Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

    Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.

    Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

    Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC).

    Source: goobjoog.com


  2. cirro-1.webp?fit=800%2C798&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa Arbacadii si sharciyan ah ugu dhawaaqday in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu yahay musharaxa ku guuleystay madaxweynaha Somaliland ee 5-ta sano ee soo socota.

    Maxkamadda ayaa ansixisay natiijadii kasoo baxday doorashada madaxtooyada, taasi oo todobaad ka hor ay usoo gudbiyeen guddiga doorashooyinka ee Somaliland.

    Ciro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujisay sida shacabka reer Somaliland uga soo taagmeen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo sharci.

    Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday natiijadii kaso baxday tartankii doorashada xisbiyada, oo ay kusoo baxeen Waddani, Kaah iyo Kulmiye.

    Madaxweyne Ciro ayaa si rasmi ah xilka ula wareegi doona bartamaha bisha December, iyadoo natiijada doorashada uu horey u aqbalay madaxweynaha xilka ka degaya ee Muuse Biixi Cabdi.

    Doorashadii 13-kii November ee ka dhacday Somaliland ayaa noqotay mid furan oo dunida dhan laga amaanay, iyadoo uu ka dhashay isbedel weyn, islamarkaana meel hoose la geeyey xisbigii dalka xukumi jiray ee Kulmiye.

    Si kastaba, hoggaanka cusub ee Somaliland ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo kamid tahay dib u eegista heshiisyadii ay gashay xukuumaddii hore iyo wax ka qabashada xaaladda nololeed ee deegaanka oo gaartay halkii u hooseysay kadib sicir bararka xarka goostay.


  3. ciidan.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka maamulka Jubbaland ay intooda badan si rasmi ah ugu biireen howl-galka ka socda Jubbooyinka.

    “Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada ciidamada qalabka sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

    Qoraalka ayaa waxa kale oo lagu sheegay in shacabka iyo ciidanka Jubbaland ee deegaanka Kulbiyow ay soo dhaweeyeen howl-gallada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada maamulka Jubbaland.

    Dhinaca kale, shacabka ayaa taageero u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey eedeysane Axmed Madoobe in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka, sida lagu yiri qoraalka.

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanka Raaskambooni uu ka bilowday howlgal rasmi ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ujeedkiisu yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo kooxda.

    Dowladda dhexe oo haatan si weyn isku hayaan maamulka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ayaa ciidamo horleh geysay deegaano kamid ah maamulkaas, iyadoo kala fur-furid ku wada ciidanka taabacsan Madoobe, kuwaas oo qaarkood ay kasoo goosteen, kuna biireen kuwa ciidanka qaranka ee ku sugan halkaasi.

    Dowladda federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka ballan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka.

    Qorshahan ay dowladda federaalka kusoo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray ee Axmed Madoobe ayaa waxaa toos u hor boodaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana haatan dhanka gobolka Gedo ka socda abaabul kale oo xooggan.


  4. Xamza-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha sare arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xafiiska ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Shamsa Cabdulqadir Daahir ayaa shaacisay inay iska casishay xilkii.

    Shamsa oo warqadeeda is-casilaada ku socodsiisay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxay ku sheegtay in casilaadeeda ay timid kadib markii ay aragtay cadaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo far-gelin joogto ah.

    “Anigoo ah Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir, ahna la-taliyaha sare arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xafiiska ra’iisul wasaraha, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafiiska, kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, duudsiin xuquuq iyo caburin shaqo oo la xiriirta shaqadii la ii igmaday,” ayey Shamsa ku tiri warqadeeda is-casilaada.

    Shamsa ayaa sidoo kale waxay sheegtay in deegaanka ay kasoo jeedo ee Jubbaland lagu hayo beegsi, islamarkaana lagu dulmiyay xuquuqdeedii shaqo ee dastuuriga aheyd.

    “Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii aan wada shaqaynay ee sida niyad samida ah iila shaqeeyay inta aan xafiiska joogay,” ayey tiri Shamsa oo aheyd la-taliye sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

    Shamsa oo qeyb ka noqoneysa masuuliyiinta kasoo jeeda Jubbaland ee iska casilay xukuumadda federaalka, ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay u dulqaadan weyday beegsiga sida gaarka loogu haayo bulshada maamulka Jubbaland oo ay sheegtay in si sharci daro fara-galin ugu heyso xukuumadda.

    Dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa kala furtay kadib markii xukuumadda federaalka ay si adag uga hortimid dib u doorashada Axmed Madoobe, iyadoo waaran soo qabasha ahna u jartay Madoobe, kadib markii ay ku eedeysay fal-dambiyeedyo kamid yihiin khiyaano qaran.

    20241129638684388952018736.jpg?resize=66


  5. Axmed-Madoobe.jpg?fit=1747%2C1279&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe, ayaa haatana codsi u dirtay hay’adda Interpol.

    Codsiga dowladda federaalka ayaa ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

    Dowladda federaalka ayaa horey Axmed Madoobe ugu eedeysay khiyaano qaran iyo la shaqeynta dowlado shisheeye, taas oo ay u dheertahay carqaladeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, sida ku qoran eedda dowladda u jeedisay Madoobe.

    Red Notice-ka oo Interpol ay soo saarto waa codsi caalami ah oo ku saabsan qabashada qof loo haysto dacwad, balse ma ahan amar xabsi ah oo toos ah, xilli maxkamadda gobolka Banaadir ay u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, oo lagu horkeenayo maxkamadda.

    Dalabka dowladda federaalka ee Interpol ayaa wuxuu qeyb ka yahay taageero caalami ah oo dowladda u raadineyso soo qabashada Axmed Madoobe ama si loo horgeeyo cadaalad, maadaama ay u jeedisay eedeymo culus oo kamid yihiin “khiyaano qaran”.

    Codsigan ayaa sidoo kale u muuqda mid ay dowladda ku dooneysa in Axmed Madoobe lagu qabto dal kasta oo xubno ka ah Interpol, si ugu dambeynta loogu soo gacan geliyo.

    Si kastaba, xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu Axmed Madoobe mar saddexaad qabsaday doorasho uu kusoo baxay, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaal toos ah isku rogto xiisaddu, maadaama deegaano ka tirsan maamulka ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan labada dhinac.


  6. Polish_20241129_110145884.jpg?resize=822

    Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawlgal lagu la dagaallamayo gubista dhirta iyo dhuxulaysiga ka sameeyay degaanno ka tirsan degmada SHAXDA ee gobolka Karkaar.

    Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi lagu burburiyay 15 hog oo ay kooxo dhuxulaysato ah ka sameeyeen degaanno ka tirsan degmada SHAXDA ee gobolka Karkaar.

    “In kabadan 15 Hog ayay Ciidamada Booliska Cagta mariyeen iyagoona sheegay tani ay qeyb ka tahay Ka hortagista waxyeelada Degaaanka” ayaa lagu sheegay warbixinta Booliska Puntland.

    Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in ay hawgalka ku qabteen saddex maxbuus oo kamid ahaa kooxaha dhirta gubay ee 15 hog dhuxusha ka sameeyay.

    PUNTLAND POST

    The post Booliska Puntland oo hawlgal ku burburiyay hogihii dhuxulaysatada ee degmada SHAXDA appeared first on Puntland Post.


  7. Mogadishu (HOL) — Somalia is turning to Germany for assistance in transforming its immigration systems, a crucial step in the East African nation’s broader journey toward recovery and modernization. During a working visit to Berlin, Ahmed Said Mohamed, Director General of Somalia’s Immigration and Citizenship Agency (ICA), met with senior German officials to discuss training programs, visa facilitation, and developing advanced immigration technologies.

    Source: Hiiraan Online


  8. 01000000-0a00-0242-3657-08dbf8b7e701_w40

    Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa KMG ah u magacaabay ninkii isaga beddeli lahaa haddii uu geeriyoodo ama is casilo.

    Bayaan uu soo saaray ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne.

    Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004.

    Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta haddii uu meesha ka baxo.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Falastiin oo si KMG ah u magacaabay ninkii isaga beddeli lahaa haddii uu xilka banneeyo appeared first on Puntland Post.


  9. Ugu yaraan 130  qof ayaa la la’yahay, halka 17 qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay bariga Uganda, sida ay booliisku sheegeen.

    Dhul go’a ka dhashay roobabka xooggan ayaa saameeyay tuulooyin badan oo ka tirsan degmada Bulambuli, oo qiyaastii 280 km (178 mayl) u jirta caasimadda Kampala.

    Hawlgal samatabbixin ah ayaa socda kadib markii ugu yaraan 40 guri ay biyuhu la tageen,sida uu barta X ku sheegay Ururka Laanqayrta Cas ee Uganda.

    Booliska Uganda ayaa sheegay in sidoo kale 15 meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah oo la soo badbaadiyay la dhigay cisbitaalka.

    Roobab mahiigaan ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay dalka Ugandha. Arbacadii, Raiisel wasaare Robinah Nabbanja ayaa soo saartay digniin dhanka musiibada ah taas oo ay ku qortay barta X.

    “Dadka qaar ayaa looga shakisan yahay inay maqan yihiin, qaarkoodna waxaa laga cabsi qabaa inay ciidda ku aasmeen.”

    Source: goobjoog.com


  10. 468397862_978866240948489_51485409570641

    Arusha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee golaha wasiirada dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

    Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, nabadda iyo amniga.

    Wada-hadalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah xoojinta isdhex-galka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika ee EAC.

    Shirka golaha wasiirada (EAC) ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir madaxeedka 24-aad ee caadiga ah ee madaxda waddamada bariga Afrika iyo munaasabad heer sare ah oo loogu dabaal dagayo sanad-guurada 25-aad ee EAC.

    Ka qayb-galka firfircoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo hammigeeda ku aadan inay si rasmi ah ugu biirto EAC.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-geli doona shirka madaxda dowlad-goboleedyada, isagoo dib u xaqiijinaya in Soomaaliya ay la jaan-qaadi doonto hiigsiga bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah.

    Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada bariga Afrika daba-yaqada sanadkii hore ee 2023, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, iyadoo haatan xubin firfircoon ka ah EAC.

    468397862_978866240948489_51485409570641

    468406369_978841334284313_71780469239667

    468364057_978841447617635_58383250927897

    468528726_978865630948550_38297940758793

    468446548_978865904281856_81702787483025

    468653476_978865670948546_82080401066340

    468411392_978866094281837_84467210080327

    468458292_978865900948523_38828142460360

    468596426_978865697615210_15422602357612

    468397668_978865720948541_56726875160183

    468546851_978865937615186_21172933651632


  11. Mogadishu (HOL) — A harrowing journey to Mayotte, a French territory in the Indian Ocean, claimed the life of 26-year-old Fathi Hussein, highlighting the deadly risks migrants face in pursuit of safety and opportunity. Fathi was among nearly two dozen Somali nationals who perished when two overcrowded boats carrying 73 people capsized off the coast of Madagascar earlier this month.

    Source: Hiiraan Online


  12. xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah kuwo ka duwan shacabka caadiga marka ay timaado habka loo marayo in dacwad lagu soo oogo. Si loo ilaaliyo shaqadooda iyagoon cidna ka baqeyn ayaa loo sameeyay in aan la xiri karin.

    Inta badan waxa ugu muhiimsan awoodda ay leeyihiin waa in ay si xor ah u hadlaan taas oo loo arko in ay tahay mid keeneysa wanaag. Waxyaabaha kale inta badan xildhibanada adduunka la sheego in ay ku muteysteen waxaa ka mid ah in madaxbannaanidooda aysan ku imaan faragelin bannaanka ah.

    Xildhibaanada Soomaaliya waxay la mid yihiin kuwa adduunka, waxayna leeyihiin xasaanad ay ku shaqeeyaan si ay howlahooda welwel la’aan u gutaan.

    Hadaba xasaanadda xildhibaanada intee ayey gaarsiisan tahay?

    Baarlamaanada aduunka way kala duwan yihiin. Dal walba sharcigiisa iyo xeerarkiisa ayuu ku dhaqaa xildhibaanada.

    Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya xildhibaanku waa in aysan dhibaato ka soo gaarin fakarkiisa.

    “Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa”.

    Sidoo kale dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa in aan xildhibaanka lagu qaadi karin dacwad ciqaabeed ama aan la xiri karin oo aan la baari karin hadaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ah in la soo saaro maxkamad.

    Arrimahasi oo dhan waxay muujinayaan in xildhibaanka si weyn looga ilaaliyay in aan si fudud loo ciqaabi karin.

    Dhacdadii shalay ee Baarlamaanka
    Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay xildhibaano taagan meel aan ka fogeyn guddoonka oo qaylinaya iyo buuq ka jira gudaha baarlamaanka.

    Askar ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale iyagoo gacmaha is haysta celinayay in ay dhaafaan xildhibaanada. Askarta booliska ayaa xildhibaanada ka hortaagnaa in ay dhaafaan oo u gudbaan kuraasta guddoonka.

    Waxaa kaloo lagu arkay muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay askari ka tirsan booliska oo feer lagu dhuftay. Askariga ayaan gacan qaadin, siina watay howshiisa. Ugu dambeyn askariga waxaa soo gaaray dhawac keenay in la dhigo isbitaalka.

    Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sarkaalkaas booliska ku booqday isbitaalka waxay ka hadleen aragtidooda sidii ay wax u dhaceen.

    Senetor Cabduweli Ibraahim Aaden Garyare ayaa ku ammaanay sida askariga booliska isku xakameeyay, wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo sida uu u dhaqmay sarkaalkaas.

    “Arintan waxay keeneysaa in uu hormuud u noqdo askarta kale oo ay ku daydaan”.

    Xildhibannada hadlay ayaa sheegay in aysan aheyn in la siyaasadeeyo oo si hoose loo xaliyo arrintan.

    “Hadii dhaqanka Soomaalinimada ee sida hoose wax lagu xaliyo la maro, waxay keeneysaa in baarlamaanka sidan ahaado, dalkana uusan hagaagin”. ayey tiri xildhibaan Farxiyo Muumin oo ka mid aheyd xildhibaanada isbitaalka ku booqday askariga.

    Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado askariga oo taagan oo aan waxba geysan in gacan loo qaado.

    In xildhibaanada ay gacan qaadaan ma ahan wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya. Dhexdooda hore ayey u dagaallameen.

    Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux ayaa sheegay in ay jiraan dhacdooyin tan la mid ah oo hore u dhacay balse aysan heerkaan gaarsiisneyn.

    “Waxaa jiray qaar kale oo xildhibaanada baarlamaanka wax u geysteen oo ay dhaawaceen, laakiin ninkan isbitaalka ku jira, walaalkeen Axmed, waa kii ugu darnaa”

    Xildhibaan Nuux wuxuu sheegay in aysan suuragal ahey in intaad qof gacantaada ku disho haddana aad tiraahdo ‘xasaanad ayaan leeyahay ama maxaa igama galay'”.

    Baarlamaanka ayaa shalay xilliga uu buuqa dhacay ansixiyey guddiga dorashooyinka iyo xuduudaha, waxayna sidoo kale arrintan ku soo aadday ayadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay ruqsad lagu soo qabanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

    Ilaa hadda ma jirto cid loo qabatay falkaas.

    Isha: BBC


  13. abbas-un.webp?fit=2560%2C1720&ssl=1

    Ramallah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa magacaabay qofka sida ku-meel gaarka ah xilka ula wareegi doona haddii uu geeriyoodo ama uu xilka ka tago, isaga oo waxa ka qabanaya walaaca laga qabo in firaaq dhinac awoodda ah uu dhaco marka uu xilka ka tago.

    Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne.

    Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004.

    Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta marka uu ugu dambayn dhinac istaago.

    Cabaas ma lahan ku xigeen, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters horaantii bishan in Sacuudi Carabiya ay ku cadaadiyeen in uu mid magacaabo.

    Ku dhawaaqidda uu Cabaas sameeyey Arbacadii ayaa meesha ka saaraysa hubanti la’aanta ku saabsan waxa dhici doona marka uu dhinto, laakiin Fattouh looma magacaabin ku-xigeenkiisa, taasi oo la macno ah inaan wali la aqoon cidda bedeli karta Cabbaas mustaqbalka fog.

    Wasiirka beeraha ee Israa’iil, Avi Dichter, oo xubin ka ah golaha ammaanka gudaha, ayaa koox saxafiyiin shisheeye ah u sheegay toddobaadkan in ciidammada Israa’iil ay la wareegi doonaan Daanta Galbeed haddii qof ka tirsan kooxda Xamaas uu isku dayo inuu madaxweyne noqdo.

    Cabbaas ayaa xilka loo doortay 2005 muddo afar sano ah, balse tan iyo xilligaas ma dhicin wax codbixin ah, waxaana hadda uu yahay mid dadku naceen, ayada oo ra’yi ururin la sameeyay bishii September ay muujisay in 89% Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay doonayeen inuu xilka iska casilo.


  14. Axmed-Madoobe.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

    Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo hor leh oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ku biiray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo Axmed Madoobe uu difaac ka geliyey deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

    Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta baneeyey garabka Axmed Madoobe ayaa sheegay inay gaarayaan ilaa 200 oo askari.

    Sidoo kale waxay saraakiishaas ka warbixiyeen xaaladihii adkaa oo ay soo mareen, sanadihii ay ka tirsanaayeen ciidamada Jubbaland.

    Waxay sheegeen mushaarkoodu uu ahaa $100 oo mararka qaar aysan heli jirin, sidoo kale waxay sheegeen in dalacsiin iyo waxyaabo badan oo ay mudnaayeen aysan ka helin maamulkii ay la shaqey jireen ee Jubbaland.

    Horay waxaa dowladda federaalka ula saftay ciidamo badan oo Axmed Madoobe u diray Raaskambooni, si ay u weeraraan ciidamada xoogga, balse ma dagaalamin ee waxay isku dhiibeen ciidanka qaranka.

    Ciidamo hor leh ayaa la sheegay in hadda ay qorsheynayaan inay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo baxsad ka ah maamulkii ay sanadaha badan la shaqeynayeen ee Axmed Madoobe.

    Dowladda Federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka balan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa toos u hor boodaya qorshaha dowladda federaalka ay ku soo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray Axmed Madoobe, waxaana dhanka gobolka Gedo ka socda olole kale oo xooggan.

    R/Wasaare Xamsa ayaa maanta u safray dalka Kenya, si xiriirka Axmed Madoobe iyo Kenya uu meesha uga saaro, waxaana Nairobi ka socda kulamo oo Xamsa la yeelanayo madaxda dalkaas.


  15. Suddenly, everything is about a tiny, unrecognized state that few will ever have heard of: Somaliland. The fate of this piece of geopolitical real estate is now tied up with everything from Israel’s war on Gaza to the Houthi attacks on the Red Sea, and quite a few geopolitical centers of activity in between the two.

    The fact that a UK former defense minister is spreading rumors that U.S. president-elect Donald Trump will officially recognize Somaliland, a strategic breakaway region of Somalia that sits on the Red Sea, is only one of many dominoes falling around this tiny would-be nation.

    In 1991, Somalia, a former British protectorate, claimed independence from Somalia, and it’s survived more or less quietly since then–until its strategic positioning on the Red Sea made it a prized possession of high-level geopolitical consequence.

    Turkey’s been milling around it for ages, already, with Erdogan always spotting opportunities well in advance. But Turkey’s game is to shore up its power in Somalia, not Somaliland, and its strategy is a broader one: to pre-insert itself in various situations that position it to have a strong enough business foothold and act as an indispensable mediator and power broker (like in Libya). Ethiopia and Somalia are fighting over it. Turkey and Greece are fighting over it. Egypt, too, has some skin in this game, as does Israel, which is looking for some prime real estate to safely bomb the Houthis from.

    Everyone wants a piece of Somaliland these days. And it’s attracting a lot of money for its port, including from Ethiopia and the UAE, which makes neighboring Somalia and its increasingly influential benefactor (Turkey) nervous. The port deal with Dubai then attracted money from Ethiopia–a landlocked neighbor desperate to get a foothold on the coast. The January 2024 port deal raised tensions exponentially, to the point of questioning Somalia’s sovereignty as its breakaway region began to gain more power than Somalia proper. The port deal came with a quid pro quo that went beyond money. The deal, which for now remains an MOU, would allow Ethiopia its coveted Red Sea port lease and would give Somaliland official recognition. This puts Somalia dangerously at odds with Ethiopia because it’s a question of sovereignty.

    And with the battle against Yemen’s Houthi rebels in the Red Sea, Somaliland’s value has just soared. Not only does the previously unassuming breakaway region have an impressive Gulf of Aden coast, but it’s also right at the entrance to the Bab el-Mandeb Strait–the key target of the Houthis that sees over 30% of all seaborne world trade. Many have already been using Somaliland’s coast via proxy, in neighboring Djibouti, where the Who’s Who of foreign powers already have military bases. The same is true for Eritrea. But it’s Somaliland that is the core of the coastal power game.

    Turkey’s meddling is also escalating things. Turkey’s energy exploration deals with Somalia will see it deploy Turkish Naval forces in a maritime zone that both Somalia and Somaliland claim. Somaliland has already warned Turkey against such a move. Turkey, ever playing the role of beneficial mediator, is pushing for direct negotiations between Somalia and Somaliland, but if Ankara oversteps, we could see a major response from Somaliland and possibly its allies.

    As this competition for Somaliland continues to intensify–and it will–it risks becoming the next hot spot conflict involving very clear groups of foreign enemies and allies.

    Source Oilprice

    Qaran News