Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,885
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka socda Xukuumadda iyo Xubnaha Mucaaradka u saartay khalalaasihii iyo shaqaaqooyinkii ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka Muqdisho ku dhex maray .

    Rooble ayaa guddigan oo ka koobaan illa iyo 11 xubnood ayaa ka shaqeyn doona sidoo kale sidii ciidamada ka gadooday mudda kordhinta dib loogu celin lahaa Xeryaha ciidamada .

    Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga

     

    WhatsApp-Image-2021-05-04-at-04.00.16-76

    WhatsApp-Image-2021-05-04-at-04.00.19-76

    Source: goobjoog.com


  2. (SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka.

    Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo hore u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayey tan iyo horraantii 2018.

    Al-Ibrahim ayaa sidoo kale hore xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sannadii tegtay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha.

    Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabbihii.

    Amiirka ayaa hore madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyey ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii

    Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaarsiinta iyo taknoolajiyadda.

    Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, ayada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya.

    Source


  3. 1-3.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

    Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimaha doorashada

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  oo Qoraal uu soo saaray  ku sheegay in sidoo kale Dr. Mutlaq Al-Qahtani ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

    Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal”.

    Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka uga mahadceliyay booqashada u ku joogo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

    PUNTLAND POST

    The post Mahdi Guuleed oo la kulmay Ergayga Qatar appeared first on Puntland Post.


  4. Hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Wefti Safiirada UK u fadhida Somalia Hogaaminaysay

    Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga ay Hoggaaminaysay Safiirka Ingiriiska ayaa waxa ay ka wada hadleen hannaanka qabashada doorashada isku sidkan, tacadiyadda Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga Sharci darrada ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyey.
    Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa Wakiilada Beesha Caalamka u caddeeyey in aanay marnaba aqbali karin sii socodka tacadiyddan ka dhanka ah Murashixiinta Xisbiga WADDANI, iyaga oo hore ugu caddeeyey mawqifkooda War-Saxaafadeedkii dhawaan ay soo wada saareen Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI.
    Ugu dambeyn, Safiirka Ingiriiska iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa isla garowsaday muhiimadda ay doorashadan isku sidkan u leedahay Qaranka Jamhuuriydda Somaliland, isla markaana isla garwaaqsaday sidii caqabadaha oo dhan looga qaadi lahaa habsi u socodka doorashada.
    May be an image of one or more people, people standing and people sittingMay be an image of one or more people, people standing and suitMay be an image of one or more people, outdoors and treeMay be an image of one or more people and people sittingMay be an image of one or more people, people sitting and people standing

    Qaran News


  5. Somaliland: President Muse Bihi Receives UK Envoy
    mb-1.jpg
     
    The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, received a delegation from the United Kingdom, led by Ambassador Kate Foster.
     
     
    The delegation which was accompanied by the head of the British Office in Somaliland, Stuart Brown, met with the President and senior cabinet officials on Monday at the Presidency in Hargeisa.
     
     
    Ambassador Foster, who is making her maiden visit to Somaliland, thanked the President and the people of Somaliland for the warm welcome accorded to her and her delegation.
     
     
    The President and the United Kingdom delegation discussed areas of mutual interest, including strengthening the ties between Somaliland and the UK, good governance, democratic elections and aid.
     
     
    The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, briefed the delegation on the history of Somaliland and it’s progress since reclaiming it’s sovereignty after the demise of the union in 1991.
     
     
    The UK delegation is expected to meet with the opposition parties, civil organizations, and the National Elections Commission.
     

    Qaran News


  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke horeyna usoo noqday Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble ugu guuleysan karo inuu dalka ka qabto doorasho xalaal ah laguna wada qanacsan yahay.

    Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in guul uu Rooble ka gaaro doorashada dalka ay ku xiran tahay in marka hore dib u habeyn lagu sameeyo madaxda Hey’adaha Amniga Wadanka maadaama uu shaki soo kala dhex galay Saraakiisha iyo Taliyeyaashaa Ciidamada kadib dagaalki ka dhacay Muqdisho.

    Sharma’arke oo ka tirsan Aqalka Sare waligiisna aan kasoo qeyb gelin kulamadii uu afartii sano ee lasoo dhaafay yeeshay golaha u ka midka yahay ayaa xusay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u baahan yahay jawi xasiloon si uu ugu guuleysto waajibaadka culus ee loo igmaday.

    “Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto wadaxaajoodyadda loona maareeyo geeddisocodka doorashooyinka. Xaaladdaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hay’adaha amniga ah si loo mideeyo loona tayeeyo ciidamada,” ayuu  yiri Sharmaake oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

    Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa rumeysan in Rooble uusan wali u madax-banaaneyn go’aanadda qaar, waxaana ay ku booriyeen in si loo uu u helo kalsooni buuxda uu u baahan yahay isbedel uu ku sameeyay hay’adaha ammaanka oo ku milmay siyaasada.

    Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu hogaamiyo geedi-socodka doorashooyinka iyo qorshaha guud ee ammaanka qaranka inkastoo arrintaas laga muujiyey shaki.

    Weli waxaa shaqeyn la’ amarkii Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in ciidamada ay ka baxaan Muqdisho kuna laabtaan xeryahooda, waxayna weli labada dhinac isku hor fadhiyaan goobihii ay horey ugu dagaalameyn inkastoo magaalada Muqdisho ay dagan tahay maalmihii ugu dambeeyey.

    The post CC Sharmaake oo shaaciyey arrin Rooble ka caawin karta qabashada doorasho appeared first on Caasimada Online.


  7. Taajirka Bill Gates & Xaaskiisa oo soo afjaray Guurkooda+Siday isku barteen & Goortay aqal galeen+Xoggo kale

    bill.jpg
    Bill iyo Melinda Gates ayaa aqal-galay 1994

    Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda ayaa shaaciyay in ay soo afjarayaan guurkooda, kadib markii ay wada joogeen muddo 27 sano ah. Waxa ay sheegeen in “aanay u muuqan inay ka lammaane ahaan horumarkooda ka shaqeyn karaan”.

    “Kadib dedaal dheer oo ku aaddan xiriirkeena, waxaan go’aansanay in aan kala tagno,” ayay ku shaaciyeen baraha ay ku leeyihiin Twitter.

    Lammaanaha ayaa isbartay 1980-meeyadii xilligaas oo ay Melinda ku biirtay shirkadda Microsoft ee uu leeyahay Bill.

    Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn caalamka.

    Hay’adda ayaa balaayiin doollar ku bixisay la dagaallanka cudurrada iyo dhiiragelinta tallaalka carruurta.

    Lammaanaha oo kaashanaya maalqabeenka kale ee Warren Buffett ayaa billaabay ololaha Giving Pledge, oo ugu baaqa dadka dhaqaalaha haysta inay maalkooda ku bixiyaan samafalka.

     

    Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo dollar, sida ay shaacisay majalladda Forbes.

    Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuuraatka caalamka oo dhan.

    “27-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan korinay saddex canug oo aad u wanaagsan, waxaana samaynay hay’ad ka hawlgasha guud ahaan caalamka, dadkana u sahasha inay helaan noolal caafimaad iyo wax soo saar leh,” ayay ku sheegeen war qoraal ah oo ay wadajir u soo saareen.

    “Waxaan ka sii wada shaqeyn doonnaa hay’adda, balse nooma muuqata in aan lamaane ahaan horumarkeena ka sii shaqeyn karno wejiga xiga ee noolasheena”, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

    Sidee ayay isku barteen?

    Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York.

    Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix.

    Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay “faa’iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka”.

    Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda.

    Bill iyo Melinda Gates
    Bill iyo Melinda Gates

    Maxay tahay hay’adda Gates Foundation?

    • Lammaanaha ayaa hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation sanadkii 2000 ku asaasay magaalada Seattle
    • Waxa ay xoogga saartaa caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo isbedalka cimilada
    • Dhaqaalaha ay bixiso waxaa kamid ah 1.75 bilyan oo dollar oo ay ugu deeqday tallaalka iyo cilmi-baarista xilligan uu jiro Covid-19
    • Hantida hay’adda ayaa sanadkii 2019 lagu qiyaasay 43 bilyan oo dollar
    • Muddo sanado ah, Bill iyo Melinda ayaa ku bixiyay hay’adda lacag ka badan 36 bilyan oo dollar
    • Bill Gates ayaa sanadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayay Microsoft si uu xoogga u saaro hawlaha samafalka.

    Qaran News


  8. Boqor Salmanka Sucuudiga oo xilal Sarsare u magacaabay wiilkiisa & Xubno kale

    salmaan-300x158.jpg
    Boqor Salman

    Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka.

    Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo horeey u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayey tan iyo horraantii 2018.

    Al-Ibrahim ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sanadii tegtay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha.

    Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabihiis.

    Amiirka ayaa horey madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyey ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii

    Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaarsiinta iyo taknoolajiyadda.

    Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, ayada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya.

    AP

    Qaran News


  9. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo xubno ka tirsan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa shalay kulan saacado badan ah la qaatay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriisku u soo Magacowday Dalalka Somaliland & Soomaaliya, Marwo Kate Foster iyo Madax ka socota Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

    Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga ay Hoggaaminaysay Safiirka Ingiriiska ayaa waxa ay ka wada hadleen hannaanka qabashada doorashada isku sidkan, tacadiyadda Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga Sharci darrada ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyey.

    Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa Wakiilada Beesha Caalamka u caddeeyey in aanay marnaba aqbali karin sii socodka tacadiyddan ka dhanka ah Murashixiinta Xisbiga WADDANI, iyaga oo hore ugu caddeeyey mawqifkooda War-Saxaafadeedkii dhawaan ay soo wada saareen Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI.

    Ugu dambeyn, Safiirka Ingiriiska iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa isla garowsaday muhiimadda ay doorashadan isku sidkan u leedahay Qaranka Jamhuuriydda Somaliland, isla markaana isla garwaaqsaday sidii caqabadaha oo dhan looga qaadi lahaa habsi u socodka doorashada.

    • IMG-20210504-WA0022-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0021-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0019-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0020-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0017-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0018-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0016-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0015-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0014-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0013-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0012-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0011-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0010-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0009-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0008-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0007-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0006-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0004-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0005-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0003-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0002-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0001-1024x683.jpg
    • IMG-20210504-WA0000-1024x683.jpg

    Source


  10. Kismaayo ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurka Soomaaliya.

    Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Kaambooni iyo Buur-Gaabo oo ka wada tirsan gobolkaasi.

    Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku  billowday qarax, islamarkaana uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac.

    Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarka ay qaadeen dagaalyahanadeeda ayaa sheegtay inay ku dishay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

    Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku gubeèn gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

    Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay weli ku xoogan tahay.

    The post Weerar lagu dilay Askar Kenya ah oo ka dhacay Jubbada Hoose appeared first on Caasimada Online.


  11. (SLT-Washington)-Ergeyga dhowaan Maraykanka ay u magacabay Geeska Africa Jeffrey Feltman ayaa booqasho ku tegeya dhowaan wadamo ku yaal Geeska Africa.

    Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Blinken ayuu ku sheegey in Jeffrey Feltman uu booqan doono dalalka Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan tan iyo 13-ka bishan May.

    Ergeyga Gaarka ah ayaa la kulmi doona masuuliyiinta dowladaha waddamadan, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa saamileyda siyaasadeed ee dalalkan iyo kooxaha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya.

    Qoraalka uu soo saarey Xoghaye Blinken ayaa lagu sheegay in safarka Jeffrey Feltman ay hoosta ka xariiqeyso sida maamulka Mareykanka ay uga go’an tahay in ay hoggaamiyaan dadaallo diblomaasiyadeed oo wax lagaga qabanayo xasaradaha isku xidhan ee siyaasada, amniga iyo bani’aadanimada ee ka taagan Geeska Afrika, waxaana lagu xusay qoraalkaan in Ergeygan Gaarka ah uu xidhiidhin doono siyaasadda Mareykanka ee gobolka si loo gaadho yoolkaas.

    Mareykanka ayaa ku cadaadinaayey Ethiopia in ay soo afjarto colaadda gobolka Tigray oo soctay mudo lix bilood ah, waxaa kale saraakiisha Mareykanka ugu baaqeen Eretria in ay ciidamadeeda kala baxdo gobolkaas.

    Source


  12. (SLT-Qadar)-Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa xalay khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Qatar ee QNA.

    “Intii uu socday wicitaanka, waxay dib u eegeen xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo hababka sare loogu qaadi karo looguna horumarin karo, waxaa taas dheer inay ka wada-hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka QNA.

    Wakaaladda wararka Qatar ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada.

    Wada-hadallada ayaa imanaya ayada oo uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay ergey gaar ah oo ka socda dowladda Qatar oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani kaasi oo la sheegay inuu dhex-dhexaadinayo dhinacyada Soomaalida.

    Al-Qahtani ayaa la kulmay raysal wasaare Rooble, guddoonka labada aqal ee baarlamanka, madaxweyne goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee waxaa yaab leh in aanu weli la kulmin Farmaajo.

    Ujeedka ergeygan ayaa laga bixiyey fasiraado kala duwan. Taxliiliyayaasha qaar ayaa rumeysan inuu isku dayayo inuu wiiqo oo uu kala qeybiyo mucaaradka dowladda, halka qaar ay qabaan in soo diristiisa ay astaan u tahay in Qatar iyo Farmaajo ay sii kala fogaanayaan, islamarkaana Doha ay isku dayeyso inay saaxiibo cusub ku yeelato Soomaaliya.

    Source


  13. (SLT-Washington)-Nin hubeysnaa ayay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Mareykanku toogteen kaddib markii ay saacado isku horfadhiyeen albaabka laga galo xarunta CIA-da, sida ay sheegtey hay’adda dambi badhista Mareykanka.

    Ninkan oo aan la aqoonsan wali ayaa laga hor istaagay inuu gaadhi ku dhaafo albaabka xarunta CIA-da oo ku taalla bannaanka Washington DC isniintii shalay. Saraakiisha ammaanka xarunta ayaa sheegey inay isku dayayeen inay la xaajoodaan ninkan si uu isku soo dhiibo dhowr saacadood.

    Qoraal ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegey in nin watay gaadhi oo hubna u saarnaa uu soo abbaaray saraakiishii ammaanka.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in la dhaawacay ninkan, loona qaaday cisbitaal si loo daweeyo.

    Goor hore oo shalay ah ayaa afhayeenka CIA-du waxa uu sheegey inay la socdeen xaaladda ka taagneyd bannaanka xarunta oo ah goob ammaankeeda si weyn loo xakameeyo, dhowr boqol oo mitirna u jirta dhismaha weyn ee xafiisyada hay’adda ku yaallaan.

    Ammaanka xaruntan ayaa aad loo adkeeyey sannadihii dhawaa, xaruntan oo ku taalla xaafada Langley ee gobolka Virginia ayaa waxaa ku dhow wado aad u mashquul badan

    Dhacdadan ayaa waxa ay dad badan xasuusineysaa mar uu sannadkii 1993 nin u dhashay dalka Pakistan oo lagu magcaabijiray Aimal Kansi uu toogasho ku dilay laba ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda CIA-da halka uu sedex kalena dhaawacay xilli ay baabuurtooda ku jireen, ayna sugayeen in ay ku leexdaan xarunta hay’adda.

    Source


  14. Jeffrey Feltman oo ah Ergay gaara oo Aqalka Cad usoo diray inuu soo kormeero Geeska Afrika ayaa Tagi doona Dalalka Masar. Otoobiya, Eritrea iyo Sudan.

    Ergaygaan ayaa wuxuu dalalkaan kala hadlayaa Arimaha Bini’aadanimada iyo baahida ka jirta Dalalkaan ee ay sababeen Dagaaladu, wuxuu kaloo kala hadli doonaa Xiisada Wabiga Nile ee u dhexaysa Masar, Sudan iyo Itoobiya.

    Ergaygaan Gaarka ah wuu ka boodayaa Soomaaliya oo liiska uguma jirto Dalalka uu tagi doono.

    Puntlandi.com Nairobi

    58E80F72-DAD3-405D-9E1F-D3FA9E245B3D-750

    The post Maraykanka oo Ergayga usoo diray Geeska Afrika oo aysan Soomaaliya ku jirin appeared first on .

    Source


  15. Roobabka ma hiigaanka ah re ku hooray Deegaanada Puntland ayaa sababay in ay burburaan Buundooyin muhiim u ah isusocodka Puntland.

    Deegaanka Alxamdulilaah ee Gobolka Karkaar waxaa burburtay Buundada Qayaadsame, tasoo hada laga cabsi qabo inay gabi ahaan burburto, Buundadaan waxay isku xirta Bosaso iyo Qardho aad ayayna muhiim u tahay.

    Laamiga Sunijiif ee Gobolka Nugaal ayaa iyana burburtay waxaana Laamiga ka harsan wax yar, sida la xaqiijiyay kala bar ayaa Laamiga kala go’ay meel u dhow Sunijiif oo Dooxada ah, Gawaarida ayaa hada isku ciriirinaya qaybta ka hartay wadada.

    Hay’ada Wadooyinka Puntland wali kama ayasan hadal Khasaaraha Roobabku i gaysteen Laamiyada Gobolada Puntland.

    Puntlandi.com Garowe

    7905F850-35DA-4026-9F0C-E6E477CC5387-775

    The post Roobabka oo sababay in laga cabsi qabo in Bosaso iyo Garowe ay kala go’aan appeared first on .

    Source


  16. Wararka naga soo gaarayo deega hoostaga Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolanyo ciidan oo ka tirsan kuwa AMISOM .

    Ciidamadan ayaa waxa ay marayeen xilliga ay la kulmeen weerarka wadada isku xirta deeganada Kaambooni iyo buur-gaabo oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose .

     

    Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay Saaka xilliga weerarka uu dhacayay ay maqleen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac .

    Dhanka kale ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan , iyadoo ciidamada ka tirsan AMISOM ee weerarka lagu qaaday ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda dalka Kenya .

    Sikastaba ururka Al-shabaab ayaa inta badan weeraro dhabba gal ah ka fuliya deegaanada gobalka Jubbada Hoose .

     

    Source: goobjoog.com


  17. Magaalada Muqdisho waxaa Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa Ciidamo aan cidna ka amar qaadan kuwasoo sheegay inay kasoo horjeedaan Xukuumada Xilkeedu dhamaaday.

     Hogaamiyayaasha Ciidamadaan oo kala ah Janaraal Maxamed Siyaad Indhacade, Saadaq Joon, Cabdimaalik Ismaaciil, Saney Cabdulle iyo Cusmaan Xaadoole ayaa Xalay kulan ay isugu yimaadeen waxay ku gacan dayreen baaqyadii ahaa In Ciidamadu ay ka baxaan Magaalada isla markaasna ay faraha kala baxaan Siyaasada.

    Janaraal Indhacade ayaa lagasoo xigtay in kulankii Xalay ay isku afgarteen in ay joogaan Magaalada isla markaasna ay sugaan Amaanka Caasimada ilaa Laga arkayi in Raysal wasaaruhu uu Diyaar u yahay Isbadal dhab ah iyo wadaagayn dhab ah oo uu la samaynayo Mucaaradka.

    Waxaa muuqata inuu wali jiri kala shaki iyadoo ay maalmahaan suuqa ku jirto in Madaxweyne Farmaajo uusan tanaasulin balse uu doonayo inuu ku adeegto Raysal wasaaraha.

    Shakigaan waxaa iyana qaba Qaar ka tirsan Mucaaradka .

    Puntlandi.com Muqdisho

    2759A319-2560-4917-BE65-7E236C23957B-603

    The post Ciidamada Kasoo horjeeda Mudo kororsiga oo diiday inay ka baxaan dhufaysyada appeared first on .

    Source


  18. Midigar.jpg?resize=552%2C368&ssl=1

    Roobab mahiiggaan ah oo weli ka da’aya Gobollada Puntland, ayaa laga cabsi qabaa in ay gebi ahaanba gooyaan Laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo Boosaaso.

    Xalay waxa go’day buundada Qayaadsame oo ka tirsan degaanka Alxamdullilaahi ee Gobolka Karkaar, waxaana weli hakad ku jira isu-socodka gaadiidka kala duwan ee isaga gudba Bari iyo Karkaar.

    Sidoo kale, waxa sii go’aya hal seed oo ka harsan laamiga tuulada Sinujiif ee Gobolka Nugaal, gaar ahaanna dooxada loo yaqaan Midigar oo ku taal dhul biya-mareen ah, inkasto aysan weli la kulmin.

    Haddii uu wada go’o halka seed oo ka harsan laamiga Sinujiif, waxa gebi ahaanba istaagi doona isu-socodka gaadiidka Garoowe iyo Boosaaso, taas oo kala xiran ku keeni doonta Gobollada Puntland.

    PUNTLAND POST

    The post Seed ka harsan laamiga Sinujiif oo isna sii go’aya appeared first on Puntland Post.


  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran ee ka dhashay muddo kororsigii dowladda ayaa shalay ku shiray magaalada Muqdisho waxayna soo saareen dhowr qodob oo muhiim, sida aan xogta ku helnay

    Saraakiisha oo ay ka mid yihiin Indha-Cadde, Saney Cabdulle, Saadaq John, Cabdimaalik Ismaaciil iyo Cusmaan Xaadoole ayaa isku raacay in la dhowro amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin lana xaqiijiyo inaysan ka dhicin xabad, iyo wax kasta oo shacabka dhibaato u gaysan kara.

    Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April. 

    Saraakiisha ayaa sheegay in caqliga saliimka ah uu diidayo in ciidamada militariga ee sharciga ilaalinaya dib loo hoos geeyo taliyayaal ay dagaalameen oo ay cadaawad kala dhaxeyso, kuwaas oo dib u beegsan kara.

    Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga.

    “Waxaa tan lagu ogaan karaa in Rooble uu beddelo taliyayaasha ku lugta lahaa dagaalka iyo in kale,” ayaa laga soo xigtay xubno ka tirsan saraakiisha oo shirka ku qeyb galay.

    Ra’iisul wasaare Rooble ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo muujinaya inuu yahay mas’uul ka madax banaan Farmaajo, oo dhex-dhexaad ka ah arrimaha la isku hayo, wuxuuna ka aamusan yahay aargudasho durba lagu billaabay ciidamadii ka horyimid muddo kororsiga

    Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

    Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo.

    The post Xog: Saraakiisha ciidamadii diiday muddo kororsiga oo go’aano cusub soo saaray appeared first on Caasimada Online.


  20. On April 25, violence broke out in Somalia’s Mogadishu between different units of the Somali army, the police and mysterious militias. For two more days, skirmishes were reported in different parts of the city leading to residents fleeing their homes. The media reports and images were reminiscent of the 1991 civil war. Somalia was on the brink of violence again.

    To deescalate the political tensions that have engulfed Somalia and the violence in Mogadishu, President Mohamed Abdullahi Mohamed, also known as Farmajo, addressed the nation and requested the Somali parliament to rescind his two years term extension that was previously passed by the parliament. The president’s trade-off remarks brought normalcy back to the capital.

    Nevertheless, Somalia’s political and electoral crisis, the recent violence in Mogadishu and the fissure within the Somali army and police point to structural challenges undermining Somalia’s nation-building efforts.

    The political crisis and the violence have rendered Farmajo politically weak. Has Farmajo politically failed in Somalia ultimately? And what are the structural challenges awaiting whoever wins the next Somali elections?

    Farmajo’s idealism

    Ever since Farmajo, a dual Somali and U.S. citizen who was a New York State bureaucrat, was elected in 2017, he espoused nationalist policies and discourses – which resonated with the majority of the Somali people.

    After three decades of clan-based violence coupled with al-Shabab terrorism, Somalis were yearning for peace, good governance and stability.

    Farmajo, whose short tenure as a prime minister of the country was praised by the people, was the perfect candidate to stabilize Somalia.

    Indeed, his government conducted numerous administrative and economic reforms. The Somali army’s numbers increased with the establishment of lethal units like Gorgor and Haramcad brigades.

    Furthermore, the president maintained a low profile. He gave few speeches and avoided clan-based political discourses or engaging with the oppositions in diatribes.

    More significantly, the president embarked on centralization efforts. Somalia’s federal states, which function like quasi-independent states, are a big challenge in building a functioning and stable Somali state. The opposition of Puntland and Jubaland to Farmajo’s centralization policies resulted in the current protracted electoral crisis.

    Puntland and Jubaland have their own reservations about a strong federal government in Mogadishu. Indeed, Somalia – given its civil war experience and clan-based politics – doesn’t need a totalitarian government.

    Nevertheless, federalism, which should have brought cooperation in governance, became a political obstacle in state-building processes.

    There is no clear political hierarchy in the Somali federal system, and this has made the political differences worse. With the violence in Mogadishu, Farmajo’s idealistic politics and centralization efforts have come face-to-face with the realities of Somalia’s clan-based politics and federalism.

    Puntland’s realism

    The political fall from grace of Farmajo is a win for Puntland and Jubaland. Both Puntland and Jubaland have politically resisted and challenged previous Somali presidents.

    The political elites in Garowe and Kismayo have always been skeptical of the federal government in Mogadishu. It seems they have a deeper understanding of Somalia’s clan-based politics, which has evaded Farmajo’s attention, given his idealistic Somali nationalism.

    For the political elites in Garowe and Kismayo, Mogadishu is not only the center of the Federal Government of Somalia (FGS): it has become the hegemonic political center of a specific clan or clans. Together, Jubaland and Puntland are hell-bent on safeguarding their own political autonomy and interests against Mogadishu.

    Farmajo’s centralization efforts and strengthening of the federal government vis-a-vis the federal states were viewed as a threat in Puntland and Jubaland. The electoral crisis that has been going on for the last year is a “war” between Farmajo’s idealism and Puntland’s realism.

    Now that the army and the police in Mogadishu have been split along clan lines, it seems like Puntland and Jubaland are saying to Farmajo: “look, there is no functioning state in Mogadishu, to hell with your centralization.”

    Structural problems

    Nevertheless, from a sociological viewpoint, Somalia has structural issues hindering its state-building processes. The realities that Farmajo faces will not disappear when he leaves office, which may happen very soon.

    The biggest structural challenge is the federal system of governance in Somalia. The issue is not if the federal system is the ultimate solution but how to implement it.

    Does federalism entail the balkanization of Somalia along clan-based federal states? Is federalism the devolution, sharing or decentralization of governance or the federal government losing its political sovereignty to the federal states?

    These paradoxes have to be solved by the Somali political elites if federalism is to work in Somalia, or else secessions, rogue federal states and balkanization will always be a threat to the Somali state and political stability.

    Somalia also needs a unified national army and police. The recent violence in Mogadishu is an indicator that the Somali security sector is very weak and fragile. A properly trained army and police that is indoctrinated with national values and principles, and sanitized from clan politics is also a necessity. No state can function without a unified and disciplined national army.

    Finally, Somalia needs reconciliation talks on a national scale. The pain, trauma and grievance of the civil war still loom over the Somali body politics.

    At the foundation of the mistrust and disagreement of political elites is the unresolved traumatic legacy of the civil war. It is time to heal the Somali people through grassroots dialogue.

    On May 1, the Somali parliament rescinded the government’s two-year term extension. Both the international community, the United Nations office in Somalia and Turkey welcomed the decision.

    Moreover, the president handed over the mandate of the elections process to Prime Minister Mohamed Hussein Roble.

    The political tension in the country seems to be cooling down and elections are on the horizon. Nevertheless, Somalia’s incessant structural issues need to the resolved – either now or in the near future.

    Abdirashid Diriye Kalmoy is graduate student and a teaching fellow in the Sociology Department, Ibn Haldun University

    The post Has Farmajo failed politically in Somalia? appeared first on Caasimada Online.