Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ex-wasiir Xaglatoosiye oo beeniyey Warar Baraha Bulshada dhex wareegaya

    xaglo-1.jpg

    Saleebaan Xagla Toosiye wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa goordhweyd xaqiijiyay inaanu kamid aheyn garabka ka xisbiga Kulmiye ee wadahadalka kula jira Xisbiga Waddani.

    wuxuu sidoo kale xaqiijiyay i aanu sinaba uga mid noqon Karin Xisbiga Waddani.

    Ex Wasiir Xaglo Toosiye ayaa markii hore lagu tirinayay  siyaasiyiinta Kulmiye ee Waddani wadahadalku u socdo, ee uu hoggaamiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

     

    Qaran News


  2. Dadka deggan Galmudug ayaa berri oo isniin ah u dareeraya doorasho qof iyo cod, iyada oo ay ku tartamayaan xibiyo siyaasi ah codadka saddexda degmo ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl.

    Ilaa 46,839 waa tirade guud ee dadka la diiwaangeliyey, halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671.

    Xogaha kale ee ku saabsan doorashada waxaa ka mid ah in ay tartamayaan sideed urur siyaasadee, 499 musharax oo u tarmaya kuraas gaaraya 87 kursi oo golaha deegaanka ah oo kala yaalla  33 kursi oo Qardho ah, Eyl 27 iyo Ufaweyn 27 kale.

    Guddoomiyaha ururada bulshada ee PUNSA Faysal Axmed Warsame ayey Goobjoog News wax ka weydiisay kalsoonida lagu qabo doorashadan iney tahay mid hufan ayaa waxaa uu yiri “Bulshada rayidka, ururada siyaasadda iyo guud ahaan shacabka waxaa ka muuqato qanaaco, aad ayaan ugu faraxsanahay sida dowladda ay daacad uga tahay doorashada, kalsooni abuurka waxaa ka mid ah ganaaxa lagu riday ururka dowladda ee Kaah”.

    Puntland waa maamulka keliya ee ku jira dowladda federaalka ah ee leh guddi doorasho, dadkiisa diiwaangeliyey isla markaana qabanaya doorasho qof iyo cod.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga heyalayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

    Dagaalka oo u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

    Dagaalka saaka ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah taliyihii garoonka diyaaradaha  Dhuusamareeb ee ciidanka nabad sugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

    Marxuumka ayaa qeyb ka ahaa saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku qaadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

    Cabdiqani ayaa daqiiqado ka hor geeridiisa Facebook-ga ku soo qoray ‘ama geeri ama gurigeyga’, wuxuuna ugu dambeyn ku dhintay dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay halkaasi.Qoraal-sx.jpgDagaalka ka socda Guriceel ee lagu qaaday Ahlu Sunna ayaa noqday mid lagu hoobtay waxaana illaa iyo haddda ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil.

    Xaaladda ayaa haatan degan, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo wada is uruursi yo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo milatari iska soo horjeedo.

    The post Geeridiisa ka hor: “Ama geeri ama gurigeyga” appeared first on Caasimada Online.


  4. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa war ka soo saaray hannaanka sugidda Amniga Gobolka Bari xilli degmada Ufayn oo ka tirsan Gobolkaas ay doorashadu ka dhacayso.

    G/sare Xuseen Cali Maxamuud  ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska ee Gobolka Bari in ay ku sugnaadan goobahooda shaqada islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

    Taliye Xuseen ayaa sida oo kale sheegay in la xiri doona isku socodka Gaadiidka 24 saac laga bilaabo lixda Makhribnimo ee maanta dhamaan Degmooyinka Gobolka Bari waxaana uu bulshada faray in ay qaataan Awaamiirta.

    PUNTLAND POST

    The post Booliiska Gobolka Bari oo sheegay in muda 24-saac ah la xiray Isu-socodka Gobolkaas appeared first on Puntland Post.


  5. Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Guriceel ayaa weli kacsan, waxaana saaka dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhinac ah, kaas oo hadda yara qaboobay.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu saaka ka dhacay dhanka Jaamacadda, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada daacadda u ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna.

    Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan ay barbar socotay duqeyn xoogan oo lala beegsaday xaafadaha ay ku sugan yihiin xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

    Dhinaca kale warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay aqbaleen in fursad la siiyo hoggaanka Ahlu Sunna iyo ciidamadooda, si ay uga baxaan gudaha Guriceel, isla-markaana loo furo waddo ay uga baxaan magaaladaasi.

    Ujeedka ayaa lagu sheegay inay tahay in la siiyo Ahlu Sunna fursad ay dhaawacyada illaa shalay yaalay iyo meydadka ku qaataan, sida ay warisay warbaahinta qaranka.

    Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in muddo laba saacadood oo kaliya loo qabtay Sheekh Maxamed Shaakir inuu uga baxo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

    “Labo saacadood ayaa la siiyey Sheikh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

    Guriceel ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo culus oo lagu hoobtay, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

    The post Sheekh Maxamed Shaakir oo ‘loo qabtay inuu saacado uga baxo’ degmada Guriceel appeared first on Caasimada Online.


  6. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka galmudug ayaa laba saacadood u qabtay in ururka ahlu-sunna ay isaga baxaan magaalada guriceel.

    Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wadaadka hogaamiya kooxda iyo ciidamadiisa loo qabtay in magaalada ay ka qaatan dhaawacyada iyo maydadka kooxda magaaladana ay isaga baxaan sida dowladda ay sheegtay.

    “Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ugu dambeyn aqbalay in maleeshiyaadka Ahlu-Sunna ee lagu go’doomiyay qaybo ka mid Guriceel loo furo wado ay ku baxaan, isla markaana la siiyo fursad ay dhaawacyada ilaa shalay yaalay iyo meydka ku qaataan.” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta dowladda.
    :Labo saacadood ayaa la siiyay Sheekh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda duhurnimo ee maanta.” ayaa la sii raaciyay hadalka dowladda ka soo baxay.

    Source: goobjoog.com


  7. Wararka naga soo gaarayo magaalada Gurciceel ayaa sheegaya in goordhaw tira madaafiic ah ay ku dhaceen Isbitaalka weyn ee magaalada.

    Qaar ka mid ah dadka ku sugan Isbitaalka oo Goobjoog News  ay xiriir la sameysay ayaa u suura gali weysay in aan la hadalno xilli ay sheegen in ay naftooda kala baxsadeen Isbitaalka.

    Xaaladda magaalada ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay aad u kacsan tahay lagana cabsi qabo in markale uu dagaal magaalada ka dhex qarxo.

    Wararka naga soo gaarayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in goordhaw uu dhintay taliyihii nabad sugidda ee garoonka dhuusamareeb Cabdiqani Maxamed Diiriye.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  8. Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ahlusunna ku go’doonsan yihiin magaalada Guriceel, islamarkaana la siiyay fursad ay kaga baxaan magaalada laba saacadood gudahood.

    Warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in Hoggaanka Ahlusunna dalbaday in la siiyo fursad ay kaga baxaan Guriceel, kadibna Madaxda Galmudug aqbashay dalabka ka yimid dhinaca Ahlusunna.

    Dhinaca kale, Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabad-sugidda, Cabdiqani Maxamed Diiriye ayaa la xaqiijiyay in uu saaka ku dhintay dagaalka Guriceel.

    Ma jirto wali cid si madax bannaan uga hadashay xaaladda Guriceel, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo lagu dalbanayo in dagaalka la joojiyo.

    PUNTLAND POST

    The post Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo ku dhintay dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post.


  9. Guriceel (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi ee u dhexeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah.

    Maamulka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee weli ku sugan gudaha Guriceel in aysan ka soo bixin guryahooda inta uu socdo howl-galka ka dhanka ah Ahlu Sunna Waljamaaca

    “Waxaan rabaa inaan baaq u diro reer Guriceel ee ku sugan magaalada dhexdeeda magaalada waxaa ka socda howl-gal Emergency ah howl-galkaas oo ciidamada dowladda ay ku raad joogaan amaba ay ku baacsanayaan qolooyinka ay nabaddu dhibtay waxaan u sheegeynaa markaa dadka reer Guriceel inay guryahooda ku nagaadaan ayna soo bixin inta uu socdo howl-galka, si loo kala saaro nabad diidka iyo dadka shacabka ah ee jooga magaalada dhexdeeda ,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka magaalada Guriceel.

    Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen maxaabiis, sida uu hadalka u dhigay.

    “Ciidamada dowladda waxay gacanta ku hayaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan maxaabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalamayay qayba ka mid ah degmada Guriceel,” ayuu markale ku yiri khudbadiisa.

    Ugu dambeyn wuxuu baaq kale u diray dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Ahlu Sunna, isaga oo ugu yeeray inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

    “Waxaan rabaa inaan baaq labaad u diro qolooyinka weli ku harsan meelaha yarka ah fara ku tiriska xabadaha kasoo ridayo inay si nabad ah isku soo dhiibaan.” ayuu sii raaciyey.

    Xaaladda ayaa weli ah mid aad u  kacsan, waxaana haatan dagaalka oo ah mid goos goos ah uu ka socda dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

    Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.

    The post Maamulka Guriceel oo war xasaasi ah kasoo saaray DAGAALKA magaaladaas appeared first on Caasimada Online.


  10. (SLT-Hargeysa)-Saleebaan Xagla Toosiye wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa goordhweyd ii xaqiijiyay in aanu kamid aheyn garabka ka xisbiga Kulmiye ee wada hadalka kula jira Xisbiga Waddani.

    wuxuu sidoo kale ii xaqiijiyay in aanu sinaba uga mid noqon Karin Xisbiga Waddani.

    Ex Wasiir Xaglo Toosiye ayaa markii hore lagu tirinayay  siyaasiyiinta Kulmiye ee Waddani wada hadalku u socdo, ee uu hoggaamiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

    Wariye Abdisamed Giirre

    Source


  11. Dowladda colombia ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay burcadkii ugu weyna ee daroogada Dairo Antonio, kaas oo mudda dheer dowladdu ay baadi goobeysay.

    Otoniel, oo 50 jir ah, ayaa lagu qabtay hawlgal loogu magac daray Osiris oo ka socday miyiga gobolka Uraba ee Kolombiya.

    Colombia ayaa horay ninkaan madaxiisa u dul dhigtay adduun lacageed gaaraya seddax milyan oo abaal marin ah ciddii soo sheegta xogtiisa halka mareykanka uu horay ninka u duldhigay madaxiisa 5 milyan.

    Dairo Antonio, ayaa loogu yeera in uu yahay boqorkii labaad ee darooga kadib Pablo Escobar oo ahaa aabihii ka ganacsiga maandooriyaha.

    Madaxweynaha colombia Ivan Duque ayaa sheegey in tan eey tahay “guulweyn oo laga gaarey la dagaalanka Burcadka”.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  12. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sharraxaad ka bixisay faa’iidooyinka heshiiska DP World iyo CDC u leeyahay koboca dhaqaale iyo shaqo-abuurka bulshada JSL.

     Wasiir-xigeenka Ganacsiga Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) oo u warramay  Wargeyska The Afro Economics ee ka soo baxa magaalada Nairobi oo uu socdaal shaqo ku joogo ayaa sheegay in go’aanka ay Hay’adda CDC kula shuraakoobayso Shirkadda DP World uu la xidhiidho sidii loo casriyeyn lahaa marsada Berbera, waxaanu tilmaamay in himilada laga leeyahay maalgashigaasi uu yahay sidii dekeddaasi u noqon lahayd xuddunta iyo marin-ganacsiyeedka ugu muhiimsan Gobolka Geeska Afrika.

    Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu wuxuu sheegay in maalgashiga DP World ee dekedda Berbera uu isbeddel togan u yeeshay dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu iftiimiyey in casriyeynta dekedda Berbera uu noqon abuuri doono fursado shaqo oo wada gaadha dalalka gobolka oo dhan.

    Wasiir Muuse Ibraahim oo la weydiiyey sababta ay Soomaaliya uga soo horjeedsato maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu sheegay in labada dal ay leeyihiin taariikho kala duwan, oo ay JSL xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya soddon sannadood ka hor, iyadoo ku naaloonayso xornimo dawladnimo iyo dimuqraadiyad.

    Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu wuxuu riyo  iyo dhallanteed ku tilmaamay sheegashada ay Soomaaliya ku andacooto inay Somaliland ka mid tahay dalkeeda qalalaasuhu hadheeyey.

    Wasiir ku-xigeenku wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal buuxiyey dhammaan shuruudihii qaranimo isla markaana dimuqraadi ah, waxaanu xusay inay dhawaan filayaan in beesha caalamku aqoonsato JSL.

    Source


  13. (SLT-Garoowe)-Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, ayay Puntland markii ugu horraysay qabanaysaa, 23 sanno kadib aas aaskeedii.

    Doorashooyinkaan oo dhicidoona maalinta berri ah oo ah 25ka Octobar, ayaa ka kala dhicidoona saddex degmo oo kala, Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo ka kala tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari.

    Ku dhawaad afartan kun oo dadweyne ah oo iska diiwaan galiyay saddexda degmo ayaa la filayaa in ay noqdaan codbixiyaasha doorashooyinkaan.

    Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan lagu qabanayay isku soo baxyo ay siddeeda urur siyaasadeed ee doorashada ka qeyb galaya isugu diyaarinayaan doorashada.

    Illaa iyo hadda 3 urur siyaasadeed, ayaa ugu cad cad doorashada, kuwaas oo kala ah, ururka muxaafidka ah ee Kaah, Mideeye iyo ururka Sinnaan iyo Caddalad.

    Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa berrito noqono doona qofka ugu horreeya ee codkiisa dhiibta, isagoo ka coddayndoona magaalada qardho oo ah deegaan doorashadiisa.

    Sannadkii 2013, ayay Puntland doorashooyinkan oo kale ku fashilantay, kadib markii kacdoon loogasoo horjeedo lagala horyimid.

    Source


  14. Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goordhaw uu dab xooggan ka kacay warshad sameysa Isbuunyada oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso.

    Warshadda dabka uu ka kacay oo lagu magacaabo Tabaarak ayaa farsameysa isbuunyada barkiba, joodariyada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado Isbuunyada.

    Dabka ayaa ka kacay gudaha warshadda, illa iyo hadda ma cadda waxa rasmiga ah ee uu dabka ka kacay warshadda uu ka dhashay.

    Dadka shacabka iyo gadiidka dab damiska ayaa gurmad weli ugu jira sidii ay u damin lahaayen dabka kacay warshadda.

    241290331_2143650439136121_1198328900979 241373575_2143649205802911_7650151869302 241400966_2143652569135908_7238665747244 246167855_2143650389136126_5589405759850

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  15. (SLT-Ouagadougou)-Filimka Soomaaliga ee “The Gravedigger’s Wife” (Xaaska xabaal Qodaha) oo uu sameeyey Khadar Ahmed ayaa ku guulleystay abaal-marinta ugu sarreysa ee Bandhigga Filimada Afrika (FESPACO) ee lagu qabtay dalka Burkina Faso.

    Khadar Ahmed, oo ah 40 jir haysta dhalashada Finland, ayaan xalay ku sugnaa xafladda si uu u guddoomo abaal-marinta Golden Stallion, hase yeeshee waxay shakadiisa ka guuleysatay 16 filim oo kale oo African ah oo kaalinta koowaad kula tartamay.

    Aflaanta kale ee tartanka la galay ayaa waxaa sameeyey agaasimeyayaal ka socda 15 dal oo African ah.

    Kooxda xeer-beegtida ee go’aanka ka gaadhay filimada tartantaka galay ayaa waxaa hoggaaminayey filim soo-saaraha u dhashay dalka Mauritania Abderrahmane Sissako, oo sannadkii 2015 billadda aadka loo raadiyo ee Faransiiska ee Cesar ku helay filimkiisa “Timbuktu”.

    Sissako ayaa yidhi “biladda Golden Stallion waa tan ugu sarreysa ee filim sameeye African ah uu ku guuleysan karo, waa wax aad loogu farxo.”

    Filimkan ayaa horraantii sannadkan wuxuu abaal-marinta filim sameeyeyaasha cusub ka helay banhdigga filimada Cannes. Waxa uu ahaa filimkii ugu horreeyey ee dhameystiran ee uu sameeyo Khadar.

    Khadar Ahmed ayaa ku koray Soomaaliya kahor inta aanu u guurin Finland, waxaana filimkiisa maal-geliyey dalalka Finland, France iyo Germany.

    Bandhigga Filimada Afrika oo markii ugu horreysay la qabtay 1969-kii ayaa waxaa labadii sanaba mar lagu qabta caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.

    Dhacdadan ayaa waxaa aad ula socda shirkadaha filimada ee Mareykanka iyo Yurub oo ka raadiya aflaan cusub, fikrado iyo xirfadleyaal.

    Source


  16. Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sabtidii ku dhawaaqay arrin ka yaabisay dunida, isaga amray in uu ceyriyo 10 safiir oo ay ku jiraan 7 safiir oo dalalkooda ay ku wada jiraan NATO, safiiradan qaladka keliya ay galeen waa iney dalbadeen sii deynta Cusman Kavala, oo 4 sano iska xiran.

    Dalalka Canada, Denmark, France, Germany, the Netherlands, Norway, Sweden, Finland, New Zealand iyo Mareykanka ayaa dalbaday in la fasaxo Kavala oo madax ka ah hey’ado u dooda xuquuqda aadanaha.

    Kavala ayey kooxda Erdogan sheegayaan inuu qeyb ka ahaa iskudey afgambi oo ka dhacay dalkaas 2016-kii.

    Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo Erdogan sheegayo inuu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha Mareykanka Biden oo ay ka wada qeyb galayaan shirka G20 oo dhacaya dhammaadka bishan.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  17. Ururada bulshada rayidka ah ayaa walaac ka muujiyay xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud.

    Bulshada rayidka ayaa war ay ka soo saareen xaaladda guriceel ayaa lagu sheegay in dhowrjeer ay ka digeen xaaladda magaalada guriceel.

    Ururada ayaa ugu baaqay in maamulka galmudug iyo ururka ahlu sunna in ay joojiyaan xabadda ka socota magaalada guriceel.

    Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay bulshada rayidka

    rayid.jpg

    Source: goobjoog.com


  18. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah oo ka tegay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb, xilli Galmudug iyo dowladda ay jab weyn kala kulmeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Guriceel ee ay la galeen Ahlu-Sunna.

    Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 qof oo u badnaa ciidan, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo dhanka dowladda ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale.

    Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaarad siday ku dhowaad 300 oo ciidan ay qorax dhicii shalay gaartay Dhuusomareeb. Ciidankan ayaa waxaa ka mid ah Waran, Duufaan, Haramcad iyo Gorgor.

    Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Ahlu-Sunna, inkasta oo la sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ay kasoo horjeedaan.

    Ciidamada ayaa waxaa shalay asiibay khasaarooyin xooggan, waxeyna waayeen saraakiil sare, ayada oo xubno ayaga ka mid ah ay diideen in dad walaalo ah la isku laayo.

    Dhinaca kale, ciidan horey u joogay Dhuusomareeb ayaa xalay u dhaqaaqay dhanka Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu qarxo dagaal loogu hoobto sida kii shalay oo kale.

    Dagaalkii shalay oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa xalay iskiis u istaagay, waxayna wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobaha ay kala joogaan ciidamada labada dhinac ee Ahlu-Sunna iyo dowladda sheegayaan.

    1 – In Ciidamada dowladda ay ku suganyihiin saldhiga booliska, xarunta degmada, dhismaha Beder 1 iyo xaafadaha xiga dhinaca koofureed ee magaalada.

    2 – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafadaha dhaca dhinaca waqooyi ee magaalada, sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaano Jaamacadda oo ah goob istaraatiiji ah dhanka waqooyi bari uga taalla degmada Guriceel

    The post Xog: Diyaarad ciidan horleh gaarsiisay Qoor Qoor kadib dagaalkii shalay lagu hoobtay appeared first on Caasimada Online.


  19. Waxaa saaka dagan xaaladda magaalada guriceel oo tan iyo xalay dagaallo ay ku dhaxmarayeen ciidamada dowladda iyo ururka Ahlu-sunna.

    Dagaalka oo waaberigii shalay ka bilaawday gudaha magaalada ayaa sababay in ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaa shanaya kuwa dowladda federaalka iyo ururka ahlu-sunna dhowr jeer gacan ku heynta magaalada ay isku dib maraan.

    Illa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka 24-ka saac qaatay ee ka dhacay magaalada guriceel ka dhashay.

    Inta la xaqiijiyay dagaalkan oo ay ku dhinteen saraakiil labada dhinac ka kala tirsan ayaa waxaa ka mid ah ciidamada ku dhintay dagaalka Taliyihii ciidamada danab ee galmudug Cabdiladiif Feyle, taliyihii ciidamada ahlu sunna ee magaalada guriceel sarkaal lagu magacaabo Xasan iyo saraakiil kale ayaa lagu soo waramaya in dagaalka ay ku dhinteen.

    Xaaladda magaalada ayaa saaka dagan xilli gacanta magaalada ay ugu jirto ciidamada dowladda, saraakiisha hogaaminaysay ciidamada dowadda ayaa ugu baaqay in dadka shacabka ah ee magaalada ku nagaadaan guryahooda inta laga soo gaba gabeynayo howl galka.

    Ciidamada ayaa saaka soo bandhigay ciidamo ka tirsan kuwa ahlu sunna oo ay sheegeen in ay qabteen intii uu socday dagaalka.

    Saraakiisha ciidamada dowladda ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada ahlu-sunna ee dagaalka lagu soo qab qabtay.

    248763972_3845665015659919_3479049421071 248265245_3845665058993248_8166701739224

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  20. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhaqaaqay in uu eryo danjirayaasha 10 dal oo reer galbeed ah oo codsaday in la sii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka ah oo xidhan.

    Qoddobo ka mid ah danjirayaasha ayaa matalaya xulafada NATO ee Turkiga, haddii la fuliyo ceydhintan waxay furi doontaa khilaafka ugu qotada dheer reer Galbeedka 19 -kii sanno ee Erdogan uu xukunka hayay.

    “Waxaan ku amray wasiirkayaga arrimaha dibedda inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqo 10 -ka safiir persona non grata,” ayuu yidhi Erdogan, isagoo tixraacaya erey loo adeegsaday diblomaasiyadda oo tilmaamaysa tallaabada ugu horreysa ka hor inta aan la eryin.

    Cismaan Kavala ayaa xabsiga ku jiray tan iyo dabayaaqadii 2017, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu maalgeliyay dibadbaxyo ka dhacay dalka oo dhan sannadkii 2013 -kii iyo inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee 2016 -kii. Wuu beeninayaa eedeymaha loo soo jeediyay.

    “Waa inay ogaadaan oo fahmaan Turkiga,” ayuu raaciyay Erdogan, isagoo ku eedeeyay ergooyinka “dhaqan -xumo”.

    “Waa inay halkaan ka baxaan maadaama aysan aqoonin Turkiga,” ayuu yidhi Erdogan.

    Ergooyinku waxay soo saareen bayaan wadajir ah oo aan caadi ahayn isniintii iyagoo sheegay in sii-haynta sii-hayaha u ololeeyaha ku dhashay Paris Osman Kavala ay mugdi galisay Turkiga.

    Mareykanka, Jarmalka, Kanada, Denmark, Finland, Faransiiska, Netherlands, New Zealand, Norway iyo Sweden waxay ku baaqeen in si deg deg ah loo xalliyo kiiska [Kavala].

    Kavala ayaa sheegay Jimcihii inuusan mar dambe ka soo qeybgali doonin maxkamadeyntiisa maadaama dhageysiga cadaalada ah uusan macquul aheyn kadib hadalo dhawaan ka soo yeeray Erdogan.

    Golaha Yurub, oo ah hay’adda ugu sarraysa xuquuqda aadanaha ee qaaradda, ayaa digniintii ugu dambaysay u dirtay Turkiga inay u hoggaansanto amarka Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha ee 2019 si loo sii daayo Kavala inta dacwaddu socoto.

    Haddii Turkigu ku guuldareysto inuu sidaas yeelo kulankooda soo socda laga bilaabo Nofeembar 30-Diseembar 2, golaha fadhigiisu yahay Strasbourg ayaa u codayn kara inay bilaabaan dacwadooda anshaxeed ee ugu horreeya oo ka dhan ah Ankara.

    Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub David Sassoli ayaa bartiisa Twitter -ka ku soo qoray: “Cayrinta 10 safiir waxay calaamad u tahay qulqulka kaligii taliska ah ee dowladda Turkiga. Ma na cabsiin doono. Xorriyadda Cismaan Kavala. ”

    Erdogan ayaa laga soo xigtay isagoo sheegay in danjirayaasha la hadal hayo aysan sii deyn doonin ‘burcad, dilaa iyo argagixiso’.

    Source