Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Muqdisho ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madax maamul goboleedyada, waxaa Rooble ku hortaalla su’aal weyn oo ah; ma xakameyn doonaa damaca siyaasadeed ee madax goboleedyada mise qeyb ayuu ka noqon doonaa?

    Shirkan ayaa waxaa horyaalla afar qodob oo weyn, hase yeeshee qodobka ugu muhiimsan, uguna cawaaqibka badan, ayaa ah midka la xiriira habraaca doorashada xildhibaanada golaha shacabka, oo madax goboleedyada ay isku dayayaan inay awoodda maamulka doorashada ugala wareegaan guddiga doorashada heer federal.

    Guddiga Doorashada heer Federaal, oo ka war-helay in madax gobleedyada ay damacsan yihiin inay soo saaraan habraac doorasho, ayaa ka hordhacay, waxayna 19-kii August soo saareen habraac doorashada golaha shacabka. 

    Habraacan ayaa si weyn loogu xadiday awoodda madax goboleedyada, balse madax-goboleedyada ayaa hadda doonayaa in taas waxa laga beddelo, ayaga oo doonaya inay soo saaraan habraac doorasho oo awood badan siinaya iyaga.

    Qorshaha madax-goboleedyada ayaa ah inay doorashada golaha shacabka ka dhigaan mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo si buuxda ay u lahaayeen go’aanka cidda noqoneysa senator iyo cidda aan noqoneyn.

    Ma jiraan awoodo madaxda maamul goboleedyada u siinaya inay soo saaraan habraac doorasho, haddii ay sidaas sameyn karaanna, waxay su’aashu tahay maxaa looga baahan yahay oo loo dhisay guddiyada doorashada?

    Ra’iisul Wasaare Rooble naftiisa ayaa mar horeba awood tiray guddiga doorashada markii uu sameeyey guddi kale oo xafiiskiisa ka dhisan oo qaabilsan raadinta dhaqaalaha doorashada, taasi oo aheyd shaqadii guddiga doorashad heer federal.

    Guddigaas ayaa durba gacanta kusoo dhigay 7.2 milyan oo ka mid ah dhaqaalaha doorashada, kadib heshiis ay la galeen beesha caalamka.

    Ayada oo la fahmi karo xasaasiyadda ay lacagta u leedahay siyaasiyiinta Soomaalida, ayey guddiga doorashada ka tanaasuleen qodobkan, balse waxaa weli socda dadaallada looga rifayo baalasho, laguna awood tirayo.

    Waxa ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah; cidda leh awoodda soo xulista ergada dooraneysa xildhibaanka. Madax goboleedyada ayaa doonaya inay kaalin ku yeeshaan xulista ergada, halka odayaasha qabaa’ilka, guddiga doorashada, midowga musharaxiinta iyo madaxweyne Farmaajo ay doonayaan in qabaa’ilka loo madax baneeyo.

    Madax goboleedyada qaarkood ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

    Ra’iisul Wasaare Rooble, oo maalmahan ay xiisad kala dhaxeysay madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu warramay in madax goboleedyada qaarkood ay ka dhaadhicinayaan inay soo saaraan habraac doorasho oo ka duwan midka guddiga doorashada, taasi oo haddii ay dhacdo sababi karta xiisad siyaasadeed hor leh.

    Qodobka habraaca doorashada ayaa sidoo kale u muuqada inuu kala geeyey Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo horey xulufo u ahaa, ayada oo musharaxiinta ay aad uga soo horjeedaan in doorashada Aqalka Sare ay noqoto mid la mid ah tan Aqalka Hoose.

    Qoraal kasoo baxay shirkoodii Muqdisho ee toddobaadkii tegay ayey Musharaxiinta walaac xooggan uga muujiyeen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare. 

    Waxay sidoo kale toos fariin ugu direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday, in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka.

    Rooble oo tan iyo markii uu hoggaanka doorashada la wareegay sumcad ku kasbaday dhex-dhexaadnimo iyo sida habsamida leh ee uu u maareeyey, ayaa qodobkan wuxuu u noqon doonaa mid sumcaddiisa kusii taagnato, ama lugaha u geliye fadeexad iyo musuq-maasuq siyaasadeed oo sanado badan laga sheekeeyo. 

    The post Rooble qeyb ma ka noqon doonaa shirqoolka madax goboleedyada ay wadaan? appeared first on Caasimada Online.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online xog rasmi ah ku heshay, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa amar ku bixiyay in awood ciidan lagu joojiyo dhismaha dhul danguud ah oo ay Naafada Qaranka lahaayeen oo ku yaala nawaaxiga Dekadda Muqdisho, dhulkaas oo guddoomiye Cumar Filish ka dhisay baakinka gaadiidka ka shaqeeya dekadda Muqdisho. 

    Taliye Xijaar ayaa guddoomiyaha ku amray joojinta dhismaha iyo xarig ka jarka, waxaana la sheegay in diidamada gobalka kadib taliye Xijaar ku amray in awood ciidan lagu joojiyo howsha halkaas ka socotay. 

    Taliyaha qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole, oo guddoomiye Cumar Filish kula kulmay xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday degmada Heliwaa, aya u sheegay in la soo siiyay amar joojin ah balse uu diiday fulintiisa. 

    “Waxaa ammar laygu siiyay inaa joojiyo shaqadii aad halkaas ka waday guddoomiye, anna waxaan dalbaday in warqada lagu cadeeyo inaa awood ciidan duqa Muqdisho oo ciidan wata uga joojiyo dhismaha socda waana ku dhiiran waayay taliyahayga,” ayaa laga soo xigtay Farxoon Qaroole, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

    Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa hadda bilaabay in uu lacag ku bixiyo in warbaahinta ka hadlaan Naafada Qaranka oo ay maamulka gobalka Banaadir ku eedeeyaan in uu dhulkaas boobay. 

    Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhowaan ammar ku bixiyay laba dhinaca ee Bari iyo Galbeed ee Dekadda Muqdisho barxado ku yaala lagu wareejiyo darbi lagana dhigo baakinka gaadiidka gala Dekadda Muqdisho oo jaam badan ka sameeyay waddooyinka Gobalka Banaadir. 

    Ma cadda halka ay arrintan ku dhammaan doonto, balse sida muuqato ma huri doonto inuu soo farao-geliyo madaxweyne Farmaajo.

    The post Xog: Dagaal dhexmari rabay ciidamada Filish iyo Xijaar oo laga baajiyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  3. Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey. 

    Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go’aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go’aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda Kenya, wax kayar hal sano kahor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta.

    Kenyatta ayaa ku dooday in hindisahan uu siyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid loo dhan yahay, uuna soo geba-gebeyn lahaa rabshadaha doorasho ee dalka kusoo noqnoqday.

    Madaxweynaha Maxkamadda Danile Musinga ayaa go’aankan soo saaray kadib kulan qaatay 10 saac oo toos looga daawanayey taleefishinka.

    “Isbeddel dastuuri ah waxaa billaabi kara kaliya baarlamanka, ama hindise cod dadweyne,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in Kenyatta maxkamada madani ah lagula kori karo billaabidda hindisaha.

    Hindisaha lasoo jeediyey ayaa yimid kadib heshiis ay galeen Kenyatta iyo mucaaradkiisa muddada fog Raila Odinga.

    Hindisahan oo loogu yeeray BBI, wuxuu dib u qaabeyn ku sameyn lahaa hanaanka doorasho ee iminka oo ah, in cidda ugu codadadka badan ay qaadato xilka uga sarreeya dalka, wuxuuna awoodda baarlamanka iyo tan fulinta ka dhigi lahaa mid siman. Wuxuu sidoo kale abuuri lahaa jagada ra’iisul wasaaraha.

    Dadka dhalleeceeya qorshahan ayaa ku macneeyey mid Kenyatta, oo aan u ordi karin doorashada madaxweyne ee dhaceysa 9-ka August 2022, maadaama uu dhameystay labadiisa muddo xileed, u ogolaaneysa inuu xilka sii hayo isaga oo abuuraya jagada ra’iisul wasaraaha.

    Go’aanka Jimcihii soo baxay ayaa ogolaanaya in hanaanka doorashada dalka uu ku socdo jadwalkii loo dejiyey, haddii aan kiiska loo qaadin maxkamadda Sare ee dalka.

    Hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ayey u badan tahay inay dib uga fakaraan hindisaha, si ay isbaheysiyo siyaasadeed u dhisaan kahor doorashada sanadka dambe, maadaama waqtigu gabaabsi yahay.

    The post Qorshihii uu Uhuru Kenyatta ku noqon lahaa ra’iisul wasaare oo fashil la kulmay appeared first on Caasimada Online.


  4. London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa beddelay mowqifkiisii ku wajahnaa kooxda Taalibaan, isaga oo sheegay in Britain ay la shaqeyn doonto kooxdaas haddii ay lagama maarmaan noqoto.

    Hadalkan ayaa ka duwan kii Johnson kasoo yeeray Toddobaadkii tegay markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, markaasi oo uu sheegay in UK aysan marnaba aqoonsan doonin kooxdaas.

    “Waxa aan doonayo inaan u xaqiijiyo shacabka ayaa ah dadaalladeena siyaasadeed ee ku aadan xal u helista Afghanistan. La-shaqeynta Taalibaan, haddii lagama maarmaan noqoto, dabcan way dhici doontaa,” ayuu yiri Johnson.

    Hadalka Johnson ayaa imanaya ayada oo shalay, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu taageero u muujiyey kooxda Taalibaan kana digay cadaadiska ay dalalka Reer Galbeedka isku dayayaan inay kooxdaas saaraan.

    Madaxweyne Putin oo hadlayey kadib kulan uu Moscow kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, ayaa sheegay in dalalka kale ee caalamka, oo uu la jeedo reer galbeedka, aysan qiyamkooda ku qasbin kuna soo rogin Afghanistan.

    Johnson ayaa dhinaca kale sheegay in xaaladda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, halkaasi oo ku xoomeen kumanaan qof oo reer Afghanistan ah, si ay dalka uga cararaan, inay hadda soo wanaagsaneyso. 

    Dowladda Britain ayaa sheegay inay xaqiijisay daad-gureynta 1,615 oo qof, tan iyo Sabtidii tagtay, oo ay ku jiraan 399 qof oo British ah, 230 shaqaalaha safaaradda ah, iyo 420 qof oo Afghans ah. 

    The post Ra’iisul Wasaraaha Britain oo beddelay mowqifkiisii ku wajahnaa kooxda Taalibaan appeared first on Caasimada Online.


  5. Maraykanka & Dowladaha Yurub oo xanibaadii ugu horeysay ku soo rogay Taliban

     taliban-6.jpg

    Hay’adaha lacagta ee Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa waxay si degdeg ah u qaadeen tallaabooyin ay ku xannibaayaan in Taliban hesho dhaqaalaha dalka.

    Afghanistan wuxuu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan caalamka – waana waddan si wayn ugu tiirsan kaalmada caalamiga ah, taasoo dakhliga dalka ka ah 43 boqolkiiba.

    “Afghanistan si wayn ayey ugu tiirsan tahay deeqda caalamka. Kaalmada caalamka waxay toban jibbaar iyo ka badan tahay dhaqaalaha ay taalibaan iskood u helaan,” ayey tiri Vanda Felbab-Brown, oo ah qof ku taqasustay dhaqaalaha Afghanistan oo ka tirsan machadka Brookings Institution.

    Mareykanka ayaa sidoo kale xannibay in Taliban ay helaan dhaqaalaha Afghanistan ee daafaha caalamka kale yaalla iyo lacagta keydka dalkaas  oo inteeda badan taallo bangiyada Mareykanka ama Yurub.

    Arbacadii, Hay’adda Lacagta Adduunka, IMF, waxay hakisay lacagtii deeqda ahayd ee Afghanistan – taasoo sabab ay uga dhigtay in Caalamka uusan aqoonsanayn Taliban, iyadoo Deeq-bixiyeyaal kale ay dhankooda sheegeen in ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Afghanistan.

    Qaran News


  6. Putin oo taageeray Taalibaan una digay Reer Galbeedka

    Putin oo taageeray Taalibaan una digay Reer Galbeedka

     Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa taageero u muujiyey kooxda Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta dalka Afghanistan, wuxuuna ka digay cadaadiska ay dalalka Reer Galbeedka isku dayayaan inay kooxdaas saaraan.

    Madaxweyne Putin oo hadlayey kadib kulan uu maanta Moscow kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, ayaa sheegay in dalalka kale ee caalamka, oo uu la jeedo reer galbeedka, aysan qiyamkooda ku qasbin kuna soo rogin Afghanistan.

    Reer Galbeedka ayaa horey u sheegay inaysan aqoonsan doonin dowladda Taalibaan haddii ay soo rogto xukun shareecada Islaamka ah, islamarkaana aysan dhowrin xuquuqda haweenka.

    “Xaqiiqdu waxay tahay in Taalibaan ay hadda la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan,” ayuu yiri Putin.

    Puntin ayaa sheegay inuu rajeynayo in Taalibaan ay ka dhabeyn doonaan ballan-qaadyada ay sameeyeen ee ah inay dib usoo celin doonaan kala dambeyntii Afghanistan, isaga oo sheegay in taasi ay muhiim u tahay in laga hortago in argagixisada ay u gudbaan dalalka deriska la ah.

    Waxa uu ugu baaqay bulshada caalamka inay ka hortagaan “burburka” Afghanistan. 

    Dhinaca kale, safiirka Ruushka ee Afghanistan Dmitry Zhirnov ayaa amaanay hab dhaqanka Taalibaan ee tan iyo intii ay xukunka la wareegeen, wuxuuna sheegay inaysan jirin beddel ka wanaagsan kooxdan, islamarkaana iska caabin kasta oo ka dhan ah Taalibaan ay fashilmi doono.

    Danjire Zhirnov ayaa sheegay in ammaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul uu aad uga wanaagsan yahay sida uu ahaa inta aysan qabsan Taalibaan.

    “Waxaa halkan ka jiray talis xun oo hadda la waayey, dadkuna rajo ayey qabaan. Waxay leeyihiin xaaladda kama xumaan karto sidii hore, waa inay ka wanaagsanaataa. Hase yeeshee tani waa tijaabo kale oo ay tahan in Taalibaan ay ka gudbaan. Marka ay soo celiyaan kala dambeyna waa inay billaabaan horumarinta dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri danjire Dmitry Zhirnov.

    Hadallada Dmitry Zhirnov iyo kuwa madaxweyne Putin ayaa astaan u ah sida Ruushka u doonayo inuu sii adkeeyo xiriirka kala dhaxeeya Taalibaan, inkasta oo weli uusan si rasmi ah aqoonsan.

    Qaran News


  7.  Imaaraadka Carabta oo u gurguurtay  M/weyne Erdogan kadib markii ay galeen Go’doon siyaasadeed
    Imaaraadka Carabta oo u cararay Erdogan kadib markii ay galeen go’doon siyaasadeed

    Kadib bilo wada-xaajoodyo sir ah, iyo wada-hadallo taleefon oo heer sare, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Tahnoun bin Zayed al Nahyan ayaa Arbacadii Ankara kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ay cadow u aragtay Abu Dhabi.

    Shantii sano ee ugu dambeysay, Ankara ayaa si shaacsan ugu eedeyneysay Imaaraadka Carabta inay maal-geliyeen afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii.

    Hase yeeshee kulankii Arbacada ayaa loo arkaa “bilowga waa cusub” oo u baryey xiriirka labada dil, sida uu sarkaal sare oo Turkish ah u sheegay Middle East Eye.

    Turkey ayaa kulankan u aragta tallaabo muhiim ah. Tahnoun bin Zayed waa sarkaalka ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ee sirdoonka qaranka, arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda arrimaha dbibedda, iyo qorshayaasha sirta ah. Sidoo kale, wuxuu ku hooyo yahay madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, wuxuuna ku hooyo iyo ku aabe yahay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

    “Waxaan awood u yeelan doonnaa inaan la kulano Mohamed bin Zayed maalmaha soo socda,” ayuu yiri Erdogan Arbacadii, isaga oo intaas ku daray in kulanka la diyaariyey kadib wada-hadallo ay yeesheen hay’adaha sirdoonka labada dal.

    “Waxaan rajeynaa inaan xalin doonno dhibaatooyinka gobolka, maadaama aan nahay dad isku dhaqan iyo isku diin ah.”

    Ayada oo maamulka Biden uu hadda ka taliyo Mareykanka, saraakiisha Turkey ayaa rumeysan in Abu Dhabi ay dareemeyso go’doon iyo cidlo xilli ay wajaheyso halis uga iman karta Iran. 

    “Kaligood ma hor-istaagi karaan Tehran,” ayuu yiri sarkaal Turkish ah. “Aad ayey uga argagaxsan yihiin ka bixitaanka Mareykanka ee gobolka, waxayna dib u qiimeynayaan mowqifyadooda.”

    Xiriirka Imaaraadka Carabta ee xulafadeeda ugu dhow ee Sacuudi Carabiya, ayaa sidoo kale dhowaan xumaaday, ayada oo labada boqortooyo ay ku loolamayaan inay soo jiitaan maal-gashiga shisheeye, kuna kala tageen dagaalka musiibada ah ee Yemen. 

    Riyadh ayaa bishii tagtay mamnuucday u safarka Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira kiisaska Coronavirus ee sare uga sii kacaya, tallaabadaas oo saraakiisha Turkish-ka ay u arkeen mid siyaasad ay ka dambeyso.

    Cayaar fog

    Imaaraadka Carabta ayaa shukaaminayey Ankara tan iyo bilowgii sanadkan. Bishii Janaayo, wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa soo jeediyey in xiriirka labada dal dib loo hagaajin karo.

    “Wax dhibaato ah kuma qabno Turkey, sida arrimo xuduud iyo arrimo kale,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in haddii Ankara ay joojiso taageerada ay siiso Ikhwaanul Muslimiin, ay labada dal saaxiibi karaan.

    Imaaraadka ayaa kadib fududeeyey cadaadiskii uu ku hayey ganacsatada Turkish-ka, waxayna dib u billaabeen duuliaadmyadii u dhaxeeyey Istanbul iyo Dubai iyo Abu Dhabi.

    Turkey ayaa dhankoodana dhowaanahan qaaday tallaabooyin ka dhan ah Ikhwaanul Muslimiin, oo ay ka mid tahay inay ka codsadeen taleefishin ay mucaaradka Masar ku leeyihiin Turkey inuu joojiyo barnaamij siyaasadeed caan ah, tallaabadaas oo ay soo dhoweeyeen Imaaraadka Carabta.

    Waqtigii hore loo socon lahaa

    Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in isaga iyo Tahnoun bin Zayed ay dejiyeen qariidad ay Imaaraadka maal-gashi ugu sameysanayaan Turkey mustaqbalka. 

    Dhaqaalaha aan shidaalka aheyn ee Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii tegay hoos u dhacay 6%, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah oo rumeysan in Abu Dhabi ay fursad dhaqaale ka aragto Turkey, oo la filayo in dhaqaalaheeda uu sanadkan kobco 5%. 

    Qatar oo ah xulufada ugu weyn ee Turkey ayaa sidoo kale balaayin dollar ku maal-gashatay dalkaas.

    “Khilaafka ugu weyn ee la xiriira Ikhwaanul Muslimiin waa uu dhintay hadda, sababtoo ah ma jirto meel ay hadda ka taliyaan,” ayuu yiri sarkaal kale oo Turkish ah.

    Qaran News


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurtka xukuumadda xil-gaarsiinta, Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaciyey in sababta uu illaa hadda u dhameystirmi la’yahay dastuurka KMG ah ee dalka ay tahay wada-xaajood siyaasadeed.

    Wasiirka oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayey Wacyigelinta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in wada-xaajood siyaasadeed laga yeesho xulashooyinka Dastuurka.

    “Waxa aan ku rajo weyn nahay marka doorashooyinkaan laga baxo oo Dowlad cusub timaado in xulushooyinkaan si weyn looga fadhiisto iyada oo la xasiloon yahay oo la degan yahay, waxa keliya u dhiman yahay dastuurka ma aha farsamo ee waa wada-xaajood siyaasadeed oo la rabo halmar salka loo dhigo,” ayuu yiri Wasiir Saalax.

    Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay joogteynta kulmada looga hadlayo dib u eegista Dastuurka, si ay bulshada qeybtooda ku kordhiyaan waxyaabaha loo baahan yahay iyo tallooyinkooda, sida uu sheegay.

    “Waa arrin aan laga maarmin maadaama dastuurka uu yahay midka ay u baahan yihiin dadka” si loo dhammeystirana ay u baahan tahay in laga wada qayb-galo.”

    Qaybo-tirka Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa muddo badan qaatay, kaasi oo la ansixiyey 1-dii August, walina lama soo saarin dastuur dhammeystiran, ayada oo ay dhowr jeer qabsoomeen shirar iyo dooda ku saabsan.

    The post Wasiir Saalax oo shaaca ka qaaday in kadib doorashada dalka la dhameystiri doono… appeared first on Caasimada Online.


  9. Deni.jpg?resize=960%2C534&ssl=1

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Agaasime waaxeedyo wasaaradeed oo ka kooban 13 rag ah.

    1. Faysal Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Amniga.

    2. Cabdulqaadir Cali Suleymaan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaarada Amniga.

    3. Cabdixakiin Cabdile Guuleed waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Amniga.

    4. Jaamac Maxamed Yuusuf waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda DDR-ta ee Wasaarada Amniga.

    5. Maxamed Muuse Jaamac waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Miinada ee Wasaarada Amniga.

    6. Cabdullaahi Ciise Cumar (Rabiile) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

    7. Sharmaarke Cabdullaahi Ducaale waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

    8. Aadan Caabi Samatar waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

    9. Saadiq Cabdullaahi Axmed waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Fidinta Adeegyada Caafimaadk Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

    10. Maxamed Fu’aad Warsame waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

    11. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Wax soo saarka Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

    12. Cabdirisaaq Jaamac Nuur waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

    13. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha.


    PUNTLAND POST

    The post Deni oo magacaabay 13 Agaasime Waaxeed appeared first on Puntland Post.


  10. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Muqdisho.

    Muqdisho waxa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo uu weheliyo gobolka Banaadir.

    Dhammaan madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, marka laga reebo madaxweyne Deni oo saacadaha soo socda ku sii jeeda halkaas.

    Shirka ajandihiisa lagu sheegay diyaarinta habraaca doorashooyinka Aqalka hoose iyo raadinta dhaqaalaha ka dhiman hirgelint doorashooyinka.

    PUNTLAND POST

    The post Wararkii u dambeeyay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.


  11. The 10 years of friendly and brotherly relations between Turkey and Somalia have helped achieve tangible progress in several fields in Mogadishu, Somali Deputy Prime Minister Khadar Guiled said Thursday.

    Guiled, senior government officials and Turkish Ambassador to Somalia Mehmet Yilmaz attended the ceremony to celebrate the 10-year anniversary in the capital Mogadishu.

    “Today we are commemorating the 10th anniversary of brotherhood and friendship between Somalia and the Republic of Turkey. President (Recep Tayyip) Erdoğan visited Somalia on Aug. 19, 2011, at that time Somalia was in need because of dire famine and severe drought,” said Information Minister Osman Dubbe.

    Guiled said friendship and brotherly relations have achieved solid gains in the state-building process in Somalia.

    “(In) the 10 years of brotherly relationship between Somalia and Turkey, tangible progress has been achieved including education, health, business relationship, economic development, bilateral relations (and the) rebuilding of Somali national army and diplomacy,” he said.

    Most of the government revenue comes from the Mogadishu airport and port, which Turkey contributed greatly to reviving, according to Somali Finance Minister Abdirahman Duale Beileh. “President @RTErdogan’s historic visit to #Mogadishu ten years ago today, has been a source of inspiration for the whole world and raised #Somalia’s hopes,” the Turkish Foreign Ministry said in a tweet. “We will continue to stand by friendly and brotherly #Somalia.”

    Turkish-Somali relations have experienced great success over the years and as part of their strategy of cooperation, Turkey has trained nearly one-third of the Somali military forces.

    In addition to military cooperation, the two countries also partner on health, education and other initiatives.

    Turkey’s vast aid effort at the height of the 2011 famine endeared it to many Somali people, and it has continued to pour in aid, much of it from private companies.

    Turkey has built schools, hospitals and infrastructure and has provided Somalis with scholarships to study in Turkey.

    Somalia was also the first country where the Maarif Foundation successfully made its foray, in a bid to replace schools once operated by the Gülenist Terror Group (FETÖ).

    The foundation was created in cooperation with the Ministry of National Education to provide educational services abroad and now runs schools that used to belong to FETÖ, the terrorist group behind the July 2016 coup attempt in Turkey.

    The post 10 years of Turkey, Somalia friendship furthers tangible progress appeared first on Caasimada Online.


  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

    Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

    Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.

    Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

    Wuxuu xeeriyey:

    1. Waxaa Jaamac Xasan Cabdule loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.
    2. Waxaa Maxamed Imaan Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.
    • Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    DHAMMAAD

    The post Madaxweyne Deni oo Agaasimeyaal magacaabay appeared first on Puntland Post.


  13. Wasaarada amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa digniin ka soo saartay Jid-gooyooyin loo dhigto baabuurta Ganacsiga deegaanada Hoos yimaado Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda.

    Wasaarada amniga ayaa laamaha amniga Fartay In Talaabo sharciga waafarsan Laga Qaado kuwa dhigto jidgooyooyinka Ee Dhibaataynaayo Ganacsiga Bulshada.

    Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in aan la aqbalin doonin dadka shacabka ah lagu dhibaateeyo wadooyinka ku yaalla agagaarka  degmada Caabudwaaq.

    1-28.jpg?resize=502%2C600&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Galmudug oo digniin ka soo saartay Isbaarooyinka appeared first on Puntland Post.


  14. FB_IMG_16294901477285284.jpg?resize=720%Joy Isa might resign as the President of Barwaaqo University following a tweet that characterised her role as “missionary”.

    Hargeisa (PP News Desk) — A Lagos-based Church has apologised for a tweet that portrayed the visit of one of its senior pastors in Somaliland as “missionary”.

    “We apologize for the July 18 tweet that misstated the purpose of Mrs Joy Isa going to Somaliland. That was our error and not from Mrs Isa herself. Mrs Isa has never been an employee of the Church, and is not acting on our behalf in this appointment” tweeted the Elevation.

    20210820_232109.jpg?resize=720%2C746&ssl

    The Church’s apology comes in the wake of a tweet that stated that “Pastor Joy is going on a missionary work in Somalialand”. Joy is the President of Barwaaqo University in Hargeisa.

    IMG-20210820-WA0001.jpg?resize=711%2C876

    Somaliland authorities yesterday arrested Abdulwahid Oldon, a journalist, for criticising the “missionary activities under the cloak of higher education.”

    Joy reportedly left Hargeisa today amid the public relations disaster. Oldon said that Joy was a pastor that could be engaged in proselytising students who are not aware of her affiliation with the Elevation Church.

    FB_IMG_16294882940752903.jpg?resize=720%

    © Puntland Post, 2021

    The post A Nigerian Church Denies “Missionary Activities” in Somalia appeared first on Puntland Post.