-
Content Count
212,326 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
For years, Lamu and the larger parts of the Coast region had been neglected by the government in many ways. Roads, electricity connections, construction of roads and other amenities were rare.
-
-
The Liberal Party has dropped its candidate for a federal seat in Melbourne’s north-east because she receives payments from her uncle who is a minister in the Somali government.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gashay qalalaase siyaasadeed oo kaga yimid meel aan la fileyn oo ah; qaadka dalka la keeno, kadib markii ay isku qabteen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.
Haddii aan isku dayno inaan soo koobno; dooddu waxay tahay Farmaajo oo leh “qaadka Kenya waa xaaraan, kan Itoobiyana waa xalaal” iyo Rooble oo leh “qaad waa qaad”.
Hase yeeshee, doodda waa ay ka weyn tahay qaad, waxayna salka ku haysaa dano shaqsi, kuwa qoys, iyo kursi siyaasadeed.
Qaadka Kenya oo markii ugu horreysay Soomaaliya laga joojiyey bishii March 2020, waxaa loogu soo ganbaday cudurka Coronavirus oo markaas dalka ka qarxay, taasi oo aan dhalin wax su’aalo iyo tuhun ah.
Hase yeeshee, markii toddobaadyo kadib laga war helay in qaadka Itoobiya dalka yimaado, ayaa su’aalo badan ay dhasheen, ayada oo shacabka ay billaabeen inay is-weydiiyaan farqiga u dhaxeeya labada qaad.
Kooxda Farmaajo ayaa kadib billaabay olole warbaahineed, oo lacag badan lagu bixiyey, ayada oo la gaday sheeko ah “in Kenya naagal dhaxeeyo dagaal siyaasadeed iyo muran badeed, oo joojinta qaadkoodu yahay mid dagaalkaas qeyb ka ah.”
Hase yeeshee, waxaa durba soo baxday in sababta markii horeba qaadka Kenya loo xayiray aysan shaqo ku laheyn cudurka Coronavirus iyo xiisadda ka dhex-oogan Kenya iyo Soomaaliya, balse ay aheyd dano shaqsi, kuwa qoys iyo kuwa doorasho.
Qaadka Itoobiya ayaa waxaa heshiis kusoo galay xubno ka tirsan qoyska Farmaajo si ay dalka u keenaan, waxaana la xayiray midka Kenya, maadaama kan Kenya uu yahay kan Soomaalida ay jeceshahay, oo haddii uu dalka sii yimaado aanay jirin cid iibsaneysa midka Itoobiya.
Waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya la keeno 30 tan oo qaadka Itoobiya ah maalin kasta, ayada oo saamiga ugu badan ay leeyihiin qoyska Farmaajo, balse ay jiraan ganacsato kooban oo reer Muqdisho oo ku leh saami kooban, kuwaas oo ah wejiga ganacsiga, halka xubnaha qoyska Farmaajo ay yihiin kuwa ka dambeeya.
Qaadka oo laga sameeyo malaayin dollar, ayaa la rumeysan yahay in sanadkii uu xirnaa qaadka Kenya ay lacag badan uga soo xarootay qoyska Farmaajo, ayna ku adag tahay inay aqbalaan in qaadka Kenya dib loo furo, taasi oo ganacsigooda meesha ka saari karta.
Ka sokow, danta ganacsi, qaadka Itoobiya laga keeno wuxuu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha dib u doorasho ee madaxweyne Farmaajo, ayada oo lacagta kasoo xaroota qeyb ka mid ah loo dhigayey ololihiisa doorasho, sanadkii tegay.
Tani waa sababta ay Farmaajo uga go’an tahay inuusan ka gorgortamin dib u furitaanka qaadka Kenya, oo ganacsiga qoyskiisa ee qaadka Itoobiya soo geba-gebeyn karta.
Dhinaca kale, tan iyo markii laga war helay in qaadka Itoobiya loo xiray qoyska Farmaajo, waxaa jiray cadaadis xooggan iyo qeylo dhaan ay wadeen ganacsatadii qaadka ka keeni jiray Kenya, oo caddaalad darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn go’aansaday in qaadka Kenya dib loo furo, haddii dalka oo idil aan laga wada joojineyn qaadka, waxayna tani horseeday dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay isaga iyo Rooble.
Farmaajo ayaa isku dayey inuu horistaago qorshaha Rooble, isaga oo wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.
Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka.
The post Muxuu Farmaajo ugu dhegan yahay qaadka Itoobiya, una diidan yahay midka Kenya? appeared first on Caasimada Online.
-
Tiro dad ah oo ku dhintay weerar culus oo Falaagada Tigray ku qaaday Gobolka CanfartaTiro dad ah ayaa ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.
Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.
Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka , inkasta oo TPLF aysan ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.
Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.
Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa looga yeeray inuu horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir, sida ku cad warqad baafin ah oo kasoo baxday Maxkamadda, oo ay heshay Caasimada Online.
Warqadda ayaa lagu sheegay in Waare loo haysto dacwad madani ah, inkasta oo aan si rasmi ah loo qeexin waxa ay tahay, waxaana madaxweynihii hore loo qabtay 15 maalmood oa ka billaabaneysa 2-da August, oo hadda toddobaad laga joogo.
Warqadda ayaa lagu yiri “Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayadoo cuskaneysa qodobada 121 XHMS, waxay ku wargelineysaa Maxamed Cabdi Waare (Madaxweynihii hore ee HirShabelle), in ay Maxkamadda G/Banaadir ka taalo dacwad madani ah, kuna hor yimaado mudo dhan 15 Maalmood gudahood ah, oo ka billaabaneysa, maanta oo ay taariikhdu tahay 02/08/2021, kuna eg 16/08/2021.”
Maxkamadda ayaa Waare uga digtay in haddii uusan hor-iman ay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.
“Haddaba waxaa lagula socodsiinaayaa in aad waqtiga dhowrto, haddii aad ku imaan weyso mudadaas, in ay maxkamaddu qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.”
Illaa iyo hadda ma cadda, sida uu madaxweyne Waare uga jawaabay arrintan, waxaana Caasimada Online ay isku dayday inay la xiriirto oo ay wax ka weydiiso balse uma suurta-gelin.
The post Madaxweynihii ee HirShabelle oo looga yeeray maxkamada Gobolka Banaadir (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa shaaciyay liiska musharixiinta Aqalka sare ee maamulkisa.
Deni ayaa maanta soo saaray liiska 22 musharax kuwaas oo u tartamaya 11-kursi ee maamulka Puntland ku leeyahay Aqalka Sare ee BJFS.
Maamulka Puntland ayaa noqday maamulki seddaxaad ee si rasmi ah u magacaaba liiska musharixiinta Aqalka sare kadib Maamulada Koonfur galbeed iyo Jubbaland.
Hoos ma akhriso magacyada Musharixiinta Aqalka sare ee Puntland.
-
Madaxweynaha Puntland Deni oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska 22-ka musharax ee u tartamaya 11-ka kursi ee Puntland afarta sano ee soo socota ku matali doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.
Xubno hore uga tirsanaa Aqalka Sare oo ay ka mid yihii Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdirisaaq Jurille ayaan ka muuqan liiska cusub ee madaxweyne Deni.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweynaha Puntland inuu soo saaro liiska musharraxiinta Aqalka Sare.
Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.
-
Geesiyaddii Carbeed ee Afduubtay Diyaaradda Israa’iil
Ogosto 29, 1969. Haweeneey 25 jir ah oo xirneyd suud cad, koofiyadda cadceeda iyo muraayadaha qorraxda ayaa ku sugeysay garoonka diyaaradaha Rome, duullimaadka diyaaraddii numberkeedu ahaa TWA 840.
Gabadhan da’da yar oo u ekeyd Aktarada Hollywood -ka Audrey Hepburn, ayaa ku guuleysatay inay la gasho bastoolad yar iyo laba bambo gacmeed iyada oo khiyaamaysay saraakiisha ammaanka garoonka.
Waxayna isku deyday in ay muujiso in aanay qof kale ka aqoon safarkan.
Saalim Isavi, wuxuu fadhiyay aagga ay rakaabku ku sugan yihiin gegida dayuuradaha oo sugaya bixitaankooda.
Ninkaasi wuxuu isna ahaa xubin muhiim ah ka ahaa ciidanka kumaandooska Che Guara ee dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin (Popular Front for the Liberation of Palestine), gabadha magaceedana waxaa la oran jiray Laila Khalid. Laila Khalid ayaa ku timid Rome diyaarad khaas ah oo ka timid Beirut.
Laila iyo saaxiibkeeda Isavi waxay si ula kac ah u qorsheeyeen inay iibsadaan kuraaskooda fasalka koowaad ee diyaaradda, qaybta VIP-da si ay ugu suurtogasho inay si sahlan ku gaadhaan agga duuliyaha.
Kuraasta Laila Khalid iyo Salim Isavi ayaa si wadajir ah ugu dhowaa halka laga hago diyaaradda. Shaqaalaha diyaaradda ayaa u dhiibay Laila Coffee halka ay Isavi siiyeen khamri. Laakiin intaas ka dib, Laila Khalid waxba ma cunin inkasta oo mudalabkii diyaaraaddu ku adkaystay in ay waxa cunaan ama cabbaan.
Taas beddelkeeda waxay u sheegtay adeegaha inay qabow iyo calool xanuun dareemayso, ee i sii buste dheeraad ah si aan isku daboolo. Isla markii ay heshay bustahii, Laila waxay ku dhex qarsatay bistooladdii iyo banbadii si ay si fudud ugu gaadhi karto.
Wareysi uu la yeeshay Eileen Macdonald, oo ah qoraaga buugga ‘Shoot the First Women’, ayay tidhi Laila Khalid, ‘markii shaqaalaha diyaaradda uu bilaabay quudinta, Salim ayaa si degdeg ah ugu booday qafaskii duuliyihii.
Waxa kale oo aan gadaashiisa ka orday anigoo bam -gacmeedkii gacanta ku haya.
‘Kadib bastooladdii ayaan la soo baxay” ayay sheegtay Liala. Aniga iyo Isaavi waan qaylinnay waxaanan ku amarnay dhammaan rakaabkii darajada koowaad inay u gudbaan fasalka labaad.
Afduubkan, Laila Khalid waxaa loo dhiibay hawsha la hadalka duuliyaha iyo xarunta laga hago duulimaadka. Laila ayaa ka codsatay duuliyihii diyaaradda inuu geeyo gegida diyaaradaha ee Lod, oo hadda lagu magacaabo David Ben Gurry Airport.
Markii ay soo gashay dhulka Israa’iil, saddex diyaaradood oo kale oo kuwa dagaalka ah oo Israa’iil ah ayaa bilaabay inay duulaan. Sababtoo ah jahwareerka ay la kulmeen safarkii hore dhacdadii dhacday awgeed. Waxay moodayeen in diyaaradaha Israa’iil ay soo ridi doonaan diyaaraddooda.
Laila Khalid waxay la xiriirtay shirkadda diyaaradaha waxayna ku tiri hadda waxaad noo qaabili doontaa sidii PFLP Falastiin Carab ah, oo ma aha Flight TWA 840.
Amarka garoonka diyaaradaha Israel ee Lod wuxuu ahaa kaliya in la khiyaaneeyo. Diyaaraddii waxa ay dul martay Lod. Boqolaal askari oo Israa’iiliyiin ah iyo taangiyadoodii ayaa dhulka taagnaa, diyaarna u ahaa inay ka hortagaan. Laila Khalid ayaa markaas ku amartay duuliyaha inuu diyaaradda geeyo magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.
Intii uu jidka ku soo jiray, waxa ay ka codsatay duuliyihii inuu dul maro Haifa oo ah magaaladii ay ku dhalatay.
Laila Khalid ayaa markii dambe wax ka qortay taariikh -nololeedkeeda, ‘markii aan ka arkay Falastiin xagga sare, waan iska hilmaamay inaan ahay afduube. Fikirkan ayaa maskaxdayda ku soo dhacay inaan qayliyo si aan u salaamo ayeeyaday, habaryartay iyo cid kasta oo kale oo aan guriga ku soo noqonaynay. Goor dambe duuliyuhu wuxuu kaloo sheegay inay marayaan cirkii Haifa, wuxuu arkay anoo u muuqda sidii qof faraxsan”
Markii uu ka soo degay gegida dayuuradaha ee Dimishiq, Salim Isavi ayaa waxyaabaha qarxa ku dhex riday qolka diyaaradda, kadibna wuxuu qarxiyay diyaaraddii. Aragtidiisa, tani waxay ahayd habka ugu wanaagsan ee lagu gaarsiin karo dadka reer Falastiin farriinta ay dunida u dirayaan.
Wuxuu ogaa in Israa’iil aysan waxba ka tari doonin in la afduubtaa, sida oo kalena ay dili doonaan Laila Khalid. Laila Khalid waxay noqotay geesiyadda dumarka ah ee dunida Carabta.
Laila Khaalid ayaa markii dambe lagu sameeyay lix qalliin si ay u beddesho sankeeda, dhabannada, indhaha iyo afka si ay gebi ahaanba u beddesho muuqaalkeeda isunana diyaariso afduub kale.
Bishii Sebtember 1970kii, Laila Khaalid waxay ka soo haajirtay Lubnaan una guurtay Yurub. Halkaas oo uu ka bilawday hayaan kale.
-
Dawlada Maraykanka oo lagu eedeeyay inay diidan tahay inuu maalgeliyo Dimoqradiyada Somaliland Xilli uu Malaayiin Dollar ku bixinaayo Somalia!
Khabiirka Ameerikaanka ah ee Michael Rubin oo inta badan wax ka qora Arrimaha dalalka Geeska Afrika, sida Somaliland, ayaa War-bixin dheer ka qoray Siyaasadda Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku kula Macaamilayso Dalalka Afrika ee Dimuqraadiga ah.
Michael Rubin, ayaa war-bixinta dheer ee uu arrintan ka qoray isla-markaana uu ku soo qaatay Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somalilad wuxuu Ciwaan uga dhigay “Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanu waa inay joojiso sida quudhsiga ah ee ay ula dhaqmayso Dimuqraadiyadda Afrika..”.
War-bixinta dheer oo uu Michael Rubin ku baahiyey Bog uu Internet-ka ku leeyahay, ayuu ku sheegay inaan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku aanay si siman taageero dhaqaale u siinin Dalalka Afrika, balse qaar aan dimuqraadi ahayn ay Malaayiin dollar siiso, kuwo ay hoggaamiyaan Madax Kaligood Taliyeyaal ahna ay sidaasi oo kale Malaayiin dollar u siiyaan si sanadle ah, balse Dawladaha Dimuqraadiga ah uu Maraykanku Quudhsado nidaamkooda Dimuqraadiyadeed.
Michael Rubin oo dalalkaas uu Maraykanku siiyo dhaqaalaha barbar-dhigaya Somaliland, ayaa yidhi “Waddamadan (uu Maraykanku lacagta siiyo) barbar-dhig Somaliland, oo ah Qaran madax-bannaanidiisa Maraykanku aqoonsaday 1960, ka hor Midowgii isxilqaanka ahaa ee ay la galeen Soomaaliya, si ay Udhisaan Soomaaliya. Midowgaasi wuxuu burburay 1991-kii, laakiin Maraykanku uma soo celin aqoonsigii Rasmiga ahaa, halka Soomaaliya u xuub-siibatay Dagaallo sokeeye, Somaliland-na waxay sii ahaatay Nabadgalyo, waxay qabsatay doorashooyin kala duwan oo Hal qof iyo Hal Cod ah, kuwaasi oo ay ugu dambaysay doorashadii dhacday 31-kii May, 2021.”
Michael Rubin oo War-bixintiisa sii wata, ayaa Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ku eedeeyay in aanay goob-joogayaal u dirin doorashadii Somaliland ka dhacday bishii May ee sannadkan 2021, taasi oo illlaa 10 waddan oo Midowga Yurub ahi u soo dirsadeen kormeerayaal “Si ka duwan dal kasta oo Afrikaan ah, Somaliland waxay ku xaqiijisaa (Doorashada) hufnaanta hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyada oo lagu sameeyo baadhitaannada Isha Bu’deeda, diblumaasiyiin ka socda ku dhawaad toban dal dal oo tirsan Midowga Yurub, ayaa indho-indheeyey doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Somaliland, laakiin Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya midna uma dirin goob-joogayaal Mareykan ah..”
Khabiirkan Maraykanka waxa kale oo uu qoraalkiisa ku soo hadal-qaaday doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay in labada Xisbi Mucaarad oo iskaashanayaa inay doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, lagana adkaaday Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda oo Biixi u soo sharraxay Afhayeenka Baarlamaanka, laakiin Faratoon wuxuu aqbalay guul-darradiisa, Madaxweyne Biixina intii uu wiiqi lahaa dimuqraadiyadda wuu u dabbaal-degay Natiijada, Waayo ? “Karaamada dimuqraadiyaddu waxay hoos u dhigtaa damaca nin kasta..”
Wuxuu sheegay in Boqortooyada Midowday ee UK aanay aqoonayn Madax-banaanida Somaliland, balse ay Somaliland ku leedahay Xafiis, Stuart Brown oo ah Wakiilkeeduna uu hambalyeeyay Guusha Somaliland ee doorashada.
Rubin wuxuu ku canaantay Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka in aanay Caawin Somaliland, iskaa inay caawisee xitaa aanay qiranin inay arrintaa ku khaldan tahay “Waaxda Arrimaha Dibeddu, waxay diiddan tahay inay xitaa qirato (inay khaldan tahay), iskaba daa inay caawiso oo ay Maalgeliso dimuquraadiyadda kaliya ee guulaysatay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “In la taageero Somaliland uma baahna in la aqbalo Madax-bannaanideeda.”
-
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Arbacada berri ah dib uga soo laabanaya fasax kooban oo ay maalmahan ku jireen.
Baarlamanka Puntland ayaa sida qorshaysan fadhigooda berri ku magacaabi doona guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay shaaciyay liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland.
Doorashada xubnaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay Puntland ka qabsoonto maalmaha soo socda kadib marka la magacaabo guddiga xildhibaannada ah oo qabanaya doorashadaas.
PUNTLAND POST
The post Baarlamanka Puntland oo guda-galaya doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Xalay Ka Da’ay Magaalada Hargeysa
Ciidanka Caasimada Hargeysa ayaa ilaa xalay ilaa caawa ka hawlgalayay khasaarayaal kala duwan oo ay keeneen Roob weyn oo ka da’ay magaalada hadaba, warbixinta samata bixinta khasaarihii ka dhashey iyo badbaadooyinkii ciidanku sameeyeen raxmaadkii Eebe ee caawa ku hoorey caasimada Hargeysa oo faahfaahsan waxay kala tahay :-
1-Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa laga soo badbaadiyay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo daadku la tagey, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo ay soo gaadheen dhaawacyo fudud.
2-Dooxa weyn gaar ahaan aaga Hotel Maamuus waxaa daadku la tagey laba gaadhi oo kala ahaa Vitz iyo Iskarogo, hasayeeshee waxaa ciidanku ka samatabixiyay dadkii saarnaa Gaadiidkaas.
3-Dagmada Gacan-Libaax gaar ahaan Iskuulka Imaaraadka laag u dhaw waxaa laga soo badbaadiyay gaadhi Lancruiser ah.
- Dab ka kacay guri buul ah oo ku yaala barakacayaasha Malawle ee degmada Ibraahim Koodbuur, ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkaas.
5.Laba gaadhi oo laago laga saaray degmooyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe.
- Isgoyska Total Shoodh laydh ka kacay biraha xayaysiisyada ayaa isagana ciidamadu damiyeen.
Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ilaa hadda ciidanka Dab-demisku ku gudajiraan gurmadkaas.
Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda gurmadka ku jiray ciidanka Booliska, cisbitaalka weyn iyo dawlada hoose Hargeysa.
Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa goordhaweyd soo saaray liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa soo saaray 22 musharax oo tartami doona 11-ka kursi ee Puntland ku leedahay Aqalka Sare, waxaana liiska ka soo muuqaday xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland.
Liiska waxaa laga saaray xubno ka tirsan Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday oo ay ka mid yihiin Cumar Cabidrashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirisaaq Juurile.
The post Deni oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Xamas ayaa naxdin ka muujisay xukun ay maxkamad ku taalla Sacuudiga ku riday tiro Falastiiniyiin iyo Jordanian ah oo deganaa dalkaas.
Sida ay sheegtay Xamas, 69 ka mid ah xubnaheeda iyo taageerayaasheeda Sacuudiga, oo kasoo kala jeeda Falastiin iyo Jordan ayaa Axaddii lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa 21 sano.
Raggan ayaa la xiray saddex sano kahor, ayada oo lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin urur argagixiso islamarkaana ay lacag u ururinayeen.
Xamas ayaa ah laan ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Sacuudiga iyo Dalalka Gacanka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.
“Walaalahan ma aysan gelin wax dambi ah oo horseedi kara xukunadan adag ee aan cadaaladda aheyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xamas.
“Waxay sameeyeen ayaa ahaa kaliya inay taageereen qadiyadda shacabkooda, taasi oo aan wax dhibaato ah ku aheyn boqortooyada iyo dadkeeda.”
Xamas ayaa soo dhoweysay go’aanka maxkamadda ay dambigi ugu weysay qaar ka mid ah dadka lasoo eedeeyey, hase yeeshee waxay sheegtay inay ka xun tahay xukunada adag ee aysan u qalmin ee lagu riday badankood.
Xamas ayaa ugu baaqday hoggaanka Sacuudiga inay si deg deg ah usii daayaan raggan, ayna soo afjaraan silaca ay marinayaan qoysaskooda, oo socday laba sano ka badan.
Dadka la xukumnay ayaa waxaa ku jira wakiilkii Xamas ee Sacuudiga Dr. Muhammad al-Khudari, oo 15 sano oo xabsi ah lagu riday.
The post Sacuudiga oo si arxan darro ah mar kale u beegsaday xubno ka tirsan XAMAS appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.
Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa marti-qaad rasmiya ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuro Kenyatta, waxaana la filaya in Rooble iyo Kenyatta wada-hadalo ku yeeshaan magaalada Nairobi.
Labada mas’uul ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadli doona adkaynta xiriirka labada waddan iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, Socdaalka iyo Ganacsiga.
Maalin ka hor, Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la yeeshay wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.
Waxa xusid mudan, in xukuumadda Federaalka oo war soo saartay kulankaas kadib ay caddaysay in arrinta badda aysan ku jirin qodobada laga wada-hadlay.
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay Xarunta madaxtooyada kula kulmay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal.
Kulanka labada mas’uul waxa ku weheliyay guddiga doorashada heer Galmudug iyo xubno ka socday guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Wararku waxay sheegayaan in Kulanka looga hadlay howlaha dardar gelinta doorashooyinka oo la filayo in Galmudug ay todobaadkan gudihiisa bilowdo doorashada Aqalka Sare.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmihii u dambeeyay laga sugayay inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay guddiga doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo saaray liiska musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Deni ayaa soo qoray liis musharaxiin ah oo intooda badan ay cusub yihiin, isaga oo reebay xubnihii Puntland horey ugu matalayey Aqalka Sare.
Xubnaha laga reebay liiska musharaxiinta waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, inkasta oo wararka ay sheegayaan in isaga uu sidaas doonayey.
Puntland ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee soo saaray liiska, kadib Jubaland iyo Koonfur Galbeed, oo qabtay doorashada qaar ka mid ah kuraasta.
Magacyada 22-ka musharax ee ku tartamaya 11-ka kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ayaa kala ah.
1- Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Maxamed Cusmaan Colaad
2- Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) iyo Kawsar Cabdulaahi Xirsl
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud
4- Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin
6- Daahir Ayaanle Saciid iyo Maxamed Cumar Maxamed
7- Farxaan Cali Xuseen iyo Hodan Isxaaq Maxamed
8- Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim
9- Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabduqadir Maxamad Yuusuf
10- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciima Axmad Bakar
11- Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf JamacWaxaa hadda la sugayaa in guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ay shaaciyaan xilliga ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee xubnahan oo ay dooranayaan xildhibaanada baarlamanka Puntland.
The post DEG DEG: Deni oo shaaciyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Cabdi Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka oo ka furmay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.
Shirweynahan oo sanadkii hore u baaqday cudurka coronavirus awgiis, waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya Boostada Adduunka, waxaana ugu weyn doorashada Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka iyo guddiyada ugu sarreeya Midowga, kuwaas oo howgali doona afarta sano ee soo socota.
Furitaanka kadib, Wasiirku wuxuu shir-doceed la yeeshay Agaasimaha xilka wareejinaya ee UPU, Bishaar Xuseen oo ururka madax ka ahaa sagaalkii sano ee la soo dhaafay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka geysatay soo-nooleynta Boostada Soomaaliya iyo inay soo ceshato xubinnimadeedii.
Soomaaliya ayaa soo ceshatay xubinnimada buuxda ee UPU sanadkii 2019-ka, waxayna tani noqoneysaa doorashadii ugu horreysay ee madaxda Wasaaraddu ka qeybgalaan tan iyo burburkii dalka ka dhacay.
PUNTLAND POST
The post Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda Taliban ayaa todobaadkan saddex caasimad goboleed ka qabsaday dowladda Afghanistan.
Dagaalka ayaa sii xoogeysanayey wixii ka dambeeyey bishii May, markii ciidamada ajnabiga ay billaabeen wejigii ugu dambeeyey ka bixitaankooda dalka, oo la filayo in lasoo geba-gebeeyo bishan.
Caasimad goboleedyada kala ah Kunduz, Sar-e-Pul iyo Taloqan oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ayaa saacado gudahood waxay dhammaantood Axaddii ugu gacan galeen Taliban, sida ay xaqiijiyeen sharc-dejiyayaal, ilo-waeedyo amni iyo dadka deegaanka.
Wasaaradda Difaaca Afghanistan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli dagaalka wadaan si ay dib ugu qabsadaan magaalooyinkaas.
PUNTLAND POST
The post Taliban oo qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s Prime Minister Hussein Roble on Sunday countered a presidential ban on agreements with foreign entities during the election period, instead suggesting that the executive arm of the government will continue to perform its full duties.
It came a day after President Mohamed Farmaajo issued a decree banning Somali government institutions from entering into agreements with foreign countries of entities during the election season.
Contrary to the president’s decree, PM Roble instructed all institutions to continue serving the nation as per the provisional constitution and the laws of the state.
A statement by Roble and read by Government Spokesman Mohamed Ibrahim Moalimu said that the Premier wants the government’s business to continue as usual.
“The Provisional Constitution grants the Council of Ministers full authority until the ongoing election generate a new government.
“The executive power of the Federal Republic is vested in the Council of Ministers according with Article 97, Clause 1 of the Provisional Constitution.
“The (Provisional) Constitution grants the cabinet the highest authority,” the statement said.
Farmaajo’s decree on Saturday forbade government ministries and other institutions from entering memorandums of understanding or talks that can impact the future of the country, its sovereignty, and its territorial and marine boundaries.
“No commercial agreements can be entered with foreign parties in the course of the election season,” the decree states.
“The president urges all state institutions to respect the dignity, sovereignty and the progress achieved in recent years.”
Farmaajo’s orders came as Roble prepared to host Kenya’s Foreign Affairs Cabinet Secretary Raychelle Omamo in Mogadishu on Sunday.
The Kenyan minister met with her counterpart Mohamed Abdirizak and then PM Roble, handing him an invitation from Kenyan President Uhuru Kenyatta.
But Ms Omamo left the country without paying a courtesy visit to President Farmaajo, which contradicts earlier remarks by Minister Abdirizak who had earlier said that the Kenyan minister would pay a courtesy call on President Farmaajo.
Based on Article 103 of the constitution, Roble insisted that his government had authority to enter into agreements during the election season until a new government takes over.
“The government is fully responsible for enforcing the law, maintaining security, protecting the interests of the country and the people of Somalia,” he said.
“The National Constitution mandates the government to negotiate with foreign entities on aid, trade, treaties or other issues that are important for our international relations and agreements.”
Omar Shire, a political insider in Mogadishu, expressed worry over Farmaajo and Roble’s difference in opinion.
“The bitter exchanges between the two leaders are likely to widen the rift between the two offices – two leaders with unpredictable results for the big jobs in hand such the election process…It is a sad development at this point in time.”
Source: The East African
The post Somalia PM counters presidential ban on foreign agreements appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s First Lady Saynab Abdi Moallim lauded the Qatari support for the Somali people, which are extended to implement developmental projects and alleviate the suffering of the vulnerable in times of adversities.
-
Hamdi Mohamud spent over two years in jail after getting tangled in an officer’s web of lies. But after all criminal charges against her were dropped, her lawsuit against that officer was thrown out. Why? Merely because the local police officer had been deputized as a federal officer during her bogus investigation.
-
Somalia and Kenya have agreed to shore up their frosty diplomatic relations following a meeting in Mogadishu on Sunday between senior officials from the east African neighbors.
Af-Soomaaliga Oo Lagu Daray Luqadaha Looga Hadlo Gobalka Minnesota
in News - Wararka
Posted
Afka Soomaaliga ah ayaa si rasmi ah loogu daray afafka looga hadlo gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, kadib markii ay halkaasi ay ku soo bateen dadka Soomaalida.
Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ayaa Soomaalida ku dhaqan waxa ay ka mid noqdeen dadka ugu tirada badan ee dagan halkaas.
Dadka Soomaalida ah ayaa la sheegay in ay yihiin dadka Seddaxaad ee ugu badan ee dega magaalada Minneapolis.
Luqadda Soomaaliga ayaa laga dhigi doona dhamaan Iskuulada dowladda Hoose ee Minnesota, isagoo si rasmi ah uga mid noqday Luqadaha gobalkaasi ka diiwaan gishan.
Soomaali badan oo ku dhaqan gobalka Minnesota ayaa xilal kala duwan ka haaya dowladda Hoose ee gobalka, waxa ayna ka mid yihiin dadka ugu sameynta badan dadyowga halkaas dagan.
Goobjoog News
Source: goobjoog.com