-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ayaa gowrdhow oo caawa ah waxaa uu qof shacab ah ku dilay agagaarka Kulyadda Jaalle Siyaad ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Marxuumka la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaajle, waxaana magaciise lagu sheegay Daa’uud Cadar Cilmi, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta keentay inuu askari dilka u geysto wiilka darawalka ah.
Maydka marxuuka la dilay ayaa waxaa loosoo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da si baaritaan loogu sameeyo, dilalka nuucaan oo kale ayaa ayaa muddooyinkii dambe si isdabajooga uga dhacayay Muqdisho.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah yeelanaya kulan weyne wada-jir ah, kadib markii uu maanta guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka uu shaaciyay in uu dejiyay jadwalka doorashada.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanada ayaa goordhoweyd waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo uu goluhu leeyahay kulan.
Fariinta loo diray Mudaneyaasha labada gole ayaa waxaa lagu sheegay in ajendaha kulankaas uu yahay Ansixinta wax ka bedelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaar ah doorashooyinka guddoonka labada gole iyo Madaxweynaha.
Sidoo kale waxa lagu kala qaadan doono kulankaas warbixin ku saabsan howlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga qaban-qaabada Golaha Shacabka.
“Mudane Xildhibaan Beri oo Isniin ah Tariikhdu tahay 18 April, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Agendaha: 1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha iyo 2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka – Saacadu waa 09:00 subaxnimo,” ayaa lagu yiri farriinta.
Guddoonka Ku-meel-gaarka ah ee labada Gole ayaa hore iskula qaatay in la dardar-geliyo doorashada guddoonka, ayada oo labada dhinac ay soo saareen guddiyo ka shaqeeya arrintaas.
Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo goor sii horeysay la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in waqtigu uu ku yar-yahay, islamarkaana ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay u dhacdo doorashada guddoonka labada aqal, si loogu sii gudbo doorashada madaxweynaha.
Doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitamaysay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo tallaabooyinkaan ay muhiim u yihiin qabsoomida doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.
The post Xildhibaanada cusub ee BF oo kulan la isugu yeeray berri iyo ajendaha appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiyada qabanqaabada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada jir ah yeeshay, ayaa ka wada hadlay xeerka doorashooyinka guddoonka labada gole iyo madaxweynaha oo lagu wado in ay dhacdo kadib doorashada guddoonka labada gole.
Guddiyada labada ah ayaa waxa ay wadajir u go’aamiyeen in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo labada Gole Maalinta beri ah ay isugu imaanayaan, guddiyadaan ayaa laga soo dhex xulay xildhibaannada, waxaana laga sugayaa in ay soo saaraan kulanka barri kadib habraacyada iyo jadwalka doorashada.
Doorashada guddoonka labada gole ayaa waxaa ay ka dhici doontaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xigi doonta midda madaxweynaha , waxaana dhammaan xildhibaannada labada gole la faray in maalinta bari ay isugu yimaadaan fadhi wadajir ah oo Baaralamaanku yeelanayo.
Goobjoog News
-
Toronto police say a group of men who had just finished midnight prayers were “randomly attacked” in a drive-by shooting in Scarborough early Saturday morning.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin kale.
Amb. Hassan Bin Hamza Hashem ayaa magaalada Hargeysa u yimid kormeerka iyo sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa baaxadda dhibaatadii uu geystay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.
Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey badhtamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta hadhaaga hantidii gubatay.
Waxa uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaadhay dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.
Saylic ayaa safiirka uga xog warramay dhibaatada uu dabku gaadhsiiyey ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay, waxana uu sheegay inay kumanaan qof oo hantiileyaal ahaan jiray haatan faro-madhnaan taagan yihiin oo uu dabkaasi hantidoodii baabi’iyey.
Safiirka dalka Qatar oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehemi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qadar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baadhe dhinaca Gargaarka Bini’aadamnimada ee Qadar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh, ayaa muujiyey sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibka gaadhay hantidii bulshada reer Somaliland.
Ugu dambeyntiina waxa uu Amb Hassan Bin Hamza uu wareejiyey mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo-galeen 750 qoys oo oo danyar ah, isaga oo ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.
The post Sawirro: Qatar oo ballan-qaad culus u sameysay Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
On the eve of Ramadan at the start of this month, the epic Waaheen market at the centre of Hargeisa, the capital of Somaliland, caught fire. The flames engulfed the entire market and took 12 hours to put out. There were no fatalities—it was Friday, the holy day of prayer for Muslims, and the market was closed—but the market no longer exists. Around 5,000 small businesses were impacted, with damages estimated at $2 billion so far.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka Dowladda ee ku biiraya Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli sii socda Colonel Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole ayaa ku guuleystay doorashadii Kursiga HOP#106 ee shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Cismaan Xaadoole ayaa ka adkaaday saddex xubnood oo tartanka kula jirtay. Korneylkan ayaa codeynta wareegii hore helay 56 cod taasoo meesha ka saartay in loo baahdo wareeg kale oo doorasho. Wuxuu ka adkaaday Bashiir Maxamed Yuusuf, Fowsiya Shiikh Cali Maxamuud, iyo Yaxye Abuukar Aadan.
Kursigaan waxaa horey ugu fadhisay xildhibaan Mino Xasan Shibis taasoo aan sanadkaan usoo istaagin tartanka. Xaadoole waa xubin ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Bishii April ee sanadkii hore ayuu magaciisa qabsaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii uu ciidan xooggan soo geliyey qeybta woqooyi ee Magaalada.
Xilligaas madaxweyne Farmaajo ayaa ku darsaday 2 sano oo aan sharci aheyn mudadiisa xil-heynta. Xaadoole wuxuu xilligaas saxaafadda kula hadlay isgoyska Mirinaayo, wuxuu sheegay inuu furinta uga soo baxay inuu difaaco sharciga dalka.
“Laba sano oo 20 sano dhasha inaan diido ayaan halkaan u imid,” ayaa kamid ahaa hadalladii laga diiwaan geliyey sarkaalkan.
Dagaalkii ugu cuslaa ee muddo kororsiga looga soo horjeeday ayuu hoggaamiyey Xaadoole, isagoo difaac u noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow oo halkaas daganaa.
Korneel Xaadoole wuxuu qaatay kursi ka dhaxeeyey afar jufo. Waxaa la aaminsan yahay inuu garab fiican ka helay hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Marka la joogo gobolka Shabeelaha Dhexe, Xaadoole wuxuu ku jiraa saraakiisha lagu xurmeeyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Dadka yaqaana waxay ku sheegaan nin daacad u ahaa shaqada ciidanimada, laakiin tan iyo markii ay bilaabatay inay askarta ku milmaan siyaasadda dalka oo aheyd dabeyl la socotay nidaamka madaxweyne Farmaajo, wuxuu Xaadoole ku jiray saraakiisha lasoo wariyey inuu galay damaca siyaasadda.
Mashruucii Badbaado Qaran oo si weyn u saaciday magaciisa ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ku dhiira geliyey inuu xildhibaan soo doonto.
Hal sano kadib dagaalkii muddo kororsiga, waxaa golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad soo xaadiray intii badneyd saraakiishii isaga hortimid muddo kororsiga, si gaar ah xubnihii la baxay Badbaado Qaran.
Waxaad Baarlamaanka 11-aad ku arkeysaa Maxamed Abuukar Jacfar, Saadaq Joon iyo Xaadoole halka siyaasiyiinta Muuse Suudi Yalaxow, Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo qaar kale oo mashruucaas tiir dhexaad u ahaa iyaguna ay golaha joogaan.
Hay’adda sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa iyaduna dhinaca kale xubno badan kusoo dartay baarlamanka 11-aad.
Inkastoo taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir weli lagu dhagan yahay, haddana qaar badan oo kamid ah ciidankii dharcadka ahaa ee NISA ayaa ku biiray baarlamanka 11-aad.
Sanadkaan waa Baarlamanka waa askar, xildhibaano kuraas loo soo boobay, kuwa lagu soo xushay inay rabaayad yihiin, qaar guulwadeynimadoodii hore ay caawisay iyo kaadiriintii hore oo qaar ay miisaankooda kusoo laabteen.
Waxaa jira walaac ku saabsan in baarlamaankan noqon karo kii ugu liitay ee dalka soo maray abid, waxayna dadka walaacaan qaba daliilsanayaan tayada dadka iyo aragtida lagu saleeyey xulashada oo ah yaa soo dagaalamay, yaa cod isiin kara iyo yaa shalay ii sacabo tumay.
Rajo beelkaan waxaa hordhac u ah hab dhaqanka ay durba soo bandhigeen xildhibaanada qaar kuwaas oo ku dhex lumay jeebka madaxdii kuraasta soo siisay.
The post Badbaado Qaran iyo Baarlamanka: Xaadoole oo xisaabta buuxiyay appeared first on Caasimada Online.
-
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo goordhoweyd la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in guddiga uu dajiyay jadwalka doorashada guddoonka.
Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inay isla maantaba la kulmi doonaan guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare, si loo dar-dar geliyo doorashada guddoonka labada aqal.
“Maanta ayaa la idoortay isla maantaba shaqadii hore ayaa loo galay oo waxaa diyaarinay jadwalkii. Waxaa rabnaa in aan dadajino doorashada guddoonka Golaha Shacabka, sidoo kale waxaa rajeynaya in doorashada guddoonka Aqalka Sare ayadana la dadajiyo.
Guddoomiyaha ma shaacin jadwalka, balse wuxuu sheegay inay dib kasoo bandhigi doonaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in waqtigu uu ku yar-yahay, islamarkaana ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay u dhacdo doorashada guddoonka labada aqal, si loogu sii gudbo qeybaha kala ee doorashooyinka dalka.
Cabdirisaaq ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha guddiga, asaga oo helay 5 cod, waxayna deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle, gaar ahaan Beledweyne.
Guddoomiyaha cusub ayaa ka mid ah xubnaha mucaaradka, gaar ahaan xisbiga UPD ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna hogaamin doona doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo ku-xigeenadiisa, taasi oo si weyn loogu hardami doono.
Si kastaba, doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitamtay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo tallaabadaan ay muhiim u tahay doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.
The post Daawo: Jadwalka doorasho ee guddoomiyaha golaha shacabka ‘oo la dejiyey’ appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhaweeyey safiirka waddanka Qatar u fadhiya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashem oo dalka u yimi sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa baaxadda dhibaatadii uu geystay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey badhtamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta hadhaaga hantidii gubatay, waxana uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaadhay dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safiirka uga xog warramay dhibaatada uu dabku gaadhsiiyey ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay, waxana uu sheegay inay kumanaan qof oo hantiileyaal ahaan jiray haatan faro-madhnaan taagan yihiin oo uu dabkaasi hantidoodii baabi’iyey.
Safiirka dalka Qatar Ambassador Hassan Bin Hamza Hashem, oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehemi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qadar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baadhe dhinaca Gargaarka Bini’aadamnimada ee Qadar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh, ayaa muujiyey sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibka gaadhay hantidii bulshada reer Somaliland, waxana uu wareejiyey mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo galeen 750 qoys oo oo danyar ah, waxana uu ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.
Wa-bilaahi Tawfiiq
-
Ruushka oo soo bandhigay Tirada Askarta uu Dagaalka kaga laayay Dalka Ukraine
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa si faahfaahsan uga hadashay wax ay ku tilmaantay “jab weyn” oo ay gaarsiisay ciidamada Ukraine tan iyo markii uu bilowday duullaanka.
Jeneraal Igor Konashenkov oo u hadlay gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegay in 23,367 askari oo isugu jira milateriga, jabhadaha iyo ajaaniibta kula dagaallamaysa Ukraine ay ku dhinteen dagaalka tan iyo markii uu bilowday dhammaadkii February.
Waxa uu sheegay in magaalada Mariupol oo keliya ay ku dhinteen in badan 4,000 oo dagaalyahan, ayna kamid yihiin xooggaga jabhadaha xagjirka ah ee Azov iyo Aidar.
Ruushka ayaa ku doodaya in dowladda Ukraine ay qarinayso jabka soo gaaray ciidankeeda, isla markaana ay Moscow dhawaan soo bandhigi doonto xogtada khasaaraha milateri oo faahfaahsan.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa telefishinka CNN u sheegay in ugu yaraan 3,000 oo askari ay dalkiisa uga dhinteen dagaalka tan iyo markii uu Ruushka billaabay duullaanka, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 10,000 oo askari.
Ukraine ayaa dhowr jeer sheegtay in Ruushka ay ka dishay askar kumannaan ah, sheegashadaas oo aan si dhab ah loo xaqiijin.
Zelensky ayaa sheegay inay jirto cabsi ah in Ruushka uu hub nukliyeer ah u isticmaali doono dagaalka, taasina ay tahay mid loo baahan yahay inay u toog hayaan waddamada adduunka.
“Ma aha mid ii gaar ah, balse waa walaac uu qabo caalamka oo dhan. Waxaa suuragal ah in xogtaas ay dhab tahay ama ay noqon karto mid been ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.
“Ma aha in aan cabsanno ee waa in aan diyaargarowno. Arrintan uma taallo Ukraine oo keliya ee waxa ay khuseysaa caalamka oo dhan,”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Digniinta Ruushka
Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.
Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.
“Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin,” ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.
Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine.
Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.
Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.
Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka, Maraykanka ayaa dhaqaalo dhan 3 bilyan oo dollar ku bixiyay taakulada milateri ee uu siiyo Ukraine.
-
Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo shalay la magacaabay ayaa guddoomiye u doortay wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamuud, kaas oo xubnaha ka helay 5 cod, halka xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi uu helay 4-cod, isaga oo la tartamay.
Guddoomiye Cabdirsaaq iyo xubnaha kale ayaa waxaa looga fadhiyaa soo diyaarinta, daadajinta, habraacyada iyo jadwalka doorashada guddoonka golaha shacabka oo dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa sidoo kale laga wadaa in guddiga dhowaan uu shaaciyo waqtiga ay dhacayso doorashada.
Guddiga qaban qaabada doorashooyinka golaha shacabka ayaa waxaa laga soo dhex xulay golaha shacabka, iyagoo ka kooban 10 xubnood, waxaana maanta ay guddoomiye u doorteen wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamuud oo kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad.
Goobjoog News
-
Garowe (Caasimada online) – Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdillaahi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in haddii juu kursigaas waayo uu ahaanayo madaxweynaha Puntland.
“Madaxweynuhu musharrax weeye waa tartamayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa alxamdulilaah dadka iyo dalka ayuu wax u tarayaa, haddii qadarta Ilaahay dhacdo madaxweynaha Puntland ayuu ahaanayaa,” ayuu yiri wasiir Xasan Shire.
Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, la-taliyaha amniga Deni, ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dano siyaasadeed oo ka hor istaagaya madaxweynaha Puntland in uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.
“Dastuuriyan ma jirto dano is-diidaya oo ka dhalanaya in madaxweynaha Puntland isku soo sharaxo hogaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed oo soo noqdey agaasimaha hay’adda PPMFT-ta.
Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbashada Puntland, ayaa dhankiisa wuxuu ka dhawaajiyey in ay Deni kala xaajoodeen qadiyaddan “balse aysan wali helin jawaab ayna ka quusan in uu dalka u turo”.
“Illaa haatan wax jawaab ah kama aanan helin. Laakiin kama quusan. Waxaan rajeynaynaa in ugu yaraan uu wareejin doono maamulka si howlaha dowladda u sii socdaan hadduu doono yuusan iska casilin xilka,” ayuu xusay.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Deni ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Soomaaliya doorashada soo aaddan, isaga oo sheegay in ay ka go’an tahay beddelidda maamulka hadda jira.
The post Qorshaha DENI ee haddii looga adkaado doorashada madaxweynaha oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
-
-
Haweenka Soomaaliyeed, sanadkan 2022-ka waxaa ay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ka heleen ilaa iyo hadda 20%, mana muuqato rajo intaas ka badan, taasi oo ah nisbo aad u yar marka la barbardhigo kobaca ku socday qoondadooda haweenka ee xilliyadii hore iyo sida loogu awoodsiiyey dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 2012-2016.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo aaminsan kaalinta haweenka Soomaaliyeed iyo kartida ay dhex leeyihiin bulshada ayaa muddadii uu joogay waxaa uu u hiiliyey haweenka isaga ahmiyad gaar ah siiyey matalaadooda iyo ka qeybgalkooda xagga siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, hey’adaha dowliga ah iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda federaalka ah.
Dhanka siyaasadda, xukuumaddii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan Sheekh ee uu ra’isul wasaaraha ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon, waxaa uu madaxweynahu sameeyey labo arrin oo aan abid Soomaaliya ka dhicin xilligaas ka hor ama xataa kadibba, waana inuu haweenka Soomaaliyeed siiyey 20% ee guud ahaan golaha wasiirada ee la dhisay, waxaa uu sidoo kale siiyey markii ugu horeysay jagada ra’isul wasaare kuxigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo uu madax uga dhigay Fowsiyo Xaaji Aadan, waxaa kale isla xukuumadaasi ku jirtay Maryan Qaasim oo aheyd wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshad.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kale uu dhisay labo xukuumad oo kale midda Cabdiweli Sheekh Axmed waxaa wasiirro ahaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan iyo Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wasiirro ku xigeenno ahaayeen Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda iyo Muno Ibraahin Abiikar Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
Halkan Xukuumadda ra’isul wasaare Cumar Cabdurashiid ay wasiirro ka ahaayeen Khadra Bashiir Cali W. Waxbarashada, Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka iyo Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana wasiir kuxigeenno ahaa Mumina Sh. Cumar W. Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Fahma Axmed Nuur W. Cadaaladda.
Guddiyada dastuuriga ah, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh, haweenka waxaa ay madax ka noqdeen labo guddi, waa markii ugu horeysay uguna dambeysay, waxaa ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka qaranka iyada oo guddoomiye loo doortay Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey).
Dhankeeda, marwo Caasho Geele Diiriye ayaa ka mid noqotay haweenka hoggaanka noqday xilligii madaxweyne Xasan, iyada oo guddoomiye looga dhigay guddiga madax bannaan ee dib-u-eegista dastuurka.
Waxaa kale kale oo haweenka ay hoggaan ka qabteen guudiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka 9-aad oo madax ka aheyd Maryan Cariif Qaasim.
Dhanka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda: Madaxweyne Xasan Xilligiisa waxaa guddomiye looga dhigay Bankiga Dhexe Yusur Abraar halka Maryan Macalin ay ku shaqeysay jagada guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Dhanka Diblomaasiyadda iyo arrimaha dibadda, Safiirrada Soomaaliya u joogtay xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva ee dalka Switzerland waxaa laga dhigay Danjire Faadumo Cabdullahi Maxamuud Insaaniya, Khadiija Al-Maqsuumi oo laga dhigay safiirka Soomaaliya ee dalalka Ciraaq iyo Pakistaan.
Dhanka Amniga, waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh dalacsiiyey haweenka badan, oo qeyb ka noqday hoggaanka ciidamada qalabka sida Ilaah ha u naxariistee Gaashaanle Faadumo Cali Raage, oo loo yaqaanay Faay Cali, Zakiye Xuseen oo noqotay 2014-kii gabadhii ugu horeysay ee agaasin iyo qeyb waaxeed madax ka noqota booliiska Soomaaliya iyo haweenka kale.
Awoodsiinta haweenka ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mid ahaa inuu hoggaanka kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu madax uga dhigay Muna Al-Sharmani oo ah Abuukaate Soomaaliyeed oo dowli ah oo Master-ka ka qaadatay Maalgeshiga caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard Law School sanadkii 2001-dii halka shahaadada PhD ee xiriirka caalamiga ah ay ka diyaarisay Johns Hopkins School of Advanced International Studies (SAIS).
Haweenka Soomaaliyeed wixii ka horeeyey 2017-kii waxaa ay ahaayeen kuwa si aad ah uga dhexmuuqda bulshada rayidka ah, iyaga oo cod ku lahaa dowlad dhiska halka ay maanta la kulmaan cabsigelin, kana hadli karin waxa socda.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh inta aanu xilka ka tagin 2017-kii, waxaa uu dadaal iyo waqti badan geliyey qoondada haweenka ee baarlamaanka federaalka ah isaga oo kasoo qaaday 12% oo ay heysteen 2012-kii isla markaana gaarsiiyey baarlamaanka 10-aad ilaa 24.8% sanadkii 2016-kii.
Goobjoog News
-
-
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.
Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq oo ay taallo 16 Kursi iyo sidii loo dardar galin lahaa.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u balan qaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin intii ay socdaan doorashooyinka.
Xubnaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa maalinta Talaadada ah ee todobaadkaan waaa ay tegi doonaan degmada Ceelwaaq, halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 Kursi.
Guddiga doorashada ayaa dhawaan go’aan ku gaaray in Garbahaarey laga wareejiyo doorashada maadaama Amni ahaan ay gacanta ku hayaan maamul kasoo horjeedo Jubbaland oo diiday in guddiga doorashada halkaas tagaan.
Bishaan gudaheeda ayaa la filayaa in xildhibaanada lagu soo doorto Ceelwaaq lagu dhaariyo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, inkastoo kooxda madaxweyne Farmaajo ay iyagana wadaan doorasho kale oo lagu qabanayo Garbahaarey taasoo aysan goobjoog ka aheyn guddiga doorashada.
The post Sawirro: Axmed Madoobe oo ballan qaad u sameeyey guddiga doorashada FEIT appeared first on Caasimada Online.
-
Maraakiibta waaweyn ee jariifka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka baxay dhammaan xeebaha Puntland sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonyahay.
Waxaase weli xeebaha Puntland ku sugan doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay Yemen iyo Iraan kuwaas oo qaarkood la siiyay shatiyo kalluumeysi halka qaar kalena ay si sharci-darro ah uga jillaabtaan.
Wararka ayaa sheegaya in xeebaha Soomaaliya oo dhan ay ka baxeen maraakiibta jariifka kadib markii ay dhowaan dacwad ka gudbisay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dacwadda ay Soomaaliya ka gudbisay maraakiibta Jariifka ayaa lagu lifaaqay magacyada iyo xogta maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.
PUNTLAND POST
The post Maraakiibta jariifka ah oo ka baxay xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta maama ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur lagasoo kala aruuriyay wadooyinka muqdosho kuwaasi oo ahaa darbi jiif.
Deeqdaan lacageed ayaa hay’adu ugu tala gashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo caruurta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Ku xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi kobac oo ka hadlay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheegay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro busha barakeysan ee ramadaan.
Siraad Maxamed Nuur Maamo Ugaaso oo xanaaneesa caruurtan ayaa kaga mahad celisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay iaydoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusata marka la gaaro bisha barakeysan ee ramadaan.
Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, Barnamijka Taakuleynta iyo Afurinta Bisha Ramadaan.
-
-
Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Bari Ee Baarlamaanka?
in News - Wararka
Posted
Waxaa lagu wadaa in maalinta bari Muqdisho ay ku kulmaan labada gole ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya, kulankaas ayaa waxaa looga hadli doonaa ajandayaal dhowr ah oo ku qotoma doorashada guddoonka labada aqal iyo midda madaxweynaha oo lagu wado in dhowaan ay ka dhacaan caasimadda.
Source: goobjoog.com