Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Rooble.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya amniga xafladda caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxaana ka mid ah taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda.

    Xafladda xafladda caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo 9 bisha Juun 2022, waxaana ka qaybgalaya qaar ka mid ah madaxda dalalka Afrika.

    FB_IMG_1654021291549.jpg?resize=692%2C10

    PUNTLAND POST

    The post Guddi loo magacaabay amniga caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.


  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo safar ku jooga magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

    Kulanka oo ahaa mid is-xogwareysi ah ayaa waxaa inta badan looga hadlay xaalada guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana dhaqanka kulanka ka qeyb galay madaxweynaha ay kaga mahadceliyeen safarka uu kusoo gaaray magaalada iyo Koonfur Galbeed uu ka bilaabay safarkiisa.

    Madaxweyne Xasan ayaa horay u sheegay in safarkiisa Baydhabo uu ku qotomo arrimaha dib u heshiisiinta dalka uu horay kaga balanqaaday Baarlamaanka hortiisa inuu samaynayo dib u heshiisiin dhab ah, waxaana madaxweynaha sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo bulshada qeybaheeda.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen  Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga ee xafladda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

    Xubnaha guddigaan oo ka kooban 7 masuul ayaa kala ah afar wasiir iyo seddax taliye ciidan, waxayna kala yihiin:

    1– Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur guddoomiyaha guddiga.
    2– Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac
    3– Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Duraan Axmed Faarax
    4– Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji
    5– Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage
    6– Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Xanan Maxamed Xijaar
    7– Iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad

    Wareegtada lagu magacaabay ee ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, “Waxaa la farayaa xubnaha guddiga ee la magacaabay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan oo adkeeyaan amniga xafladda caleema saarka Madaxweynaha JFS.”

    Sida la qorsheeyey waxaa lagu wadaa in xaflad weyn oo lagu caleema saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu qabto magaalada Muqdisho 9-ka bisha June.
    285439906_364065525822600_44175386049999

    The post R/W ROOBLE oo guddi u magacaabay caleemo-saarka Xasan + Maalinta ay dhaceyso appeared first on Caasimada Online.


  4. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaasi oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.

    Laamaha amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jira labada nin ee baxsadka ah oo lagu kala magacaabo Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed.

    Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadinayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.

    “Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay waddamo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, kuwaas oo loo qaaday Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti.

    Waxa kale oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin labadaan Nin daabulida iyo qaybinta hal kiilo oo daroogada nooca Heroin-ka ah oo la geeyay Mareykanka.

    Kinoti ayaa sheegay in Saalax la xiray bishii June ee sanadkii 2019-kii, isaga oo la soo taagay maxkamad ku taalla Kenya, iyada oo damaanad lagu sii daayay, waxaana markii ugu dambeysay ee la arko ay aheyd December 2019. Kinoti marnaba ma soo hadal qaadin Axmed.

    Saleh iyo Ahmed ayaa lagu dacweeyay dalka Mareykanka sanadkii 2019-kii, waxaana hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol ay soo saartay amarka qabashada tuhmanayaashan.

    Eric Kneedler, oo ah u qeybsanaha safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciribtirka daroogada iyo ka ganacsiga duurjoogta ay tahay mudnaanta koowaad ee maamulka madaxweyne Joe Biden, wuxuuna sheegay in Mareykanku uu kala shaqeyn doono Kenya sidii loo ciribtiri lahaa dambiyadan, kuwaas oo saameynaya labadaba dal.

    Bishii Luulyo 2020, nin kale oo looga shakisan yahay ka ganacsiga duurjoogta, Abubakar Mansur Mohammed Surur, ayaa la xiray oo loo gacan geliyay Mareykanka Surur ayaa la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa ugaarsiga sharci darrada ah ee ugu yaraan 35 wiyil iyo in ka badan 100 maroodi ah.

    VOA

    The post MAREYKANKA oo adduun lacageed badan dul-dhigay madaxa Soomaali Kenyan ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  5. Taliyaha ciidamada  Booliiska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadi( Dabagale) ayaa ka digay in ay mucaaradku sameeyaan Banaanbaxyo, kadib khilaaf xoogan oo soo kale dhex galay xukuumadda talada haysa iyo xisbiyada mucaaradka ah, waxaana uu ciidanka ugu baaqay in ay ka hortagaan iyagoo la fulinaayo amarka wasaaradda arrimaha gudaha.

    “Waxaan u diyaar garoobaynaa amniga gudaha oo dhan inaan gacan adag ku qabanyo, cidda doonaysa in ay qalqal galiso, cid kasta ha ahaatee u dulqaadanmaynee labada qacan ayaa isugu gaynaynaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsana waan ka qaadaynaa, laga bilaabo iminka ciidamadeenu heegan ayeynu galaynaa” ayuu yiri taliye Dabagale oo la hadlayay  Booliiska.

    Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay isku soo bax, taas oo ay ku dalbanayaan in Muuse xukuumadda Biixi  ay doorashada ku qabato xiligeeda, tii oo ay jirto in khilaafkaas uu gaaray golaha wakiillada dhexdiisa, Booliiska ayaa ka digay qabashada Dibadbaxyada mucaaradka sida maanta uu ka dhawaajiyay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xariga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

    Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiingad oo mararka qaar wax-yeelo u geysanayay dhalinta wax ku baraneysa.

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 24-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2021-ka ballan-qaaday in dhisme casri ah laga dhigi doono iskuulka, xiligaas oo uu booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

    Rooble ayaa xiligaas amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka, ayada oo ugu dambeyntiina uu maanta xariga ka jaray.

    Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasibad kooban oo loo qabtay xarig ka jarka iskuulkaan ayaa waxa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay muhiimad gaar ah siiyaan agoonta.

    “Waxaa rajeynaya in Iskuulkaan si deg deg ah qeybo kale, waxaana Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed u sheegaya qofkasta waajib ayaa ka saaran caruurta agoonta ee waalidoontooda darteen u dhinteen, waa in laga warhayo oo la koriyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

    iskuul0.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 iskuul1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 iskuul2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 iskuul3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 iskuul4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

    The post Rooble oo maanta ka dhabeeyay ballan-qaad uu sameeyay sanad kahor appeared first on Caasimada Online.


  7. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha mudane . Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay gudaha dalka ku gaaray maanta ku tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay tan iyo markii xilkaas loo igmaday
    Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula, waxaana
    U-jeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenla Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, uu  ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.
    Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyeeleeyeen. Ergeyga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Carabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad, waxaana uu soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan uu u siday guddoomliyaha golaha shacabka.
    Safiirka oo Guddoomiyaha kala hadlay arrimaha horumarinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo sidi loo tayeyn-lahaa shaqaalaha iyo sidoo kale waxaa uu soo gaarsiiyay dhamaal salaan ah uga siday dhigiisa Guddoomiyaha Golaha fadhiga shuyuuqda dalka Boqortooyada Sucuudiga
    Danjiraha ayaa dhanka kale sheegay in Guddoonka Golaha shacabka dadaal dheer ku bixiyeen dhismaha Hay’adda ugu sarreysa ee dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya , Guddoomiyaha ayaa dhankiisa safiirka ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee Boqortooyada Sucuudiga la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  9. Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, . Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey lana gaarsiiyay dadkii loogu talo galay.

    Ergayga, ayaa shalay ku baaqay in la fududeeyo, haddii ay jiraan caqabado dowladda dhexdeeda ah ama shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ku hor gudban deeqaha ka imaanaya dibadda , xilligaan oo dadku ay wajahayaan xaalad nololeed oo ka dhalatay abaarta baahsan.

    Ergayga ayaa u mahad-celiyay, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye, oo hawshaas gacan ka gaysatay, kuna sugneybd goobta lagu wareejiyay Gargaarka, Cabdiraxmaan ayaa dhowaan la kulmay safiirka dowladda Qatar.

    Source: goobjoog.com


  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Baydhaba, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeeyay.

    Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo maamulka iyo Shacabka dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

    Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

    “Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

    “Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”

    Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Xasan Sheekh Maxamed oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Koonfur Galbeed oo kamid ah maamul goboleeyada ka jira dalka.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa Baydhaba, kadib u gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

    Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu beri tegayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, marka uu ka dhamaado howlaha Baydhabo

    Qaban-qaabo ku aadan safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaas, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka.

    Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay booqashadiisa u muuqataaa mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.
    285355385_394852546019224_90039242324190 285338852_394852892685856_46951922981077 285355938_394852559352556_66015418672015 285471091_394852779352534_37246843346721 285543552_394852956019183_20023737854684 285318319_394852912685854_13543705524278 285454507_394852856019193_40834816244858 285438412_394852932685852_53774839279744 285468149_394852769352535_24899970389364 285291809_394852672685878_24258189415912 285233948_394852609352551_63316803870194 285278881_394852699352542_21451038720970 Xasan-Sheekh-4.jpeg?resize=696%2C487&ssl Lafta-gareen.jpeg?resize=696%2C476&ssl=1 Xasan-Sheekh-Maxamuud.jpeg?resize=696%2C 285367431_394852632685882_45904149685716 285325724_394853016019177_44389600194928 285462069_394852739352538_32992323043035 Koonfur-Galbeed-Madaxtooyada.jpeg?resize

     

    The post Sawirro: Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyey Baydhaba, shaaciyeyna qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.


  11. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas, Deni ayaa safarkii kaga soo kicitimay magaalada Nairobi uu ku sugnaa, kadib doorashadii madaxweynaha Jamhuuriyadda uu u tartamay.
    Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
    Madaxweynaha ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doodashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo 15-kii Muqdisho  lagu doortay, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay.
    Deni ayaa  Bulshada reer Puntland u sheegay  in markasta oo Doorasho ka dhacdo dadku is qoonsado, Balse reer Puntland Sidii lagu yaqaanay waa inay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin wixii lasoo maray ayuu sheegay, Deni ayaa aad ugu dhowaa madaxweynaha la doortay ee Xasan Shiikh Maxamuud.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud soo dhoweyn diirran ugu sameeyey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
    Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxaana la xasuustaa inuu Baarlamaanka hortiisa ka ballan qaaday inuu dhisayo Soomaali Heshiis ah Adduunkana heshiis la’ ah.
    “Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay safarkiisa.
    Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.
    “Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”
    Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
    May be an image of 10 people, people standing and outdoors
    May be an image of one or more people, people standing and outdoors
    May be an image of 5 people, people standing and outdoors
    May be an image of 5 people, people standing and outdoors
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah, kaas oo ay wax ku baran doonaan caruurta aqoonta qaranka.
    Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha, laakiin hadda waxaa loo dhisay qaab casri ah, kaas oo lamid ah dugsiyada casriga ah.
    Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.
    May be an image of outdoors
    May be an image of 6 people, people standing and outdoors
    May be an image of 9 people, people standing and outdoors
    May be an image of 1 person and sky
    May be an image of 6 people, child, people standing and outdoors
    May be an image of 13 people, people sitting, people standing and indoor
    May be an image of 13 people, people sitting and people standing
    May be a closeup of 2 people, child, people standing and outdoors
    May be an image of 12 people, people standing and outdoors
    May be an image of 8 people, people sitting and people standing
    May be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoor
    May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
    May be an image of 9 people and people standing
    May be an image of 1 person, standing, tree and outdoors
    May be an image of 5 people, people standing and outdoors
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  14. FB_IMG_1654002466347.jpg?resize=720%2C54

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud soo dhoweyn diirran ugu sameeyey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, Nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

    “Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aaan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno.”

    Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

    “Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”

    Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hoteellada waa weyn ee Muqdisho ee ay madaxda degan yihiin soo buux dhaafiyay siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahano kasoo jeeda beesha awood qeybsiga u leh xilka Ra’iisul Wasaaraha la filaayo inuu magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Siyaasiyiintaan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa mid walba wuxuu orod ugu jiraa sidii uu xilka ra’iisul wasaare loogu magacaabi lahaa.

    Xog ay heshay Caasimada Online oo laga soo xigtay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxay sheegeysa inuusan markaan diyaar u ahayn magacaabista Rai’sul Wasaare ay dad kale ama mas’uuliyiin kale soo jeediyeen sidii ra’iisul wasaareyaashii hore ee 2012-2017 uu usoo magacaabayna ay ka gedisan tahay hadda.

    Waxaa xusid mudan inuu Madaxweyne Xasan sheegay inuu wadatashiyo kadib isagu kaliya soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare uu aamini karo, iska hubo inay wada-shaqeyn karaan, mowqifyada iyo aragtida siyaasadeed ay isaga dhow yihiin, lehna sifo uu ku hoggaanmin karo xukuumadda federaalka.

    Siyaasiyiinta isu sharxay inay qabtaan xilka Ra’iisul wasaare badankooda waa kuwo xilka ku raadinaayo nidaamka qabaliga ah, waxaana maamulada Puntland iyo Jubaland ay ku dagaalamayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo shaqsi ay iyaga keensadeen, taasoo hadda madaxweynaha u diyaarsaneyn inuu ku dhaqaaqo, badalkeedna uu iskiis usoo xulan doono.

    Waxaa jira dhowr siyaasi oo Xasan Sheekh uu la kulmay, kuwaasi oo uu la sheekeystay, eegayna barnaamijyadooda si uu imtixaan u mariyo.

    Madaxweyne Xasan oo wareysi bixiyay wuxuu kaga hadlay mudadii uu xafiiska joogay sababtii seddax Ra’iisul Wasaare uu ula soo shaqeeyay, isagoo sheegay in dhibaatada ay tahay dastuurka qabyada ah, oo awoodii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha is-dhinac socodsiiyey oo aysan kala jiirn kala sareyn, isaga oo intaa raaciyay ineysan jirin madaxweyne iyo ra’iisul wasaare shaqada isla dhameystay. 

    The post Xog: Loolanka xilka ra’iisul wasaaraha iyo Xasan Sheekh oo hab cusub u wajahaya appeared first on Caasimada Online.


  16. sacdiyo-3.jpg?resize=660%2C370&ssl=1

    When it comes to Somali women in politics, it is not easy for a woman to achieve significant political success in this country. Since independence, Somali women have not achieved meaningful participation in the political system.

    Many Somali women have accustomed to these circumstances and have given up their ambition to be part of the country’s leadership. But there are few women who are struggling to achieve their political ambitions and serve their nation in elected public office.

    Sadia Yasin was one of those women who did not give up. She has strived to achieve her seat at the table for a long time. Sa’dia has been in the political system for a while now and she has seen the system and the challenges women face through the different levels.

    She was one of the most vocal members of parliament in her first term as an MP, and she kept her parliament seat and was re-elected in the indirect elections held in Garowe during March 2022.

    Sacdiyo-2.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Before joining parliament, Sadia was one of those who went and settled in the diaspora, but she returned to the country to pursue a political career and serve her country. She was an advocate for human rights and civil society. In particular, Sa’dia spoke on behalf of the voiceless people in political and ethnic minorities in Somalia, particularly in Puntland. In addition to being a politician, Sa’dia is a mother.

    In 2016, she became a member of parliament for the first time representing her community, and was one of a number of women who won seats in the lower house of parliament. Sadia has been active in the Parliament and she engaged in political debates on the floor of the parliament.

    Sadia was also one of the lawmakers who criticized and opposed the administration which left office in May 2022. She saw that much of the country’s laws had been violated and needed to be corrected and those responsible held accountable.

    Five years after joining the parliament, Sadia’s belief was that she could be part of a positive change in the country. That is why she run again for her seat to be re-elected, and once again elected in an indirect election to represent her constituency in the parliament for another four years.

    Once re-elected, Sadia intended to run to be part of the leadership of the lower house, and her re-election gave her an opportunity to pursue her ambition as she was determined to do whatever it takes to achieve her goals.

    On April 28, 2022, Sa’dia was elected to be the first deputy chairperson of the Somali Lower House of Parliament. This was historic since she became the first woman to be elected to a leadership position in either house of the Somali parliament. This was a new day filled with hope and jubilation, she was elected to be the first deputy Speaker of the lower house of parliament.

    She has received war congratulatory messages and prayers for her success in her new position.
    Despite the duties and responsibilities bestowed on MP Sadia, the general public was happy, especially women who have been absent from the top positions in the country’s legislature forever.

    Sacdiyo-1.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1

    This meant a new page for the history of Somali women in politics, and it made a great and inspiring example to all with ambition and agenda to be engaged seriously in politics in order to represent and serve their communities at the decision-making tables of the country.

    “After being congratulated, that I became the first woman to win this position. I remember there were and still are Somali women who have fought for the country and the people more than any male politician who occupied top leadership of the parliament for many years. I believe this and other leadership positions should have been held by women already.” She said.

    Aside from the general challenges she shares with women politicians, Sadia faced challenges during her political journey and especially during her candidacy for this position. “Vying for this position has been very difficult for me. Many MPs were surprised when I told them I wanted their vote. Some of them saw me as a dreamer and told me, ‘If we give you our vote now, how far will it go?’

    Sadia, who was elected by among the 275-member lower house of parliament believes that although she is a woman, she will serve the people equally, both men and women.

    “Men are my father, brother, sons, and relatives. I will never look at how they treat us as women. I will serve my people as equal ” she added.

    Sadia strongly feels there is a huge need for women to be part of the country’s leadership, and she intends to play a role in getting more women to be part of the country’s decision-making process on behalf of society as a whole.

    Sa’dia’s plans to advocate in her new capacity for the needs of the communities and address the social injustices endured so long by large segments of the population especially minorities, which she has always advocated for.

    In conclusion, MP Sadia, the first deputy speaker of the Somali parliament intends to continue her political career and contribute to the development of her country.

    Through her political career, MP Sa’dia has exhibited grit, fortitude, and commitment to her ambition and goal in politics. She sets a good lesson in the potential and possibility of achieving increased women’s political participation in Somalia.

    Source: Women In Media Initiative Somalia (WIMISOM)

    The post Sa’dia Yasin: The First Woman in the Leadership of Somali Parliament appeared first on Puntland Post.


  17. Prof.Samatar oo isagaan ka bixin Xisbiga Kulmiye Urur Siyaasadeed Cusub kaga dhawaaqey Magaalada hargeysa+Magaca Ururka

    prof.jpg
    Prof Axmed Ismaaciil Samater, ayaa maanta Hargeysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed la yidhaahdo Hillaac.
    Doorashadii ugu danbaysay ee Madaxtooyada waxa uu ka mid ahaa xubnihii sida wayn yga Olaleeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

    Qaran News


  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa barqanimadii maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe, oo mudo bil ka badan ka maqnaa, oo sidoo kale uu kusoo guuldareystay doorashadii xilka madaxweynaha Soomaaliya.

    Saciid Deni ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeybgalay ku-xigeenkiisa khilaafka kala dhaxeeya Axmed Karaash, guddoomiyaha baarlamaanka, xubno ka tirsan xukuumaddiisa, xildhibaano iyo shacab.

    Saciid Deni oo ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada Somalia ee 15-kii May uu kusoo baxay Xasan Sheekh ayaa waxaa khilaaf ka dhex qarxay isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo sheegay in xilkii uu ka qaaday Deni maadaama uu jabiyay dastuurkii Puntland iskuna sharxay xilka madaxtinimada federaalka.

    Madaxweyne oo soo dhoweynta kadib hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa. Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada kasoo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sidoo kale si dadban u soo hadal qaaday khilaafka kala dhaxeeya kuxigeenkiisa Axmed Karaash iyo sababta keentay.

    “Markasta oo doorasho dhacdo dadku waa is qoonsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqaaney waa in aynu horey uga socona, laysna cafiyaa dibna aan la eegin,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Madaxweyne Deni ayaa wararka la helay ay sheegayaan in uu qorsheeyay isbedelo uu ku sameeynayo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee Maam

    Saciid Deni ayaa todobaadkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi oo arrimo qoys ah uu u tegay, halkaasoo ay ku xanuunsaneyso hooyadiis.

    Dhinaca kale, waxaa aad loo hadal hayaa in Saciid Deni uu ka mid yahay xubnaha damaca kaga jiro in madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo xilka ra’iisul wasaare, hase ahaatee rajadaasi ayaa ah mid aad u yar.

    The post Deni oo Garoowe ku laabtay kana hadlay doorashadii Xasan iyo khilaafka Karaash appeared first on Caasimada Online.