-
Content Count
211,733 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Xasan bin Xamsa Hashem, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, sida uu shaaciyey Gadiidka iyo Duulista Hawada.
“Waxaan kawada hadalnay iskaashiga labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu safiirka u ballan qaaday in Qatar ay ka qeyb qaadan doonto horumarinta garoomada iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
“Dhinaca duulimaadyada waxaan isla qaadanay horumarinta garoomada dalka iyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu sii raaciyey Wasiir Duraan.
Ugu dambeyn Duraan Axmed Faarax ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar taageerada ay mar weliba la garan taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Qatar ayaa 5-tii sano lasoo dhaafay garab taagneyd dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna dalka ka fulisay mashaariicyo kala duwan.
Si kastaba, ballan-qaadkan cusub oo ay Qatar u sameysay dowladda federaalka ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho iyo waqti kala guur ah.
The post Sawirro: QATAR oo laba arrin u ballan-qaaday DF appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Xidhiidhka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah hay’adda u doodda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta, ayaa ugu baaqday Waaxda Caddaaladda Maraykanka in ay bilaabaan baadhitaan oo lagu ogaanayo toogashadii 2019-kii booliisku u geysteen nin Soomaali-Maraykan ah oo maskaxda ka bukay.
Muuqaal fiidiyow ah oo dhawaan booliisku sii daayay ayaa muujinayay toogashada Bishaar Xasan, oo 31 jir ah, Abriil 1, 2019. Kaddib markii ay askarta booliisku u tageen isaga oo waddo marayey.
Booliiska ayaa ka shakiyay kadib markii ay sheegeen inuu guntigiisa kalasoo baxay hub. Sidaasna ay ku dhacday toogashada lagu dilay.
Saddex bilayska kamid ah ayaa ku furay rasaas, iyaga oo dhawr jeer toogtay. Labo daqiiqo ka hor inta uusan helin gargaar caafimaad ayuu geeriyooday.
Qareenka u doodayey qoyska Bishaar Xasan ayaa sheegay in Bishaar markii hore aysan ahayn in booliska ay joojiyaan. Xubnaha qoysku waxay sheegeen in Bishaar uu qabay arrimo caafimaadka maskaxda ah.
-
Sheekh Aadan Siiro oo ka hadlay xaaladda Abaaraha ee ka jira Somaliland ayaa yidhi
“Waxaynu awoodna maanta ineynu 10,000 (toban kun) oo booyadood 48 (sideed iyo afartan) saacadood gudahood ku keeno Laakiin waa haddii xukuumaddu u soo jeedo,
Waayo samata bixinta dadka ay abaaruhu saameeyen masuuliyadooda lama wada laha oo xukuumada ayaa leh masuuliyaddaas.”
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Rabdhuure oo hoostaga gobalka Bakool ayaa sheegaya in deegaanka ay gaajo iyo harraad ugu dhinteen saddex qof.
Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen Hooyo iyo laba carruur ah, waxaana wararka ay sheegayaan in ay u geeriyoodeen Gaajo daran oo soo foodsaartay.
Hooyada dhimatay ayaa la sheegay in ay aheyd mid xaamilo ah, waxaana ay u geeriyootay Gaajo daran oo soo foodsaartay xilli ay ku hanti beeshay.
Dhimashada saddexda qof ayaa dhacday todobaadyadii la soo dhaafay, xilli aanan weli maamulka gobalka Bakool aysan ka hadlin.
Waxaa guud ahaan gobalada dalka ay dadku hadda wajahayaan abaar baahsan oo ku dhufatay dalka, xilli gobalada qaar ay sidoo kale jiraan in ay dadka ku dhinteen abarta.
Goobjoog News
-
-
Guddiga hirgelinta doorashadooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay 13 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Baladweyne.
Kuraasta la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP HOP#003, HOP#006, HOP#008, HOP#015, HOP#022, HOP#031, HOP#032, HOP#068, HOP#074, HOP#086, HOP#109, HOP#252 iyo HOP#274.
Kuraasta la shaaciyay ayaa hadda waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay dadka reer Baladweyne xildhibaanada kala ah:-
HOP#003: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Beenebeene.
HOP#006: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Axmed
HOP#008: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Dr Xuseen Cabdi Cilmi
HOP#015: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Xiis Xasan Aadan
HOP#022: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi
HOP#031: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed
HOP#032: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar
HOP#068: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Faadumo Faarax Ibraahim
HOP#074: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cabdullaahi Colaad Rooble
HOP#086: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir
HOP#109: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud
HOP#252: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan
HOP#274: Waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu soo laabto caasimadda Garoowe, kadib safar uu muddooyinkii dambe ugu maqnaa dalka Kenya.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, halkaas oo uu ka waday kulamo hoose oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Imaatinkiisa kadib ayaa la filayaa in ay sii socoto doorashadii xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland, taas oo hakad gelay tan iyo markii madaxweynuhu u safray dalka Kenya.
Sida wararku sheegayaan, Puntland ayaa bilaabaysa degaan doorashada labaad ee magaalada Boosaaso, iyadoo aan weli la dhammaystirin kuraasta taalla Garoowe oo lix kursi ka hartay.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (HOL) - The Hirshabelle regional election commission has announced elections for 13 federal parliament seats on Sunday. The vote will be held in Beledweyne, the capital of the Hiiraan region.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamo kala taabacsan musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo ku sugan Dhuusamareeb.
Iska hor imaadka oo xalay ka dhacay gudaha magaalada ayaa waxaa ka hadashay dowlad goboleedka Galmudug oo digniin culus u dirtay musharixiinta ciidamada la tegay halkaasi.
Taliyaha saldhigga booliska Dhuusamareeb, Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac, inkastoo uusan shaacin khasaaraha ka dhashay, balse wuxuu tilmaamay in la xiray askarta dirirtay
Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame ayaa sidoo kale xusay in dagaalka uu ka billowday tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, balse si dhaqso ah loo xalliyey.
“Saraakiisha ciidamada khilaafku dhex maray ayaa kala dhexgalay ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, waxaana lagu xirey saldhigga booliska askarta bilaabay fowdada,”ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb.
Ugu dambeyn wuxuu digniin adag u diray musharixiinta ciidamada la tegay caasimada Galmudugm wuxuuna la tilmaamay in aan la aqbali doonin falkasta oo dhaawacya amniga.
Si kastaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u tartamaya kursiga HOP#138, halka Cabdullaahi Aadan Kulane loo xiray kursiga HOP#40. labadaan kursi ayaa waxaa doorashadooda la qaban doonaan 14-ka bishan Febraayo oo ku beegan Isniinta.
The post Maxaa sababay dagaalka ciidanka C/llahi Kulane & kuwa CC Shakuur ku dhex-maray Dhuusamareeb? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee maamulka Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo dooraneysa ergada 13 kursi.
Kuraasta odayaashooda la shaaciyay ayaa lagu wadaa in khamiista soo socota lagu doorto magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur galbeed.
-
Tiro ka badan 10 xildhibaan ayaa sheegay inaanay ka qayb galayn Kulanka xildhibaanada golaha wakiilada iyo madaxweynaha ku dhexmaraya qasriga madaxtooyada.
Xildhibaanadan ayaa ku dooday in xilligan oo abaari ka jirto Deegaamada Somaliland aanay habboonayn casuumadda.
Xildhibaan Xasan Ogaal oo ka mid xildhibaanada diiday ka qayb-galka kulanka madaxweynaha ayaa yidhi sida tan
“Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee beri dhacaya iigu ma muuqdo mid munaasib ah, sidaas darteed ka Xildhibbaan ahaan kama qeyb-geli doono laba sababood dartood.
1. In damiirkaygu uu i siin waayey in iyada oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo adag oo qeylo-dhaanta biyo la’aaneed na ay dhinac walba ka soo yeedhayso aan ka qeyb galo xaflad tamashlayn ah. Runtii maanta oo kale Madaxweynaha waa ku mas’uuliyad darro in iyada oo uu og yahay duruufaha adag ee wadanku ku jiro inuu iska xafladaysto waayo xaaladda maanta lagu jiro waxay ahayd inuu umaddiisa la hadlo, shacabka abaaraha iyo biyo la’aantu saameeyeena u gurmado, sidoo kale na uu innoo keeno xalka iyo sidii wax loogga qaban lahaa sicir-bararka iyo shidaalka qaaliyoobay inta ba ee aanu maalin ka hadal.
2. Ta labaad ee aanan kulankaas uga qeyb-geli doonin waxa weeye in kulanku aanu ahayn mid ku qabsoomaya goobtiisii oo ah xarunta Golaha Wakiilada, umana muuqdo
mid si furan looga wada hadlaayo xaalada taagan, sida aynnu ognahayna Madaxweynaha waxa waajibka saaran ka mid ah ee dastuurku faraayo inuu khudbad sanadeed u jeediyo Golaha sanadkii ba hal mar iyo wakhtiyada ay soo kordhaan xaalado deg-deg ah inta ba, sidaas darteed dawladnimo maaha, nimaad sax ahna maaha, shuruucda na meel kaga ma jirto kaalaya aynu xafladaysanee.
Madaxweyne, waxaan ku xasuusinayaa inay umaddan mas’uuliyadi kaa saaran tahay oo lagu gu la xisaabtami doono, Xildhibbaanadu na qado kaaga ma baahna ee waxay kaaga baahan yihiin waa wada shaqeyn iyo inaad ixtiraamto shuruucda dalka iyo ku dhaqankooda. Sidaas darteed, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad is mashquulinta aad ka baxdo oo aad shacabkaaga u naxdo, waxna ka qabato xaaladaha adag ee dalka ka jira.
Mahadsanidiin.”
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur ayaa isaguna diiday kulanka maanta ee madaxweyne Biixi ayaa yidhi sida tan:
“Ma diidin marti soorka m.weynaha, walow maalin hore ku haboonayd, iyo in laysku soo dhaweeyo fulinta iyo golaha wakiilada, se, waqtiga iyo wacyiga siyaasi iyo duruufaha jira ayaa damiirkaygu u diiday dalabka madax weynaha.
$100,000, ka yaraan maayo qarashku beri, hadii biyo loo rogo, loogu gurmado dadkeena abaartu hayso, waxay dhaamin kartaa; 400-500 oo booyadood ($200*500=$100,000).
M.weynuhu masuul waxuu ka yey duruufaha siyaasi ee dalku ku jiro maanta, weli ma uu garan xisbiyadii u yeedh si laysugu soo dhawaado, waftiyo kala duwan ayaa dalka ku soo fool leh oo waxaynu dhamaysan kari wayney u socda inay inoo qabtaan.
Qudbad sanadeedkii dastuuriga ahaa ma uu ixtiraamin mana uu hor iman m.weynahu golaha.
Intaas and more ayaan isu dhaafiyey casuumaada beri.
Maalinta Isniintana waxaan soo jeedin lahaa hala soomo.”
Dhan kale Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka mid ah xildhibaanada ka cudur-daartay ka qayb-galka kulanka Madaxweynaha ayaa yidhi sida tan
“Shakhsiyan waxa aan soo jeedin laha in la baajiyo kullanka berrito ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanadda xaaladda abaareed ee dalku galay dartii waayo? bulshadi doorashada bacadka noo joogsatay oo biyo la’aan soo wajahday in Qasriga Qado lagu cuno waxa ay ka hor imaneysa damiirka iyo dadnimada san, Xildhibaan kastaba ha tago oo dib ha ugu noqdo degmo doorashadiisii oo dadkiisi biyo iyo baad ha la raadiyo. Madaxweynuhu wixii tallo iyo tusmo ah ee uu hayo ha la wadaago Shir-Guddoonka Golaha.”
Xildhibaano shaaciyey inaanay ka qayb galayn martiqaadka madaxtooyada ayaa kala ah
1. Xildhibaan Barkhad Batuun…Waddani
2. Xildhibaan Axmed Nuur Guruje…Kulmiye
3. Xildhibaan Maxamed J. Koodbuur..Ucid
4. Xildhibaan Maxamed-khadar Daahir..Ucid
5. Xildhibaan Siciid Sokeeye…Waddani
6. Xildhibaan Xasan Ogaal…Waddani
7. Xildhibaan Saleeban Nuur Warsame (Food)
Sidoo kale waxa jira xildhibaanno kale oo iyagu ka cudur daartay kuwaas oo tiradooda lagu sheegay laba xildbibaan.
Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu maanta kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada lama oga arrimaha ay ka wada-hadli doonaan
Somalilandtoday kala soco wixii warar ah ee ka soo kordha kulankan
-
Kominsineer Cabdifataax Ibraahim Xasan, ayaa gudbiyay dhambaal uu iskaga Casilay xubintii uu ka ahaa Gudiga doorashooyinka ee Somaliland, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.
Cabdifataax Ibraahim, ayaa is casilaaddiisa la socodsiiyay xafiisyada ay khusayso ee dawladda Somaliland.
Cabdifataax Ibraahim Sheekh waxaa yahay xubinta ugu mudada dheer dhammaan xubnihii soo Maray gudiga doorashooyinka ee Somaliland.
13-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ka midnoqday saddexdii guddi doorasho ee isku xigay uguna dambeeyay ee Somaliland.
Waxaana hadda socda qorshe lagu buuxinayo kaalinta uu banneeyay Cabdifataax Ibraahim.
Xigasho: Cabdishakur Dayip
-
(SLT-Baxrayn)-Xukuumadda Baxrayn ayaa xaqiijisay in ay run yihiin warar warbaahintu tabinaysay oo ah in sarkaal ka tirsan millatariga Israa’iil si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyadaa Khaliijka ku taalla, waxaanu sidaa ku noqonayaa sarkaalkii u horreeyey ee Israa’iili ah ee si rasmi ah uga shaqo gala dal Carbeed.
Wasaaradda arimaha dibadda Baxrayn, ayaa warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladdu Sabtidii ku sheegtay in sarkaalkaa Israa’iili-ga ah ee ka hawl gali doona dalku ay qayb ka tahay “iskaashiga caalamiga ah ee ujeedadiisu tahay ilaalinta nabadgelyada maraakiibta maraya biyaha gobolka”.
Arintan ayaa daba socota heshiiskii ay wada saxeexdeen Baxarayn, Israa’iil iyo Imaaraadka oo Maraykanku ka shaqeeyey sannadkii 2020 oo ahaa in ay dalalkaasi yeeshaan xidhiidh diblomaasiyadeed.
Warbixinta ka soo baxday xukuumadda Baxrayn ayaa lagu sheegay in hawl gelinta sarkaalkaasi xidhiidh la ledahay shaqada isbahaysi caalami ah oo aan la magac dhebin oo ka kooban in ka badan 34 dawladood.
-
Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay shaaciyay liiska kuraasta ugu horreeysa ee lag dooranayo magaalada Beledweyne.
Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle ayaa lagu soo bandhigay liiska 13 kursi oo lagu dooranayo Beledweyne.
Kuraasta lasii daayay ayaa waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay #HOP086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheikh Cabduqaadir haddana uu doonayo Fahad Yaasiin.
Hirshabeelle ayaa noqotay markii labaad ee bilaabay deegaan doorashada labaad iyadoo horay Koonfur Galbeed u dhaqan-gelisay arrintaas.
PUNTLAND POST
The post Hirshabeelle oo shaacisay kuraas lagu doonayo Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamul goboleedkii labaad ee ku dhowaaqa kuraasta deegaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashooyinka dalka ee horay lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu magaaladaasi tegay madaxweyne Cali Guudlaawe oo is-afgarad la gaaray reer Hiiraan oo tabasho xoogan ka qabay maamulkiisa.
Kuraasta doorashadooda la shaaciyey oo la qaban doono maalmaha soo socda ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#003, Hop#006, Hop#008, Hop#015, Hop#022, Hop#031, Hop#032, Hop#068, Hop#074, Hop#086, Hop#109, Hop#252 iyo Hop#274.
Yaa ku fadhiyey 13-kan kursi?
1-Hop#003 waxaa ku fadhiyey Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.
2-Hop#006 waxaa ku fadhiyey Maxamuud Cabdullaahi Axmed.
3-Hop#008 waxaa ku fadhiyey Dr Xuseen Cabdi Cilmi.
4-Hop#015 waxaa ku fadhisay Xiis Xasan Aadan.
5-Hop#022 waxaa ku fadhiyey Cusmaan Maxamed Cabdi.
6-Hop#031 waxaa ku fadhiyeyYuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid ).
7: Hop#032 waxaa ku fadhiyey Khaliif Cabdi Cumar.
8-Hop#068 waxaa ku fadhisay Faadumo Faarax Ibraahim.
9-Hop#074 waxaa ku fadhiyey Cabdullaahi Colaad Rooble.
10-Hop#086 waxaa ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.
11-Hop#109 waxaa ku fadhiyey Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.
12-Hop#252 waxaa ku fadhiyey Cabdicasiis Saalax Armaan.
13-Hop#274 waxaa ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).
The post Maamul goboleedkii 2aad oo shaaciyey kuraasta deegaan doorashada labaad appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu ee dalkaasi.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib ay rasaas fureen ciidmada Kenya ee la qarxiyey.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib qaraxa lalal beegsaday.
Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa, kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday.
Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegatay weerarkan waxa ay shaacisay in halkaasi ay ku dileen ugu yaraan 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sidoo kalena ay gubeen baabuur ka mid ah kolonyada ay wateen.
Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada dalkaasi.
The post Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo qarax culus lala eegtay + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Djibouti announced its support for the Kingdom of Saudi Arabia’s bid to host Expo 2030 in Riyadh, following an earlier statement of support from Mauritania, which affirmed full backing for the Kingdom's bid to host the 2030 event.
-
The Council on American-Islamic Relations (CAIR), the nation’s largest Muslim civil rights and advocacy organization, today called on the Department of Justice to launch an “independent and transparent” investigation into the 2019 police shooting of a mentally ill Somali-American man in Alaska.
-
Caden (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shan ka mid ah shaqaalaheeda Jicmihii lagu afduubtay koofurta Yemen, xilli ay kusii jeedeen Caden.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russel Geekie ayaa sheegay in howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan ee waddankaasi.
Russel Geekie ayaa sidoo kale tilmaamay in ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka aaggaasi ka taliya ay xorriyadooda dib u soo celiyaan saraakiisha Qaramada Midoobay.
Dhanka kalana, diyaaradaha dagaalka Mareykanka nuuca F-22 ayaa shalay gaaray saldhig militari oo ku yaalla dalka Isutagga Imaaraadka Carabka, kaddib marki uu Imaaraadka duqeymo aanan horay loo arag kala kulmay dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ka ciyaara dagaalka lagu hoobtay ee sanadihi dhawaa ka socday dalka Yemen, isaga oo qeyb ka ah dowladaha Carbeed ee la dagaallamaya jabhadda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.
Yemen ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo garab ka heleysa isbaheysiga uu horkacyo Sacuudiga.
Dagaallada ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan oo Yemen dib u dhigay, tan iyo markii ay Xuutiyiinta isku ballaariyeen qaybo badan oo ka mid ah dalkaasi.
The post Shaqaale ka tirsan QM oo lagu afduubtay YEMEN appeared first on Caasimada Online.
-
The Somaliland delegation, led by Foreign Minister Essa Kayd Mohamoud, has departed Taiwan after a five-day trip consisting of meetings with high-level officials.
-
-
-
WASHINGTON (HOL) - Somali American Congresswoman has called on the US government to provide a roadmap for the lifting of sanctions imposed on individuals in Somalia and entities over ten years ago noting the restrictions may no longer be relevant.
-
Israel oo Sarkaal Milateri u soo magacowday Ciidanka Badda Baxrayn
Xukuumadda Baxrayn ayaa xaqiijisay in ay run yihiin warar warbaahintu tabinaysay oo ah in sarkaal ka tirsan milatariga Israel si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyadaa Khaliijka ku taal, waxaanu sidaa ku noqonayaa sarkaalkii u horeeyey ee Israeli ah ee si rasmi ah uga shaqo gala dal Carbeed.
Wasaaradda arimaha dibadda Baxrayn, ayaa warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladdu Sabtidii ku sheegtay in sarkaalkaa Israeli-ga ah ee ka hawl gali doona dalku ay qayb ka tahay “iskaashiga caalamiga ah ee ujeedadiisu tahay ilaalinta nabadgelyada maraakiibta maraya biyaha gobolka”.
Arintan ayaa daba socota heshiiskii ay wada saxeexdeen Baxarayn, Israel iyo Imaaraadka oo Maraykanku ka shaqeeyey sannadkii 2020 oo ahaa in ay dalalkaasi yeeshaan xidhiidh diblomaasiyadeed.
Warbixinta ka soo baxday xukuumadda Baxrayn ayaa lagu sheegay in hawl gelinta sarkaalkaasi xidhiidh la ledahay shaqada isbahaysi caalami ah oo aan la magac dhebin oo ka kooban in ka badan 34 dawladood.
Waxaanay intaa ku dartay in sidoo kale muhiimadda isbahaysgiaas ay ka mid tahay ilaalinta marin biyoodka gobolka ku yaal iyo in la ilaaliyo ganacgsiga aduunka iyo in sidoo kala laga hortago budhcad-badeeda iyo argagixisada.
Warkan ayey hore warbaahintu u sii tebisay oo ay sheegtay in Israel sarkaakan ka tirsan ciidamadeeda u diri doonto Baxrayn oo looga dhiibi doono xil rasmi ah.
Hase yeeshee, Baxrayn oo wararkaa ka jawaabaysa ayaa shegtay in “wararkaa warbaahinta shisheeyuhu tabisay eek u saabsan in sarkaal Israeli ahi dalkeeda ka hawl gali doonaa tahay arin qayb ka ah qorshaha isbahaysigaa caalamiga ah.”
Hadalkaa arintaa lagu shaaciyey wuxuu soo baxay iyada oo uu isa soo tarayo xidhiidhka milatari e u dhexeeya Israel iyo wadamada Khaliijka oo ah in ay wada jir uga qayb galeen ciidamada Baxrayn iyo Imaaraadku dhoola tus milatari oo ay ka qayb qaadanayeen milatariga Israel iyo maraykanku.
Baxrayn iyo Israel waxay cilaaqaad diblomaasiyadeed kala saxeexden sannadkii 2020, waxaana heshiiskaas oo uu Maraykanku ka shaqeeyey lagu saxeexay magaalo madaxda dalkaas ee Manaama.
Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin
Baxrayn hadda waa waddankii afraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948.
Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.
Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada, Baxrayn iyo saraakiisha Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo.
Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.
Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.”
Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin.
Kooxda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xiriirka Israel.
Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xiriradan diblomaasiyaddadeed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sano jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoodeed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah .
Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiin ay waxaa lagu sheegay “dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin “.
Israa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.
Trade between Africa and China reached an all-time high in 2021
in News - Wararka
Posted
Trade between Africa and China rose to a record high last year, according to recently released data by China’s customs agency.
China is Africa’s largest trading partner, and last year’s growth strengthens this position.
The value of trade between Africa and China rose by 35% from 2020 to $254 billion last year, mainly due to an increase in Chinese exports to the continent. This rise occurred despite last year’s global supply chain challenges and other interruptions caused by the covid-19 pandemic.
How has trade between Africa and China grown over the years?
The growth can be attributed to China’s export of essential pandemic goods such as pharmaceuticals, PPEs, masks, hazmat suits, chemicals, and digital hardware, says Zainab Usman, senior fellow and director of the Africa Program at the Carnegie Endowment for International Peace in Washington, D.C. These products had sustained demand in 2020 and 2021, and China is a big producer of them, she says.
“The pandemic might have disrupted trade and economic activity globally, but it did not really dampen demand for essential goods during the pandemic such as pharmaceuticals,” she tells Quartz.Another factor is increased exports to China by African countries. Exports from Libya and Benin, for example, went up by more than 400%. Those for Togo, São Tomé and Príncipe, Sierra Leone, Burkina Faso, Madagascar, and Eswatini doubled.
China-Africa trade still has a deficit problem
Despite the increase in trade, China’s exports to China continue to exceed Africa’s exports to the Asian country.
Many African countries are working to reduce this deficit. Rwanda and Ethiopia, for example, are using creative marketing approaches to attract e-commerce users in China and increase their exports to the Asian country. And Kenya is creating an online platform to sell agricultural products. China, on its part, wants to import more goods, especially agricultural products, from Africa.There needs to be a “deliberate and concerted effort across the board” to reduce the trade deficit, says Usman.
African policymakers, she says, need to pursue and implement productivity-enhancing policies on road, rail, electricity, digital, and other connectivity infrastructure in order to give African enterprises the opportunity to access export markets including China’s. At the same time, Chinese policymakers need to relax strict trade barriers with preferential market access agreements for African businesses seeking to export to the Asian country, Usman adds.
Here’s a breakdown some of the new data to put this development into more perspective.
Who were China’s largest African trading partners in 2021?
South Africa, Nigeria, Angola, Egypt, and the Democratic Republic of the Congo were the top five largest African trading partners for China in 2021. Together, the value of trade between China and these countries accounted for more than half of all China-Africa trade last year.
Made in China: What were China’s largest African export markets in 2021?
Nigeria, South Africa, Egypt, Ghana, and Kenya were the African countries that imported the most goods from China in 2021. Combined, their imports made up more than half of all imports of Chinese goods to Africa last year.
What were China’s largest african import markets in 2021?
On the other hand, South Africa, Angola, the Democratic Republic of the Congo and Zambia exported the most to China in 2021. Together, their exports accounted for 71% of all exports to China last year.Africa’s main exports to China include minerals, metals, agricultural products, crude oil, and agricultural products.
How does China-Africa trade compare with China’s trade with other regions?
Despite the growth of China-Africa trade, Africa is one of China’s smallest trading partners, with trade between the two making up about 4% of China’s global trade. There are vast opportunities for the continent to not only reduce the trade deficit, but greatly increase its exports to China.
Source: Quartz Africa
The post Trade between Africa and China reached an all-time high in 2021 appeared first on Puntland Post.