Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la soo bandhigay wareysi ay Dalsan TV horay u siisay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo sheegeysa in qof beesheeda ka dhashay oo kursiga kula tartamaya uusan jiri doonin sanadkaan, iyadoo balan qaaday xilligaas hadii la helo qof aqoonyahana oo metelaada beesha kala wareega ay siyaasadda ka nasa doonto.

    Hase yeeshee kursiga xildhibaan ee Khadiijo Diiriye ay ku fadhisay 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa hadda u sharaxan gabar aqoonyahanad ah oo lagu magacaabo Baarliin Biin, waxaana haatan Khadiijo Diiriye soo wajahay qalqal xoog leh.

    Dhowr jeer ayey Khadiijo Diiriye fagaareyaasha ka soo muuqatay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo juhdi badan ku bixineysa sidii gabadhaas ay uga tanaasuli laheyd hankeeda siyaasadeed.

    “Wiil ama Gabar qofkii isku soo sharaxa kursiga xildhibaan ee aan ku fadhiyo anigaa ku wareejinaa, waan daalay caafimaad ahaan, waan jeclahay inaan siyaasadda ka nasto oo cariishka Hooyadey iyo Aabehey ay Jowhar  ku leeyihiin aan ku nasto, laakiin rajada Alle lagama quusto oo laxaw jeclaa dalkaan iga heysa,” ayey tiri Kadiija Diiriye oo bilo ka hor wareysigaan bixisay.

    Mar la weydiiyey in beesheeda Yaxar laga heli karo qof aqoonyahana oo kursiga ay ku fadhiso ku meteli kara iyo inay iyadu fursadaha u diido dadkeeda ayey ku jawaabtay, “Mar kasta beesheydu waxay itiraahdaa nama aadan ceebeyn, xattaa beelaha kale ayaa I amaana, beesheyda waa ku jiraan wiilal iyo gabdho waxbartay, laakiin anigay I dhaheen nametel.”

    Sidoo kale Khadiija Diiriye waxay wareysigaas ku sheegtay inay ku faraxsan tahay hanaanka awood qeybsiga dowladnimada Soomaaliya ee 4.5-ka,  oo beesheeda u aqoonsan ‘nus’ ama beel barkeed.

    Laba maalmood ka hor Wasiir Khadiijo Diiriye ayaa gurigeeda ku casuumtay Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana la sheegay inay ka codsatay inuu kala hadlo oo tartanka doorashada uu ka reebo gabadha isku soo sharaxday kursigeeda, sababta ay Ugaaska ugu dacwootay waa in Khidiijo iyo Baarliin oo u dhashay beesha Yaxar ay kala dhaleen laba Hooyo oo Mudullood ah.

    Hoos ka daawo wareysigii Khadiija Diiriye

    The post Khadiija Diiriye oo maanta ka shalaayeysa wareysi ay horay u bixisay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.


  2. PRESS RELEASE
    African Development Bank, AUC, and UNECA pledge more resources to improve land governance in Africa
    Pledged to work with practitioners in arts, cultutre and heritage to increase awareness and appreciation of land issues on the continent
    KIGALI, Rwanda, November 5, 2021/ — The African Development Bank, the African Union Commission (AUC), and the United Nations Economic Commission for Africa (UNECA) on Thursday pledged to work more closely with governments to beef up land governance systems.

    In a joint declaration at the end of the 2021 Conference on Land Policy in Africa, the organizations pledged financial and technical assistance “to ensure that land governance and land policy processes in Africa are transparent, lucid and accessible and that state and indigenous systems are easily integrated.” They also pledged to work with practitioners in arts, cultutre and heritage to increase awareness and appreciation of land issues on the continent.

    The theme of the conference was “Land governance for safeguarding art, culture and heritage towards the Africa We Want.” The Rwanda government hosted this year’s event in a hybrid format, with participants gathered physically in Kigali and online. Organizers integrated arts and culture in the conference, anchoring the power of the creative sector in land matters.

    “At this time when the world is also engaged in the COP26 process, we wish to underscore the fact that large parts of our continent are deserts or semi-arid and are facing ecological damage. Yet, more than often, unequal distribution of land has relegated a growing population of small holder farmers, women, and youth to marginal areas, leading to increased pressure on land and land resource degradation,” said the declaration, read by Leontine Kanziemo, Advisor, Natural Resources Management at the African Development Bank.

    The declaration called for greater land equity in order to broaden access to natural resources. It also said it was crucial to work with governments, artists and cultural leaders to ensure that women and youth have access to land. “The majority of our people rely on land for a living. Therefore, pro-poor land policy should be transparent to all land users, equitable, and free of corruption,” the partners said.

    The declaration called for traditional custodians of African art, heritage, and culture to be included in all pro-poor land policies. “In addition, in the aftermath of the recently concluded UN Food System Summit, land governance should be critically considered as an influential enabler in the transformation of African food systems.”

    King Mfumu Difima Ntinu, President of the African Traditional Authority, pointed out that efficient land governance requires political will and urged African countries to pay more attention to the role of women in land matters. “With your help, we will get there,” he added.

    In his remarks, Rexford Ahene, Chair of the Conference’s Scientific Committee, made a point about the connection between land and the creative industries, saying land’s economic potential, and the benefits of creative industries, should not be underestimated.

    According to the World Trade and Tourism Council, the creative industries will add $269 billion to African GDP by 2026 and more than 29 million jobs with skills that are attractive to young people. “It is important to take that into account,” Ahene explained.

    He called on governments and development partners to invest resources in building the creative sector’s capabilities and preserving intellectual property and rights to “safeguard and protect the creativity and innovation that this sector delivers.”

    The Conference on Land Policy in Africa is organized biennially by the African Land Policy Centre, a joint initiative of the UNECA, the AUC and the African Development Bank.

    SOURCE
    United Nations Economic Commission for Africa (ECA)

    Qaran News


  3. Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay, inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan 2021-ka.

    Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug in labada kursi ee Aqalka Sare uu deg deg u soo doorto, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeen in si dhaw ay ula socdaan heshiiska madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

    “Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

    Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Beesha Caalamka oo dhameystiran:

    Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.

    Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021-ka, iyadoo la ixtiraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba.

    Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare.

    Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

    Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada.

    Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka.

    * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

    The post Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiiska Farmaajo iyo Rooble iyo dib u dhaca… appeared first on Caasimada Online.


  4. I read the opinion piece by China’s ambassador to Somalia, Fei Chengchao, entitled: “Distance, time no barrier to China-Somalia ties”, with a great deal of trepidation. On the surface, the article appears to herald a new era in China’s diplomatic initiative which is designed to appeal directly to the hearts and minds of the Somali people. However, it is incumbent upon every Somali citizen to examine and be aware of the nefarious interests that China has in our country.

    Source: Hiiraan Online


  5. (SLT-Kuwait)-Wiil Soomaali ah oo caan ka ah YouTube, islamarkaana degan dalka Kuwait, ayaa muddo hal maalin gudaheed ah wuxuu in ka badan hal milyan oo dollar ugu ururiyey qaxootiga ku barakacay dalalka Syria, Lebanon, Iraq iyo Jordan.

    Wiilkan oo magaciisa saxda ah uu yahay Xasan Suleyman balse YouTube ku adeegsaday cinwaanka AboFlah ayaa ka mid ah dadka ugu caansan dunida Carabta, waxaana cinwaankiisa uu haystaa ku dhowaad 21 million oo followers.

    Waxa uu cinwaankiisa abuuray 2016, wuxuuna inta badan xoogga saaray inuu dib u eegis ku saameyo video games-ka.

    Waxaa la rumeysan yahay inuu yahay qofka ugu followers-ka badan YouTube ee Soomaali ah, iyo mid ka mid ah kuwa ugu taageerayaasha badan dunida Carabta.

    Ololaha uu lacagta ku ururiyey ayaa waxa uu kala shaqeeyey hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, wuxuuna 28 saac gudahood kusoo xareeyey $1 milyan.

    “Tani waxaa mahaddeeda oo dhan iska leh taageerayaasheeda, dhammaan waxaan idin kugu mahad-celinayaa si qalbi ah,” ayuu AboFlah oo 23 jir ah ku yidhi wareysi uu siiyey AFP.

    Waxa uu sheegay in tabarucaadda ay dhaaftay intii uu filayey.

    Xasan ayaa billaabay ololaha oo loogu magac daray “Diiriya Qalbiyadooda,” isaga oo u dabaal-degaya markii uu gaaray 20 milyan oo followers.

    Malaayiin qof ayaa ku barakacay gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Syria iyo Iraq.

    Qaxooti badna oo Suuriyaan ah ayaa hadda degan xerooyin ku yaalla dalalka Jordan iyo Lebanon, oo sidoo kale marti-geliya qaxooti Falastiiniyiin ah.

    Lacagta uu ururiyey AboFlah ayaa waxaa lagu wadaa inay cunno, dhar iyo gaaska loo adeegsado in guryaha lagu kululeeyo xilliyada qaboobaha siiso 17,000 oo qof.

    Nasreen Rabieann oo ah wakiilka UNHCR ee Kuwait ayaa ammaantay hindisaha Xasan oo ku qeexday “ruuxda mas’uuliyad la wada wadaagay iyo is-garab qabad.”

    Source


  6. Kooxda Khaatumo ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujinayaan inay isaga baxeen heshiiskii uu madaxweynihii hore ee Khaatuma, AUN. Cali Khaliif Galaydh la galay Somaliland.

    Khaatumo waxay sheegtay in shir soo bilaamay 24kii bishii octobar oo ay isugu yimaadeen laamaha fulinta iyo sharci dejinta maamulkaas ay ku go`aansadeen in laga laabto heshiiskaas.

    Waxay Somaliland ku eedeeyeen inay ku fashilantay fulinta iyo dhammeystirka heshiiskii la kala saxeexday labaatankii Octobar 2017.

    Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Khaatumo

    Source


  7. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la xaqiijiyay Todobaadkan magacaabi doona mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan Wasiiro, Taliyaal, Agaasimayaal iyo Xubno ka tirsan Garsoorka.

    Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni Wasiiro cusub u magacaabi doono Wasaaradaha ay kamid yihiin; Kalluumeysiga, Warfaafinta, Dekedaha iyo Wasaaradda Degaanka.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabi doona Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare, Guddoomiyaha Gobolka Bari, qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha, Taliyaha Dekedda Boosaaso iyo Taliyaal Qaybeedyo.

    Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa loo soo beddeli doonaa Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, waxaana Taliska Qaybta Gobolka Bari la geyn doona nin lagu magacaabo G/sare Bashiir Bicir.

    PUNTLAND POST

    The post Xog: Madaxweyne Deni oo Todobaadkan magacaabaya Wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan appeared first on Puntland Post.


  8. (SLT-Addis Ababa)-Ciidammada Tigray ee Itoobiya, kooxo kale oo hubaysan iyo kuwa mucaarad ah ayaa dhisay isbahaysi ka dhanka ah raysal Wasaare Abiy Ahmed, iyaga oo raadinaya isbeddel siyaasadeed ka dib sannad uu socday dagaal qadhaadh, sidaasina waxa ay AP ka soo xigatay qabanqaabiyeyaasha.

    Saxeexa Jimcaha maanta ah ka dhacay magaalada Washington ayaa waxaa kooxaha ku biiray ka mid ah ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa huwanta ah. Sidoo kale, waxaa ka mid ah ciidanka xoreynta Oromada oo hadda ka barbar dagaalamaya kuwa Tigreega iyo 7 kooxood oo kale oo ka kala yimid qeybaha dalkaasi.

    Isbaheysigan ayaa la unkay xilli ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu ku sugan yahay caasimadda Itoobiya uuna la kulmay madaxda sare ee dowladda, iyo xilli ay xoogeysanayaan baaqyo lagu dalbanayo xabbad joojin iyo wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumanaanka qof tan iyo November 2020-kii.

    Mareykanka ayaa sheegay in Feltman uu Khamiistii la kulmay raysal wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada gaashaandhigga iyo maaliyadda.

    Isbahaysiga cusub ayaa loogu magac-daray Jabhadda Midowga Ciidamada Federaalka Itoobiya, waxaana ujeedku yahay in “Itoobiya uu ka abuurmo nidaam ku-meel-gaadh ah” islamarkaana uu ra’iisul wasaaruhu sida ugu dhakhsa badan Meesha uga baxo, sidaasina waxaa sheegay Johnes Abraha, oo ka tirsan kooxda Tigray isaga oo la hadlay Associated Press goor dambe oo Khamiistii ah.

    “Tallaabada xigta waxa ay noqon doontaa, dabcan, in la billaabo la kulanka iyo xidhiidhka wadamada, diblumaasiyiinta iyo jilayaasha caalamiga ah ee ku sugan Itoobiya iyo caalamkaba.”

    Waxa uu sheegay in isbahaysigan cusub uu ka kooban yahay dhinacyada siyaasadda iyo militari-gaba. Waxa uu intaa ku daray in ayna jirin xidhiidh ay la sameeyeen dowladda Itoobiya.

    Afhayeen u hadlay Oromo Liberation Army (OLA), Odaa Tarbii, ayaa xaqiijiyay isbahaysiga cusub. Mar la weydiiyay in tani ay ka dhigan tahay in Abiy lagu qasbo in uu meesha ka baxo ayuu ku jawaabay in taasi ay ku xidhan tahay dowladda Itoobiya iyo dhacdooyinka iman kara toddobaadyada soo socda.

    “Dabcan, waxa aan door-bideynaa haddii uu jiro kala guur nabad ah oo nidaamsan oo Abiy meesha kaga baxayo,” ayuu yiri.

    Afhayeenka xafiiska ra’iisulwasaaraha Billene Seyoum ayaa ka hadashay isbahaysigan cusub fiidnimadii khamiistii mar ay Twitter-keeda ku qortay “cid kasta oo diiday hannaanka dimuqraadiyadda ee Ethiopia qaadatay ma noqon karto koox dimuqraadiyadeed,” iyadoo farta ku fiiqeysa in Abiy uu furfuray siyaasaddii dalkaasi ka dib markii uu xafiiska yimid 2018-kii.

    Dib u habeyntiisii siyaasadeed waxaa ku jiray in uu dalka ku soo dhoweeyay kooxo mucaarad ah oo ka soo laabtay masaafuris.

    Afhayeenka ayaa Jimcaha maanta ah sheegtay in aysan markale ka hadleynin isbahaysiga, aysanna sidoo kale haynin wax war ah oo ku saabsan in ra’iisulwasaaruhu uu la kulmayo ergayga gaarka ah ee Mareykanka.

    Kooxaha kale ee Isbahaysigan wax ka saxiixay Jimcaha maanta ah waxaa ka mid ah Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Agaw Democratic Movement, Benishangul People’s Liberation Movement, Gambella Peoples Liberation Army, Global Kimant People Right iyo Justice Movement/ Kimant Democratic Party, Sidama National Liberation Front iyo Somali State Resistance, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaashu.

    AP

    Source


  9. Kampala (Caasimada Online) – Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo oo shalay ay dowladda Soomaaliya ka ceyrisay dalka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankaas.

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

     “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

    Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.”

    “Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

    Mar wax laga weydiiyey tallaabada xigta, Mulongo waxa uu sheegay inuu hoggaanka Midowga Afrika ka sugayo inay jiheeyaan, sidaas darteedna uusan waxba oran karin.

    Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Mulongo uu ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, baadda ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn oo ka dhan ah dumar Soomaaliyeed 

    Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gudohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah “Dalkan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay muddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo.

    The post Simon Mulongo oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay DF dalka uga ceyrisay appeared first on Caasimada Online.


  10. Waxay ahayd dhacdo dareen culus xanbaarsan, oo ka ilmaysiisay in badan oo aan ka mid ahay. Waxa uu ahaa gurmad meesha ka saaray, xaalad go’doon ah oo hooyadu in muddo ah ku sugnayd. Waxa ay ahayd hooyo, rajadeeda iyo qofnimadeeda ba la soo nooleeyey. Garab la’aan iyo gashi/deyn, ayaa garbaduub u xidhay, oo hayaankii nolosheeda hagardaamo ku noqday. In badan ayey gocasho iyo quus la joogtay, gidaarada dadka xorriyadda ka qaada gadaashooda. Waxa aniga si gaar ah ii taabtay, in hooyadaasi u gashiyowday badbaadinta ubadkeeda.

    Nuura Maxamed Aw Cali, waa hooyada la xoreeyey ee hiilka heshay. Muddo saddex sano ah, waxay u xidhnayd gashi lagu yeeshay, oo ay is ka bixin kari weyday. Sida ay sheegeen dad xogogaal u ah xaaladdeedu, waxa ku go’day hagbad ay ururin jirtay, oo ay muddo dhawr iyo toban sano ah soo wadday. Sida la sheegay, ka dib markii aabbihii reerku xanuustay, iyada ayaa dusha u ridatay daboolista baahida qoyska. Hagbaddaa iyo dukaan yar oo ay furtay, ayaa noloshooda udubdhexaad u ahayd.

    Halkan ayey ka bilaabmaysaa qaabkii loo xoreeyey hooya Nuura. Nin weriye ah, oo ku hubaysan kamarad iyo mikrafoon. Weriye Maxamed Andar iyo sawirqaade wehelinayey, oo ka tirsan telfishanka MM TV, oo xaruntiisa guud ku taallo magaalada Hargeysa. Si ay ku heleen ba xogta qoyska, waxay booqdeen halkii ay ku noolaayeen qoyska Nuura. Waxa yaab noqotay xaalladda ay la kulmeen ee ay soo gudbiyeen; lix carruur ah oo ku sugan xaalad aad u qallafsan. Waxay deggenaayeen buul yar oo loogu deeqay, oo ku ag yaalla meel biyamareen ah. Dadka la jaarka ahi waxay sheegeen in marka roobku da’ayo, in ay carruurta daadgureeyaan, si aanu daadku u qaadin. Baahi iyo balanbal, ayaa u dhammaaday saddexdii sano ee hooyadood xidhnayd, waxbarasho na hadalkeedaa daa!

    Guddoon Maxamed Faarax, oo ah ininta carruurta ugu weyn oo ka hadlaysa noloshooda, ayaa tidhi: “Xaafadaha aanu jaarka nahay, ayaa noo keena oo naga caawiya wixii cunto ah. Waxa aanu ku nool nahay nolol aad u adag. Waxa aanu nahay lix carruura, oo ayeyday iyo abtigay na way na la joogaan.”

    Waxa weriyaha loo sheegay in xadhiga hooyo Nuura yimi, ka dib markii ay si amaaha lacagtii hagbadda ee ay haysay ugu maalgelisay dukaan, ay rabtay in ay nololmaalmeedka carruurta ka soo saarto. Hasa yeeshee, ay lacagtii bixin kari wayday, oo dadkii lacagta lahaa ay dacweeyeen, iyadoo maxkamadi laba sano oo xadhig ah ku xukuntay. Waxay ku xidhnayd xabsi haweenka u gaara, oo ku yaalla magaalada Gabiley. Markii ay dhammaadeen labadii sano, waxay sii xidhnayd hal sano oo dheeraad ah (way muddodhaaftay). Waxay u eekayd na, in la sugayey in deynta laga bixiyo si loo sii daayo.

    Gashigaasi waxa uu dhamaa $25,701 dollar. Markii uu telfishanku baahiyey, warbixintii ku saabsanayd xadhiga hooyo Nuura iyo xaalladdii cakirnayd ee qoyska. Waxay taabatay dadweyne ka la duwan, oo ku ka la nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba. TV-ga oo maamulayey lacagtii ay dadku ku yaboohayeen, ayaa waxa suurtagashay in muddo todobaad ka yar, xabsiga laga sii daayo hooyo Nuura, ka dib markii lacagtii la bixiyey. Hawsha sii deynta oo xidhiidhsanayd maxkamadda ilaa xabsiga, waxa iskudubbariday maamulka telfishanka. Waxa kale oo ay qabteen in ay carruurtii ka rareen buulkii yaraa, oo ay u kireeyeen guri sandaqad ah.

    Markii hooyo Nuura laga soo daayey xabsiga ee loo soo gelbiyey dhanka guriga, waxa farxad aan la qiyaasi karin ku qaabilay carruurteeda, oo boholyow hooyo saddex sano qalbigooda shidayey. Waxa kale oo si laabfurnaan ah u soo dhaweeyey jaarkeeda, oo muddadaa ay xidhnayd ba tebayey. Waxa uu ahaa kulan majeerashadiisa leh, oo xusuusta ma guurtada ah ee waalid iyo ubadkiisa dhex mara gelaya. Waxa iyana culays baaxad leh ka degay, Guddoon Maxamed, oo ah curadda qoyska hooyo Nuura, oo iyadoo yar intii ay hooyadeed xidhnayd, duruuftu ku kalliftay in ay dhexda u xidhato daryeelidda, ilaalinta iyo korinta walaalaheed ka yar yar. Guddoon, Hadda da’deeda waxa lagu sheegay shan iyo toban jir, taa macnaheedu waxa weeye, markii hooyadeed la xidhay laba iyo toban jir ayey ahayd. Waxay soo martay saddex sannadood, oo masuuliyad culusi dusha ka saarnayd.

    Mar haddii Nuura xabsiga laga soo daayey, oo ay noloshii dib u bilaabayso, waxa madaxda MM TV ku wareejiyeen lacag faraqabsi wanaagsan u noqon doonta. Lacagtaas oo qayb ka ah taakulayntii ay dadku ku soo caawiyeen, oo dhan $7943 doollar. Weriye Luqmaan Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta TV-ga, ayaa sheegay in dhaqaalaha hooyada lagu soo caawiyey uu ahaa $33,644 dollar; $25,701 lagaga bixiyey deyntii lagu lahaa iyo intii soo hadhay ($7943) oo lagu wareejiyey. Waxa kale oo ay hooyada ku wareejiyeen masuuliyaddii lacag ururinta iyo telfoonkii ay lacagtu ku soo dhacaysay, oo hadda wixii ka danbeeya qofkii lacag dirayaa uu hooyada toos ugu hagaajinayo.

    Waxan bogaadin iyo mahadnaq u jeedinayaa bahda MM TV, oo Hooyo Nuura iyo qoyskeeda ba ka xoreeyey xabsi iyo xaalado nololeed oo ku gedaamnaa. Ilaahay ajar iyo denbidhaaf ba ha idiinku beddelo, hawshaa khayriga ah ee aad qabateen. Waxaad muujiseen karti iyo awood aad leedihiin oo aad ka shaqaysiiseen. Halkaa hawshaa ka wada, oo weli ba fiiro gaara u yeesha xabsiyada, oo ay ku jiraan dad u baahan in loo gurmado.

    Hawshan oo todobaad ku gabagabawday, waa dhacdo i na baraysa, in dadku diyaar u yihiin in ay wax caawiyaan, oo taakulayntoodu wuxu taabbagelaysaa marka ay is la helaan: cid ay aaminaan iyo meel ku habboon oo ay ku bixiyaan. Runtii na baahi weyn ayaa loo qabaa in warbaahintu dadaal badan ku bixiso, soo bandhigista dadka ay duruufuhu halakeeyeen. Waxan xusuustaa mar aan hawl shaqo u joogay Oodweyne 2009, ayaa waxan arkay nin dhallinyaro ah, oo markaa dugsiga sare dhiganayey. Waxa uu ahaa naafo. Dugsiga oo qiyaas ahaan u jira hal kiiloo mitir, ayuu ku tegi jiray oo uu kaga soo noqon jiray labada gacmood, oo halkii lugaha u beddelay; baabacooyinka labada gacmood ayuu ku socon jiray. Markii aan arkay ba, waan naxay oo dadku na way iiga warreen xaaladda haysata wiilka. Inankii waan la kulmay oo waan wareystay, sawirro na waan ka qaaday, ka dib na waan baahiyey. Muddo yar gudaheed ba, si fiican ayaa loo caawiyey, oo gaadiidka naafadu ku socoto na waa loo iibiyey. Way jiraan kale oo baahnaa oo aan wax ka sameeyey oo la caawiyey, bal se waxan tusaalaha u soo qaatay, dadka dhibaataysan ee codkoodu aanu muuqan, warbaahintu ha u kuurgasho, oo wareysiyo iyo warbixino ha ka samayso.

    Waxan ku soo afmeerayaa qoraalka, dawladda Somaliland xil baa kaa saaran dadka deynta loo xidho ee is ka bixin kari waayey, haddii ay maxkamadi xukun xadhig ah ku riddo, oo tusaale ahaan laba sano la xukumo, waa in marka uu xukunkiisu dhammaato qofka dib loogu noqdaa. Waa in uu jiro hannaan xal loogu raadin karo, qof gashiyoobay oo aan deynta is ka gudi karin. Halkii uu qofku jeel dhex fadhiyi lahaa ee uu fadhiid noqon lahaa, haddii uu shaqaysan karo, dawladdu shaqo ha siiso, oo inta ay deynta ka bixiso, muddo ha u qabato ay mushaharkiisa wax ka goyso, haddii aanu wada bixin karayn na ha kabto. Haddii kale inta ay gashiga ka bixiso, qofka shaqaqaran oo muddo soconaysa ha lagu xukumo, intii uu dhawr sano oo bilaa waxqabad ah xabsi ku jiri lahaa.

    WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”

    cabdiheersare01@hotmail.com

    Qaran News


  11. Siyaasi Axmed Siciid Aw Nuur, oo ka tirsan As’aasayaasha Urur Siyaasadeedka Mideeye, islamarkaana xilal kala duwan oo siyaasadeed ka soo qabtay Puntland, ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Xildhibaan Siibad uu ka hor-jeediyay Baarlamanka sidoo kalena wuxu talooyin u soo jeediyay Baarlamanka Puntland, Guddiga KMG ee Doorashooyinka iyo Madaxweyne Siciid Deni.

    Halkaan ka daawo Hadalkiisa

    PUNTLAND POST

    The post Siyaasi Axmed Siciid Aw Nuur oo u jawaabay Xil. Siibad baaqna u diray Baarlamanka TPEC iyo Siciid Deni appeared first on Puntland Post.


  12. 1-1.jpg?resize=600%2C337&ssl=1

    Ciidamada Tigray ee Itoobiya, kooxo kale oo hubaysan iyo kuwa mucaarad ah ayaa dhisay isbahaysi ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyaga oo raadinaya isbeddel siyaasadeed ka dib sanad uu socday dagaal qaraar, sidaasina waxa ay AP ka soo xigatay qabanqaabiyeyaasha.

    Saxiixa Jimcaha maanta ah ka dhacay magaalada Washington ayaa waxaa kooxaha ku biiray ka mid ah ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa huwanta ah. Sidoo kale, waxaa ka mid ah ciidanka xoreynta Oromada oo hadda ka barbar dagaalamaya kuwa Tigreega iyo 7 kooxood oo kale oo ka kala yimid qeybaha dalkaasi.

    Isbaheysigan ayaa la unkay xilli ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu ku sugan yahay caasimadda Itoobiya uuna la kulmay madaxda sare ee dowladda, iyo xilli ay xoogeysanayaan baaqyo lagu dalbanayo xabbad joojin iyo wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumanaanka qof tan iyo November 2020-kii.

    Mareykanka ayaa sheegay in Feltman uu Khamiistii la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada gaashaandhigga iyo maaliyadda.

    Isbahaysiga cusub ayaa loogu magac-daray Jabhadda Midowga Ciidamada Federaalka Itoobiya, waxaana ujeedku yahay in “Itoobiya uu ka abuurmo nidaam ku-meel-gaar ah” islamarkaana uu ra’iisul wasaaruhu sida ugu dhakhsa badan Meesha uga baxo, sidaasina waxaa sheegay Johnes Abraha, oo ka tirsan kooxda Tigray isaga oo la hadlay Associated Press goor dambe oo Khamiistii ah.

    “Tallaabada xigta waxa ay noqon doontaa, dabcan, in la billaabo la kulanka iyo xiriirka wadamada, diblumaasiyiinta iyo jilayaasha caalamiga ah ee ku sugan Itoobiya iyo caalamkaba.”

    Waxa uu sheegay in isbahaysigan cusub uu ka kooban yahay dhinacyada siyaasadda iyo militari-gaba. Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin xiriir ay la sameeyeen dowladda Itoobiya.

    Afhayeen u hadlay Oromo Liberation Army (OLA), Odaa Tarbii, ayaa xaqiijiyay isbahaysiga cusub. Mar la weydiiyay in tani ay ka dhigan tahay in Abiy lagu qasbo in uu meesha ka baxo ayuu ku jawaabay in taasi ay ku xiran tahay dowladda Itoobiya iyo dhacdooyinka iman kara toddobaadyada soo socda.

    “Dabcan, waxa aan door-bideynaa haddii uu jiro kala guur nabad ah oo nidaamsan oo Abiy meesha kaga baxayo,” ayuu yiri.

    Afhayeenka xafiiska ra’iisulwasaaraha Billene Seyoum ayaa ka hadashay isbahaysigan cusub fiidnimadii khamiistii mar ay Twitter-keeda ku qortay “cid kasta oo diiday hannaanka dimuqraadiyadda ee Itoobiya qaadatay ma noqon karto koox dimuqraadiyadeed,” iyadoo farta ku fiiqeysa in Abiy uu furfuray siyaasaddii dalkaasi ka dib markii uu xafiiska yimid 2018-kii.

    Dib u habeyntiisii siyaasadeed waxaa ku jiray in uu dalka ku soo dhoweeyay kooxo mucaarad ah oo ka soo laabtay masaafuris.

    Afhayeenka ayaa Jimcaha maanta ah sheegtay in aysan markale ka hadleynin isbahaysiga, aysanna sidoo kale haynin wax war ah oo ku saabsan in ra’iisulwasaaruhu uu la kulmayo ergayga gaarka ah ee Mareykanka.

    Kooxaha kale ee Isbahaysigan wax ka saxiixay Jimcaha maanta ah waxaa ka mid ah Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Agaw Democratic Movement, Benishangul People’s Liberation Movement, Gambella Peoples Liberation Army, Global Kimant People Right iyo Justice Movement/ Kimant Democratic Party, Sidama National Liberation Front iyo Somali State Resistance, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaashu.

    VOA

    The post Itoobiya: Jabhado iyo Kooxo Mucaarad ah oo ku Dhawaaqay Isbahaysi ka Dhan ah Abiy Ahmed appeared first on Puntland Post.


  13. (ERGO) – A severe drought in Dawa, in Ethiopia’s Somali Region, has affected more than 62,000 families and killed nearly 50,000 livestock. The affected families are living in a dire situation with lack of food and water. Radio Ergo’s local correspondent, Abdirahman Abdullahi Osman, has interviewed Siad Ibrahim Ali, head of Dawa zone’s disaster risk management office.

    Source: Hiiraan Online


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid Odayaasha, waxgaradka iyo culimada Beelaha Banaadiriga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kuraastooda si sharci daro ah loo boobayo.

    Waxay sheegen in markii hore lagu soo koobay kuraasta, haddana aysan aqbali doonin in laga qaato kuraastaas, taasi oo ay sheegen inay carqalad ku tahay geedi socodka doorashooyinka dalka.

    “Dadka dhahay kuraasta waa lama taabtan waa noo xiran yihiin, halkee ka soo gateen? Waxaa la metalaa umad Soomaaliyeed, oo waxaa la rabaa in umad Banaadir oo laga shaqeeyo midnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

    “Waxaa rabnaa in kuraasta la furo oo cidkasta oo Banaadiri ah loo ogolaado inay tartamaan. Waxaa leenahay reer Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynahooda Lafta-gareen waa inay ka waantooban dadka ay noo soo dirayaan.”

    Sidoo kale waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu garab siiyo cadaalada, islamarkaana uu wax ka qabto boobka lagu hayo kuraastooda oo ay sheegen inay iska xirteen dad gaar ah oo sheeganaya.

    “In kuraasteena la soo fara-geliyo oo la yiraahdo anaga 2016-kii wax gad-gadinay, waxaa leenahay haddii Ilaahay laga cabsanayo Mudane Ra’iisul Wasaare wax hanaga weydiin nimkaas, guddigii hore ee maamulka.”

    Khilaafka kuraasta Banaadiriga ayaa salka ku haya gacan ku haynta kuraastaas oo maamulkeeda uu sheeganayo guddigii hore ee 2016-kii iyo mid cusub oo ay sameysteen, sida ay sheegen qaar kamid ah odayaasha.

    The post Mid ka mid ah beelaha Muqdisho oo boob lagu hayo kuraasteeda oo farriin u dirtay Rooble appeared first on Caasimada Online.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa jawaab adag kasoo saartay muuqaalo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ay ku baahinayeen afkaartooda, waxayna iclaamisay shirweyne ka dhan ah tallaabadaas.

    Muuqaalladaas taxanaha ah ayaa Al-Shabaab waxay ugu magac dareen “Saa’a Maa Yaxkumuun,” waxayna ka hadlayaan qodobo ku jira dastuurka Soomaaliya, oo ay sheegeen inay ka hor-imanayaan diinta Islaamka.

    War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa waxa lagu sheegay in ujeedka muuqaaladaas uu yahay cudur u sameynta afkaarta qaldan ee argagixisada iyo qiil u raadinta baneysiga dhiiga umadda Soomaaliyeed.

    “Dhawaanahaan ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa uu sii deynaayey muuqaalo iyo war saxaafadeedyo ujeedkoodu yahay in kooxdu ugu cudur-daarto fikradahooda khaldan ee aan sal iyo raad toona ku laheyn Diinta Islaamka, kuna magacaabeen daliil Diimeed oo ay ku marin habaabinayaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in muuqaaladaas ay si dhow ula socotay, islamarkaana ay diyaar u tahay inay mid mid uga jawaabto dhamaan qodobada ay ku xuseen doodooda, kuwaasi oo aan raad ku laheyn Diinta Islaamka.

    “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay ugu baaqeysaa Culimada muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed shirweyne lagu iftiiminayo, loogana jawaab celinaayo doodad ururka Al-Shabaab u cuskatay kuna difaacayaan ficiladooda, si umadda Soomaaliya looga badbaadiyo dhagarta fikirka kooxda.”

    Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay diyaar u tahay marwalba in si xikmad iyo cilmi ah uga hortagto duulaan kasta oo fikri ah umadda Soomaaliyeed kaga yimaada kooxaha argagixisada.

    The post DF oo jawaab kasoo saartay barnaamij ‘halis ah’ oo ay baahiyeen Al-Shabaab, iclaamisayna shirweyne appeared first on Caasimada Online.


  16. Organized jointly by the Ministry of Foreign Affairs (MOFA), Taiwan External Trade Development Council (TAITRA), and the Importers and Exporters Association of Taipei (IEAT), the 2021 Taiwan Expo in Somaliland and the Business Matchmaking Program for Imports from East Africa officially kicked off on Thursday (Nov. 4).

    The opening ceremony saw over 130 Somaliland government officials and business representatives in attendance, while Taiwan MOFA Vice Minister Alexander Yui (俞大㵢) attended online, MOFA said in a press release. In his opening remarks, Yui compared the two countries’ key locations on maritime trade routes, and suggested that they may serve as each other’s base for market expansion in respective regions.

    With the Taiwan-Somaliland partnership as foundation, Taiwan may also further promote interactions with countries that share values of democracy and freedom such as Ethiopia, Kenya, and Uganda. These exchanges will be based on transparency, responsibility, and continuity, and will become mutually beneficial business partnerships, said Yui.

    Yui also joined a video conference with Somaliland Minister of Commerce, Industries and Tourism Mohamed Hassan Saad to discuss both countries’ economic trade and collaboration. Meanwhile, MOFA staff members and various East African commercial association representatives met in another video conference to develop momentum for potential partnerships.

    MOFA launches Taiwan Expo in Somaliland, East Africa business matchmaking program
    Over 130 officials and business representatives attend the event in Somaliland. (MOFA photo)

    According to MOFA, 73 Taiwan businesses will be showing over 400 medical, communication, food, solar power, and automotive part products during the expo.

    During the event, the IEAT signed sister association memoranda of partnership with the Somaliland Chamber of Commerce, Industry and Culture, Addis Ababa Chamber of Commerce and Sectoral Associations, and the Kampala City Traders Association. The IEAT also announced the online instant business exchange platform, while products from East African countries were also flown into Taipei for Taiwan businesses to see.

    Since Taiwan and Somaliland set up mutual official representative offices, the relationship between both countries has steadily warmed. On Oct. 13, Somaliland’s new Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Essa Kayd Mohamud Raagsale thanked Taiwan Minister of Foreign Affairs Joseph Wu (吳釗燮) and Yui for the Taiwan government’s and people’s help during the COVID-19 pandemic and reaffirmed Somaliland’s dedication to strengthening Taiwan-Somaliland relations

     

    Taiwan News 

    Qaran News


  17. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamad Kaahin Axmad ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay sameynayso hoggaanka la dagaalanka Maandooriyaha, isaga oo sheegay in mukhaadaraadku uu dhibaato ku hayo deegaanada dalka.

    “Waxaan wadnaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidanka Booliiska in la abuuro oo la balaadhiyo hoggaanka la dagaalanka mukhaadaraadka maandooriyaha, oo xilligan-ba si weyn loola dagalamo, laakiin ciidan si gaar ah loogu tababaro iyo qalabkii ay ku hawlgeli lahaayeen ayaan samanyn doonaa.

    Md Kaahin ayaa boggaadiyey sida ciidanka booliisku ugu guulaysteen la dagaalanka dhammaan mukhaadaraadka sida khamriga, xashiishada iwm, isagoo ka hadlayey munaasibadda Booliiska JSL ayaa tilmaamay in shilalka badan ee dhaca loo nisbaynayo badashada dadka mukhaadaraadka maandooriyaha isticmaala.

    Wasiir Kaahin ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka booliska ku garabsiiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka ka ganacsada maandooriyaah ee deegaanada Soomaaliland, isagoo yidhi, “Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka booliiska, oo ogaadaan in saldhigu iyaga u shaqeeyo, waxii warbixino ahna keenaan.”

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed ayaa u digay dadka ka horimanaya ciidanka booliiska marka ay waajibaadkooda ilaalinta amaanka gudanayaan, isla markaana ku tilmaamay inay yihiin tuugta, dadka khamriga caba, qaran-dumiska, nidaam-diidka, isla markaana ay dhibayso raacitaanka nidaamka, isagoo sheegay “Dad dawlada ka soo horjeeda ayaa u haysta in ciidanka booliiska dawladu leedahay, sidaana kula dagaalamayaan.

     

    Dawan

    Qaran News


  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Muran ayaa weli ka taagan kursiga uu qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar kadib markii uu si farsameysan usoo wareejistay kursi aysan jufadiisa laheyn.

    Guddiga khilaafkaadka doorashooyinka ayaa joojiyey ansixinta kursiga kadib markii ay dacwad soo gudbisay jufadii laheyd kursiga oo ku doodeyso in laga boobayo kursigooda.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tan iyo markii la hakiyey ansixinta kursigiisa wuxuu waday dadaallo uu ku doonayo inuu ku sharciyeysto kursigaas.

    Sida ay Caasimada Online xog ku heshay Mahdi Guuleed ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dacwad ka gudbiyey Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo meel fagaare ah ka weeraray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

    Mahdi Guuleed ayaa ergadii dooraneysay kursigiisa wuxuu ka reebay suldaanka Beesha uu kasoo jeedo Dubbe taasoo keentay inuu Dubbe ka shaqeeyo sidii dacwad looga gudbin lahaa kursiga uu qaatay.

    Rooble ayaa guddi ka kooban seddex xubnood oo laba kamid ah yihiin wasiirada Xukuumadda u xil saaray xalinta arrintaan, waxaana la xaqiijiyey inay meel isugu keeneyn Duube iyo Mahdi, islamarkaana la dhameeyey khilaafkooda.

    Sidoo kale, guddiga uu Rooble kiiskaan u xil saaray ayaa la kulmay guddiga xallinta khilaafaadka, waxayna kala hadleyn sidii kursigaan loo ansixin lahaa shuruud la’aan.

    Wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa sheegaya in guddiga ay aqbaleen soo deejinta guddiga uu Rooble magacaabay, balse waxay dalbadeyn in la sugo waqtiga ay sheegeyn inay go’aan kusoo gaarayaan oo aheyd 7 Maalin oo ka bilaabatay 2 Bishaan November.

    The post Wararkii ugu dambeeyey ee kursiga Mahdi Guuleed iyo Rooble oo soo farogeliyey appeared first on Caasimada Online.