-
Content Count
213,289 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow u kicitimay dalka Imaaraadka halkaas oo ku tagayo booqasho tii ugu horeysay ee uu ra’isul wasaare Soomaaliyeed sameeyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.
Safarkan Rooble ayaa kusoo aadaya iyada oo uu aad xumaa xiriirka labada dal tan iyo April-2018 kolkaas oo Muqdisho ay la wareegtay $9.6 milyan ah oo ay leedahay Abu Dhabi taas oo uu ra’isul wasaare Rooble naftiisu raaligelin ka bixiyey, waxaa kale oo hadda isbadalay xiisaddii gobolka Khaliijka iyada oo ay heshiis gaareen Qatar iyo dalal kale oo uu Imaaraadka ku jiro, waxaa kale oo xusid mudan in Sacuudiga oo xulufo la ah UAE uu safiir usoo diray Muqdisho, arrimhaas oo lagu daro doorashada xilligan ka socota dalkeena ayaa xiisad gaar ah u yeeleysa booqashada.
Haddaba, Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa 7 qodob oo ay ka tahay in Rooble Kala Hadlo Abu Dhabi:
1. Fududeynta Ganacsiga iyo Fiisaha: 4-tii sano ee tagtay, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa culeys kala kulmay Imaaraadka, oo marriin muhiim ah u ahaa ganacsiga, fiiseyaasha iyo tashiilaadkii kale ayaa meesha ka baxay, oo adkaaday, waxaana la joogaa in Rooble uu safarkan uga faa’ideysto arrintaas, kalana hadlo madaxda dalkaas sidii Imaaraadka ay albaabada ugu furi lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.
2. Fududeynta Ganacsiga: Soomaaliya waxaa ay Imaaraadka u dhoofin jirtay xoolo, dahab iyo alaabo kale oo qiimo badan, oo ku kacayey ilaa 200 milyan oo doolar sanadkii, Rooble waa inuu safarkan kala hadlo Imaaraadka sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay suuqyo cusub uga heli lahaayeen UAE.
3. Tababarka Ciidanka: Imaaraadka waxay joojiyeen tababar ay siin jireen ciidamada ku sugan Banaadir, iyaga oo horay u tababaray ciidamo ka badan 2407, oo lagu daray ilaa 2,000 oo Puntland ah, uuna bixin jiray weliba mushaarkooda, waxaa intaas dheer in ay fureen saddex xarumood oo tobabar. Rooble waa inuu kala hadlo soo celinta adeeggaas.
4. Taageerada Caafimaad: Imaaraadka waxay xireen April 16, 2018 Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, waxaa si lacag la’aan ah maalin walba loogu daweyn jiray 200-300 oo ah bukaanno, waxaana ka hawlgeli jiray 40 qof oo Soomaali ah, 14 ka mid ah ahaayeen dhakhaatiir leh taqasusaaad kala duwan. Rooble waa inuu kala hadlo Imaaraadka soo celinta hawlahaas muhiimka u ahaa dadka.
5. Kabka Miisaaniyadda: Imaaraadka iyo Sacuudiga waxaa ay qeyb ka ahaayeen dalalka kabo miisaaniyadda Soomaaliya iyaga oo sidoo kale taageeri jiray dhismaha maamullada. Rooble waa in safarkan uga faa’ideysto soo celinta kabka miisaaniyadda, gaar ahaan sanadkan oo doorasho socoto.
6. Wax Kaqabashada Abaaraha: Imaaraadka waxaa ay xilliga Soomaaliya ka taageeri karaa wax kaqabashada arrimaha abaaraha, iyada oo 7 milyan ay dhibaato heyso, waxaana muhiim ah in Rooble uu arrinkaas kala hadlo Abu Dhabi.
7. Maalgeshiga: Imaaraadka waxa ay maalgeshi ku sameysataa maamullada sida Somaliland iyo Puntland, iyada casriyeynayo dekadda Berbera oo ku bixisay $442 million muddo 30 sano ah halka 30 sano kale ay dekadda Boosaaso,ku bixineyso $336 million, waxaa la joogaa in Rooble uu UAE kala hadlo in Imaaraadka sida Turkiga oo kale ay toos ugu yimaadaan Muqdisho, taasi oo alaabka u furi karta dalalka kale ee Khaliijka.
Ugu dambeyntii, Rooble waa inuu mas’uulkiyad iska saaro in UAE uu kala hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaalanka argigixisada, joojinta dhoofka dhuxusha, ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo arrimo kale.
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.
The post Ajendaha R/W ROOBLE ee Imaaraadka: 7 qodob oo ay tahay inuu hordhigo Abu Dhabi appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - A court in Mogadishu has stopped the country's Prime Minister Mohamed Roble from returning $9.6m seized by security forces in 2018 to UAE shortly after the PM left for the Gulf nation.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Banadir regional court today issued further restrictions on $9.6 million seized by security forces at Mogadishu International Airport in 2018 for allegedly violating monetary regulations.
Banadir regional court instructed the Finance Minister and the Governor of the Central Bank not to release the funds to United Arab Emirates government. The court’s decision follows a visit to the UAE by the Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble who is visiting the Gulf country.
In January, Roble commended UAE government for for humanitarian aid and apologized to the Emirati government for the seizure of money. He promised the money would be returned to UAE government.
“The Finance Minister and Governor of the Central Bank are notified of the ongoing investigations into the money seized at Mogadishu International Airport. The money should not be handed over to anyone while investigations are still ongoing” reads the court injunction in line with a Presidential Directive that rendered the Prime Minister’s pledge to UAE government legally ineffective.
© Puntland Post, 2022
The post Somalia Regional Court Slaps Further Restrictions on ‘UAE Money’ appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Baydhabo ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa manta lagu doortay 5 kurisi, oo ka tirsan golaha shacabka oo ka mid noqnaya Baarlmaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.
1Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 177 ayaa waxaa ku soo baxay musharrax xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo 175 ayaa kaga guuleystay Maxamed Abuukar Kheyre, oo ka helay 16 cod, wadarta codadkii la dhiibtay
2 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#188 ayaa waxaa ku gulaystay Maxamed Cabdi Maxamed oo 73 cod kaga guuleystay musharraxii la tartamay Cabdisamad Aadan Isaaq oo helay 23, halka uu halaabay 1cod wadarta codadkii Ergadu dhiibatay.
3 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#185 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo 73 cod kaga guulaystay musharraxii la tartamay Maxamed Nuur Maxamed oo helay 24 cod, 6 lix cod ay halaabay wadarta guud.
4Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 159 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax Maxamed Barre Maxamuud oo 73 cod kaga guulaystay musharrax Cabdullaahi Maxamed Isaaq oo la tartamay oo 23 cod, wadarta codadkii guud ee Ergadu dhiibatay.
5Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 175 ayaa waxaa ku soo baxay musharrax Dr. Cabirashiid Maxamed Nuur oo 70 kaga guulaystay musharrax Aadan Maxamed Ibraahim oo la tartamay oo 22 cod, 3 ayaa halaabay wadarta guud ee codadka.
Xildhibaannadaan manta lagu doortay ayaa waxaa ay ka mid noqonayaa tiro xildhibaanno ah kuwaas oo maalmihii tagay lagu doortay magalaada Baydhabo, waxaana ay ka mid noqnayaa Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka, kaas oo lagu wado in laga soo gabagabeeyo doorashadiisa February 2022-ka.
G
Goobjoog News
-
Balcad (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa dab qabad siiyey tuulooyin ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Tuulooyinka ay Al-Shabaab dabka qabad siiyeen ayaa kala ah Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad kadib markii uu halkaas dagaal ku dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda.
Wararka laga helayo halkaas ayaa sheegaya in Dadkii daganaa tuulooyinkaas ay isaga barakaceen kadib markii la gubay guryihii ay daganaayeen isla markaasna la dilay qaar ka mid ah dadkiii halkaas ku noolaa.
Mareerey oo qiyaastii 5 km Waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayaa shalay galinkii dambe dab la qabad siiyay, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.
Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.
Gudoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in sababta loo gubay tullooyinkaas ay tahay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayay Al-Shabaab.
The post Al-Shabaab oo oo fal yaab leh ka sameysay deegaano ku dhow magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble left for the United Arab Emirates on Sunday, weeks after announcing that his government will improve relations with the Gulf state.
-
Munaasibad Derejo loogu xidhay Saraakiil & Ku-xigeeno M/weyne Muuse Biixi DalacsiiyeyWasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland mudane, Saleebaan Warsame Guuleed iyo taliyaha ciidanka asluubta sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa ka qayb galay xafladda darajada loogu xidhayay sarakiisha iyo saraakiil xigeenada ciidanka Asluubta Somaliland, kuwasa oo madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi dalacsiiyay.Tirada saraakiisha la dalacsiiyay ayaa dhammeyd 32 sarkaal oo kala ah 11 sarkaal oo u dalacay darajada gaashaanle sare iyo 21 sarkaal oo u dalacay daarajada gaashaanle dhexe.Sidoo saraakiil xigeenada dalacay ayaa iyaguna ahaa 384 sarkaal xigeen, iyada oo isugeynta darajada la bixiyey wadarteeda guud tahay 416 xubnood. -
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre Michael oo wareysi siiyay BBC-da ayaa si lama filaan ah shaaca uga qaaday in ay iyaga iyo dowladda Itoobiya uu u socdo wada hadal dadban, oo waxtar leh.
Gebremichael ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan, sidoo kalana wuxuu sheegay inay rabaan in colaadda ka jirta gobolka Tigray lagu dhameeyo xal nabadeed.
“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael.
Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaaro colaadda Tigray.
Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.
Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba damaca madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee uu ku tirtiri rabo ururkan ayaa la filayaa inay wadahadallada labada dhinac ka dhigaan kuwo adag.
Arrimahan oo dhami waxay kusoo aadayaan xilli dalku uu si guud uga socdo diyaar garawga wadatashi heer qaran ah oo uu horey ugu dhawaaqay Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa muddo sannad ka badan ku dagaallamayay gobolka Tigray, inkastoo dagaalku uu markii dambe ku fiday degaannada deriska la ah Tigray ee Axmaarada iyo Canfarta, walina uu kasii socdo dhinaca Canfarta oo ay ku dagaallamayaan TPLF iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Canfarta.
The post Hoggaamiyaha TPLF oo shaaciyey arrin lama filaan oo la xiriirta dagaalka Tigray appeared first on Caasimada Online.
-
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha uu wakhtigiisii dhammaanay ee Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda mid raadinaya qiil uu ku helo muddo kordhin,waxaanu hadda isaga iyo Xukuumaddiisa ay maal-mihii ugu dambeeyey fagaarayaasha ka sheegayaan in doorashada ururrada ay soo horrayso, iyagoo iska indho tirayaa sharciga dalka iyo dastuurka.
Madaxweyne Biixi ayaa isku dayeya inuu doorashadiisa Madaxtooyadda uu dib u dhigo, halka uu haddii ay suuragashana uu qorshanayo in ta ururrada siyaasaddada uu soo qadimo, taas oo Xisbiyadda Mucaaradka ahi ee ay iyana ka biyo diidsan yihiin, isla markaana ay leeyihiin doorashada Madaxtooyadda ee soo horaysa qabo horta ” Muuse Biixi wuxuu damcay in uu doorashada dib u dhigo, oo uu Xisbiyada meesha ka saaro, oo uu lasoo baxo laba xisbi oo uu ka guulaysan-karo,taas-na kaama yeellayno marnaba nagama wanaagsanid,Waxaanu haysanaa shahaado 10-sanno ah, waxaana lanoo siiyay in aanu laba jeer ku tartanno”
Guddoomiye Faysal ayaa intaas ku darra “Muuse waxaan leeyahay,hadaad diido in aad doorasho qabato 13 november 2022-ka, marka wakhtigaagu dhammaado ma oggolaanayno inaad sii fadhido, labada xisbina ma oggolaanayaan,taageerayaashayadduna ma oggolaanayaan, kamana talinaysid halka ay joogaan taageerayaashayadu.”ayuu yidhi Faysal
Waxa kale oo sheegay Guddoomiye Faysal “Muuse Biixi, 1994-kii ayaan Finland kalasoo hadlay, waxaan ku idhi dalka dagaal ha galin, waakii galiyay iyadoon Cigaal ogayn, ilaa laga qaaday xilkii Wasiirnimana dalku muu dagin”
Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:- “Xisbiga KULMIYE markii uu soo bandhigay qorshihiisa maamul wanaagga oo ahaa tiirka lixaad ee barnaamijkoodii ay ololaha ku galeen, waxa uu sheegay inuu ka hortagi doono dib u dhac kasta oo doorasho sifo kasta ha ku yimaadee, haddaba afar sanno kadib ballantaasi way la xumaatay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, Muuse waxa ka muuqata in uu maalmahan u ololaynayo oo uu u durbaan tumayo muddo korodhsi xaaraan ah oo sharci darro, waxaanu leenahay ku suurtoobi mayso, waxa kale oo aanu leenahay ballanqaadkii qornaa ee aad bulshada u soo bandhigteen ragbaa Alle idinka dhigaye ha beenina” Guddoomiye Xirsi
Geesta Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay isna in doorashada Madaxtooyadda wakhtigeedii laggu qabto, isla markaana ay doorashada ururrada dambayso,waxaanu ka digay haddii doorashada ururrada la soo qadimo in dhibaato ay ka dhallan karto”Waxa aan aqaan annigu xeerka iyo dastuurka inta baddana in la raaco oo la illaaliyo ,Xisbiyadda waxa u hadhay 11 bilood ururraduna waxay xaq u leeyihiin in ay la tartamaan 11 bilood marka ay dhammadaan,sheekadda odhanaysa doorashada Madaxtooyadda ka hor ayaa ururrada lala tartansiinayaa ,Xisbiyaddana jirana shir qool iyo mu’aamarada Somaliland dimuqraadiyadeed laggu mijo xaabinayo ayaan u arkaa ,waayo sharciga ayaan raacsanay xeerkuna sidaas ayuu odhanayaa 10 sannadood .”ayuu yidhi
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar culus oo lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka ee uu horey u sheegay ra’iisul wasaaraha Somalia in lagu wareejinayo xukuumada Abu Dhabi, kadib raali-gelin uu siiyey.
Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir, isla-markaana lagu soo aadiyey safarka Rooble uu ku aaday Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.
Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto baaris lagu hayo lacagtan, isla-markaana aan la saari karin bangiga dhexe, illaa inta laga gaarayo go’aanka u dambeeya.
“Sidaas daraadeed lacagtaas lagama saari karo qasanadda dowladda illaa laga soo dhameynayayo baaritaanka iyo go’aan gaariska kiiska lacagtaas ee horyaalla xafiiska xeer ilaaliyo iyo hay’adaha baarista,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda.
Maxakamadda ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaas oo dhan 9,600,000 inay si sharci darro ah kusoo gashay dalka, isla-markaana ay weli hortaallo xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka.
Amarka maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaare Rooble uu amba-baxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay, isaga oo la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi.
Horey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u soo saaray wareegto ka dhan ah tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuuna amar ku bixiyey in lacagtaasi aan laga saari karin bangiga dhexe, isaga oo sheegay in go’aanka Rooble uu yahay mid uu gaaray hal nin, sidaaas daraadeedna aan lagu bixin karin lagacaataasi oo la qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilli laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde.
The post Maxkamadda G/Banaadir oo go’aan culus kasoo saartay lacagta Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
-
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddida Fulinta oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.
Kulankan ayaa lagaga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka gaar ahaan doorashooyinka qorshaysan in ay qabsoomaan sanadkan 2022. Kulankan oo la isku xog-warraystay waxa si weyn loo lafa-guray mawqifka Xisbiga ee arrimaha siyaasadda ee Somaliland ka taaggan iyo u diyaargarowga doorashada madaxtooyada November 13 2022.
-
Cabdi Maxamed Sabriye (Qarafaan) oo soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu tuhmayo, wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland in horumar laga gaadho inay cusleeyeen siyaasadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Wuxuu carrabka ku dhuftay in wadahadalladii ugu dambeeyey markii lagu soo kala tagayey Jabuuti lagu ballamey in la isku soo noqdo muddo labba toddobaad gudahood ah, oo cabashooyin jiray la soo xaliyo.
Xukuumadda Somaliland ayaa doonaysay in si guud deeqda loo wada siiyo Soomaaliya oo ay qeyb ka ahayd, iyadoo saamigeeda gaar loogga dhigo mar waliba.
Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbatey in maamulka hawada Soomaaliya labadda qeybood inay wada maamulaan, iyo qodobka saddexaad oo la xidhiidhey amniga.
Waxaa lagu heshiiyey in saddexda qodob aynnu soo xusney loo saaro saddex guddi farsamo oo soo diyaariya, sida uu sheegay Ex-wasiir Sabriye.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dhinacyadii u kala dab qaadayey labadda dhinac ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, inay ku cuslaatey xalinta dalab ka imanayey Somaliland xalintiisa.
Dalabka Somaliland ayaa ahaa in guddiyada farsamo ee la magacaabo aanay qeyb ka noqon xubno ka soo jeedo Waqooyi, taasoo ay dowladda Soomaaliya maareyn weyday inaan lagu soo darin guddiyada xubno ka socda Waqooyi.
Ugu dambeyntii wasiir Sabriye, ayaa sheegay in xaaladdu dhaafi wayday ka soocista guddiyada farsamo xubnaha ka socda Waqooyi, taasna ay hakisay shirkii lagu ballansanaa in la isugu yimaado muddo labba toddobaad ah.
Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ee wada hadaladii ugu dambeeyey ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo ka dhacy dalka Jabuuti.
Wasiir Cabdi Qarafaan, wuxuu hoggaaminayey xiligii wadahadalka guddiga farsamo ee ka socday Soomaaliya.
-
(SLT- Abu Dhabi)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Sabtidii booqasho ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo uu weli socdo dagaalka uu dalkiisa kula jiro TPLF, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dhaxal sugaha awoodda badan ee Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.
Dagaalka Tigray ayaa socday ilaa bishii Nofembar 2020, wuxuuna dagaalku is beddelay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Tigraygu ay dib ugu gurteen gobolkooda kadib markii ay isku dayeen inay ku sii socdaan caasimadda Addis Ababa, waxaana militariga Itoobiya ay sheegeen inaysan sii baacsan doonin, iyadoo taasi waddada u furtay dadaallo dhexdhexaadin cusub ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika, iyada dhinaca kale gaadhsiinta gargaarka bini’aadantinimado ee gobolka Tiigray ay tahay yool muhiim ah.
Dowladda Itoobiya ayaa isku dayday inay xaddiddo wararka dagaalka waxayna xidhay qaar ka mid ah saxafiyiinta, kuwaas oo uu ka mid ahaa muuqaal-duubaha AP Amir Aman Kiyaro, iyada oo adeegsaneysay xaaladdii degdeg ee dalka la galiyay. Khubarada ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Itoobiya ay u muuqdaan in lagu xoojiyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay kasoo iibsatay Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraadka.
Dhinaca kale, madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa booqashadii ugu horreysay ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Axaddii, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo doonaya inuu xoojiyo xidhiidhka Khaliijka, xilli xiisadda gobolka ay sii xumaaneyso, iyadoo quwadaha adduunka ay isku dayayaan inay soo nooleeyaan heshiiskii Nukliyeerka ee Iran.
“Waxaan la kulmi doonaa hoggaanka Isutagga Imaaraadka Carabta, anigoo martiqaad shakhsi ah ka helay Sheikh Mohammed bin Zayed, oo ah dhaxal-sugaha Boqortooyada,” ayuu yidhi Herzog.
Imaaraadka, oo ay weheliso Bahrain, ayaa heshiisyo caadi ah oo Maraykanku dhexdhexaadiyay la saxeexday Israel, iyadoo heshiiskaas oo ka dhacay Aqalka Cad sanadkii 2020 loogu magac daray “Heshiiska Abraham”. Labadan waddan ee Khaliijka iyo Israa’iil ayaa wadaagaan welwelka guud ee ku saabsan Iran iyo ciidamada xulafada la ah ee gobolka.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay waddanka Imaaraadka Carabta.
War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble kulamo la yeelan doono madaxda u sarraysa dalka Imaaraatiga .
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kulamadaas looga hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Safarka ayaa ku soo beegmay xillu dhowaan Ra’iisul wasaaruhu raalli-gelin ka bixiyay lacagtii 2018 Muqdisho lagaga xannibay dowladda Imaaraadka.
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul wasaare Rooble oo u safray dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow u kicitimay dalka Imaaraadka halkaas oo ku tagayo booqasho tii ugu horeysay ee uu ra’isul wasaare Soomaaliyeed sameeyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.
Safarkan Rooble ayaa kusoo aadaya iyada oo uu aad xumaa xiriirka labada dal tan iyo April-2018 kolkaas oo Muqdisho ay la wareegtay $9.6 milyan ah oo ay leedahay Abu Dhabi taas oo uu ra’isul wasaare Rooble naftiisu raaligelin ka bixiyey, waxaa kale oo hadda isbadalay xiisaddii gobolka Khaliijka iyada oo ay heshiis gaareen Qatar iyo dalal kale oo uu Imaaraadka ku jiro, waxaa kale oo xusid mudan in Sacuudiga oo xulufo la ah UAE uu safiir usoo diray Muqdisho, arrimhaas oo lagu daro doorashada xilligan ka socota dalkeena ayaa xiisad gaar ah u yeeleysa booqashada.
Haddaba, Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa 7 qodob oo ay ka tahay in Rooble Kala Hadlo Abu Dhabi:
1. Fududeynta Ganacsiga iyo Fiisaha: 4-tii sano ee tagtay, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa culeys kala kulmay Imaaraadka, oo marriin muhiim ah u ahaa ganacsiga, fiiseyaasha iyo tashiilaadkii kale ayaa meesha ka baxay, oo adkaaday, waxaana la joogaa in Rooble uu safarkan uga faa’ideysto arrintaas, kalana hadlo madaxda dalkaas sidii Imaaraadka ay albaabada ugu furi lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.
2. Fududeynta Ganacsiga: Soomaaliya waxaa ay Imaaraadka u dhoofin jirtay xoolo, dahab iyo alaabo kale oo qiimo badan, oo ku kacayey ilaa 200 milyan oo doolar sanadkii, Rooble waa inuu safarkan kala hadlo Imaaraadka sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay suuqyo cusub uga heli lahaayeen UAE.
3. Tababarka Ciidanka: Imaaraadka waxay joojiyeen tababar ay siin jireen ciidamada ku sugan Banaadir, iyaga oo horay u tababaray ciidamo ka badan 2407, oo lagu daray ilaa 2,000 oo Puntland ah, uuna bixin jiray weliba mushaarkooda, waxaa intaas dheer in ay fureen saddex xarumood oo tobabar. Rooble waa inuu kala hadlo soo celinta adeeggaas.
4. Taageerada Caafimaad: Imaaraadka waxay xireen April 16, 2018 Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, waxaa si lacag la’aan ah maalin walba loogu daweyn jiray 200-300 oo ah bukaanno, waxaana ka hawlgeli jiray 40 qof oo Soomaali ah, 14 ka mid ah ahaayeen dhakhaatiir leh taqasusaaad kala duwan. Rooble waa inuu kala hadlo Imaaraadka soo celinta hawlahaas muhiimka u ahaa dadka.
5. Kabka Miisaaniyadda: Imaaraadka iyo Sacuudiga waxaa ay qeyb ka ahaayeen dalalka kabo miisaaniyadda Soomaaliya iyaga oo sidoo kale taageeri jiray dhismaha maamullada. Rooble waa in safarkan uga faa’ideysto soo celinta kabka miisaaniyadda, gaar ahaan sanadkan oo doorasho socoto.
6. Wax Kaqabashada Abaaraha: Imaaraadka waxaa ay xilliga Soomaaliya ka taageeri karaa wax kaqabashada arrimaha abaaraha, iyada oo 7 milyan ay dhibaato heyso, waxaana muhiim ah in Rooble uu arrinkaas kala hadlo Abu Dhabi.
7. Maalgeshiga: Imaaraadka waxa ay maalgeshi ku sameysataa maamullada sida Somaliland iyo Puntland, iyada casriyeynayo dekadda Berbera oo ku bixisay $442 million muddo 30 sano ah halka 30 sano kale ay dekadda Boosaaso,ku bixineyso $336 million, waxaa la joogaa in Rooble uu UAE kala hadlo in Imaaraadka sida Turkiga oo kale ay toos ugu yimaadaan Muqdisho, taasi oo alaabka u furi karta dalalka kale ee Khaliijka.
Ugu dambeyntii, Rooble waa inuu mas’uulkiyad iska saaro in UAE uu kala hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaalanka argigixisada, joojinta dhoofka dhuxusha, ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo arrimo kale.
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
-
Dowaladda jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa waxaa ay dil ku xukuntay 51, ruux oo lagu eedeeyey dil loo geystay khubarro ka tirsan Qaramada Midobey oo dalkaas lagu dilay.
Dadkaan ayaa waxaa la xukumay maalinimadii shalay oo sabti aheyd, waxaana uu xukunku uu dhacay iyadoo dadka qaar ay ka maqnaayeen oo goobta xukunku ka dhacayey, sida ay shaacisay warbaahinta gudaha dalkaasi.
Dadkaan la xukumay ayaa waxaa loo haystaa dilka laba Khubarro ah, kuwaas oo la dilay sanadkii 2017-kii, xili ay baaritan ka wadeen kiis la xariira dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo qolyo maleeshiyaad ah.
Zaida Catalan oo u dhalatay Sweden iyo Michael Sharp oo Mareykan ahaa ayaa la dilay xili ay ku safraayeen gudaha dalkaas ayna wadeen baaritaanka kiiska dagaalka, waxaana dableydu ku weeraren gobolka dhexe ee Kasai.
Dadka lagu xukumay dilka ayaa waxaa ku jira madax ka tirsan waaxda socdaalka dalkaas oo lagu eedeeyey fududeynta dilka loo geystay labadaan ruux eek a tirsan khurabarada Qaramada midoobey eek a howlgalayey dalkaas.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Abu Dhabi ee caasimada waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kasii sagootiyey ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in safarka Rooble uu la xiriiro xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaraha inta uu joogo Imaaraadka uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi.
Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.
Arrimahan oo dil ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Si kastaba, Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.
The post Ra’iisul wasaare Rooble oo u baxay Imaaraadka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
-
Digital business
Rwanda and Ethiopia are using creative marketing approaches to attract e-commerce users in China and increase their exports to the Asian country.
Last week, Rwanda’s ambassador to China, James Kimonyo, rode a bike to deliver Rwandan coffee to a customer who had ordered it from the online retailer JD.com. Donning the company’s attire—a red helmet, face mask, and jacket—and with JD.com workers in tow, Kimonyo went to the customer’s house, delivered the coffee and signed a certificate thanking her for buying a Rwandan product, Rwanda’s New Times newspaper reported.
Later, Ethiopia’s ambassador to China, Teshome Toga, participated in a livestream with top Chinese influencer Li Jiaqi, also known as Lipstick King, on e-commerce retailer Alibaba’s e-shopping platform Tmall to launch and sell a brand of Ethiopian coffee in the country. 11,000 bags of coffee of the Arada Coffee brand, in 500 g packets, were sold in five seconds.
“We have to depart from the conventional way of marketing our products,” Rwanda’s Kimonyo told the New Times. “If you do marketing in the usual way, it is not going to work. That is why livestreaming and the use of online platforms is becoming extremely important for anyone who would want to market here.”
China is the world’s largest e-commerce market
With their marketing strategy, Rwanda and Ethiopia are looking to attract consumers in the world’s most populous country. China has almost 1 billion internet users, and it’s the largest e-commerce market in the world, making the country’s digital space an ideal marketing space for the African countries.
China is Africa’s largest trading partner, with goods worth $254 billion traded between the two last year, according to China’s customs agency. But China’s exports outweigh its imports from Africa. Last year, Africa exported goods worth $106 billion to China and imported goods worth $148 billion from the Asian country.
This trade deficit is likely to reduce reduce, with China looking to import more goods from Africa, particularly agricultural products. The digital approach by Rwanda and Ethiopia to position themselves to sell more of their products to the Asian giant may also give this a boost.
“This trade initiative aims to ensure that Africa can bring back the balance of trade,” said Vera Songwe, the executive secretary of the United Nations Economic Commission for Africa, one of the livestream’s organizers.
Other African countries are also working to increase their exports to China. Kenya, for example, is creating an online platform to sell agricultural products including tea, coffee and macadamia nuts to the Asian country.
Other organizers of the livestream were the Ethiopian government, Alibaba Group, its affiliate Ant Group, and Tmall. Rwanda has partnered with JD.com and Alibaba Group. Both countries are members of the Alibaba-led Electronic World Trade Platform, an initiative to foster a more effective and efficient policy and business environment for cross-border e-commerce.
“This launch demonstrates the benefits that, not only Ethiopia, but Africa can reap in harnessing digitalization,” said Gebremeskel Chala, Ethiopia’s minister of trade and regional integration.
Source: Quartz Africa
The post African diplomats are live-streaming and making deliveries to China’s consumers appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta dib uga bilaabatay doorashada shan kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaasi.
Doorashada kursiga koowaad ee HOP#175 oo la qabtay ayaa waxa ku soo baxay Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) oo helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Aadan Maxamed Ibraahim uu isna helay 22 cod, waxaana halaabay saddex cod.
Kursigan waxaa horay uga fadhiyey xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka.
Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#159 waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Maxamed Bare Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Isaaq, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Barre oo ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa ku dhowaaqay in Maxamed Barre Maxamuud uu helay 72 cod, halka musharaxii la tartamayay uus helay 23 cod.
Waxaa sidoo kale kursigaan ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim oo laga reebay inuu ka qayb-galo tartanka.
Kursiga saddexaad ee HOP#188 waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdi Maxamed oo helay 73-cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdisamed Aadan Isaaq uu heley 27-cod, sidoo kale waxaa halaabay 1-cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.
Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa noqonaya xildhibaankii ugu da’da yaraa ee soo galay Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu yahay kaliya 25 jir, taasi oo taraiikh cusub dhigeysa.
Kursiga HOP#185 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan isaaq Maxamed oo helay 71-cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod. 6-cod ayaana ayaa halaabay.
HOP#177 waxaa kusoo baxay Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) oo helay codad gaaraya 75-cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu kaheley 16-cod. Kursigan waxaa hore ugu fadhiyey xildhiban Ibrahim Yarow.
Koonfur Galbeed ayaa dardar-gelineyso doorashada Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha, waxayna noqota maamulka ugu horreeya qabashada doorashooyinka.
The post Xildhibaan taariikh cusub dhigaya iyo afar xildhibaan oo kale oo maanta la doortay appeared first on Caasimada Online.
“800 Oo Qof Ayaa Ka Shaqeeya Ilaa Iminka Wasaarada Warfaafinta 750 Waa Reer Hargeysa Oo Qudha…” Siyaasi Muniir
in News - Wararka
Posted
Source