Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war la yaableh oo lama filaan noqday kasoo saartay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceyso magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

    Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa sii gaar ah looga hadlay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#160 oo ay u sharraxan yihiin Maxamed Yuusuf Xasan oo ah wasiirka waxbarashada dowlad gobaleed Koonfur Galbeed iyo Mudane Cali Abuubakar Maxamed.

    Wasaaradda ayaa hambalyo horudhac ah usii dirtay wasiir Maxamed Yuusuf oo maanta u tartamaya kursigan, kaas oo lasoo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

    “Dhamaan masuuliyiinta, Agaasimayaasha iyo Howl wadeenada Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mohamed Yusuf Hassan, oo maanta la gadoonsiiyay shahaadadiisa musharaxnimo isaga oo utartamayo kursiga HOP# 160 deegaan doorashadiisu tahay Baraawe.” ayaa lagu yiri qoraalka.

    259490976_1307281673045544_5683971612447

    Dhacdadan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah, kuna cusub siyaasadda, gaar ahaan doorashada Soomaaliya oo ah mid dadban, isla-markaana laga soo calaameeyey khaladaad fara badan.

    Si kastaba kursigaan la filayo inuu ku soo baxo wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa horey ugu fadhiyey, gaar ahaan Baarlamaankii 10-aad Xildhibaan Nuur Siidow Baaba, kaas oo gebi ahaan laga reebay tartanka, loona diiday doorashada.

    The post Wasaarada waxbarashada K/ Galbeed oo war la yaableh kasoo saartay doorashada Baraawe appeared first on Caasimada Online.


  2. (SLT-Hargeysa)-Hadal-haynta weftiga Somaliland ee ku sugan dalka Taywan ayaa sii kordhaysa iyadoo dadka siyaasadda falanqeeyaa ay ku macneeyeen arimo dhawr ah.

    Sababaha keenay saamaynta weftigan ayaa lagu sheegay in uu yahaya weftigii ugu cuslaa ee Somaliland ay u dirto Taywan tan iyo markii uu xidhiidhkoodu xoogaystay sanadkii 2020. Waxa kale oo arintan lagu macneeyay marti qaadka ay fidisay madaxweynaha jasiiradda Taywan.

    Weftiga ayaa gaadhay magaalada Taipei ee caasimadda Taywan iyadoo soo dhawayn ay kala kulmeen dawladda Taywan. Waxa qaabishay haweenayda maaxweynaha ka ah jasiiradda Taywan, oo khudbad ay jeedisay ku balan qaaday in ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leeyihiin Somaliland.

    Wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland ayaa uga mahad celiyay Taywan sida ballaadhan ee ay usoo dhaweeyeen isagoo carabka ku dhuftay arimaha ay iska kaashan doonaan labada dhinac.

    Somaliland iyo Taywan ayaa ah laba waddan oo aan la aqoonsanayn balse iyagu sheegay in ay yagleeleen xidhiidh diblomaasiaydeed.

    Halkan hoose ka DAAWO

    Source


  3. Waxaa talaadadii maqribkii kadib lagu dilay magaalada Baladweyn xarunta gobolka Hiiraan nabaddoon Cabdi Xuseen Culow.

    Nabaddoonka oo ka tirsanaa nabadoonada Xawaadle ayaa lagu dilay xaafadda Buundo-weyn, waxaana la sheegayaa inuu maalmahan ku mashquulsanaa nabadeynta Hirshabelle iyo beesha.

    Waxaa kale uu marxuum Culusow oo ganacsade ahaa, uu jiray dadkii isfahamka ka dhex waday maamulka Hirshabeele iyo beesha uu ka dashay.

    Lama hubo inuu arrinkan sababsaday iyo in qaab kale loo dilay, laakin wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka mid ahaa odeyaal ay horay kooxda Al-shabaab ula gashay heshiis ah iney ka fogaadaan dowldanimada.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu wasiirkiisa arimaha dibada Dr. Ciise Kayd Maxamuud hordhigay qorshe uu doonayo  inuu ugu wareejiyo wasaarada caafimaadka.

    Warar xogogaal ah ayaa sheegay in Wasiir Kayd uu  ganafka ku dhuftay qorshaha Muuse Biixi  isla markaana ku goodiyey in xukuumada uu dibada uga baxayo haddii bedel lagu sameeyo. iyada oo aan isafgarad la gaadhin ayaanu wasiirku safar ugu baxay Taiwan.

    Amb baashe cawil oo ay isgarabsanayaan Maxamuud Xaashi oo Kulmiye dib ugu noqonaya ayaanu muuse biixi qorshaynayaa inuu u magacaabo wasiirka arimaha dibada.

    Source


  5. (SLT- Afgooye)-Wararka ka imaanaya degmada afgooye ee gobolka Sh/hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhex geysteen Masaajid ku yaalla gudaha degmada Afgooye.

    Dableyda hubeysneyd ayaa gudaha u galay Masaajidka lagu magacaabo Raqayle oo ku dhaw Wabiga Shabelle ayaa rasaas ku furay qaar ka mid ah dadkii gudanaayay waajibaadka Alle.

    Waxaa inta la xaqiijiyay weerarka dableyda ku geeriyooday hal ruux waxaana ku dhaawacmay saddex kale, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday kooxdii weerarka ka dhex fulisay Masaajidka Raqayle ee degmada Afgooye.

    Ciidamo ka tirsan Booliska degmada ee ku sugan degmada Afgooye ayaa tegay Masaajidka, iyaga oo howlgal ka sameeyay agagaarka Masaajidka, lamana oga sababta ka dambeysa weerarkan, waxaana xusid mudan in hore degmada Afgooye loogu dilay Imaamkii Masaajidka iyo wiil uu dhalay oo mu’adin ka ahaa Masaajidka.

    Waa dhacdo aad u argagax badan oo si weyn looga hadal haayo saaka dalka Soomaaliya, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan weerarka xalay ka dhacay Masaajidka Raqayle.

    Source


  6. Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka mid ah xiddigaha kubadda cagta ku caan baxay ee lagu ammaano bini’aadannimada iyo caawinta dadka masaakiinta ah, waxaana haatan intii uu socday tartankii AFCON ee ka socday Cameroon uu bixiyay qarashka ku baxay wiil yar oo dhaawacyo daran la dhibaatoonayay intii uu ku jiray isbitaalka.

    29-sano jirkan ayaa isbitaal ku yaallada dalka Cameroon la geeyay kaddib markii uu dhaawac madaxa kasoo gaaray ciyaartii ay xulkiisa Senegal 2-0 ku garaaceen Cape Verde iyadoo ay isku dhaceen goolhayaha xulkaas ee Vozinha, waxaana Mane uu isbitaalka kula kulmay qoys danyar ah oo uu wiilkooda isbitaalka ku jiro isagoo dhaawac daran kasoo gaaray shil mooto.

    Xiddiga Reds ayaa sida la sheegay 400 kun oo gini ku wareejiyay hay’adda FCFA si ay ugu caawiso qoyskan isla markaana lagu bixiyo qarashka isbitaalka oo dhan.

    “Waxay ila tahay inaan sheegay ficilka deeqsinnimada ee Sadio Mane uu ka sameeyay [magaalada] Bafoussam isagoo caawiyay qoys masaakiin ah” ayuu qof marti ah u sheegay kanaalka Equinoxetv ee laga leeyahay dalka Cameroon.

    “Qoyska aad ayay isugu dhex yaacsanaayeen mooto ayaa canuggooda dishay waxaana ka jajabay lafahiisa oo dhan, jirkiisa oo dhanna dhaawacyo ayaa haraayay, waxa uu ku dhowaaday dhimasho, qoyskiisana ma aysan awoodin inay bixiyaan qarashka daaweyntiisa.

    “Sadio oo isbitaalka joogay ayaa arkay qoyska oo murugsan, waxaana uu weydiiyay sida ay wax u jiraan, waan u sharaxnay kaddib waxa uu 400 kun ugu dhiibay FCFA, lacagtaasna waxay u gargaartay qoyskan.

    “Waxaan rumeysanahay in naxariistaas uu maanta Rabbi u abaal guday” ayuu qofkii martida ku ahaa isbitaalka u sheegay.

    Si kastaba ha ahaatee, Mane oo hibadiisa ciyaareed ku soo bandhiga garoonka ayaa sidoo kale lagu ammaanay daryeelka danyarta isagoo sanadkii 2019 iskuul ka dhisay magaalada uu ka soo jeedo ee Bambali ee dalka Senegal.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. Waxaa maanta magaalada Baraawe ka dhacaya doorashada ilaa 7 kursi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

    Kuraastan lagu wado in loo tartamo ayaa kala ah: Hop#165, Hop#16, Hop#044, Hop#080, Hop#250, Hop#160 iyo kursiga Hop#150.

    Doorashadan ayaa qeyb ka ah 13 kursi oo la shaaciyey in halkaasi ay ka dhici doonaan, waa markii ugu horeysay ee doorasho ka dhacdo meel ka baxsan caasimadaha.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa salaasadii shalay ka mamnuucday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo madax u soo noqday kuwaasoo lagu eedeeyay inay wax u dhimayaan hannaanka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xannibaadda fiisaha ay khusayso kuwa dhiirigeliyay oo ku hawlan qalalaasaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku takri-falka hannaanka doorashada.

    “Dariiqa ugu wanaagsan ee lagu gaadhi karo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhacda waa iyada oo si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yidhi Blinken.

    “Madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya waa in ay raacaan ballan-qaadyadooda ah in lagu soo dhammeystiro hannaanka baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah-furan ugu dambeyn 25-ka Febraayo,” ayuu raaciyay.

    “Maanta oo ay ku beegan tahay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqayaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha mas’uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo wax isdaba marinta habraaca doorashada.” ayaa lagu yidhi Bayaankan.

    Warkan ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu yidhi “Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xadhig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah”

    Bayaankan ayaa intaas ku daray xayiraaddan oo sidoo kale ay sidoo kale saameyneyso qoysaska shakhsiyaadkan oo aan magacoodaa la shaacin.

    “Hoggaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya waa inay fuliyaan ballan qaadkooda ahaa in lagu soo dhameystiro hannaanka doorasho hufan oo lagu lagu kalsoonaan karo ee baarlamaanka 25-ka February, taas oo sii adkeyneysa gundhigga dowladanimada Soomaaliya. Mareykanka wuxuu si xooggan u taageerayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda Mareykanka.

    Bayaanka ka soo baxay dowlada Maraykanka aya ku soo beegmaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay dhammaatay muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo isla markaana wax ka yar laba toddobaad ay ka hadhsan tahay mudadii lagu heshiiyay in lagu soo dhammaystiro doorashada golaha shacabka.

    Source


  9. Weli waxaa dhegaha Masaarida ka sii yeeraya guuldarradii xanuunka badneyd ee final-kii Koobkii Qarammada Afrika ee lagu soo geba gebeeyay Cameroon markii ay Senegal la hoyatay Koobkii, kaddib markii ay 0-0 isla dhaafi waayeen Masar, waqtigii dheeriga ahaa kaddibna ay gool ku laad ama rigooreyaal 4-2 ay guushii ku raacday Senegal.

    Diktoor Maxamuud Xuseen, Guddoomiyaha Dhallinyarada iyo Isboortiga isla markaana ah xubin Baarlamaan Masar ka tirsan ayaa waxa uu ka hadlay kulankii adkaa ee Masar iyo Senegal, isagoo sheegay in ciyaartoyda Masaaridu ay soo bandhigeen kubbad aad u wanaagsanayd, 4 kulan oo xiriir ahna ay dheeleen waqti dheeri ahaa 120 daqiiqo, taas oo xoogaa daal badan gelisay jirkooda.

    Maxamuud Xuseen oo u warramayay Kanaalka ETC ee Masaarida ayaa waxa uu ammaanay laacibiinta xulka Masar iyo sidii geesinimada lahayd ee ay ku soo gaareen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Afcon 2021, isagoo xusay in aysan waxba ka hagran dalkooda, guuldarraduna ay tahay mid qoran.

    Dhanka kale Guddoomiyaha dhallinyarada iyo isboortiga Masar ayaa caddeeyay in dhammaadkii kulankii Masaaridu guuldarrada kala kulmeen Senegal kaddib uu Kabtanka xulka Masar Maxamed Salah uu la kulmay ciyaartoyda Faraacinada, kana dalbaday in ay ka aar gutaan Sadio Mane iyo saaxiibadiisa Senegal labada kulan ee ay isku arki doonaan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Qatar 2022.

    Labadaas ciyaar oo ka kala dhici doona Qaahira iyo Dakar ayaa waxay labada xul wada dheeli doonaan lugta hore 23-ka Maarso 2022, kulankaas oo lagu qaban doono Magaalada Qaahira, halka lugta labaadna 29-ka Maarso 2022 ay ka dhici doonto magaallada Dakar ee Waddanka Senegal.

    Taas ayaa micneheedu yahay in midkood Mane iyo Salah ama midkood Senegal & Masar ay ka qayb geli doonto Koobka Adduunka ee Qatar, iyadoo aysan suurtogal ahayn in labadaasi xul ay wada tagaan Qatar.

    Weli loollan adag ayaa isugu haray Libaaxyada Teranga iyo Faraacinada iyadoo midkii laga guuleysto uu ka hari doono masraxa weyn ee Qatar ee ay isugu imaan doonaan xulalka Caalamka.

    imago1009631771h.jpg

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  10. Kalluumeysatada ka jillaabta xeebta degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ayaa ka cabanaya doonyo kalluumeysi sharci-darro ah oo wax ku buufinaya badda si kalluunka badan uga soo baxo.

    Qaar kamid ah Kalluumeysatada ayaa Puntland Post sheegay in xeebta degmada Xaafuun ay buux dhaafiyeen doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah islamarkaana wax ku buufinaya badda.

    Waxay sheegeen in doonyahaas ay saaran yihiin qalab lagu buufinayo badda kaas oo kalluun badan oo wada sirirsan (suuxsan) ka soo saaraya gudaha badda kadibna ay si fudud doonyaha ugu rarayaan.

    Cabashooyinka la xiriira Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa mudda dheer ka taagan xeebaha Puntland gaar ahaanna Gobolka Bari iyadoo aysan jirin weli cid wax ka qabatay.

    Xaafuun ayaa horay uga tirsanaan jirtay Gobolka Karkaar waxaase Gobolka Bari lagu daray 17 December 2020 kadib go’aan ka soo baxay golaha wasiirada Puntland oo Garoowe ku shiray.

    PUNTLAND POST

    The post Doonyo wax ku buufinaya badda oo lagu arkay xeebta degmada Xaafuun ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.


  11. Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dabley hubeysan xalay ka geysatay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

    Dableyda weerarka fulisay oo ku hubeysneyd Bistoolado ayaa beegsatay Masjidka Raqayle oo ku yaalla degmadaasi, waxaana ay ka geysteen weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

    Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyey ay gudaha u galeen Masjidka, kadibna ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa halkaasi.

    Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadeysanayey Masjidka la weeraray.

    Sidoo lale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsatay kooxdii fulisay weerarka, kadib marka ay laayeen dadkaasi.

    Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo kooban oo lagu baadi goobayo dableyda ka dambeysay falkaasi.

    Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta oo ay ka fuliyaan xoogaga kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

     

     

    The post Dabley weerar ka geysatay Masjid ku yaalla Afgooye + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.


  12. 4-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah saartay shakhsiyaad Soomaali ah oo ay ku jiraan kuwa xilal haya iyo mas’uuliyiin hore.

    War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay xayiraad dhanka socdaalka ah lagu soo rogay shakhsiyaadkaas oo loo arkay kuwa caqabad ku ah hannaanka dimoquraaddiyadda iyo hirgelinta doorashada Soomaaliya.

    Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Maraykanka ayaa sidoo kale ka dalbaday hoggaamiyaasha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed in ay fuliyaan ballan-qaadkoodii ahaa doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda.

    PUNTLAND POST

    The post Maraykanka oo xayiraad socdaal ku soo rogay shakhsiyaad Soomaali ah appeared first on Puntland Post.


  13. Mareykanka oo Xayiraad Adag kusoo rogay Madaxda siyaasadda Somalia & Qoysaskooda

     

    B9AB8389-F14F-40B8-8148-43680CC0D754_w10

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay shakhsiyaas Soomaali ah, oo ay ku jiraan kuwa hadda madax ah iyo kuwa hore u soo noqday.

    Mareykanku waxa uu sheegay in ‘waddada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata inay tahay iyada oo si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo’ isaga oo intaas ku daray inuu marar badan walaac ka muujiyay dib u dhacyada iyo habraaca habraaca doorashada Soomaaliya iyo saameynta ballaaran ee ay khaladaadkaas ku yeelan karaan dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka.

    “Maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqayaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha mas’uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo wax isdaba marinta habraaca doorashada.” ayaa lagu jiri Bayaankan.

    We are restricting visas for those involved in undermining democracy in Somalia. Obstructing the democratic process has consequences. The U.S. strongly supports the Somali people, and we are committed to working together to advance democracy and mutual prosperity.

    — Secretary Antony Blinken (@SecBlinken) February 8, 2022

    Warkan ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu yiri “Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xarig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah”

    Warmurtiyeedkan ayaa intaas ku daray xayiraaddan oo sidoo kale y sidoo kale saameyneyso qoysasaka shakhsiyaadkan oo aan magacoodaa la shaacin.

    “Hoggaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya waa inay fuliyaan ballan qaadkooda ahaa in lagu soo dhameystiro hannaanka doorasho hufan oo lagu lagu kalsoonaan karo ee baarlamaanka 25-ka Febraayo, taas oo sii adkeyneysa gundhigga dowladanimada Soomaaliya. Mareykanka wuxuu si xooggan u taageerayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda Mareykanka.

    Qaran News


  14. The United States has restricted issuing visas to current or former Somali officials and individuals accused of “undermining the democratic process” in Somalia, Secretary of State Antony Blinken said on Tuesday.

    The restrictions will apply to those who have encouraged and engaged in violence against protesters, intimidation of journalists and opposition members, and manipulation of the electoral process, Blinken said in a statement released by the U.S. State Department.

    Qaran News


  15. TAIPEI – Taiwan will host a high-level delegation from Somalia’s breakaway Somaliland region this week, the government said on Monday, as the island pursues diplomacy in Africa in the face of Chinese pressure to limit its international footprint.

    Somaliland broke away from Somalia in 1991 but has not gained widespread international recognition for its independence. The region has been mostly peaceful while Somalia has grappled with three decades of civil war.

    Taiwan and Somaliland set up representative offices in each other’s capitals in 2020.

    Both China, which claims Taiwan as its own, and Somalia have expressed their opposition to Taiwan and Somaliland’s forging of ties.

    Taiwan’s Foreign Ministry said Somaliland’s foreign, finance, development and fisheries and agriculture ministers will visit from Tuesday to Saturday, and meet Taiwan President Tsai Ing-wen as well as other top officials.

    They will also meet executives from state-owned oil firm CPC, a ministry statement added.

    Somaliland “shares the universal values ​​of freedom and democracy with Taiwan, and follows the rule of law and attaches importance to human rights”, it said.

    Taiwan has been all but driven out of Africa diplomatically by China in recent years, with only tiny eSwatini now maintaining full relations with the island.

    China has ramped up pressure on countries not to engage with Taiwan as it seeks to assert its sovereignty claims.

    Taiwan has been keen to show it is a selfless development partner for Somaliland and last month donated 150,000 doses of its domestically developed Medigen COVID-19 vaccine.

    Situated on the Horn of Africa, Somaliland borders Djibouti, where China maintains its first ever overseas military base.

    Euro

    Qaran News


  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga.

    Hase yeeshee waa xiriirka ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal kan durba muujinaya natiijo labada dowladood farax galiyay, gaar ahaan dowladda Turkiga oo isha ku haysa maalgashiga ganacsiga ee muwaaniinteeda iyo shirkadaheeda ay ku sameeyeen gudaha Soomaaliya, iyada oo xitaa wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ay si sanadle ah ula socota baaxadda maalgashiga Turkiga ku sameeyo Soomaaliya sida ay tabinayso warbaahinta dalkaas.

    Tirakoobyada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ganacsiga Turkiga uu ka sameeyay Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 halka $250.85 milyan uu gaaray sanadka 2019, sida uu faafiyay wargeyska Daily Sabah ee Istanbul kasoo baxa.

    Sannadkii 2020-kii, baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasaa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan.

    Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho waxaa maamula shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.

    Waxyaabaha ay ganacsatada Soomaalida sanooyiinkii u dambeyay sida wayn uga soo dhoofsanayeen Turkiga waxaa ka mid ah dharka iyo daawoyiinka.

    Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa dalka Turkiga oo booqday Mudiqho ayaa sheegay in marka aad tagto suuqyada Bakara, Xamarweyne ama Suuq Bacaad oo dhammaantood ku yaalla caasimada aad arki karto badeecooyinka lagu sameeyay Turkiga ee buux dhaafiyay, gaar ahaan dharka iyo qalabka kale.

    Ganacsatada suuqyadasai ayaa wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu u sheegay in saaxibtinimada Muqdisho iyo Ankara ay ganacsatada Soomaalida gaar ahaan shirkadaha yar-yar fursad u siisay in ay Turkiga la falgalaan islamarkana badecooyiin badan ay Turkiga ka soo iibsadaan.

    Badeecooyiinka inta badan ay ganacsatada Soomaaliyeed ka keenaan dalka Turkiga ayaa waxaa ka mid ah dharka, qalabka electroonika, qalabka dhimaha iyo waliba alaabaha guryaha la dhigto.

    Cabdiwaaxid Axmed Ibrahim, oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wakaalada wararka ee Anadolu u sheegay in sanooyiinkii u dambeeyay ay ganacsatada Soomaaliya ay fursao badan oo ganacsi ka heleen Turkiga.

    “Waxaan filayaa in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in markii hore dharka laga keeni jiray Shiinaha iyo dalal kale, kuwaasoo aad u jaban, balse tayadoodu aad u yar tahay, hadda dhammaan badeecooyinka uu sameyay Turkiga waa kuwo la isku halleyn karo oo la awoodi karo, dadka Soomaaliyeedna farqiga u dhexeeya way arki karaan,” ayuu yiri. Ibraahim.

    Xiriirka dhanka tasiilaadka

    Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

    Markii uu sare u kacay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo qaab badeecoyiinka Turkiga lagu geeyo gudaha soomaaliya.

    Waxaa abuurmay shirkado badan oo dhanka tasiilaadka iyo alaabaha sidii lagu geyn lahaa Soomaaliya .

    Maxamed Dubo oo ah Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed ee Wasaaradda Qorsheynta oo la hadlay Wakaalada Anadolu ayaa farta ku fiiqay waxyaabaha sabab u noqday in ay kor u kacaan ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalka Turkiga.

    Waxa uu sheegay in tan iyo 2011, Turkiga uu ku lug lahaa horumaro waaweyn oo ka dhacay Soomaaliya, laga soo bilaabo tayaynta iyo caawinta hay’adaha dowliga ah ee u adeega dadka shacabka.

    Duubo ayaa sheegay in sidoo kale maalin walba ay duulimaadyo diyaaradeed oo Turkish Airline ay ka soo degto Istanbul iyo Muqdisho taasina ay keentay in ganacsatada Turkiga iyo Soomaalida ay noqdaan kuwo isku xiran.

    Dhanka waxbarshada

    Dalka Turkiga ayaa sanooyiinkii u dambeyay noqday meel ay ardeyda Soomaalida ay u raadsadaan waxbarashada gaar ahaan jaamacadaha.

    Qaar ka mid ah jaamacadaha Turkiga ayaa waxay deeqo waxbarsho u fidiyen kumannan ardey Soomaliyeed ah.

    C/fitaax Xuseen Mubaarak, oo bare ka ah kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee Jaamacadda Muqdisho, oo la hadlay wakaalada wararka ee Anadolu ayaa aaminsan in ka qeybgalka Turkiga ee Soomaaliya ay dib u qeexday siyaasadda arrimaha dibadda, taasoo sidoo kale fursad u furtay ganacsatada iyo ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

    Mubaarak ayaa xusay in Jaamacadaha Turkiga ay siiyeen ardayda Soomaaliyeed qoondo sare, taasoo ka dhigan inay kamid yihiin ardayda ugu badan ee wax ka barta ku dhawaad ​​200,000 oo arday oo jaamacadaha dhigta.

    Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

    Xigasho: BBC

    The post Turkiga miyuu ka macaashay xiriirka SOOMAALIYA? appeared first on Caasimada Online.


  17. FB_IMG_16443610397203222.jpg?resize=720%

    Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa qoondeeyay labada kursi ee Beesha Cismaan Maxamuud (Majeerteen) ku leedahay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Boqor Burhaan waxaa hal kursi ku tartami doona beelaha Bah-yaaquub iyo Bah-dubeys, halka midka kale oo haweenka loo qoondeeyay ay ku tartami doonaan beesha Bah-gareen.

    Boqor Burhaan ayaa go’aanka kuraasta soo saaray markii uu magaalada Boosaaso kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka saddexdaas beelood.

    Labada kursi oo sumadoodu tahay Hop#234 iyo Hop#228, kana mid ah kuraasta taalla Boosaaso ayaa la filayaa in doorashoodu noqoto mid adag, maadaama tartan furan laga dhigay.

    Hoos ka akhriso qoraalka Boqor Burhaan

    Ujeedo: Qoondeynta Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beesha Cismaan Maxamuud

    Maanta oo taariikhdu tahay 08 Febaraayo 2022 kuna beegan Rajab 7, 1443, waxaa magaalada Bosaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen odoyaasha saddexda beelood ee doonaya in ay helaan labada xubnood ee Golaha Shacabka Dowladda Soomaaliya.

    Sida la wada og yahay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalku waxay ku dhisan tahay hab qaybsi beelaha waxaana weli loo gudbin in deegaan lagu saleeyo kuraasta, sidaas darteed waxay ka soo bilaamataa shirkii Carta ee sanadkii 2000.

    Saddexda xarig ee tirsanaya taraha ayaa kala ah Xariga Bah Gareen, Xariga Bah Yaaquub iyo Xariga Bah Dubeys (Xariga Garoowe).

    Beesha Bah Gareen ayaa kursi ka heshey Baarlamaankii u horeeyey ee lagu soo dhisey magaalada Carta sanadkii 2000. Beesha Bah Yaaquub ayaa iyaduna heshey sanadkii 2004, halka beesha Bah Dubeys ay heleen xubin baarlamaan sanadkii 2009, labada xubnood ee Bah Yaaquub iyo Bah Dubeys waxay isla dhaceen sanadkii 2012.

    Markii la waayey xarig tanaasula, waxaan guddoominey oo cuqaasha isla qaadaney in.

    Labada xarig ee Bah-Yaaquub iyo Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan,

    Xariga Bah Gareen ayaa loo gartey in ay mudan yihiin in ay u tartamaan kursiga kale oo keligood leeyihiin.

    Maadaama haweenku ay qoondo gaar ah ku lee yihiin baarlamaanka, waxaan isla qaadaney in beesha heshey kursiga keligeed ee Xariga Bah Gareen ay qaataan qoondada Haweenka oo ay keenaan DUMAR.

    Wabilaahi Towfiiq

    Boqor Burhaan Boqor Muuse


    PUNTLAND POST

    The post Boqor Burhaan oo go’aan ka soo saaray labo kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.


  18. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

    Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

    Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaasha, ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka.

    Waxa uu intaas ku daray in xubnaha qoysaska shakhsiyaadkaas ay sidoo kale saameyn karto xanibaaddan.

    “Siyaasaddan ayaa lagu dabaqi doonaa xubno kaalin firfircoon ka qaatay hanaan khiyaameyn ku dhisan oo lagu sameeyey hanaanka doorashada Soomaaliya ama ku guuldarreystay inay gutaan waajibaadkooda ah inay doorasho hufan ku fuliyaan waqtigeeda, ama beegsaday suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayaga oo handadaya, cabsi gelinaya, xiraya ama la beegsanaya rabshado kale,” ayuu yiri.

    Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan iyo goorta ay hirgaleyso siyaasadda lagu beegsaday. 

    “Hoggaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waa inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkooda ah inay doorashada Golaha Shacabka dhameeyaan kahor 25-ka Febraayo, taasi oo dhabbaha u xaari karta hanaan dowladeed firfircoon oo ay Soomaaliya yeelato,” ayuu yiri Blinken.

    “Dowladda Mareykanka waxay si buuxda u taageereysa shacabka Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada labadeena dal.”

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in waddada ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay ku joogteyn karto nabad ay tahay in si deg deg loo soo geba-gebeeyo hanaanka doorashooyinka.

    The post Mareykanka oo ku dhowaaqay xayiraado ka dhan ah mas’uuliyiin Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.


  19. Nabadoon-Cabdi-Xuseen-Coloow-696x392-1.j

    Magaalada Beledweyne waxaa caawa lagu dilay Nabadoon Cabdi Xuseen Colow oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

    Nabadoonka ayaa lagu dilay xaafadda Buundo Weyn ee Beledweyne, waxaana sida wararku sheegayaan dilkaas geysatay koox bastoolado ku hubeysnaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

    Ciidamada ammaanka Beledweyne ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay, ilaa haddana ma jirto cid ka hadashay dilka nabadoonka.

    Dilka nabadoonka ayaa imanaya, xili maanta ay heshiis gaareen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Beledweyne, kaas oo la sheegay in uu la xiriiro tabashada reer Beledweyne ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

    PUNTLAND POST

    The post Nabadoon lagu dilay Beledweyne appeared first on Puntland Post.


  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray baaralamaanka Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqda in laga reebay tartanka doorashada, kadib markii galabta la shaaciyey xubno kale oo ku tartami doona kurisigiisa HOP#080.

    Guddiga doorashada heer dawlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa galabta soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaysa 13-ka kursi ee maalmaha soo socda lagu dooranayo Baraawe, waxaana kuraastaas ka mid ah Hop080 oo Dalxa ku dhafiyey 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

    Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo BBC la hadlay ayaa sheegay in hab-raacii loo baahnaa aan loo marin tartanka kursigiisa, oo odeyaashii saxda ahaa ee beeshiisa aan talada laga qayb galin, isagoo shaaciyey in dad kale oo aan beesha aheyn ay howsha wataan.

    Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil ayaa la shaaciyey inay ku tartami doonaa kurisiga Xildhibaan Dalxa. 26 musharax oo u kala tartami doona 13-ka kursi ee lagu bilaabayo doorashada Baraawe ayey qeyb ka yihiin xubnahaas ku loolami doona Hop080.

    “Odayashii sharciga ahaa ee beeshu ay lahayd sida suldaanka iyo nabadoonka guud iyo labadii bulshada rayidka kuwiiba lama aqbalin,” ayuu yiri Prof. Dalxa.

    Xildhibaan Dhalxa ayaa xusay in ergada kursigaas soo dooranaysa ay yihiin kuwo uu soo gudbiyay musharaxa sida uu sheegay ‘kursiga loo xiray.’

    Prof. Dalxa oo la weydiiyey in sanadkaan uu musharax yahay iyo in kale, ayaa sheegay in go’aankaas aan laga sugin oo mar hore go’aan laga gaaray kurisga beeshiisa, isagoo carabka ku dhuftay in qof gaar lala doontay.

    “Aniga waxaan ku faraxsanahay in la i dulmiyo, hadiiba ay dhaceyso kii wax dulmiyay in aanan noqon oo berito aan ilaah subxaanahu watacaalaa la hortageyn oo markaas aan qofkii la dumiyay aan noqdo,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

    Dalxa ayaa ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageersanaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo saaxiib dhow ay yihiin Cabdicasiis Laftagareen oo iska leh go’aanka kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

    Hase yeeshee waxaa muuqata in Dalxa ku khasaaray saaxiibtinimadii Farmaajo oo la iska tuuray, sidaana lagu dhaafiyey kursigii uu mudada dheer ku metelaayey beeshiisa.

    The post Prof. Dalxa oo shaaciyey in laga reebay tartanka doorashada ee Baraawe appeared first on Caasimada Online.