Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. The successful conclusion of the talks between the leaders of the Federal Government of Somalia (FGS) and the Federal Member States (FMS) during their summit on 20-27 May in Mogadishu, Somalia, is an important step towards the holding of peaceful elections in line with the 17 September Agreement. In this regard, we welcome Prime Minister Roble’s endeavours pursuing constructive deliberations between the federal and regional leaderships. Elections should be held without delay. 

    In the next steps of the process, it is key that all parties continue the constructive engagement refraining from violence or any actions derailing the process. The EU stands ready to continue our support.

    Source: EU

    The post Somalia : Statement by the High Representative/Vice-President Josep Borrell on the successful conclusion of the FGS-FMS Summit appeared first on Puntland Post.


  2. Wixii dhacay ha noqdaan casharo lagu waano qaato: waa hadal ay Soomaalida siyaasiyiinta ah adeegsadaan marka dhibaato laga gudbo. Casharo lagu waano qaato oo aad u fara badan ayaa na soo maray, balse ma badna inta ku waano qaadata.

    October 15, 2002, waxaa shir ay gar wadeen ka tahay IGAD loogu qabtay siyaasiyiinta Soomaalida magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Xilligaas shirka uu furmayo, waqtigii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan la siiyay ee saddexda sanno ahaa waxaa ka harsan 9 bilood oo keliya.

    Si ka duwan shirkii Carta ee dhalay TNG-da Cabdiqaasim Salaad Xasan 2 sanno ka hor waqtigaas, shirkaan waxaa u dhan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, garabyada kale ee siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo weliba Dowladda KMG ahayd ee Cabdiqaasim.

    In kasta oo uu diidannaa shirka, haddana madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Eldoret u diray wafdi ay hoggaaminayaa RW Xasan Abshir Faarax (AUN) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq (AUN).

    Sida ay labadaan mas’uul sheegeen, dowladdii ay madaxdeedu ka mid ahaayeen waxay ku guuldaraysatay in ay meel mariso himilooyinkii Carta laga keenay oo ay ka mid ahayd in dalka 3 sanno kaddib doorasho la gaarsiiyo laba sababood dartood:

    1- Hoggaamiyayaasha mucaaradsan oo hubeysnaa
    2- In beesha caalamka taageero laga waayay.

    Soomaalidii ku shirsanayd Kenya waxay July 5, 2003 gaareen heshiis qeexaya nooca dowladda la dhisi doono iyo xeerka ay ku shaqayn doonto balse waxaa qaadacay oo diiday inuu saxiixo madaxweyne Cabdiqaasim asagoo sheegay in dowlado shisheeye ay dabada ka riixayaan in Soomaaliya la kala jarjaro, in lala dirirsan yahay dhaqanka Soomaalida, Carabina aan axdiga lagu xusin.

    Xilliga uu Cabdiqaasim shirkaas socday 7 bilood uu qaadacayo, Nairobina uu ka dhoofayo, waxaa dhicitaanka muddo xileedkiisa ka dhimman bil iyo 7 maalmood (August 12). Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir waxay ku eedeeyeen Cabdiqaasim inuu doonayo muddo kororsi, sidaasna uu u qaadacay shirka, balse ay ayagu TNG-du wakiil ka yihiin, beeshana caalamka ayay ka codsadeen in dhammaan xubnaha baarlamaanka ka jooga Xamar la soo raro.

    Sida la filayay August, waxaa fadhiistay baarlamaanka oo lagu muransanaa kooramkiisa, guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa ku dhawaaqay muddo kororsi, madaxweyne Cabdiqaasim-na wuxuu sheegay in baarlamaanka uu jiri doonno illaa doorasho xur iyo xalaal ah dalka laga gaarsiinayo. Isla bishii August, baarlamaanka ayaa xilkii ka xayuubiyay Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow kaddib markii ay muddo kordhintii diideen. 

    Beesha caalamka cadaadis adag ayay saartay madaxweyne Cabdiqaasim, sidoo kale Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir waxay Nairobi ku soo bandhigeen 132 xildhibaan oo ka mid ah 245 xildhibaan ee baarlamaanka, 32 wasiir oo dhamaantood sheegay in ay muddo kordhintu diidan yihiin.

    Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu bedelay xildhibaanadii ka hor yimid, wuxuuna guddoomiye baarlamaan ka dhigay xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow, halka uu RW u magacaabay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ahaa. In kastoo ay TNG-du qeybsantay, haddana Winston Tubman oo ergayga Qaramada Midoobay ahaa iyo Ambassador Kiplagat oo shirka hoggaaminayay, marna shirka uma hakin diidmada Cabdiqaasim.

    Dec, 2003, Cabdalla Deerow Isaaq ayaa sheegay inuu isaga uu madaxweyne yahay, xilkiina uu ka xayuubiyay Cabdiqaasim. Waxaa sidoo kale soo baxay Cabdinuur Darmaan oo madaxweynenimo sheegtay, oo markii dambena la wareegay Guddoomiyii cusbaa ee Baarlamaanka Mustaf Mukhtaar Guudow!

    Col. Cabdullaahi Yuusuf oo noqon doona madaxweynaha DKMG ah wuxuu ka faa’ideystay maqnaanshaha garabka TNG-da Muqdisho, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay howlaha shirka.

    Cadaadis dheer gudaha iyo dibadda ah kaddib, madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu ku qancay in muddo kororsiga uusan sii jiri karin, wuxuuna February 2004 aqbalay heshiiskii uu diiday, kaddib markii uu baarlamaanka geeyay, ayna ansixiyeen. 

    Siddeed bilood kaddib, madaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo xilka looga guuleystay, ayaa garoonka Kasarani ee Nairobi ku aqbalay natiijadii uu ku soo baxay Col. Cabdullaahi Yuusuf. Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu tanaasulay wareeggii koowaad kaddib markii uu galay kaalinta 5-naad, halka Maxamed Qanyare Afrax uu galay kaalinta 3-aad!

    Casharo!

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

    The post Taariikhdii Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf oo mar kale dib isu qoreysa appeared first on Caasimada Online.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kadib markii maalin ka hor la kala saxiixday heshiis doorasho oo rasmi ah, waxayna isku raaceen inay sii jiraan.

    Kulankii maanta ee xubnaha Midowga Musharaxiinta waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin aayaha dambe ee golaha iyo doorkooda ku aadan fulinta heshiiskii la gaaray, waxayna soo dhaweeyeen heshiiska laga gaaray khilaafkii doorashooyinka dalka.

    Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u faahfaahiyey waxyaabihii ay kulankaas uga wadahadleen ayaa yiri, “Waxaan maanta qabsanay shirkii ugu horeeyey kadib markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka. Waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynaynaa heshiiskaas, waxaana cadeyneynaa inaan u taaganahay fulintiisa inaan ka qaada doono kaalinta nooga aadan.”

    Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkooda maanta ay uga hadleen qodobo ayaga si gaar ah u khuseeyey, isla markaana ay ka doodeen sidii ay u meel mari lahaayeen kaalintooda, isagoo xusay in golahan uu sii jiri doono.

    “Goluhu waxa uu ka dooday oo isla meel dhigay in dadaalkii iyo howlihii uu waday ee ku aadanaa dowlad dhisidda Soomaaliyeed heshiiskaas kadib aan lagu kala tegin, isla markaana dadaalkoodu uu sii soconayo, ilaa dalka doorashadiisa ay ka meel mareyso,” ayuu yiri Daahir Geelle.

    Sidoo kale Daahir Geelle waxa uu sheegay in shirkii maanta ay ku go’aamiyeen in mahadcelin ballaaran ay u jeediyaan ciidanka Qaranka, madaxda dowlad goboleedyada, ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan intii ka hor tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    “Dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay shalay maanta ku ilaawaan, oo wixii dhacay laga gudbo, isla markaana loo jeesto aayaha berito, waxaana bogaadineynaa dadaalladii lasoo sameeyey, waxaana balan qaadeynaa in danta bulshada Soomaaliyeed aan mar kasta u tanaasuli doono,” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle.

    Hoos ka Daawo

    The post Midowga Musharaxiinta oo kala caddeeyey inay sii jiri doonaan iyo in kale + Video appeared first on Caasimada Online.


  4. Muqdisho (Caasimada Online) –Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada dhinaca garoonka Aadan Cadde.

    Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa ka dhacay meel aad ugu dhaw Hotelka Afrik, welina ma cadda cidda lagu bartilmaameedsaday.

    Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay qaraxaas, sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya bartilmaameedka qaraxaas.

    Faah-faahin dhameystiran goordhaw kala soco Caasimada Online Insha Allaah.

    The post DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  5. Waxaa Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu dhameeyay khilaafkii ka dhashay fulinta
    heshiiskii 17 September 2020, si loo saxiixo heshiiskaan waxaa lagu balamay shir ay ahayd in uu furmo 8:00 subaxnimo laakiin taa badalkeeda furmay ku dhawaad 3:50 galabnimo, sababta dib u dhaca keentay ayaa ah in xiritaanka shirka la madlay iyada oo aan la turxaan bixin dhamaan caqabadihii jiray. Tani waxa ay tusaale u tahay sida aan si dhab ah loogu lafagurin dhamaan caqabadaha jira iyo sida aan diyaarka loogu hayan in wax kasta si dhab ah loo turxaan bixiyo.
    Fulinta heshiiska la saxiixay waxaa uu wajihi karaa caqabdo keeni kara in uu turaanturoodo waxaana ka mid ah caqabadahaas:
    1. Niyad sami la’aan :
    Dhaqan galinta heshiiski 17 September caqabadda ugu wayn ee uu wajahay waxaa lagu tilmaami karaa in ay meesha ka baxday niyad samidi dhinacyada dhexdooda ahayd iyo in aanay jirin daacadnimo keeni kartay dhaqan galinta heshiiska waana sababta keentay in uu dhaqan gali waayo. Heshiiska 27 May miro dhalkiisa waxaa asaas u ah daacadnimo iyo niyad wanaag, waana mid saaran dhamaan dhinacyada siyaasadda oo ay ugu horeeyaan
    saxiixayaasha heshiiska, sababtoo ah waxa ay sal u tahay fulintiisa.
    2. Labadada deegaan doorasho:
    oo ah arrin aad u adag in la dhaqan galiyo una baahan dadaal iyo hawl adag sababo la xariira:
    2.1 Amniga : Magaalooyinka qaar amnigooda maahan mid laysku halayn karo,
    stusaale magaalada Baraawe dhinac kasta waxaa ka xiga shabaab marka laga reebo dhanka Badda sida kaliya ee lagu gaari karana waa in la adeegsado Doon ama Diyaarad, diyaaraduhuna waxa ay tagaan isbuuciiba labo mar, inta aanay soo
    daginna ciidamo badan ayaa lagu daadiyaa dhul qiyaasti ah 8 Km oo is ku weer
    ah, si looga hartago in la beegsado diyaaradaha, taas oo ah mid aan sahlanayn
    marka la eego is ku socodka oo aad u kordhaya maalmaha ay doorashadu
    qabsoomayso iyo ka horba.
    2.2 Siyaasadda : Gedo iyo Balad-weyne, siyaasad ahaan waxaa ka jira culays, arrinta
    Balad-weyne heshiiskaba laguma xusin, halka midda Gedo la xusay in guddi ka
    kooban Dawladaha Xubnaha ka ah federaalka oo aanay ku jirin Jubaland
    ay xalinayaan muddo 30 casho ah, marka la eego culasyka arrintaan iyo kalsooni
    dirada jirta maahan mid sahlan in muddadaas looga farxasho, iyada oo la ogyahay in Garba-haaray ay gacanta ku hayaan xoogag aan hoos tagin maamulka

    Jubaland, iyada oo ay doorashada maamulyaan Guddi uu soo magacaabayo
    Madaxwaynaha Jubaland .
    2.3 Dhaqaalaha : Qarashka ku baxaya doorashada waxaa lagu qiyaasay $40 Milyan,
    dawladda Soomaaliya waxa ay bixinaysaa 10% oo u dhiganta 4 Milyan, dhaqaale
    ahaan qarashka ku baxayo in doorashada lagu qabto labo magaalo maahan mid
    sahlan wasiirka maaliyadda ayaa horay u sheegay in dhaqaalo ahaan wadanku
    sagxadda yaalo, taas oo muujinaysa culayska dhaqaale ee jira iyo sida ay tahay in
    wax loo beeqaamiyo.
    3. Tirada ergada :
    Tirada dooranaysa xildhibaan kasta kordhinteeda waxa ay caqab ku tahay hirgalinta heshiiskaan, sababtoo ah ergadii 2016 waxa ay wajaheen culays xagga amniga ah, oo ay qaar ka mid ah ku waayeen noloshooda, walina way taagan tahay caqabadaasi, waana muhim in aan dhibka la siyaadin haddii aan la xalin karin, iyada oo taa la og yahay in ergada la laba jibaaro waa arrin culayskeeda leh.
    4. Xulista ergada :
    Soo xulista ergada waxaa ka wada shaqaynaya odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka, qaabka ay u wada shaqeeynayaan kaalinta bulshada rayidka, midda dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo tan guddiyada farsamo lama
    caddayn, lamana sheegin kaalinta jiho kasta, waana mid caqabad ku noqon karta fulinta
    heshiiska ugu yaraanna abuuri karta ku takri fal iyo gacan toogaalaysi.
    5. Guddiyada Maamulka Doorashooyinka :
    Heshiiskaan waxaa lagu xusay in laga saarayo guddiyada cid kasta oo cabasho laga qabo ka dib marka uu qiimeeyo Ra’iisal-wasaaraha iyada oo aan la sheegin halbeega lagu dhisayo.

    Magacaabista guddiyadii doorashada ee la xusay in wax laga badalayo, waxa ay ahaayeen caqabadihii ugu horeeyay ee uu wajaho heshiiskii 17 September, natiijada ka dhalatayna waa in la dhiso Madashada Midawga Murashaxiinta.
    6. Muddada Hirgalinta Doorashada :
    Sida ku cad heshiiska doorashada waa in doorashadu ku dhacdo 60 casho gudahood, waqtiga sidaa u kooban labo deegana in laga hirgaliyo doorasho ma ahan arrin maan gal ah marka la eego tirada guddiyada farsamada, xalinta khilaafka ka imanya qaybinta ergada, diyaarinta.

    ciidamo suga amniga goobaha doorashada iyo magaalooyinka qaar oo aan u diyaar sanayn in lagu qabto hawl leh xadigaan oo kale.

    Guddiyada hirgalinayo doorashada qaarkood aan wali la magacaabin, suuragalna ay tahay in aanay la hayn khibrad hore oo la xariirta doorasho is waydiintu waxa ay tahay muddadaan ma ku filan tahay in la tababaro kadibna ay qabtaan hawsha loo idmaday.
    Heshiiska oo wajahayo caqabado badan, sida arrinta gado iyo Balad-Wayne, abuuridda
    kalsooni dhinacyada dhexdooda ah, helista qarashka ku baxayo doorashada oo intiisa badan laga sugayo gacan shisheeye, ilaalinta qoondada haweenka.
    Dhamaan arrimhaasi oo dhami waxa ay muujinayaan doorashada in lagu dhaqan galiyo muddo 60 casho ah, in aany ahayn mid ka tarjumaysa xaqiiqda jirta, waxa ayna tusaalayn u tahay in aan muddada Fulinta heshiiska lagu dhisin waxa jira.
    7. Arrinta Soomaaliland :
    Waxa ay caqab ku ahayd hirgalinta heshiiska 17 September, waana midda keentay in saacado
    uu dib u dhaco saxiixa heshiiska 27 May, qayb ka mid ah guddiyada maamulayo hirgalinta doorashada Soomaaliland waxaa soo magacaabayo Ra’iisal-Wasaaraha in xubnahaasi lagu kalsoonaado waxa ay u muuqan kartaa caqabad si dhab ah u wajihi karta fulinta heshiiska.
    8. Amniga Doorashada :
    Amniga doorashada waxaa mas’uul ka ah guudi ka kooban 9 qof, oo ay xubno ka yihiin
    Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyo Taliyaha.
    Booliska AMISOM. Taliyayaasha Booliska seddex ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah
    Federaalka waxaa magacaaba taliyaha booliska federaalka taas oo ka dhigaysa mid ku noqon karta caqabad fulinta heshiiska haddii aan si niyad sami ku dhisan loo maarayn.
    Ugu danbayn fulinta heshiiskaan iyo ka gudubka caqabadaha ku xeeran waxaa sal u ah niyad sami, doonis dhabah iyo ku lamo joogtaha ah oo lagu xalinayo caqabadaha ku hor gudboon fulinta heshiiska.

    WQ Guray Saciid

    Source: goobjoog.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa si gaar ah loogu faah-faahiyey qaabka looga heshiiyey arrinta Gedo, oo qeyb ka aheyd qoddobada ugu adkaa ee heshiiska laga gaaray.

    Golaha ayaa go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay.

    Madaxda shirweynihii doorashada ayaa go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

    Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u saareen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.

    Madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, kuwaas oo lagu wado inay usoo gudbiyaan guddiga dib u heshiisintu.

    Shaqada loo igmaday guddiga dib u heshiisiinta Gedo ayaa lagu sheegay inay tahay dhameystirka qorshada xasilinta gobolka iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey oo loo muddeeyay muddo 30 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabo, sida ku qoran war-murtiyeedka.

    Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sugaya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.

    Heshiiska laga gaaray arrinta Gedo ayaa inta badan waadaqsan soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

    Waxaa xusid mudan in heshiiska doorashada ee qeybta ka tahay arrinta Gedo in la gaaray ayada oo ka maqan yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, oo ay xiisada gobolkaas si gaar uga dhaxeysay Axmed Madoobe.

    Si kastaba, dalka ayaa u jiheystay dhanka iyo doorasho kadib is-qab-qabsi badan oo ka dhashay khilaafkii doorashooyinka oo kal hore caasimada ka riday qalaalase amni.

    The post Xalka arrinta Gedo: Kaalinta Rooble, Axmed Madoobe iyo AMISOM (Faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.


  7. Recent history has been kind to Somalia. The country is more political aware than anyone living can remember and gives reasonable hope political concerns will be overcome. In no small part is gratitude owed to the government who has secured faithfulness to the opposition politicians and civil society groups.

    It would have been unthinkable only a few years ago, that Somalis can reconcile that abruptly.  

    In light of these achievements and positive news can we draw inspiration from, it is incumbent on us to reflect on how easily these gains can fall through our grasp.

    I write this not to chastise or berate anyone but only to consider the possible outcomes from the latest developments in our country.

    Several weeks ago I debated some of the government policies with a business associate and neither of us succeeded to convince the other. So when I later followed up to ask for his services he was shocked, to say the least. In his view, this was highly unusual since differences of opinion were cause for severing ties with someone completely. 

    I highlight this instance not to draw attention to myself, indeed I believe putting aside opinions is the fiber from which any democracy is weaved from. Prosperity for us and future generations in this country depends on our ability to separate the idea from the person and to do so involuntarily, as a habit. So I disagree with my associate, yet that does not prevent us from moving forward anywhere else. And when we adopt this mindset, other advancements will follow.

    My view is that local entrepreneurs who for years have been struggling with security, stability, and opportunities in our country are now able to access what others around the world take for granted. If we wish this trend to continue we must adopt the best practices which support this foundation. In my view, this is the ability to drop our concerns in service of the nation. We must accept those who have differences of opinion and work forward on the areas where we are united. 

    If it were only so simple that these arguments were isolated and scattered. The mentalities of tribal affiliation and personal ambition affect everyone, even at the highest levels of government. This is understandable due to our history, of course, but though it may explain it does not justify it. We must move beyond a siege mentality that seeks to justify actions taken in times of duress and replace it with one of dignity and honor that seeks to do the right thing at all times. It may be an unattainable ideal but it is one worth aiming for.

    This is also the path for the elite politicians to fiercely guard if they must retain their role as vanguards of the nation. The actions taken by the government have given me pause, as I cannot help but wonder how they compromised their general policies and the democratization process that the Parliament has passed to implement it in 2 years for the sake of the country and to satisfy the elite politicians. 

    There is no shortcut to building a resilient nation we can all call home. Checks and balances on executive power must be observed without exception. The leader must represent all tribes without favor to one or another. 

    And here I recall my recent exposure to the game of chess. The first few times I played it was with great frustration my plans were checked by an aggressively clever opponent. But over time I came to learn the decisive element in chess is patience, one must come to understand how his opponent thinks rather than rush to destroy him mercilessly. I believe this level of patience is right now lacking in the minds of the political elite and we would do well to reacquaint ourselves with this indispensable virtue. 

    In every democracy that has endured the test of time, a rules-based order remains. These rules were not merely written down and acted on as though by dictate. Instead, it took many revisions based on experiences that came to challenge the initial conceptions of those early founding fathers. What enabled them to continue their fledgling democracies was the patience to return to the democratic forum and revise again and again until they could get it right. 

    If we wish to reap the fruits of democracy we must take the time to sow the seeds and take care of them as we would in any other domain in life. It is my belief we can achieve leadership here and provide a better life for our people.

    Khadar Dheen Gulled,
    Commercial Attache to the Islamic Republic of Pakistan.
    Email: khadar.commercial@gmail.com

    The post How can we have power and democracy! appeared first on Caasimada Online.


  8. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Garoowe ayaa xabsiga u taxaabay fanaan Sharmaarke Cabdinaasir oo la garan ogyahay Sharma Boy, kadib markii uu maanta barqadii shil ku galay duleedka magaaladaas.

    Shilka ayaa dhacay kadib markii uu rogmaday gaari uu waday Sharma Boy, kaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo dumar ah iyo dhaawac. 

    Sharma Boy ayaa loo haysta in uu mas’uul ka yahay shilkaas gaari, maadama uu wade ka ahaa gaarigaas oo ay saarneeyn koox fanaaniin ah.

    Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ah ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir  Shaalle.

    Gaashaanle sarre Maxamed Jaamac Aadan oo ah Taliyaha ciidanka booliska gobolka Nugaal ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey asagoo xaqiijiyey xariga fanaanka, kuna gaabsaday inay dhawaan jawaab deg-deg ah kasoo saari doonaan baarista kiiskaan.

    Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sharma Boy uu safarka ku wehlinayo saaxiibkii Maslax Mideeye oo muddooyinkii dambe si wada-jir ah u qabanayay bandhig faneedyada.

    Shilka ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu fanaan Sharma Boy u tagay caasimada Puntland ee Garoowe, sidii ay ugu qaban lahaayeen bandhig faneed.

    The post Fanaan Sharma Boy oo lagu xiray Garoowe + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

    Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhabo, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

    Qaraxa oo la dhigay goobta Suuqa ayaa waxa uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale, sida ay laamaha amaanka inoo xaqiijiyeen.

    Khasaaraha dhimashada ayaa saacadaha soo socda kordhi karta, sida ay sheegen mas’uuliyiinta degmada Baydhabo, maadama lasoo warinayo in dhaawacyada ku jiraan qaar aad u culus.

    Qaraxa ayaa kusoo aaday xili ay saxmad badan ka jirtay suuqa lagu iibiyo qaadka, illaa haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas.

    The post Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.


  10. Heshiiska doorashada Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay.

    Shalay waxaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis doorasho oo ay wada saxiixeen hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay RW Rooble, madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Sannad ka hor ayey ahayd in la saxiixo heshiiskan oo kale si doorasho u dhacdo inta uusan dhamaanin muddo xilliyeedka Barlamaanka Federaalka. Nasiib darro, Farmaajo oo xilligaa ka cabsanayay doorashada ayaa nala aaday jiq aan waddo marin, dalkana geliyay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo si dirqi ah Ilaahey nooga badbaadiyay. 

    Siyaasada Farmaajo ee ku dhisnayd muddo kororsiga, marinhabaabinta iyo ila meereysada waxay soo gaartay ilaa shalay gelinkii dambe, taas oo magac xumo u soo jiiday, meeqaamkiisa wax weyn u dhibtay. Tusaale waxaa ugu filneed shalay markii uu soo galay hoolka xaflada lagu qabanayay laguma soo dhaweyn xamaasaddii iyo meeqaamkii madaxweynenimo ee uu lahaan jiray Farmaajo, wuxuuna ahaa qofka ugu taageerada yar madaxdii shirkaas ka soo qaybgalay, halka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ahaa mas’uulka ugu taageerada badnaa oo markii uu soo galay halmar isla diryaamay hoolkii. Ceebta Farmaajo ku dhacday si loo qariyo dhalinyarada protocol-ka hayay waxay maciin bideen in ay shidaan muusikadii astaanta calanka si dadka loo istaajiyo duqana habmaamuus Madaxweyne oo macmil ah loogu sameeyo!

    Waxaan u mahadcelinaynaa RW Rooble, Madaxweyne Axmed Qoorqoor, Madaxweyne Cali Guudlaawe, Madasha iyo Ciidamada Badbaado Qaran iyo dhamaan waxgaradkii Soomaaliyeed ee jidka ku soo celiyay tareenkii doorashada, fahmayna xaajada xallismi la’ in uu sababteeda leeyahay dhagarqabaha hoggaanka hayay. Soomaalidii hore waxay dhihi jireen xaajo hadii ay murugto waa la sugaa “Dhuroobe u dhasha ama Dhagarqabe ayaa ka dhintee”. Dhuroobaha dalkaan u dhashay waa RW Rooble, wuxuuna dalka iyo dadka ka badbaadshay dagaal iyo burbur in uu dib ugu laabto, abaalkeedana ummadda Soomaaliyeed waa u heysaa. Sidoo kale guushan waxaa kaalin mugleh ka qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyagana waxaan leenahay waa midaad u dhalateen, u dhaarateen, mas’uuliyadana la idinkugu dhiibay in aad ka soo dhalaasheena waad ku mahadsantihiin.

    Mar kale waxaan idin leeyahay hambalyo iyo horusocod wanaagsan. Guuleysta!

    Hon. Mahad Salad

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

    The post Xildhibaan Mahad Salaad oo faallo xasaasi ah ka qoray HESHIISKA doorashada appeared first on Caasimada Online.


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa dhawaan baahisay xog la xiriirtay in boqolaal arday ah uga baaqan karaan gelida Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sarre, kadib arrin yaab leh oo ay ku kacday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

    Waaliidin badan oo xiligaas la hadlay Caasimada Online ayaa u sheegay in ardaydooda oo Iskuulka joogay muddo aan ka yareen 12 sano in laga waayay liiska ardayda Imtixaanka galaya oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, markii la baarayna ay ogaadeen in loo qoray “Dropout” oo loola jeedo in ardaygu uu ka haray waxabarashada ama Iskuulka.

    Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo arrintaas ka jaawabeysa ayaa xalay qoraal soo saartay, kaasi oo ay ku sheegayso in dib loo eegayo cabashada ardeyda sida qaldan looga reebay liiska ardayda Imtixaanka galaysa.

    Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in waalidiinta iyo ardeyda cabaneysay ay dhageysteen maamulka wasaaraddu, islamarkaana lagu xaliyey afar qoddob oo kala ah;

    1. In la diiwaan geliyaya cabashadooda
    2. In cabashadooda laga jawaabi doono muddo ku siman laba toddobaad
    3. In lala wadaagi doono Natiijada baaritaanka xogtooda
    4. In imtixaan gaar ah laga qaadi doono kuwa xogtoodu ay sax noqoto

    “Wasaaraddu waxaa ay la wadaageysa warkaan farxadda leh ardayda, waalidiinta iyo maamuladda iskuulada ee ay dhigtaan ardayda kasoo cabatay in aysan ku jirin ardeyda gelaysa imtixaanka sanad dugsiyeedka 2020-2021-ka, waxaana ku dhiira-gelinayaa ardayda inay dadaal muujiyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

    Caasimada Online ayaa dhawaan xaqiijisay in ugu yaraan 130 arday ah oo ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan halistaas weyn oo ay uga baaqan karaan Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare, kaasi oo Sabtida ka billaaban doono Muqdisho.

    Waalidiinta wajahaya dhibaatadaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u sheegtay in Iskuulada iyo Dalladaha aysan usoo gudbin magacyada ardaydooda oo ay u raadsadaan.

    Ardayda iska waayey liiska wasaaradda ayaa qaarkood si buuxda u dhigan jireen Iskuullada, islamarkaana ay kaalmo hore ka geli jareen Imtixaanaadka Iskuulada qaadaan. Ardayda qaar ayaa Caasimada Online aragtay oo natiijo wanaagsan ka keenay Imtixaanka dhexe ee Iskuulka (mid-term exam).

    The post DF oo afar qodob kasoo saartay arday sabab yaab leh uga baaqaneysa imtixaanka appeared first on Caasimada Online.


  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u danbeeyey safar shaqo oo la xidhiidha dardargelinta doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka ugu maqnaa gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa maanta oo Jimce ah dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
    Madaxweynaha oo saaka kasoo jarmaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu shalay kaga qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay sameeyeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa goor dhaweyd soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

    Qaran News


  13. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in  duleedka magaaladaas shil gaari ku galeen koox fanaaniin ah oo uu horkacayey fanaanka da’yar ee Sharma Boy.

    Shilka ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa inta la xaqiijiyey hal qof oo dumar ah, ayada oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray ku dhawaad 3 qof oo kale.

    Wararka ayaa intaas kusii daraya in fanaan Sharma Boy uu soo gaaray dhaawac fudud, ayada oo lagu soo waramayo in uu Sharma uu waday baabuurka shilka galay.

    Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in Maslax Mideeye uu kamid ahaa kooxda fanaaniinta ah ee shilka galay, waxayna dhawaan safar faneed ku tageen magaalada Garoowe isaga iyo saaxiibkii Sharma Boy oo muddooyinkii dambe ka wada shaqeynayey bandhig faneedyo.

    Sawiro laga soo qaaday gaariga shilka galay ee ay saarnaayeen fanaaniintu ayaa muujinayey inuu gaariga rogday. Waxaa goobta shilka gaaray Ciidamada booliska Puntland.

    The post DEG DEG: Sharma Boy iyo Maslax Mideeye oo galay shil gaari appeared first on Caasimada Online.


  14. Nin Diyaarad u kireystay si uu ugu tago Boolis ku raad-joogay

    Dunedin, New Zealand
    Mr Bryant flew ayaa helikobtar u qaatay Dunedin, halkaas oo uu isku dhiibay booliiska

    Nin ku dhuumaaleysanayay miyiga dalka New Zealand ayaa diyaarad helikobtar ah u kireystay si uu u tago saldhig booliis isagoo kaddibna is dhiibay.

    James Bryant, oo wajahaya eedeymo dembiyo kala duwan ah, ayaa shan toddobaad isku qarinayay magaalo yar oo ku taalla North Otago.

    Wuxuu warbaahinta dalkaas u sheegay in waqti wanaagsan uu ku qaatay miyiga, balse uu haatan diyaar u yahay inuu is dhiibo.

    Arthur Taylor, oo u dooda xuquuqda maxaabiista oo gacan ka geystay in si nabad ah lagu soo xiro ninkaas, ayaa sheegay in Bryant uu u iibiyay khamro iyo cunto kahor inta aysan saldhigga tegin.

    Taylor, oo qudhiisa maxbuus hore ahaa cafisna loo fidiyay, ayaa isagoo ku sugan bannaanka Saldhigga Dhexe ee Booliiska Dunedin weriyeyaasha ku yiri : “Waxay u ahayd cuntadii ugu fiicneyd ee uu cuno muddo toddobaadyo ah.”

    Eedeymaha uu Bryant wajahayo waxaa ka mid ah inuu heystay hub, isagoo qof si kas ah u dhaawacay iyo inuu saddex qoraal oo dhibaato sababi kara ku qoray baraha internet-ka.

    Booliiska ayaa dadweynaha uga digay inuu khatar yahay isla markaana aysan u dhowaan.

     

    Bryant ayaa wargeyska Otago Daily Times u sheegay in intii uu ku sugnaa deegaanka Waianakarua uu sameeyay jimicsi badan, balse muddo kaddib uu go’aansaday inuu is dhiibo isagoo sababta ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in loo aqoonsado inuu khatar ku yahay shacabka.

    Wuxuu la soo xiriiray Taylor si uu gacan uga geysto in si buuq la’aan ah lagu xiro. Labada nin ayaa hore isku yaqaannay, sababtoo ah Bryant ayaa hore uga qeyb qaatay naqshadeynta website-ka Taylor.

    Bryant ayaa iska bixiyay kharashka helikobtarka, sida uu sheegay Taylor, sababtoo ah buu yiri “wuxuu doonayay inuu si xarrago leh ku yimaado”.

    Warbaahinta gudaha ayaa soo tebisay in shalay Bryant loo xiray si tartiib ah.

    Qaran News


  15. Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saraakiil ajnabi ah, oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka Bari.

    War ka soo baxay Ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan, islamarkaana kamid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish.

    Hawlgalka oo laga fuliyay togga Il-cameyra ee buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, waxa sidoo kale lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, sida lagu caddeeyay warka PSF.

    Sidoo kale, waxa hawlgalkaas lagu burburiyay xaruntii dhexe ee kooxda Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo burburisay xaruntii Daacish ee Gobolka Bari iyo ajaanib ku dhintay appeared first on Puntland Post.