Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,753
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey  aya si deg deg ah uga soo jawaabay warbixintii uu ka codsaday wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.

    ku simaha Taliyaha Hey’adda NISA ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican isla markaasna wuxuu tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan Ciidamada Dowladda.

    Yaasiin ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay bil kasta uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow lacag gaareyso illaa 7 Kun oo Dollar.

    “Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

    Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan isla markaasna uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa Caafimaad.

    Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in sababta uu Roobow u xiran yahay inay tahay maadaama uu kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab isla markaasna uusan buuxin shuruudaha looga baahnaa dadka kasoo baxaya kooxdaas ee isku soo dhiibayo Dowladda.

    Halkaan hoose ka akhriso warqadda Yaasiin Farey

     

    Page1-2.jpg

    The post DEG DEG: Taliye Yaasiin Farey oo ka war bixiyey xaaladda Roobow appeared first on Caasimada Online.


  2. Mogadishu (PP News Analysis) —
    Integrity is the key word used by Somalia’s International Patners when they comment on the indirect elections. It is a word that has many different meanings to different people. To the Union of Somali Presidential Candidates integrity means the ability to decide the outcome of MPs selection. They seek powers to override outcomes validated by Federal Member States or the Federal Electoral Implementation Team (FEIT)

    The integrity claim of the Union of Presidential Candidates rests on the argument that Villa Somalia influenced the outcome of presidential elections of three Federal Member States (Hirshabelle, Galmudug and South West State). They exclude Jubaland State from the list of states whose leadership they view as biased towards Villa Somalia. In 2019 Jubaland State conducted controversial presidential elections, nor were objections raised about the formation of Hirshabelle, (expanded) Galmudug and South West facilitated during the administration of President Hassan Sheikh Mohamud. For the International Partners integrity means addressing complaints made by the Union of Presidential Candidates about the selection of MPs.

    FB_IMG_16406486520058537.jpg?resize=715%Will the National Consultative Council members agree to the demands of the Union of Presidential Candidates to renegotiate key articles in the electoral model?

    If FEIT gets disbanded what criteria will be used to nominate new members for a electoral watchdog? How can one ensure that the Prime Minister, Roble, is not partial to the Union of Somali Presidential Candidates?

    The Union of Presidential Candidates agreed to the clause in the electoral model that granted Federal Member States’ parliaments the privilege to select Senators without the oversight of FEIT. If the recognized traditional leaders select MPs in the same manner as they did in 2016, the selection of the remaining MPs could proceed smoothly.

    The Kismayo election today in which six MPs were selected is an unsavoury precedent that was conducted without the input of FEIT. Integrity has not been invoked. Which gives the word unique qualities and reminds one of Humpty Dumpy. “When I use a word, it means just what I choose it to mean — neither more nor less” Humpty Dumpty told Alice, in Alice in Wonderland.

    The Federal Member States will not give more powers to the Union of Presidential Candidates. Last week, Puntland State President Said Abdullahi Deni warned against the mooted plan to form a national political council that will serve as a parallel government. If Federal Member States object to the renegotiation of the electoral model proposed by the former Somalia President Hassan Sheikh Mohamud, the planned summit for the National Consultative Council will have produced no results to expedite elections. An attempt to renegotiate the Somali electoral model could undermine the integrity of indirect elections.

    © Puntland Post, 2021

    The post Renegotiation of Electoral Model Could Undermine Integrity of Somalia Elections appeared first on Puntland Post.


  3. Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa ka soo jawaabay warbixin uu ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.

    Warqad uu ku saxiixnaa Taliyaha ku meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, uuna yahay Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.

    “Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

    Halkaan ka akhriso Qoraalka

    NISA.jpg?resize=1000%2C1265&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Hay’adda NISA oo warbixin ka soo saartay xaaladda Mukhtaar Roobow appeared first on Puntland Post.


  4. Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

    Qoraal uu Barta Twitter-ka soo dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayuu ugu baaqay Madaxda Soomaaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo in ay is-xakameeyaan si uusan u dheeraan khilaafka Siyaasadeed.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa dhankiisa siiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Warbixin uu ku cadeeyay sida ay muhiim ugu tahay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Maraykanka iyo Kenya oo ka wada-hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan midowga musharaxiinta ay bilaabeen olole ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo toos loogu tirinayo garabka Madaxweynihii hore Farmaajo oo hadda dhinac looga soo wada jeestay.

    Xildhibaan Maxamed Abtidoon oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto degmada Cadaado ee Galmudug ayaa qoraal kooban oo bartiisa Facebookga uu ku soo qoray wuxuu ku yiri, “Golaha Badbaadada Galmudug mar dhaw filo.”

    Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta yimid Muqdisho, hase yeeshee mucaaradka badankood way diideen inay kulmaan, si gaar ah Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Waxaan sidoo kale xog ku helnay in abaabul ka dhan ah Qoor Qoor ay mucaaradku ka bilaabeen deegaanada Galmudug, waxayna doonayaan in meesha laga saaro Madaxweynaha Galmudug oo weli ku jira safka Farmaajo.

    Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Qoor Qoor u bixiyey magaca ‘Dhabar-jebin Qaran’ isagoo sheegay in Badbaado Qaran iyo Dhabar-jebin Qaran ay caawa ku wada sugan yihiin Muqdisho.

    Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa ciidanka iyo siyaasiyiinta Badbaado Qaran ugu baaqay inay ka digtoonaadaan dhagarta iyo kala furfurka Axmed Qoor Qoor.

    “Badbaado Qaran iyo  Dhabar-jabin Qaran caawa Muqdisho waa lagu wada sugan yahay! Dhabarjabin Qaran oo taageersan afgambiga, sidee u noqon karaa nabadoon? Waxaa waajib ah Badbaado qaran in ay ka digtoonaadaan dhagarta iyo kala furfurka Dhabarjabin Qaran! Sababta keentay khilaafkan cusub waxaa saldhig u ah qalad ay doorashada ka galeen dhabarjabin qaran, sidee qaladkiisii uga nabadooninaayaa?!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Fiqi.

    Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu isku deyey inuu kala furfuro midowga musharaxiinta  iyo xukuumadda oo hadda u mideysan dagaalka Farmaajo, isagoo ku shaqeynaya damaca iyo rabitaanka Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Xog: Mucaaradka qaarkood oo diiday la-kulanka Qoor Qoor iyo olole ka dhan ah oo ka billowday Galmudug appeared first on Caasimada Online.


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa galabta ku gacan seyray qaar ka mid ah wasiirradiisa oo isku deyey inay waan-waan ka dhex bilaabaan isaga iyo Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnihii u tegay oo markii hore la soo kulmay Farmaajo waxuu ka dhageystay aragtidooda ku aadan sidii loo xalin halaa khilaafkaan, isagoo intaas kadib ku amray inay shaqooyinkooda qabsadaan,  intii ay ku mashquuli la haayeen waan-waan waqtigeedii dhaaftay.

    Xogtaan oo aan ka helnay xubno ka tirsan xafiisyada ugu sareeya xukuumadda, waxay intaas ku dareysaa in wasiirrada isku howlan waan-waanta ee waji gabaxa kala kulmay Rooble uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Cabdisiciid Muuse iyo wasiirka waxbarashada Cabdullahi Carab.

    Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay in wasiirradaas uu waydiiyay sababtii ay uga hadli waayeen falalkii ka dhacay xaafiiskiisa, markii uu Farmaajo dul dhigay ciidamada oo ay hadda waan-waan u galayaan.

    Wasiirada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in Farmaajo uu aqbalay waan-waan laga dhex bilaabo isaga iyo Rooble, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka cusleystay oo xubnahaas u sheegay in Farmaajo uusan wadahadal dambe ugu laaba doonin.

    Galabta waxaa halkaas ku soo afjarmay qorshihii xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay ku doonayeen inay qaataan door dhex-dhexaadin ah, si labada dhinac ay ugu kala dab qaadaan.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Xog: Rooble oo jawaab lama filaan ah siiyey wasiiro waan-waan ka siday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.


  7. Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa noqotay “cadowga koowaad” ee taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay qaaday tallaabo aysan fileyn oo naxdin ku noqotay.

    Ilhaan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu sarreeyey ee ka tirsan dowladda Mareykanka ee ku baaqa in Farmaajo uu ka kaco kursiga uu ku dhowaad sanadka ugu fadhiyo sida sharci-darrada ah.

    “Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

    Hadalka Ilhaan ayaa caro xooggan ku abuuray taageerayaasha madaxweynihii hore, waxayna billaabeen inay weerar shakhsi ah iyo aflagaado ku qaadaan, ayaga oo ku yaacay barteeda twitter-ka.

    “Maxaa kaa galay Soomaaliya? Naag nin gaal ah aroostay warkeeda ma rabno. Soomaalida lagu dilayo Mareykanka wax ka qabo,” iyo erayo kale oo aan qaarkood lagu qori karin warbaahinta ayaa lagu weeraray Ilhaan Cumar.

    Taageerayaasha Farmaajo kuma cusba afalgaadada, waayo waa koox aaminsan inusan jirin qof ka aragti duwanaan kara, maadaama taageerada ay u hayaan madaxweynihii hore ay ku dhisan tahay qabyaalad, caadifad, dano shakhsi ah iyo aragti gaaban.

    Muxuu u gubay hadalka Ilhaan?

    Hadalka lhaan Cumar ma ahan oo kaliya xildhibaan aragti dhiibtay, balse wuxuu xambaarsan yahay miisaan siyaasadeed oo saameyn weyn ku yeelan kara xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

    Ilhaan Cumar waxay ka tirsan xisbiga haya talada Mareykanka ee dimoqraadiga, waxayna ku dhowdahay madaxweyne Joe Biden, iyo Nancy Pelosi oo ah afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

    Saameynta kale ee Ilhaan ay leedahay ayaa ah in xubin sare ka tahay guddiga arrimaha dibedda Aqalka Wakiilada Mareykanka, taasi oo macnaheedu yahay inay si toos ah u saameyn karto siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo gaar ahaan tan Washington ee ku wajahan Soomaaliya.

    Sidoo kale maadaama ay tahay Soomaali, waxaa cad in maamulka Biden kala tashan karo siyaasadda Soomaaliya.

    Muxuu horseedi karaa hadalka Ilhaan?

    Kahor hadalka Ilhaan, wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxuuna Mareykanku si cad uga horyimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

    “Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

    “Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Sidaas darteed, waxaa suurta-gal ah in Ilhaan aysan ka hadal aragtideeda balse ay wax ka ogtahay isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, taasi oo ugu dambeyn hoggaamin karta in meesha laga saaro Farmaajo.

    La-yaab ma lahan marka in Ilhaan hadda noqotay cadowga koowaad ee kooxda Farmaajo. 

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Ilhaan Cumar oo noqotay cadowga koowaad ee kooxda Farmaajo appeared first on Caasimada Online.


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ka qeyb gelayo shirka golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu iclaamiyey.

    Wasiir Cabdullahi oo ka mid ahaa mas’uuliyiin Axmed Qoor Qoor ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in Qoor Qoor uu u yimid ka qeyb galka shirkaas.

    “Waxaan Aniga iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kusoo dhawaynay Magaalada Muqdiaho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kariye ((Qoor Qoor) oo u yimid caasimada kaqayb galka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Mohamed Hussein Roble,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur.

    Shirkaan oo waxaa si cad u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, halka Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe aysan weli cadeyn mowqifkooda ka qeyb galka shirkaas.

    Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u balan qaaday inay ka qeyb galayaan shirkaan oo lagu waday in 27-kii bishaan uu ka furmo Muqdisho, balse dib u dhacay, kadib markii khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal uu soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii hore Farmaajo.

    Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta ka soo duulay Dhuusamareeb, welina ma cadeyn qorshaha safarkiisa Muqdisho, markii laga reebo warka wasiirka amniga, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inuu isku deyi doono dhex-dhexaadin uu ka dhex bilaabo Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post QOOR QOOR oo la xaqiijiyey inuu ka qeyb-galayo shirka uu iclaamiyey R/W ROOBLE appeared first on Caasimada Online.


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle ayaa ka aamusay inay ka hadlaan xiisada siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay cadeeyan mowqifkooda iyo halka ay taabacsan yihiin dagaalka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa hore u cadeeyay mowqifkooda siyaasadeed, ayaga oo taageeray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo shirka uu iclaamiyey inay iskugu imaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

    Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si cad ula saftay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, asaga oo ka horyimid shirka Rooble, sheegayna in uu ka qeyb-galayo shirka wada-tashiga uu ku baaqay madaxweynihii hore.

    Haddaba, maxay illaa hadda uga aamusan yihiin labada maamul inay cadeeyan mowqifkooda siyaasadeed, kana hadlaan xiisada taagan?

    Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ayaa sheegay in labada maamul ay labada dhinac ee u dhaxeeyo khilaafka siyaasadeed ka leeyihiin midba dan gooni ah.

    Waxa uu sheegay in sidoo kale labada maamul ay xilligan ka fiirsanayaan in si qaawan u garab istaagan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, ayada oo la wada ogyahay inay yihiin rag uu meesha keensaday.

    “Haddii loollan siyaasadeed yimid, labadaan maamul ee HirShabelle iyo Galmudug waxaa lagu tuhmi karaa in dadka siyaasadda ku loollamaya ee musharixiinta ah ay ka soo jeedaan labadaan gobol, Villa Somalia-na ay tahay niman ay abaal gashatay oo xilka markii ay imanayeen ay caawisay oo siyaasadda ugu hiilisay, sidaa darteed ay jecel yihiin in ay ku noolaadaan ‘legga jecli lugta jecli’ oo dhex-dhexaad ahaadaan,” ayuu yiri.

    “Waxay rabaan oo kale inay dhinacna ay eed ka gelin. Villa Somaliya aysan ka abaal dhicin, ragga ay gobolka ka soo wada jeedeenna aanay eed ka galin.”

    Dhinaca kale, sida uu qabo Xasan Xayle oo ah fallan-qeeye siyaasadeed oo ku sugan London, labada maamul ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee la dhiso, qeybna ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya, mana ahan maamullo wali adkaystay, lehna waayo aragnimo ku filan oo ay xilka kusii xajistaan.

    “Maamuladan ma heystaan dhaqaale fiican, waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, iyo in dowladda dhexe aysan waxbo u qoondeynin,” ayuu yiri Xasan Xayle.

    Sidoo kale waxaa jirta dood ah in haddii madaxweyne cusub uu dalka qabsado in isbadal uu ku dhici karo maamul goboleedyadan, waxaana marar badanna la sheega kolka la damco in madaxdooda xilka laga qaado inay ka fududahay kuwa kale ee maamul goboleedyada, dhawr jeer ayayna dhacday in iyaga oo aan muddo xiledkooda dhammaysan madaxdoodii xilka laga qaado.

    Labada maamul ayaa waxaa ka howl-gala ciidammada dowladda federaalka haddii ay ahaan lahaayeen xoogga dalka iyo waliba kuwa nabad-suggida oo si toos ah uga amar qaata dowladda dhexe, waana midda sii adkeynaysa inay kasoo horjeestan madaxweynaha dowladda federaalka.

    Si kastaba, madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle ayaa inta badan waxaa lagu eedeeya inay Muqdisho toos ugu xiran yihiin, islamarkaana ay halkaas muddo badan ku qaatan, ayaga oo aan waqti gelin deegaanada ay ka taliyaan oo qaarkood ay ka taagan yihiin xiisado  iyo dagaalo soo noq-noqday.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Sababta ay Guudaalwe iyo Qoor Qoor uga aamusan yihiin xiisada Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.


  10. FB_IMG_16407008888090351.jpg?resize=715%Roble fuelled corruption allegations after he instructed the Security Minister to restrict movements of Brigadier General Dirir.

    Mogadishu (PP News Desk) — When the Somalia Navy Commander Brigadier General Abdihamid Mohamed Dirir alleged that Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister, had misappropriated a public land belonging to the Somali Naval Force, Lieutenant General Bashir Mohamed Jama, former Commander of Somali Custodial Corps, had defended the Prime Minister against corruption allegations. The Prime Minister is building a house on a plot of disused land near the Command Centre of the Somali Naval Force” said Bashir while on a working visit in Baidoa.

    20211228_173004.jpg?resize=378%2C360&sslBrigadier General Dirir made allegations against Roble.

    The Prime Minister instructed the Security Minister Abdullahi Nur to restrict the movements of the Navy Commander, in a move that fuelled the corruption allegations against the Roble, who has not so far denied the allegations.

    FB_IMG_16407007479720086.jpg?resize=715%Lieutenant Bashir unintentionally implicated Roble in corruption allegations.

    The President of Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed suspended powers of the PM to investigate corruption allegations. Legal experts interviewed by Puntland Post agreed on the legality of the decision to suspend powers of the Prime Minister. “Lieutenant General Bashir unintentionally implicated the Prime Minister in the allegations. The Price Minister has no right or privilege to acquire a public land. Bashir implied that Roble did not want to go through proper process to convert the disused land into a residence” said a lawyer in Mogadishu who asked for anonymity.

    FB_IMG_16407008204113656.jpg?resize=715%Instead of advising Roble to respond to corruption allegations, President Farmaajo suspended powers of the PM.

    A notary public owner in Mogadishu told our correspondent that no plot of public land can be acquired without the authorization of Mogadishu Local Government. “The action of the PM sends a wrong message and promotes embezzlement” said the notary public owner.

    “If Roble can acquire public land illegally and block any investigations into his conduct, it will be a setback for Somalia” said another lawyer in Mogadishu. Roble has been criticized for giving his detractors a chance to accuse him of administrative impropriety. “He dropped the ball by overreacting to the Navy Commander’s allegations. What complicates the matters is the previous power struggle between the President and Prime Minister, which make the suspension of the powers of the Prime Minister look more politicized than a judicial process” said a political journalist.

    © Puntland Post, 2021

    The post How Roble Mishandled Corruption Allegations Against Him appeared first on Puntland Post.


  11. PhotoCollage_20211228_195249955.jpg?resiMiyuu Ra’iisal Wasaare Rooble ka shidaalqaadanayaa waayihii Jeneraal Ceydiid?

    Sida muuqata Maxamed Xuseen Rooble wuxuu doortay inuu doorashada ugu shubo Midowga Murrashixiinta oo ay hayb beeleed wadaagaan. Waa sababta uu u doonayo in heshiiska doorashada dib loogu noqdo ama uu isago soo xusho xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal. Waa nasiibarro in maanta rag ay ka mid yihiin Madaxweyne Shariif Sheekh Xasan dib boorka uga jafeen cooladdii sagaashamaadka oo si ba’an u naafaysay reer Koonfur Galbeed. Rooble wuxuu dheelayaa kaalintii Jeneraal Ceydiid. Wuxuu u arkaa xilka uu hayo fursad uu ku kala ridi karo dowladnimada billowga ah. Himiladiisu waa inuu soo nooleeyo xoogaggii **********ta dhibka ba’an ku hayay koonfurta Soomaaliya.

    Sidee 2021 u suurtogali karaa qorshe sagaashamaadkii hirgali waayay? Wuxuu Rooble amray Wasiirka Arrimmaha Gudaha Cabdullaahi Nuur inuu fududeeyo sii daynta Mukhtaar Roobow oo midiidin u ahaa argagixisada dhallinyaro badan oo reer Koonfur Galbeedna ku qalqaaliyay inay ku biiraan argagixisada.

    Marnaba Reer Koonfur Galbeed ma oggolaan doonaan xubno loogu talagalay inay carqaldadeeyeen doorashada heer federaal oo ka dhici doonta degaannada Koonfur Galbeed.. Sida maanta u dhacday doorashada Jubaland guddiga doorashada oo aan kaalin ku lahayn ayay doorashada hartay uga dhici doontaa Koonfur Galbeed. Waa waddo halaq-mareen ah (precedent) uu Rooble furay. Sidaad darteed riyadiisa inuu maamuusho doorashada si uu ugu xagliyo siyaasiyiin ay isku beel yihiin wax socon doona ma aha.

    Haddii Rooble rabo inuu marna ciidan beeleed dabada geliyo marna sheegto Ra’iisal Wasaare qaran, waa inuu u diyaargaroobo in waxa ka soo bixi doono colaadda siyaasadeed ku wajahan reer Koonfur Galbeed. Ragga ay la tahay in Rooble uu u fududeyn doono ku shubashada doorashada waxaa la gudboon inay iyagana taariikhda dib u eegeen. Adduunku Xamar oo keliya maha, reer Koonfur Galbeedna ma aha dadkii xuquuqdooda lagu tuman jiray. Macaluushayntii na soo martay iyo sidii dhallinyaradeenna argagixisadu u gumaadeen baa cashar noogu filan.

    Waa ayaandarro annagoo xusuusana in soddon sano ka hor maanta uu Muqdisho ka socday Dagaalkii Seddexda Bilood in Rooble ay la noqotay in xuquuqada siyaasadeed ee dad Soomaaliyeed uu ku tuman karo isago ku tiirsan ciidan beeleed isla markaana aan xitaa ka dhaliilin maleeshiyo beeleedka la magacbaxday Badbaado Qaran. Caqlixumo meesha ay Rooble geyso aragaanee.

    W.Q. Ibaahim S.G. Bashiir ( Ibroos), Baydhaba

    The post Rooble Waa Inuu Taariikhda Dib U Eego appeared first on Puntland Post.


  12. Muqdisho (Caasimda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa ka hadashay xiisada siyaasadeed ee dalka, taasi oo kasii dartay shalay kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu awood ciidan u adeegsaday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

    AFRICOM ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku baaqday in la qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee dalka, islamarkaan aan ciidamada qaranka laga leexin dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

    “Waxaan ku baaqaynaa in la dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, Ciidamada Soomaaliya waa inay diirada saaran khataraha amni ee geysanayaan kooxaha argagixisada ah ee ugaaesada shacabka aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Ciidamada Soomaaliya ayaa qaarkood xilligan ku milmeen arrimaha siyaasada dalka, ayada oo madaxweynihii hore ee dalka uu dhowr jeer u adeegsaday dano gaar ah iyo abuurista xiisado hor leh.

    Qoraalka AFRICOM ayaa imanaya xilli ay dowladda Mareykanka si buuxda u taageertay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dagaal culus kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Dowladda Mareykanka ayaa goor sii horeysay sheegtay in uu tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

    “Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Mareykanka ayaa rumeysan in Rooble uu yahay mas’uul keliya ee xilligan dalka ka saari kara xaalada kala guurka, asaga oo sheegay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Militariga Mareykanka oo war kasoo saaray xiisadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.


  13. Haddalkii Musharrax Cirro Oo Hurdada U Diiday Madaxweyne Biixi + Hurrinta Khilaafka + Hanjabaadii Xero Awr Iyo Humbaalayntii Biixi

    (SLT-Hargeysa)-Iyaddoo ay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ay tahay mid kacsan,isla markaana uu khilaafka u dhaxeeya Xisbiyadda mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu yahay mid cakiran,wallow xagga Xisbiyadda Mucaaradku ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan oo ay ka war-sugayaan Go’aanka Maxkamadda Sarre ay ka soo sarri doonto murranka sharci ee xeer 14 ,hase-yeeshee Madaxweyne Biixi iyo abbaanadiisa,ayaa u muuqda kuwa maddalaha kaga tiraabaya haddalo sii kale foggeynaya dhinac-yadda,isla markaana khilaafka sii hurrin karra.

    Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo intii xeerka murranka dhaliyey ee furrista ururrada ay Xildhibaannada taabacsan Xukuumadiisa u gudbiyeen Maxkamadda Sarre laba jeer oo kale duwan kagga hadlay Magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera,waxaanu sheegay in ururradu furran yihiin,isla markaana sidaas loogu diyaar garoobo doorashada ururrada,isagoo sidoo kalene eedaymo iyo haddalo hanjabaado iskuggu jira ujeediyey Xisbiyadda Mucaaradka.

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland oo ah odayga Qaranka Somaliland ayaa fallaqeeyayaasha siyaasadda Somaliland ay ku tilmaameen in arrintaas aanu uga haddal si wayeel-nimo ah,waxaanay xaalkiisa ku sheegeen inuu yahay mid ficiltan iyo foorjo ay ka muuqato,isagoo shalay iyo maalintii hore ee uu Berbera ka hadlayna haddaladiisu ay yihiin qaar isku mid ah,kuwaas oo ahaa qaar min-di mindi ku taag ah.

    Madaxweyne Biixi oo ka hadlay daah-furka xarunta cusub ee maaraynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada ee xaafadda Xero Awr ee Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrintaas “Waxaan leeyahay reer Somaliland dhammaan hawlaheena innaga dhex-deena Dawladda ayeynu nahay dal ballaadhan ayeynu nahay Xisbiyo ayeynu nahay waxeenu waa dood iyo tan ayaa tan ka wannaagsan ee colaadi kama dhallan karto,ta innaga dhaxaysa ee siyaasad guud ah waxa weeye talladaas ayaa wanaagsan waa dood iyo wax isku sheeg ninkii halkaa dhaafow addiga hakugu eekaato.”ayuu yidhi

    Dhanka kalene Madaxweyne ayaa markii labaad ka jawaabay haddaladdii Musharrax Cirro, waxaanu haddalo hanjabaad ah u diray Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Beesha Garaxjis oo uu farriin dad-ban u diray “Somaliland waxaas wey ka soo waayo arragtay Xisbiyo buuqa iyo nin meel u baxa oo yidhaah waar ka soo kacay waxay ila tahay ,dadka maanta joogaa taas wey ka korreen,dagaaal iyo buuq iyo walaahi in Madaxweynayaal baddan la samayn,madaxweyne qudha ayaa jira Madaxweynayaal baddan la samayn maayo xaaraan ayey ka tahay “

    Sidoo kalena Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in sannadkan ay hal doorasho dalka ka dhacayso,taas oo aanu si cad u sheegin ta ay tahay”Doorashooyinkana mid ayaa la qabanayaa waa qasab,Xisbiyaddana waa la furrayaa Madaxweynaha tiisana waa la doorranayaa guurtida xeerkeedii waa la samaynayaa “ayuu yidhi

    Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ka sheegay in miisaanyada 2022 lagu daray qarashka doorashooyinka dhici doona sanadka cusub e 2022-ka,waxaanu sheegay in 28 bilyan ay ugu talo galneen Doorashooyinka Soo socda ee sanadka 2022-ka ,Beesha caalamka ayaa qarashka doorashooyinkaas bixin doonta 75 % halka Somaliland ay bixin doonto 25 %

    Geesta kalene Khilaafka Xukuumadda iyo Xisbiyadda ayaa ah mid cirka isku sii sharreeraya marba marka ka dambaysay,hase-yeeshee xoggo aanu helnay ayaa sheegay in xubno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ay waddaan dedaalo kale duwan,kuwaas oo ah qaar xaaladda looggu soo dabaallayo nabad.

    Xoggaha la xidhiidha dhaq-dhaaqan Guddoomiye Saleebaan oo uu Wargeyska Waaberi helay ay sheegay in Guddoomiye Saleebaan uu la kulmay Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI,isla markaana uu u sheegay in uu doonnayo in uu arrinta ka odayeeyo,taas oo la sheegay inay ka aqbaleen mucaaradku,isla markaana waxa la sheegay inay u caddeeyeen mawqifkooda,hase-yeeshee xogguhu may xusin in Guddoomiye Saleebaan uu la kulmay dhinaca Madaxweyne Biixi,basle waxay sheegeen in dedaalada Guddoomiyaha Guurtidu ay yihiin qaar guullaysanaya,isagoo uu qorshuhu yahay in uu miiska wadda haddalka uu isku soo hor-fadhiisiyo Madaxweyne Biixi iyo Faysal,Cirro iyo Guddoomiye Xirsi.

    Si kastaba aha-ahaatee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan maal-maha soo socda,waxaynu eegnaa waa halka uu ku dambeeyo dedaalkaa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu ku doonnayo inuu ku dhex-dhaxaadiyo Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah.

    Source


  14. There has been a long line of systematic failures from the entire international community to solve the long-standing political impasse that has generated a never-ending humanitarian crisis as well as political, social, and military instabilities in Somalia and the horn of Africa.

    The political history of Somalia is a sordid affair.  A long, painful and ruthless civil war has ravaged this country for the better part of three decades and, today, the fact remains that the only way to wedge Somalia out of the snarl it finds itself in is by the immediate and absolute resignation of former President Farmaajo.

    On Saturday, December 25, former President Mohamed Farmaajo provided a hint that he may, once again, be seeking to claim authority by criticizing Prime Minister Mohamed Roble for his decision-making and accusing the Prime Minister of electoral malpractice, neglecting to mention in his statement, of course, that behind the scenes he has been manipulating the system to ensure that the elections are rigged in his favor in order to secure a term extension.

    Farmaajo has no constitutional authority in the upcoming election.  He has no constitutional authority to suspend the powers of Prime Minister.  His purely selfish actions have only served to destabilize the country both economically and militarily.  He has, almost single-handedly, put our nation back on the brink of another Civil War.  And when this inevitably happens, the blood will be on the hands of the international community.

    Former President Farmaajo will never, under any circumstances, relinquish power in this country back to the people of Somalia.  As he has been since his first day in office, he is in this thing for himself in order to increase his own political power and supplement his own personal wealth.  He has never had the back of the people of Somalia and this country is far worse off for it.

    The great people of Somalia have recognized this fact for many years and its high time the International Community opens their eyes to the grave conditions Somali lives in and immediately stop enabling former President’s reprehensible behavior.

    According to recent UN projections for 2022, an estimated 7.7 million Somalia citizens will require humanitarian assistance and protection.  This figure represents nearly half the country’s population, yet the UN continues to provide a platform for Farmaajo to spread his lies and misinformation to nations not willing to commit the time and effort to really understand the catastrophe that is occurring right in front of them.  The tragedy in all this is that it is the women and children who endure the greatest burden of Somalia’s complex humanitarian crises.

    On Farmaajo’s watch, climate and health disasters continue to likewise devastate our country, so much so that, on November 23, the Somali government declared a humanitarian state of emergency because of the droughts laying waste to the land and, yet again, the humanitarian community remains unresponsive as Farmaajo continues to be more concerned about leveraging his own political agenda than on the destruction being inflicted upon his people.

    The people of Somalia are suffering.  Climate emergencies, the COVID pandemic, ongoing terrorist violence and humanitarian crises have crippled a country already on the teetering brink of economic ruins.  And the one thing in common throughout each of these disastrous events has been the administration of former President Farmaajo.  This man has been and obstacle to peace.  This man has been a barrier to progress.  This man has been an obstruction to justice.  And this man has been a pillager of democracy.

    Somalia is teetering on the brink of a major breakdown once again. The latest election standoff highlighted how the worst political crisis in years could easily spiral further downward. If left unresolved, it has the potential to return the country to civil conflict, undoing fragile gains made over the past decade and a half

    The people of Somalia call for a moratorium today.  We demand that the US Government, United Kingdom, EU & UN to stop providing a stage for this man to spread his dishonesty and deceitfulness to the world.  We call for all humanitarian nations, especially the United States and the United Kingdom, to stop enabling the behaviors of a narcissistic fiend disguised as a representative.  Former President Farmaajo has no constitutional mandate to represent the people of Somalia and the people of Somalia would very much like to keep it that way.

    Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com Twitter @osmando

     

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

     

     

    The post United States & International Community must show willingness to punish election spoilers appeared first on Caasimada Online.


  15. (SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda Beesha Caalamka gaar ahaana waddamada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda,ayaa la filayaa inay soo gaadhaan dalka maal-maha soo socda,kuwaas oo socdaalkooda uu ku soo beegmayo xilli uu dalka ka jira khilaaf-siyaasadeed,kaas oo u dhaxeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda KULMIYE,isla markaana salka ku haya xeerka ururradda iyo axsaabta ee xeer Lr 14.

    Warar uu Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay inay weftigaas ay imanayaa dalka maal-maha soo socda,waxaana la sheegay inay weftiga ay kamid yihiin safiiro iyo diblomaasiyiin iyo xubno kale,kuwaas oo ka socda waddamada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

    Weftiga oo la filayo inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo shir guddoonka Golaha Wakiillada,wallow uu socdaalkoogu ku soo beegmay xilli uu khilaaf siyaasadeed uu ka jiro dalka,kaas oo u muuqda mid cirka isku sii sharreeraya mar-ba marka ka dambaysa,wallow haddana lagga dhursugayo go’aanka Maxkamadda dastuuriga ah,haddana waxa jirta cabsida la xidhiidha inuu khilaafkaas uu sii daba dheeraado.

    Dhanka kalene lama ogga in weftigan waddamada reer Yurub ee dalka ku soo jihaysan inay dalka u imanayaa hadda siidii ay gacan uga geysan lahayeen xalinta khilaafka u dhaxeeye Xukuumadda iyo Mucaaradka iyo in kale,hase-yeshee waxa la tuhunsan yahay in ay arrintaas ay kamid tahay arrimaha ay u imanaya xilligan dalka.

    Source


  16. (SLT-Hargeysa)-Beesha West Burco Clan ayaa maal-mihii ugu dambeeyey kullamo gaar-gaar ah uga socdaan Magaallooyinka waa weyn ee Hargeysa,Berbera Burco,Ceerigoobo iyo deegaanadda kale ee ay beeshu degto,kuwaas la sheegay inay la xidhiidhaan xaaladda hadda dalka ku soo korodhay.

    Kullamadan ayaa la sheegay in ay qoor weynta Haldoorka iyo aqoon-yahanka Beesha Garaxjis ay diirradda ku saarayaan arrimo baddan,kuwaas oo ay kamid yihiin murranka siyaasadeed ee hadda dalka ka curtay ,waxaana la filayaa in mawqifka Beesha ee ku aadan xaaladdan hadda dalku ku jira ee murranka iyo jahawareerka inay war ka soo soo saari doonnaa maal-maha soo socda.

    Guddida Garaxjis oo fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa ayaa ah xuddunta isku xidhaysay dhaq-dhaqaaq-yaddan Beesha, taas oo maal-mahan si weyn looga darreemayo dhaq-dhaqaaq,waxaana la filayaa in mawqifka Beesha ee arrintan ay ugu dambayn ku dhawaaqi doonto guddida Beesha Garaxjis,haseyeeshee waxa la sheegay inay ka dhur-sugayaan Go’aanka Maxkamadda Sarre ay ka soo saarto murranka siyaasadeed,kaas oo ah ka ay ku go’aan qaadanayaan marka uu soo baxo.

    Dhanka kalene guuxa iyo uugaanka ayaa cirka isku sharreeray tan iyo markii Madaxweyne Biixi uu Magaalada Berbera iyo Haregeysa uu shalay kaga dhawaaqay in doorashada ururrada la gelayo,isla markaana ay sannadkan soo socda hal doorasho ka dhacayso dalka,taas oo muujinaysay in uu dib u dhigayo doorashada Madaxtooyadda,waxaana haddalka Madaxweynaha uu sii kiciyey xaaladda siyaasaddeed ee dalka,kaas oo gaas ku sii shubay arrintan cakiran.

    Suldaan Maxamed Muuse Cunne oo kamid ah madax-dhaqameedka Beesha oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay sidan:-“Haddii aad doorasho qaban weydo oo ay sidan hadda aan arkayno ay u sii socoto waxay teggi doontaa meel ka xun,waxaan leeyahay libaax laba raqood laggama wadda kiciyo,waxaan leehay soddon sannadood,ayaad fadhideen oo aad soo haysteen meesha,maanta oo ay tahay maalin-tayaddii in ciid lagu shubo oo la yidhaah ama ku cunnay ama ku ciiddeeyey walaahi in aannanu aqbalayn.”

    Isagoo intaas ku sii darray “Maalinta aynu innagu ku soo dhawnay kursiga ayaa arrintaas timaddaa iyo murrankaas iyo is qabsigaas,taasi waxay muujinaysaa in aan meeshaba la inoo oggolayn.”ayuu yidhi

    Suldaan Maxamed Muuse Cunne ayaa farriin u diray Beesha West Burco Clan,waxaanu sheegay in aan maanta doorasho mooyee aan wax kale la aqbalin “Beeshayda waxaan leeyahay soddon sannadood ayaan al-baabkaa garaacay-nay oo iminka al-baabkii ayaynu taaganay,laba Xisbi oo xoog leh ayeynu leenahay,labadaas xisbi waxaynu ku weynay urur maanta ku heli mayno,Madaxweyne waxaan ku leeyahay intii 1996 nagaga dhimmatay naf iyo maal wax  ka baddani naggaga biximayaan..”

    Geesta kalena Suldaan Maxamed Muuse Cunne ayaa farriin u diray Musharrax Cirro iyo Faysal Cali Waraabe “Faysal iyo Cirro waxa aan leeyahay in baddan ayaad dul-qaadateen oo wax-baddan aad samayseen,midhaah nacas-nimo ayuu Madaxweynuhu u arkay ummay-daan tol waayin ummay-daan taag waayin ummay-daan tallo waayin, maanta waxa aan leeyahay wax-ba haka aqbalina,wixii sharci ah sharciga u marra,wixii  intaa dhaafsiisana annaga ayaa idiin joog-na.”ayuu yidhi

    Dhanka kalene Mujaahid Cali Guray oo isna arrintaas ka hadlay ayaa sheegay yidhi “Hadii mar kale Shirqool Lam.14 uu khilaaf siyaasi ah abuurayo ta ugu xumi waa hadii looga jeedo in doorashada madaxtooyada aanay ku qabsoomin wakhtigeedii ee muddo kordhin sharci darro ah mar kale xeerkan loo adeegsado oo la yidhaa maxay samayn karaan WADDANI Iyo UCID indhahooda oo shan ah ayaa Madaxwaynaha laba sanadood loo kordhin ka dibna musharax kale oo ka heli kara ayuu ku wareejin doonaa riyina ri hirdiyi mayso eh. Markaa taasi ma Ciro iyo Faysal diid baa mise waxa loo fasiran karaa qori-isu-dhiib iyo West Burco Clan ama Habar Yoonis-diid.”ayuu yidhi .

    Isku soo wadda duuboo Beesha Gaxajis ayaa kullamo kale duwan oo ay kaga arrinsanayaa xaaladda dalka ay uga socdaan Magaallooyinka dalka iyo deegaannada ay Beeshu degto,waxaana la sheegay inay Beesho ay ka dhursugayso hadda go’aanka Maxkamadda Sarre, kaddib-na ay soo saarrayso Mawqifkeeda ku aadan xaaladdan.

    Source


  17. PhotoCollage_20211228_165205012.jpg?resi

    Lix (6) xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, waxaana mudaneyaasha la doortay afar (4) ka mid ah ka tirsanaayeen baarlamaanka 10-aad ee waqtigoodu dhammaaday.

    • FB_IMG_1640697323830.jpg?resize=720%2C47Cabdirashiid Jire Qalinle

    Wasiirkii hore ee Maaliyadda Jubaland Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-082, wuxuuna helay 75 cod, halka Siyaad Aadan Iidle oo la tartamay uu helay 20 cod.

    • FB_IMG_1640697330108.jpg?resize=720%2C48Xasan Cabdi Ismaaciil

    Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firinbi) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-217, wuxuuna helay 71 cod, halka Maxamed Farax Muxumed oo la tartamay uu helay 20 cod.

    • FB_IMG_1640687029957.jpg?resize=721%2C48Hamse Cabdi Barre

    Hamse Cabdi Barre ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-203, wuxuuna helay 69 cod, halka musharaxii la tartamay Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17 cod, waxaana la sheegay in ay xumaadeen 15 cod.

    • FB_IMG_1640697337130.jpg?resize=720%2C47Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug)

    Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-108, wuxuuna helay 76 cod, halka Ibraahim Cabdulle Ibraahim oo la tartamay uu helay 19 Cod.

    • FB_IMG_1640697350679.jpg?resize=720%2C48Sahra Qoorsheel

    Sahra Jaamac Cali (Qoorsheel) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-134 ee Golaha Shacabka, kadib markii ay u tanaasushay Fartuun Axmed Yuusuf. Waxaa hab gacan taag ah ugu codeysay 97 cod.

    • FB_IMG_1640697345390.jpg?resize=720%2C48Maryan Aweys Jaamac

    Sidoo kale Maryan Aweys Jaamac ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-113 ee Golaha Shacabka, waxayn heshay 83 cod, halka Saynab Cali Magaanga oo la tartantay ay heshay 15 cod.

    PUNTLAND POST

    The post Lix xildhibaan oo lagu doortay Kismaayo appeared first on Puntland Post.


  18. (SLT-Muqdisho)-Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray War saxafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay ku cambaareeyeen isku day ay ku sheegeen inuu ahaa afgambi dhicisoobay.

    War saxafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxay ku dalbadeen in baadhitaan deg deg ah lagu sameeyo, islamarkaana dacwad lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacan siisay afgambigii shalay fashilmay.

    Golaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay raysal wasaraaha Soomaaliya go’aanka geesininada leh ee uu ka qaatay isku daygii lagu afgambin rabay, islamarkaana uu ku shaaciyay in dalka uu aadayo doorasho xor iyo xalaal ah.

    Waxaa sidoo kale ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta inay dalbanayaan in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday si deg deg ah uga baxo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, si ay meesha uga baxdo carqaladaha iyo shirqoolada uu kasoo maleegayo madaxtooyada.

    Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta.

    Source


  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si dabacsan uga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka, marka loo eego mowqifka Midowga Musharaxiinta uu qeybta ka yahay.

    Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in tallaabadii shalay awood ciidan loogu adeegsaday Rooble uu aad uga xun yahay, taasi oo ku tilmaamay mid sax aheyn oo ka weecatay sharcigii iyo dhaqankii wanaagsana ee dowladnimada.

    “Marxalada hadda la jooga waa marxalad aad u xasaasi ah oo ay tahay in awoodeena iskugu geyno dhameystirka doorashooyinka, lana saxo khaladaadka ka jira iyo mugdiga, taas waddo aan aheyn oo furan majirto, wado kasta oo taas kasoo harta waxay horseedi kartaa burbur iyo dhibaato, diyaarna uma aha dadka Soomaaliyeed inay galaan mugdi siyaasadeed iyo dhiig daata,” ayuu yiri.

    Waxa uu intaas kusii daray inay muhiim tahay in ciidamada qaranka aan loo adeegsan dano siyaasadeed gaar ah oo ay dhowraan sharciga iyo dowladnimada, ayna ka fogaadan in si qaldan loo adeegsado.

    Shariif ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ugu baaqay in uu joojiyo carqaladeynta doorashada iyo sida qaldan uu u adeegsanayo ciidanka Qaranka, islamarkaana uu Ra’iisul Wasaaraha ku garab siiyo dhameystirka doorashada.

    “Dadka Soomaaliyeed waxay kuu muujiyeen kalsooni oo waxay ku siiyeen codkoodi, intii karaan ahna waa lagula shaqeeyay, doorashada hadda socota qeyb ayaa ka aheyd oo adaa hogaaminayay, adoo raali ah ayaa baarlamaanka hortiisa ku wareejisay Ra’iisul Wasaaraha, marka waxaa ku leenahay u daa Ra’iisul Wasaaraha shaqadiisa ha ka fara-gelin. Dadka Soomaaliyeed ayada oo xiligaagii dhamaaday inay kula shaqeeyaan oo ka aamusan ayey goosteen, ha ku darsin in cid kale sharci darro uga qaado xafiiska.”

    Sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay inay ku fara adeegan sharciga iyo doorashooyinka, meelna uga soo wada jeestan cid kasta oo rabta dariiqa ka duwan.

    “Farmaajoow qofka wax badan oo la xiriira doorashada heli kara waa adiga ee Ra’iisul Wasaaraha ku garab sii, waxaa banaanka jooga dad badan oo kulamid ah oo musharrixiin ah kuna qancay inay ka qeyb galaan doorashada, sidoo kale Ciidamada aalabka sida ha u adeegsan siyaasadda oo in badan aad soo sameeysay.”

    Ugu dambeyntiina waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay gacan ku siiyan shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho nabdoon oo xilka u sareeya ee dalka lagula kala wareego.

    Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa aad uga dabacsan midkii Midowga Musharaxiinta ay maanta soo saareen, kaasi oo ay ku dalbeen in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Sheekh Shariif oo qabtay shir jaraa’id oo ka duwan dalabkii Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.


    • PhotoCollage_20211228_153912073.jpg?resiAdam (bidix) iyo Xasan (midig)

    Labo wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka horyimid qoraalka ka soo baxay Wasiirka Amniga ee la xiriira xariga Mukhtaar Roobow.

    Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xasan Cabdinuur Cabdi iyo iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir oo ka soo jeed maamulka Koonfur Galbeed ayaa go’aanka Wasiirka Amniga ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo meel ka dhac ku ah maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed.

    “Waan ka soo fudubney xiligii shaqsi, koox iyo qowleysato gaar ah cabsi gelin jireen Koonfur Galbeed. Waa la isbaran” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya.

    Sidoo kale Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa yiri “25 sano ka hor shaqadii aan duurka u galnay, qofka ku fekeraya in aan ka aqbalo maanta oo aan talo iyo taagba haysto, waxaan filayaa in uu waalanyahay. Talada tiimaaha, dadkuna kuwii maaha”.

    Qoraalka ka soo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa lagu faray Ku-simaha hay’adda NISA Yaasiin Farey in uu 48 saac ku soo gubdiyo xogta la xiriirta sababta loo xiray Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).

    PUNTLAND POST

    The post Laba Wasiir oo Ka Horyimid Dalabka Wasiirka Amniga appeared first on Puntland Post.


  20. Golaha midawga musharixiinta ayaa bayaan ka soo saaray afgambigii shalay ay sheegtay xukuumadda in dalka lagu soo qaaday balse uu fashilmay.

    Midawga ayaa sheegay in wax aad looga xumaado uu yahay afgambi uu sameeyay madaxweynaha Waqtig uu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaaj.

    War-saxaafadeedka ka soo baxay midawga musharixiinta ayaa sidoo kale loogu baaqay in dacwad deg deg ah lagu soo oogo Farmaajo kadib markii uu isku dayay in uu afgambiyo hay’adaha dowladda.

    Hoos ka akhriso war-saxaafadeed golaha midawga Musharixiinta.

    golaha.jpg

    Source: goobjoog.com


  21. TPLF oo weeraro cusub qaaday

    tplf.jpg
    TPLF ayaa weeraro cusub waxay ku qaadeen qaybo kamid ah degaanka Canfarta, sida uu warbaahinta u sheegay masuul u hadlay dowlad degaanka Canfarta.
    Weerarkan ayay kooxda TPLF waxay ku qaaday magaalada Cabcala oo u dhaw magaalo madaxda degaanka Tigray ee Maqale, wuxuuna masuulka u hadlay degaanka Canfarta uu sheegay in weeraradaas oo ahaa kuwo culus ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah, isla markaana ay shacab badani ku barakaceen.
    Dhanka TPLF ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxay, oo ku saabsan weerarka la sheegay in TPLF ay ku qaaday degaanka Canfarta.

    Qaran News


  22.  Abwaan Daaha Gaas oo ku tufay Ex-Maayir Muraad
     daahe-gaas.jpg
    “Waxa ceeb ah in maayarkaa cusub ee dadaalaya ee Burco loola dhaqmo si anshaxa ka baxsan, hadii uu maayarkii hore waxaa bilaabo anaguna Cabdirisaaq Hero, ayaanu harab istaagaynaa”.
    “Burco iyo abtiyaashii way ka xishoodeen sxbkay ina muraad isna maanta inuu eryadaa waa ku ceeb maayarkeenu waa hero”.
    Burcoy kala qaybintiyo
    Labadii beelood la Dhaaf
    Beentiyo ku maxaafsigii
    Manihin bari iyo galbeed
    Daamiyo kala baal hadeer
    Bogiyo beerkii is jecel
    Baahiyo isku dhiba dareen
    Bulshada isku jiidha iyo
    Burcada dib u dhalatayee
    Wanaaga u barantatiyo
    Dunida baacsantaynu nahay
    Barbaar taan dooranee
    Hiilkaaga usoo banbaxay
    Ayaan nin danlihi birayn
    Qabyaalada lagu budhayn
     daaha.png
    Abwaan Daaha Abdi Gaas

    Qaran News