Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,763
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Dhakhtarkii ka caawiyay Sirdoonka Maraykanku Guriguu uu deganaa Cusama Bin Laden ee lagu dilay

    Shakil Afridi
    Dr Afridi ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay

    Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in ay billowdo dhageysiga racfaan la doonayo in xabsiga looga sii daayo dhakhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyay in uu dilo hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusama Bin Laden.

    Maxkamadda sare Peshawar ayaa maanta dhageysan doonto dacwadda Shakil Afridi, waana markii ugu horreysay oo dacwaddaasi lagu dhageysan doono meel caadi ah oo dadka u furan.

    Dhakhtarkaasi ayaanan waligii si rasmi ah dacwad loogu soo oogin doorkii uu ku lahaa hawlgalkii sanadkii 2011-kii lagu bartilmaameedsaday Bin Laden oo ahaa ninka aadka uu Mareykanka u doondoodnayay.

    Dr Afridi ayaa waligii ku doodayay in loo diiday in uu helo caddaalad.

    Xarigiisa ayaa waxaa ka dhashay muran weyn kaa oo sababay in Mareykanku uu kaalmadii dhaqaale ka jaro dalkaasi Pakistan.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2016 xilli uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday in Dr Afridi la soo dayn doono laba daqiiqo gudahood haddii isaga la doorto, haseyeeshee taasi ayaanan wali dhicin.

    Osama bin Laden is shown in this file video frame grab released by the U.S. Pentagon May 7, 2011.
    Muddo 10 sano ah ayuu Bin laden dhuumaaleysanayay

    In kastoo dhakhtarkaasi gudaha Mareykanka looga aqoonsan yahay halyay geesi ah, dadka reer Pakistan intooda badan waxay u arkaan khaa’in waji gebax ku riday dalkiisa. Ciidamada Mareykanka ayay u suurtagashay in ay yimaadaan gudaha dalka Pakistan oo ay dilaan Cusama Bin Laden oo waliba ay meydkiisa qaataan iyaga oo aan wax dhibaato ah arrintaasi kala kulmin.

    Waxaa dilka Bin Laden ka dhashay su’aal ah milatariga dalkaasi Pakistan miyuu wax ka ogaa joogitaanka Bin Laden ee gudaha dalkaasi Pakistan.

    Muxuu yahay Shakil Afridi?

    Dr Afridi ayaa ah dhakhtar ka hawlgali jiray degmada uu qabaa’ilka maamulo ee Khaybar, waxa uuna ahaa madaxa adeegyada caafimaad ee mas’uulka ka ahaa mashruucyo tallaal oo Mareykanka uu maalgeliyay.

    Maadaama uu ahaa shaqaale dowladeed, waxa uu billaabay mashruuc dadka looga tallaalayo cudurka cagaarshowga. Meelaha uu mashruucaasi ka fulinayay waxaa ka mid ah magaalada ay ciidamadu deggan yihiin ee Abbottabad, halkaasi oo markii dambe ay caddaatay in Bin Laden uu ku noolaa oo ay ciidamadu ka war qabeen.

    Qorshaha mukhaabaraadka Mareykanka ayaa ahaa in ay baaraan hidasidha mid ka mid ah carruurta ku nool gudaha magaalada Abbottabad si baaritaankaasi loogu ogaado in ay ehel la yihiin Bin Laden iyo in kale.

    Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah hawlwadeennada la shaqeeya Dr Afridi uu booqday guriga uu deganaa Bin Laden oo uu cannug ka soo qaaday dhiig balse lama xaqiijin karayo in dhiigaasi uu sahlay in mukhaabaraadka Mareykanka ay ogaadaan in Cusama uu halkaasi ku nool yahay iyo in kale.

    Dr Afridi ayaa xabsiga la dhigay 23-kii May 2011, waa muddo 20 maalmood ah ka dib markii la dilay Bin Laden. Waxaa la rumeysan yahay in xilligaasi uu ku jiray da’da afartameeyada.

    Wax badan lagama oga nolashiisa gaarka ah balse waxaa la ogyahay in uu ka soo jeedo qoys ladan isla markaana uu ka soo qalin jebiyay mac’hadka caafimaadka ee Kheybar sanadkii 1990. Qoyskiisa ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii Dr Afridi la xiray, waxayna ka baqayeen in kooxaha mintidiinta ahi ay soo weeraraan.

    Xaaskiisa ayaa intii aysan dhuuman ahayd maamulaha iskool ay leedahay dowladda. Dr Afridi ayaa xilligaasi haystay laba wiil iyo gabar, kuwaasi oo hadda ah qaan gaar.

    Bishii Janaayo ee sandkii 2012, saraakiisha Mareykanka ayaa shaaciyay in Dr Afridi uu la shaqeynayay mukhaabaraadka Mareykanka.

    Balse lama xaqiijin karayo waxa uu ka ogaa shaqada uu u hayay sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

    Sida lagu sheegay baaritaan ay sameysay dowladda Pakistan, Dr Afridi waxba kama uusan ogayn cidda uu bartilmaameedku ahaa markii uu billaabayay shaqada CIA-da.

    Soldiers and residents stand over covered debris as it is moved out by military vehicles from the compound within which al Qaeda leader Osama bin Laden was killed, in Abbottabad in this May 2, 2011
    Ciidammada Pakistan iyo shacab ku sugan gurigii lagu dilay Bin laden 2011-kii

    Maxaa lagu haystaa?

    Inkastoo markii hore lagu soo eedeeyay khiyaano qaran, haddana Dr Afridi ayaa xsaanadkii 2012 lagu xukumay 33 sano oo xabsi ah balse markii dambe ayaa 23 sano lagu soo koobay ka dib racfaan uu ka qaatay xukunkaasi.

    Dr Afridi ayaa lagu helay dambi ah in uu aasaasay koox islaami ah oo lagu magacaabo Lashkar Al-Islaam oo dalkaasi Pakistan mamnuuc ka ah.

    Dr Afridi ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiyay dagaalyahannada kooxdaasi isla markaana uu mintidiinta kooxdaasi u ogolaaday in ay shirar ku qabsadaan gudaha cusbital ay dowladda leedahay oo uu isaga madax ka ahaa.

    Qoyskiisa ayaa dhammaan eedeymahaasi beeniyay waxaa qareennada u doodayay ay sheegeen in lacagta kaliya ee uu siiyay kooxdaasi ay ahayd mid madax furasho ah oo gaareysa 6,375 doolar oo uu naftiisa ku badbaadinayay ka dib markii sanadkii 2008 ay qafaasheen mintidiin ka tirsan kooxdaasi.

    Sanadkii 2012 ayaa sida la sheegay wuxuu mar la hadlay telefishinka Fox News, wuxuuna u sheegay in ay qafaasheen sirdoonka Pakistan isla markaana ay jirdil ku sameeyeen.

    Muddo sanad ah ka dib, Dr Afridi waxaa u suurtagashay in waraaq uu gacanta ku soo qoray uu soo gaarsiiyo qareennadiisa, waxa uuna u sheegay in loo diiday caddaalad.

    Maxaa loogu soo eedeyn waayay in uu Mareykanka ka caawiyay dilka Bin Laden?

    Arrintaasi ma cadda, balse arrintaasi Bin Laden ayaa ah wajigabax ku noqotay dowladda Pakistan.

    Inasktoo mas’uuliyiinta reer Pakistan ay aad uga caroodeen waxa ay ku tilmaameen xad gudub lagu sameeyay madax-bannaanidooda, haddana sirdoonka Pakistan ayaa qirtay in aysan waxba ka ogayn in Cusaama Bin Laden oo ahaa hoggaamiyaha Al-Qaacidda uu halkaasi ku noolaa muddo sanado ah.

    John Brennan oo xilligaasi ahaa madaxa la dagaalanka argagixisada ee Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in la yirahdo Bin Laden wuxuu halkaa ku noolaa muddo isaga oo aan gacan ka heleyn maamulka dalkaasi, eedeyntaasi oo xukuumadda Islamabad ay beenisay.

    Balse in Dr Afridi loo maxkamadeeyo in uu gacan siiyay Mareykanka ayaaba sumcad ahaan uga sii dari lahayd dowladda Pakistan.

    Maxaa hadda loo maxkamadeynayaa?

    Maxkamadeynta Dr Afridi ayaa loo cuskanayaa sharci gooni u ah deegaannada qabaa’ilka uu ka taliyo ee ku yaal xudduudda dalalka Pakistan iyo Afqaanistaan.

    Maxkamadaha deegaanadan oo ay qabaa’ilku maamulaan ayaa waxaa guddoominaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda waxaana gacan siinaya odeyaal dhaqameedyada qabaa’ilka. Hannaankan maxkamadeed ayaa la sheegayaa in uu aad u baal marsan yahay hannaanka caddaaladda ee dalkaasi.

    Policemen stand guard near the partially demolished compound where al Qaeda leader Osama bin Laden was killed by US special forces last May, in Abbottabad this February 26, 2012 file photo.
    Guriga uu ku noolaa Bin Laden ka hor inta aan la duminin

    Maxkamadeynta noocaasi ah ayaa ah sida kaliya ee dowladda Pakistan ay ku maxkamadeyn karto Dr Afridi, si looga qariyo shacab weynaha dalkaasi.

    Balse saandkii hore ayaa la isku daray maamulka degaannada qabaa’ilka maamulo iyo maamulka dowlaiga ah ee gobolka Kheybar, taa oo ka dhigan in dhammaan kiisaskii ay dhageysanayeen maxkamadaha qabaa’ilka loo soo wareejiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalkaasi Pakistan.

    Maxkamadeynta Dr Afridi ee maanta ayaa laga yaabaa in ay horseedo in la dhimo ama la kordhiyo sanaddadii horey loogu xukumay.

    Tan iyo markii sanadkii hore Dr Afridi laga sii daayay xabsi ku yaal Peshawar lana geeyay mid ku yaal Punjab, waxaa soo baxayay hadal hayn ah in dhakhtarka la sii dayn doono, gaar ahaanna lagu badalan doono Aafia Siddiqui, oo ah nin sida la sheegay Al-Qaacidda la shaqeyn jiray oo hadda u xiran Mareykanka.

    Qaran News


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad ciidamo la duldhigay xarunta taliska ciidanka NISA ee gobalka Banaadir, taasoo loo yaqaano Godka Jilacow, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Ciidamadan ka tirsan hay’adda NISA ayaa kuwa loo yaqaan Duufaan, waxayna wataan gaadiidka loo yaqaano Beebaha, ayada oo la sheegay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan xarunta, oo ay haystaan ciidan taageera ra’iisul wasaare Rooble.

    Ciidanka Duufaan ayaa ah kan kaliya ee ka tirsan NISA ee taabacsan Farmaajo, waxayna u badan yihiin maleeshiyo ku beel ah, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, balse dowladda isu soo dhiibay.

    Si rasmi ah looma oga sababta ciidankaan maalintii labaad loo duldhigay xarunta Godka Jilacow. Shalay gelinkii dambe ayey ciidamadaan tageen banaanka Godka Jilacow, waxaana muddo xiisad ka taagneed ay ka tageen xalay Maqrabkii.

    Sidoo kale maanta ayey dib ugu soo laabteen ciidanka Duufaan waxaana Aagga Taalada Daljirka Dahson ka jira xiisad culus iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, oo u dhaxeysa ayaga iyo ciidan kale oo ka tirsan NISA.

    Ciidanka Waran ee ku sugnaa Godka Jilacow ayaa shalay iyo maanta hortaagan ciidamada Duufaan, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas ka dhaco dagaal u dhaxeeya labada ciidan.

    Ciidanka Duufaan ayaa raba in ay galaan gudaha Xarunta Godka Jilacow, oo ay qabsadeen waxaana u diidan kuwa Waran oo hore ugu soo diiday Xarunta Habar Khadiijo.

    Ciidamada Waran, ayaa waxaa hoggaamiya sarkaalka lagu magacaabo Maxamed Xasan, oo ka amar qaata ra’iisul wasaare, kaasi oo xaqiijiyey labada xarun ee NISA, ee kala ah Habar Khadiijo iyo Godka Jilicow.

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaan weli agaasimaha cusub ee NISA Bashiir Goobe geyn xarumaha NISA, inkasta oo ay haystaan ciidamo isaga taageersan, waxaana sababta ay tahay ciidanka xarunta ka jooga dibedda ee Duufaan, oo doonaya inay dagaal qarxiyaan haddii uu yimaado agaasimaha cusub. 

    Rooble, oo doonaya inaanu dagaal dhicin, ayaa isku dayaya inuu arrintan ku dhameeyo wada-hadal. 

    The post Ciidamo maalintii labaad isku hor-fadhiya meel u dhow Villa Somalia + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  3. 1-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Dawladda Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.

    Safiirka Sweden Per Lindgarde oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

    Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Sweden appeared first on Puntland Post.


  4. Muxuu wadnuhu ila dakaamayaa, Maxaan la hiin raagayaa, Maxey xubnuhu ila wada xanuunayaan, Aqoon la’aan, Talo la’aan, Ilbaxnimo la’aan Siyaasad la’aan iyo Kalsooni la’aan,ayaa dib u dhigtey Gobalada, Sanaag Togdheer iyo Sool,,,laakiin maanta waa GUUL..Badhasaabka gobolka sanaag Mohamed Elmi Husein.

    Beelaha gobolka SANAAG…waxa ay soo mareen marxalado kala duwan oo haba yaraatee ilaa dawladdihii ka talin jirey aaney wax qaab dhismeed dowladnimo ka geysan, dib u dhac weynina ka haysto baahiyihii nolosha, laakiin, Allaah Subxaanahu Watcaalaa uu ku muneystey dhul baaxad leh oo bad iyo berri ba leh, balse dhaqashada xoolaha ku garasho wacan yihiin kuna badbaadeen.

    Ragga aqoonta leh ee hogaamiya caalamku,waa sheegeen, waxeyna saadiliyeen in SOMALILAND, dhalinyaradu,,noqon doonto, iney dalka hogaamiyaan mustaqbalka ..Tusaale gobolka Sanaag, uu u asiibey mudane Muuse Biixi, uuna u magacaabey
    gobalka Sanaag Badhasaaab Maxamed Cilmi Axmed, waxna ka bedeli karo NABADGELYADA….

    PROF..MOHAMED AHMED FARAH MATTAAN [JAAFAA]
    jaafaa66@gmail.com
    ANKARA

    Qaran News


  5. Roma (Caasimada Online) – Caro xooggan ayaa ka taagan dalka Talyaaniga kadib markii booliska ay xireen nin Soomaali ah oo toorey ku dhaawacay dhowr qof, magaalada waqooyi ee Rimini.

    Afar haween ah iyo wiil lix sano jir ah ayaa lagu dhaawacay weerarka, oo dhacay habeennimadii Sabtida. Wiilka yar ayaa lagu warramay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay, ayada oo dhaawaca uu ka gaaray qoorta. 

    Tuhmanaha ayaa saarnaa bas isaga oo aan haysan tikit, wuxuuna weeraray laba qof oo ah dadka hubiya tikidhada. Wuxuu kadib ka cararay goobta, isaga oo saddex qof oo kale dhaawacay intii uu baxsadka ahaa.

    Booliska ayaa goor dambe ku guuleystay inay ka daba-tagaan, oo ay xiraan.

    Maxaa dhiiri-geliyey weerarka?

    Dambi-baarayaasha ma rumeysna in sababta ninka ku dhiiri-gelisay weerarka ay tahay argagixisanimo, hase yeeshee waxay la tahay inuu daroogo cabsanaa markii uu weerarka gaysanayey.

    Soomaaligan ayaa Talyaaniga ka codsaday magan-galyo, wuxuuna sida la sheegay deganaa goob ay maamusho hay’adda Laanqeyrta Cas oo ku taalla magaalada Ramini.

    Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA, tuhmanaha ayaa ku noolaa Yurub tan iyo 2015-kii, waxaana horey sharci looga soo diiday dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Denmark, Sweden, Germany iyo Netherlands.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la haysto

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Luciana Lamorgese ayaa shalay la kulantay mas’uuliyiinta magaalada Ramini, si ay ugala hadasho dhacdadan. Waxay dambigan ugu yeertay “Dhacdo aad halis u ah.”

    Weerarka ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan, oo ay hurinayaan kooxaha siyaasadda midigta-fog, oo uga faa’iideysanaya inay sii kordhiyaan soo-galooti naceybka.

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Talyaaniga, ahna hoggaamiyaha xisbiga midigta ee Lega Nord Matteo Salvini ayaa ku cambaareeyey Lamorgese weerarka, wuxuuna ku baaqay xakameyn adag oo lagu soo rogo soo-galootiga.

    “Wasiir Lamorgese, imisa dhibane oo kale ayey tahay inaan xisaabino kahor inta aysan Italia noqon dal ammaan ah?,” ayuu ku yiri qoraal uu dhigay twitter-ka.

    Arrimaha socdaalka ayaa Talyaaniga ka ah mowduuc aad u kulul, waxayna tani hurin kartaa naceyb hor leh oo loo qaado muhaajiriinta.

    The post Caro ka taagan Talyaaniga kadib falkii uu gaystay ninka Soomaaliga ah (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.


  6. TACSI MADAXWEYNE: 14/09/2021
    INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
    May be an image of 1 person and text
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 14/09/2021 dalka Turkiga oo uu muddo u joogay Xaalad Caafimaad.
    Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suldaan dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii bulshada Somaliland, kana soo jeeda saldanad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland.
    Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
    ALLAA MAHAD LEH

    Qaran News


  7. Xiisad dagaal ayaa maanta ka aloosan xarunta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka NISA ee magaalada Muqdisho.

    Xiisaddan ayaa ku salaysan khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo laba taliye u magacabay hay’adda NISA, islamarkaana aan weli xal loo helin murankaas.

    Wararku waxay sheegayaan in gaadiid dagaal uu buux dhaafiyay albaabka laga ilaaliyo xarunta hay’adda NISA kadib markii uu halkaas ciidamo geeyay taliye Yaasiin Faray oo madaxweyne Farmaajo magacaabay.

    Cabsi xooggan ayaa laga dareemaya xarunta NISA iyo nawaaxigeeda halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo kala taabacsan dhinacyada ku muransan hoggaanka hay’adda Sirdoonka dalka.

    PUNTLAND POST

    The post Xiisad dagaal oo ka aloosan xarunta hay’adda NISA ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd shaaciyey magacaabista guddi cusub oo ka shaqeynaya Maareynta iyo La-wareegida Isbitaalada Yardimeli iyo Jaziira ee gobolka Banaadir, xilli weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay isku daygan.

    Maamulka ayaa hore ugu qabtay muddo toddobaad ah in lagu soo wareejiyo maamullada Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, ayada oo 8-dii bishaan loogu daray toddobaad kale, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal.

    Afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey guddigaas cusub, oo ka kooban siddeed xubnood, kuwaasi oo kala ah; Maxamed Maxamuud Cadow, Saynab Warsame, Mucaawiye Muudeey, Maxamed Cantooba, Cabdulqaadir Dalxa, Cabdullaahi Caraaye, Mukhtaar Dhagacade iyo Saalax Xasan Cumar.

    “Guddiga sare ku xusan waxaa aad loogu adkeynayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u guddo galaan howlahooda shaqo ee ku xusan wareegtadan. Maamulka labada Isbitaal waxaa la farayaa in si hufan ula shaqeeyaan guddiga la magacaabay si ay u fuliyaan waajibaadka loo xil-saaray si habsami leh,” ayuu yiri.

    “Waxaa la farayaa maamulada Isbitalaadaas inay wax agab ah ka saari karin xarumahaas, waxaana si gaar ah loo farayaa maamulada degmooyina Warta-nabadda iyo Xamar Jajab inay kor-joogteyan hubiyaana inay hirgeliyeen amarka ku aadan ilaalinta hantida dadweynaha ee taalla labada Isbitaal.”

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal.

    Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato.

    “Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas.”

    Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka

    The post Gobolka Banaadir oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah Yardimeli iyo Jaziira + Video appeared first on Caasimada Online.


  9. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehalada, Bahda dhaqanka, asxaabta & Shacbiga reer SL geerida AHU Sul Cumar Sul Maxamed Suld Faarax oo xaqii u yimid, Marxuum Sul Cumar waxa uu ahaa addoon dhowrsoon, cibaado badan, afgaaban oo haybaddii Saldanadda huwan, dhamaanteen samir & iimaan pic.twitter.com/rACoZ3o4nM

    — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 14, 2021

    Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha KMG Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa tacsi ugu tagay qoyska iyo ehelka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
    241838266_378764923700011_51027009554003
    242046131_378765000366670_70996929265876
    241881791_378765060366664_76416095757429

    Qaran News


  10. Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi , sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga Degamda Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa Goobjoog kala hadlay arrimo badan oo ku aadan horomarka iyo is badalka ka jira Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha dalka.

    Sacid.mp4.00_01_07_02.Still003-300x225.j
    “Hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka ayaa ii magacaabay in aan hogaamiyo shaqada culus ee tartamada Minifootboolka, runtii mudadii aan hayay xilkaa waxaan gaarnay guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Saacid Xuseen Cabdi.

    Sacid.mp4.00_04_13_08.Still006-300x225.j
    Dhinaca kale Guddoomiye Saacid Xuseen wuxuu guul weyn ku tilmaamay ka qeybgalka tartankii Kubadcag yaraha Qaarada Afrika ee bishii July 2021 ku qabsoomay dalka Nigeria, isagoo u mahadceliyay wafdigii ka socday Soomaaliya ee tagay magaalada Ibadan ee dalka Nigeria.

    15-300x225.jpeg
    “Soomaaliya waxay u aheyd sharaf iyo guul ka qeybgalka tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka, balse hadafkuuna waan in gaarnaa kaalamaha hore ee tartanka Kubadcag yaraha Caalamka iyo Qaarada Afrika” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi.

    Sacid.mp4.00_02_45_10.Still004-300x225.j
    Inkastoo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha oo soo jiray tan iyo 2015 , hadana doorashadii September 2020 lagu doortay maamulka cusub , waxay is badal weyn ku sameeyeen hannaanka shaqo ee Xiriirka, waxayna taas kor u qaaday in hogaanka cusub ay la yimaadaan waxqabad ka duwan kuwii hore.

    241238492_4398297803546719_1587089308689
    “Doorashadii September 2020 waxay Soomaaliya u aheyd fursad weyn , sababtoo ah jiritaanka iyo horomarka Xiririka Kubadcag yaraha hada ayuu ka duwanyahay shantii sanno la soo dhaafay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye Saacid Xuseen Cabdi.

    240954054_4379679665408533_4346927725855
    Guddoomiyaha tartmada Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya, sidoo kalane ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Warta Nabada Mudane Saacid Xuseen Cabdi wuxuu balan-qaaday in ay qaban doonaan tartamada Kubadcag yaraha Degmooyinka iyo kan Gobolada Soomaaliya.

    MVI_0064.MOV.15_58_59_07.Still001-300x16
    “Yeelkeena waa in aan qabanaa bilaha soo socda tartamada Kubadcag yaraha degmooyinka iyo kan Gobolada , waxayna u jeedada tahay in la helo ciyaartooy xirfada wanaagsan oo matasha Xulka Kubadcag yaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka Mudane Saacid Xuseen Cabdi.

    240585617_4398301883546311_4858072931242

    Daawo Guddoomiye Saacid Waraysi Uu Siiyay Goobjoog Sports

    Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

    Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”.

    W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

    Source: goobjoog.com


  11.  Bloomington (Caasimada Online)Hoggaamiyaha maleeshiyadii weerarkii qaraxa ahaa kusoo qaaday Masaajidka Darauf Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota oo la yiraahdo Emily Haris ayaa lagu xukumay 53 sanadood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay.

    Dacwad-oogeyaasha ayaa ku rajo weynaa in Emily Haris, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Micheal Haris in lagu xukumo xabsi daa’in, maadama uu hoggaaminayay kooxda weerarka ku soo qaaday masaajidka Daarul Faaruuq.

    “Waa Illahey Mahadi in maanta la xukumay raggii ku soo duulay oo qarxiyay Masaajidka Daarul-Faaruuq, waa guul u soo hoyatay Muslimiinta Minnesota” ayuu yiri Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah Mamaulaha Masaajidka.

    Andres Folk oo ah ku-simaha xeer-ilaaliyaha maxkamadda heer Federaal ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dhammaan dadkii ay wareysteen ay isku raaceen xanuunka iyo niyad jabka weerarkan oo ahaa mid “islaam naceyk ahaa”.

    Garsooraha maxakamadda Federaalka Donovan Frank oo ku dhawaaqay xukunka Haris oo 50 -jir ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso ah.

    Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyehaasha Muslimiinta Minnesota ayaa soo dhaweeyay xukunkii shalay oo baritaankiisu socday sadex sano iyo bar.

    Masaajidkaa Daarul Faaruuq ayaa la weeraray bishii August ee sanadkii 2017.

    VOA

    The post Hogaamiyaha raggii qarxiyey Masjidka Daarul Faaruuq ee Soomaalida oo la xukumay appeared first on Caasimada Online.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka (FEIT), isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa.

    Ugu horreyn guddiga doorashooyinka dalka ee heer federaal ayaa ra’iisul wasaaraha u gudbiyey warbixin ku aadan halka ay marayaan doorashooyinka iyo dardar-gelintooda.

    Sidoo kale guddiga ayaa Rooble u gudbiyey codsi gaar ah oo la xiriira fududeynta howlaha doorashooyinka ee ka billowday dalka.

    Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu Rooble ka jawaabayo codsiyada ka yimid guddiga doorashada.

    “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo warbixin ka siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu  ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Rooble.

    Kulankan waxaa ka horreeyey shir kale oo uu ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ururada bulshada rayidka, kaas oo looga hadlay doorashooyinka iyo xiisadda ka taagan dalka.

    Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, waxaana maanta HirShabelel ay qabaneyso kuraas ka mid ah kuwa Aqalka Sare ee yaalla Jowhar.

    241864984_3070204996543947_3599958018353 241872982_3070204863210627_7421329327295 241805232_3070205099877270_5161466454106 241825001_3070205023210611_2066141838096Rooble-Guddiga-FEIT.jpg

    The post Guddiga doorashooyinka oo dalab xasaasi ah u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro appeared first on Caasimada Online.


  13. “Cidna looma xidhi karo caymiska gaadiidka bulshadu xaqbay u leeday in ay ka caymisato shirkada kasta oo caymis bixinaysa oo kalsooni qofku ku qabi karo, sida hada warqadan ka muuqata waa afduub cidgaar ah loogu afduubayo bulshada taasina sinaba suurogal uma aha maadaama oo aanu nahay dadkii bulshadu soo dooratay waxa kasta oo aan sharciyan sax ahayn waanu ka hor joogsanaynaa in bulshada lagu dhaqo”. Xildhibaan Cali Qaran ayaa yidhi.

    FB_IMG_1631604193876.jpg FB_IMG_1631604196061.jpg

    Source


  14. Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabsi ay ka qabaan khatar aragagixso oo uga imaan karto dalal ay ku jirto Somalia, balse waxaan warbixinta lagu sheegay in cabsida koowaad ay tahay kooxda ISIS ee Afgaanistaan.

    Avril Hanes oo agaasimaha sirdoonka Qaranka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegtay shirka sanadlaha ah ee amniga iyo sirdoonka ee 2021 oo lagu qabtay Washington DC.

    Agaasimaha oo alaadda fogaan araggga uga qeyb-gashay shirkaasi ayaa sidoo kale shaacisay magacyada dalalkaasi, waxayna kala yihiin Somalia, Yemen, Syria iyo Iraq

    “Cabsida ugu sareysa ee Argagixisada ee Xilliga ma aha dalka Afganistan, balse waxaan aad u arkaa inay Khatarta ka soo fool leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish,” ayey tiri Avril Hanes agaasimaha sirdoonka qaranka dalka Mareykanka.

    Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ka dowlad ahaan ay si gaar ah isha ugu hayaan afartaasi dal, si looga looga hortego halista kooxaha argagixisada.

    Ugu dambeyn Avril Hanes ayaa sheegtay inay si aad ah ula socon doonaan dhaq-dhaqaaqa kooxda Daacish-ta Afgaanistaan, si looga hor istaago ulinta weeraro horleh oo ay geysato.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo horey Daacish ay u sheegatay weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka, ka hor inta aysan ka bixin garoonka Kabul.

    Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka la’eego Mareykanka waxa uu ka fuliyaa howl-gallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka gudaha dalkeena.

    The post Mareykanka oo shaaciyey khatar uga imaan karto dalal ay ku jirto Somalia appeared first on Caasimada Online.


  15. (SLT-Muqdisho)-Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa toddobaadkaan safar gudaha iyo dibadda ah laga celiyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya.

    Xogta la helayo ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa.

    Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax.

    Si rasmi ah looma oga safarkooda waxa uu salka ku haayo, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya inay baxsad ahaayeen maadaama ay waajahayaan eedo la xadhiidha afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneed hay’adda NISA.

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baadho saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana ayna Muqdisho ka bixi karin.

    Raysal Wasaare Rooble ayaa hore u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan mag la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xidho, oo aan la baadhin.

    Source


  16. (SLT-Vienna)-Laba Hablood oo Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah dilkaas dhacay.

    Labada gabdhood ee Soomaalida ah ayaa meydadkooda laga helay Guri ay ka daganaayeen Magaalada Vienna oo da’dooda lagu kala sheegay inay kala aheyd  28-jir iyo 37-jir, kuwaasi oo kamid ahaa Soomaalida kunool Austeria.

    Dilka loo geystay labada gabdhood ayaa waxaa la tilmaamay in lagu tuhunsanyahay Wiil dhalinyaro oo Soomaali ah oo 28-jir ah, waxaana la sheegay in mid kamid ah gabdhaha uu xidhiidh ka dhexeeyay.

    Booliska Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria ayaa gacanta ku dhigay wiilka lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilka dhacay, kaasi oo ay haatan ku wadaan baadhitaano kala duwan, isagoona xiligii la qabanayay isticmaalay maandooriye.

    Qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa waxaa dilal loogu geystaa dad Soomaali ah, halka qaarkood Soomaalida iyagu is dilaan, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Magaalooyin ku taalla dalalka Yurub dilal loogu geystay dad Soomaali ah.

    Source


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceysa magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

    Illaa 27 musharax ayaa ku loolamaya doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku tartamaya sideeda kursi ee maamulkaasi uu ku leeyahay Golaha Aqalka Sare.

    Musharixiinta ayaa xalay kulamadii ugu dambeeyey la qaatay xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada.

    Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa dhinaca kale xusay in kaliya maanta la qabanayo doorashada saddex kursi oo ka mid ah sideeda kursi ee taalla magaalada Jowhar.

    Kuraasta qaar ayaa isha lagu hayaa, kuwaas oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn, waxaana ka mid ah kuraastaas kursiga uu ku fadhiyey Muuse Suudi Yalaxow oo mar labaad doonaya in dib loo doorto, hayeeshee waxaa haatan kula tartamaya Cabdullaahi Sheekh Xasan,  Axmed Xasan Cadow (Daaci) iyo Dr. Xasan Cadaay Cali.

    Sidoo kale kursiga xiisa leh waaa midka uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo markale isa soo sharraxay, isna waxaa kula tartamaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Raage Xasan Cusmaan (Xuut)

    Dhammaan musharixiinta tartameysa ayaa shalay khudbado ka jeediyey xarunta baarlamaanka ee HirShabelle, iyaga oo ka hadlay taariikhdooda iyo waxqabadkooda.

    Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana musharixiinta ay u tartami doonaan si daah-furan, iyadoo halkii kursi ay u sharraxan yihiin laba ugu badnaana lix.

    The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar appeared first on Caasimada Online.