Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka Puntland ayaa si adag uga horyimid xil ka-qaadis uu madaxweynaha maamulkaas, Saciid Deni ku sameeyay agaasimihii hore ee hay’adda PSF ee ciidanka dowlad goboleedka Puntland.

    War kasoo baxay hogaankii iyo ciidamada PSF ayaa waxa lagu sheegay in xil ka qaadist iyo magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni ay tahay mid baalmarsan sharciyada, xeerka ciidanimada iyo dhaqanka suuban.

    “Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada PSF.

    “Si dhow ayaan ula soconay xaaladda dalka cidda la sameynayasa xiriirada guracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon maayan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina.”

    Sidoo kale waxay mas’uuliyiinta PSF sheegen in lama filaan ku noqotay tallabada sharciga baalmaran ee uu qaaday Deni, oo ay ka arkeen keliya baraha bulshada oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, sida ay sheegen.

    Qoraalka kasoo baxay hogaankii hore iyo ciidamada PSF ayaa imanaya saacado un kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland uu S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland.

    The post Ciidamada PSF ee Puntland oo ka horyimid tallaabo uu maanta qaaday Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo la xiriira geedi socodka doorashada Soomaaliya.

    Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyey telefishinka Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo madax banaaneeyey howlaha doorashada, balse uu ka gaabiyey inuu si wanaagsan u maamulo.

    “Waxaan rajeynayaa in Ra’iisul Wasaaraha loo madax baneeyey howsha doorashada, waxaadna moodaa dhankiisa inuu ka jiro xoogaa gaabis ah, in marba 5 kursi lasoo tuuro wax qaldan ayey ila tahay, waa in doorashada watigeeda lagu qabto lana dadajiyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

    Cabdweli Gaas ayaa sheegay inaysan jirin marmarsiiyo dib ay ugu sii dhici karto doorashada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kaliya u muuqato in sababta loo daahinayo doorashada ay tahay inaan la qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

    “Ma jiro marmarsiiyo muuqda oo hor istaagi karo in doorashada waqtigeeda lagu qabto, arrinta dhaqaalaha waxaa aaminsanahay inay ku filan tahay midda laga qaado dadka u tartamayo kuraasta, waxaana loo istcmaali karaa amniga doorashooyinka iyo shaqooyinka kale, mana garan karo aniga waxa illaa hadda ay doorashada la jiitameyso oo aan ka aheyn inaan la rabin doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

    Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan kaliya laheyn eedda doorashada balse ay sidoo kale leeyihiin madaxda maamul Goboleedyada oo ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu weyn ee doorashada.

    Mar wax laga waydiyey in madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayuu sheegay inuusan arrintaan weli ka maqlin afkiisa.

    “Madaxweynaha Puntland haddii uu tartamayo xaq ayuu u leeyahay waa nin Soomaali ah, weli ma maqlin isagoo ku dhawaaqaya inuu musharax yahay, taas waqtigeeda ayaan u deyneynaa, laakiin mas’uuliyadda doorashada inta badan waxay saaran tahay madaxda maamulada iyaga ayaana la rabay inay dardar geliyaan,” ayuu yiri Gaas.

    Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay billaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka inkastoo ay jirto walaac laga qabo waqtiga ay kusoo dhammaan karto.

    The post Cabdiweli Gaas oo weerar ku qaaday R/Wasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.


  3. Los Angeles (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn baraha bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta caalamka looga hadal hayey Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magaacaabo Safiya Nuur, taasi oo la sheegay in qaab khiyaano ah ku dhacday lacago malaayiin doolar ah.

    Gabadhaan oo haysata dhalasho Canada, asal ahaan ah Soomaali, ayaa waxaa lagu eedeynaya in hab kala duwan lacago uga dhacday dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, kuwaas oo qaarkood ka mid ah jilayaasha Hollywood-ka.

    “Lacagta ay Safiya ka qaadatay dadkaa waa mid ay ku beer laxowsatay, sida hooyadeed oo dhimatay oo ay dooneyso lacag ay ku aasto,” ayaa lagu yiri warbixin uu daabacay wargeyska ka warama dadka caanka ah ee Vulture.

    Sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka Safiya waxay sidoo kale lacagahaas ku qaadatay inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay.

    Sheekada xatooyada ee lala xiriirinayo Safiya ayaa waxa kale oo sheegayaan in lacagahaas qaarkood ku qaadatay qaab amaah ahaan ah, ayada oo markii dambena la goosatay oo aan u celinin dadkii ay ka qaadatay.

    Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago qaab khiyaano ah uga qaadatay waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka.

    Arrintaan ayaa waxay soo shaac baxday maalintii Khamiistii ee asbuucii lasoo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii November 2021-ka.

    Tan iyo markaas waxaa isa-soo tarayay dadka sheeganayay in qaab xatooyo ah ay u dhacday, waxaana xusid mudan in dadka ka hadlayey arrinta Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay oo keliya, balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay.

    Marka laga imaado eedeymaha loo jeedinayo iyo hadal haynta arrintaas, illaa hadda mjiro wax war oo kasoo baxay Safiya, oo ay iskaga difaaceyso eedeymaha xatooyo ee loo jeediyay.

    The post Yey tahay GABADHA Soomaalida ee loo haysto inay dhacday malaayiin dollar? appeared first on Caasimada Online.


  4. Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Ucid & Waddani ayaa kulan Nairobi kula yeeshay Waddamada iyo Hay’addaha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka.

    Sida xogguhu tibaxayaan Kulankan dhexmaraya Labada Dhinaca ayaa laga wadahadlay Arrimo ku taxaluuqa  Qabsoomida Doorashada madaxtooyada ee dabayaaqada sannadka soo socda la filaayo.

    • 1-2.jpg
    • 2-2.jpg

    Qaran News


  5. Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kursi kale oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, kursiga oo tirsigiisu ahaa HOP#272 ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala
    1. Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar
    2. Khadra Axmed Ibraahim
    3. Cabdiqani Maxamed Maxamuud
    Mudane musharax xildhibaan ayaa helay 65 cod, Marwo 25 cod, halka musharax xildhibaan Cabdiqani Maxamed Maxamuud uu helay 7 cod.
    Sidaa daraadeed natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Waxaa goordhow lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug doorashada labo kursi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

    Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey ayaa ku guuleystay kursiga golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee sumadiisu tahay #HOP026

    Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna ku guuleystay kursiga #Hop104, isaga oo ka adkaaday haweeney.

    Labadan xildhibaan ayaa horay ugu fadhiyey kuraasta ay maanta mar kale ku guuleysteen.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. Agaasimaha guud ee hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

    Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

    Qoraal ka soo baxay PSF ayaa ku tilmaamay xilka qaadista mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban.

    “Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

    PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland islamarkaana ay difaaci doonaan.

    Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina”.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland: Agaasimaha PSF oo ka horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.


  8. PhotoCollage_20211124_171558280.jpg?resiDhagey (middig), Cawad (dhexda) iyo Maxamuud (midig)

    Saddex kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala doortay magaalooyin Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

    Doorasho ka dhacday Dhuusamareeb oo natiijadeeda horay loo sii ogaa waxaa lagu doortay Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo dhawaan iska casilay Aqalka Sare.

    Mahad Cabdalla Cawad oo dib loogu doortay kursi uu muddo dheer ku fadhiyay ayaa helay 84 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahayd Haweeney aysan helin wax cod ah.

    Sidoo kale Yuusuf Geelle Ugaas ayaa helay 82 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdiqaadir Diiriye uu helay 4 cod.

    Dhanka kale doorasho kursi ka mid kuraasta Somaliland oo ka dhacday Muqdisho ayaa lagu doortay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo dhawaan ka yimid magaalada Hargeysa, kadib markii looga guuleystay doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland.

    Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa helay 65 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Maxamuud ay kala helleen 25 cod iyo 7 cod.

    PUNTLAND POST

    The post Yaa ku soo baxay doorashadii Golaha Shacabka ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb? appeared first on Puntland Post.


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa war-murtiyeed u gaar ah, oo aysan la wadaagin musharaxiinta kale kaso saaray doorashada Golaha Shacabka, kana digay in markale dib u dhac ku yimaado.

    Sheekh Shariif ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka, isagoona sheegay in ku dhawaad sanad ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loo asteeyay.

    “Waxaa dalka ka jira abaaro, nabad galyo xumo, hoo u dhac dhaqaale oo baahsan, hubanti la’aan iyo walaac siyaasadeed oo ay keentay dib u dhaca soo noqnoqday ee doorashooyinka, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in loo turo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan,” ayuu lagu yiri war-murtiyeed uu soo saaray Sheekh Shariif.

    “In la qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka.”

    Waxa uu ka digay in markale uu dib u dhac ku yimaado waqtiga loo qabtay dhameystirkeeda, wuxuuna walaac ka muujiyey hanaanka ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo uu sheegay inay keeni karto in muran uu ka dhaco natiijada doorashada.

    “Waxaa jira cabashooyin ku aadan hanaanka doorashooyinka loo maamulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natiijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah-furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyey 17-Sep 2020 iyo 27-May 2021.”

    Waxa uu soo jeediyay in Golaha Wada-tashiga Qaranka inay xaliyaan tabashooyinka kasoo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca lagu muujinayo hanaanka loo maamulayo doorashada.

    Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay Guddiyada doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha Shacabka.

    “Waxaa ku boorinayaa inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuq-maasuq, taas oo dhaawici kara natiijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.”
    260640384_952801732282225_13400191165103

    The post SHARIIF oo qoraal aysan la wadaagin Musharaxiinta kasoo saaray doorashada appeared first on Caasimada Online.


  10. Hadalka ka soo yeedhay M/weyne Erdogan oo sababay xasarad lacageed

    Turkish Lira
    Turkish Lira

    Qiimaha lacagta Turkey ee Lira ayaa Talaadadii gaartay heerkii ugu hooseeyey kadib markii madaxweyne Erdogan uu ku adkeystay rabitaankiisa ah in la dhimo dul-saarka, kana digay in dalkiisa “uu ku jiro dagaal madax-banaani dhaqaale ah.”

    Sarifka lacagta Lira ayaa gaartay 13 halkii dollar-ba, taasi oo ah qiimo dhac 15% ah maalin gudaheed ah, kahor inta aanay xoogaa yar dib usoo kaban.

    Turkey ayaa wajaheysa xasaraddii lacageed ee ugu xumeyd tan iyo 2018 markii qiimaha Lira uu gaaray heerkii ugu hooseeyey xilligaas oo uu muran kala dhaxeeyey madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

    Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa Khamiistii tegtay u hoggaansamay cadaadiska Erdogan, wuxuuna siyaasaddiisa heerka dul-saar dhimista ka dhigay 15 boqolkiiba, halka markii hore ay ka aheyd 16, inkasta oo dalka uu wajahayo sicir-bar iyo qiimo dhac lacageed.

    Erdogan oo aad uga soo horjeeda dul-saarka, isaga oo rumeysan in dul-saarka uu mas’uul ka yahay sicir-bararka ee aanu hoos u dhigeyn, wuxuuna mar kale Isniintii difaacay aragtidiisa.

    “Waxaan aragnaa cayaarta ay kuwaas wadaan ee ku aadan lacagta, dul-saarka iyo sare u kaca qiimaha badeecadda, waxaana tusi doonnaa qorshaha cayaarteena,” ayuu yiri.

    “Waan ku guuleysan doonnaa dagaalkan madax-banaanida dhaqaale ah, anaga oo kaashaneyna caawimaadda Allah iyo shacabkeena.”

    Lacagta Lira ayaa lumisay 40 qiimaheeda marka loo eego dollar-ka, tan iyo billowgii sanadkan, waxaana sicir-bararka uu gaaray 20 boqolkiiba, taasi oo afar jeer ka badan bartilmaameedka dowladda.

    Kadib hoos u dhacii Lira ku yimid Talaadadii, Erdogan ayaa la kulmay guddoomiyaha Bankiga Dhexe Sahap Kavcioglu, hase yeeshee wax faah-faahin ah lagama bixin kulanka

    Taxliiliyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in dhibaatooyinka dhaqaale ee Turkey ay cadaadis xooggan saari doonaan Erdogan oo isku diyaarinaya doorashooyinka madaxweyne ee 2023, xilli ay mucaaradka dalkaas dhisayaan isbaheysi.

     

    Qaran News


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika).

    Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi laga qaaday ninkaan kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna magaciisa ku sheegay Ciise Cabdi Cabdulle oo ku magac dheer (Ciise Miskiin).

    Ninkaan ayaa wareysiga ku sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Murusade, gaar ahaan lafta Habar-Maxamed. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu ku dhashay deegaanka Dirri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

    Da’diisa ayuu ku sheegay 27 Jir, wuxuuna kooxdaan kusoo biiray isagoo 17 sano jir ah, isaga oo markii hore ka mid noqday qeybta Jabhadda, gaar ahaan kuwa ka dagaalamo Gobolka Galgaduud kahor inta uusan iska diiwaan gelin qeybta Is-miidaamiyayaasha.

    Ninkaan ayaa dhammaadka wareysiga uu bixiyey wuxuu kula dardaarmay xaakiisa, isagoo u sheegay inay samarto, islamarkaana ay wiilkiisa Cabdullaahi ku barbaariso Diinta si uu isaga ugu daydo.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay Afrika

    Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis ayaa yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.”

    Waxa uu intaas ku daray in dilka Afrika ay Al-Shabaab uga aargudanayeen xubno ka tirsan kooxda, oo sida ay hadalka u dhigeen, uu dillalkooda “ku lug lahaa,” kuwaas oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi Xaaji.

    The post Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Cabdicasiis Afrika appeared first on Caasimada Online.


  12. Mas’uul Soomaali ah oo ku dhawaaqay in ku biirayo furrinta hore ee dagaalka Itoobiya

    askari.png

    Injineer Maxamed Shaale Isxaaq oo ah madaxa xisbiga haya talada Itoobiya ee u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in uu ku biirayo jiidda dagaalka xilli qaar ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeybgalayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray.

    “Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook, xisbiga Prosperity Party.

    Qaran News


  13. Orodyahan caan ah oo shaaciyey inuu ku biirayo Jiidda hore ee Dagaalka ka socda Gudaha Itoobiya
    xayle.jpg

    Orodyahanka caanka ah ee ka qeybgalay tartanka olimbikada ee adduunka ee u dhashay dalka Itoobiya Haile Gebrselassie ayaa shaaciyay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada jabhadda ka dagaallanta gobolka Tigray.

    Waxaa sidoo kale dagaalka ku biiraya Feyisa Lilesa oo ah orodyahan si weyn looga yaqaanno dalkaas oo sanadkii 2016-kii ka qeygbalay tartankii orodka ee ka socday Brazil kaas soo bandhigay astaantii ay ku caan baxeen dadkii Oromada ee waday dibadbaxadii ka dhanka ahaa dowladda Itoobiya, wuxuu ka carooday sida dowladda ay ula dhaqatay dadka Oromada.

    Sidoo kale dad caan ah oo u dhashay Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qeybgalayaan dagaalka xilli kooxaha fallaagada ay sheegayaan inay kusii sii siqayaan dhinaca Addis Ababa.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli baraha bulshada lagu arkay sawirro muujinayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku labisan dareeska militeriga oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo gaar ah.

    Ma kala cadda in Abiy Axmed uu tegay jiidda hore ee dagaalka, BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkaas.

    Ergeyga Midowga Afrika ee gobolka, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inay jirto fursadda yar oo lagu wadahali karo.

    Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka.

    Qaran News


  14. Haweenay Soomaaliyada oo lagu eedeeyay inay lacag ka dhacday dadka ugu caansan dunida?

    Ciwaanka Twitter-ka ee Safiya ayaa khadka ka baxay, sida uu tebiyay wargeyska Vulture
    Ciwaanka Twitter-ka ee Safiya ayaa khadka ka baxay, sida uu tebiyay wargeyska Vulture

    Maalmihii la soo dhaafay, baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka waxaa qabsaday hadal heyn ku saabsan gabar lagu magacaabay Safiya Nuur, oo la sheegay in ay “si khiyaano ah” lacago kumannaan doolar ah uga qaadatay atooreyaal iyo dad kale oo saameyn ku leh Mareykanka.

    Sida Twitter-ka laga hadalhayo, gabadhan oo la sheegay in ay heysato dhalasho Canada, balse asal ahaan tahay Soomaali, ayaa lagu eedeeyay in ay siyaabo kala duwan lacagaha uga “dhacday” dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareyanka.

    Sida ay qoreen warbaahinta uu ka mid yahay wargeyska ka warrama dadka caanka ah ee Vulture, Safiya waxay dadka “lacagta ka qaadatay u sheegeysay waxyaabo ay ku beer laxowsatay” sida inay “hooyadeed dhimatay oo ay dooneyso lacag ay aas ugu sameyso”.

    Waxyaabaha kale ee ay dadka u sheegeysay waxaa ka mid ah “inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay,” sida uu qoray website Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Meaww.

    Waxa uu qoraaga bogga intaas ku daray in Safiya ay sheeganeysay in ay “uur u leedahay fannaan caan ah” balse ay la nooshahay qof kale oo Yutuber ah oo caan ah.

    Qof walba oo ay la kulanto waxa uu moodayay in ay saaxiib la tahay saaxiib kale ee uu garanayo.

    Sida bogagga qaar iyo Twitter-ka lagu qoray, Inta badan lacagahaas ayaa sida lagu eedeeyay waxa ay ku qaadatay “amaah ahaan”, mar dambena aysan soo celinin ama kuma aysan laabanin dadkii ay ka qaadday.

    this is sophia nur. somehow, she would always sneak her way into influential spaces to seem like she was *in it*. influencers and celebrities befriended her without questioning who she was because she was ALWAYS around. from LA, to miami, to vegas. she was there. #SurvivingSophia pic.twitter.com/FR8IVKRF1B

    — ari🥺 (@AriannaDantone) November 19, 2021

    Sida bogagga qaar iyo Twitter-ka lagu qoray, Inta badan lacagahaas ayaa sida lagu eedeeyay waxa ay ku qaadatay “amaah ahaan”, mar dambena aysan soo celinin ama kuma aysan laabanin dadkii ay ka qaadday.

    Balse, dhankeeda lagama hayo war ay isku difaaceyso oo ku saabsan eedda, lamana caddeyn karo in ay tahay qof jira. Laakiin waxaa baraha bulshada qaarkood qabsaday sawirro iyo hal ku dhigyo ku saabsan Safiya.

    Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago ay ka qaadday waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka.

    Weli wax jawaab ah kama aysan soo bixin fannaanka iyo Youtuber-ka magacyadooda la xusay.

    BBC-da ilaa hadda uma suurtagalin inay xaqiijiso eedeymaha loo jeediyay gabadhaas oo hadal heyntooda ay socotay maalmihii la soo dhaafay.

    Sidey ku billaabatay hadal-heynta?

    Twitter-ka oo aad loogu faafinayay sheekada ku saabsan gabadhan ayaa loo adeegsanayay hal ku dhigga ah #SurvivingSophia.

    Waxay arrintan markii ugu horreysay soo shaac baxday maalintii Khamiista ee isbuucii la soo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii bishan November, 2021.

    Islmarkii shaaca looga qaaday warka ku saabsan Safiya, waxaa soo baxay dad badan oo ka hadlayay arrinteeda, qaarkoodna ay sheegayeen in ay sidaas oo kale u “dhacday”.

    Si rasmi ah looma garan karo isku darka tirada lacagta la sheegay in ay “dadka ka qaadatay” balse wararka qaar waxay sheegayaan in ay gaareyso kumannaan dollar halka qaar kalena ayba gaarsiiyeen illaa malaayiin doolar.

     

    Marba marka ka dambeysa waxaa soo baxayay dad ku andacoonayay in uu “isla qofka laga hadlayo ku sameeyay qalin shubato”.

    Barta Clubhouse ayay markii hore ka billowday barashada dadkii ay la kulantay, balse Twitter-ka ayay u waregetay hadal heynta baaxadda leh.

    Xagey ku dambeysay “Safiya”?

    Maalmo kooban kaddib markii ay soo baxday hadal heynta gabadhan loogu yeeray Safiya, waxaa laga waayay bogagga la sheegay in ay ku lahayd baraha bulshada.

    Wargeyska Vulture ayaa soo bandhigay sawir muujinaya ciwaan Twitter-ka ah oo la sameeyay bishii July ee sannadkan 2021-ka.

    Hase ahaatee isla ciwaankaas hadda lama heli karo. Ma cadda inay iyadu qarisay iyo in ay shirkadda Twitter-ka ka saartay meesha toona.

    Ilaa hadda wax war ah kama uusan soo bixin gabadhan, BBC-dana uma suuragelin dadaallo ay ku doonaysay inay xiriir la sameyso iyadoo u mareysa cinwaannada la sheegay in ay lahayd. Sidoo kale ma jiro wax baaritaan ah oo la soo tabiyay in ay booliska billaabeen.

    Waxaase xusid mudan in dhammaan dadka ka hadlayay Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay Safiya, iyagoo isweydiinaya in gabadhaas ay tahay mid fiican oo waxa laga sheegayo aysan run ahayn iyo inkale.

    Qaran News


  15. 14-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare ayaa maanta ku qabtay iskuulka hoose dhexe ee salaama primary school ee gobolka Mudug Xuska Maalinta musqulaha aduunka xuskaan oo ay kasoo qayb galeen arday gaaraysa 500 oo arday ,waalidiin, macalimiin iyo masuuliyiinta gobolka oo ogu horeeyo kormeeraha gobolka mudug.

    Halkudhiga sanadkaan
    Ayaa ahaa muhiimad sare aan siino isticmaalka suuliyada. waxaana si weyn looga hadlay muhiimada ay Nadaafadu u leedahay aadanaha iyo isticmaalka suuli nadiif ah.

    Maamulaha Schoolka salaama primary school Guray Cabdulaahi khaliif ayaa ardayda ugu baaqay inay kafaaidaystaan munaasabadaan ayna ilaaliyaan Nadaafada iyo fayadhowrka kuna dadaalaan Marwalba inay hagaajistaan suuliyada iskuulka si loo ilaaliyo Caafimaadka ardayga waayo arday caafimaad qaba ayaa leh jir caafimaad qaba.

    19-ka november waxaa loo asteeyey maalinta xuska maalinta musqulaha aduunka waxaana Munaasabadaan lagu dhiiragalinayo ardayda inay faraha isticmaal musqulaha sida ugu haboon ayna faraha dhaqdaan lagu qabtay Schoolka salaama primary school ee magaalada Gaalakacyo.

    Kormeeraha guud ee gobolka mudug ee waxbarashada Maxamad cabdiraxmaan jaamac shufeer ayaa sidoo kale xalfada kajeediyay in lajoogteeyo dayactirka musqulaha iyo isticmaalida saabuun wuxuna xusay nadaafadu inay tahay imaam barkii loona baahanyahay in guriga laga bilaabo nadaafada lana isticmaalo saabuun joogta ah.

    Ugu danbayntii Cabdishugri Maxamed Faarax dhaashane oo ah Madaxa ku xigeenka Washka ee wasaaradda waxbarashada ayaa ka hadlay muhiimada ay nadaafadu in la isticmaalo musqul nadiif ah ,wuxuu kaloo xusay taariikhada maalintaan iyo inay tahay maalin caalamkoo dhan laga xusayo. waxaa kaloo uu sheegeen inay muhiim tahay in faraha la dhaqdo marka la isticmaalo musqusha xiliyada isticmaalka Suuliga,Cunto cunida kadib iyo kahor, in la nadiifiyo musqulaha iskuulka ,saxanka faradhaqa iskuulka saabuuntuna ay markasta diyaar kutahay meesha faradhaqa iyo ka hor si loo ilaaliyo Nadaafada ardayga iyo tan deegaanka.

    Waxaa kaloo uu ardada si practical ah ula wadaagay una tusiyay 8 hab ee faraha loo dhaqdo ee ku haboon faradhaqashada iyadoo ardayduna ay si toos ah u sameeyeen markay kasoo baxaan musqusha waxaana uu ardayda ,macalimiinta iyo waalidiinta bahda waxbarshada ugu baaqay inay dhowraan gaar ahaan nadaafada musqulaha iskuulka khaasatan xiliyadaan qaboobaha ah oo uu jiro xanuunka covid-19. Xuska ayaa ku soo dhamaaday guul iyo wacyigelin gartay dhamaan ardada.

    Halkaan ka eeg Sawirada

    • 16-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 15-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 14-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 13-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 12-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 11-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 10-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 9-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 8-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 7-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 6-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 5-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 4-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 3-18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
    • 2-25.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo qabatay kulan wacyi-gelin oo muhiim ah appeared first on Puntland Post.


  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) sida ku cad dikreeto ka soo baxday Madaxtooyada Puntland.

    Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee hay’adda PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

    Halkaan ka akhriso dikreetada Madaxweynaha

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

    Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo

    Wuxuu xeeriyey:

    1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

    2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF appeared first on Puntland Post.