Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) oo maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho uga qeyb galay aaska Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), ayaa sheegay in argagixisada ay daba taagneyd marxuumka.

    General Indh-Cade ayaa ugu horeyntii si tiiraanyo leh uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka oo xalay ay Al-Shabaab ku dileen qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

    “Qof dili kara qof oo wax u dhimi kara ma jirto. Cabdicasiis haddii uu taladooda ku dhimanayo 2012 ma soo dhaafeen, laakiin Ilaahay ayaa oofsaday, qofkii sababsadayna wixii dembi uu lahaa ayuu xambaaray,” ayuu yiri Indha-Cade.

    Indha-Cade ayaa sheegay in Cabdicasiis Afrika uu ahaa sida wiilkiisa oo kale, ayna khaarajiyeen niman uu ku tilmaamay Diin laa-waayal dil ugu wada xukuman yihiin dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, howl-wadeenadeeda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    “Kuligeen ayaa u wada xukuman nimkaas, runtu waxay tahay waa wada xukumanahe nimanka ma iska dhicina, Cabdicasiis waa tagay mise sidiisa sugna oo kolba qof lagu soo booda,” ayuu yiri General Yuusuf Indha-Cade.

    “Markii uu dhacay Zoobe (qaraxii) umadda Soomaaliyeed waa kacday, keliya waxay rabtay in la hor-kaco, waxaa loo baahan yahay dowlad hogaamisa umadda, dadku iskama didi karo.”

    Waxa uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab oo ayagu gumaad ku haya umadda Soomaaliyeed, islamarkaana si gaar ah u beegsada mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka muhiimka ah.

    Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

    Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.

    The post Indho-Cade: Haddii Afrika ku dhimanayo talada Al-Shabab, masoo dhaafeen 2012-kii appeared first on Caasimada Online.


  2. SHABAAB.png?resize=628%2C371&ssl=1

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa maanta  xukuntay laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

    Maxamuud Cabdiraxiin Cabdulqaadir iyo Cismaan Madeey Cismaan oo lagu qabtay weerarkii Al-shabaab ku qaadday xabsiga Boosaaso ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

    Maxkamadda ayaa fursad u siisay labada xukmane in ay mudda 30 cisho ah Rafcaan ku qaadan karaan.

    Weerarkii xabsiga Boosaaso oo dhacay 5 March 2021 ayaa Al-shabaab looga qabtay xubno ay ku jiraan kuwa hadda la xukumay.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo dil ku xukuntay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dagaal lagu qabtay appeared first on Puntland Post.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa soo saraay warbixin sannadeedka ku saabsan baaritaanka maaliyadda laamaha dawladda Soomaaliya.

    Warbixinahan ayaa ka kooban kuwo ka hadlaya dhaqaalaha soo galay dawladda Soomaaliya dibedda iyo gudaha iyo sida loo maamulay, gaar ahaan wasaaradaha iyo qaybaha kala duwan.

    Sidoo kale waxaa ku jirta warbxiin si gaar ah diiradda u saaraysa kharashaadkii ku baxay la dagaalanka cudurka COVID-19 iyo sida loo maamulay.

    Ugu horrayn waxa uu sheegay inuu baadhitaan uu ku sameeyey sannadkan 25 hay’adood oo kuwa dawladda ah iyo saddex safaaradood.

    Hanti-dhowraha qaranka waxa uu ku sheegay warbixintiisa in miisaaniyadda sannadkii 2020-ka ay ahayd $685 milyan, inta baaritaanka lagu samayeeyeyna ay ahayd $287.8 milyan.

    Waxa uu sheegay in kharashaadka hay’adahaas kala duwan ee aan loo hayn dokumentiyo muujinaya sida loo maamulay ay yihiin $9.1 milyan.

    Waxa uu sheegay in kaharashaadkaas intaas dhan aysan wax caddaymo ah u haynin sida ay ku baxeen 22 ka mid ah hay’adaha uu baaritaanka ku sameeyey xafiiska hanti dhowrka.

    Hanti-dhoworaha ayaa intaas ku daray in qandaraasyada ay bixiyeen hay’adaha dawladda ee aan laga diiwanagelin xafiiska hanti-dhowraha ay ku fadhiyaan dhaqaale dhan $31 milyan oo dollar.

    Waxaa sidoo kale uu sheegay inuu baartaankiisa ku ogaaday jiritaanka akoonno ay adeegsadaan qaar ka mid ah hay’adaha dawladda oo ka baxsan qasnadda dhexe ee dawladda.

    Waxa uu sheegay in lacag dhan $17 milyan oo dollar oo taageero dibadeed ah aan lasoo marsiinin qasnadda dhexe ee dawladda.

    Waxa uuu sheegay in safaarada iyo xafiisyada ay Soomaaliya ku leedahay waddamada dibedda ay sannadkaas qabteen dakhli dhan $278,000 lacagtaas oo aan lagu darin warbixinada maaliyayeed ee ay soo gudbiyeen.

    Waxaa sidoo kale uu sheegay in maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aysan soo gudbin macluumaadka sida ay u kharash gareeyeen $78 milyan oo ay ka heleen dawladda federaalka.

    Hanti-dhworraha Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayey baaritaanka uu ku sameeyey sida loo maamulay lacagaha COVID-19 ayaa sheegay inay dawladda soo gashay lacag ka badan $51 milyan oo gudaha yo diebdda ah.

    Waxa uu sheegay in $3.9 milyan oo ka mid ah lacagtaas oo la siiyey maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lasoo gudbin caddaymo muuujinaya sidii ay ku baxeen.

    Waxa uu intaas ku daray inuusan jirin qorshe hufan oo nidaaminayey jawaabta dawladdu ka bixisay la dagaalanka cudurka COVID-19. Waxa uu sheegay in lagu guuldarraystay in la diyaariyo xarumo karantiil iyo kuwa dadka lagu daweeyo oo ku filan inkastoo sida uu sheegay la hayey dhaqaalihii ku bixi lahaa.

    The post Hanti-dhowaraha qaranka oo shaaciyey lacag malaayiin dollar ah oo laga xaday miisaaniyadda DF appeared first on Caasimada Online.


  4. Roob la’aan dhacday afarta xilli ee lasoo dhaafay ayaa sababtay in Soomaaliya ay ka dhacdo abaar dheraatay, noqotana tii ugu darneyd muddo sanado ah iyada oo dowladda federaalka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay khamiistii sheegeen in malaayiin Soomaali ah ay macluul joogaan halka 71% oo ka tirsan dadkeeda ay joogaan heer ka hooseeya xariiqda faqriga, dowladda iyo beesha caalamkana waxaa ay dalbadeen wax ka qabasho degdeg ah.

    Goobjoog News ayaa baaris ku sameysay xaaladda abaarta deegaannada kala duwan ee dalka iyada oo weriyeyaasheena kala jooga maamul goboleedyada ay soo sheegayaan xaalado argagax leh, oo laga deyriyo.

    Jubbaland:  Ugu yaraan afar qof ayaa baahi iyo gaajo ugu dhimatay halka qaar kale ay is-dileen kadib markii ay xoolaha ka dhamaadeen deegaannada ka tirsan gobolka Gedo.

    Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Luuq Axmed Kadiye ilaa saddex caruur ah ayaa gaajo ugu dhimatay degmadaas halka qoysas badan ay miyiga kasoo barakaceen isaga oo hey’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ugu baaqay in ay gargaar lasoo gaaraan.

    Gobolka Gedo, meelaha aadka looga deyrinayo xaalad daranna ka jirto waxaa ka mid ah Golweyn, Yurkud iyo deegaanno kale oo u dhaxeeya Luuq iyo Garbahaarey.

    Koonfur Galbeed:  Weriyaha Goobjoog News ee Koonfur galbeed waxaa uu soo sheegayaa in barakac ba’an uu ka jiro deegaannada Ceel-barde, Waajid iyo Xudur oo Bakool ah halka Bay ay saameynta biyo iyo cunto la’aanta abaarta waxyeeleysay dadka deggan Qansaxdheere iyo Diinsoor.

    Koonfur galbeed waxaa ka socdo barakac iyada oo dad badan ay soo gaareen caasimadda Muqdisho oo daris la ah maamulkaasi.

    Hirshabelle: Hirshabelle ayaa sidoo kale waxay weriyeyaasheenu sheegayaan in kuleylka jiro, dhirtii oo baaba’day iyo biyo la’aan ka dhalatay roobka la waayey darteed ay dadkii xoolo dhaqatada ahaa waayeen caano ama xataa hilibkii ay suuqyada keeni jireen, taasina ay sababtay iney magaalooyinka soo galaan oo kaamam sameysmaan, keliya ma aha xoolo dhaqatada ee waxaa sidoo kale dhibaato la mid ah heysataa beeraleyda iyo xataa dadkii magaalooyinka deganaa oo miyiga ku tiirsanaa.

    Galmudug: Dagaallada ka dhacay bilihii lasoo dhaafay deegaanno ka tirsan Galmudug sida ciidamada xoogga dalka iyo Al-shabaab oo ku dagaalay Mudug iyo dowladda labadeeda heer iyo Ahlu sunna oo isku qabtay Galgaduud ayaa uga daray xaaladda abaarta ee ka jirtay halkaasi, UN-ka waxaa qoraal rasmi ah ku sheegay in 100,000 ka baxarakeen Guriceel.

    Puntland: Barakac xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan Mudug iyo Nugaal, wararka ayaa intaa ku daraya in abaarta ay aad u saameysay dadka kunool Burtinle iyo hareeraheeda.

    Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa sheegaya in dadka qaar ay u barakaceen dhanka gobolka Bari, dhibka ugu badan waxaa uu heystaa xoolo dhaqatada iyo noolaha kale oo biyo la’aan heysto.

    Dowladda Soomaaliya waxaa ay qiyaas ahaan sheegtay in ay cunno u baahan doonaan dad gaaraya ilaa 7.7 million horraanta sanadka soo socda, iyada sidoo kale shaacisay in hadda 20% ama 2.3 Milyan oo ku nool 57 ka mid ah 74 degmo oo  Soomaali ah ayaa waxaa heyso biyo iyo cunno yari ba’an.

    W/D: Cabdicaziz Gurbiye. 

    Source: goobjoog.com


  5. Riyadh (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa Sabtidii sheegay inay 14 diyaarad oo drone ah ku weerareen dhowr magaalo oo ka tirsan Sacuudiga, oo ay ku jiraan xarumo ay shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco ku leedahay magaalada Jeddah.

    Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen ayaa Jimcihii sheegay inay burburiyeen saddex diyaarad oo drone ah oo kusoo wajahnaa Sacuudi Carabiya, halka mid kalena lagu burburiyey hawada Yemen.

    Waxay intaas ku dareen in Xuutiyiinta ay sidoo kale ku fashilmeen laba gantaal oo ballistic ah oo ay kusoo weerareen Sacuudiga, kuwaas oo ku dhacay Yemen. 

    Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea ayaa shir jaraa’id ku sheegay in kooxda ay weerartay xarumo shidaalka lagu sifeeyo oo Aramco ay ku leedahay Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameedyo kale oo ku yaalla Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran. 

    Hadalka Sarea ayaa si kastaba waxaa ku jira khaladaad. Waxa uu khalday magaca garoonka diyaaradaha Jeddah, halka uu sidoo kale khalday halka uu ku yaallo saldhigga Boqor Khalid, oo uu ku sheegay Riyadh, ayada oo dhab ahaan ay tahay koonfurta Sacuudiga.

    Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa dhankoodana Sabtidii sheegay inay weerareen 13 bartilmaameed, intii uu socday howlgal militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta. 

    Howlgalka ayaa lala beegsaday bakhaaro hub, habka difaaca gantaalaha, iyo isgaarsiinta diyaaradaha drone-ka ee Sanca, Sacda iyo Marib, sida uu sheegay isbaheysiga.

    Xuutiyiinta ayaa weeraro joogta ah ku qaadayey Sacuudiga ayaga oo adeegsanaya diyaarado Drone ah iyo gantaalo ka gudba xuduuda tan iyo markii Sacuudiga ay faro-geliyeen dagaalka Yemen bishii March 2015 kadib markii kooxda ay rideen dowladdii Sacuudiga uu taageerayey ee Sanca.

    The post Weeraro loo adeegsaday 14 diyaarad oo drone ah oo lagu qaaday Sacuudi Carabiya appeared first on Caasimada Online.


  6. Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay mid kamid ahaa ergooyinkii ka soo qayb-galay shir weyinihii labaad ee Xisbiga WADDANI ee dhawaan lagu soo afmeeray magaalada Hargeysa,kaas oo kamid ahaa ergooyinkii ka yimi Gobolka Gabiley,balse nasiib darro ayaa la  sheegay in markii uu hadda ku laabtay magaalada Gabiley loo taxaabay Xabsiga.

    Ergay-gan ka soo qayb gallay shir weyiniihii labaad ee Xisbiga WADDANI ee lagu xidhay magaalada Gabiley markii uu ku laabtay,ayaa lagu sheegay magaciisa  Maxamed Cabdi Obolos,kaas oo xadhiga loo geystay lagu  xidhiidhinayo arrimo siyaasadeed iyo inuu ku lug leeyahay ka qayb-galkii uu ka qayb-galay shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI.

    Dhanka kale Xoghayaha Ganacsiga iyo warshadaha ee xisbiga WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka hadlay xadhiga loo geystay xubintaa ka tirsan Xisbiga WADDANI,isla markaana kamid ahayd ergooyinkii ka qayb-galay shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI,waxaanu ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay xorriyadiisa ay dib ugu soo celiso muwaadinkaas.

    Xoghayehe Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay facbuuga, kaas oo u dhignaa sidan:-“Maxamed Cabdi Obolos oo ka mid ahaa ergooyinkii Shirwaynaha 2aad ee Xisbiga Waddani ku meyelayey Gobolka Gabiley ayaa markii uu laabtay lagu xidhay magaaladda Gabiley. Xaddhigaa aad baanu u cambaaraynaynaa waxaanan ugu baaqaynaa xukuumada in xoriyadiisii u celiso..”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa

    Source


  7. Guddida doorshooyinka Qaranka Somaliland ayaa hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland uu baadhis ka bilaabay dhawaan,taas oo si weyn la isku weydiiyey sababta wakhtigan diirada loo saaray in baadhis lagu sameeyo Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo si weyn loogu amaanay qaabkii ay u maamuleen doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay dhammaadkii bishii may ee sannadkan 2021-ka

    Baadhitaanka uu Hanti dhawrka guud ku samaynayo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa lala xidhiidhinayaa in ay tahay mid ku tacaqluqda qaabkii ay u maamuleen dhaqaalihii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay dhammadkii bishii may ee sannadkan 2021-ka.

    Dhanka kalene Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo Raac oo arrintaas ka hadlay,ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:- “Hanti Dhawruhu waa Hay’adda Qaran xaq ayuu u leeyahay inuu xafiiska kasta oo Dawladeed gallo,markaa wadda shaqaynta Qaranka in aanu qaar-na yell-no qaarna diid-naa  meesha kuma jirto oo wadda shaqayn qaran weeye waxay noogu yimaddaan,Hay’addaa madaxa bannaani waxay masuul ka  tahay hantida ummadda  meel kasta oo ay hanta ummaddeed gasho inay gasho oo ay soo caddayso xaq ayey u leedahay, markaa garan mayno waxaad halkaa ka yar uriseen.”ayuu yidhi Guddoomiye Riyo Raac

    Geesta kalena xoggo uu wargeyska waaberi ka helay illo wareed-yo kale duwan ayaa sheegay in xubnaha uu hanti dhawrka guud uu u xulay inay baadhista ku sameeyaan guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ay isku beel yihiin Madaxweyne Biixi ,isla markaana ay afarta xubnood-ba ee baadhista loogu diray xarunta guddida doorashooyinka ay isku qoys hoose yihiin,waxaana lagu kale sheegay magacyadooda Mustafe Yuusuf Kaamil oo ah Guddoomiya koox-da uu hanti dhawrka baadhitsa ugu diray Xarunta guddida doorashooyinka iyo Fariyaad ay ilmo adeer yihiin,halka labada xubnood ee kale lagu kale oo caawiyayaal ah-na magacayooda lagu sheegay Xaaji iyo Xasan.

    Si kastaba ha-ahaatee xubnaha afarta ah ee baadhista loogu diray xarunta guddida doorashooyinka Qaranka ayaa la sheegay inay dhammaan isku qoys ka soo jeedaan,isla markaana ay ehel iyo xigto yihiin Madaxweyne Biixi,taas oo sii xoojinaysa tuhunkii ahaa in qorsha hanta dhawrka lagu geliyey uu yahay qorshe siyaasadeed oo uu soo aflifay Madaxweyne Biixi

    Source


  8. Muddo hadda laga joogo laba bilood iyo maal-mo,ayaa ka soo wareegtay markii wasaaradda diinta iyo awqaafta war-saxafeed ay soo saartay ku sheegtay inay baadhis ku samaynayso tuhunnadii la xidhiidhay Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,waxaanay sheegtay in ay la kaashanayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

    Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa ugu baaqday Bulshada reer Somaliland inay dhawraan natiijada baadhista labada wasaaraddood ay ku baadhayaan tuhunnadaasi soo baxay ee ku saabsan Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,waxaanu u dhignaa qoraalka wasaaradda sidan:-“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka”

    “Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda Diinta 21 Ogos 2021-ka

    Dhanka kalene Wakhtigaas wixii ka dameebey wax war ah kama ay soo saarin amuurtan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku saabsan halka ay u marayso baadhitaankii ay sheegeen inay ka waddaan Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,maddaama oo hadda muddo laga joogo,isla markaana ay Bulshadu weli dhawrayso halka uu ku dambeeyey baadhitaankaas.

    Sidoo Kalena Shacabka reer Somaliland ayaa weli u dhegtaagaya natiijadda baadhitaankii ay 21 bishii Ogos 2021 Wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ay sheegtay inay ku samaynayso tuhunnadii la xidhiidhay Jaamacadda Barwaaqo iyo Dugsiga Abaarso..

    Si kastaba ha-ahaatee ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo ku saabsan baadhitaankii tuhunnadii la xidhiidhay Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,hase-yeeshee waxa uu u muuqdaa in uu ahaa mid ishaafalato ah, isla markaana lagu dejinayey xiisad markaas taagnay oo uu xumad jebin ahaa,waxayno dhawrnaa waa halka uu ku dambeeyo baadhitaankaas inuu noqdo mid bushada lagu dejinayey oo afka baarkiisa ahaa iyo inuu noqdo mid ficil ah oo natiijo nooca ay doonta ahaa laga soo saaro baadhitaanka Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso

    Source


  9. Murrashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ka jawaabay eeddo uu shalay u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,,waxaanu yidhi “Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweynaha Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shiararkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.

    Shacabku waxa ay kaa filayeen inaad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.

    Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas’e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baalmarsaneyd sharciyadda dalka.

    ____________________________________

    Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.

    Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

    Source


  10. Warbixin Xasaasiya:Xadhig Naxariis-darro ah & Beegsiga Dad gaar ah oo Addis-ababa ka istaadhmay

    Volunteers check man's identification card as they conduct night patrols in Addis Ababa, Ethiopia, on November 17, 2021.
    Dad mutadawiciin ah ayaa gaaf wareegayay waddooyinka si ay u hubiyaan “dhaqdhaqaaqyo laga shakiyo”

    Xadhiga labada bare ee caanka ka ah caasimadda dalka Itoobiya ayaa dareen cusub galiyay eedeymaha loo jeedinayo ee ah in maamulku uu ku howlan yahay olole naxariis darro ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Tigreega ah, iyadoo dalkaasi ay sii xumaanayso colaadda sannad ka hor ka bilaabatay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

    Professor Assefa Fissiha iyo Mehari Redeai labaduba waxay sharciga ka dhigaan Jaamacadda Addis Ababa.

    Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin xadhigooda, haddana ilo-wareedyo badan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada ammaanku ay raggan xidheen iyagoo lagu eedaynayo in ay jabiyeen shuruudaha xaaladda degdegga ah ee Itoobiya, oo lagu soo rogay xilli ay ciidamada Tigray-gu ku soo wajahan yihiin caasimadda.

    Waxaannu kula xidhiidhaynay khadka taleefanka, qaar ka mid ah qoysaskoodii iyo asxaabtoodii barayaashan Tigrayga ah iyaga oo u muuqday kuwo dareemaya cabsi badan,waxaana ay ka walaacsanaayeen inaan magacyadooda la sheegin, taas oo sidoo kale ay sheegeen in ay sahli karto in si fudud la isaga xidho,

    Sida ay sheegeen kooxaha xuquuqul insaanka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, ugu yaraan 1,000 Tigray ah, iyo in kale oo badan. ayaa la xiray maalmihii la soo dhaafay.

    Professors Mehari Redeai and Assefa Fissiha
    Qoysaska labadan bare, Mehari Redeai (bidix) and Assefa Fissiha, ayaa aad uga cabsanayay in ay si furan u hadlaan

    Dad kale oo Tigree ah, oo haddana magacooda qariyay, ayaa ku tilmaamay dareen werwer leh oo ka jira caasimadda, iyaga dadku ay doonayaan in ay qariyaan lahjaddooda iyo haybtooda taas oo ay suuragal tahay shaqada looga saaro isirkooda awgeed.

    Dadka la sheegay in ay dhibaatadu soo gaartay waxaa ka mid ah dhakhaatiir, fanaaniin iyo boolis.”Weligay ma malaynayn in magaalada aan ku dhashay aan ku arkayo dhibaatayn noocan oo kale ah,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay, isagoo sheegay inuu daawaday 10 askari oo booliis ah oo hubeysan oo ka kaxeynayay gurigiisa toddobaad ka hor nin u yaqaannay.

    Saraakiisha Itoobiya ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada in ay cid gaar ah beegsanayaan.

    Madaxa xafiiska isgaadhsiinta dawladda Itoobiya, Legesse Tullu, ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in xadhiga lagu xidhay dadka qaar in ay jebiyeen xaaladda degdegga ah uusan ahayn mid salka ku haya haybsiga qowmiyadaha ee shakhsiyaadka.

    Shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay taageeraan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo Isbaheysiga Xoreynta Oromada, oo loo aqoonsaday inay yihiin Argagixiso, ayuu sheegay in la xidhay.

    Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay caasimada ku sugan yihiin in ka badan 500,000 oo qof oo Tigray ah balse tirada dadka la xidhay aanay ka badnayn 1,000 qof.

    Shops with bars over the windows
    Tigree badan ayaa xidhxidhay goobahoodii shaqo ee Addis.

    Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ka digay isku dayo wadajir ah oo lagu doonayo in lagu majaxaabiyo xaqiiqada ku saabsan cadaadiska iyo guud ahaan xaaladda Itoobiya, isagoo bartiisa twitter-ka ku soo qoray in lagu soo qaaday “dagaal xun” oo ka dhan ah qaranka, wuxuuna ku booriyay Itoobiyaanka inay u diyaar garoobaan “in ay beddelaan sheekada guracan ee laga faafinayo”.

    Balse dhaleeceynta caalamiga ah ayaa u muuqata mid sii kordheysa.

    Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliiska Itoobiya inay ku takri falaan “sharciga si xad dhaafka ah” ee xaaladda degdegga ah si ay u ururiyaan dadka rayidka ah ee Tigrayga ee ku sugan Addis Ababa si fudud “iyaga oo looga shakisan yahay” inay taageeraan fallaagada Tigrayga.

    Qaran News


  11. Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga Liibiya horraantii toddobaadkan xilli ay doonayeen in ay gaaraan Talyaaniga.

    Hay’adda IOM ayaa dhacdadan ku tilmaantay masiibadii ugu dambaysay ee laga soo weriyay xeebaha Liibiya iyadoo xogtan ku sheegay in 15 qof oo dadkaas la socday ay soo badbaadiyeen kalluumaysato, isla markaana la keenay dekedda Zuwara ee waqooyi-galbeed ee Liibiya.

    Qaramada Midoobay ma aysan bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira musiibadan.

    Sidoo kale Sabtidii, Ilaalada Xeebaha Talyaanigu waxay soo badbaadiyeen in ka badan 420 tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan tobannaan carruur ah, oo saarnaa doonyo dhibaato badan kala kulmay Badda Mediterranean-ka.

    War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in 70 qof oo kale ay si nabad ah ku keentay mid ka mid ah doomihii ay wateen jasiiradda yar ee Talyaaniga ee Lampedusa, ee koonfurta Sicily.

    PUNTLAND POST

    The post In ka badan 70 Tahriibayaal oo ku dhintay Xeebaha Liibiya appeared first on Puntland Post.


  12. Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ku dhintay Qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay.

    Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

    Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyey qaruuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

    Sidoo kale waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halkaas oo ay janaasadda kula dukadeen , qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.

    PUNTLAND POST

    The post Marxuum Cabdicasiis Afrika oo Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay appeared first on Puntland Post.


  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya shanta kursi ee uu dhowaan liiskooda guddigu soo saaray.

    Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee buuxiya shuruudaha lasoo bandhigay, isla-markaana qaatay shahadaada musharaxnimadiisa.

    Musharrax Dhagey ayaa dhowan iska casilay kursigii Aqalka Sare ee horay loogu soo doortay, wuxuuna haatan isku sharxay inuu tartamo kuriga Golaha Shacabka ee HOP#026.

    Caasimada Online ayaa ogaatay in is-casilaadda Yuusuf Geelle ay ugu wacneyd xiisad iyo dood dhowaanahan ka dhex jirtay beesha Duduble oo ku aadan hab qeybsiga shanta kursi oo ay ku leeyihiin baarlamanka (Afar golaha shacabka ah iyo hal aqalka sare ah.)

    Jufada hoose ee uu kasoo jeedo Yuusuf Geelle ayaa isku haysatay laba kursi oo mid uu ku fadhiyey Yuusuf Geelle, halka mid kale oo ah golaha shacabka ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge.

    Kadib markii Yuusuf Geelle uu ku guuleystay kursiga Aqalka Sare markii labaad, ayaa waxaa dood culus ay dhex-martay beesha Duduble, waxaana lasoo jeediyey in jufada Yuusuf Geelle ay sanadkan ka tagto kursiga golaha shacabka.

    Yuusuf Geelle ayaa kadib jufadiisa kala hadlay arrintan, hase yeeshee, sida aan xogta ku helnay waa ay ku gacan seereen, taasi oo keentay in Yuusuf Geelle uu isaga tago kursiga Aqalka Sare si loogu qanciyo jufooyinka kale.

    Dhinaca kale, diiwaan-gelinta aya haatan sii soconeyso, iyada oo lagu wado inay xarunta guddiga tegaan xubnaha kale oo u sharraxan shanta kursi ee ay doorashadeeda qabaneyso Galmudug.

    Haddii ay Galmudug guda gasho qabashada doorashada kuraastan, waxay noqon doontaa maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, waxaana kusoo xigi doona Koonfur Galbeed oo shaacisay qabashada doorashada illaa 11 kursi.

    Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ah billow, waxaana labadii xubnood ugu horreysay oo ka soo baxday gobollada waqooyi lagu doortay magaalada Muqdisho.

    The post Yuusuf Geelle oo si rasmi ah maanta isku sharxay kadib is-casilaaddiisii AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.


  14. china....jpeg?resize=1000%2C563&ssl=1Africans still view China favorably despite concerns of rising debt

    When it comes to discussions on China-Africa relations, debt is a common theme, with many saying Africa is overburdened by Chinese lending.

    A new survey has found that despite these concerns, most African respondents view China’s economic and political influence on their countries favorably, saying it’s “somewhat positive” or “very positive.”

    The survey, which was carried out by Afrobarometer, a Ghana-based pan-African nonprofit and research network, polled 48,084 respondents from 34 countries. Read more

    Source: Quartz Africa

    The post Africans’ favorable view of China comes with one small caveat appeared first on Puntland Post.


  15. Murashax C/raxmaan Cirro oo ka hadlay Sababtu u kala saaray Gudoomiyenimada & Musharaxnimada Xisbiga Waddani

    In aan banneeyo xilka Gudoomiyaha 10sanno kaddib, ama la kala saaro Murrashaxa & Guddoomiyaha Xisbiga, waan sunne ama jid cusub oo aan u jeexay dimuqraadiyadda xisbiyada JSL. Kamaan filayn in sunnahan wanaagsani damqo Xisbiyada kale ee SL ama Madaxweynaha. pic.twitter.com/mBMqZuzNCg

    — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) November 21, 2021

    Jawaabtii Murashax Cirro:-

    cirro.png

    Qaran News


  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo xalay ay Al-Shabaab ku dileen qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

    Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

    Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyey qaruuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

    Sidoo kale waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halkaas oo ay janaasadda kula dukadeen, Qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.

    Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah Ehellada Marxuum Cabdicasiis Afrika ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaanay, isaga oo sheegay in uu ahaa Nin howlkar ah oo Qaranka si wanaagsan ugu soo Shaqeeyay.

    Sidoo kale Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in Al-Shabaab qofkasta uu dil ugu xukuman yahay, isla markaana Al-Shabaab kaliya ay tahay in la iska celiyo haddii kale wuxuu sheegay inay dadka dhan u qarxinaaan sida Afrika oo kale.

    Dhammaan Madaxdii iyo Bahda Saxaafadda ee ka qeyb galay Aaska Marxuum  Cabdicasiis Afrika ayaa waxaa ay u tacsiyadeeyeen qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid Bulshadiisa iyo Qarankiisa sidii la rabay ugu adeegay.

    FEtVKLTXwAQZliA.jpeg FEtVKLTWUAESasI.jpeg FEtVKOCWYAgZ4uf.jpeg FEtVKOBXoAUUasH.jpegWhatsApp-Image-2021-11-21-at-12.00.49-PM WhatsApp-Image-2021-11-21-at-12.00.46-PM WhatsApp-Image-2021-11-21-at-12.00.46-PM WhatsApp-Image-2021-11-21-at-12.00.44-PM

     

    The post Sawirro: Weriye Cabdicasiis AFRIKA oo si heer qaran ah loogu aasay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.