Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

    Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey saddex degmo oo kala ah Kaaraan, Yaaqshiiid iyo Heliwaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

    Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Banaadir, Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa ka hortaga falalka liddiga ku ah amniga, kooxaha burcadda iyo kuwa ciyaal weerada.

    “Waxa aan galnay howlgal aan ka sameynay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo lagu xaqiijinayo amniga guud, howlgallada ka socda Muqdisho waxaa looga hortagayaa Kooxaha nabad-diidka ah, Burcadda & dhalinyarada weerarada, waxa aan kasoo billawnay saldhigga Laaraan ilaa saldhigga Heliwaa waan ku tagnay ilaa aan ka gaarnay saldhigga Yaaqshiid, howlgalkaas sidii loogu talagalay ayuu u dhacay waana wax sii socon doona” ayuu yiri Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle).

    Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in koox dhalinyaro ah oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney ay gacanta kusoo dhogeen, kuwaas oo haatan baaris dheeraad ah lagu wado.

    Shacabka ayaa sidoo kale ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortegao falalka dhaawacya nabad-gelyada iyo kooxaha ku howlan.

    Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal amni darro, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka shacabka ah.

    The post Ciidamada ammaanka oo rag hubeysan ku qabtay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.


  2. Tababarkaan Waxa uu Soconayaa Muddo 6 bilood ah iyadoo ardayda Lagu Tababari  doono 10 Taqasus oo La Xiriira Kuliyadaha  Engineering & iT-da

    Dhismaha Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada Somtel & qalabeynteeda Intaba waxaa Ku baxay qarash dhan 1.9 Million  oo doolar iyadoo loogu Talagaly in Si lacag la’aan ah Tababar Lagu siiyo ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Jaamacadaha dalka & Kuwa ka qalin badashay intaba.

    Ugu horeyntii Waxaa daah-furay Tababarka Maareeye ku xigeenka Somtel  ahna  Madaxa Howl-fulintq Somtel  Mudane :Aden Xaaji   Yusuf Ibrahim  oo Ku dheeraaday ahmiyada Tababarkan Waxa uu tibaaxay in Somtel ay sii wadi doonto Tababarada Nuucaan oo Kale ah isagoo Ka dhawaajiyay in Tababaro  Sare  oo casri ah ( Advanced Trainings) ay Shirkadda dhawaan Soo kordhin doonto

    “ Waxaan ku faraxasanahay in  Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada aan Ku bilowno ardaydii ugu horeysay  oo maanta Tababarka aan u fureyno Waxa ay isugu jiraan qeyb IT ah  & Qeyb ( Telecommunication Field) ah Sida aad ka warqabtaan ardayda Marka Casharada lasiinayo waxa ay Makaxda Ku Weeleyn karaan oo kaliya 25% Fursadaha Tababar ay bixineeyso Xarunta  tababarka Tilnoolujiyada somtel waa Fursadi isku mid ah dhamaan Jaamacadaha dalka & ardaydooda intaba Umad Waliba Hormarkeeda waxa ay KU xirantahay Heerka  ay tiknolujiyada ka gaartay Waxaan U sameeynay  jamaacadaha & ardayda Jadwal Cad oo qolo waliba waqtiga loo asteeyay ayey  tababarada qaadan doonaan Waxaan  soo kordhin doona Kuliyaaha cilmiga ah oo iyagana Muhiim ah  Ugu dambeybtii Waxaan U Mahad-celinayaa Milkiilaha Dahabshil  Xaaji Maxamed Saciid Ducaale oo Ugu Deeqay ardayda Soomaaliyeed (1.9 Milion) doolar oo lagu dhisay Dhismaha Xaruntan Tababar & qalabeynteeda intaba”

    Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Maamule Ku axigeenka Waaxda farsamada  Eng Muxudiin Cali  Yusuf oo tilmaamay  in shirkaddu  balan-qaadyo  rasmi ah u fidisay ardayda Soomaaliyeed

    “Waxaan Tababro  qoto dheer Siin doonaa ardayda  kuliyadaha Engineering & it-da Waxaan hubin doonaa in baraatikada Si dhab ah U wada qaateen dhamaan ardayda Jaamacadaha dalka  ee Xarunta Tababarada U fidineeyso Waxaa Tusaale idiin-kugu filan ardayda Jaamacadaha SIU & Jamhuuriya oo Maanta Tababarka u bilowday  Waxaan rajeeyneeynaa iyagoo Xirfadlayaal ah inan Tababarka U Soon xiro ardayda Inta uu Tababarka uu Socdo Waxaan Ku tababar Ku qaadan Donaan  maadooyinka Kala ah (- *) ISP/SPLACING    *) IT     *) CORE AXESS NETWORK  *) DATA COM NETWORK   *) PSTN/NGN  *) RNPO *) OCS  *) POWER HYPRID SCENARIOS  *) TRANSMITION  * ) VSAT  *) WIRELESS)”

    Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Hormuudka Kuliyada  Engineering & Computer Technology  ee Jaamacada SIU  Mudane: Eng: Maxamed Cali  khaliif oo Ku hadlayay Codka Jaamacadaha ardaydooda Tababarka U furmay

    “waan Ku faraxdanahay In Maanta Xarunta Tababarka Tiknoolujida Somtel ay Tababarada ay qabaneyso Ku bilowday ardaydeena Waan uga Mahad-celineeynaa Sida ay inooga Caawiyeen dhinaca Baraatikada oo dalka oo idil Kama jirto  Xarumo Tababar qalabeysan oo baraatiko lagu siiyo ardayda Soomaaliyeed waa Markii ugu horeysay  Xarun  Nuucaan ah oo ardayda weliba si lacag la’ aan ah tababaro Lagu siinaayo Waxaan rajeeyneeynaa In la badiyo Xarumaha Tababarka  Nuucaan ah si ay u daboosho baahida  ardayda Somtel.”

     Ugu dambeyntii Qaar ka ka Mid ah ardayda Jaamacadaha SIU & Jamhuuriya oo iyaguna dareenkooda  Muujiyay & Sida ay ugu faraxsanyihiin XarunTababar ay Somtel ay  Soo Kordhisay

    “Waan ku faraxsanahay inan Maanta fursad u helno ardaydii ugu horeeyay ee Lagu daah-furay Tababarada ay bixineyso xarunta Tababarka Tiknoolujiyada Somtel Waxan ka koobanahay Ku dhawaad 100 arday oo ka Socda  jaamacadaha  Jamhuuriya & SIU oo Maanta  Lagu bilaabay Tababarka Waxaan rajeeyneeynaa Marka  tababarka inoo dahamaado inan baraatiko dhameystiran halkan kala tagi  doono taasoo Marka an suuqa shaqada tagno  ka dhigeeysa ianan Noqono arday Xirfadlayaal.”

    Si kastaba ha ahaatee Waa Xaruntii Tababar ee ugu horeysay ee Shirkad ganacsi furtay  abid oo Si bilaash ah Wax lagu barayo arday Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka & kuwa ka qalin badashay intaba.
    WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.53-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.12-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.15-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.16-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.16-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.52-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.53-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.55-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.56-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.57-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.57-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.06.57-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.13-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.17-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.18-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.19-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.08.19-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.35-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.36-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.36-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.37-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.37-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.38-PM. WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.38-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.38-PM- WhatsApp-Image-2022-05-31-at-1.31.39-PM.

    The post Sawirro: Xarunta tababarka teknoolajiyada Somtel oo si rasmi ah tababar ugu furtay ardayda laba jaamacad appeared first on Caasimada Online.


  3. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan ka degay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe.

    Garoonka waxaa ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne kale.

    Madaxweyne Deni ayaa ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya halkaas oo uu muddooyinkii danbe safar ku joogay.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.


  4. Muqdisho (Caasimada Online)  – Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan khubaro Soomaali iyo ajaanib ah ayaa ugu baaqay dawladda cusub ee Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin deg deg ah oo la xiriira dakhliga iyo misaaniyadda dawladda iyo weliba qandaraasyada.

    Guddigu waxay sheegeen in dib u dhicii ku yimid doorashada iyo xilliga kala-guurka ah oo dheeraaday ay carqaladeeyeen kabkii miisaaniyadeed ee beesha caalamku siin jirtay Soomaaliya.

    Warbixin uu guddigu soo saaray ayaa saldhig looga dhigay digniintaan, waxayan xubnaha guddigaasi ka kooban yihiin wasiirka maaliyadda, wakiillo kala metelaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo wakiillo ka socda hey’adda IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub.

    Wuxuu guddigaani ka digayaa in dowladda cusub ay ku adkaa doonto bixinta musharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda, xilli ay dhawaan hey’adda IMF seddax bilood ku kordhisay bixinta kharash ay ku kabto miisaaniyadda Soomaaliya oo gaaraya $400 oo milyan, si dowladda cusub ay fursad ugu hesho dhameystirka nidaamka maaliyadeed.

    Warbixintaan waxaa lagu iftiimiyey in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh looga baahan yahay in deg deg ay heshiis ula gasho hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

    Talooyinka looga badbaadi karo firaaqa maaliyadeed ee Soomaaliya ku wajahan ee guddigaan uu soo jeediyey waxaa ka mid ah, in dowladda looga baahan yahay inay xoogga saarto kobcinta daqliga gudaha.

    Guddigaan wuxuu ku taliyey in Xasan Sheekh uu soo dhiso dowlad kooban, sidoo kalena aysan dowladu sameyn mushaar kordhin, “Dowladda oo lasoo kobo waxay muhiim u tahay xaqiijinta maamulka kharashaadka dowladda,” ayaa lagu yiri warbixintaan.

    Warbixintaan waxaa shaaca looga qaaday in dowladda Soomaaliya ay sanadkii 2020-kii heshay kabkii miisaaniyadeed ee ugu badnaa, kaas oo gaarayey 180 milyan oo dollar, balse markii ay doorashadu dhaaftay waqtigeedii uu caalamku joojiyey kabkii miisaaniyadda.

    Ku dhawaad 39 milyan oo dollar ayuu sanadkii hore hoos u dhaga dhacay kabkii miisaaniyadda, taas oo aysan ku jirin in ka badan labo milyan oo dowladda Turkiga ay siisay Soomaaliya sanadkii hore.

    Sanadihii 2014-kii ilaa 2021-kii ayaa lagu sheegay warbixintaan in daqliga gudaha ee dowalssa uu kordhay 170%, sidaas oo ay tahay daqliga gudaha wuxuu bixinayey 50% wax ka yar kharashaadka dowladda, taasi waxay keentay in bil kasta kharashka ka baxayey dowladda uu is dhimo 8 milyan oo dollar, sida lagu shaaciyey warbixintaan.

    Guddigu wuxuu intaas ku daray in dib u dhacyadii doorashada ay halis geliyeen barnaamijyadii dhaqaale ee IMF ay la waday Soomaaliya, maadaama ay hey’adda u suurta geli weysay inay dhameystirto dib u eegistii dhaqaale.

    Sidoo kale guddigu wuxuu ka digay in hadii IMF ay barnaamijyadeed ku dhameystiri weyso ilaa 17-ka bisha Agoosto ee sanadkaan, uu is taagi doono barnaamijka kabka dhaqaalaha.

    Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda cusub ugu baaqay in dowladda cusub ay siyaasad cad ka yeelato arrimaha qandaraasyada, sida kuwo cusub iyo kuwii horaba.

    “Wasiirrada qaar waxaa laga yaabaa inay baabi’iyaan qandaraasyo hore oo kuwo cusub ay galaan, iyagoo aan raacin sharciyada qandaraaska, falalka noocaas ahna waxay deg deg u wiiqi karaan sumcadda maamulka cusub, gudaha iyo dibadaba, waxaa loo baahan yahay in wasiirrada Soomaaliya loo cadeeyo inay bixinta qandaraasyada u maraan hanaan sharci ah,” ayaa lagu yiri warbixintaan.

    Guddigu wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiskii bishii Febraayo uu wasiirka batroolka Soomaaliya la galay shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kaas oo markii dambe ay baabi’isay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble.

    “Dowladda cusub waa inay ka baaraan degto heshiiskaas 7 xirmo ee uu saxiixay wasiirka batroolka, waa in dowladdu ay isku diyaariso tilaabooyin dhinaca sharciga ah oo kazoo bixi kara, hadii ay go’aansato inay baabi’iso heshiiskaas,” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya.

    The post Dowladda Xasan Sheekh oo wajaheysa caqabad dhaqaale oo deg deg ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  5. (SLT-Garoowe)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in xal waara laga gaadhay khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo isku qabtay arrimaha maamulka.

    Wada-hadallo ay gadh-wadeen ka ahaayeen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi, kadib ayaa lagu guulleystay in lasoo afjaro khilaafka labada masuul oo gaadhay meeshii ugu sarreysay, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

    Deni iyo Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka billaamay arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo lagaga guuleystay.

    Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray, kadib markii uu Karaash qaaday tallaabooyin isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabis, taas oo isna ka hor yimid Madaxweyne Saciid Deni.

    Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in haatan is faham laga gaadhay xiisadda labada dhinac, waxaana la filayaa in Axmed Karaash uu maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni oo tegaya Garoowe kadib safarkiisii Muqdisho oo uu uga sii gudbay caasimada Nairobi.

    Source


  6. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KGM maamulka Koonfur galbeed.

    Xasan ayaa kulama la qaadan doona inta uu ku sugan yahay baydhabo madaxda maamulka iyo bulshada rayidka ah ee Koonfurgalbeed.

    Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxaa kulamada uu la qaadanayo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Koonfur galbeed looga hadli doonna arrimo ay kamid yihiin abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa abaarta.

    Socdaalka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlin doono xubna uu kamid yahay ergyayga gaarka ah ee arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, isagoo qayb ka ah soo dhaweynta madaxweynaha.

    Dhinaca kale magaalada ayaa laga dareemaya diyaar garowgii ugu dambeeyay ee wafdiga uu hogaaminayo madaxwyenaha.

    1-3.jpg 2-4.jpg 3-2.jpg 4.jpg 5.jpg 6.jpg 7.jpg

    Source: goobjoog.com


  7. Waxaa maanta oo talaado ah dib u soo noqday howlihii iyo barnaamijyadii warbaahinta Goobjoog kadib muddo hal maalin ah oo hakad loo galiyay shaqada warbaahinta baroordiiqda allaah u naxariistee marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ahaa difaacihii xuquuqul insaanka iyo dowlad wanaagga.

    Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib muddo kooban oo uu ku xanuusanaa isbitaalka Yardimeli hospital.

    Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa muddo dheer ka shaqeynayay howlaha nabadda iyo dowladda wanaagga Soomaalida, sidoo kalena wax badan ka qabtay arrimaha gurmadka abaaraha.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xal waara laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni iyo Axmed Karaash oo isku qabtay arrimaha maamulka.

    Wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi,kadib ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro khilaafka labada nin oo gaaray meeshii ugu sarreysay, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

    Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.

    Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray, kadib markii uu Karaash qaaday tallaabooyin isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabis, taas oo isna ka hor yimid Madaxweyne Saciid Deni.

    Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in haatan is faham laga gaaray xiisadda labada dhinac, waxaana la filayaa in Axmed Karaash uu maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni oo tegaya Garoowe kadib safarkiisii Muqdisho oo uu uga sii gudbay caasimada Nairobi.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa sidoo kale si wadajir ah saaxafadda ula hadli doono marka ay isugu tegaan Garoowe, si ay u shaaciyaan in la dhameeyey khilaafkii dhexdooda ahaa, loona sii amba qaado howlaha maamulka iyo hore u socodka Puntland.

    Heshiiskan ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan.

    Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.

    The post XOG: Madaxweyne SACIID DENI iyo ku xigeenkiisa oo heshiis gaaray appeared first on Caasimada Online.


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka Imanaya dalka Chad ayaa sheegaya in in kabadan 100 qof ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray kooxaha dahabka ka qota woqooyiga dalkaasi.

    Masuuliyiinta dalka Chad ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkaas ku dhaawacmeen in ka badan 40 qof oo kale.

    Iska hor-imaadyada ayaa badankoodu waxay dhaceen 23-kii iyo 24-kii bishan May, waxayna ka dhaceen degmada Kouri Bougoudi oo u dhow xuduuda dalka Chad uu la wadaago Libya.

    Goobta weerarku ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inay ka mid tahay meelaha aan sida sharci-darrada ah ay dadweynuhu uga qotaan dahabka.

    Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Chad ayaa Isniintii sheegay in dagaalku uu goobaha dahabka laga qoto ka bilawday xilli habeenimo ah, balse faahfaahin intaas ka badan kama bixinin sababta keentay dagaalka.

    Dhankiisa Wasiirka warfaafinta ee dalka Chad ayaa sheegay in weeraradu ay dhex mareen kooxo carab ah oo ka soo gudbay xuduudda dhinaca Libya iyo qowmiyadda Tama oo deggam dhinaca bari ee dalka Chad.

    Dawladda Chad ayaa haatan mamnuucday hawlaha macdan qodista ee deegaannada Kouri Bougoudi, iyada oo halkaas ka daadguraysay dadweynihii goobtaas ku noolaa.

    Dalka Chad ayaa ku lug leh dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kooxaha fallaagada ah ee ku hanjabaya inay ridi doonaan dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Idriss Deby. Hase yeeshee, ma jirin wax muujinaya in kooxaha argagixisada ama dembiilayaasha ay door ku lahaayeen rabshadaha macdanta.

    The post Wararkii ugu dambeeyey 100 qof oo DAGAAL lagu dilay, kadib… appeared first on Caasimada Online.


  10. 1-21.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu guulaystay in la xalliyo sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

    Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa intii uu Muqdisho ku maqan Madaxweyne Deni wuxu sameeyay xilka qaadis mas’uuliyiin kala duwan inkastoo aysan dhaqan-gelin.

    Waxaase arrintaa ka horyimid Madaxweynaha oo ku tilmaamay waxba kama jiraan islamarkaana mas’uuliyiintii la ceryiyay ku amray in ay shaqada sii wataan.

    Ugu danbayn labada mudane ayaa sida wararku sheegayaan xal ka gaaray khilaafkooda waxaana la filaya in Axmed Karaash maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni.

    PUNTLAND POST

    The post Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo heshiiyay appeared first on Puntland Post.


  11. Sacdiyo-2.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Marka laga hadlayo siyaasadda iyo haweenka Soomaalida, ma fududa in haweeney ama gabari guul la taaban karo ka gaarto siyaasadda dalkaan. In ka badan 60 sano oo dalku xornimo haystey, haweenku waxay wajahayeen caqabado tiro beel ah oo ka imanaya bulshada ay ku dhex nool yihiin, caqabadahaas oo la xiriira dhaqanka, iyo wacyiga bulshada iyagoo la kulma hadalo badan oo dhaliil iyo niyad jebin ah, in badan oo ka mida haweenka Soomaaliyeedna waa qabatimeen duruufaha ku xeeran oo waxay meel iska dhigeen hankoodii in ay qayb ka noqdaan hoggaanka dalka.

    Waxaase jira haween fara ku tiris ah oo u dhabar adayga sidii ay uga mira dhalin lahaayeen hankooda siyaasadeed iyo halganka ay ugu jiraan ka qaygalka siyaasadda.

    Waxaa haweenka aan niyad jabin ka mida Sacdiyo Yaasiin Xaaji, waa siyaasiyad halgan usoo martay hanashada hadafyadeeda siyaasadeed, waxay kaga duwantahay haweenka kale ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed in aysan marnaba ka tanaasulin rabitaankeeda siyaasadeed.

    Sacdiyo waxay ka mid ahayd dadkii tegey oo degay qurbaha, waxayse dib ugu soo laabatay dalka si ay uga miradhaliso hamigeeda siyaasadeed ee u adeegidda bulshada.

    Saciyo waxay in badan horay ugu qareemi jirtay xuquuqul insaanka gaar ahaan u qareemida bulshada inteeda nugul, Sacdiyo waxa ay u hadli jirtey dadka aan lahayn meteladaada siyaasadeed ee uu badan qabiillada laga tira badan yahay ee Soomaaliyeed. Sacdiyo marka laga yimaado inay tahay siyaasiyad, waa hooyo iyo barbaariso.

    sacdiyo-3.jpg?resize=660%2C370&ssl=1

    Sacdiyo markii ugu horreyasay 2016kii ayay ka mid noqotay baarlamaanka dalka iyada oo metelaysa beesheeda, waxayna ka mid noqotay tiro haween ah oo ku guuleystey ka qayb noqoshada Golaha Shacabka oo aanay haweenku tiro badan ka ahayn. Sacdiyo waxaa ay noqotay xildhibaan firfircoon golaha dhexdiisa oo mar walba doodeheeda siyaasiga ka soo gudbin jirtay golaha dhexdiisa.

    Sacdiyo waxa ay ka mid ahayd sidoo kale xildhibaano dhaliili jirey xukuumaddii markaas jirtey, iyada oo u arkaysay in wax badan oo sharciyada waddanka ah lagu tuntay ayna tahay in la saxo la islana xisaabtamo.

    Shan sano kadib markii ay ku biirtay Golaha shacabka, Sacdiyo oo maanka ku haysa aaminsanaydna inay qayb ka noqon karto isbedel togan oo dalka ka dhaca, waxay mar kale fursad u heshay inay noqoto xildhibaan iyadoo dib loogu soo doortay in ay afar sano oo kale ka mid ahaato Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya.

    Dib u doorashadeeda Xildhibaan Sacdiyo waxay fursad u siisay in ay u tartanto hoggaanka golaha taas oo ay muddo ku hammiyaysay waxayna dedaal dheer u gashay arrintaas.

    Riyadaasi waa rumowdey 28ka April 2022 oo Golaha Shacabku ay Xil. Sacdiyo u doorteen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha.

    Dadaalkii Sacdiyo iyo isku daygeedi waa mira dhalay, maantana waa maalin ka duwan maalmahii hore, waa maalin ay sugeysey in muddo ah, keligeedna kuma ahan sugitaankaas ee guusheedu waxa ay yididiidlo hor leh ku abuuraysaa haweenka Soomaaliyeed oo ah lafdhabarta iyo bulshada iyo badbaadiyayaashii dalka xilliyadii adkaa, laakiin laga soomiyey ka qayb galka iyo wax ku yeelashada talada iyo siyaasadda dalka.

    Sacdiyo-1.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Hambalyada tirabeelka ee tooska u soo gaaraysay iyo midda hawada loo soo marinayay ka sokow, dadku waxay muujinayeen muhimadda dhacdadan u leedahay haweenka Soomaaliyeed iyo ka qaybgalkooda siyaasadda dalka.

    Waloow masuuliyad iyo culeys u kordhay Sacdiyo, haddana guud ahaan dadku waa ay ku farxeen si gaar ah haweenka oo si weyn u soo dhoweeyay guushan una dabbaal degay, waxayna dareemayaan inay tahay bog cusub oo uga furmay ka qaygalka siyaasadda ee haweenka Soomaaliyeed.

    Sacdiyo doorashadeeda ka dib ayay la hadashay idaacadda VOA qaybta Af-Soomaaliga “Markii la iigu hambalyeeyey inaan ahay haweenaydii ugu horreysey ee booskaan timaada, waxaan xasuustay inay jireen haddana jiraan haween Soomaaliyeed oo soo halgamay, hawsha ay dalka iyo dadka u qabtaanna ka badan tan ay qabtaan ragga siyaasiyiinta oo haddana aan intaas oo sano ka mid noqon hoggaanka sare ee golaha, sidaas darted xilkaan iyo kuwo ka sarreeyaba waxay ahayd in haweenku mar hore qabtaan”.

    Shaqo walba oo la qabanayo iyo yool walba oo qof rabo inuu gaaro waxaa ku gedaaman caqabado aan yarayn, una baahan dhabar adayg iyo in la wajaho. Marka laga reebo caqabaha guud ee ay la wadaagto haweenka siyaasiyiinta ah, Sacdiyo mar ay ka hadashay caqabadaha ay xusi karto intii ay halganka ku jirtey waxay sheegtay “Doonistii booskaani wuxuu ahaa mid aad iyo aad iigu adag, xildhibaano badani waa ila yaabayeen markii aan dhaho codkiinna ayaan rabaa, qaarkood waxa ay ii arkayeen inaan riyo ku jiro, iyagoo igu lahaa haddaan hadda codkayaga ku siinno xaggee gaaraysaa”.

    Sacdiyo oo ay doorteen Golaha Shacabka oo ka kooban 275 xubnood, waxay aaminsantahay inkastoo ay haweeney tahay, haddana in ay si siman ugu adeegayso shacabka qaybihiisa kala duwan.

    “Raggu waa aabbe, walaal, wiilashayda iyo ehelba, marna dhici mayso inaan u eego sida ay iyagu haween ahaan noo eegaan ama noo liidaan, dhammaan shacabkaygu waa u simanyihiin in aan u adeego” ayay Sacdiyo sii raacisay.

    Sacdiyo waa ay ku baraarugsan tahay baahida haweenku u qabaan inay qayb ka noqdaan hoggaanka dalka, oo waxay ku hanweyn tahay inay door ku yeelato in la helo haween badan oo qayb ka noqda go’aan gaarista dalka iyaga oo metelaya guud ahaan bulshada gaar ahaanna haweenka iyo dadka nugu.

    Guddoomiye Sacdiyo waxay doonaysaa in ay mansabkaan ku hirgeliso isbedel lagu la saxayo caddaalad darrooyinkii muddada dheer ay arkaysay ee ka jirey siyaasadda dalka iyo in ay ugu qareento bulshada dhibka haysto si gaar ahna dadka aan lahayn metelaad siyaasi ah.

    Guddoomiye Sacdiyo waxay tusaale ugu tahay haweenka hanka ka leh siyaasadda dalka in intii ay ku jirtay halgankeeda siyaasadeed ay muujisay karti, ka go’naansho, metelaad, iyo abuuritaanka xulufo siyaasadeed taas oo u suurtogelisay in ay ku guuleysto heerkii ugu sarreeyay ee haweenka Soomaaliyeed ka gaaraan hoggaanka Golaha Shacabka.

    Source: Women In Media Initiative Somalia (WIMISOM)

    The post Xil. Sacdiya Yaasiin: Haweenaydii ugu Horreysay ee ka mid noqota Hoggaanka Golaha Shacabka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  12. Madaxweynaha dowladda Puntland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa maanta ku wajahan caasimadda Garoowe.

    Qaban-qaabada soo dhowaynta madaxweynaha ayaa ka socota garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin dowladeed iyo dad weyne kala duwan.

    Maadxweynaha oo markii ugu horraysay tan iyo doorashadii 15 May dib ugu laabanaya Puntland ayaa lagu wadaa in maanta loo sameeyo soo dhowayn ka duwan kuwii hore.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.


  13. (SLT-Addis Ababa)-Xoogaga ku sugan gobolka uu dagaalku halakeeyay ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dagaal hor leh ay la galeen dalka deriska la ah ee Eritrea.

    Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay Getachew Reda, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda TPLF, oo sannad iyo badh dagaal kula jirta dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda – oo ay ku jiraan ciidammada ka socda Eritrea- ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya ciidammada Tigray iyo Eritrea uu dhacay toddobaadkii hore.

    Getachew ayaa sheegay inay guul ka gaadheen dagaalka isagoo Eritrea ku eedeeyay inay isku dayeyso inay xiisadda ka sii darto. Dhanka kale war laga baahiyay telefishinka Tigrai TV, oo xidhiidh la leh ciidamada Tigray ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ay laba maalmood oo isku xigta bam ku garaacayeen magaalada Sheraro.

    Eritrea weli kama hadlin arrintan oo aan sidoo kale loo xaqiijin karin si madax bannaan.

    Source


  14. 3-15.jpg?resize=552%2C465&ssl=1

    Taliye ka tirsan ciidanka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu ku biiray Somaliland kadib markii dhowaan baraha bulshada lagu faafiyay warkaas.

    Taliye Kabiin Cabdiraxmaan Awcali oo ku sugan Gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in aysan jirin wararka laga faafiyay ee ku saabsan in uu ku biiray dhinaca Somaliland.

    Dhowaan ayaa baraha bulshada waxa qabsaday sawirka Taliye Kabiin oo markaas la sheegayay in uu ku biiray ciidamada Somaliland islamarkaana ka baxay Puntland.

    PUNTLAND POST

    The post Maxaa ka jira in Taliye Kabiin ku biiray Somaliland? appeared first on Puntland Post.