-
Content Count
212,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Mogadishu (HOL) - Somalia Ambassador to Canada, Hassan Dahir Dhimbil, hosted a meet-and-greet for the Somali community in Ottawa.
-
Ra’lisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga yo kiiska Ikraan Tahliil.
Ra’lisul Wasaare Rooble oo khudbad u jeediyay murashaxiinta iyo ergada dooraneysa xildhibaannada Agalka Saree e Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin wax weyn oo dhanka siyaasadda ah oo la isku hayo, wixii jirana looga bixi doono doorashada.
Wuxuu mar kale ku celiyay in Ikraan Tahliil caddaalad heli doonto xilligii ay noqotaba, wuxuuna intaas ku daray in ay sugayaan go’aanka maxkamadda ciidamada ee uu horey ugu xilsaaray.
Ra’iusul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasiloonidda iyo nabadgelyada dalka.
Dowlad goboleedyada ayuu ugu qaabay in ay soo dhammeystiraan xubnaha ka dhiman xildhibaannada Aqalka Sare, si loo doorto guddoonka Aqalka Sare.
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul Waasre Rooble oo hadlay dhowr qodob appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuray dhageysiga khudbadaha Musharixiinta aqalka sare ee Somaliland.
Rooble oo Afisyooni kaga qeyb galay Dhageysiga khudbadaha Musharixiinta aqalka sare ee Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland mar waliba ay ku caan tahay qabashada doorashooyin lagu wada qanco.
“Somaliland waxay caan ku tahay doorasho hufnaan iyo cadaalad ah, sidaa datreed indhaha ayey shacabka Soomaaliyeed idiinku hayaan, marka waxaa rabaa iney noqoto doorasho lagu dayan karo, taariikhda gasho oo qof kasta ka hadlaayo cadaaladeeda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Rooble ayaa sidoo kale maamulada dalka ugu baaqay in ay soo dhameystiraan kuraasta ku dhiman ee Aqalka sare.
“Dowlad goboleedyada waa iney soo dhameystiraan aqalka sare, labada Galmudug, afarta Jubbaland iyo labada Hirshabelle sida ugu dhaqsiyaha badan aqalka sare usoo gudbiyaan, sababta aan sidaa u leeyahay wax kale ma aha, Somaliland aqalkeeda sare marka uu dhamaado, waxaan rabaa in ay taariikhda gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada aqalka sare si ay u sameystaan guddoonkoodii iyo nidaamkoodii sidaasna ay Soomaaliya ku yeelato hey’addii ugu horeysay oo dastuuri ah, dalkana u yeesho madax lagu soo hagaago anigana ila xisaabtamo, anigana aan la xisaabtamo.”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa in mar walba u taaganahay cadaaladda, Ikraan cadaalad waa ay heleysaa, kuwii dhibka u geystay ama maanta aan helno ama berri gacanta shacabka waa ay soo gelin doonaan..Maxkamadda militariga go’aaneeda ayaan sugeysnaa, horayna waa u faray haddana waa farayaa si hawlaha u bilaabaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.Goobjoog New -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey munaasabadda hadal-jeedinta musharixiita Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota Teendhada Afisyoone ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.
Rooble ayaa ayaa muujiyey in weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee u dhexeeyo isaga iyo Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in wax weliba ay ka muhiimsan tahay xasiloonida dalka.
“Xaaladda dalka Alxm maanta meel fiican ayuu marayaa doorashaan ku jirnaa carab iyo ilkaa isugu dhow khilaafaad waa iska yimaadaan, laakiin wax weyn ma’ahan wax kasta waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka iyo nabad-gelyada,” ayuu yiri Rooble.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in is-qab-qabsigan siyaasadeed iyo khilaafka jira uu soo dhammaan doono, marka ay hagaagto doorashada, sida uu hadalka u dhigay.
“Khilaaf kasta iyo is-qab-qabsi kasto wuxuu dhammaanayaa, marka ay doorashadan noo hagaagto,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna shaaciyey inuu weli cadaalad u taagan yahay, uuna ku dadaali doono cadaalad u helida qoyska Ikraan.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu markale yiri Rooble.
Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Qalbigiina qeyr u sheega howsha waa lagu daba jiraa maxkamadda milatariga ayaa loo xil-saaray go’aankeeda ayaan sugeynaa dhammaan,”.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo uu haatan gaabis ku yimid wada-hadalladii ka socda Villa Soomaaliya ee lagu dhex-dhexaadinayey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
The post ROOBLE oo war cusub kasoo saaray xiisadda Villa Somalia iyo kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lagula tartamidoono kursiga uu ku qoran yahay oo markii hore uu kaligii ku qornaa.
Raysal wasaare ku xigeenku sheegay in la waayay cid markii hore soo gudbisa in ay la tartamayso Cabdi Xaashi, haddana wuxuu sheegay in odayaasha ay markii dambe usoo gudbiyeen musharrax kursigaas kula tartamaya.
Musharrax lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen ayaa kursigaan kula tartamidoono guddoomiye Cabdi Xaashi. Balse, dhawaan waxaa warbaahinta kasoo muuqday shakhsiyaad dumar ah oo ka cabanayay in loo diiday in ay u tartamaan kursiga Cabdi Xaashi ku fadhiyo. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Mudisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay hadal jeedinta xubnaha musharixiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland.
Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo furay hadal jeedinta musharixiinta, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso hore u socodka doorashooyinka bilowday ee ka dhacaya guud ahaan dalka.
Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in Isbuuc gudihiis ay ku soo dhammaan doonto doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, isaga oo kula dar-daaramay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi inay ka shaqeeyaan cadaaladda doorashadaasi.
“Maanta cadaalad ayaa ina deeqdo, qof kasto haku xisaabtamo inay jirto meel kale oo lagula xisaabtami doono,” ayuu yiri ra’iisu wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Intaasi kadib ayaa waxaa la guda-galay khudbad jeedinta musharixiinta isku soo sharraxay kuraasta gobollada waqooyi ee ku tartamaya 11 kursi ee Somaliland, waxaana hadalka ugu horreeyey Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la tartami doono Saciid Cumar Xuseen.
Musharixiinta ayaa la siiyey ugu badnaan illaa 10 daqiiqo, waxaana guddiga uu shaaciyey in isla maanta lasoo gaba-gabeyn doono dhammaan hadal-jeedinta musharixiinta.
Sidoo kale beri oo Arbaco ah ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Aqalka Sare ee kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.
Si kastaba, doorashada kuraastan ayaa waxaa muddo dheer ka taagnaa khilaaf xoogan, kaas oo u dhexeeyey 2 garab oo ay kala hoggaaminayeen Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed.
The post Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota AFISYOONE appeared first on Caasimada Online.
-
Deputy Prime Minister Mahdi Guled has announced a candidate to contest with Senate speaker Abdi Hashi had been identified following sharp criticism from politicians from Somaliland.
-
Laacibkii hore kooxaha Heegan, Elman, LLP Jeenyo iyo Horseed Maxamuud Cabdi Nuur ( Mayman) ayaa sheegay in uu gabi ayaan ka fariisnaayo dheliista kubbadda cagta kooxaha iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.
“Maamulka kooxda Heegan waxaan kaga mahadcelinaynaa fursad ay ii siiyeen in aan ka mid noqdo, runtii waxaan sameeyay intii aan joogay Heegan da’daal wanaagsan, balse waqtigeena ayaa kala dhamaaday” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacibkii hore kooxda Heegan Maxamud Cabdi Nuur.
Ciyaaryahan Mayman wuxuu sidoo kale ka hadlay imaatinka kooxda Heegan ee tababare Cabdi Joon iyo xiriirka kala dhaxeeya isaga, mahadama labadooda ay ka soo wada-shaqeeyeen kooxo badan oo dalka ah.
“Tababare Cabdi Joon waa saaxiibkay,waana aabahayga labaad, waxaan u ahayaa xushmad mana jiro khilaaf naga dhax labadeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xidigihii hore kooxda Heegan Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman).
In badan oo ka mid ah xidigaha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa iyagoo da’yar ah ka fariista Ciyaaraha kubbadda cagta, wuxuuna laacib Mayman arinta ku sheegay in ay sabab u tahay dhiirigelin ka timaada Maamulka maxa kooxaha iyo Xiriirka Kubbadda cagta Somalia.
“Adiga ku jira waqti wanaagsan ayaa laga yabaa in lagu dhaho way ka dhamaatay, taas ayaa ciyaartooyda ku abuuraysa niyad jab iyo hor u socod la,aan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Niuur (Mayman).
Ugu danbeyntii laacib Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) wuxuu sheegay in labo sanno ka dib uu gabi ahaan ka fariisanayo dheelista kubbadda cagta kooxaha iyo Xulka Qaranka.
“In aan k fariisto Ciyaaraha waxaa igu kalifay sababo badan oo jira, waxaana samaysan dooonaan xirfadiisa kale” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay xidigihii hore kooxaha LLP Jeenyo, Horseed,Elman, Heegan Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman).Daawo Waraysi Oo Mayman Siiyay Goobjoog
Sidoo Kale Warar Dheeraad Ah
-
Nairobo (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya Esther Wanjiku ayaa faah faahiyey qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Laamu, kaas oo uu tilmaamay inay waxyeelo kasoo gaartay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Esther Wanjiku ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Sarira iyo Ras Kiamboni oo u dhow Ishakani, Lamu County, weliba Isniintii abaare 9:30 subaxnimo.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku dhinteen ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii ay miinadu la kacday gaarigii ay la socdeen.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggaasi ay hayeen laba kooxood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana mid ka mid ah kooxahaasi ay dhigeenmiinada, kadibna kooxdii kale oo aan ka war heyn ay la kulmeen qaraxa, sidaasina ay miinada ku haleeshay.
“Waxaan xaqiijin karaa inay dhinteen 15 ka tirsan Al-Shabaab. Waxay ahaayeen laba kooxood. Mid ka mid ah kooxaha ayaa wadada dhigay miino si ay ula eegtaan balse kooxda labaad oo aan ka warqabin miinada wadada ku jirta si ay u maraan way garan waayeen wadadii, Gaarigii ay wateen ayaa dul maray oo qarxay. Dhammaan 15 -kii saarnaa gaariga way dhinteen, ”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya.
Waxa kale oo uu Esther Wanjiku intaasi kusii daray “Haddii cadow dhinto, taasi waa noo muhiim. Dadka deegaanka ah yaan la niyad jabin. Hay’adaheena amniga waxaa ka go’an inay ilaaliyaan amaanka shacabka iyo hantidooda. ”
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka bixisay hadalka Kenya, balse waxaa jirtay in shalay kooxdu baahisay in qaraxa ka dhacay Laamu ay laayeen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dowladda dalka Kenya.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ka fuliso deegaanada dhaca xadka dheer ee ay wadagaan labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
The post KENYA oo shaacisay in xubno Shabaab ah ay ku dhinteen qaraxii LAMU appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasi Cali Warancade oo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ku jiray buulka siyaasadda,isla markaana u basaasay xilkii Wasiir-nimo ayaa hadda u muuqda inuu hanqalka la soo kacay,kaas oo ka dhex bilaabay dhaq-dhaqaaq-yo Siyaasadeed beeshiisa, kuwaas oo ah qaar uu ku wacdiyayo in ay doorashada Madaxtooyadda la dhisaan Madaxweyne Biixi,isla markaana ay codka siiyaan.
Kullamo tabliiq siyaasadeed ah ayaa la sheegay inuu bilaabay Siyaasi Cali Warancade,kuwaas oo uu ka bilaabay beeshiisa,waxaana la sheegay inuu kullamo la yeeshay dhallinyarada wax-garadka iyo wayeelka beeshiisa, kuwaas oo u sheegay in isaga xil wasiir-nimo la siinayo,isla markaana loo baahan yahay inay taageeraan doorashada soo socota Madaxweyne Biixi, maddaama oo uu beesha siiyey xilal culus oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo Taliyaha ciidanka Booliska.
Dhanka kalena waxa la sheegay in warancadde uu garabsanayo oo uu soo aakhri toosiyey Suldaan Xiirey, kaas oo isna la wadda olollaha aan xilligiisa la gaadhi ee uu warancadde beeshiisa ka dhex bilaabay,kaas oo ah mid uu kaga dhaadhicinayo inay doorashada Madaxtooyadda marka la gaadho ay codkooda siiyaan Madaxweyne Biixi.
Suldaan Xiiray ayaa la sheegay inuu shidhka u saaran yahay Warancadde markasta, waxaana la sheegay in isaga qudhiisu maddalo uu ka qayb-galay uu beeshiisa u jeeddiyey oo uu ku wacdiyey inay taageeraan oo ay codka siiyaan Madaxweyne Biixi doorashada Madaxtooyadda ee soo socota,waxaanu ku andacooday Xiirey in Muuse Biixi uu beesha abaal gashaday, isla markaana uu xilalka ugu waa weyn siiyey, haddana ay ka naawilayaan in wasiir shilis uu u magacaabo Siyaasi Cali Warancadde,isla markaana uu muddan yahay in loo abaal celiyo.
Si kastaba ha-ahaatee Suldaan Xiiray iyo Cali Warancadde ayaa la sheegay inay bilaabeen dhaq-dhaqaaq-yo Siyaasadeed iyo olollaha doorashada Madaxtooyadda ee aan wakhtigiisa la joogin,kuwaas oo ah qaar ay beesha ay ka soo jeedaan kaga sii dhaadhicinayaan in doorashada Madaxtooyadda ay dhisaan Madaxweyne Biixi,kuwaas oo ku andacooday inuu beesha siiyey Madaxweyne Biixi xilal culus,isla markaana uu muddan yahay in loo abaal celiyo. -
-
Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa soo dhaweysay iscasilaadda ay sameysay wasiirkii wasaaradda Haweenka iyo carruurta dalka Itoobiya Filsan Cabdulaahi.
Qoraal ay soo saartay Jabhadda ayaa lagu sheegay in ay jabhadu soo dhaweyneyso tallaabada geesinimada leh ee ay qaaday marwo Filsan.
Jabhadda ONLF ayaa ku eedeysay dowlada Itoobiya in ayna siin shacabka Soomaalida Itoobiya xaqa ay ku lahaayeen inay ka helaan xukuumadda uu raysal wasaaraha ka yahay Abiy Ahmed.
Filsan Cabdullahi ayaa ah mas’uulkii ugu horreyay ee heer federaal ah oo qiray in kufsi iyo jidh-dil ay dhaceen inta ay socdeen dagaaladii TPLF iyo Ciidammada Itoobiya.
Bayaanka ay soo saartay Jabhadda ONLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in mowqifka doorashada lagu waday inay ka dhado deegaanka Soomaalida Itoobiya uu yahay sidiisii ayna qaadaceen.
-
GAROWE (HOL) - Puntland presidential guard shot dead a woman Monday night as president Abdullahi Deni returned to Garowe from Qardho region where he had been holding electoral campaigns.
-
Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu isaga iyo siyaasiyiin kale oo la soo halgamay uu dayriyey,waxaanu si dad-ban farriin ugu diray Xisbiga WADDANI,isagoo ishaaray in siyaasadda Somaliland halka laga istaadhaa tahay Gobolka Togdheer gaar ahaana Magaalada Burco.
Siyaasi Cali Guray ayaa ugu horeyn sheegay in Muuse Biixi uu sharraxan yahay doorkan, balse ka beel ahaan aanay cid amaah siyaasadeed ku lahayn “Annana waa sharraxanay doorkan oo odaygii in mar labaad loogu celiyo xaq-na wuu u leeyahay, mid kalena waan idiinku darayaa oo doorkan amaah cidna kuma lihin oo cid aanu qaan la daba joognaa ma jirto,idin-na mar ayaad dhacdeen ,mar kalena waad soo socotaan, malaa annaga ayaa cokane si uun ayey wax noqon.”ayuu yidhi
Waxa uu intaas ku daray“Waxa aan idin leeyahay ha naga baqanina oo annaga inta uu odaygu dayriyey ee uu iska nacay siddaydan ee uu yidhi intiinaa uma baahni ayaaba idinku fillan.”
Geesta kale Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in reer Galbeedku ay yihiin Qarandi,isla markaana aanay wax-ba hore u dhaadin“Annagu reer Hargeysa ayaanu nahay oo reer galbeed ayaanu nahay reer galbeedkuna waa qarandi,qarandiduna waxa la yidhi dayaxu marka uu shan iyo tobban marayo ayey tidhaah ma bishii ayaa bilatay ,arrinka siyaasadda Somaliland Burco ayuu ka go’aa ceelkaa Burco ee halkaas-na oggaada .”
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda amaniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka wasaaraddaasi Jaamac Axmed Cali (Joofane) oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof, 7 kalena ay ku dhaawacmeen.
Jaamac Joofane ayaa sidoo kale xusay in todobada qof ee dhaawacantay saddex ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay weli wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas oo lala beegsaday goob maqaaxi ah.
“Qaraxa waxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah, inta aan ognahay waxaa ku dhintay 2-ruux oo mid kamid ah uu carruur yahay, waxaana ku dhaawacmay 7-qof oo saddex ka mid ah Askar yihiin, Laamaha ammaanka waxa ay wadaan baaris,” ayuu yiri afhayeenku.
Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan, waxaana haatan dadka dhaawacyada ah lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaaladaasi, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.
Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.
The post JUBBALAND oo war ka soo saartay khasaaraha qaraxii xalay ka dhacay KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa soo dhaweysay iscasilaadda ay sameysay wasiirkii wasaaradda Haweenka iyo carruurta Dalka Itoobiya.
ONLF ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan Iscasilaadda Filsan Ahmed oo horay u aheyd wasiirka Haweenka iyo carruurta, taas oo shalay iska cashisay xilka wasiirnimo.
Filsan Cabdullahi ayaa ah sidoo kale mas’uulkii ugu horeyay ee heer federaal ah oo qiray in kufsi iyo jir dil ay dhaceen inta ay socdeen dagaaladii TPLF iyo Ciidamada Itoobiya.
Hoos ka akhriso Qoraalka ONLF ee soo dhaweynta Iscasilaadda Wasiirka Haweenka
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada u ah madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ay dileen gabar shacab ah.
Ciidamada ayaa la sheegay in gabadha oo lagu magaacabo Maryan Axmed Caato ay dileen xilli ay la socotay gaari ay saarneyd.
Dilka ayaana yimid kadib gaariga ay gabadha la socotay uu soo dhex galay kolonyo Madxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Illa iyo hadda maamulka Puntland Kama hadlin dilka marxuumad Maryan Axmed Caato, ay u geysteen ciidamada ilaalada u ah madaxweynaha Puntland.
Goobjoog News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Dilka ayaa waxaa lagu warramayaa in loo geystay haweeney shacab aheyd oo la socotay gaari marayey bartamaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maryan Axmed Caato waxaana ay ka mid aheyd dadka deegaanka ee ku dhaqan caasimada Puntland ee Garoowe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu yimid, kadib markii gaariga ay la socotay haweeneydaasi uu soo dhex-galay kolonyada galbineysay madaxweynaha, taas oo keentay inay rasaas ku furaan ciidamada ilaalada ee madaxweynaha oo ka shakiyey baabuurkaasi.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilka loo geystay haweeneydaasi.
Ehellada marxuumadda oo si adag uga hadlay dhacdadan ayaa dalbaday in cadaalad loo helo dilka marxuumad Maryan Axmed Caato oo ay ku eedeynayaan ilaalada Saciid Deni.
Garoowe ayaa waxaa marar badan rasaas ay fureen ciidanka amaanka waxaa ay waxyeelo isugu jirta dhimasho & dhaawac kasoo gaartay dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.
The post Ciidamada ilaalada Saciid Deni oo dil ka geystay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
On International Day for Universal Access to Information (IDUAI), today the Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) call on the right of access to information for journalists, the right to know and report independently and without restrictions.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabmaya dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.
Guddiga doorashooyinka Aqalka sare ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Talaado ah shaaciyay in ay dhageysanayaan Ergooyinka khudbadaha Musharixiinta.
“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharnimo” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay baahisay warbaahinta dawladda.
Dhageysiga khudbadaha ayaa ka dhaceysa Teendha ku taalla xerada tababarka ciidamada Cirka ee Afisyooni.
Goobjoog News
-
Somalia’s largely unbanked population could still aid the growth of small and medium enterprises (SMEs) in the country, if they join mobile money service.
-
(ERGO) – After losing everything in recent river floods in southern Somalia’s Jowhar district, Maryan Mohamed Subeir and her 10 children walked from their village the sixty five kilometres to the town of Balad, where they were given a ride in a vehicle going further south to Mogadishu.
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa muujiyay in malxiis siyaasadeed oo la tartama loo soo helay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in la tashiyo badan, kadib la go’aamiyay in kursiga kowaad ee Aqalka saree e laga soo doorto Somaliland lagula tartamo Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Wuxuu sheegay in Cabdi Xaashi uu la tartami doono nin lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen, oo sida muuqata malxiis siyaasadeed u noqon doona.
“Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen” ayuu yiri Mahdi Guuleed.
PUNTLAND POST
The post Mahdi Guuleed oo sheegay in Cabdi Xaashi lala tartami doono appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan, uguna baaqay Jaamacadda Carabta in ay oofiso ballanqaadkeeda taageero ee doorashooyinka Soomaaliya
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi, oo ay ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa , laguna qoto dheereyn lahaa.
Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadiiTalaadadii (21-kii September) ee lala beegsaday Suudaan, wuxuuna ku dhawaaqay inay Soomaaliya si dhammaysriran u garab taagan tahay Suudaan dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso si ay uga hortagto wax weliba oo halis ku ah amnigeeda iyo xasiloonideeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Suudaan ay ku dhiirrigeliso waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in ay fuliyaan ballan -qaadyadii ay sameeyeen kulankii ugu dambeeyay ee heer wasiir si ay taageero dhaqaale uga deeqaan doorashooyinka Soomaaliya si ay u dhammaystirmaan howlaha.
PUNTLAND POST
The post Soomaaliya oo sheegtay in ay garab taagantahay Suudaan oo muran xoogan kala dhexeeyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
“Wax Beerta Haddii Aad Rabtaan In Maciishadu Idinka Jabto….” Wasiirka Ganacsiga Somaliland
in News - Wararka
Posted
Source