Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Kulan Albaabadu xidhnayeen ayaa la sheegay inuu huteel maamuus ee Magaalada Hargeysa ay ku yeesheen Xildhibaannada aqlabiyadda Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Xisbiyadda UCID Kullankan oo ay saxaafadu debad joog ka ahayd ayaa ahaa mid daba socday kullamo hore oo goo-goos ahaa oo dhex-maray Xildhibaannada iyo hoggaanka labada Xisbi,waxaana la sheegay inay kullankan ay ka soo qayb-galeen Xildhibaannada aqlabiyadda Mucaaradka iyo hoggaanka sarre ee laba xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI. Dhanka kalene xoggo hoose oo aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay inuu ahaa mid is xog warraysi ah iyo u diyaargrowga doorshada shir guddoonka Golaha Wakiillada,isla markaana ay Xildhibaannada iyo hoggaanka Xisbiyaddu ay halkaas isku dhaafsadeen afkaaro la xidhiidha doorashada shir guddoonka iyo arrimo kale oo mihiim Geesta kalene kullankan ayaa ku soo beegmay xili ay maal-mo koobani ka hadheen wakhtigii uu Madaxweyne Biixi dastuurku siiyey inuu iskugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada si loo dhaariyo ,kadib-na ay u doortaan shir guddoonkii hoggaamin lahaa Golaha. Source
  2. (SLT- Garbe-ciise)-Maleeshiyaad iskugu jira Canfar iyo Tigreey ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku qaadeen degaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Maleeshiyaadka ayaa dhowr jiho ka weeraray Magaalo lagu magacaabo Garbe-ciise oo ku taalla galbeedka Gobolka SITI ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyagoona halkaas ku dilay dad badan, halka kuwo kalena dhaawac u geystay. Fowzia Afcase oo kamida dadka Degaanka la wareeray oo la hadashay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegtay in Maleeshiyaadka Canfarta iyo Tigrey-ga ay xasuuq ka geysteen Garbe-ciise oo lagu dilay dad shacab oo aan waxba galabsan. Sidoo kale Fowzia Afcase ayaa tilmaamay in sidoo kalen degaanka laga afduubtay in ka badan 40-dumar ah oo kunoolaa Garbe-ciise, isla markaana maleeshiyaadka hubeysan ay xidh-xidheen dad ku jiray Masaaj, ayna weli ku sugan yihiin degaanka. Waxaa kaloo ay sheegtay in dhibaato xoogan ay ka taagan tahay Magaalada Garbe-ciise iyo deegaano kale oo hoostega, isla markaana inta badan dadkii halkaas kunoolaa ay guryahooda isaga barakaceen, halka qaarkood dadka loo geystay falal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba degaano iyo Magaalooyin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay horey uga dhacay weeraro lagu xasuuqay dad shacab ah, waxaana inta badan falalkaas geystay ciidanka deegaanka Canfarta ee dalka Itoobiya. Source
  3. (SLT-Khartoum)-Xafiiska Ra’isal wasaaraha Suudaan oo soo bandhigayay warbixin ku saabsan wadahadal dhinaca Taleefoonka ah ee uu la yeeshay Ra’isal wasaaraha Sudan Cabdullaahi Xamduuk iyo madaxda dowladaha IGAD ayaa magaca Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku qalday magaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Barta Facebook ee Xafiiska RW Xamduuk ayaa la soo geliyey Sawirada Ra’isalwasaaraha Suudaan, madaxda Dalalka Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Jabuuti iyada oo xafiisku sidoo kale soo geliyey Sawirka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xagga hoose ay ugaga qoran tahay magaca Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hase yeeshee 20 daqiiqo kadib ayuu Maamulka Barta Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdullaahi Xamduuk waxa uu guud ahaanba ka saaray Boggaas Sawirrada Ra’isul Wasaare Xamduuk iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Source
  4. London (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayAa faah faahin ka bixiyey safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee London wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galayo shir looga hadlayo tayada waxbarashada Caruurta. Macalimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Rooble uu la kulmi doono dhiggiisa UK Boris Johnson iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda dalkaasi, Mr Dominic Raab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo dadaallada ay wado xukuumadda Rooble ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka. “Muddada kooban ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sugan yahay London waxa uu la kulmayaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson & Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Dominic Raab oo ay kawada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka,” ayuu yiri. Waxa kale oo kulankan lagu soo qaadi doonaa taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku aadan xiriirka labada wadan. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada London wuxuu kulan duceedyo la qaadan doonaa madaxda ka soo qeyb-geleysa shirka ku saabsan sare u qaadista tayada waxbarashada caruurta ee ku dhaqan guud ahaan dunida. Socdaalka Rooble ee London ayaa noqonayaa kiisii saddexaad ee ugu baxay dalka dibaddiisa, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, dalkana uu ku jiro marxalad doorasho, isla-markaana uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashooyinka. The post Maxay ka wada-hadlayaan Rooble iyo dhiggiisa UK? appeared first on Caasimada Online.
  5. Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah looga hadlay arrinta ku saabsan anshax-marinta xidlhibaan, Axmed Cabdiraxmaan Jaamac kuluc oo horay u dhaliilay wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamanka. Guddiga Anshax Baarlamanka, oo maanta horyimid Golaha ayaa sheegay in aysan weli soo dhammaystirin kiiska xildhibaan Kuluc, sidaad darteedna aysan go’aan ka gaarin arrintaas. Wararku waxay sheegayaan ,in guddiga Anshaxa uu isku khilaafay kiiska anshax-marinta xildhibaan Kuluc, islamarkaana badankoodu soo jeediyeen in kiiskaba halkaas lagu xiro oo aan mar dambe laga hadlin. Sidoo kale, xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo kulankii maanta ka hadlay ayaa sheegay in kiiskan noqday diyaarad cagihii u bixi waayee, isagoo soo jeediyay in aan mar dambe la soo hadal qaadin. Intaas kadib Baarlamanka ayaa galay fasax lix maalmood ah, waxaana lagu ballamay in dib la isu-gu soo laabto 3-da bisha Agoosto, iyoo markaas loo gudbi doono doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay Kiiskii Xildhibaan Kuluc? appeared first on Puntland Post.
  6. Shir lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa lagu codsaday in ambassador Sureer Abshir Muuse sannadkan la siiyo xubinada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Halkaan ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Shir lagu taageerayay ambassador Sureer Abshir Muuse oo lagu qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey horumarada illaa iyo hadda laga gaaray arrimaha doorashooyinka, tan iyo markii uu maamulkeeda la wareegay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Warqad kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu soo koobay dhammaan waxyaabihii qabsoomay, illaa markii la billaabay wada-hadallada doorashooyinka, gaaraan ahaan wixii ka dambeeyey, markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka 27 bishii May ee sanada 2021. Sidoo kale warqadan waxaa lagu soo badhigay horurmada laga gaaray doorashooyinka, iyada oo mid walba la caddeeyey taariikh ahaan xilliga la qabtay. Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in guulo badan la gaaray, sida saxiixa heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka, guddigii uu u magacaabay ra’iisul wasaaraha xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay, kulamadii Rooble iyo musharraxiinta oo iyana guullo waa weyn laga gaaray, guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad Goboleed iyo xalinta khilaafaadka iyo soo saarista jadwalka doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxaa warqadan lagu soo qaaday dadaalladii dib u heshiisiinta ee gobolka Gedo iyo guddigii uu ra’iisul wasaaraha ee magacaabay ee loo diray magaalada Garbahaarey. Halkan hoose ka aqriso:- May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka. May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay. May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin. June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka. June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka. June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo. July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo. July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo. July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo. July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex. July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi. July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka. July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu habka fogaan arragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu ku booriyay inay doorashada dedejiyaan, maadaama la gaaray xilligii lagu balamay in ay bilaabato. The post DF Somalia oo shaacisay horumarada laga gaaray doorashooyinka DALKA appeared first on Caasimada Online.
  8. Wasiirka amniga dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay fiidkii kooxa hubeysan ay dad shacab ah ugu geeysteen deegaan hoostaga degmada Galdogob oo ka tirsan gobalka Mudug. Fiqi ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado dad shacab ah in la dilo isagoo yiri “Waxaan ka tacsiyadaynayaa Isla markaana cambaaraynayaa dilka ka dhacay shalay galab deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug ee lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah ayna ku dhinteen 2 qofood, laguna dhaawacay qof kale”. Wasiirka ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in baaritaanno la sameynayo gacantana ay ku soo dhigi doonan kooxihi weerarkaas ka dambeyay. “Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada Shabaab”, ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka tacsiyadeynayaan dilka ka dhacay deeganka Dhagxanya-cadde oo hoostaga degmada Galdogob. “Eheladii iyo qaraabadii dhibbanayaashaas waxaan leenahay sabir iyo iimaan Allaha idinka siiyo”, ayuu yiri wasiir Fiqi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay caan ku tahay qudaarta kala duwan oo ay beertaan dadka deegaanka ku ah gobolka, in kasta ay sannadkan qudaarta soo go’day ay ka tiro yartahay muddoyinkii hore. Sababta ay qudaarta ugu yartahay suuqyada magaalada ayay beerlaeydu ku sheegeen in ay biyaha oo wabiga ee soo fatahay ay dhowr jeer xaalufiyeen tacabkii beeraha ee la sugayay guristooda. Beertan aan booqannay isla markaana uu leeyahay Maxamed Dhicis Cabdi oo ah wiil dhallinyaro ah haddana barta cilmiga beeraha, ayaa waxaa ka baxa nuucyada kala duwan ee qudaarta sida Afakaadho, baradho, liin bameelmo, liinta kale oo laba nuuc ah iyo muuska oo isna dhowr nuuc ka kooban.. Wabiga oo aan beerta ka fogeyn ayaa laga waraabiya, waxaana sannadkaan laga filayaa in ay ka soo go’do qudaar ka tiro badan intii hore…Maxamed Dhicis oo mas’uul ka ah beertaan ayaan ku booqday isaga oo ka shaqaynaya, waxaana uu iiga warramay nuucyaada kala duwan ee qudaarta uu beero, iyo waxyaabaha yareeya qudaarta soo go’da… Maxamed Dhicis, maalmo ka hor ayaa baraha bulshada lagu faafiyay isaga oo beeray baradho oo naadir ay tahay in dalkeena lagu abuuro, si aan arrintaa u xaqiijinno ayan wax ka weydiinay run ahaanshiyaha beerita Baradha, waxaana uu ii sheegay in uu dhowr kiilo ka soo gooyay dibna uu berrta ugu celiyay haddana ay tahay xillgii 2aad oo ka miro sugayao. Hoos ka daawo Muuqaalka Warbixin ay goobjoog ka diyaarisay Magaalada. Source: goobjoog.com
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ay maleeshiyaad hubeysan xalay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo u dhow degmada Galdogob ee gobolka Mudug, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Maleeshiyaadka hubeysan oo goobta isaga baxsaday ayaa la sheegay inay mar qura rasaas ku fureen dadkaasi shacabka ah, xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo ku yaalla Galdogob. Inta la xaqiijiyey weerarkan ku dhintay ugu yaraan labo qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad. Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray deegaanka uu falkaasi ka dhacay, waxaana ay illaa iyo hadda wadaan howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana Dhagxanya-cadde laga dareemayaa xiisad xoogan oo ka dhalatay dilka loo geystay dadkaasi rayidka ah. Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal salka ku hayo aano Qabiil oo weli ka taagan deegaano dhaca gobolkaas oo ay marar kusoo noq-noqdeen dagaal beeleedyo. The post Weerar lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  11. Co-operation agreement intends to help drive international investment into the east African city The central business district of Nairobi, Kenya’s capital. Officials have said the agreement could result in $2bn worth of deals over the next five years © Thomas Mukoya/Reuters Kenyan and British officials are to sign a deal on Tuesday to boost investment in Nairobi, with the ultimate aim of turning the city, which is home to some of the continent’s biggest banks, into Africa’s financial hub. The goal of the co-operation agreement, which officials have said could result in at least $2bn worth of deals during the next five years, is to help funnel international investment into Kenya and east Africa more broadly, people involved said. This should over time enable Nairobi to compete with Dubai, as a conduit for trade in the region. The deal includes closer links between the London and Nairobi stock exchanges, as well as moves to ease incorporation and registration of companies in Kenya, east Africa’s economic powerhouse. British insurer Prudential, which has grown rapidly in Africa, where it has 1.2m customers in eight countries, is the first non-African company to set up its regional head office in Nairobi under the new arrangements. Kenyan mining company Mayflower Gold has also announced plans to dual list its shares on both the London and Nairobi stock exchanges in a deal worth £14m. The agreement, which kicks off Kenyan president Uhuru Kenyatta’s three-day visit to the UK, could further bolster economic ties between the two countries. In March this year, Kenya and the UK ratified a trade agreement signed last December — one of more than a dozen deals inked during the Brexit transition period — with Britain saying it would help to boost the £1.4bn in mutual trade. UK foreign secretary Dominic Raab is to welcome Kenyatta to the Mansion House in London on Tuesday to unveil £132m of new British investments in Kenya. “This package of investments will create new jobs and unlock new opportunities for UK and Kenyan businesses by strengthening the relationship between Nairobi and the City of London,” said Raab. Nairobi’s advantages included political stability and good connectivity, as well as a stable exchange rate and diverse pool of talent, said Vincent Rague, a former senior adviser to the National Treasury of Kenya and the incoming chair of the board for the International Financial Centre. “Obviously, you have to have incentives, but I think much more fundamentally you have to [provide] the wider ecosystem in terms of the regulatory environment for financial services,” he said. With Kenyan banks such as KCB and Equity expanding regionally, an Africa-based British official said: “The point now is to bring more pan-African businesses into Nairobi, [it] could be an international bank from anywhere that wants to put its African headquarters in Nairobi. ”But for the Kenyan capital to become a hub “won’t be without challenges”, said a local banking executive, pointing to the World Bank’s Ease of Doing Business ranking, which puts Kenya behind Mauritius and Rwanda. Nairobi is also ranked behind Dubai and, in Africa, after Casablanca, Cape Town, Port Louis and Johannesburg in the latest Global Financial Centres Index. Source: Financial Times The post Kenya deal with UK aims to turn Nairobi into Africa’s financial hub appeared first on Puntland Post.
  12. Garaad jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in fasiraad qaldan loo sameeyay hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay xafladdii Caana-shubka Garaad Maxamed Garaad Abshir, oo ka dhacday degaanka Widhwidh ee Gobolka Cayn. Garaadka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu cid gaar ah ula jeeday hadalkiisi ahaa in Islaan Ciise Islaan Maxamed uu dhaqanka ku adagyahay, islamarkaana qof kursiga Baarlamanka soo maray uusan mar kale ugu celin. Dadka qaarkood ayaa baraha bulshada ku qoray in Garaadku hadalkiisa ula jeeday xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya lagana soo doorto Gobolka Nugaal. Balse Garaad Jaamac ayaa caddeeyay in hadalkiisu aanu ku socon xildhibaan Cali Xoosh, isago sheegay in ciddii ay xildhibaan siyaasad ku muransan yihiin ay si kale u dhaliisho. Halkaan ka daawo Muuqaalka Garaadka PUNTLAND POST The post Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in laga been-abuurtay appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo guddiga doorashooyinka Jubbaland . Axmed Madoobe ayaa warbixino ka dhageystay guddiga xilli dhawaan deeganada maamuulkaas ka bilaaban doonto doorashada labada gole ee baarlamaanka. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, isagoo ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hada shaqadu u socoto”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobaleedka Jubbaland. Warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan, Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay”. Jubbaland ayaa lagu wadaa ay noqoto maamulka ugu horeeyo ee lagu qabto doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Xafiiska Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa soo saaray wax uu ku sheegay waxqabad doorasho, isaga oo soo gudbiyey shax uu ku sharaxayo kulamo uu Rooble sameeyey. Xafiiska ma sheegin arrinta cakiran ilaa hadda sida laba guddoon doorasho ee Somaliland, Baladweyn iyo arrimo kale. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  15. Taliyaha Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in Khamri iyo Xashiishad aan tiro lahayn Somaliland si sharci daro ah lagu soo galiyo, isla markaana booliisku fashiliyay tabo layaable oo dadka ka ganacsada maandooriyuhu isticmaalaan. Taliyaha ayaa ka sheekeeyay xadiga maandooriyaha kala duwan ee ciidanka booliisku ku guulaysteen, in ay qabtaan mudadii u dhaxaysay bishii kowaad ilaa bishii lixaad ee sanadkan, sidookale taliyuhu wuxuu ka hadlay dad tiro badan oo loosoo qabtay ka ganacsiga sharci darada ah ee maandooriyaha. “Jeenawari ilaa Juun 26,800 oo litir oo Khamri ah ayuu ciidanka boolisku qabtay, 10% kama aha wixii dalka soo galay, 10,55 Xashishad ah oo iskugu jirta tii la laabayay, tii sanka laga qaadanayay iyo mid dareere ah oo xididka layskaga mudo iyadana waala qabtay” ayuu yidhi Dabagale. “Ciidanka booliisku waxa kale oo uu qabtay 1,500 oo caagadood oo Isbiirto ah, 1001 eedeysane ayaa loo qabtay oo la hayaa lixdaa bilood, halkaa waxad ka fahmaysaa xadiga daroogadu ku leedahay waddankeena” ayuu hadalkiisa kusii daray Dabagale. Taliye Dabagale ayaa sheegay in maandooriyaha ugu badani uu Somaliland kasoo galo waddanka Itoobiya, waddamada kale ee jaarka, isla markaana xataa uu jiro maandooriye Somaliland looga soo dhoofiyo waddama kale ee caalamka kaasi oo Somaliland kasoo gala dhinaca badda. “Maandooriyuhu waxa uu ka yimaada waddmada jaarka inala ah oo dhan iyo kuwa caalamka oo baddana wuu inaga soo gala, 4 bilood kahor 400 oo litir markab sida ayaanu qabanay, lakiin 95% waxa uu inooga yimadaa waddamada aynu dariska nahay waxana ugu hadan Itoobiya” ayuu yidhi Dabagale. Dabagale ayaa sheegay in ciidanka boolisku fashiliyeen farsamooyin kala duwan oo dadka maandooriyaha Somaliland keena isticmaalaan, wuxuuna sheegay in lagu soo dhex qariyo baabuurta caanaha, baabuurta Qaadka, baabuurta khudaarta iyo xataa falaasadaha (darmuusyo) shaaha lagu shubo. Dagaalka uu booliisku kula jiro maandooriyaha Somaliland laga soo galiyo waddamada jaarka khaasatana waddanka Itoobiya oo Somaliland ay xuduud dheer wadaagaan, ayaa noqday shaqo maalin le ah, waxaana bilihii u danbeeyay kordhay xadiga maandooriyaha Somaliland sida qarsoodiga ah loogu soo iib geeyo. HOL Qaran News
  16. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Galdogob oo hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxa hubeysan ay xalay dad shacab ah ku dileen deegaan lagu magacaabo Dhagxanya-cadde oo hoostaga Galdogob. Weerarkan ay soo qaadeen koox aan heybtooda la aqoon ayaa la sheegay in ay ku dhinteen laba nin oo la sheegay in xoola dhaqato ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka Dhagxanya-cadde. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku sugnayeen hooygooda xilliga weerarka lagu soo qaaday. Dilka ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku lug leeyahay aanooyin qabiil oo muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray deegaanka. Sikastaba deeganada hoostaga gobalka Mudug ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeyay ay ka dhacayeen dilal noocan oo kale ah oo ku saleysan aanooyin qabiil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Sheeko Xariir. Qiso Dhab ah …Ila qosol ..Qalinkii Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa) Wiil iyo aabbihii ayaa waxay ku wada noolayeen magaalo, xoolana waxay ka lahayeen hal dameer oo ay ku xamaalan jireen, oo intay xaabo kaymaha uga soo guraan ayay iibin jireen oo nolol maalmeed kooda ka raadsan jireen. Wiilku ma ahayn mid bulshada si fiican u dhex galay oo shaqadiisa ayuu ku ekaan jiray, waxaase uu aad ula yaabi jiray oo uu ka war hayay in bini’aadamka weligood xan iyo dulmi aan laga waayeynin, adigu wax wanaagsan same ama ha sameynine. Wiilku wuxuu aabahii ku yidhi “aaboow dadku naftooda may ku ekaadaan, maxaa isku diraya oo isu geynaya?, sow qof walba tiisa kuma filna, waxa la sheegayo ee ah in dadka meel looga nabad galaa aysan jirin sax miyaa?” aabbihii oo ahaa nin waayo arag ah, sanaddo badana jirey, ayaa isagoo doonaya inuu tusaaleeyo in arrinta run tahay ayuu wuxuu ku yidhi “Maandhow, berri marka waagu baryo ayaad indhahaaga wax ku arki doontaayee, iska seexo caawa” Markuu waagii baryay ayaa aabbihii wuxu yidhi “haye aabbo dameerka noo soo wad”. Aabbihii ayaa fuulay dameerkii, wiilkiina xadhiguu u qabtay. Markay inyar socdeen ayaa waxay soo ag mareen koox dad ah oo meel wada fadhiya markay sii dhaafayeen aya waxay kooxdii si jees-jees ah yidhaahdeen “War oday hebel arka naxariis daranaa! Intuu isagii dameerka fuulay ayuu wiilkiisii yaraa xadhigii u dhiibey oo yidhi lugee yarkiisii !!”. Markaasuu Odeygii ku yidhi wiilkiisa “aabbo ma maqashaa waxay leeyihiin?” Maalitii labaad, ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi ,“bal waa yaabe adigu u bax dameerka anigaa maanta kugu kaxeynayee”. Wiilkii dameerkii ayuu fuulay, markii ay waxyar socdeen ayaa waxay soo agmareen dad kale. Siddoo kale waxay ku yidhaahdeen “Alla bal eega wiilka waalid caasiga ah! Aabbihiis ayaa lugaynaya isaguna dameer ayuu fuushan yahay!!” Maalin saddexaad kii ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi “maandhow dad warkii su ma dhammaadee, bal kolkan aan dameerka u wada baxno labadeenuba” dameerkii ayay wada fuuleen, markay muddo socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale oo dad ah, markaasay kooxdii yidhaahdeen “accuudu billaah! Dameerkaan ma la nacay, miyaan loo arxameyn, may hal qof saaraan!!” Maalintii afraad ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi “maandhow ma aragtaa? Bal inaga wada deji oo labadeenuba wada lugeeynee”, wiilkii iyo aabbihiisa way wada lugeeyeen, cabbaar markay socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale, markay sii dhaafayeen ayaa waxay yidhaahdeen “Waar bal eega labada nine e dameerka iska daba jooga, alla doqonsanaa!, Bal may qof saaraan dameerku waxba ma saarnee!!”kkkkk. Markii intaas dhacday ayuu aabbihii ama Odeygii ku jeestay wiilkii oo ku yidhi “aabbo ma aragtaa?” Wiilkii oo wax weyn faa’iday ayaa yidhi “Wallee aabboow dad meel na uga baxsan meysid, gurigeena iyo dameer keenana ku dhahoo, Waxaase Doqon ah ninkii Dantiisa hadal Dad u daaya” . Qalinkii PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKEY jaafaa66@gmail.com Qaran News
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer federaal & midka maamulkaasi, isagoo kala hadlay doorashada. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), waxaana intii uu socday shirkan diirada lagu saaray shaqooyinka labada guddi. Ugu horreyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageysatay guddiyadan, taas oo la xiriirta duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hadda shaqadu u socoto. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ay u dhici doonto qaab hufnaan leh oo xor iyo xalaal ah. Sidoo kale wuxuu ku amaanay guddiyada doorashooyinka ee haatan diyaar garowga wda shaqooyinka u qabsoomay maalmihii lasoo dhaafay ee la xiriira qabashada doorashada. Ugu dambeyn madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo kan maamulkaasi inay laba jibaaraan dadaalladooda, si markaasi loo guda-galo qabashada doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya. Kulankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada xildhibaanada Aqalka Sare oo qorshuhu ahaa inuu bilowdo 25-kii bishan, balse waxaa haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey, waxaana lagu horreysan magaalada Kismaayo oo lagu soo xuli illaa sideed kursi oo Jubbaland ay ku leedahay Aqalka Sare. The post Sawirro: Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay gudiyada doorashooyinka? appeared first on Caasimada Online.
  19. Miraa traders from Meru have petitioned the House to engage relevant government ministries to restore their market in Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. A large group of Somali students in Pakistan celebrated their country’s 61st independence day in Islamabad in connection with Eid-ul-Azha when they had some time off from their online studies. Source: Hiiraan Online
  21. The European Union (EU) and its partners cut by half the budget for troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia after a secret partial withdrawal of Kenyan soldiers. Source: Hiiraan Online
  22. Nin Soomaaliya oo loo heysto inuu gawracay Nin 52 jira oo lagu xidhay Jarmalka Nin Soomaali oo looga shakisanyahay inuu dilay Nin 52 Jir ah oo aan dhalashadiisa la sheegin ayaa lagu xidhay dalka Jarmalka Magaalada Regen oo ka tirsan Gobolka Bayern ee dalka Jarmalka ayaa Isniintii hore waxaa Maydkiisa laga helay 52 Jir ku noolaa Hoyga Dadka Bilaa Hoyga ah, kaasoo midi lala dhacay, sida ay warbaahinta qaar sheegayaana Madaxa laga Jaray. Laba saacadood kadib dhimashada 52 Jirkaas waxaa gacanta lagu dhigay Wiil Soomaali ah oo 21 Jir ah, kaasoo la sheegay inay wada daganayeen ninka 52 Jirka ah ee Geeriyooday . Booliska markii ay qabteen wiilka Soomaaliga ah ayaa ka dib baadhitaan ay ku sameeyeen waxay ogaadeen inuu Danbiyo hore galay kuwaasoo iskugu jira burbur hantiyeed iyo dhaawacyo Jidheed, kuwaasoo sababay in lagu tuhmo dilka ninkan.Booliska ayaa sheegay inuu wali baadhitaan ku socdo wiilka Soomaaliga, ayna raadinayaan cadeymo dhameystiran oo kiisan ku saabsan. Dadka degaankaasi ku nool ayaa aad uga naxay waxayna dhacdadani soo xasuusisay dhacdadii ka dhacay Magaalada Würzburg ee uu wiilka Soomaaliga ah 3 qof ku dilay, dhawr kalena ku dhaawacay. Shalay ayey aheyd markii Booliska Magaaladda Frankfurt ay toogasho ku dhaawaceen 27 jir Soomaali ah oo ku hubaysnaa laba midiyoood kaasoo isku dayey inuu dilo oday Waayeel ah oo uu weeraray. Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa ka walaacsan dhacdooyinkan iyaga loo nisbeynayo iyagoo ka cabsi qaba in loo geysto dhibaatooyin kaga yimaada dadka cunsuriyiinta ah ee neceb soo galootiga. Qaran News
  23. Farmaajo & Mid ka mida Saraakiishii ugu dhadhawaa,Isku beelna ka soo jeedaan oo khilaaf culus soo kala dhax-galay Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxii xasilinta amniga gobalka Bakaal Kooke uu khilaaf soo kala dhaxgalay, ayna xumaatay kalsoonidii ka dhaxeysay. Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu soo jiray bilooyinka la soo dhaafay waxaana Bakaal Kooke laga soo wareejiyay gobalka Gedo, iyadoo howlgal loogu diray gobalka Shabeelalda Dhexe. Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday in ay gaaraan Gedo. Taliye Bakaal Kooke ayaa markii ugu dambeysay Madaxweyne Farmaajo u sheegay in gobalka Gedo uusan ku hagaagi doonin sida hadda wax-loo wado, isagoo sheegay in madaxweynaha uu kaliya wax la rabo beeshiisa oo aan daganeyn Gedo balse degta Galgaduud. Bakaal kooke Wixii markaas ka dambeeyay ayaa la sheegay in Bakaal Kooke iyo ciidan ka tirsan NISA howlgal loogu diray degmada Balcad, kaasoo la sheegay in muddo bilooyin ah socon doono balse waxaa jirtay in laba jeer uu ka mid noqday mas’uuliyiin reer Gedo ah oo laga soo celiyay garoonka Muqdisho. Arrintan ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu la dagaalay dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaashay gobalka Gedo. Shaqsiyaadka lagu jisaaray waxaa kamid ah, Bakaal Kooke, Macalimuu oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka iyo dhamaan guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo iyo saraakiil kale. Qaran News