Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maareeyaha dekedda Garacad u magacaabay Cabdinaasir Biixi Soofe.

    Cabdinaasir Biixi ayaa soo noqday agaasimaha madaxtooyada Puntland xilligii xukuumaddii Cabdiweli Gaas

    Sidoo kale wuxuu soo noqday agaasimaha hay’adda PMPF ee ciidanka badda Puntland.

    Wuxu ka soo jeeda Beesha Cumar Maxamuud gaar ahaan Reer Cabdille Faarax.

    PUNTLAND POST

    The post Cabdinaasir Biixi Soofe oo loo magacaabay maareeyaha dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.


  2. In his scapegoat mechanism theory, French historian and philosopher Rene Girard asserts that in conflict resolution tools, the contending groups collaborate and find an arbitrary party to condemn for their problems. In a reminiscent situation, the Somali elites - politicians, government institutions, and clan leaders (Ugaas, Sultan, Boqor, etc.) - embroil innocent Somali people, who have carried the brunt of their political malpractices and depravity, as being the culprits of the nation's endless quagmire. They have coined a new phrase for this purported evildoer: The Qabiil (clan) or Qabyaalad (the act of bonding with one's clan). In a faraway place across the Atlantic Ocean, other innocent persons are accused of being the grotesque boogeyman for a nation's persistent ethnic and racial problems. They call it racism.

    Source: Hiiraan Online


  3. received_5131718010231057.jpeg?resize=10

    Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Maxamuud Caydiid Dirir u magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta.

    Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa horay u soo qabtay Xilkan PUNTLWasiirka Warfaafinta Puntland xiligii Xukuumaddi Faroole.

    24 July 2013 ayuu sidoo kale Madaxweyne Faroole u magacaabay Wasiirka Qorshaynta Puntland.

    Eng Maxamuud Caydiid wuxuu ka soo jeedaa Beesha Sool clan gaar ahaanna Jaamac Siyaad.

    Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Deni ayaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

    Wuxuu ka soo jeeda Beesha East Sanaag Clan gaar ahaan Dubays wuxuuna kamid ahaa musharrixiintii u tartamay Kursiga Golaha Shacabka Hop#157 ee laga soo doorto degmada Dhahar.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay wasiiro cusub appeared first on Puntland Post.


  4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde oo ay soo gaartay diyaaradda siday isaga iyo wafdigiisa.
    Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta loo sameeyay Siciid Deni, waxaana safarkiisa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan la dooranayo guddoonka labada aqal ee Baarlamanaka federalka.
    Madaxweyne Deni oo u sharaxan madaxweynaha dowaladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa ibya uu ku sugan yahay caasimadda inuu la kulmo madaxda dowladda sida Ra’iisulwasaare Rooble oo ka mas’uul ah doorashada iyo xildhibaannada labada aqal oo dhowaan dooranaya guddoonka Baarlamaanka 11-aad.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  5. Guddiga dooorashooyinka golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay diiwaan gelinta musharraxiinta u taagan qabashada guddoonka aqalka sare kursiga guiddoomiyaha iyo labada ku-xigeen, waxaana guddigu uu sheegay in maanta ay isdiiwaangeliyeen afar musharrax.

    Senator Saalax Cumar Xasan ayaa isku diiwaan geliyay guddoomiyaha golaha aqalka sare, waxaa sidoo kale ku-xigeenka koowaad isku diiwaan geliyay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, halka ku-xigeenka labaad ay isku diiwaan geliyeen Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) iyo Senator Ilyaas Badel Gaboose .

    Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka guddoonka golaha aqalka sare  Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed  ayaa sheegay in maanta afartaas muasharrax la diiwaab geliyay oyagoo sidoo kale qaatay shaadada guddiga ee  musharraxnimo oo la  siiyay mid waliba oo kamid ah musharraxiinta.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Somalia's political history has been tumultuous. It has been engulfed in electoral disputes and conflict between the incumbent and prominent opposition members for the past two years, threatening the country's stability as a result of a term extension and what some analysts have dubbed an "illegal power grab." The election is still unfinished to this day, and some members of parliament see no necessity to accelerate it.

    Source: Hiiraan Online


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA, ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi HOP86 oo horey uu ugu guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne.

    Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

    Siday wax u dhaceen maanta

    Fadhiga maxkamadda oo uu gudoominayay gudoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa bilowgiiba lagu furay dacwad u dhaxaysa qareenka u doodaya Fahad Yaasiin iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo diidan dacwadda ka dhanka ah Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal.

    Dhegeysiga dacwadda oo socotay in ka badan hal saac ayaa la soo xiray, inkastoo aan la shaacin xilliga ay maxkamaddu soo saari doonto go’aankeeda.

    Doodda Maxkamadda oo qaybteedii hore la soo gabagabeeyay ayaa xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxay qareennadiisu codsadeen in Maxkamaddu ay diido qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September yo heshiisyadii ka dambeeyayba ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xallinayo haddii murano ay ka yimaadaan.

    Fahad Yaasin ayaa guddiga doorashooyinka FEIT ku eedeeyay in si sharci darro ah ay u celiyeen kursiga tiirsigiisu yahay 86 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

    Haddaba, waxaan halkan idin kula wadaageynaa nuxurka qodobadii ugu muhimsanaa ee looga dooday maxkamadda maanta:

    Awoodda maxkmadda

    Waxaa jirtay hadal hayn ku aadanayd in maxkmadda sare ay wood u leedahay dhageysiga dacwaddan iyo in kale. Qareennada ka socday xafiiska garyqaanka Guud ee dowladda ayaa ku dooday inuu jiro habraac cad oo ku aadan xallinta khilafaadka doorashada sida ku cad heshiiskii 17 September ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka.

    Wuxuu sheegay inuu jiro guddi khilaafaad loo cawdo iyadoo ugu dambeyntana ay madasaha qaranka dib u eegis ku sameyn karaan go’aannada guddiga khilaafaadka. Hase yeeshee qareenka matalayay Fahad Yaasiin, abuukaate Sakariye Ismaaciil Nuur, ayaa ku dooday inaysan jirin “awood ka sareysa garsoorka oo ka gar-naqi karta khilaaf noocuu doono ha ahaadee.”

    Wuxuu xasuusiyay qareennada matalayay guddiga inay ahayd inay maxkamadda keenaan dalab is hortaag ka hor inta aan la guda galin gudbinta jawaabaha dacawadda uu soo gudbistay Fahad.

    Habraacii mala maray

    Qareenkii matalayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dooday in kursiga HOP086 la hakiyay ka hor inta aan la qabanin doorashada sidaas darteedna qabashada doorashada uu ku soo baxay Fahad ay ahayd mid sharci darro ah. Qareenka Fahad ayaa dhinaca kale ku dooday in guddiga khilaafaadka ay fasaxeen kursiga isla markaana xubna ka socdo guddiga heer Federaal ay goobjoog ka ahaayeen qabsoomidda doorashada kursigaasi.

    “FEIT ma laali kartaa natiijo doorasho”

    Qareenka Fahad, Sakariye ayaa ku dooday in habraacyada aysan ku jirin in guddi heer Federaal uu ka gar-naqi karo cabashooyin la xiriira dacwad doorasho. Wuxuu sido kale sheegay in guddigu uusan “hakin karin ama laaali karin natiijo doorasho ama mid la shaaciyay.”

    Qareenka matalayay guddiga doorashada, garyaqaan Muuse Axmed Ciise ayaa hase yeeshee sheegay in guddiga heer Federal uu “leeyahay door kormeer iyo dabagal oo micnaheedu yahay nuu sixi karo wixii khadlan”

    Muxuu Fahad ugu dacwoon waayay guddiga khilaafadka?

    Qareennada guddiga doorashada ayaa ku eedeeyay Fahad inuu baalmaray nidaamkii loo dajiyay xallinta khilaafaadka doorashada, kadib markii uu ku guuldarreystay inuu dacwad u gudbiyo guddiga loogu talogalay xallinta khilaafaadka.

    Qareenka Fahad, Sakariye Ismaaciil Nuur, oo sharraxayay sababta uu guddiga khilaafaadka ugu dacwoon waayay Fahad ayaa sheegay in guddiga ay mar horeba go’aan ka so saareen oo ay fasaxeen qabashada kursiga, kadib markii uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka soo saaray warqad uu ku hakinayay doorasahda kursiga HOP086 horrantii bishii Febraayo.

    Xigasho: BBC Somali

    The post Qodobadii ay ku doodeen Fahad iyo guddiga FEIT ee dacwaddii maanta billaabatay appeared first on Caasimada Online.


  8. Guddiga doorashooyinka guddoonada golaha shacabka ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa  maanta bilaabay diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharrixiinta u tartameysa kursiga guddoomiyaha iyo ku-xigeennada koowaad iyo labaad oo lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo caasimadda.

    Musharixiinta ugu horreeya ee la diiwaangeliyay maanta waxaa ka mid ahaa musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo musharrax C/laahi Aadan Axmed Black oo u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federaka.

    Waxaa sidoo kale guddigu shahaado siiyey musharrax Cumar Cali Caana-nuug,  musharrax  Sacdiya xaaji yaasiin samatar iyo musharrax maxamed cumar ceeymooy oo  u tartamayaan  guddoomiye xigeenka koowaad, halka musharrax C/laahi cumar Abshir(Abshiroow) uu isku diiwaan geliyay ku-xigeenka 2-aad.

    Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka golaha shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamuud ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen lix murashax, kuwaas oo  intooda badan ay qaateen shaahooyinka waxaana lagu waxaana uu sheegay in musharraxiin kale ay wali dhiman yihiin oo la filaayo in ay isisoo diiwaan geliyaan.

    1- Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Musharrax  ( Guddoomiye)

    2-Xildhibaan C/laahi Aadan Axmed Black musharrax ( Guddoomiye)

    3- Xildhibaan Maxamed Cali Cumar musharrax  (ku-xigeenka 1-aad)

    4-Xildhibaan maxamed cumar ceeymooy musharrax ( ku-xigeenka 1-aad)

    5-Xildhibaan Sacdiya xaaji yaasiin samatar musharrax ( ku-xigeenka 1-aad)

    6- Xildhibaan C/laahi cumar Abshir(Abshiroow) musharrax ( ku-xigeenka 2-aad).

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  9. FB_IMG_1650379615955.jpg?resize=720%2C48

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho.

    Wafdiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Muqdisho Masuuliyiinta DFS inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

    Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS iyo qaar ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Aqoonyahan iyo waxgarad.

    FB_IMG_1650379620973.jpg?resize=720%2C56 FB_IMG_1650379615955.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1650379609957.jpg?resize=720%2C49 FB_IMG_1650379605273.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1650379597465.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1650379585205.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1650379589816.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1650379580112.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1650379568908.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1650379575008.jpg?resize=720%2C48

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.


  10. Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa maanta waxuu xariga ka jaray qeyb cusub oo loogu tala galay Saalada qaliinka lagu sameeyo.

    Munaasabad xarag jar ah oo ka dhacday xarunta isbitaalka Banaadir, waxaa Goobjoog ka ahaq safaaradda Shiinaha oo maalgelisay qeybta cusub, waxaa kale oo kasoo qeyb masuuliyiin katirsan wasarad cafimaadka ee dowladda federaalka oo ay hor kacceysay wasiir Fowsiya.

    Ugu horreen waxaa munaasabada ka hadashay Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Drs Fartuun Shariif oo ka hadashay sida loo soo kordhiyey qeybtan

    -Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay Dr mohamed

    Ugu dambeyn waxaa munaasabadda xarig jarka soo xirtay Wasiirka Caafimaadka XFS Dr. Fowziya Abikar Nuur oo u mahad celisay hambalyo u dirtay howlwadeennada isbitaalka, uga mahad-celisay xaaladda adag ee ay ku soo shaqeeyeen.

    Mas’uul u hadlay safaaradda Shiinaha ayaa sheegay sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

    FB_IMG_1650380503793.jpg FB_IMG_1650380496813.jpg FB_IMG_1650380498506.jpg FB_IMG_1650380500238.jpg FB_IMG_1650380502127.jpg

     

    Source: goobjoog.com


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay isku dhac kooban oo asaga iyo Xildhibaano taabacsan Farmaajo ku dhexmaray shalay xarunta Golaha Shacabka.

    Mahad Salaad ayaa sheegay in isku-dhacaas ay keentay aqoon darro xildhibaanada cusub ee taabacsan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka haysatay shuruucda iyo xeerarka Baarlamaanka.

    “Saaxiibaday horta laba mushkilo ayaa haysatay, xildhibaanada maanta dooda waday mid waxay aheyd inaysan xog ogaal u aheyn xeer hoosaadka labada aqal ee Baarlamaanka,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in buuqa uu ka dhashay kadib markii ay Xildhibaanada taabacsan Farmaajo oo ay kamid yihiin Cabdullaahi Aadan Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire ay bilaabeen dood kadib markii la ansixiyay xeer hoosaadka doorashada oo aysan xiligaas harsaneyn dood kale oo Baarlamaanka u dhineyd.

    “Markii uu Ajendihii dhamaaday ee la xiray golihii ee hoobiyeyaal lagu soo weeraray xarunta BF waxaa la yiri Xildhibaanada ayey banaanka u bixin illaa inta laga hubinayo, intii ay Xildhibaanada hoolka ku jireen ayaa Xildhibaano soo kaceen, kuwaasi oo guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka u yimid ayaga oo gacanta ku dhagan oo jiidaya u yimid.”

    Waxa uu kusii daray hadalkiisa “Markan arkay ayaga oo gacanta ka jiidaya guddoomiyaha ayaa soo kacay. Kadib faro taag taag iyo dagaal ayey meeshii ka bilaabeen, runtii intii aan wax u sheegi karno ee waanin karno waa u sheegnay.”

    Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in kaamirooyinka ay qabteen intii hadalada isku jiid-jiidayeen ee aysan jirin wax kale oo culeys ama dagaal kale oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka.

    Hadalkaan ayaa imanaya xili si weyn loo hadal hayay buuq shalay ay xarunta Baarlamaanka ka sameeyen xildhibaanada taabacsan Farmaajo, ayaga oo Kaamirooyinka warbaahinta ay qabteen Xildhibaan Cabdishakuur Mire oo u fak-fakanaya Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaridsan Farmaajo.

    The post Mahad Salaad oo faah-faahiyey sida uu ku yimid isku dhacii shalay ee xarunta BF appeared first on Caasimada Online.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaabatay diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilalka guddoomiye ee Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda.

    Sida uu jadwalka ahaa, diiwaan-gelinta musharixiinta ayaa waxay bilaabaneysay maanta waxayna ku egtahay maalinta Jimcaha ee 22-ka April, waxaana Maanta Shahaadada musharaxnimada la guddoon siiyey musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdullaahi Aadan Axmed Black.

    Aadan Madoobe ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madoobe ayaa ka mid ah Xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11-aad Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

    Dhinaca kale, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Maxamed Cumar (Caananuug) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

    Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27 April 2022, ayada oo ay ku egtahay isdiiwaan galinta musharaxiinta u hanqal taageysa qabashada shirguddoonka Golaha Shacabka 22 Bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib kulan ay buuq ka sameeyeen xildhibaanada taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo.

    278578719_301188782191764_50231206770906 278190750_301186335525342_78251436212878 278330327_301186112192031_18727755802636

    The post Diiwaan-gelinta musharixiinta guddoonka BF oo Muqdisho ka bilaabatay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.


  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii u horeysay ka hadlay weerarkii hoobiyeyaal ee shalay lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

    Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in hay’addaha amniga ay u sheegen in hoobiyeyaashaas laga soo tuuray meel aan ka fogeyn xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, taasi oo kor usii qaadeysa tuhunka ku xeeran weerarkaas.

    “Hoobiyaha kuwa waaweyn aan aheyn ayaa kusoo dhacay Baarlamaanka hortiisa, waxay Hay’adaha amniga noo sheegeen in hoobiyaha kusoo dhacay Baarlamaanka laga soo tuuray meel aan ka fogeyn goobta,” ayuu yiri.

    Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Waxa ku dhaawacmay dad shaqaale ka ah baarlamaanka iyo dad ka shaqeeya Amniga oo Askar ah. Waxa kulmiyey labada arrin ayaa ah wax la is-weydiiyo.”

    Weerarkaas ayaa waxa uu sababay khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo shalay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, kadib qoraal ay ku baahisay warbaahinta ku hadasha afkeeda, kaasi oo ay ku sheegtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidamo iyo howl-wadeenada Baarlamaanka.

    The post C/risaaq Cumar oo shaaciyay xog la xiriirta weerarkii BF – Madfaca kama iman meel fog appeared first on Caasimada Online.


  14. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Adan Madoobe) oo ahaa musharaxii ugu horeeyey ee sheega inuu u tartamayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa goordhow waxaa uu qaatay shahaadada diiwaan gelinta isaga oo dhameystiray habraacyada loo baahnaa oo ay ku jirto bixinta lacag dhan $20,000.

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii saacado kahor iska casilay jagadai Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran, laakin taasi meesha kama saareyso gacan saarka uu la leeyahay musharax madaxweyne Shariikh Sheekh Axmed oo ah hoggaamiyaha xisbiga HIMILO, qeybna ka ah tartanka madaxweynnimada ee Soomaaliya ee 2022-ka.

    Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Madoobe uu iska casilay jagada HIMILO si uu uga hoggaansamo sharciga oo dhigaya qof walba oo raba inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa laga rabaa inuu iska casilo xilka uu ka hayo xisbiga uu ka tirsanyahay.

    Madoobe ayaa sidoo kale la arkayey todobaadkan isaga oo kulamo la leh safiirada beesha caalamka, iyada oo la rumeysan yahay inuu kala hadlay musharaxnimadiisa.

    Inkasta oo Madoobe aanu keligii ku aheyn tartanka jagada guddoomiyenimada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad hadana waxaa uu marar badan ku celiyey inuu taageero ka heysto mucaaradka.

    Dhanka kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo gaaray caasimadda Muqdisho isaga lagu wado isaga oo diidan musharaxnimada Aadan Madoobe, doonayana in looga dambeeyo xulista kursiga ugu sareeya ee Koonfur Galbeed ay ku leedahay dowladda federaalka ah.

    Lafta-gareen ayaa la sheegayaa inuu wato rag ay ka mid yihiin guddoomiyihii ugu dambeeyey ee baarlamaanka Koonfur galbeed, soona noqday safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Fiqi.

    Haddaba, Waa Kuma Aadan Madoobe, Musharaxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka

    Sheekh Aden Madoobe, waxaa uu dhashay  Xudur oo ka tirsan Bakool 15 April 1956, waxaa uuna siyaasadda ku jiray rubuc qarnigii tagay isaga oo ku xigeen ka noqday jabhadda xoreynta Raxanweyn ee RRA, waxaa uuna muddo dheer olog la ahaa Itoobiyaanka.

    Markii Carta lagu dhisay dowladdii TNG ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaa ka hor yimid oo mucaaraday xukuumadda Salaad dhammaan hoggaamiye kooxeedkii, laakin waxaa ay RRA ku eedeysay Aadan inuu ka baxay jabhadda, oo uu la shaqeeyo maamulka Cabdiqaasim Salaad.

    January 2005, dowladdii TFG-da ee madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa ka dhigtay wasiirka cadaaladda. Xaabsade iyo kuwa ka tirsan hoogaanka RRA ayaa mar kale ku eedeeyey Madoobe inuu weerar ku ahaa caasimadda maamulkooda ee Baydhabo, isaga oo la shaqeeyo madaxweyne Cabdullahi Cabdullahi, waxaa uuna ka mid ahaa saraakiishii dowladda TFG geysay magaalada Baydhabo, isla markaana martigelisay.

    Markii kalsoonida lagala noqday afhayeenkii baarlamaanka ee TFG-da Shariif Xasan Sheekh Aadan, Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday guddoomiyaha baarlamaanka  January 31, 2007, xilliyadaasi eedeymaha loo heystay waxaa ka mid ahaa inuu xiriir la lahaa islaamiyiinta, gaar ahaan maxaakiimta Islaamka.

    29 December 2008, markii uu iscasilay madaxweynihii Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed, kadib markii ay isku dhaceen ra’iusl wasaare Nuur cadde, waxaa madaxweyne KMG ah noqday Aadan Madoobe.

    Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa afhayeen xukuumadda ayaa sidaasi ku sheegay war saxaafadeed uu qabtay, waxyar kadib is casilaadda Cabdullahi Yuusuf.

    April ilaa May 2010, waxaa uu khilaaf soo kala dhexgalay Adan Madoobe iyo ra’isul wasaare cumar Cabdirashiid, taas oo soo dedejisay in Madoobe meesha ka baxo.

    Jagooyinka kale ee xukuumadda uu ka qabtay waxaa ka mid ahaa isaga January 2014, noqday wasiirka warashada iyo ganacsiga,

    Sheekh Aden Madoobe  waxaa uu qeyb ka ahaa dhismaha maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo u doodayey deegaanno ay ka mid yihiin Ceel Barde, isaga oo yiri “ Ceelbarde waxaa degan  4 Beel, isla markaana aanay hal beel dhihi Karin ma rabo, ma jirto dhul la rari karo,  Ceel Barde waxay ka mid tahay  Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed”.

    Haddaba, marka intaasi aan soo sheegnay laga soo tago, fadlan hoos noogu reeb ra’yigaada fursadaha uu heysto, lana soco musharaxiinta kale.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  15. Xildhibaan iftiimiyey Sababta Xabsiga loogu reebay weriye Ilig

    khaliif.jpg

     

    Waxaan ka xumahay in Maxamed Cabdi sh Maxamud Mohamed Ilig laga reebay oo lala hadhay isaga iyo laba wariye oo kale.
    Habeen Hore Ayaa Nin aanu Sxp Nahay oo Dadka Madaxtooyada aadka ugu dhaw ah oo aan jecleyn inaan magaciisa halkan kuxuso iisheegay in Wariyayaasha Xidhan oo dhan lasii dayn doono marka laga reebo Maxamed Ilig iyo Wariye katirsan Horn Cable Tv
    Waxaa kale oo uu iishegay in la xukumi doono oo kadib cafis madaxwayne lagu sii dayn doono.
    Waxaan waydiiyay maxaa keenay in ilig dadka laga reebo oo loo rabo in la xukumo kadib waxu igu jawaabay niyahow waa loo taag heli waayay oo waa laga nasan wayaay dhawr jeerna waa loo sheegay inuu Cagaha dhulka kuhayo, Waliba kudarsoo MMTV Ruqsadii Sharci ahaanshiyaha ee Tv giisa lama siin wali oo tv ga ilig sharci malaha saacadii ladoono ayaa la xayiri karaa oo albaabada laiskugu dhufan karaaa .
    Waxana Mardhawayd laii Xaqiijiyay in Tv ga MMtv aanu Haysan Warqadii Ruqsad siinta Tv ga ay kaga Xaniban tahay Xafiiska Madaxwaynaha oo hada La wareegay Ogolaansho Bixinta ugu dambeysa ee Ruqsad Bixinta waana hadal run ah oo sugan.
    Runtii maan rumaysan oo inuu iska Kaftamayo ayaan uhaystay , Kaftan se may ahayn oo runbuu noqday saaka hadalkaasi oo waa lala hadhay ilig iyo wariyahaas horn cable Tv ka shaqaynayay. Waana talaabadii uhoreysay oo Fushay.
    Bal Talaabada labaadna Waan Arki doonaa halkay kudhamaato
    Allese waxan ka rajaynayaa Inaysan run Noqon in Xukun lagu rido
    Isha Allah Maxamed wuu soo bixi doonaa,Waxaanan Hubaa inuu Adkeysi un Kasii qaado moooye aanay waxba udhimi doonin Xadhig iyo Caga jugleyn .
    Waxa Qoray Xildhibaan Axmed Khalif

    Qaran News