Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi Shafaana ayaa sheegay inuu ka bad-baaday isku dey dil oo la doonayey in lagu khaarajiyo, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda.

    Guddoomiye Shafaana oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in rasaastaas lagu furay maanta ay ku geeriyoodeen qof rayid ah iyo mid kamid ahaa ilaaladiisa oo ka tirsanaa nabad-sugidda NISA, sidoo kalena uu khasaaro ba’an kasoo gaaray gaarigiisa.

    Waxa uu sheegay in rasaasta ay ku fureen ciidamada Millateriga ee ku sugan kantaroolka Baraawe, taasi oo ku tilmaamay inuu ahaa isku-dey dil oo uusan garaneyn sababta keentay beegsigiisa, sida uu hadalka u dhigay.

    “Waxaa xabado la igu soo shubay ilaa 40 xabadood, ilaahayna waa iga bad-baadshay, dhacadaadaas ayaa maanta i qabsatay anigoo kusii socda xarunta shaqadeydeeda oo ilaahay iga bad-baadshay, waxaana meesha joogey taliyihii ciidamada millateriga qeybteeda Baraawe,” ayuu yiri Guddoomiye Shafaana.

    Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Millateriga ee Baraawe, Cabdiraxmaan Jimcaale oo ay idaacada VOA-da la hadashay ayaa sheegay in si ku talo-gal ah loogu furin rasaasta, balse ay jirtay warbixin gaari qarax ah oo la sheegay inuu kujiro degmada Baraawe.

    “Ku talo-gal uma weerarin sida runta ah waxaan raadineynay oo difaac ugu jirnay gaari qaraxa ah oo noocasa, guddoomiye maanu weerarin awal hore ayaa wareeri laheyn, degmadiisa iyo ilaalintiisa intaas oo sanadood ku jirnay, sidaasay wax u dhaceen oo qaraxaas magaalada ku jira ayaa howlihiisa ku jirnay,” ayuu yiri.

    Xaalada degmada Baraawe ayaa dagan kadib tacshiirada lagu furay gudoomiyaha degmada oo xiisad xoogan ka dhalatay, waxaana socda dadaalo lagu dejinayo dhacdadaas oo uu Shafaana ku doodayo inay aheyd isku-dey dil.

    The post Guddoomiye degmo oo ‘ka bad-baaday’ rasaas ay ku fureen ciidamada militariga appeared first on Caasimada Online.


  2. Xog-culus: Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo dhibsaday warar ku saabsan hubka ay soo iibsadeen oo la kashifay

     pl-1.jpg

     

    Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Puntland kuwaas oo si dhaw ula shaqeeya madaxweynaha maamulkas Saciid Cabdullahi Deni ayaa wada qorshe cusub kadib markii la ogaaday iney hub farabadan iibsadeen.

    Saddex kamid ah kuwa sida gaarka ah ugu qaabilsan dhinaca Hubka iyo rasaasta madaxtooyada Puntland ayaa dhaqaale badan ku bixinaya in aan la ogaan hub faraa badan oo ay iibsadeen kaas oo faafintiisa ay si weyn dhibsadeen.

    Xasan Shire Abgaal (Wasiirka Maaliyada), Xasan Cabdullahi Deni oo la dhashay Saciid Deni iyo Cali-Siciid Cabdulqaadir Jaamac (Saciid-Faadi) Mareeya Dekadda Garacad ayaa lacag badan u ballan qaaday in warbaahinta lagu qoray Wararka arimaha Hubka iyagoo warbaahino dhowr u ballan qaaday lacag hadii ay warar fiican oo lagu dabooli karo Arimahaas ka faafiyaan Puntland.

     

    Xasan Shire Abgaal, iyo Saciid Faadi ayaa lacag badan u ballan qaaday dhowr website oo wax ka qoray Arimaha Hubka, xidhiidhka Imiraadka iyo wada shaqaynta Xukuumada Deni & kooxaha mucaaradka Muqdisho gaar ahaan DamulJadiid.

    Shaqsiyadkan ayaa sidoo kale doonaya in warbaahinta ay baahiso inuusan jirin xidhiidh gooni ah oo kala dhaxeeya Puntland iyo dawladda Imaaradka Carabta.

    Dhanka kale waxaa jira in ay la aamusiyey dhamaan warbaahinada gudaha Puntland ku yaala ee sheega ama qora warar sax ah oo la xidhiidha dhaliilaha maamulka Puntland.

    Dhowr wariye, xarumo warbaahineed, iyo Baraha bulshada ayaa lagu xidhay magaalada Garoowe sababo la xidhiidha warar ay faafiyeen oo madxtooyada Puntland ay dhibsatay.

    Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowaan Baarlamaanka Puntland markuu warbixinta safarkiisii Muqdisho siinaayey u diiday warbaahinta iyo saxaafadda madax banaan inay tabiyaan dooda baarlamaanka.

    Madaxweynaha Puntland oo in muddo ah ku noolaa waddamada Khaliijka waxaa ka muuqda dhaqanka laga yaqaan dalalkaas Sida ficilada amar ku taagleynta, cabbudhinta, cagajugleynta, iyo in shaqsiyaadka kaliya ee la aaminsanyahay yihiin ehelka iyo qaraabada dhow ee madaxweynaha Puntland.

     

    Qaran News


  3. Ergay gaar ah oo ka socda dalka Qatar ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya.

    Ergaygan gaarka ah ayaa lagu magacaabaa Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani waxaana uu ku magacaaban yahay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.

    Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdishu, mana cadda muddada uu joogi doono.

    Ilo lagu kalsoon yahay oo codsaday inaan magacooda la shaacin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan ayaa u sheegay VOA in ergaygan uu kasoo qaybqaatay dhexdhexaadintii Taliban iyo Maraykanka.

    Qatar waxay xiriir dhow la leedahay dawladda Soomaaliya. Diyaaradda Qatar Airways waxay ka mid tagay diyaaradaha tirada yar ee caalamiga ah ee tooska u yimaada Soomaaliya.

    Xigasho: VOA Somali

    PUNTLAND POST

    The post Ergey ka socda dalka Qatar oo ku wajahan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  4. Kaalinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka qaadan karo xallinta xiisadaha dalka ka taagan ayaa loo arkaa rajada keliya ee laga leeyahay in dalka laga badbaadiyo colaad. Waxaana Rooble ku soo jeeda indhaha shacabka, siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka oo dhammaantood isaga u arka furaha guusha nabadda iyo xasilloonida.

    Dadka siyaasadda odorosa ayaa aaminsan in tan ay ka dhigan tahay fursaddii ugu dambeysay oo gebagebo u ah fursado xiriir ah oo uu Rooble hore u soo dayacay. Waa fursad uu si la mid ah sidii fududeyd ee uu siyaasadda ku soo galay ugaga mid noqon karo dadka faro-ku-tiriska ah ee raadadka taariikheed ee wanaagga ku suntan ka taga. Waase haddii uu garto awooddiisa siyaasadeed, kuna baraarugo filashada ballaaran ee shacabka rajobeelka ku dhaw ay xaggiisa ka qabaan. 

    Waxa ugu muhiimsan ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble maanta ku maalgashan karo dhaxal siyaasadeedkiisa wax-ku-oolka ah waa in uu la yimaadaa ka-go’naan iyo dhiirrasho aan labalabays lahayn oo uu ku qaato kaalin hoggaamineed oo siyaasadda iyo amniga dalka ah, si loo dhiso kalsoonidii ku burburtay damacii muddo-kororsiga ee ay madaxtooyadu ku dhaqaaqday. 

    Isku-soo-dhawaashaha hadda kala dhexeeya musharraxiinta iyo qaybaha bulshada oo yididdiilo nabadeed abuuray wuxuu ku sii jiri karaa in uu Ra’iisul Wasaaruhu isku muujiyo hoggaamiye u taagan xasilloonida, diyaarna u ah inuu qaato xuquuq walba oo uu dastuurku u siinayo samatabixinta dalka.

    W/Q: Abdiaziz Golfyare 

    The post Fursaddii ugu dambeysay oo hortaalla R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.


  5. PRESS RELEASE
    How to start online trading
    Dany Mawas explains key financial instruments that are great options for beginner traders to get started with
    LONDON, United Kingdom, April 28, 2021/ — Online trading is increasing in popularity as more people seek additional and convenient income options. To assist beginners kick off their trading journeys, Dany Mawas, Regional Director at INFINOX (www.INFINOX.com) – a globally recognised CFD and FX trading broker which operates in Africa – explains key financial instruments that are great options for beginner traders to get started with.

    Mawas says that while the market presents a vast array of earning potential, all beginner traders need to first understand the differences between FX and CFD trading, and that there are several factors to determine before deciding on their preferred trading instrument.

    FX Trading

    “FX is the abbreviated term for forex, and is the instrument for trading international currencies,” he says. “With markets reacting to daily geopolitical and economic affairs, the forex market is ideal for speculating on world events and taking advantage of trade opportunities.”

    Mawas points out that the forex market is exceptionally popular with traders and is the largest market in the world with more than $5trn traded everyday. This, he says, creates a hugely liquid market and makes it easy to enter and exit at the price you want to, therefore increasing trade opportunities for all types of trader. Additionally, forex instruments also provide a significant amount of leverage, and volatility, thus making it one of the most accessible instruments to trade.

    CFD Trading

    CFD or ‘Contract for Difference’ is a financial instrument used to make a profit on the price change of an asset without having to own it. As such, the trader doesn’t need to buy a particular stock or commodity to make a profit in the future. Instead, the contract between a buyer and a seller provides traders with the ability to trade on margin without owning an asset outright.

    The value and movements of a contract do follow the underlying asset, but note that it is not directly pinned to the price, which is why you might see slight differences between brokers. A CFD is a broad asset class, with traders able to buy and sell CFDs in the following:

    CFD Equities: These allow traders to trade the share prices of some of the world’s largest companies and most popular brands using smaller margin amounts. Furthermore, they allow traders to access global stock markets and take advantage of rising and falling share prices.

    CFD Indices: Indices are one of the most popular instruments to trade, and allow traders to buy and sell the value of the entire stock market in a single trade. They’re a great asset to speculate on world events as well as diversifying an investment portfolio.

    CFD Commodities: The world revolves around commodities and CFD commodity trading allows traders to speculate on the price of assets such as precious metals, energies or agriculture. As global events shape demand and supply, speculators will look to take advantage of trade opportunities or use them as a tool to manage their risk.

    CFD Futures: Futures contracts are standardised contracts with a fixed quantity, price and delivery location that serve as a legal agreement to purchase an asset at a fixed price in the future. Most commonly, futures contracts are used for trading commodities such as soybean, cocoa and crude oil, amongst others. They’re another great way to get exposure to popular markets.

    Factors to consider when choosing a trading instrument

    Mawas says beginner traders need to consider several factors before investing in their chosen instrument, including liquidity, volatility, low transaction costs and availability of information.

    “Liquidity refers to the ease in which traders can buy and sell their chosen instrument, with high levels of liquidity seen as easier to trade,” he explains. “The volatility of an instrument refers to its continuous rise and fall, with a highly volatile instrument favouring traders – owing to its higher risk and greater profit possibilities.”

    Mawas adds that traders should look for an instrument that features low transaction costs as this will allow them to generate greater returns. “One must, however, be aware that their preferred broker may charge a minimal trading fee depending on the instrument chosen.”

    “The best financial instrument to trade depends on several factors, and for beginners, their budgets should dictate the type of instruments they trade,” he says. “Traders should also choose a broker that not only offers them support by being easily contactable with a local presence, but also offers learning resources.”

    Another viable way to learn and kickstart your trading journey is via online community apps, such as IX Social. Here, traders can share knowledge, trades and experiences with like-minded people. Users are put in the driving seat with the latest news, community trending topics, top traders of the day and the latest prices all in one place.

    “Its easy-to-use functionality, coupled with an auto-copy feature allows you to automatically copy the top traders and receive the same results. This makes it the ideal platform for beginner traders to learn and grow,” concludes Mawas.

    Distributed by APO Group on behalf of INFINOX Capital.
    Access Multimedia Content

    SOURCE
    INFINOX Capital

    Qaran News


  6. Jilib Marka (Caasimadda Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka fuliyey deegaanka Jilib Marka oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

    Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu diyaarinayey saldhig ay halkaas ku lahaayeen Kooxda Al-Shabaab.

    Gaariga la burburiyey ayaa waxaa lagu sheegay noociisa inuu ahaa Saruf, waxayna wararka sheegayaan in la doonayo in lasoo geliyo Magaalada Muqdisho inkastoo aan la ogeyn bartilmaameedkiisa saxda ah.

    Howlgalkaan ayaa wuxuu dhacay aroortii hore ee saaka, waxaana ujeedka howlgalkaan lagu sheegay inuu ahaa burburinta fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib Marka.

    Taliska Ciidamada ayaa xusay inay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan fariisimo cusub oo ay horey ugu sugneyd kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

    Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo howlgalkii laga sameeyey Jilib Marka.

    a.png dd-1.png ffff.png s.png

    The post Sawiro: Ciidamada Danab oo burburiyey Gaari siday waxyaabaha qarxa appeared first on Caasimada Online.


  7. Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan ay saaka ka fuliyeen degaanka Jilib-marka  ee gobolka Shabeellada hoose.

    Taliska Danab ayaa shaaciyay in hawlgalkaas lagu gubay gaari qaraxyo siday kaas oo Al-shabaab doonayeen in ay hawlgalo ku fuliyaan islamarkaana ku dhibaateeyaan dad shacab ah.

    Gaariga la gubay oo noociisu ahaa SURF  ayay Al-shabaab doonayeen in ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho kadibna qaraxyo ku fuliyaan sida ay sheegeen saraakiisha

    Danab waxay sheegtay sidoo kale in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Jilib-marka halkaas oo gebi ahaanba Al-shabaab isaga baxeen.

    PUNTLAND POST

    The post Danab oo hawlgal qorshaysan ku gubay gaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.


  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa Caasimadda Online u sheegay in uu socdo diyaargarowga fadhigooda berri 1-da May 2021 oo ay ku dhageysanayaan khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeenkii Talaadada 27-ka April 2021 shaaciyay in uu kala hadlayo Sharciga jiheynta Doorashooyinka & dib usoo celinta wadahadalkii Afisiyooni ee Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir u socday.

    Waxaa jiro kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada daacadda u ah Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna ka hadlayaan jawabta ay ka bixin karaan haddii laga dalbado inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ah oo ay horey usoo saareyn.

    Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaannada dalka ka maqan ka dalbaday in ay degdeg usoo laabtaan kahor 1-da May 2021 si ay qayb uga noqdaan go’aanka codka gacan-taagga ah ee uu Golaha Shacabka ku laalayo Sharciga Jiheynta oo 12-kii April 2021 Villa Hargeysa ku ansixiyay kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya soo jeedisay in waqti dheereysi labo sano ah uu qalinka ku duugo Baarlamaanka balse tallaabadaas waxaa kahor yimid QM, AU, EU, IGAD, Musharixiinta, Siyaasiyiin & dhinacyo kala duwan.

    Kulankaan oo ah mid indhaha lagu wado waxa uu fure u yahay fadhiga wadahadalka maadaama 28-kii April 21 uu soo baxay shaki ka dhashay in kulanka Golaha Shacabka la horgeynayo Mooshin degdeg ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya balse waxaa arrintaas jiritaankeeda beeniyay Guddoonka Baarlamaanka oo xaanshi uusoo saaray ku muujiyay wax kama jiraanka warkaas.

    Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa go’aan weliba kadib dib ugu laabanayay Golaha Shacabka laga soo bilaabo July 2020 oo xilgaas ku beegan bilawgii shirarkii Dhuusamareeb ee sababta u ahaa in Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ay is afgartaan ilaa bishii September 2020 Muqdisho ku saxiixdaan heshiiska salka u ah arrimaha Doorashooyinka.

    The post Wararkii ugu dambeeyey kulanka Baarlamaanka ee Berri dhacayo appeared first on Caasimada Online.


  9. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR in ay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma sannadka soo socda.

    Go’aankaas waxa shaaciyay wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi.

    Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka.

    Dowladda Kenya ayaa bishii Maarso waxa ay Qaramada Midoobay  u sheegtay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof.

    PUNTLAND POST

    The post Kenya oo sanad kaddib xireysa xeryaha Dadaab iyo Kakuma appeared first on Puntland Post.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ee ka soo horjeeda muddo kororsiga Hay’adaha Dowladda Federaalka ayaa iska diiday inay ka baxaan Magaalada Muqdisho, sababo ku aaddan illaa iyo inta laga xaqiijinayo furitaanka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

    Ciidankan iyo Ciidamada Dowladda ayaa habeenkii Axadda ku dagaalamay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ciidamada Haramcad iyo Booliska Gobolka Banaadir ay weerareen hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

    Ciidankan ayaa gurmad ahaan ku yimid aagga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan oo dagaalku uu ka socday, waxaana horkacayay Saraakiil ay ka mid yihiin Faarax Xasan Xaashi (Faarax Jareer) iyo Liibaan Madaxweyne, waxayna ka tirsan yihiin Guutada 7aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

    Faarax Xasan Xaashi waa Taliyaha Ururka Gurmad ee Guutada 7aad, kuwaa oo ka hawlgala deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

    Guutada 7aad ayaa la rumeysan yahay inay fashilisay hawlgalkii Dowladda Federaalka ku dooneysay in lagu soo qabto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

    Xoogaga Ururka Gurmad ee Guutada 7aad ayaa haatan fariisimo ka sameystay Degmada Hodan, waxayna Saraakiisha horkaceysa si buuxdo uga horyimaadeen inay xeryahooda dib ugu laabtaan, sababo la xiriira shakiga la sheegay inuu soo kordhay.

    Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in lagu carqaladeeyo is afgaradka laga gaaray arrinta doorashada, isagoona Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba uga digay inay carqaladeeyaan amaba xilka ka tuuraan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    “Kama bixi doono fariisimaha aan ka sameysanay magaalada, haddii la rabo inaan ka baxno waa inay madaxda tagtaa Teendhada Afisyooni, oo halkaasina uu shirka wadahadalada ka furmo. Ninka ku fekeraya inaan xeryaha ku laabano, iyadoo aan heshiis la gaarin waa nin riyooday,” ayuu yiri Faarax Jareere.

    Dhanka kale Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo diidan muddo kororsiga ayaa iska diiday inay baneeyaan goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada.

    Ciidankan ayaa tan iyo habeenkii Sabtida ku sugan qaybo ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, ka dib markii ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayen Gobolka Shabellaha Dhexe.

    Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Saney Cabdulle Gaab ayaa horkacaya ciidamadan.

    Inkastoo Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ay horumar ka sameeyeen arrimaha taagan ayaa waxaa haddana muuqato in weli uu kala shaki jiro.

    Tani ayaa imaanaysa, xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu Arbacadii shalay ku baaqay in qoysaskii ka barakacay magaalada ay dib guryahooda ugu soo laabtaan.

    The post Ciidamada diidan muddo kororsiga oo ka hor-yimid inay Muqdisho ka baxaan appeared first on Caasimada Online.


  11. Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in dalka Hindiya loo dirayo sahay qiimaheedu dhan yahay 100-milyan ,si ay qeyb uga noqoto la-tacaalidda dalkaasi uu ugu jiro kororka kiisaska COVIDb 19.

    Duulimaadyada tagaya dalka Hindiya ee wada Sahayda ayaa lagu wadaa in ay  bilowdaan,iyadoo howsha daabulka ay socon doonto illaa todobaadka soo socda.

    Sahayda gargaarka ee la dirayo waxaa ka mid ah 1,000 haaman oo oksijiin ah, 15 milyan oo afgashi iyo hal milyan oo ah qalabka lagu ogaado baaritaanka degdegga  ah.

    Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu Hindiya caawiyo Ka dib markii Hindiya ay horay gargaar ugu dirtay Mareykanka xilligii uu la halgamaayey xalka cudurka Covid 19.

    PUNTLAND POST

    The post Mareykanka oo Hindya u diraya adeeg caafimaad oo lagu qiyaasay 100-milyan appeared first on Puntland Post.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa beeniyey warar sheegaya in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiiradiisa.

    Wararkan, oo aad ugu baahay baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey, ayaa lagu sheegay in Rooble uu doonayo inuu meesho ka saaro wasiirada ku dhow Farmaajo, xilli la tuhunsan yahay inuu khilaaf ka dhaxeeyo labada mas’uul.

    Hase yeeshee, Macallimuu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas.

    “Nin baa galab gaabkii maanta i soo wacay oo ii sheegaya in uu RW Rooble xilka ka qaadayo Wasiir X ,Y,Z . Aad baan ula yaabay waxaan ku iri Wasiiradaa aad ka hadleyso qaarkood baa kulan shaqo hadda kula jira Ra’isul Wasaaraha,” ayuu yiri Macallimuu oo qoraal soo dhigay facebook.

    Waxa uu intaas ku daray “Isla ninkii odayga ahaa baan I soo wacay Taraawiixda kadib ,wuxuu i leeyahay sheekada haddaan xaqiiqdeeda soo helay, Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiiradii aan galabta kuu sheegay ee X,Y,Z amray in ay deg deg isu casilaan oo waxaan sugayaa Live-kooda.”

    “Waxaan xaqiiqsaday in beentan hore aaney waxba ka duwaneyn tii galabta. Waxaan is weydiiyay wax aan jirin buunbuuniteeda maxuu ka helayaa ruuxaa mise Shayaadiintii la xirxiray bisha Ramadaan ayaa u soo wareegay Facebook iyo Twitter?”

    Rooble iyo Farmaajo ayaa aragti ahaa kala fogaaday kadib markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, iyo in dowladda ay weerarto ciidamada diidan muddo kororsiga ee ku sugan magaalada Muqdisho. 

    The post Maxaa ka jira in Rooble uu doonayo inuu xilalka ka qaado wasiiro ku dhow Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.


  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in dad gaaraya 79-qof laga helay cudurka Coronavis, kuwaasi oo lagu xaqiijiyey baaritaanadii u dambeeyay ee laga sameeyay deegaanadaas.

    Covid-19 ayaa markale si weyn ugu soo labo-kacleeyay deegaanada Somaliland, ayada oo laga deyrinayo xawliga faafistiisa, waxaana maalmihii u dambeeyay lasoo warinayaa in dad hor leh cudurkaas ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Boorama.

    Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu faro ba’an ku hayo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, isagoona sheegay in dadka u geeriyooday ay u badan yihiin waayeel.

    “Waxaad mooda in usoo kordhayo inta dambe gobol ahaan, gaar ahaan degmada Boorama oo caasimada gobolka ah, xaalada ahaan waxaa joogna waqtigii ugu cuslaa, iyada oo cidna waqtigeeda dhaafeyna haddana dhimashadu wey nagu badan tahay oo uu sabab u yahay Covid-ku, waana dadka waaweyn,” ayuu yiri Dr. Mustafe Muumin Muuse.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka uu soo ritay ee ugu geeriyooday magaalada Boorama cudurkaan ay u badan yihiin dadka waaweyn ee qaba xanuunada gaar ah, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay qaataan tallaalka cudurka oo kal hore la gaarsiiyey Somaliland.

    Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu faro ba’an ku hayaa Somaliland tan iyo markii uu dalka kusoo labo kacleeyay, waxaana guud ahaan cudurka laga helay 4,267-qof, halka ay u geeriyoodeen 269-qof, ilaa hadda inta la ogyahay.

    The post Dad badan oo Somaliland ugu geeriyooday COVID-19 appeared first on Caasimada Online.


  14. Ciidanka Booliska S/land oo dilay Libaax uu lahaa Warancade oo Xalay Hadal-hayntiisu Hargaysa qabsatay
    ol-300x169.jpg
    Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Daba gale ayaa Saaka Warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku dileen Libaaxii ka Baxsaday Beerta lagu xannaaneeyo ee uu leeyahay Cali Maxamed Warancade.
    Taliyaha oo sheegay in Ciidanka Boolisku ay tan iyo xalay baadi goob ugu jireen sidii loo qaban lahaa Libaaxan oo dhaawacay ruux haween ah markii uu ka baxsaday Beertii lagu hayay.
    Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu Shacabka Caasimadda Hargaysa u sheegay in caasimadu nabad tahay isla markaana la soo afjaray hadal hayntii ka dhalatay Habeenkii xalay Libaaxaas baxsadka ahaa.

    Qaran News