,โ Africaโs premier development bank chief said. Adesina underlined the stark disparities between vaccine acquisitions by several rich countries that have acquired sufficient vaccines to inoculate their populations twice over, and African countries, that remain primarily dependent on the World Health Organizationโs COVAX initiative for the minuscule quantities of vaccines acquired so far. Speaking on CNNโs First Move with Julia Chatterley on Friday, Adesina said: โSo far, 14.6 million vaccines have been delivered in Africa, but many people still cannot get shots in their arms. That is only 1% of what we need. We are way off the mark in terms of getting to 60% of herd immunity, and sadly, I do not see that happening for another year or two at this rateโ not unless things change.โ According to Adesina, โWe therefore need to improve Africaโs access to vaccines. COVAX is doing a great job but still, we need more. We need them in adequate quantity. We need them quickly and we need them at an affordable price.โ Acquiring vaccines has significant implications for African countries. As Adesina emphasized in a broader discussion with panelists at the launch of the African Economic Outlook 2021โincluding Professor Joseph E. Stiglitz, recipient of the 2001 Nobel Memorial Prize for Economic Sciencesโfor Africa, rapid vaccine acquisition is a matter of life and death. As elsewhere, Africaโs first priority is to prolong lives and preserve jobs. From an economic perspective, Stiglitz agreed with Adesina that the slow pace of acquiring vaccines and arresting the pandemic will make stemming extreme poverty and negative economic growth difficult. They agreed that a comprehensive global plan was needed to help countries cope with mounting debt, which the pandemic had compounded. Africaโs economy is expected to grow by 3.1% in 2021. However, 39 million Africans could be pushed into extreme poverty this year because of the pandemic unless the international community takes the kind of action that Stiglitz and Adesina are calling for now. The African Development Bank chief says: โas long as Africans remain unvaccinated, the world will go right back to square one.โ He said no amount of โvaccine passportsโ being advocated for by some developed countries could change that fact. โAfrica needs to develop its pharmaceutical industry and begin manufacturing. The African Development Bank is going to support African countries to do this,โ Adesina said. Supporting this position, Stiglitz said in his conversation with Adesina: โOne of the things that some of us have been campaigning for is the suspension of the intellectual property rights related to Covid-19 because the supply constraint that you describe is at least, to some extent, artificialโฆ If access to the intellectual property rights were more extensive, there is throughout the emerging markets and developing countries considerable capacity to produce a lot of more vaccines.โ He added that it was in the self-interest of advanced countries to make sure that everybody has access to the vaccine and other related medicines. โThe longer the disease festers in any part of the world, it can mutate and one of the things we know is that those mutations are not going to respect borders. The Covid-19 virus doesnโt carry a passport.โ Other notable African voices that have called for speeding up vaccine delivery to Africa are those of South African President Cyril Ramaphosa, WHO Director General Tedros Adhanom Ghebreyesus, and Director of the Africa Centres for Disease Control and Prevention, Dr. John Nkengasong. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku billowday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saacado kadib markii uu Muqdisho soo gaaray maanta. Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa labaduba si kala duwan kulmay Qoor Qoor waxyar un kadib markii uu yimid caasimadda. Qoraal ay madaxtooyada Galmudg kasoo saartay kulanka James Swan ayaa lagu yiri โMadaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ee QM James Swan ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.โ Madaxtooyada ayaa sidoo kale kulanka Yamamoto ka tiri โMadaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha Mareykanka Yamamoto ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.โ Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan iyo Yamamoto ay labaduba ku cadaadiyeen Qoor Qoor inuu aqbalo shirka ay beesha caalamka garwadeenka ka tahay ee ka dhacaya Xalane, oo shaki uu soo galay ka qeyb-galkiisa. Qoor Qoor oo ka mid ah madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee raacsan Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in diidmadiisa shirkaas, isaga iyo Lafta-gareen uu Farmaajo u adeegsanayo inuu shirka fashiliyo.
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in xukuumadiisa iyo shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin dooda Soomaaliya ku soo ceshaynaso badda ay muranka galisay Kenya. Qoraal uu soo saaray madaxweyne Axmed Madoobe ayuu ku yiri โWaxaan garab taaganahay qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda dacwada badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala carunta Maxkamada Cadaaladda Adduunkaโ. Madaxweynaha Jubaland ayaa shacabka Soomaaliyeed meel ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. โWaxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca baddeena taas oo ah masโuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallahโ ayuu yiri madaxeynaha Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka hadlay dacwadda badda appeared first on Puntland Post.
-
Sawirro: Qoor Qoor oo kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan. Qoor Qoor iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021. Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta la kulmay Danjiraha anjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Md. Yamamooto. Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article -
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Jubaland ay garab taagan tahay sidoo kalena rajo weyn ay ka qabto in Soomaaliya ay guuleysato dooda aan kusoo ceshaynayo baddeena ee ay muranka galisay dowlada Kenya. โWaxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunkaโ ayuu yiri Madaxweynahu. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. โWaxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallahโ ayuu yiri Madaxeynahu. View the full article
-
Mogadishu (HOL) - President Farmajo has received his first dose of the AstraZeneca-Oxford vaccine on Tuesday, a day after the first batch arrived in Somalia's capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhismaha wadooyin muhiim u ah Dalka. Heshiiskan ayaa qeyb ka qaadanaya dhismaha waddooyinkan oo lamma huraan u ah kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. 1- Waddada isku xirta Beled Weyne โ Galkayo oo dhan 327 km. 2- Waddada isku xirta Galkayo โ Garowe oo dhan 240 km 3- Waddada isku xirta Galkayo โ Hobyo oo dhan 241 km. 4- Wadada isku xirta Luuq, Ganane โ Dolow oo dhan 80 km. Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaal xooggan dhismaha marinada dalka oo ku bur buray dagaaladii sokeeye. Dowladda ayaa hadda ku guuleystay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhan 30-km, halka dhinaca kalena la guda geli doono jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo heshiiskii Qatar lala galay qeyb ka ah. View the full article
-
Maanta oo Talaado ah ayaa gudaha Soomaaliya laga bilaabay tallaalka Covid-19 oo shalay soo gaaray. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay tallaalka ka hortaga Caabuqa Covid-19 ee AstraZeneca. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka oo maanta laga bilaabay magaalada Muqdisho. Dowlad goboleedyada dalka ayaa igana maanta loo kala diray talaalka Covid-19. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka Covid-19 appeared first on Puntland Post.
-
Qaabka dacwada badda ay u dhaceyso: Iyadoo la raacayo qabanqaabada iyo abaabulka dacwada badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya ee ay goโaamisay in la dhageysto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ICJ), Soomaaliya waxa ay heli doontaa 3 (saddex) saacadood oo shalay ah (15-ka Maarso 2021) iyo saacad iyo bar maanta ah (Talaado 16-ka Maarso 2021), si ay u soo bandhigto dooddeeda afka ah. Sida ku cad warqadda diiwaan-hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee la qoray 11-kii Maarso 2021, Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 in ay u soo gudbiso maxkamada faallooyin qoraal ah (written comments) oo ku saabsan agabka (materials) dacwada badda ee ay soo gudbisay Kenya. Inta lagu guda jiro gudbinta faalooyinka qoraalka ah ee dacwada badda maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021, Soomaaliya waxaa laga yaabaa haddii ay ubaahato in ay ka faaโiideysato muddo kordhin gaaban oo dawada ah wixii ka dambeeya 6:00 maqribnimo si ay ugudbiso xog dheeraad ah sababtoo ah waqtigii ay qaadatay furitaanka aragtiyada kooxda qabanqaabada dacwada furtay darteed. Fursada ay heysato Soomaaliya si ay ugu guuleysato dacwada badda: In Soomaaliya ay hesho fursad ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ugu gudbiso faalooyin qoraal ah oo ay ku beeninayso sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 ayaa ah fursad dahabi ah (golden opportunity). Ogoow fursadan oo kale oo ay Kenya xaq u laheyd in ay hesho waa ay dayacday sababtoo ah Kenya iyada ayaa goโaansatay in aysan dacwada ka qeybgalin, sidaa daraadeed ma heysato Kenya fursad ay hadda iyo wixii ka dambeeya ku gudbisan karto faalo qoraal ama hdal afka ah oo ay ku beeniso agabka dacwada badda ee Soomaaliya ay gudbisay. Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay fursad u heysato in ay burburiso dhamaan qoraalada, cadeymaha xigashooyinka, sawirada xadka badda iyo dhulka ee ay Kenya sheegatay iyo wax alla oo ku saleysan doooda Kenya, si ay sare ugu qaadi karto fursad ah in garsoorayaasha maxkamada ay ka daadejiso doodeeda. Marka Soomaaliya ay gudbineyso faalooyinka qoran oo ka dhan ah dhamaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya, Soomaaliya waxa ay heysataa 2 fursadood; 1) in aysan jirin cid la doodeysa oo burin karta faalooyinkeeda qoraalka ah ee ka dhanka ah agabka dacwada ee ay la timid Kenya iyo; 2) in ay ugudbiso garsoorayaasha cadeymo qoraal ah oo taageeraya doodeeda. Ogoow markan waxa garsoorayaasha maxkamada ay isbar-bar dhigayaan ayaa ah agab (materials) dacwo oo cidda la timid (Kenya) aysan goob joog ahayn, tii oo ay dheer tahay in aan la cusbooneysiin (updated) inta dacwada ay socotay iyo faalooyin qoraal ah oo ay Soomaaliya dul dhigtay dhamaan agabka dacwada badda ee Kenya si ay u beeniso iyo Soomaaliya oo dood afka ah iyo mid qoraal ahba la shir tagtay. Maqnaashaha Kenya ee ah in ay lumisay fursada ah in ay xaq u laheyd sida Soomaaliya oo kale in ay gudbisato faalooyin qoraal ah oo ay ku naqdineyso agabka dacwada ee Soomaaliya ayaa fursad weyn siinaya Soomaaliya si ay u heli karto in ay guul ka gaarto dacwada badda. In Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda ee kala dhexeysa Kenya waxa ay uga xirantahay sida ay kooxda ku mataleysa Soomaaliya dacwada badda xoogga u saaraan in ay la yimaadaan doo mann-gal ah iyo cadeymo ay ku beninayaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya. Sababta arinkan ay muhiim u tahay ayaa ah in faalooyinka qoran ay ka saameyn badan yihiin 4-ta saac iyo barka ay Soomaaliya gudbinayso dood jeedinteeta dacwada badda ee afka ah. Hadii kooxda Soomaaliya ku mataleysa dacwada badda ay ahmiyad weyn siiyaan shaqada faalooyinka qoraalka ah ee lagu naqdinayo agabka dacwada badda ee Kenya, waxaa sare u kacaya saameynta ay ku yeelanayaan goโaan qaadashada garsoorayaasha maxkamada, markaa Soomaaliya waxa ay helaysaa fursad xageeda loo ridi karo goโaanka dacwada badda. Gabagabo: Kuma dhisna dacwada badda ee udhexeysa Soomaaliya iyo Kenya hab la dhihi karo dal hebel ayaa ku guuleysanaya dacwadan marka la eegayo qawaaniinta iyo xeerarka badaha, laakiin marka loo eego dacwadaha la midka ah tan hadda udheeysa Kenya iyo Soomaliya ee ay qaday maxkamada ICJ waxa ay u badantahay in Soomaaliya ay hesho gacanta sare. Laba arin midkood ayaaana taageeraya arinnkaas oo ay tahay in ay ku dhamaato dacwadaan goโaan qaadahsadeeda. Tan koobaad, waa in la saadaanlinkaray guusha Soomaaliya ee dacwadan markasta sababtoo ah hab-dhaqanka Kenya oo muujinayay cabsi weyn oo ka heysay in ay la dacwooto Soomaaliya. Marka aan sidaa leeyahay, Kenya waxa ay ku dooday in Soomaaliya ay badda ka heshiiyeen tii oo ay Soomaalida la taagantahay ICJ in aysan waxba kula heshiin โ dacwada badda waxaa kaxkamada ICJ ka furtay Soomaaliya. Kaba darane, Kenya waxa ay usheegtay maxkamada ICJ in aysan awood u laheyn (jurisdiction) in ay dacwadan qabato, dhageysato, goโaana kasoo saarto. Markii maxkamada ay ucadeysay Kenya in ay dacwada awood u leedahay in ay qaado, Kenya waxa ay laba mar codsatay in dacwada dib-loogu dhigo. Hadda, maxkmada waxa ay Kenya ka diiday in markii sadexaad codsigeeda dib loogu dhigo dhageysiga dacwada. Sidaa daraadeed, Kenya waxa ay goโaansatay in guuldaro ay xaqiijisay in ay la kulmi doonta in ay ka dheeraato (in ay ka maqnaato goobta ay ku guul dareysaneyso oo ah ICJ horteed). Tan, Kenya waxa ay ula jeedaa in ay raadiso wada kale in ay ku doodo mar kale in aysan ogoleyn goโaanka kasoo baxa maxkaada hadii ayada uusan siin guusha. Marka Kenya ay sidaa yeelayso waxa ay ku khamaareysaa nafteeda sababtoo ah waxa ay ogtahay in goโaanka maxkada uu sandulle ku yahay in ay aqbasho, laakiin hadda waa ay is mada-daalineysaa. Sababtoo ah goโaanada kasoo baxa ICJ ma lahan meel ka dambeysa oo lala aado. Tan labaad, Soomaaliya ayaa heysata fursad kale oo ah in dacwadaha badda oo noocaan oo kale ah ay ku wada guuleysteen dalaka lahaa ama qabay dooda Soomaaliya oo kale. Ma ogi hadii markaan ay maxkamada ICJ wax u goโaami doonto si ka duwan sida dacwadihii la midka ahaa tan Kenya iyo Soomaaliya. Laakiin ayada oo fursadahaan oo dhan ay jiraan waa in aysan Soomaalida is-dhigan oo dadaal wadajir ah la sameeyo. Dadaaladaa oo ay ka mid tahay in qof walba oo ah muwaadin Sooaamliyeed uu sameeyo wax alla iyo waxa uu karo oo u uku taagerayo in libin laga soo hooyo wacwada badda. Kii awooda duco kaliya waa in uu sidaa sameeyaa oo uu u duceeyaa dadka dacwada nagu matalaya in allaah u haleeshiiyo qodobada Sahlaaya in Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda, midkii aqoon u leh dacwadaha noocaan oo kale ah waa in uu ku kabaa aqoontaas, kii faalo ka bixinaya waa in uu ka bixiyaa dacwadan inta ay socoto faalo aanan niyadda ka jabinayn ummadda Soomaaliyeed ee shakiga la galiyay wax walba oo ku saabsan dalkooda iyo noloshooda. Qoraaga faalladan, Abuukaate (Avv.) Abdullahi Farah Barre, waxaad kala xiriiri kartaa facebook: facebook.com/abdullah.farah.50/
-
Sarkaal Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Walaalo yihiin oo Qarax lala beegsaday Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore qarax nooca miinada ah uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay ka soo baxayaan faah faahino dheeraad ah. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay sarkaal ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ee CID-da. Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), kaas oo la dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullahi Yuusuf Axmed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Warsame Yeey qaraxa lala beegsaday, xilli uu marayey bartamaha waqooyiga Gaalkacyo, inkastoo uu ka bad-baaday weerarkaasi. Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaarigiisa, iyada oo ay sidoo kale goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan qaraxaasi miino. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday xabsiga Boosaaso. Qaran News
-
Munaasabadda lagu daah-furayay talaalka COVID19 ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka XFS Fowsiyada Abiikar, Masโuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, bahda Caafimaadka iyo dadweyne kale. Wasiirka Caafimaadka Fowsiyada Abiikar ayaa lagu daahfuray talaalka Cudurka COVID19 oo la keenay Soomaaliya sidoo kale waxaa talaalka qaatay xubno kale oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir. Shalay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray qeybtii kowaad ee talaalka COVID19 oo noociisu yahay Oxford/Astrazenica, isla markaana loogu tala-galay inay qaatan illaa iyo 300,000 oo qof. Wasaaradda Cafimaadka XFS ayaa u mahadcelisay cidwalbo oo ka qeyb qaadatay in dalkeena lasoo gaarsiiyo talaalka cudurka deg degta u faafi ee COVID19. View the full article
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Somali security forces killed five al-Shabab militants on Monday in an intense clash with the fighters in the southern town of Mahaday, an official said on Monday evening. Source: Hiiraan Online
-
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 Farmaajo ayaa yidhi โMasuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.โ Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-1632021.mp3 View the full article
-
Xoggo tibaaxaya in Kenya lagala wareegi doono dekedda Mombasa+Sababta & Cida la wareegaysa? Dekedda Mombasa waa midda ugu mashquul badan gobolka Wasiirka maaliyadda Kenya Ukur Yatani ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kenya ay qarka u saaran tahay in Shiinuhu uu kala wareego dekedda weyn ee Mombasa sababo la xidhiidha deymaha badan ee lagu leeyahay kadib mashruuca uu Shiinuhu ku dhisay khadka tareenka. Wargeys maxali ah ayaa ku warramay Isniintii in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda Mombasa waa haddii Kenya ay ku guuldareysato inay iska bixiso deynta gaadheysa 3.2 bilyan oo doolar. Wasaaradda ayaa warkaas ku tilmaantay โmid waxbo kama jiraan ah oo marin habaabin ahโ Balse bayaan kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa lagu sheegay โGebi ahaanba ma jirto halista in Shiinaha ama dal kale uu la wareegayo dekedda dalkaโ Wuxuu intaas ku daray in deynta tareenka โaanan lagu bixin karin lacago kale ama ay bixiyaan haโyado kale iyadoo uusan ansixin baarlamankaโ Qaran News
